-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore socdaal ku tegay Magaalada Boorama, ayaa la sheegay in uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedkaiyo Haldoorka Gobolka Awdal,kuwaas oo la sheegay inay natiijo la’aan ku soo dhammadeen. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in wax-garad reer Awdal ay kale hadleen tabashooyin kale duwan oo ay ka tabanayeen Xukuumadiisa,kuwaas oo ay kamid ahayeen saamiga Xukuumaddiisa iyo qadiyadda Banka Wajeele iyo jidka Berbera Corridor iyo arrimo kale. Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahaa mashruuca banka Wajaale, mashruucaas oo sida aynu ka war hayno dan guud ah,hase-yeeshee dadka la degaanka ah ayaa lagaga daray degaano, Gobolka Awdal waxa ka jirta tabasho ah in Madaxweynuhu uu ku ciiray degaanka reer Dilla ,isagoo ugu magacdaray in Mashaariic horumarineed laga fullinayo Banka Wajaale,lakiin’se ay ka muujiyeen dhalliilo farra baddan.” Waxa uu intaas ku sii darray “Madaxweyne haddii aad horumarin ka fullinayso ka caddaalad samee, haddi aad maalgashi ka fullinayso ka caddaalad samee, haddii si kale looga faa’iidaysanayo aad ka samaynaysona ka caddaalad samee gacantaada ayey ku jirtaaye.”ayuu yidhi Xoghaye Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in reer Awdal ay Madaxweyne Biixi kale hadleen jidka Berbera Corridor,kaas oo laga leexinayo halkii saxda ahayd “Qoddobka kale ee Madaxweynaha lagala hadlay waxa kamid ahaa Berbera Corridor oo ah jid gacansi oo isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya , Berbera marka laga soo bilaabo ilaa Wajaale waxa uu maraa jidkaasi Degaanka uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi,saddex killo mitir oo keliya ayuu ka maraa Gobolka Awdal ,waxay dadku tabanayaa in saddexdii kiillo mitir ee uu ka marayey Gobolka Awdal uu Madaxweynuhu ka leexiyey uuna marinayo koonfurta Wajaale,Ganacsato ay isku hayb yihiina uu yidhi maalgashada,su’aalihii laga weydiiyey Madaxweynaha waxa aan xog oggaal u ahay in aanu wax baddan ka qancinin,lakiin waxa aanu ku leenahay Madaxweyne dalku waa dalkaagii addigaana ayaana Madaxweyne u wadda ah, waddada halkii uu sarfay-gu marray marri caddaaladana illaali Gobolka Awdal,waxa uu kamid yahay waddanka aad Madaxweynaha u tahay .”ayuu yidhi Geesta kale Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Reer Awdal ayuu sheegay in ay Madaxweyne Biixi kale Madaarka Magaalada Boorama iyo dhismaha jeelkii weynaa ee Gobolkaas,maddaama oo la iibiyey jeelkii hore “Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahayd ee kale madaarka Magaalada Boorama,kaas oo la weydiiyey inuu dhisayo iyo in kale waxa uu sheegay haddal aad uga nixiyey haldoorkii hor fadhiyey oo uu yidhi waxani ma Madaar-baa,Waxa kale oo lagala hadlay Madaxweyna jeelkii Magaalada Boorama ku yaallay oo maanta haddii qof in la xidho dadkii loo daad gurraynayo Gobollada kale iyo degmooyin kale ,Gabiley ,Hargeysa iyo Mandheera,Madaxweynuhu jawaab waafi ah oo lagu qanco taanna kama uu bixinin “ayuu yidhi Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ognahay in jeelkii hore la iibiyey ku kalena la dhisin ,lakiin illo xog-oggaal ahi waxay tilmaamayaan in jeelkaa laftiisa lacagtiisii la musuq-maasuqay, isla Madaxweynaha ayey ku maqan tahay,taana Madaxweyne addiga ayaa jawaab waafi ah lagaa sugayaa.” Gunnaanadkii Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa sheegay in kullamadii uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo qoor weynta reer Awdal ay ku soo dhammadeen natiijo la’aan”Kullamadii gooni goonida iyo guud ahaanba lahaa ee uu reer Awdal la yeesheen Madaxweyne Biixi waxay ku soo dhammadeen natiijo ma dhallays ah.”ayuu yidhi Source
-
Diyaarada Air Arabia ayaa maanta duulimaadkeedii ay ku iman jirtay Somaliland dib u bilowday, waxay soo caga dhigatay maanta 1:00 duhurnimo 19/9/2021 garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha Hay,adda Duulista oo uu horkacayo Maareeyaha Guud Cumar Sayid Cabdilaahi Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland xildhibaano iyo masuuliyiinta diyaarada Air Arabia. Source
-
Tan iyo intii uu Xisbiga KULMIYE qabtay xilka Madaxweynenimada dalka sannadkii 2010-kii,waxa isa soo tarayey mar-ba marka ka dabaysay dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Magaalada Laascanood,kuwaas oo ah qaar lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan. Dilalka qorshaysan ee mudda’daa 11 sanno ee uu xilka hayey Xisbiga KULMIYE ka dhacay Magaalada Laascanood,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiinta kale duwan,ayaa tiradoodu kor u dhaaftay 70 qof,kuwaas oo isugu jiray masuuliyiin iyo haldoorkii Gobolkaas,waxaana la sheegay in aan gacanta lagu dhigin inta baddan gacan ku dhiiglayaashii fallalkaasi geystay,iyadoo uu ugu dambeeyey dilaalkaasi qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Sool dilkii habeen hore loo geystay Marxuum Xildhibaan Cabdirasaaq Gardoofe oo 12 bishan September 2021-ka lagu dilay guddaha Magaalada Laascanood. Dhanka kalene Sannadkan hadda aynu ku jirno iyo sannadkii hore ee 2020-kii ayaa dilalka ka dhacay Magaalada Laascanood ay yihiin qaar lagu beegsaday nin doorkii Gobolka Sool,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan,kuwaas oo aan gacanta lagu soo dhigin cidii dilka u geysatay. 1. Guddoomiyihi Maxkamadda Laascanood Xasan Shiikh 2 march 2020 2. Taliyihi Sirdoonka Gobolka Cabdiqani Guhaad 16 march 2020 3. Guddoomiye ku- xigeenkii Maxkamadda Laascanood Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, 18 November 2020 4. Xubin katirsan Wasaradda Maaliyada Gobolka Sool Cabdirashiid 5. Guddoomiyihi Komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Labagole 31 Juun 2021 6. Xubin Golaha deegaan Magaalada Laascanood Cabdirisaq Cardoofe 12 september 2021. Geesta kalena Dilalka qorshaysan ee lagu ugaadhsanayo haldoorka Gobolka Sool ayaa u muuqda qaar xidhiidhsan,kuwaas oo isku mid ah, maddaama oo ay ka siman yihiin in aan la qaban oo aan gacanta lagu dhigin gacan ku dhiiglayaashii falalkaas ka dambeeyey. Xukuumadda KULMIYE ayaa inta baddan lagu canaantaa in aanay falalkaas si weyn uga hawlgelin,isla markaana aanay war-bixino ay ku qancaan bulshada reer Sool iyo gud ahaan-ba bulshada reer Somaliland ka soo saarin” ‘Dil Walba oo ka dhaca Laascaanood waxaa Masuul ka ah Somaliland,Dilalka Qorsheysan waxay ka bilowdeen magaalada Laascaanood 2010 , waana intii ay Somaliland Joogtey ,iyadaana masuul ka ah .”Sh C/Naasir Xaaji Axmed Source
-
Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax ayaa salluug ka muujiyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi,taas oo uu sheegay in aanay wax xil ah ka hayn beesho,isla markaana aanay metelin masiirka Beesha Wasiir ku-xigeen Yurub Abiib,maddaama oo ay tahay haweenay. Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan”Madaxweyne Muuse Biixi intii uu xilka qabsaday wax allaale wax uu noo dhiibay ma jirto Golayaashiisa Hay’addaha uu Magacaabo wax uu nagaga daray ma jirto,laba iyo sideed tannaad 82 ayaanu ahayn SNM dadkii nagaga dhintay illaahay ayaa oggaa ,waxa aanu ka dagaalamaynay dulmiga ayey ahayd ,beeshan dhexe dadka kalena wey dulmiday iyaduna wey is dulmiday,waxa aanu kamid nahay inta la dulmiyey .” Waxa uu intaas ku sii daray “Halka ay sartu ka qudhintay waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan wax-ba tirade nagu darrin ama saamiqaybsiga ayaananu kuba jirin annaga iyo beelo kale,waxa aanu leenahay dib ha loo eego Axdi qarameedkii beeluhu ay ku gadheen 1991-kii shirkii Burco “ Dhanka kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in aaanay gabadhi masiirka beesha matelin “Masiir ummaddeed gabadhi ma qaadi karto mana aqbali karno nama mateli karto,waayo waa dumaashiday weeye,beel ma noqon karto ,masiir ummaddeed qof dumar ahi ma qaadi karto oo illaahay ma oggola, annaguna ma oggolin “ayuu yidhi Geesta kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in Madaxweyne Biix uu khadka ka saaray beesha ayuub “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland wuu naga saaray khadka wax uu noo dhiibay ma jiraan walaa wasiir ku-xigeen ayaananu lahayn,beeshani cabasho baddan ayey qabtay inay la kullanto Madaxweynaha wey isku dayday,lakiin meel ay u marto ayey weyday, taas ayaa caddaynaysa in aanay meesha cidi noo joogin.” Source
-
Waxaa maanta [19/092021/ loo madlan yahay in jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland, gaar ahaan Amsterdam iyo agagaaraheeda ay dhageystaan natiijadii ka soo baxday baaritaanka guddiga dhexdhexaadinta [Tilburg] oo in muddo ah ku howlahaa in ay baaritaan ku sameeyaan khilaafka u dhexeeyey guddiga maamula masjidka Quba Amsterdam, waxaanna lagu wadaa in mushtamaca la wadaagaan wixii ka soo baxay baaritaaankooda, iyada oo qaddiyada ku saabsan khilaafka masjidka ay si weyn u dhibsadeen Soomaalida dalkan ku dhaqan & kuwa dacalada dunidda ku sugan. Khilaafka masjidka, wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim & Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka & howlwadeenada masaajidka. Guddiga maanta natiijada warbixintiisa la sugayo oo isugu jira odayaal indheer-garad ah fadhigooduna yahay Tilburg & Eindhoven ka sokow; Sidoo kale khilaafka dadka ku soo baxay ee degan Amsterdam iyo agagaarkeeda waxaa ka mid ah guddi ay xubno ka yihiin Cali Waare & Eng. Faysal oo ah aqoonyahanno ka mid ah hormuudka Soomaalida, waxaanna siddeedii cisho ee u dambeysay ee la sugayay natiijada baaritaanka dhacday 2 dhacdo oo xaalada khilaafka kaga sii dartay. Dhacdada hore, wadaadka Shiikh Suldaan Gasle ayaa Axadii shir uu isugu yeeray mushtamaca Soomaalida, madasha ka sheegay in sababta khilaafka keenay ee loo cayrsanayo ay kow ka tahay isaga oo hortaagnaa dhaqaalaha masjidka oo si shaqsi ah loogu tasarufay; dhinaca kale na wuxuu duray dhexdhexaadnimada guddiga odayaasha Tilburg. Dhacdada 2aad ayaa aheyd; 14-kii bishan in Shiikha xilli habeenimo ah loo geeyey warqad lagu wargelinayo in marka subaxa la gaaro inuu masjidka isaga tago, waxaana Shiikhu arrintaasi uu ku wargeliyey qaar ka mid ah mushtamaca Soomaalida, isla subixii loo balansanaa in Shiikhu isaga tago masjidka waxaa afaafka hore ee masjidka soo buuxiyay dad Soomaali ah, una badnaa dumar iyada oo sawaxankii & qeylada dadkii u soo baxay inaan Shiikha masjidka laga saarin ay sababtay in boolis goobta uu yimaado, waxaanna xaaladu ku dhammaatay in Shiikha amar lagu siiyo inuu masjidka isaga tago. Muuqaalada shaashadaha laga arkay ee tilmaamaya Shiikhii iimaamka ka ahaa masjidka tan & markii la aasaasay, dad badanina u aqoonsanaayeen inuu ahaa [Shiikhul-balad] waxay noqotay dhado dad badani ka careysiisay. Dadka qaar doodoodu waxay aheyd xittaa calal-aqal haddii Shiikhu qaldanaa waxay aheyd inuu ku baxo xaalad taasi ka duwan. Labadaas dhacdo ee dhacay intii ay dhexdhexaadintu socotay waxay soo xireen albaab kasta oo suurtagelin karay in khilaafkaasi waqtiga dheer soo jiitamayay xal loo helo. Wareysiga maanta aynu la yeelanay Guddiga masjidka ku haray, oo ahaa waraysigii ugu horreeyey ee ay bixiyaan Guddiga, iyaga oo sababaha aamusnaantooda dheer ku sheegay in uu jiray heshiis laga saxiixay labada daraf markii ay dhexdhexaadintu billaabaneysay, heshiiskaas oo qeexayay in labada dhinac aysan saxaafadda la hadli karin inta guddigu howshiisa baaritaanada uu soo dhammeysanayo, iyada oo laga duulayo in xaaladda aan looga sii darin. [Heshiiskii oo qoraal & saxiix ah waxaa na tusay C/llaahi Qalaf & Guuleed Wayrax]. Kulanka saxaafadda ay isugu yeereen guddiga ku haray masjidka waxaa goob joog ka ahaa Guuleed Wayrax, Shiikh Ibraahim oo loo yaqaan [Abuu-Khadiija], C/llaahi Khalaf, Xassan Barre, Guuleed Xersi & xubno kale. Guddiga masjidka waxay u xilsaareen in su’aalihii saxaafadu ay weydiisay guddiga inuu ka jawaabo Guuleed Wayrax oo maamulka guddiga ka tirsan. Guddiga ayaa sidoo kale fursad u siiyay saxaafadda in ay la wadaagaan dokumintis muujinaya heerarka khilaafku soo maray. Su’aalaha la weydiiyay Guuleed waxaa ka mid ahaa; Inuu si koobban u sharaxo sida khilaafku ku bilowday & marxaladihii uu soo maray, wuxuuna ku jawaabay: “Masjidka wuxuu ku aasaasmay dad walaala ah oo isu tegay, Jaaliyadii SOMVOA ee xilligaasi jirtay ee aynu ka wada tirsaneyn waxay ka koobnayd qeyb howlaha ishtimaaciga u xilsaarnaa, waxaanna horkacayay waddaadada & qeyb maamulka qaabilsan, walaalo uu ka mid ahaa Abuu-Khadiijo oo magaalada nala dagan ayaa qeybtaas hayn jiray aniga iyo walaalo kale waxaan kaga soo biirnay Amsterdam west, intii aan masjidka la aasaasin waxaan si weyn kaga qeybqaadan jirnay marka dalkeena ay ka dhacaan arrimaha masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha, mushtamaca dalkan Holland degan waxay kaga duwan yihiin Soomaalida kale ee qurabaha waa dad aan shaqo ku lahayn qabiil & xisbi oo midnimo ku caana-maala, waana tan dhaxalsiisay in masjidkan oo ka mid ah masaajidada ugu quruxda badan dalka, kuna yaal xuduntii dalka in ay dhistaan. “Fikirka quseeya in loo baahan yahay masjid, wuxuu yimid markii ay nagu yaraatay goobtii masaajidka & dugsiga ee waddaadu ay ku shaqeynayeen, waxaanna is tusnay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo muásasaad ballaaran, howsha masjidka waxaan bilownay 2007, muddo kaddib Shiikha ayaa ku wargelinay, markii aan aragnay in lacagtii la uruuriyay ay badan tahay ayaa billownay raadinta dhul aan ribo lahayn, mu’asasada waxaa ku qornaa Nuuradiin, Abuu Khadiija & Guuleed markii la aasaasayay 2008-dii, 3 sanno kaddib oo ku beegneyd 2011 ayaa go’aansanay in Shiikha ku soo biirino guddiga, waxaanna ka dhignay Guddoomiye. Markii masjidku furmay howlo badan ayaa soo fakaday, jaanibyo badan ayaa u baahday in howshooda la tayeeyo, sida in dadkii masaajidka ku xirnaa in la badiyo, tabarucaada oo uu masjidku ku socday la xoojiyo, dhinicii tahliinta iyo dacwada la ballaariyo, waxaa dhacday in dhinicii dacwada sidii la rabay horumar looga gaari waayo, khilaafka wuxuu salka ku hayaa horumarkinta dacwada & khidmada masaajidka. Annaga muddo badan ayaa isku daynay inaan qaab is fahan ah ku wajahno, waa dhalan waysay isfahamkii, halkaas ayuu khilaafku ka bilowday. Teeda kale, intii howsha dhedhexaadintu socotay khilaafka waxaa ku soo baxay dhinacyo badan waxaa ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo UK joogta, go’aankoodu wuxuu ahaa in Shiikhu dacwada uu ekaado howlaha maamulkana uusan soo fara gashan, sidaas ayaa lagu xaliyay shiikhana waa aqbalay, muddo kaddibna khilaafku wuu soo noqday. Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay, Arrimaha Shiikhu idinku eedeeyey waxaa ka mid ahaa; ku-takrifal hantida masjidku leeyahay, doodaas maxaad kaga jawaabaysaan.? “Masaajidka lacagaha ka baxaayo Accoun-ka masaajidka wuxuu leeyahay 3 kaar bangi. Lacagaha la isticmaalo waa lacago maalin walba [daily] la isticmaalo, waxaanna ruqsad loo weydiiyaa 3 qofood oo kala ah: Shiikh Suldaan, aniga & Cabdullaahi Qalaf, lacagaha ka baxsan [daily] waxay ku baxaan ogolaanshaha aniga & Shiikha, mana jirin lacag qasnada masjidka ka baxday oo aanu Shiikhu saxiixin Waxaan haynaa lacag kasta oo masjidka qasnada ku soo dhacday & sida ay ku baxday. Guuleed, waxaa kale oo la waydiiyay su’aal ahayd; Haddii loo baahdo in baaritaan lagu sameeyo bangiga masaajidka lacagihii soo galay & sidii ay lacagahaasi u baxeen xilligu Shiikhu sheegayo in wax la is-daba mariyay baaritaan madax bannaan ma ogoshihiin.? Wuxuu ku jawaabay: “Haa, sannad walba xisaab xir waa la sameeyaa hay’aad annaga naga madaxbanaan ayaa sameysa wax kasta oo aan sameynayo isaga oo digital ah ayaa la hayaa, way sahlan tahay in qofku hadal iska yiraa, laakiin cid kasta ee wax sheegta waa in ay cadeysaa, marka Shiikha ha na tuso lacagta lagu tasarufay” Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd; Dadka Soomaalida ah ee u aqoonsan Shiikha inuu masjidka oday ka ahaa, kana careysan sida aad Shiikha ula dhaqanteen ama ku sagootiseen maxaad dadkaasi oran laheydeen.? Guuleed, wuxuu ku jawaabay: “Waxaa ina qabsatay 2 darran mid doorta, Shiikhu iyada oo natiijadii baaritaanka laga dhur-sugayo isagaa booliska dacwad geeyey oo [Aangift] sameeyey, booliska inuu masjidka yimaado annagu raali kama aynaan ahayn, umana yeerin. Shiikha dadka isaga ayaa u yeeray oo cajalad u duubay, waxaa nasiib darro in dadkii yimaaday aysan dhihin war Shiikhoow xaalada deji, annagu ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan Shiikha la hadalno oo aan dhahno warqada gurigaaga ku sug, dadkii xittaa markaas yimid ee careysnaa markii ay booliska tageen waa aan dhageysanay, horayna waa isugu daynay inaan dejino, markii dambe cabashadooda waa dhageysanay. Su’aal kale, oo la weydiiyey waxay aheyd, Markii boolisku yimid waxaad tiraahdeen Shiikha ha baxo, dadka bannaanka dhoobana ha la hadlo, sidii ayeey boolisku yeeleen, shalay Video aad soo duubteen waxaad sheegtay in Shiikha aydnaan ku qasbin inuu baxo, hadaladiina sow is khilaafi maayaan.? Guuleed, wuxuu sheegay in Shiikha ay ku wargeliyaan bixitaankiisa, balse aysan ku qasbin xilliga uu baxay. “Boolisku, markii uu yimid ee dadka uu sarta ka saaray annaga iyo Shiikha waa ay nala kulmeen, Shiikha waxay ka dalbadeen inuu dadka kala diro, isagana uu iska baxo, markuu bannaanka u soo baxay wuxuu ku yiri dadkii meesha isugu soo baxay, raggani booliska waxay ka dhaadhiciyeen inay yihiin milkiilayaal [Eigenaar], wuxuuna u sheegay in hantidooda oo ay iyagu leediyihiin ay si kale u dhacsadaan. 9-ka subaxnimo inuu baxo ayeey aheyd waxaan dhahnay ha iska joogo isaga waqtiga uu rabo ha baxo. Booliska markii uu nala fadhiyay waxaan ku niri wixii dhexdeeana ah annaga ayaa xalineyno, dumarka maadaama shiikhu u yeeray annaga iyo Shiikha oo wada jirna inaan dadkaas hor istaag markii uu soo baxay Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay sida uu arko in waddaadadu xilligii ururkii SOMVOA iyo maamulkiisa ay is-qabteen inay ku doodeen in boolis loogu yeeray, in ku dhowaad 15 sanno kaddib iyagii ay boolis isugu yeeraan, sida uu tillaabadaasi u arko.? Guuleed wuxuu sheegay in waddaadadu marnaba aysan oran boolis ayaa na loogu yeeray. “Walaalaha SOMVOA waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee aan ku wargeliyay markii dhulka la gaday, weliba waxaan ka dalbanay in ay dhismaha na la soo dagaan inkastoo markii ururkaasi burburay” Ayuu yiri Guuleed Wayrax Arrinta kale, ee ay muhiimka tahay in halkana lagu xuso ayaa ah; been abuur laga sameeyey walaal Guuleed Xersi oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka u qidmeeya. Warbixinadii hore ee masjidka laga qoray mid ka mid ah ayaa lagu xusay in maamulka masjidku iyaga oo isticmaalaya dhaqaalaha masjidka in baabuur taksi ah ay u iibiyeen Guuleed Xirsi. Baaritaan ay saxaafaddu sameysay markii uu warkaasi baxay waxaa la soo ogaaday in Guuleed Xirsi uu arrintaasi beri ka yahay, taksiga uu wato-na uu ku iibsaday lacagtiisa. The post Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen. Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub. Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob. Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin. Source
-
Maxkamadda Sare Oo amartay Wasaaradda Gaadiidka in ay dib u eegis ku samayso lacago kala duwan oo laga qaado Gaadiidka Dekedda Berberaa ka soo degaya. Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aamo ay shalay soo saartay, waxa ka mid ahaa in ay Wasaaradda Gaadiidku dib u eegis ku samayso lacago ay la cowdeen Gaadiidlaydu, kuwaas oo ay ka qaado Wasaaradda Gadiidka, waxaana lagu yidhi go’aankan Maxkamadda sare ” Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. Source
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalmaha soo socda wada-hadal taleefon la yeelan doona dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, xilli ay xiisad diblomaasiyeed ka dhex oogan tahay labada dal ee xulufada ah, waxaas sidaas sheegay afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Gabriel Attal. France waxay raadin doontaa “sharaxaad” ku saabsan baabi’inta dalab ay Australia ku iibsan laheyd gujisyada Faransiiska, kaasi oo hadda ay ka iibsaneyso Mareykanka, sida uu Attal u sheegay taleefishinka BFM TV. Dhinaca kale, Australia ayaa maanta difaacday ka bixidda heshiiska gujisyada Faransiiska, waxayna sheegtay in muddo bilo ah ay Paris la wadaageysay walaacyo ay ka qabto, kahor inta aanay heshiis cusub la saxiixan Mareykanka iyo Britain. “Kama shaleynayo go’aanka aan danta qaranka Australia uga dhigay midda koowaad,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Scott Morrison. Australia ayaa ka baxday heshiis ay 2016 la gashay shirkadda Faransiiska ee Naval Group ay ugu dhisi laheyd gujisyo, waxayna Khamiistii ku dhowaaqday inay sideed gujis u dhisi doonaan Mareykanka, taasi oo qeyb ka ah heshiis amni oo ay sidoo kale Britain ku bixin doonta taknoolajiyadda. Tallaabadan ayaa ka carreysiisay France, oo xulufo NATO la ah Mareykanka iyo Britain, taasi oo dhalisay inay u yeerato safiiradeeda Washington iyo Canberra. Marrison ayaa sheegay inuu dareensan yahay niyadjabka Faransiiska ee baabi’inta dalabka oo lagu qiimeeyey 40 bilyan oo dollar, hase yeeshee wuxuu ku celiyey in Australia ay go’aanadeeda u qaadato si waafaqsan danteeda ugu wanaagsan. “Tani waa arrrin bilo ka hor aan shaqsi ahaan usoo hadal qaaday, waana ka wada-hadleynat arrintan, ayada oo uu qeyb ka yahay wasiirka difaaca” ayuu yiri Morrison. Heshiiskan cusub ayaa wuxuu horseeday xasard diblomaasiyad oo ka dhex-qaraxday Washington iyo Paris, taasi oo fallanqeeyayaasha ay sheegeen inuu horseedi karo waxyeelo raagta oo ku timaada isbaheysiga Mareykanka ee Faransiiska iyo Yurub. Paris ayaa baabi’inta heshiiska ugu yeertay “dhabarka oo laga mindiyeeyey,” ayada oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jean-Yves Le Drian uu sheegay in xiriirkooda Mareykanka uu ‘qalalaase” galay. REUTERS + VOA The post Xiisadda Faransiiska kala dhaxeysa Mareykanka iyo Australia oo xaalad cusub gashay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey Xeer Muhiima ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen. Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub. Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob. Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin. Qaran News
-
Al-Shabaab oo buburisay Garoon diyaaradeed oo cusub & Dhismayaashii Nasashada + Sawirro Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran. Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac. Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay saacado badan, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan maamulkaasi. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweyne Lafta Gareen oo qeyb ka ah mas’uuliyiinta ku howlan qaboojinta xiisadda ka taagan dalka. Baydhabo ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee Soomaaliya. Si kastaba, kulamadan siyaasadeed ee is-daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah dalkana ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagu bur buriyay qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha degmada. Qaraxa ayaa la sheegay in si gaar ah uga dhacay qeybta dadka shacabka ah ay ku sugaan diyaaradaha, xilli uu ka dhashay qaraxa khasaaro isugu jira mid hantiyadeed iyo Mid naftaba. Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Degmada Buuloburte. Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ka dambeeyen Ururka Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran. Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac. Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. The post Al-Shabaab oo qaraxyo ku buburisay garoon diyaaradeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo ah aqoonyahan, Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeyso madaxda dalka iyo sidoo kale doorka beesha caalamka ee ku aadan khilaafkooda. Culusow ayaa wareysi uu siiyey VOA-da uga hadlay suurtagalninad culeys ka imaan kara beesha caalamka oo haatan si dhow ula socoto khilaaf u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble. Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda DF? Dr Culusow ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamku leeyihiin awood ay wax ku yiraahdaan, si cadaadis xoogan loo saaro madaxda Soomaaliyeed ee is khilaafsan. Aqoonyahankan ayaa sidoo kale xusay in beesha caalamku ay tix-gelineyso dareenka madaxda Soomaaliyeed iyo garashooda, si ay iyagu xal wada gaaraan. “Waa leeyihiin inay awood wax ku yiraahdaan, laakin runtii illaa iyo hadda la xeyrinayaa in la tix-geliyo iyaga dareenkooda iyo garashadooda,”ayuu wareysigan ku yiri Dr Culusow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tiirsan tahay kaalmada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho dalalka beesha caalamka. “Soomaaliya maanta waxay ku tiirsan-tahay kaalmada taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dowladaha maanta gacanta siiya Soomaaliya, sida Yurub, Mareykanka iyo dalal kale,” ayuu markale ku yiri wareysigaan Dr Maxamuud Culusow siiyey Idaacadda VOA-da. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shirka maamul goboleedyada ee ka dhacaya Garoowe, wuxuuna sheegay in isna cadaadis lagu saari karo madaxda dalka inay kala saaraan doorashooyinka iyo kiiska la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo cadaalad u baahan. “Madaxda dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kaleba waxa ay kaalin weyn ku leeyihiin in ay culeys saaraan madaxda is khilaafsan si ay heshiis uga gaaraan, in la kala saaro arrimaha doorashooyinka & Kiiska Ikraan Tahliil oo u baahan Cadaalad,” ayuu sii raaciyey. Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha. The post Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: The Shortfall of Non-Binding Union Before the union Somaliland was a sovereign nation after Somaliland obtained its independence from the British government on June 26, 1960, the two independent sovereign nations Somalia and the Republic of Somaliland formed a union. Unfortunately the union was not legally binding according to the international law. “The unification effort, however, fell short of the legal requirements mandated by domestic and international law.With nothing more than the recognition of other states to testify to the existence of Somalia as a unified state … …On January 31, 1961, the National Assembly proclaimed a new Act of Union, repealing the Union of Somaliland and Somalia Law and made the Act of Union retroactive as from July 1, 1960.’ The act of ‘repealing’, however, was not effective in all of Somalia.’ Furthermore, since the South, in negotiation with Italian officials, drafted the constitution, northern politicians could make only marginal changes.” The referendum on the Constitution in June 1961 reflected Northern resentment of Southern power. The SNL successfully campaigned against ratification, contributing to the low turnout in the North; only 100,000 voted” (Carroll & Rajagopal, 1993). Today Somaliland is a sovereign nation with all the requirements of statehood fulfilled, democratic, peaceful with fully functioning institutions, contrary to its neighbor in the southern border still under the support and the protection of the international community. Therefore, it is imperative that the international community and the United Nations review and reinstate its original status as of June 26, 1960, and recognize Somaliland. Immediately, following the union of July 1, 1960, Somalilanders found themselves marginalized and were sidelined from power-sharing in new the government. Hence, young junior officers led by Hassan Abdillahi Walanwal (Hassan Kayd) dissatisfied with unfair promotions attempted unsuccessful coup. Key government cabinet positions such the presidency, the prime minster, foreign minister and many high level positions were given to members of the former Italian colony of Somalia. Somalilanders were offered very low level cabinet positions such as Ministry of Agriculture and few managerial positions. The young junior officers’ attempted coup paved the way to a of period unarmed struggle, mainly to create awareness, educate and counter the powerful soviet style propaganda of the brutal dictator of Siad Barre regime, by Somaliland educators, writers and artists such as Mohamed Ibrahim Warsame ( Hadrawi) a prominent poet, songwriter and an educator, the late Mohamed Hashi Dhamac (Gaarriye) Aun, a legendary poet and several other including Abdi Adan Xayd (Qays). The years that followed during the 70s through 80s were the nucleus of the entire movement that made possible the smooth transition from awareness and education to that of armed struggle and eventually the creation of SNM (Somali National Movement). On May 18, 1991, Somaliland reinstated its sovereignty that ones slipped the hands of their leaders in the name of “Greater Somalia” and Pan-Somalism which never came to fruition. The next phase of the struggle still continues today until Somaliland gains its place in the international body of nations and community and until its sovereignty is reinstated among nations. Somalilanders both abroad, local and government institutions must present themselves as ambassadors to the cause of Somaliland recognition. Foreign Ministry must define goals and establish a plan with road map, broken into milestones with deadlines and schedules. It must be continuously re-evaluated and changed if obstacles are encountered along the way. Reports must be generated periodically with lessons learned and accomplishments achieved. I laud the recent speech of the new Foreign Minister, H.E. Essa Kayd Mohamoud expressing the need for renewed urgency in search for recognition during the recent Somaliland Diaspora Conference in Hargeisa. By Mohamed Adan Samatar Carroll, A. J., & Rajagopal, B. (1993). The Case for the Independence Statehood of Somaliland. Digital Commons @ American University Washington College of Law | American University Washington College of Law Research. https://digitalcommons.wcl.american.edu/cgi/viewcontent.cgi?article=1877&context=auilr Qaran News
-
Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi ay u qabteen laba qof dil loogu geystey dalka Canada nin asalkiisu ahaa Soomaali. Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xidhay laba eedeysane oo lala xidhiidhinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi. Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka. Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg. Dalka Canada ayaa waxaa ka dhaca dilal badankood dadka geysta ay ka baxsadaan cadaalada hase yeeshee qabashada labadan eedeysane ayaa waxaa soo dhaweeyay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool dalka Canada Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag wuxuu uga hadlay buuqii xalay lagu sameeyey doorashada Aqalka Sare, gaar ahaan kursiga UH #14 oo dib loo dhigay, kadib markii ay xubno ka tirsan Golaha buuq ka sameeyeen hoolka. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in guddoonka uu gudbiyey dacwad ka dhan ah xildhibaanada buuqa sameeyey, si looga tiigsado sharciga u yaalla. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood lagu qaadayo waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka. “Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq. Siraaji ayaa intaasi kusii daray in doorashada kursigan la qaban doono isla maanta, maadaama xalay fowdo ku sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada. Kursigan oo ah kii lixaad oo doorashadiida lagu qabanayo Jowhar ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen. Si kastaba doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in saddex kursi ee ugu dambeysa lasoo doorto saacadaha soo socda. The post HirShabelle oo tallaabo ka qaadeyso xubnihii buuqa ku sameeyey doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay markii u horaysay axsaabta mucaaradka doorka lexejeclada ah ee ay dalka kaga jiraan horumarkiisa iyo nidaamka geedi socodka doorashooyinka. Sidoo kale, wuxuu qiray guushii axsaabta mucaaradka ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee 31 May 2021, kuwaas oo loogu awood sheegtay xisbul xaakimka uu guddoomiyaha ka yahay ee KULMIYE, balse Madaxweyne Biixi wuxuu xilligan Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda ku amaanay doorka ay ka qaateen hannaanka doorashooyinka dalka. Madaxweyne Biixi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa in aanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo, waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaa ayaynu horumar ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi. Source
-
Ka hor inta aynaan u gelin kharashaadka ku baxa xafladdaha qallinjebinta, waxa ay dul-istaagi doonaa Daraasad uu sameeyay mac-hadka cilmi baadhista Heritage ee Muqdisho ku yaala sanadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu waraystay 44 jaamacadood oo ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Kismaayo.Tirada ardayda ee jaamacadahaas dhigtay xilligaas waxa ay ahaayeen 51,471 arday sida daraasadda lagu sheegay. Waxaana dhigaysay macalimiin dhan 2501 oo ka dhigan in 21 arday oo kasta uu ku soo beegmo hal macalin. Jaamacadihii daraasadda lagu sameeyay 68% waxa ay bixinayeen maaddooyinka kombuyuutar (computer)-ka la xidhiidha, balse waxaa la yaab lahayd in 15% ka mid ah guud ahaan ardayda dhigata jaamacadaha ku yaal koonfurta-bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland ay ka diiwaan gashan yihiin kulliyadaha la xidhiidha computer-ka. Daraasadda waxaa kale oo lagu ogaaday in baaxadda cilmi baadhiseed iyo bandhig qoraallada jaamacadaha dalka oo idil ayaa aad u hooseeya. 15 ka mid ah 44-ta jaamacadood ee la daraaseeyay ayaa sheegatay in ugu yaraan ay ka qayb qaataan hal bandhig qoraaleed (academic publication). Kharashka ku Baxa xafladaha Qallinjebinta. Inta badan wakhtiyadan oo kale waxa guud ahaan Soomaalilaan ka dhaca xafladaha ay dhigayaan jaamacaddaha dalka gudihiisu. Kuwaasi oo ay ku qallinjebinayaan ardaydii muddooyinkii ugu dambeeyey soo waday waxbarashadda Jaamacadda. Waxa aynu qormadan ku soo bandhigi doonaa dhammaan kharashaadka ku baxa ardayda jaamacaddaha wakhtiyadan qallinjebinta ee dhiig baxa ku waalidiinta hayntoodu yartay ama aan waxba haynin. Waxa aynu u kala saari doonaa inamada iyo hablaha kharashka ku baxa iyo weliba kan ay jaamacaddu qaadato: Jaamacadduhu inta badan waxa u go’an inay arday kasta ka qaadaan $100. = Kharashka ku baxa inamada: suudhka uu xafladda qallinjebinta u xidhinayo $75, wiilka Kamarada sawirada ka qaadaya oo maalintaasi oo dhan la soconaya $50, kirada baabuurka xafladda geynaya $ 50, sharraxaada baabuurka $25. Haddii wiilka qoyskiisu casuumad u sameeyaan waxa ku baxaya $70. Markaa isku geynta kharaska wiilk ku baxayaan wuxuu dhan yahay $370. = Kharashka ku baxa hablaha: dharka xafladda qallinjebinta $200, lacagta koofeerka ku baxaysa $ 50, wiilka Karamada $50, kirada baabuurka iyo sharraxaadda $75. Inta badan hablaha waxa xafladdo loogu qabtaa guryaha ama hudheellada. Xafladda guriga waxa ku baxa $25 keeg ah iyo $50 sharaab ah. Xafladda hudheellada waxa ku baxa $ 30 keeg ah iyo tirada dadka ka soo qaybgalaya oo mid $5 loogu dhufto. Tusaale ahaan haddii 60 qof la casuumo waa 5×60= $300. Markaa isku geynta kharaska ku baxaya hablaha waa $450. Haddii ay inantu xafladda ku qabsato hudheel wuxuu kharashku noqonayaa $675. Xogtan ururinteeda waxa ka qaybqaatay Garyaqaan C/casiis Axmed Yoonis. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan gudaha Villa Soomaaliya. Qawdhan ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aanta doorashada ah, isla-markaana lagu xalin doono magaalada Garowe. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafkan oo sameeyey doorashooyinka uu kusoo dhammaan doono caasimada Puntland ee Garoowe. “Khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Cabdi Ibraahim Warsame. Sidoo kale Cabdi Ibraahim sharraxaad kama bixin sida ay Puntland ku wajaheyso dhex-dhexaadinta labada ma’uusl ee ugu sarreysa ee dalka, si loo soo afjaro khilaafkooda. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirka gaarka ah ee ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin Garoowe, isaga oo si weyn u boggaadiyey shirkaasi. “Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay Puntland ay diyaar u tahay in la sii amba qaado doorashooyinka, si looga gudbo xaaladda guurka ah ee haatan lagu jiro. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland horay u qaadacday shirkii golaha amniga qaranka oo uu dhowaan iclaamiyey nadaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. The post Puntland oo shaaca ka qaaday inay xalineyso khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Shir deg deg ah oo ay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa lagu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah. Kulankan ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha Ammaanka ayaa warbixin looga dhageystay Ergayga xoghayaha guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya . Shirkan ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Soomaaliya ka jirta hadda, iyadoo dhamaan daneeynayaasha ay ku baaqeen in la dhowro heshiisyadii doorashada ee la gaaray. “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada -hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay muddadii lagu heshiiyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com