Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo. Afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dib ay ka soo shaaci doonaan goorta la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey. “Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid. Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax. Hase yeeshee Fahad Yaasiin hadda waxaa loo diiday inuu dalka soo galo, taas ayaana keentay in shirkaan uu baaqdo, Fahad ayaa shalay laga celiyey Jabuuti, isaga iyo rakaabkii la socday, waxaana maanta Muqdisho timid diyaaradii shalay ku celisay Istanbuul – Turkiga. The post Villa Somalia oo go’aan cusub kasoo saartay shirkii Golaha Amniga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  2. NAIROBI (HOL) - Former Deputy speaker in Kenyan parliament Farah Maalim has pleaded with President Uhuru Kenyatta to 'order the release' of political analyst Abdiwahab Abdisamad. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen Shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo Shirkadaha Gaadiidleyda kuwaasi oo ka kala cabanayay adeegyo loo xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka, ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda muddo sannad ah, waxay sidoo Maxkamaddu ayiday go’aamo ay Hay’adda Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya, geesta kale waxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera ee kala ah:- Ganaaxa basaska gurran. Badqabka gaadiidka (BBG). Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:- Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajinayay in caymiska gaadiidka la qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021. Guddida Garsoorka Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye Maxamed Cumar Geelle Xubin Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi Wa bilaahi Tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
  4. Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  5. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii uu warbixin siiyey eregyga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya James Swan. “Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac qoto dheer ka muujinayaan khilaafka sii socda ee ka dhex-jira dowladda Soomaaliya iyo saameynta taban ee uu ku yeelanayo hanaanka iyo jadwalka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka. “Golaha Ammaanka waxay ku boorinayaan dhammaan saamileyda inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimadda joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.” Xubanah Golaha Ammaanka ayaa sidoo ku booriyey dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, danta shacabka Soomaaliyeed darteed. “Waa inay muhiimadda siiyaaaan qabashada doorasho nabad ah, daah-furan, la isku haleyn karo islamarkaana loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda, si waafaqsan heshiisyadii 17-ka September iyo 27-ka May,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijiyaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed aanu ka weecin ficil loo mideysan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey ixtiraamka ay u hayaan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, seeraha dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. The post DEG DEG: Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  6. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka tyaaqshiid & degmada shibis, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,. Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Hey’ada Guryasamo Axmed Abshir geedi Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed “Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariha Hyundai-ga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood “Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyaya abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan” Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid mudane Axmed C/laahi Cariif oo aa doo bogaadiyay kalinta muuqata ee shirkadda isgaarsiinta somtel ‘Waxaan goob jog u ahaa Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood taasoo lagu qabtay Hotel Elite ee magaalada muqdisho Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 9aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waxaan leeyahay soomaaliyeed waad qaadatay kaalintii laga sugayay shirkadda dadweynaha soomaaliyeed ay wax ku leeyihiiin taasoo laga rabo inay u damqato bulshadeena jilicsan” Waxaa sidoo kale munaasabada Cusmaan Saalax Muuse oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan ‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano” Waxaa erayo kooban munaasabada ka sheektay Xafso Axmed Yusuf oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah “Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay” Ugu danbeyntii waxaa Shucuurteeda Cabirtay Najmo Cabdi Muuse oo ku guuleysatay Labtop ‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada oo aan dhawaan qoraayo Madaxa Waaxda ganacsigaee Somtel, Mudane: C/lahi Cali Caamir oo soo xiray munaasabadda macaamiisha lagu abaalmarinayay ayaa yiri “Dhammaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai oo ay horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi qaba si shirkadda ajar fara badan ugu hesho.” The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 9-aad abaal-marisay 1000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal aad looga naxo ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Waaberi, halkaasi oo wiil dhallinyaro ah ii isku dilay. Wiilka dhallinyaro ah, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo Harqaan ku lahaa meel u dhow isgoyska Dabka ayaa isku dal-dalay gudaha xaruntiisa Ganacsi. Waxaa la waayey maalintii Khamiistii aheyd markaas oo la waayey nolol iyo geeri. Ehelada wiilkaan ayaa go’aansaday maanta inay jabiyaan xaruntiisa, waxaana si lama filaan ah loo arkay isagoo ku xiran xariga uu isku daldalay, oo meyd ah. Lama ogo waqtiga rasmiga ah ee uu Cabdiraxmaan is daldalay maadaama la waayey Maalintii Khamiista aheyd, waxaana loo badinayaa inuu is daldalay Jimcihii, sida ay sheegeen xubno ka mid ah ehelka. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaan dhallinyarada ah uu maalmihii dambe ku jiray buuq dhanka qoyska ah, oo aan faah-faahin laga bixin. Cabdiraxmaan ayaa qoray warqad dardaaran ah oo uu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo laba caruur, warqaddaas oo laga ag helay meydkiisa. Wiilkaan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Degmada Waaberi, wuxuuna muddo dhowr sano ah ka shaqeenayey tolista dharka noocyadiisa kala duwan. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray xarunta uu wiilkaan isku daldalay ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista ee CID. The post Daawo: Wiil dhallinyaro ah oo isku daldalay xaruntiisa ganacsi ee Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  8. PRESS RELEASE Djibouti’s First National Strategy on Migration Targets Challenges from Horn of Africa The strategy will offer help and promote sustainable livelihoods for migrants impacted by conflict, protracted crisis, climate change and the lack of jobs in the region DJIBOUTI CITY, Djibouti, September 18, 2021/ — Host to 150,000 undocumented migrants and a transit hub for thousands of others from the Horn of Africa heading to the Gulf, Djibouti aims to improve their welfare and that of hosting communities through the country’s first National Strategy for Migration, launched with the support of the International Organization for Migration (IOM). The strategy will offer help and promote sustainable livelihoods for migrants impacted by conflict, protracted crisis, climate change and the lack of jobs in the region. “We hope that this new strategy will contribute to the economic and social prosperity of the country but also to the welfare of migrants,” said Stéphanie Daviot, IOM’s Chief of Mission in Djibouti. “This is the result of consultations conducted for several months with all relevant stakeholders.” Launched in the capital this week, the strategy will help coordination between the country’s institutions on migration laws, policies, and future legislation, as well as promoting awareness of the rights of migrants, and their humanitarian and protection needs. It will also support the National Coordination Office for Migration, which is the main interlocuter for partners working in the area of migration. With a population of only a million people, Djibouti is bordered by Ethiopia, population 112 million, and Somalia, with more than 15 million people, and thousands of migrants mostly from these countries head through Djibouti seeking safety, security or work, primarily in the Gulf nations. Over half (55 per cent) of the more than 9,900 migrants who arrived in Yemen from the Horn of Africa in the first half of 2021 had travelled through Djibouti, then across the Gulf of Aden. Many die along the way, from starvation and dehydration in harsh desert conditions. Hundreds are targeted by traffickers and smugglers, risking exploitation and gender-based violence. Increasingly, women and children are transiting through Djibouti. According to the IOM Missing Migrants Project, 97 migrants, including 16 children, have died crossing the Bab al-Mandeb Strait for Yemen since the beginning of 2021. IOM’s country strategy for Djibouti (2021-2024) will support implementation of the government’s initiative and enhance collaboration between key migration stakeholders in the country, including civil society and other UN agencies. The development of the National Strategy on Migration and IOM’s Djibouti plan was financed within the framework of the European Union-funded “Sustainable solutions for the most vulnerable host populations, refugees and migrants in Djibouti” project. “This new strategy is a decisive step towards effective migration management, in accordance with the commitments made by the Republic of Djibouti, during the signing of the Global Compact on Migration in 2018,” said Djibouti’s Minister of Interior, Said Nouh Hassa. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). Access Multimedia Content SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  9. Maxkamadda Sare ee S/land oo laashay Go’aankii Hay’adda Caymiska Qaranku Kootada ugu xidhay Shirkada Amaano insurance Maxkamadda Sare ee JSL oo laashay go’aan, ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay Shirkada Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka dekeda Berbera, sidoo kale waxay ayiday go’aamo gaadiidka lagu farayo in ay caymiska qaataan, halka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Caymiska Qarankana la faray, in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera. 18/09/2021- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen Shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo Shirkadaha Gaadiidleyda kuwaasi oo ka kala cabanayay adeegyo loo xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka, ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda muddo sannad ah, waxay sidoo Maxkamaddu ayiday go’aamo ay Hay’adda Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya, geesta kale waxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera ee kala ah:- 1. Ganaaxa basaska gurran. 2. Badqabka gaadiidka (BBG). 3. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) 4. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:- 1. Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021. 2. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba. 3. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajinayay in caymiska gaadiidka la qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena. 4. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka. 5. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay. 6. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan. 7. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. 8. Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021. 9. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021. Guddida Garsoorka 1. Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye 2. Maxamed Cumar Geelle Xubin 3. Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday kii ugu horreeyey ee si rasmi ah u qaadaca shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse baaqday. Shirkaas, oo sida la sheegay uu taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu kusoo bandhigayo xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa u baaqay kadib markii Fahad shalay lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul. Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ku mideysan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo taliyayaasha ciidamada amniga. Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland aysan ka qeyb-galeyn shir uu ku baaqay Farmaajo. Wasiir Dhabancad ayaa meesha ka saarey doorka Farmaajo ee Shirarka masiiriga ah ee loo qabanayo dalka, isagoo ku sifeeyay inuu yahay Madaxweyne hore, oo sharciyaddii ay ka dhamaatay hadda. Maamul goboleedyada kale ayaan weli caddeyn mowqifkooda, hase yeeshee waxaa la filayaa in sidoo kale Jubaland ay qaadacdo shirkan, halka HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo xulafo la ah Farmaajo ay aqbali doonaan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u diiday in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo mid looga doodo shirar iyo guddiyo, wuxuuna ku amray maxkamadda ciidamada qalabka sida inay baarto, taasi oo ah sida ay doonayaan qoyska Ikraan. The post Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo caddeeyey mowqifkooda shirka uu Farmaajo ku baaqay appeared first on Caasimada Online.
  11. Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa Jimcihii u yeertay danjirayaashii u fadhiyay Mareykanka iyo Australia si ay ugala tashadaan khilaafka ba’an ee ku saabsan baabi’inta qandaraas Australia uga iibsan laheyd marakiibta dagaal ee quusa. Wasiirka Arrimaha Dibadda France Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in madaxweyne Emmanuel Macron uu amray in dib loogu yeero danjirayaashaas kadib markii Australia ay ka baxday heshiiskii ay ku iibsan lahayd maraakiibta dagaalka ee badda quusa ee Faransiiska, si ay u iibsadaan kuwa Mareykanka . “ In laga baxo mashruuca kala iibsiga Maraakiibta dagaalka ee quusa ee u dhaxeeya Australia iyo Faransiisku oo laga shaqeenayey tan iyo 2016 waxay ka dhigan tahay dhaqan aan la aqbali karin inuu dhex maro xulafada” ayuu yiri Jean-Yves Le Drian. “France waxay dareemeysa in dhabarka laga mindiyeeyey,” ayuu yiri. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacaddii ku dhawaaqay isbahaysiga cusub oo dhanka difaaca ah oo dhex mara Mareykanka iyo Australia, wuxuuna Biden sheegay in Australia uu isbaheysigaan ka caawin doono tikniyoolajiyadda gujiska nukliyeerka, difaaca Internet-ka, sirdoonka macmalka ah iyo awoodaha badda hoosteeda. Heshiiska ay wada-saxiixdeen Mareykanka iyo Australia ayaa si weyn loogu arkaa mid looga golleeyahay in looga hortago kororka Shiinaha. Tallaabadaan ayaa waxaa si weyn uga carootay Faransiiska oo qadandaraaska ay la gashay Australia sanadkii 2016 ee lagu kala iibsan lahaa maraakiibta dagaalka ee badda hoosteeda quusa ku weyn doonto lacag gaareysa $36.5 bilyan. Faransiiska ma aysan qarin carada ay ka qaaday heshiiskaas, waxayna maalintii Khamiista aheyd ku eedeysay Australia inay gadaal ka toogatay halka ay Washinton ku eedeysay inay lasoo baxday dhaqankii lagu yaqaanay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. “Runtii tallaabadaan waa gadaal la toogasho, waxaan Australia la sameysanay xiriir ku dhisan aaminaad balse kalsoonidiii waxay kusoo dhammaatay khiyaano,” ayuu yiri Le Drian. The post Faransiiska oo u yeeratay safiiradooda Australia iyo Mareykanka kadib markii ‘dhabarka laga mindiyeeyay’ appeared first on Caasimada Online.
  12. Cabdilaahi Cukuse oo iscasilay. La taliyihii Dhinaca Doorashooyinka u Qaabilsanaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdilaahi Cukuse ayaa iska Casilay Xilkaas Kadib Markii uu ka Cudurdaartay in uu Sii Hayo Maadaama aanu isagu u Baahnayn Xil uu Gunno ku Qaato.Cabdilaahi Cakuse, ayaa Maanta si Rasmi ah u Shaaciyay Badheedhihiisa Cabdillaahi Cukuse oo la hadlaayey warbaahinta ayaa Yidhi: “Waxa aan doorbiday inaan xil-kaas u baneeyo Qof qabanaya shaqo imika taagan si loo siiyo Gunno “. Wuxuu shaaciyey inuu iska casilay xilkii La taliyaha Arimaha Doorashooyinka Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa markii ugu horreysay bayaan rasmi ah ka soo saaray xaaladda Sodalka & xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha. Bayaanka, oo uu soo saaray wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrel ayaa waxaa loogu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay is xakameeyaan, ayna ilaaliyaan xasiloonida guud ee dalka. “Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xilligan,” ayuu yiri Borrel Midowga Yurub ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in deegaanshaha u fure u yahay bad-qabka guud ahaan dadka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga fakiro mustaqbalka. “Waxay tani fure u tahay bad-qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” ayuu yiri. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan-yahay in aan la hakin geedi socodka doorashooyinka dalka, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyey ee 27 May. Hadalka ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa ku soo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, taas oo saameysay doorashooyinka. Si kastaba, beesha caalamka oo horay warsaxaafadeed u soo saartay ayaa cambaareysay xiisaddan, iyada oo shaacisay inay wiiqeyso xasiloonida haatan ka jirta gudaha Soomaaliya. The post Ururka Midowga Yurub oo bayaan culus kasoo saaray xiisada Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  14. M/weyne Muuse Biixi oo Wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddi Cusub Wareegto Madaxweyne: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye. 2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin. 3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin. 4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin. 5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin. 6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin. 7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  15. Golaha Wakiilada S/land oo Warqad Yeedhmo ah u diray Saleebaan Bukhaari Gudoomiyaha Hayada Caymiska Dawlada Guddiga hoosaadka dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada somaliland ayaa warqada yeedhitaan ah u diray guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka. Guddiga iyo guddoomiyaha caymiska ayaa maalinta bari ah ku kulmaya xarunta golaha wakiilada waxa aanay gudigu su,aalo waydiin doonaan gudoomiyaha caymiska qaranka oo maalmihii u danbeeyey cabashooyin uga inanayeen golaha wakiilada somaliland. Qaran News
  16. Soomaaliya waa wadan leh sooyaal soojireen ah oo kusuntan in uu ku dhisanyahay shareecadda islaamka iyo qawaaniin aan diideeyn inuu yahay mid shareecadu ay aasaas u tahay sida uu qabo qodobka 2aad ee Dastuurka Dowlada Somaliyeed ee kumeel gaarka ah, waana arin kutusinaysa waynaanta iyo sida uu u adeecayo ama ugu (khuduucayo) dhowrsanaanta diinteena suuban. Waxaan wax yar ka oran arimaha dastuurka iyo is-qabsiga hareeyay xaaladda kala guur ee hada kajirta wadankeena soomaaliya. Sida aan wada ognahay dastuurku wali maahan mid dhammaystiran oo waa kumeel gaar ama qabyo (draft), waana midkii 2012kii lagu suntay inuu wadanku leeyahay asaga uuna yahay kan usareeya wadanka laguna dhaqayo sida uu qabo qodobka 4aad ee isla dastuurka ku meel gaarka ahi, oo dhahaya sidaan:- “Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan”. Sida ku cad qodobkaan aynu sare ku xusnay waxaa jiri doona waydiimo ubaahan inaan wax iska dhahnaa inagoo eegayna sida uu uqoranyahay qodobkaani. 1. Qodobkaani mayahay mid dhaqan gal ka ah madaxda soomaalida? 2. Mayahay dastuurku midka usareeya wadanka sida kucad qodobkaan? 3. Go’aanada madaxdu mayahiin kuwo kuqotoma adeecida iyo raacitaanka qodobkaan iyo dastuurka Guud ahaan? 4. Xagee la isla aadayaa hadii talaabo baalmarsan qawaaniinta lagukaco, ama layagleelo shuruuc aan waafaqsanayn kitaabka iyo dastuurkaba? 5. Qodobkaani wuxuu awood cad siinayaa maxkamada Dastuuriga ah aaway maxkadii uu xusay inay qabato shaqada kusuntan isla qodobka 4aad faqradiisa labaad? Waydiimahaasi dhammaantood waa kuwo unaahan inaan iswaydiinaa, jawaabahooduna waxay ubaahan yihiin fahamka dastuurka iyo kadhowrsanaanta danaysi, eex, iyo nin jeclaysiba intaba. Madaxda soomaalidu maahan kuwo fuliya waxa loo idmado inagoo og ayagoo mara dhaar ayna xilka iyo mas’uuliyada lasaaray sidaytahay uguta. Waxayna maraan dhaar ay siiqadeedu tahay sidaan uuna dhigayo qodobka 104aad ee dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya:- “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.” Alle amarkiis ayay ahaatay in mas’uul kastaa uu liqaa kitaab uusan umeel dayin manajiro mas’uul aan marin qodobkaan sida aynu wada ognahay midkasta kitaab soomaali wayn oodhammi ay marag katahay ayuu liqay. Waxaa layaab ah in habraaca dhaartu uu yahay mid saxan, balse mas’uulka habraacaas lamariyaa uusan bar-bilowgaas saxan uu dhaarta kugutay uu saacadda xigta uu hareer maraa wixii lagu dhaarshay. Waxaa qirayaa in kudhaqanka shareecada islaamka iyo qawaaninta adeecsaniba aysan ahayn kuwo loomaraa habraacyadii kusaxnaa, raacistoodu waxay inaka dhowri lahaayeen dayaca, dhibaatada, dulmiga, fasahaadka iyo waxwalboo xun oo aynu maanta soomaali wayni la ildarantahay. Hadaba, hadaan eegno habdhaqanka kajira xamar, iyo soomaaliya guud ahaanteedba majiro dastuur ladhowraa oo Lagu dhaqmaa siguud, waayo dastuurku makala sharaf, karaamo qiimo wayna sidoo kalena maahan mid qodabada ku dhigani ay yihiin kuwo qayb kamid ahi fulitaankeedu banaan yahay balse si siman oo adeecis leh ayaa loo raacayaa loona fulinayaa. Balse maanta waxaan jeclahay inaan soomaalida hab-dhaqankooda kadhanka ah waxaynu kuheshiinay ayaan rabaa inaan dul istaago anigoo kusalanaynaya murunka hareeyay arimaha soomaaliya ee hada taagan. • Waxaa jirah muran hada soomaalidu ay aragto inuu kajira madaxda dalka usareysa ayna umudan yihiin madaxwayne Mohamed Abdulahi Mohamed Farmaajo iyo Ra’isuwasaare Mohamed Hussen Rooble. • Muxuu yahay murankaasi muxuuse salka kuhayaa murankaasi? Murankaasi wuxuu yahay in dhammaantood ay hareer mareen wixii soomaalidu u idmatay ayna kudhaarteen si siman ayagoo aan uhiilin maslaxada umada soomaaliyeed iyo dhowrista dastuurkii ay udhaarteen inay kudhaqaan wadanka, hareermarida heshiisku sidaan horey kuxusay waxay ina dhaxalsiisay caadaysiga dulmi, kutagri fal awoodeed, nin jeclaysi iyo eex ayna umadoo dhami ujeedo, balse umaduna aysan jiritaanka khaladkaas cad, kadhiidhiyeen balse ayba sacada ugaraacayaan, ayagoona eegaya dan qof gaar ah Kuna laxamaynaya qabyaalad, iyo taageero indho la’aan ah, khaladka bulsha wayntu wuxuu ina xasuusinayaa qolka Alle subxaanahu watacaalaa oo oranaya sidaan:- (إنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ) Alle mabadalo qoom ilaa ay ayagu gamcahooda isku badalaan miyaynaan hadaba inagu gacmaheena kushaqaysan waxa maanta inaga ka reebay umadihii kale oo qofkastoo Soomaali ahi uu yaqaanaa halkaas inaynu inagu is dhignay ayna ina dhigeen dadka maanta da’doodu udhexeyso 50 jirka ilaa iyo wixii kasii wayn, runtu waa sidaas, dhalintuna ayagu waxay qaadeen marinka loojeexay ayagoo xarago iyo horumar moodaya inay qaybahaan uqaybsamaan in ay iska dhigaan xaabo colaada Lagu huriyo, horgolayaal u adeega kuwo ayagu ubad koodu haystaan wado sharciyo kala danbayni taalo ayagoo halkaan usoo aada dharag dhacsi umad aan hadaf nololeed lahayn mid aduunyo iyo mid aakharaba!!!! • Hadaba waxaan tusaale kusoo qaadan dhacdo aynu dhammaanteen inta hada nooli ay marag utahay intayadii ogayd intaan ogayna aan rabaa inaan xasuusiyo. Waxaa dhacda marar badan in aan lamarin wado sharci ah, soomaaliduna waxay dhahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah madhasho ayagoo uga gol leh wixii bilowga kakhaldama saxnaansho dhammaadna mayeeshaan. Doorashada uu madaxwayne farmaajo doortay ra’isuwasaare Rooble may ahayn midii sharcigu qabay marka waxyaabaha waawayn oo dhacay aynu kanimaano, waxaan uga gol-leeyahay waxyaabaha waawayn oo dhacay markaan kanimaano, waxaa jirta dhaqan xaaraan ah oo sunne inoo noqday sida lagawada dharag sanyahay oo ah, inaan isku dooranaa lacag iyo dhiilal siyaasi ah, aynuna kudhacnay Hoga tusaalayntii fiicnayd oo Alle iyo Rasuulkeenuba inoo sheegeen oo ahayd in Xalaashu cadahay xaaraantuna cadahay balse kala cadaanta labadaasi ay tahay marag madoonto la inaka rabo inaan ka fogaanaa wixii xaaraan ah raacnaa xalaasha iyadoo ina dhaxal siinaysa liibaan iyo sacaado, aynuna il-dheer uyeelanaa arimaha isukaanshaha leh oo isticmaalkoodu digtooni rabo si aynu Shuhbaadka kudhacooda aan uga fogaanaa!!! Maxaan ulajeedaa maahan midii sharcigu qabay madaxwaynu xilkaqaadistii Ra’isulwasaare hore khayre waynu wada ogayn waxa dhacay oo uu madaxwaynu sameeyay. Madaxwayne Farmaajo gafafka uu galay ee dastuuriga ah waxaan kasoo Hal qabsanayaa kii uu sameeyay markii ay dhacday xil-kaqaadistii golaha dhacabku ay kusameeyeen Ra’isul wasaare hore Khayre, wuxuu madaxwaynuhu sibareer ah ujabshay qodobka dastuuriga ah ee 103 asagoo jabitaanka qodobkaas uu ujabshay inuu mudo bacdigeed soodoortaa mudane Raisulwasaare Rooble, wuxuu qodobkaasi sheegayaa sidaan:- Qodobka 103aad. Xukuumadda Xil-Gaarsiinta “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.” Hadaba akhriste eeg waxaan siduu ahaa usoo qaadanay waxa kuqoran qodobka 103aad, sidaas waxaad ku ogaan madaxwayne farmaajo inuu hareermaray qodob sharci ah asagoo ficilka uu galay sida kucad qodobkaan uu yahay mid hareermarsan qodobkaan, in uu Ra’isulwasaare xigeenku ugusoosaaray wareegto sheegaysay xilgaarsiin asagoo baalmaray qodobkaas sharciguna ahaa inuu hadiiba isbadal dhacay uu mudane Xassan Cali Khayre uu isubadalaa xil gaarsiin asaga iyo xukuumadiisu, balse waxaynu ogayn in khayre xataa laga ilaashay inuu xafiiska tago, cid madaxwaynahana tiri khalad ayaad gashay majiro waayo maxkamad dastuuri ah oo shaqadaas qabata wuxuu usamayn waayay ayaa ah inuu siduu doono yeelo. Waxaa dhacday inuu qodobkaasi noqday looma ooyaan cid kahadashana aysan jirin Soomaalida inteeda kalena ay tiri bilif dhawaa madoolibaa badankoodna ayna u arkayeen sax ayagoo cuqdad uqaba odaygii hore dano siyaasiyana kaleh. Waxaanba raagin hadiiba uu Madaxwayne Ugafay qodobka 103aad Inuu Ra’usulwaare Roonlena kuu markiisa kuboodo bartay qodobka kii hore aan xusnay midkiisa ka horeeya oo ah 102aad. • Hadaba Waxaan mowduucaan udoortay waxaa jirtay waraaq asna uu dhawaan sooraaray mudane Ra’isulwasaare Rooble, oo qayru sharci noqon karta balse inta dan siyaasiya lehi ay leedahay waasax, kaaga darane sida madaxwayne Farmaajo 103 ugu xad gudbay ayuu Raisulwaare Rooblena ugu xad gudbay 102 isla dastuurka, waa labo qodob oo isxiga waa dastuur agoon iyo rajay ah waa dastuur madi ah oo aanan wax walal ahba lahayn sidaasna kunoqday looma ooyaan. • Muxuu oranayaa qodobkaasu ama uu daaran yahay, sikooban wasiir walbaa wuxuu mas’uul kayahay Howlaha shaqada wasaaradiisa, dabcan cidina si gaar ah ulama maamuli karto, oo waxaad dareemin waraaqdu inay badashay habkii ay wac usocdeen uuna wasirku bixinta lacagta asagu maamulayay waraaqdaas horteedna uusan udaba fadhicin cidkale balse uu raacayay habraacii ay ahayd I ay wax walbaa kubaxaan asna lagaarabaa xisaab celin iyo inuu udiyaar noqdaa islaxisaabtan markii lagaaro amaba loogu tagaa. • Maxaa diidaya in ninkastaa jeceylkiisa jilo, maxaa diidaya boolidii shalay lahelay ninkay kadhuntayna sifo aan sharci ahayn kusoo gashay uu kan helayna sifo sharci daraa ku isticmaalo? Jawaabtu waa iska cadahay waa waxba!!!! Madiidayaan weeye balse waxaa jiraysa xisaab cirib danbeedkeedu yahay mid ay adagtahay in laga baxsadaa. Hadaba arinkaasi wuxuu ina dhaxalsiin doonaa natiijo aan fiicnayn uuna ina dhaxalsiiyay madaxwayne Farmaajo waayo dalkaas asagaa loo dhaarshay wixii shalay kuwii kahoreeyay khaldeen inuu saxo ayuu inoo kudhaartay balse asna wixii uu jeclaa ayuu kasameeyay meesha. • Waxaan ula jeedaa qoraalkaan in ay jiraan khaladaad iyo ceebo badan oo kajira fahamka laga haysto dastuurka iyo wuxuu yahayba. • Waxaan darsay in loobaahan yahay in bulshada labaraa Lana fahamsiiyaa dastuurka iyo macnaha uu inoo ku fadhiyo. • Waxaan bilaabi doonaa inaan jeediyo cashar taxane ah oo kahadlaya dastuurka dalka iyo inaan bulshada fahamsiinaa qaabka loo fasiro iyo cida fasirkiisa leh inaan bulshada lawadaagnaa. Waxaan rajayn inaan qoromada caynkqano kale ah aan ka dhigo taxane qaybaha xigaha lasocda insha allah dhawaan. Waxaad ilawadaagtaa jawaabtaada ah wixii dhaliil iyo kudarsi ahba. Avv. Abdikarim Mohammed Awnur Xaad Garwayne Source: goobjoog.com
  17. Doorashada baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay socotaa in ka badan hal bil sidaasi ay tahay waxaa barbar socda is-qabqabsi iyo khilaaf u dhaxeeya laanta fulinta ee dowladda federaalka ah gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble. Haddaba, si aan wax uga ogaanno saameynta is-qabqabsiga ku yeelan karo doorashada guud ee Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in maamul goboleedyada ay talaadada gooni u faqaan iyo xalkaba ayuu Cabdicaziz Gurbiye hordhigay Madaxa Machadka SIPAM, wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar, wasiirkii hore ee qorsheynta Jubbaland Aadam Aw Xirsi iyo weriye sare Maxamed Maxamuud Cadde. Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar oo arrintan ka hadlay waxaa uu qabaa in aaney doorashada waqtigeeda ku dhici doonin isaga oo intaa raaciyey “ Madaxweynaha marka uu awoodaha wareejiyey waxaa uu arkay in doorashada iyo amniga laga maarmay, waxaa kale uu arkay xukuumadda oo caadi shaqada u wadato, taasi waa dhibtay, waxaa kale oo danaha madaxweynaha soo galay Kiiska Ikraan, saddexdaas arrin ayaa khilaafka keentay”. Madaxa Machadka SIPAM Maxamed Mukhtaar waxaa uu caqabad ku tilmaamay in madaxda maamul goboleedyada ay keligood ka faqaan ra’isul wasaaraha isaga oo sheegay in heshiiska May 27 aanu dhigeyn in madal cusub laga barbar sameeyo midda wadatashiga, haddii ay dhacdana ay sii dhaawici karto doorashada. Dhankiisa, wasiirkii hore ee qorsheynta Jubbaland Aadam Aw Xirsi oo isba isla arrintan isqabqabsiga Farmaajo iyo Rooble aan wax ka weydiinay waxaa uu ku jawaabay “Is-qabqabsiga madaxda sare saamayn taban ayuu ku yeelan karaa doorashooyinka. Sababtuna waxaa weeye hab-sami u qabsoomidda doorashada waxaa lagama maarmaan u ah amni iyo maamul midaysan oo hal bar-hoggaamineed leh, taas oo aan ka suuroggelayn dal ay ka wada arriminayaan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare luqunta isugu jira”. Maxamed Maxamuud Cadde, waxaa uu qabaa fikir labada hore ka duwan oo ah in khilaafka labada mas’uul aanu saameyn ku yeelan doonin doorashada, isaga oo yiri “uma maleynayo in khilaafkooda uu doorashada saameyn doono, waayo shirka Garoowe ee madaxda maamul goboleedyada waxaa looga hadli doonaa ergada iyo goobta doorashada, wax walbo waa diyaar”. Maxamed Maxamuud Cadde, oo sii-hadlaya waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Farmaajo dooddiisa waxaa soo afjartay warqaddii dambe ee ra’isul wasaaraha, mana aha nin ehel u ah inuu wax muuqdo kusoo kordhinayo doorashada, waa laga tashtay, waana la dardargelinayaa doorashada”. Goobjoog News Source: goobjoog.com