Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, taas oo shalay baaqatay islamarkaana dib uga laabatay dalka Jabuuti. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in diyaaraddan uusan la socon la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse ay keentay rakaab isugu jiro kuwa shalay laga celiyey garooonka diyaaradaha Jabuuti iyo kuwa kale oo cusub. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeysay inay shalay xanibtay Fahad Yaasiin, hase yeeshee Jabuuti waa ay beenisay waxayna sheegtay in diyaaradda ay u baaqatay cilad. Weli ma cadda sababta diyaaraddii uu Fahad uu uga haray diyaaraddii maanta, hase yeeshee waxaa shalay jiray xog sheegeysa in dowladda federaalka ay amartay diyaaradaha caalamiga ah inaysan soo qaadi karin Fahad. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin, oo diyaaraddii shalay dartiis loo celiyey, uu soo kireysan doono diyaarad qaas ah, si u soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ay sii xoogeysatay, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Fahad Yaasiin ayaa qorshihiisa waxa uu yahay inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si uu ugu soo bandhigo warbixinta la xiriirta kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil. Shalay ayey aheyd markii diyaaraddii sidday Fahad Yaasiin ay ka noqotay wadanka Jabuuti, iyada oo Villa Soomaaliyana ay dowladda Jabuuti ku eedeysay inay xanibtay Fahad Yaasiin, walow wasiiro ka tirsan Jabuuti oo ka hadlay dhacdadaas ay iska fogeeyeen eedeyntaasi. The post Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdisho iyo Fahad Yaasiin Xaaji oo… appeared first on Caasimada Online.
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa wada-hadallo ka yeeshay colaad ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug, si loo soo afjaro dagaal beeleedyada muddada fog ku soo noq-noqday gobolkaasi. Labada dhinac ayaa marka hore is afgarad ku gaaray in xabad joojin la kala dhex-dhigo beelaha ku diriraya deegaano hoostaga magaalooyinka Galinsoor iyo Dhabbad. Guddoomiyaha maamulka Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal oo ka warbixiyey wada-hadallada billowday ayaa shaaciyey inuu hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, isaga oo rajo weyn ka muujiyey wada-hadalladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedkooda uu yahay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaadan oo muddo fog soo jirtay, taas oo ay hadda u midoobeen Puntland & Galmudug. “Mar haddii Puntland iyo Galmudug ay ku midoobeen, waxaan ka qabnaa rajo weyn oo weyn in colaada lasoo afjaro. Sababta waxaa weeye, awal hore waxay ahayd aan isku imaano iyo saas aan yeelno” ayuu yiri guddoomiyaha Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Labo qolo oo shacab ah ayay ahaayeen oo aan haysan xoog ay wax ku qabtaan,”. Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug. The post Puntland iyo Galmudug oo heshiis cusub gaaray + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  3. Bayaan ka soo baxay Midawga Yurub ayaa loogu baaqay in hogaanka sare ee dalka ay wada hadalk ku dhameeyaan khilaafka sii xoogeysanaya ee muddooyinkii la soo dhaafay ka dhex taagnaa. “Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midawga Yurub. Midawga Yurub ayaa sidoo kale qoraal ay soo saareen ugu baaqay in la dhameystiro geddi socodka heshiisyada doorashada. “Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay Cuna-qabatayn lagu beegsanayo madaxda sare ee dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) iyo saraakiisha dowlad-deegaanka Amxaarada kuwaas oo ku eedaysan xasuuq bani’aadamnimo. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ku dhawaaqay cuna-qabatayn ka dhan ah Ethiopia iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddiga hoosaadka dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada somaliland ayaa warqada yeedhitaan ah u diray guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka. Guddiga iyo guddoomiyaha caymiska ayaa maalinta bari ah ku kulmaya xarunta golaha wakiilada waxa aanay gudigu su,aalo waydiin doonaan gudoomiyaha caymiska qaranka oo maalmihii u danbeeyey cabashooyin uga inanayeen golaha wakiilada somaliland. Source
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey shirka gaarka ah ee la filayo in madax goboleedyada ay ku yeeshaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu furmi doono maalinta Talaadada uu yahay mid ay madaxda maamul goboleedyada uga hadlaan iskaashiga dhexdooda, wuxuuna meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka bilowday ee dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka doorashooyinka ee golaha wada-tashiga qaran uu kaliya u yeeri karo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla-markaana uu yahay mid Dastuuri ah. “Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri Dhabancad. Furitaanka shirkan oo isha lagu wada hayo ayaa kusoo aadayo, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday & ra’iisul wasaaraha. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag, iyada oo lagu jiro xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho intaba. The post Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  7. Cali-khadar Xasan Cismaan (Cali Kubad) oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in aanay Xukuumadda iyo Madaxweynuhu xaq u lahayn in ay faro geliyaan shaqada iyo waajibaadka loo doortay Maayirada iyo Goleyaasha Deegaanka. Maqaal uu qoray Cali Kubad, ayaa waxa uu ku yidhi “Adduunyadan reer galbeedka ee aynu jilno dimuquraadiyadu ay samaysteen, waxa ka xaaran ah in dawlada hoose ee la soo doortay aanay faraha la geli karin xukuumada dhexe, waayo dawladaha hoose waa dimuquraadiyadii oo hoos loogu soo dejiyey heer hoose( Local government). Qof ay dadweynuhu soo doorteen, qof kale oo la soo doortay ama qof la soo doortay soo magacaabay wax uma yeedhin karo, oo dee suuragalba maaha taasi. Tusaale, markii uu xanuunka COVID-ku yimi, ayaa waxa dadweyne faro badan oo guryaha loo yaqaano guri baadiyaha( cottages) ku leh meelo ka baxsan magaalada Oslo( Norway), ayey is yidhaahdeen u baxsada, oo magaaladan weyn ee uu ku habsadey xanuunkani ka fogaada. Waxa dhacday inay Maayaradii magaalooyin kaas yar yar maamulayey, inay yidhaahdeen ma imi kartaan magaalooyin kayaga, waayo dee xanuunkii baad u keenaysaan dadkii magaalooyinka yar yar deganaa, sidaas darteed amarkii maayarada tuulooyinka yar yar baa hirgalay. Caasimada oo uu degan yahay boqorka Norway iyo xukuumadii dhexe oo Raysal wasaarihii iyo wasiiradiisuba joogaan waxa amrayey waqti la xidhayo ama la furayo dhaqdhaqaaqa dadka Maayirka Hargeysa dhigiisa ee Oslo, Norway. Bal Muuse Biixi ma yeeli lahaa amarka Maayar C/kariim? Jawaabtu waa maya. Sababaha loogu dhegan yahay Maayarada iyo xildhibaanada degaanada waxa weeye kuwo dhaqaale iyo qaar siyaasadeedba. Dadyow u xog-ogaal ahaa doorashadii madaxweynimada ee 2017, waxay ii sheegeen inay maayerkii hore ee C/rahman Solteco iyo maayerka Berbera Maayer Cidin ay dhaqaale ahaan ka caawimo badnaayeen tijaartii dhaqaalaha ka caawineysey Madaxweyne Biixi markuu musharaxa ahaa. Sida la sheegay labadaas Maayar lacagtay ku tabaruceen waxay kasoo saareen dhulkii hantida guud oo iibiyeen, hada waxaynu ka hadlaynaa lacag malaayiin ah. Waxa kale oo la isoo tebiyey in xitaa rag badan oo ah siyaasiyiintii taabacsanaa Muuse Biixi, ay dawladahaas hoose ka qaadan jireen mushaharooyin xad-dhaaf ah iyagoon wax xilal haynin. Iminkana ama dhulkan Ilaahay ku saliday Muuse ha noqoto, ama dhul hadhow doorashada soo socota loo iibiyo ha noqotee, waxay xukuumada Muuse ku dedaaleysaa inay mar danbena sidii markii hore oo kale, ay hantidaas iyo dhulalkaasba ay ku hawl gasho. Isku soo wada duuboo, haddii Maayaradii la soo doortay ay xukumayaan wasiiro uu Madaxweynuhu soo magacaabay, amaba madaxweynihii isagaba sidooda oo kale loo soo doortay, maxaynu doorashooyinka dawladaha hoose isugu daalineynaa, maynu doorashadoodaba iska dhaafno si uu madaxweynaha ama xukuumada dhexe ay u soo magacaabaan. Miyaanay cay iyo weji gabax ku ahayn lix iyo labaatankii kun ee dhalinyarada ahaa, ee codkooda ugu deeqay Maayar C/ kariim si ay isbedel siyaasadeed oo hor leh ay u sameeyaan. Mise qolodan askarta ahi waxay u haystaan inay sidii Afweyne oo kale ay qori caradii innagu qabsadeen. Xukuumada Muuse Biixi waxay innagu tidhaahdaa cadow baanu la soo dagaalanay oo dalka annagaa xoraynay, laakiin Madaxweyne Muuse iyo xukuumadiisu waxay isha ka ridayaan hanaankii dimuquraadiyada oo askarinimadii iyo garaad la’aanta ka haysata dimuquraadiyad baa kasoo if baxday. Dhalinyaradii codkooda siiyey Maayerada cusub waa inay is garab taagaan Maayaradooda oo haddii loo baahdo ay mudaharaadaan; Maayaraduna waa inay xilkooda gutaan oo ay gartaan in loo soo doortay sidii Madaxweynaha iyo golaha wakiilada loo soo doortay oo kale. Waxii uu Distoorkeenu qeexayo ee ah wada shaqaynta xukuumada dhexe iyo dawladaha hoose ha guteen, laakiin waxii intaas dhaafsiisan yaan la is amaahinin.” Source
  8. Maxaa Muhiim Ka Dhigaya, In Xirsi Cali Xaaji Xasan Loo Doorto Guddoomiyaha WADDANI? Waxa Qoray, Khadar Hassan X. Ahmed Inkasta oo aanu wali shaacin, haddana waxa la filayaa inuu Hogaamiye Xirsi Cali X. Xasan ka mid noqdo xubnaha ugu cadcad ee u tartamaya guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee sannadaha soo socda. Hadaba maxaa muhiim ka dhigaya, maxaa iska bedeli kara siyaasadda Somaliland haddii Xirsi ku guulaysto guddoomiyennimada WADDANI?: Awood-qaybsi Siyaasadeed: Marka Xirsi loo doorto Guddoomiyaha WADDANI waxa isbedeli doona awood qaybsiga kuraaste saree e xisbiga iyo saamiga deegaannada ee hogaanka sare.Taasina waxay muhiimad weyn u leedahay xisbiga iyo taageerayaashiisa, maadaama xisbiyad kale lagaga cabanayo hogaamin qof kali ah ka bilaabanta kuna dhamaata isla qofkaas. Maalgelintiisa Xisbiga: Sida la ogyahay Xirsi, isagoo ka mid ah wasiirradii ugu tunka weynaa xukuumaddii wakhtigaas ayuu bannaanka uga soo baxay madaxtooyadii, islamarkaasna waxa uu bilaabay inuu kobcin iyo maalgalin ba ku sameeyo xisbiga WADDANI, taas ayaana maanta soo gaadhay in guddoomiyaha xisbiga loo saadaalin karo, xisbiga laftiisana guul siyaasadeed oo soo wajahan loo saadaalinayo. Saamaynta Deegaankiisa: Xirsi sida la wada ogyahay waa nin saamayn weyn ku leh deegaankiisa, waxaana arrintaas sii xoojiyey markii bulshada deegaankiisu ay ku hungawday xisbigii KULMIYE ee ay tacabka badan galiyeen, waxay hadda u arkaan inuu Xirsi u rari karo doogsin barwaaqo ah oo kii ka wanaagsan horumar ahaan iyo siyaasad ahaan ba. Xidhiidhka uu la Leeyahay Ganacsatada: Had iyo jeer, siyaasadda Somaliland waxa qayb ka ah ganacsato la sheego inay xisbi ama siyaasi gaar ah badhi taarayaan, ha noqoto dano siyaasadeed ama mid tolniimo. Haddaba Xirsi waxa la sheegaa inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay ganacsatada deegaankiisa iyo kuwo kale oo deegaannada Somaliland ka soo jeeda, taasoo noqon karta awood dhaqaale oo isku hallayn karo, xisbigana ku soo kordhin karo. Dhexgalka Dhallinyarada iyo Bahda Waxbarashada: Sannadaha soo socda waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Somaliland qaadato jiho cusub, iyadoo laga gudbayo in oday dhaqameed uu yidhaahdo “haddii aanu nahay beel hebel waxaanu isku raacnay sidaas iyo sidaas”. Baraaruga dhallinyarada ayaa arrintaasi meesha ka saaray, waxaana hadda muuqata in qofka dhallinyarada ahi qaadanayo go’aan danihiisa ku qotoma, isagoo sidaas ogsoon ayuu Xirsi iminka ka mid yahay dadka xidhiidhka wanaagsan la leh dhallinyarada waxbaratay iyo guud ahaan bahda aqoonta. Midnimada Togdheer: Xirsi waxa sannadihii dambe isku dayay inuu jabiyo dayrka qaybaaladeed iyo nacaybka khiyaaliga ah ee loo sawiro beelaha wada degan Togdheer iyo Burco. Haddii loo doorto guddoominta WADDANI waxa sii xoogaysan doona midnimada Togdheer, taasoo qayb ka wayn ka qaadan doonta horumarka deegaanka. Burburinta Fekerka Jeegaanta: Hogaamiye Xirsi waxaa lagu sheegi karaa siyaasigii ugu horreeyey ee saamayn leh ee tashuush ku fura isbahaysiga deegaamaysan ee jeegaanta. Arrintaas hadda keli kuma ah oo dad badan ayaa aaminsan in fekerkaas bulshada lagu kala qaybiyey la baabi’iyo. Haddaba marka Xirsi loo doorto guddoomiyaha WADDANI waxa meesha ka bixi doona shakhsiyaadka iyo kooxaha wali sii quudarraynaya soo noolaynta fekerkii jeegaanta. Waxa Qoray, Khadar Hassan X. Ahmed Source
  9. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa sida qurshuhu yahay waxaa maanta uu balamiyey shir uu isugu yeeray golaha ammaanka qaranka, kuwaas oo aan shirin saddex sano. Shirkan oo Farmaajo uu dalbaday todobadii bishaan ayaan shaki laga muujinayaa qabsoomiddiisa kadib markii uu aad uga daray khilaafka Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Maxamed Rooble. Golaha amniga qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Dowlad gobaleedyada dalka, ra’isul wasaaraha, gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada iyo lataliyaha amniga ee Farmaajo ayaa waxaa ugu dambeysay in la qabto Sanadkii 2018 markaas oo ay baydhabo ku shireen. Shirka golaha ayaana ahaa mid loogu tala galay in seddaxdii bilba mar ay isu yimaadaan Madaxda si xaaladaha Amni ee dalka looga wada hadlo. Farmaajo iyo madaxda maamulada qaar ayaa khilaaf soo kala dhex galay tan iyo markaas sababay in aynan kulmin madaxda golaha Amniga Qaranka. Shirka maanta Farmaajo uu madaxda u wacday ayaana horay loo cadeynin goobta uu ka qabsoomayo shirka, xilli maamulada dalka aysan jirin maamul Aqbalay kulanka Farmaajo. Fahad Yaasiin oo sheegay in shirka ka sheegayo warbixin la xiriirta dilka Ikraan ayaa la filayaa inuu maanta yimaado kadib markii shalay lagu xiray Djibouti, dibna loogu celiyey Turkiga. Xafiiska Farmaajo oo muddooyinkii u dambeyay aan xiriir la laheyn dowladda inteeda kale ayaan la ogeyn shirka in uu qabanayo, iyadoo Khilaafka Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Waqtiga u ka dhamaaday Farmaajo. Maamul goboleedyada ayaa la filayaa iney ku shiraan Talaadad magaalada Garoowe, iyaga oo soo gabagabeyn doona khamiista soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wadatashiyo deg-deg ah ka yeeshay xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, taas oo halis gelin karta doorashooyinka. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa golaha ammaanka u gubdiyay warbixin ku saabsan walaaca xooggan ee ay ka qabaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha. Kulanka ayaa daba socday bayaankii Madaxweyne Farmaajo ee khamiistii uu ku sheegay inuu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah inuu wax magacaabo ama uu eryo mas’uuliyiinta, waana tallaabadii ugu dambeysay ee xiriirkooda sii xumaynaysay. Danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay Barbara Woodward, ayaa sheegtay in xiisada sii kordheysa ay saameyn ku yeelanayso geeddi-socodka doorashada ayna sidoo kale horseedi karto qalalaase amni oo ka imaan kara kooxda Al-Shabab. Woodward waxay ugu baaqday in golaha ammaanku uu cadaadiska ku saaro ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, in ay degdeg ugu xalliyaan khilaafkooda Source
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in maanta lasii amba qaadi doono qeyb kale oo ka mid ah doorashada, isla-markaana la qaban doono doorashada saddex kursi oo kale. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tarmaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabduaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen Sidoo kale kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya illaa afar musharrax oo iyana kala ah Maxamedamiin Sheekh Cismaan, Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyoYuusuf Maxalin Xasan (Filadheere). Kursiga ugu dambeeya ee xubnaha saddexda ah ee maanta la dooranayo ayaa waxaa sidoo kale u sharraxan Naciimo Ibraahim Yuusuf, Zamzam Cabdulaahi Xuseen, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) iyo Abuukar Xasan Cali Maqaney. Dhinaca kale doorashada HirShabelle ayaa ka hadlay cabashada kasoo yeertay qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaas oo laba ka mid ah ay isaga soo tageen magaalada Jowhar. Guddiga ayaa ugu baaqay musharixiinta kala ah Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur inay dib ugu soo laabtaan HirShabelle, si ay uga qeyb-galaan doorashada. Ugu dambeyn guddiga ayaa ku dhowaaqay in kursiga cabashada ka timid doorashadiisa dib loo dhigay illaa Axada, si loo xaliyo cabashada ka timid qaar ka mid ah musharixiinta. Halkan hoose ka aqriso:- The post Maxaa ka soo kordhay arrimaha doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online.
  12. (SLT-Paris)-Faransiiska ayaa sheegay inay dib ugu yeedhayaan safiirradoodii Mareykanka iyo Australia si ay wadatashi ula yeeshaan, kadib markii ay heshiis amni gaadheen dowladaha Maraykanka, Australia iyo weliba UK. Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegay in go’aanka ay gaadheen uu yahay mid ka dhashay xaalada adag ee ka soo cusboonaaday arrimaha ammaanka. Isbahaysi ay sameysteen saddexda dal ee Maraykanka, Australia iyo Uk ayaa loogu magac daray Aukus,waxana Australa laga caawinayaa sameysashada gujisyada quwadda nukliyeerka ku shaqeeya. Tallaabadan ayaa ka cadhaysiisay Faransiiska kadib markii ay meesha ka saartay heshiis balaayiin dollar ah oo ay Australia la gashay. Faransiiska ayaa lagu wargeliyay isbahaysiga saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin. Hadal uu soo saaray gelinkii dambe ee Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa ku tilmaamay heshiiska “mid dhabarka laga toogtay”, waxana uu sheegay in safiirada dib loogu yeerayo kadib codsi ka yimid Madaxweyne Emmanuel Macron. Source
  13. Kooxda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal miina baaris ah ka waday jidka u dhexeeya Sugurre iyo Ballikhadar ee Buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo dagaal xooggan oo ku dhexmaray labada dhinac. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Eretria in ay si deg deg ah oo bilaa shurud ah u sii deyso Wariyayaal iyo siyaasiyiin la xiray 20 sano ka hor. Bayaan ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in 21 qof oo isugu jira siyaaiyiin iyo wariyayaal ay xirtay dowladda Eretria intii dhaxeysay 18kii ilaa 23kii Sebtember 2001. “Waa wax aan la fiirsan karin in maxaabiistan geesiyaasha ah ay weli ku jiraan xabsi 20 sano tan iyo markii loo xiray in ay u doodaan xuquuqdooda, ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Eretria oo ku saabsan duruufaha ay hadda ku sugan yihiin,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasime Goboleedka Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Wariyayaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Dawit Isaak, Seyoum Tsehaye, Dawit Habtemichael, Mattewos Habteab, Fesseaye iyo wariyayaal kale, kuwaas oo dhamaan aad looga yaqiinay dalka. Amnesty International ayaa diiwaangelisay xaaladaha dadka ku jira xabsiyada oo ay u liidato xaaladooda nololeed, Kuwaas oo ciidamada ilaalada ka ah ay dadka u geeystaan xad gudubyo ka baxsan bani’aadamnimada . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Waxaa maanta maagalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka qabsoomto doorashada laba kursi oo qeyb ka ah doorashada kuraasta Aqalka sare. Doorashadaan oo soo bilaabmatay Talaadadii la soo dhaafay ayaa la dooranaya illaa iyo 8- kursi oo Hirshabeelle Aqalka sare ay ku leedahay. Labada Kursi ee maanta oo Sabti a lagu wado in lagu doorto Jowhar ayaa waxaa ku wada tartamaya Musharixiinta kala ah :- Cali Shacbaan Ibraahim, 2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir, 3. Cabdullahi Axmed Tawaad, 4. Caasho Xuseen Abuukar, 5. Cabdalle Cabdi Xuseen Kursiga labaad : Xasan lidow Muxumed Kobac, 2. Cusmaan Axmed Macow, 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Xuseen Macalin Maxmuud oo horey u ahaa la-taliyihii dhanka amniga ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa wareysi uu siiyey BBCda kagag hadlay shirka amniga qaran ee ka dhacaya Muqdisho. Xuseen Macalin ayaa shirkan ku tilmaamay mid qabyo ah, maadaama uu ka maqan-yahay ra’iisul wasaaraha oo uu xusay inuu muhiim u yahay shirkaasi. Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay inuu yahay madaxa guud ee fulinta, ayna qasab tahay inuu goobjoog ah shirka. “Shir uu ka maqan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka lama dhihi karo waa Golaha Amniga Qaranka, maadaama ay dowladdu kala qaybsan tahay lama garanayo sida loo kala qaybsan yahay” ayuu wareysigan ku yiri Mudane Xuseen Macalin Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha ay sidoo kale qabsoomida shirkan ay muhiim u yihiin wasiirada amniga, maaliyadda, gaashaandhigga, cadaaladda, arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Xuseen Macalin Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in golahan uusan heysan sharciyad baarlamaan, balse kaliya loogu tala-galay in go’aan looga gaaro arrimaha gaarka ah ee taabanayo amniga guud ee qaranka. “Golaha amniga qaranka kama aanay gudbin baarlamaanka oo ma heysto sharciyad, balse waa talo soo jeedin oo keliya, waxa uu ku shaqeeyaa xeer jajab, waxaana looga talagalay in arrimaha gaarka ah ee taabanaya amniga qaranka in looga go’aan kaaro” ayuu raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu hore u iclaamiyey qabsoomida shirka golaha amniga qaranka, kaas oo qorshihiisu ahaa inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse waxaan weli caasimada soo gaarin xubnaha shirkaasi. Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, iyada oo sidoo kale qorshuhu yahay in lagu soo bandhigayo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post R/W Rooble la’aantiis ma qabsoomi karaa shirka golaha amniga qaranka? appeared first on Caasimada Online.
  17. Addis Abeba, September 17/2021 – Abdi Mahdi, the chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) told Addis Standard that the party is withdrawing from the upcoming second round of the national elections scheduled to take September 30, 2021. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - Turkish Airlines has cancelled its scheduled flight from Istanbul to Mogadishu on Saturday after a key ally of President Farmajo was reportedly detained on Friday in Djibouti while travelling with the airline on the same route. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - A Turkish Airlines passenger plane landed in Mogadishu directly from Istanbul on Saturday morning without Somalia's embattled former spy chief. Source: Hiiraan Online
  20. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble inay deg deg u xaliyaan khilaafka iyo loolanka awoodeed ee u dhaxeeya ee faraha kasii baxaya. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya. Qoraalkan ayaa daba socdsay qoraal ay si wadajir ah shalay usoo saareen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii socda ee Farmaajo iyo Rooble. “Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.” The post Mareykanka oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  21. The trailblazing supermodel speaks to Middle East Eye about her new role, advice to hijabi models and her hopes for the fashion industry Source: Hiiraan Online
  22. Muddaharaad xooggan oo rabshado wata ayaa xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dadweynaha degmada Laascaanood oo ka caraysan amni-darrada iyo dilalka qorshaysan ee magaalada ka socda ayaa muddaharaad ka sameeyay xaafadaha kala duwan degmadaas. Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland Rasaas u adeegsadeen kala eryidda muddaharaadka kadib markii dadka qaarkood taayiro ku gubeen laamiga bartamaha magaalada. Sidoo kale, weli xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo werinayaa gudaha Laascaanood waxaana waddooyinka lagu arkayaa askar ka tirsan ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Muddaraad xooggan oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Talaadadii Xerada Serandi laga soo qaaday 50 Askari oo ka tirsan dhallinyarada loo tababaray ciidamada Duufaan ee hay’ada ee Nabad-Sugida Soomaaliya. Dhalinyarada tiradooda gaareyso 50-ka qof ayaa la geeyay Godka Jilacow, gaar ahaan xerada ciidamada, waxaana kadib loo qeybiyay hub, dhar ciidan iyo saanad kale. Ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA ayaa fariisan gaar ah ku leh Godka Jilacow, waxaana halkaas u yaalla bakkaaro ay ku xareysan yihiin agabyo ciidan. Ciidanka cusub ee lagu soo diray ciidamada Duufaan ayaa lagu sheegay in lagu badalay Askar dhowaan ka goosatay ciidamada Duufaan, oo ah ciidanka kaliya ee uu ku tashto Farmaajo. Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedom waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Taliyihii xilka laga qaaday ee Nabad sugida gobalka Banaadir Yaasiin Fareey, balse Farmaajo ugu magacaaban taliyaha guud ee NISA, ayaa la sheegay in uu lahaa amarka ciidamada cusub ee Talaadadii la hubeeyay. Xerada Serandi waxaa ku jira dhalinyaro boqolaal ah oo la sheegay in halkaaa lagu dhaqan celiyay, waxayna hore uga tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Godka Jilacow ayaa waxaa Talaadadii buuxay gaadiidka Beebayaasha oo ay wateem ciidamada Duufaan, waxaana la sheegay in xaligaas la qalabeeyay ciidamada cusub ee Duufaan. Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa shalay agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac). Ma cadda haddii tallaabada uu qaaday Bashiir Goobe ay ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada uu wado Yaasiin Farey. The post Xog: Ciidamo laga soo saaray Serandi oo hub loo qeybiyey appeared first on Caasimada Online.