Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan. Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara. Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal. Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajeyneysay inay ka faa’iideysato korontada laga dhalinayo, hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xiriirta holwgalka biyo-xireenka oo aysan ka helin Ethiopia. “Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xireenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase yeeshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xireenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay inay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka. Ethiopia ayaa biyo-xireenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saarista awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay maanta ku hayneyso danaha dalalka kale uu maro marka ay howl-gelienyso. REUTERS+VOA The post Saameynta biyo-xireenka Webiga NILE ee Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey appeared first on Caasimada Online.
  2. Masaajid ay Hindiya dumisay Pakistan-na ka cadhootay Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay burburinta lagula kacaya masaajidka Bilaal Haryana ee ku yillay xaafadda Aravalli ee magaalada Faridabad. Pakistan burburka “Masaajidka Bilaal” loo geystay waxay ku tilmaantay xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan muslimiinta. Aafhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Asim Iftikhar Ahmed bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray ” Pakistan iney si kulul u cambaareyneyso burburinta uu maamulka Hindiya ee Haryaana uu u geystay masaajidka Bilaal.” Farriinta eedda uu afhayeenku Twitter-kiisa soo dhigay wuxuu ku sheegay “Doorki garsoorka uu lahaa iney wiiqantay inta uu hoggaanka dalka Hindiya qabtay xisbiga BJP-RSS.” Pakistan strongly condemns unjust demolition of Bilal Mosque in Haryana by Indian authorities in consort with pliant judiciary under BJP-RSS regime and continues to urge int’l community to hold India accountable for systematic human rights violations of minorities, esp. Muslims. — Spokesperson MoFA (@ForeignOfficePk) August 24, 2021 Wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay iney dhinac uga soo wadajeesato xadgudubka ay u geysato xuquuqda ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaanna Muslimiinta. Dowladda Hindiya inkasta oo eedda uga timid afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ay ka jawaabin haddana shacabka ayaa siyaabo kala duwan farriinta Twiiter-ka uu Axmed uu soo dhigay uga falceliyey. Maxaa arrintan keenay? Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa dowladda Hindiya ku eedeysay masaajidka lagu dumiyey Feridabad, ee la sheegay inuu si sharci darra ah uu uga dhisnaa tuulada Khodi ee deegaanka Aravalli. Masaajidka Bilaal dowladda hoose ee magaaladaasi waxay dumisay 17-kii August. Yashpal Yadav oo dowladda hoose ee Fariddbad ka tirsan oo BBC u warramay wuxuu sheegay iney masaajidka ku dumiyeen amar maxkamadda sare ka soo baxay masaajidka kelina ay dumine ay dumiyeen gooba kale oo lagu cibaadeysto. “Inta aan goobaha lagu cibaadeysto uu ka midka yahay msaajidka la dumininna shacabka digniino ayaa la gaarsiiyey” ayuu yiri. Dadka deegaanku maxay ka yirahdeen? Siraj Axmed wuxuu sheegay masaajidka xilliga la dumiyey iney taariikhdu ku beegneyd 17-ka bisha August. Wuxuuna sheegay in xilligaa isagana guri uu lahaa laga dumiyey oo uu haatana guri kira ah uu ku nool yahay. Kailash Gathwal oo isaguna ka mid ah dadka magaaladan ku nool wuxuu sheegay maamulka dowladda hoose iney dumiyeen tobaneyo macbad, 6 masaajid iyo kaniisad. “Arrintan haba yaraatee diin wax xiriir ah lama laha mana ah in lala xiriiriyo waxaana taa caddeyn ugu filan waxaa la dumiyey macbadyo kala duwan oo ay diimo kala duwan leeyihiin waxa loo dumiyeyna waxay tahay dhismayaashaasi oo goobo sharci darra ah ku yaallay tallaabbo sharci ahna laga qaaday.” ayuu yiri Kailash. Tallaabbo noocee la qaaday? Maamulka dowladda hoose ee Faridabad waxay sheegeen iyaga oo ka duulayo rusqo maxkamadeed oo ay haysteen iney dumiyeen in ka badan 6,500 oo guri oo si sharci darra ah looga dhisay agagaaraha xaafadda Aravalli. Howlaha burburinta dhismayaasha sharci darrada ahna dowladda hoose ee Faridabad waxay ku soo gabagabeysay 32 maalmood. Khilaafka Pakistan iyo Hindiya u dhaxeeya mid soo jireen ah oo in mudda ah soo taagnaa haddana arrintan haba yaraatee diin wax xirii ah lama laha. Balse arrinta Masajidka Bilaal iyo masaajidda kale ee ay burburisay dowladda hoose ee Faridabad oo ay Pakistan ka carootay wax naceyb ama faquuq diineed oo diin gaar ah loola danleeyahay iney ahayn ayay ku adkeysanayaan laamaha dowliga ah ee dalkaasi Hindiya gaar ahaanna kuwa gobolka Haryana. Qaran News
  3. Koox Hubeysan oo Xashiishadda Ka Ganacsada Magaalada Berbera Oo Rasaas Kala Hor Yimid Ciidanka Booliiska Somaliland+Khasaaraha Ka Dhashay Koox hubaysan oo Xashiishadda ka ganacsada Magaaladda Berbera ayaa Rasaas nool kala horyimid Ciidanka booliiska Somaliland kuwaasi oo dhaawac Culus gaadhsiiyay Taliye Ku Xigeenkii Dekedda Berbera Axmed Cawaale kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo dad goob joog ahaa oo ku sugan Magaalada Berbera, waxa habeen hore Magaalada Berbera ka dhacday dhacdo cajiib oo argagax ku riday dadka shacabka ah iyo guud ahaan Reer Berbera. Taliye ku xigeenka Dekedda Berbera Axmed Cawaale iyo Ciidan uu hogaaminayo ayaa loo soo sheegay koox Xashiishadda ka ganacsada, oo sida la sheegay ka agdhawaa, isagoo markiiba Ciidan kaxaystay islamarkiibana abaaray halka ay ku sugnaayeen. Wararkan ayaa intaasi ku daray in Taliyaha oo habeen hore Heeganka Gobolka u lahaa iyo Ciidankiisu ay baacsadeen kooxdaasi Xashiishada ka ganacsada kuwaasi oo isku dayay markii ay Ciidanka arkeen inay ka baxsadaan, balse markii ay Ciidanku woxogaa baacsanayeen, sida uu warkani nagu soo gaadhay,waxay galeen meel Kharaabad ah ama dhisme dunsan, kaasi oo ay gabood ka dhigteen, balse Ciidanku kama hadhin ee waxay isku dayeen inay kadaba galaan, nasiib daro waxay kala hor yimaadeen Rasaas nool, waxaanay halkaasi dhaawac culus ugu gaysteen taliye ku xigeenkii ciidanka watay Axmed Cawaale, kaasi oo dhaawaciisa loola soo cararay Dhinaca magaalada Hargeysa. Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada iyo Badhida, waxaana sida la noo sheegay, dhex fadhiisatay mid ka mid ah rasaastii kaga dhacday Bawdada, taasi oo shalay qaliin lagu sameeyay Cisbitaal Hargeysa si looga soo saaro Rasaasta dhex fadhiistay. Wararkii u dambeeyay ayaa noo sheegay in Xaaladda Taliyuhu aad u wanaagsan tahay oo ay kasoo raynayso, halka raggii Xashiishadda watay ee Taliyaha dhaawacayna ay Ciidanku xabsiga dhigeen. Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah oo ku cusub gayiga Somaliland, waana markii u horaysay ee ay Koox Xashiishadda ka ganacsataa rasaas nool u adeegsato Ciidanka Nabadgalyada Somaliland. Sidoo kale waxay dhacdadani daba socotaa, walaac wayn oo ay Shacabka Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ka qabeen Maandooriyaha Xashiishada oo isticmaalkeedu aad ugu soo badanayso Somaliland. Sidoo kale, Waxay dhacdadani ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Biixi Khudbaddii Ciiddal Firidii uu si adag ugaga hadlay Geedka Xashishada iyo Maandooriyaha oo aad ugu soo badanaya Somaliland. Waxay Ciidanka Nabadgalyada Somaliland kor u qaadeen dadaalka ay ugu jiraan dagaalka iyo dabagalka ay ku hayaan kooxaha Xashiishada soo galiya Somaliland iyo dadka Isticmaalaba. Qaran News
  4. Garoowe (Caasimada Onlne) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa kasoo horjeestay tallaabadii uu qaaday hanti-dhawrka maamulkaasi oo xanibaad ku soo rogay akoonada wasaaradaas, sidoo kalena shaqa joojinta ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada. Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa marka si weyn u dhaliilay hannaanka uu hanti-dhawrka dowlad goboleedka Puntland u maray baarista ee wasaaradda waxbarashada maamulkaas, wuxuuna sheegay in uusan u marin waddo sax ah, sida uu hadalka u dhigay Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah loo beegsanayo wasaaraddiisa, isla-markaana lagu shaabadeynayo wax is-daba-marin, iyadoo aan loo heyn wax caddeyn ah. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday xafiiska hanti-dhawrka ay keeneyso aaminaad la’aan ay wasaaraddu ka qaadi karaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageero horumarinta arrimaha waxbarashada. Hadalka wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa sare u sii qaadi kara xiisada kala dhexeysa hanti-dhawrka oo wasaaraddiisa ku eedeeyey inuu ka dhex-jiro musuq-maasuq, waxaana haatan socda baaritaan dheeraad ah oo lagu hayo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi. Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaado doono hanti-dhawrka oo dabagal ku haya eedaha loo jeediyey mas’uuliyiinta waxbarashada Puntland, waxaase uu u muuqdaa mid sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo 2 xafiiis. Si kastaba tallaabada hanti-dhawrka qaaday ee uu maalmo ka hore ku xanibay dhammaan akoonada wasaaradda waxbarashada ayaa dhaliyey shaki weyn iyo tuhun, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland, waxaase weli socda baaritaan dheeri ah. The post Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka horyimid talaabadii hanti-dhawrka appeared first on Caasimada Online.
  5. PRESS RELEASE U.S.-Africa Energy Forum (USAEF) 2021 Forges Strategic Partnership with Texas-West Africa Chamber of Commerce To drive the participation of U.S. and African companies and investors in the upcoming U.S.-Africa Energy Forum (USAEF) 2021 Access Multimedia Content HOUSTON, United States of America, August 26, 2021/ — Energy Capital & Power (ECP) (www.EnergyCapitalPower.com) has inked a strategic partnership with the Texas-West Africa Chamber of Commerce (TWACC); The agreement will see the TWACC work closely with ECP to execute the U.S.-Africa Energy Forum event on December 9-10, 2021, and opens doors to further collaboration between the two organizers in Texas and in Africa; “TWACC can ensure that African players are at the forefront of pivotal discussions on the African energy transition.” Energy Capital & Power (ECP) is proud to announce its strategic partnership with the Texas-West Africa Chamber of Commerce (TWACC) to drive the participation of U.S. and African companies and investors in the upcoming U.S.-Africa Energy Forum (USAEF) 2021. Under the theme New Horizons for U.S.-Africa Energy Investment, the USAEF 2021 event will match African petroleum, natural gas, power, energy storage and renewable development projects with American investors and technology, and create new linkages that drive long-term policy formation. “TWACC is excited to work together with Energy Capital & Power to unite American and African investors, public institutions, and companies with a view to facilitating bilateral trade and investment,” says Posso Ganame, President of TWACC. “We see Texas as a vital player in Africa’s energy future. By drawing upon our extensive network of members and partner organizations, TWACC can ensure that African players are at the forefront of pivotal discussions on the African energy transition.” “TWACC is a great partner and friend of the USAEF 2021 in Houston,” says James Chester, Senior Director at ECP. “This partnership will extend the longstanding legacy of U.S. participation in African energy development and will be an important part of building a foundation for future U.S.-Africa investment events and initiatives – in Houston and elsewhere.” Serving as the premier business networking platform between Texan and African companies, the TWACC facilitates economic and social development and integration of African communities in Texas, promotes trade investment activities and fosters bilateral trade agreements among Texas, the U.S., ECOWAS nations and other African countries. To learn more about U.S.-Africa energy investment opportunities, find out more information regarding sponsorship opportunities at USAEF 2021, or register for the Houston summit, visit www.USAfricaEnergy.com or contact James Chester at james@energycapitalpower.com. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  6. Muhimadda Iskaashiga Bulshada ee Toosinta iyo Sixitaanka Himilada Qaranka. W/Q:- Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad Somaliland waa dal Muslima oo dimuqraadi ah. Taas macnaheedu waxay tahay inta Illaahay kasokaysa dadwaynaha ayaa iska leh awooda kamadanbaysta ah ee siyaasadeed. Nidaamkaa dimuqraadiga ahina waxa uu difaac ka yahay in uu si sahlan ku samaysmo nidaamka kaligii talisku. Dimuqraadiyada ayaa markaa iyana u baahan in siday tahay loo fahmo oo laga ilaaliyo xagal daaca. Qoraalkeenan waxaynu waxooga ka tilmaamaynaa sida nidaamkaasi dimuqraadiga ah hareeraha loo qaban lahaa oo shicib iyo dawladba inta lays kaashado dhurwaaga looga ilaalin lahaa. Ugu horrayntii waxaa loo baahan yahay in himilada la saxo. Himiladu waa mid shaqsiga u gaar ah (personal vision) iyo mid bulshadu ay wada leedahay (community vision). Shaqsigii baa marna noqonaya qof caadi ah oo bulshada ka tirsan, marna noqonaaya masuulka ay bulshadu xil u dhiibatay. Bulshadaa iyana bulshooyin usii kala baxaysa. Cid walba waxaa looga baahan yahay inay dib-isugu noqoto oo ay himiladeeda qiimayn ku samayso. Shaqsigu hadduu doonayo inuu masuul umadda hogaamiya uu unoqdo maxaa la gudboon inuu naftiisa ka bedelo, maxaana la gudboon inuu bulshada uu ka tirsan yahay ku soo kordhiyo? Bulshadii meel wada degan iyana maxaa la gudboon? Maxay doonaysaa inay xaaladeeda iminka taagan ay ka bedesho, maxaanay doonaysaa mustaqbalka inay gaadho oo ay noqoto? Mid aynu wada ogaano, midaas oo ah in isbedelku sidiisaba aanu ka imanin dibeda ee uu ka yimaado bulshada dhexdeeda. Illaahay (SWT) ayaa quraanka inoogu sheegay. Waxaa laga yaabaa in in badan oo inaga mid ahi ay mar iyo in kabadanba aynu ka qaybgalnay siminaaro ama shirar lagaga hadlayo muhimada ay leedahay in la qeexo himilada bulshada. Laakiin shirarkaasi ama tababradaasi ay inta badan hayado ajanabi ahi ay daadihinayaan ayaad moodaa in waxay ina farayaan aan lagala bixin hudheelka ay shirka ku qabtaan. Oo marka uu shirkaasi dhamaado kadib qof waliba uu dib ugu laabto nolol maalmeedkiisii hore. Aadamuhu had iyo jeer wuxuu ka walwalsan yahay mustaqbalka. Waxaan marwalba ka walwalsanahay waxaa berri dhici doona. Waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano waxa dhici doona mustaqbalka. Sababtoo ah haddaad ogaan lahayd waxa dhacaya mustaqbalka. Markaas ayaan u diyaar garoobi lahayn laga bilaabo maanta dabiici ahaan. Waxaad mooda inay diinti qarka saarantahay. Waxaan taas uleeyahay been tii baa badatay. Wax kasta illaahay wuxuu noogu shegay Quraanka. Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada. Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo aan ku dadaalin sidii loo qeexi lahaa hadafyada guud iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa. Soomaalidu waxay iska jecel yihiin inay isku filnaadaan in uu naftiisa wax-u-noqo oo aanu qoyskiisa mooyee aanu cid kale dan ka lahayn. Dhaqankaasna waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay (individualism) ama kalinimada. Waa inaad Naftaada Jeceshahay intaadan Qof kale Jeclaan. Inaad dadka kale u jeclaato sidaad naftaada u jeceshahay. Xigasho “Naftaada Jeclow” Haa, is-jacaylku malaha waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad noloshaada ku samayn karto. Markaa ku bilow taas marka hore, ka dibna ballaariso jaceylka aad dadka kale u qabto. Waxaan rajaynayaa inaad heli doontid waxyi, saaxiib. Waxaan u baahanahay inaan saxno bulshadeena halaga bilaabo inaan isku raacno oo aan si cad u qeexno hadafka, in laysla meel dhigo oo si fiican loo qeexo himilada oo markaasi noqonaysa in lays waydiiyo xaalad caynkee ah ayaa maanta bulshadeenu ku sugan tahay? Maxaan rabnaa inaan ka badalno xaaladeena? Maxaana aynu doonaynaa in aynu xaalkeena ka bedelno? . Maxaynu higsanaynaa oo halkee ayaynu doonaynaa inaynu gaadhno 30 sano ka kadib xagee joognaa. Bulshadu markay sidaasi himiladeeda u hagaajisato, ayaa waxaa imanaysa inay isqiimayso oo ay markaasi iska soo dhex saarto masuuliinta gaadhsiinaysa meeshaa ay higsanayso. Bulshadu waxay ogaanaysaa inay iyadu gacanta isoogu hayso badhaadhaheeda. Cagsiguna waa sax oo bulshadu hadday hogaankeeda u dhiibato cid iska-gee-uun ah markaasi bulshadaasi iyadaa isdabartay oo jabkeeda gacanteeda ku samaystay. Hogaanka siyaasiga ah ee wadanka isaga waxaa laga rabaa inuu himilada intaasi ka fogeeyo oo uu ka fikiro halkii uu wadankiisu gaadhi lahaa 50 sanno kadib. Marka sidaasi loo fikiro waxa imanaysa inaanad naftaada iyo inta manta kugu xeeran oo kaliya aanad ka fikirin ee aad ka fikirto jiilasha wadankaaga ee mustaqbalka ubadkeena maxaad meel u dhigtay, sees caynkee ah ayaad u dhigtay? Taariikhdu iyadaa isqorta ee maxaad ugu talo gashay inay kaa qorto? Wadaniyada waa in la baro ciyaalkeena iyo daka imika jooga si lo aaso qabyaalada. Waxaa muhiim ah in qabiilooyinka oo dhan wada shaqeeyaan. Waa inaan sameynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u badbaadino mustaqbalka Somaliland waxaan rajaynayaa in maalin maalmaha ka mid ah carruurteennu si nabad ah ugu noolaan doonaan Somaliland iyo nolol tan innaga ka wanaagsan mustaqbalka. Jiilasha mustaqbalku hadday wanaag kugu xasuustaan waxloo dhigo miyaa jira? Waari Mayside War Hakaa Hadho! Waxa shaki la’aana in bulsho kasta oo casri ah oo manta adduunka dushiisa ku nooli hadday himiladeeda si fiican u qeexdo inay ku darsanayso qorshaheeda samaynta goobo caafimaad, goobo waxbarsho, wadooyin, iyo sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo ay warshadayntu kow ka tahay, iyo waxyaabo kaloo badan oo bulshada casriga u baahan tahay. Markaynu Somali ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa mujtamac qabali ah oo markaasi bulshooyinkiisu ay ka kooban yihiin qabiilo. Qabiil kastaa waa bulsho isku xidhan. Bulsho sideedaba waxaa lagu qeexaa inay tahay dad ay ka dhaxayso dani, dadkaasi meel hawada joogaan ama yaanay wada joogine. Markaasi tusaale ahaan beel reer Somaliland ah oo inteeda badina Hargeysa degto, xubnaha beeshaasi hayb ahaan uga midka ahi ee magaalooyin kale degan isku bulsho ayay ahaanayaan. Dhinaca kale markaad ka eegto waxa isku bulsho noqonaya dad aan isku hayb ahayn laakiin magaalo ama tuulo wada dega. Markaa waxa lagama maarmaan ah in dadkaasi kala beesha ah laakiin uu degaanku ka dhexeeyaa inay waxwada qabsadaan oo ay samaystaan himilo ka dhaxaysa oo markaasi ay higsanayaan gaadhisteeda. Himiladuna sideedaba waa inaad samaysato hadaf fog oo gaadhistiisa aanad gaadhaynba inta aad nooshahay maadaama ay sheegayso halka la gaadhi doono 30ka sanno ama 50ka sanno ee socda, laakiin waa hadaf ay gaadhi doonaan ubadkaagu. Taariikhda waxku darso weeyaan. Mana jirto cid (shaqsi, beel, dawlad) doonaysa inay taariikhda waxaan wanaagsanayn ku darsato. Marka ay bulshadu doonayso inay dhisato kaabayaasha dhaqaalaha, sida iskuulada, rugaha caafimaad iyo wadooyin ama dekedo waxaa khasab ah inay bulshadaasi la shaqayso xukuumada talada haysa. Markaasi waxaa khasab ah inay la shaqayso beesha ama beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin.. Marka ay cid waliba saxdo himiladeeda ayaa la helayaa waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka bulshooyinka. Marka ay bulshooyinka waddanka ku wada nooli ay isa saxaan ayaa waxaa si ootimaatik ah u saxmaya waddanka ay ku nool yihiin. Waxa imanaysa in si wada jira loola coloobo oo laysooga qabto cidii hagar daamo ku keenaysa habsami u socodka nolosha bulshooyinka. Adduunka waxaa guulaysta wadamada ay degan yihiin bulshooyinka casriga ah ee goor hore qeexay himiladooda isla markaana hogaankooda u dhiibtay cid ay iska soo xuleen oo ay ogyihiin inay fahmayaan himilada ay dhigteen. Taas macnaheedu maaha inaynaan inana markeena horumarikarayn. Horumarkeena inagaa gacanta isugu hayna. Keliya waxaa laynaga rabaa inaan himiladeena saxno. Bulshooyinka Somaliyeed ee himiladooda qeexay oo gaadhista himiladaasi ka hawlgalay waxa ka mida bulshada waqooyiga Kiiniya degta. Bulshadaasina bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed waxay ka horaysaa masaafo aanay sahlanayn sida lagu gaadhaa. Ingiriiska ku maahmaa “it is never too late” oo ka dhigan “cidkastaa markay isasaxdo ayay meeshay higsanayso gaadhaysaa”. Mid baa la hubaa oo marka ay bulshooyinka wadanka wada degaa ay mid waliba isasaxdo ayaa waxaa imanaysa in hogaanka dalka loo dhiibo cid ehel u ah. Waxaa kaloo imanaya isfaham guud oo isna keenaya nabad waarta. Waxa kaloo imanaysa in doorashooyinka si nidaamsan loo qabsado maadaama cida hogaanka haysaa ay si fiican u fikirayso ooy doonayso in ay taariikhda wax wanaagsan ku darsato. Iskaashiga bulshooyinka iyo dawladuna wuxuu garantii u yahay in la gaadho horumar dhaqaale oo markaa faqriga lagaga baxo. Allaa Mahad leh W/Q: Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad dubadguure@gmail.com Qaran News
  7. In ka badan 60 qof oo reer Afghanistan ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay tobanaan kalena waa la dhaawacay markii khamiistii laba qarax oo xooggan ka dhaceen afaafka hore garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. Laba qof oo isqarxiyay iyo dabley ayaa weeraray dad badan oo reer Afghanistan ​​ah oo ku soo qulqulay garoonka diyaaradaha ee Kabul, kuwaas oo doonayay inay ka cararaan qabsashada Taliban ee dalka Afghanistan. ISIL ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha Kabul, sida lagu daabacay kanaalka Telegram ee wakaaladda wararka kooxda ee Amaq. Dagaalyahannada Taliban ayaa ilaalo ka hayey xayndaabka garoonka Kabul, xiliga weerarku dhacay. Wadamada reer Galbeedka ayaa maalmo ka hor ka digay weerar ka dhaca garoonka Kabul, iyagoo shacabka uga digay inay ka fogaadaan halkaas. 11 maalmood gudahood tan iyo markii Taliban qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay Kabul ka daadgureeyeen in ka badan 88,000 oo qof. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta. PUNTLAND POST The post Ku dhawaad 100 ruux oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Kabul appeared first on Puntland Post.
  8. Darussalam (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo shalay weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday. Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka weerarka soo qaaday, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xamza Xasan Maxamed, oo ahaa 29 jir dhashay November 17, 1991-kii. Xamza ayaa la sheegay inuu la dhashay sarkaal horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Soomaaliya lagu dilay dhowr sano kahor. “Booliska ayaa muddo ninka isha ku hayey ayaga oo tuhun weyn ka qaba, waxaana suurta-gal ah in carada uu ka qaaday korjoogteynta lagu hayey uu weerarka u fuliyey,” ayuu yiri il-wareed amni. Xogta ayaa intaas ku dareysa in Xamza uu mar tegay Soomaaliya, intii uu walaalkiisa ka dagaalamayey halkaas, kahor inta aan lagu dilin magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Warar kale ayaa sheegaya in laba wiil oo la dhalatay Xamza iyo hooyadiis ay mar ciidamada ammaanka Tanzania ku xireen magaalo ku taalla xuduudda Tanzania iyo Zambia, oo ay ku noolaayeen. Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa horey u sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam. The post Xogta ninkii Soomaaliga ee shalay weerarka ka fuliyey Darussalam oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Wararka naga soo gaarayo deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn oo hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay goorshaw la wareegeen Ururka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen labada deegaan kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Dowladda. Deegaanka Camaara ayaa labadi maalin ee la soo dhaafay waxa ay dagaallo ku dhax marayeen Ururka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda. Kooxda Shabaab ayaa horay u sheegatay in ay gaadiid dagaal iyo Sanaad ciidan dagaalki shalay ka qabsadeen ciidamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne Biixi iyo Qaadashada Labada Go’aan ee aadka u Qadhaadh. Sii deynta Budhcad-badeeda Iyo Argagixisada ! Asalaamu Calaykum 29kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray Amar uu ku cafiyay 19 qof oo budhcad badeed ah oo reer Soomaaliya ah, oo ay soo xukuntay maxkamad ku taala Dalka Seychelles, ka dibna loo soo wareejiyay Xabsiga dhexe ee Hargeysa. Maxaabiistaas oo aan shakhsiyan ku booqday Jeelka marar kala duwan, waxay u badnaayeen dhalinyaro, waxaanay ii sheegeen inay badankoodu kaluumaysato ay ahaayeen oo ay badahooda ka difaacanayeen doonyaha shisheeye ee xada khayraadka badaha soomaaliya, waxa kale oo ay ii sheegeen in badankoodu aanay wax rafcaan ah ka qaadan dembiyada lagu helay, maadaama ay aad u baqanayeen, xukunka ay Maxkamada Seychelles ku riday budhcad badeedaas ayaa qaarkood gaadhsiisnaa 40 Sanadood. Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo fahamsanaa culayska ay lahayd sii deynta maxaabiis heshiis caalami ah lagula galay Dawlada Somaliland, oo xataa aanay u furnayn inay kiiskooda dib u eegaan Maxkamadaha Somaliland, ayuu hadana ku dhiirraday inuu xabsiga ka sii daayo 19 maxbuus oo ay magacyadoodu kala ahaayeen: Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8. Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Xukuumada Somaliland inta ay si fiican u sii sooryeeysay ayay Maxaabiistaas u kiraysay diyaarad gaar ah oo u qaaday dadkoodii iyo deegaanadoodii. Inkasta oo aanay go’aankaas jeclaysan Dawladahii Maxaabiista ku soo wareejiyay Somaliland, hadana waxa uu ahaa go’aan ay ku farxeen Ummada Soomaalida ah ee dunida dacaladeeda ku nool. Maxaabiista falalka Argagixiso u xidhnaa ! Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Cafis u fidiyay xubnaha hoos ku qoran oo xukun maxkmadeed uu ku dhacay oo sannado badan Xabsiga ku jiray iyaga oo dhamaystay mudadii xukunkooda, balse ahaa qaar Jeelka lagu hayay. Maxaabiistaas muddo dhaafka ku xidhnaa ee Jeelka ku raagay oo ay qaarkood xidhnaayeen Labaatan Sanadood in ka badan, waxay kala yihiin; 1 Dauud Saalax iidle 2 jaamac Guutiye 3 Cabdiraxmaan indhacade 4 Cabdiraxman Diyo 5 Cabdilaahi Maxamuud Yuusuf. Dembi ka culusi ma jiro in qof aadami ahi uu Jeel ku sii jiro isaga oo dhamaystay mudadii lagu xukumay, waxaanay ahayd in wakhti hore la sii daayo Maxaabiistaas, laakiin loo sameeyo istiraatajiyad lagula socdo oo laamaha ammaanku ay isha ku hayaan, si looga hor tago hadii ay mar kale isku dayaan inay fal dambiyeedyo ku kacaan. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qaatay go’aamo dhaxal gal ah oo geesinimo ah oo aan habrasho lahayn oo aan laga filayn in Madax Afrikaan ahi uu qaadan lahaa, marka la eego labadaa go’aan ee culayska weyn lahaa ee uu ku sii daayay Budhcad Badeeda iyo Argagixisada. Jamhuuriyada Somaliland ma noqon karto Dal keligii dhabarka u rita oo Xambaara Culaysyada Budhcad-badeeda iyo Argagixisada, balse waxa ku waajib ah Dawladaha Caalamka gaar ahaan Wadamada EU, UK iyo USA inay gacan buuxda Iyo dhaqaale culus ay ku taageeraan Somaliland. Cidina xaq uguma laha inay Somaliland ka filato inay keligeed u babac dhigto oo ay gaashaan u noqoto dunida m, haddii aanay helin aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale oo caalami ah. Ugu danbayn aad ayaan ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland go’aamadaas culayska leh ee uu ka badheedhay. Somaliland ha guulaysto Amb Kaysar Maxamed Qaran News
  11. Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga. Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan. Mid ka mid ah qaraxyada ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey oo soo xirtay jaakad walxaha qarxa lagu soo xiray, halka qaraxa labaad uu ahaa mid baabuur. Waxaa sidoo kale jiray rag hubeysan oo rasaas furayey. Sidoo kale 60 qof oo shacab Afghanistan ah ayaa ku dhintay, 200 oo kalena waa ku dhaawacmeen qaraxyada, oo ay fuliyeen dad is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur. Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen. Banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan. Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan. Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka. Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan. The post Askar Mareykan ah oo lagu laayey qaraxyada Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  12. Camaara (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan. Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye. Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac. Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta dagaalka ah, dhowr askarina ku dishay. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug oo la xiriira qabsashada Al-Shabaab ee Bacaadweyne iyo Camaara. The post DEG DEG: Al-Shabaab oo dib u qabsaday Camaara iyo Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  13. Qarax ayaa maanta oo Khamiisa ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, halkaas oo kumanaan qof ay ku soo qulqulayeen iyagoo isku dayaya inay ka cararaan qabsashada Taliban ee Afghanistan. Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa is-miidaamin waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay weerarkaas, balse warar laga soo xigtay saraakiil Taliban ah waxay sheegayaan in ugu yaraan ay ku dhinteen 11 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalyahannada Taliban ayaa ilaalo ka hayey xayndaabka garoonka diyaaradaha Kabul, xiliga qaraxu dhacay. Wadamada reer Galbeedka ayaa maalmo ka hor ka digay weerar ka dhaca garoonka Kabul, iyagoo shacabka uga digay inay ka fogaadaan halkaas. 11 maalmood gudahood tan iyo markii Taliban qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay Kabul ka daadgureeyeen in ka badan 88,000 oo qof. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Kabul)-Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in millatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan Ogosto. Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Tuki ah, codsiga ay shuruuddu ku xidhantahay ee Taalibaan ayaa imaanaya kadib markii ay dib ugu soo noqday awoodda Afgaanistaan 20 sanno kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigeysa go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqada halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin. Dalka Muslimka ah ee Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, walina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, waxaana saraakiishan ay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan. Laakiin xukuumadda Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kaddib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas. Source
  15. Kabul (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxa uu ka dhacay albaabka Abbey Gate. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel 200m u jirta isla albaabkaas. Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geerriyootay, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur. Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta Mareykanka ay dhaawacmeen, inkasta oo uusan shaacin tirada rasmiga ah. Afhayeen u hadlay ciidamada Britain ayaa xaqiijiyey in ciidankooda uusan wax dhaawac ah soo gaarin. Banaanka garoonka ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan. Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan. Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka. Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan. The post DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay garoonka Kabul iyo khasaaraha illaa hadda appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay Muqdisho loogu geystay Nuur Cumar Shanlow, oo ahaa qof shacab ah balse ay kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya. Dilka Nuur Cumar ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana gaystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay kadib markii ay fuliyeen. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, oo lagu sheegtay dilkan, ayey sidoo kale kooxda ku sheegtay in Nuur Cumar uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan sirdoonka. Ma jirto cid xaqiijin karta inuu Nuur ahaa sirdoon, waxaana dadka xaafadda ay sheegeen inuu ahaa qof shacab ah. Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan shacabka ay dilalka qorsheysan ku fuliso ee Muqdisho ku sheegta inay yihiin sirdoon. Sidoo kale, saraakiisha amniga Soomaaliya weli kama aysan hadlin dilka marxuum Nuur Cumar Shanlow. Dilkan ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay aad u yaraadeen dilalka qorsheysan ee Muqdisho, kadib markii ciidamada amniga ay sare u qaadeen howlgalladooda, sidoo kalena meelo badan oo magaalada ka mid ah laga howlgeliyey ciidan dhar cad ah oo ugaarsada Shabaabka. Waxaa horey u dhacday in xubno Al-Shabaab ah oo dil ka gaystay magaalada, isla goobta lagu toogto ama lagu qabto, taasi oo sare u qaaday cabsida Shabaabka, kadibna hoos u dhigtay dilalkii ay ka fulin jireen magaalada. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilkii Nuur Cumar ee Muqdisho ay ka fulisay appeared first on Caasimada Online.
  17. Dagaal xooggan oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed ayaa galabta ka qarxay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud. Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda degmada Galinsoor iyo Dhabbad ayaa ku dagaallamaya degaanka Mira-cawleed sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Lama sheegin weli waxa uu ku salaysanyahay dagaalkaas u dhexeeya labada malayshiya-beeleed. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed culus oo ka socda nawaaxiga Galinsoor appeared first on Puntland Post.
  18. PRESS RELEASE OPEC Secretary General sees 2021 as a Before and After Year, as Congo Takes Presidency of the Organization Energy transition in 2022 will likely take center stage in global conversations and discourse Access Multimedia Content BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), August 25, 2021/ — H.E. Mohammed Sanusi Barkindo, Secretary-General of the Organization of the Petroleum Exporting Countries (OPEC), addressed the future of OPEC yesterday at a press conference during a historic three-day OPEC and African Energy Chamber (AEC) visit to the Congo in the presence of H.E. Minister Bruno Jean-Richard Itoua, Minister of Hydrocarbons of the Republic of the Congo, which will take on the rotating presidency of OPEC in 2022. “This year will be a watershed year because it will serve as a link between the journey of OPEC in the last 60 years and the bridge to the next 60 years,” H.E. Barkindo stated, adding that “it will be the year when the world will focus once again on climate change post-COP26 in Glasgow this year. Therefore, energy transition in 2022 will likely take center stage in global conversations and discourse,” remarked the Secretary-General. The state delegation has held high-level meetings in Brazzaville over the last two days and is now in Pointe-Noire to conclude a visit to the Congo’s oil and gas capital. ECP is live covering AEC’s and OPEC’s historic visit to the Republic of Congo as it launches its own initiatives to promote the country’s energy sector. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  19. Ninka ka dambeeyay dilka saddex askari oo boolis ah iyo askari ilaalo ka ahaa meel u dhow safaaradda Faransiiska ee Dar es Salaam Arbacadii ayaa la sheegay inay walaalo ahaayeen nin hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo lagu dilay bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ahaa soddon jir muddo ku jirey raadaarka booliska oo lagu raad joogay,waxaana magaciisa lagu sheegay sida ku qoran aqoonsigiisa Xamza Xasan Maxamed. Sida warku sheegayo Xamza ayaa ka yimid dalka Soomaaliya kadib markii walaalkiis oo Al-Shabaab u dagaallamayay lagu dilay Ceelbuur ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Qoyska Xamza oo ka kooban hooyadii iyo walaalkii ayaa ciidammada ammaanku ka xireen magaalo ku taal xadka u dhexeeya Tanzania iyo Zambia oo ay ku noolaayeen. PUNTLAND POST The post Ninkii fuliyay weerarkii Tanzania oo magaciisa la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  20. Qeybta dalxiiska ee Bariga Afrika ayaa lumisay in ka badan $ 4.8 bilyan iyo 2 milyan oo shaqooyin ah sannadka 2020 iyada oo ay sababeen xannibaadaha COVID-19, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay Arbacadii. Waaxda dalxiiska ayaa ku biirisa qiyaastii 10% Jaaliyadda Bariga Afrika (East African Community) dhinaca wax-soosaarka guud ee wadammada (GDP) waxayna u dhigantaa 17% dakhliga dhoofinta iyo qiyaastii 7% xagga shaqooyinka, marka loo eego xogta rasmiga ah. Warbixinta Golaha Ganacsiga Bariga Afrika (East African Business Council), oo ah urur ganacsiyo gaar ah ku leh gobolka, ayaa muujisay in 4.2 milyan oo dalxiisayaal ajnabi ah aysan awoodin inay u safraan goobaha dalxiiska ee Bariga Afrika. Ururka EAC ayaa bishii la soo dhaafay ansixiyay qorshe dib-u-soo-kabasho COVID-19 oo loogu talagalay dalxiiska kaas oo doonaya in dib loo soo nooleeyo waaxda iyada oo la hubinayo in lixda dal ee xubnaha ka ah-Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Burundi iyo Koonfurta Suudaan-ay qaataan hab wadajir ah oo isku duuban dhanka soo kabashada dalxiiska. PUNTLAND POST The post Waaxda dalxiiska bariga Afrika oo khasaare la kulantay appeared first on Puntland Post.
  21. Wax ka qabashada macluusha, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taageerada hay’adaha dowladda iyo gargaarka bini aadanimo ee Turkigu u fudiyay Soomaaliya ayaa laga xusay Muqdisho iyo Ankar 10 sano ka dib markii Turkigu ku soo biiray Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa u dabaal dagay xiriirkooda soo koraya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho oo ay dagaalladu aafeeyeen toban sano ka hor bishaan oo kale. Si loo xuso taariikhdan, Ankara iyo Muqdisho waxay ku dhawaaqeen in ay sannad walba u dabaaldegi doonaan maalinta “Somali-Turkey” oo ku beegan 19-ka bisha Ogoosto, oo ah maalintii ay diyaaradaha Turkigu, ay soo caga dhigteen Aadan Cade International Airport. Sannadkii 2011 waxa uu ka mid ahaa sanadihii ugu adkaa ee soomara Soomaaliya .waxaa markaas u buuxsamay Soomaaliya 20 sano oo dagaal sokeeye ah, qabqablayaal qabiil, siyaasiyiin iska soo horjeeda iyo Al Shabaab oo ladagaalamaysa maamulka, haddana abaar aad u ba’an aya ku dhufatay bada iyo biriga. Iskusoo wada duuboo, dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa bixiyay qiimaha ugu dambeeya ee ku tumashada sharciga iyo wax -ka -qabad la’aanta deg -degga ah ee gargaarka bani’aadamnimada. Xataa heerkii gaajada, sawirrada carruurta gaajaysan kuma qancin jilayaasha reer Galbeedka in ay gacan ka geystaan sidii tallaabo loo qaadi lahaa. Waxay joojiyeen gargaarkii, iyagoo ku andacoonaya in uu gacanta u geli karo Al Shabaab waxayna uga tageen ku dhawaad rubuc-milyan oo qof oo badhkood ay carruur yihiin- in ay dhintaan! Soomaaliya oo ku dhexjirtay dagaal sokeeye iyo macaluul, ayaa aduunku u arkay meel aan la tegi karin. Haa waa markii uu Turkigu soo galay. Booqasho taariikhi ah, Erdogan oo ay weheliyaan wasiirradiisa, mas’uuliyiinta gobolka iyo diyaarado gargaar bani’aadamnimo ah ayaa ka soo degay Muqdisho bishii Ogosto 2011, waana hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee sidaas sameeya ku dhawaad ​​labaatan sano. “Musiibada halkan ka socota waxay tijaabo u tahay ilbaxnimada”, ayuu yiri Erdogan kadib markii uu booqday xeryaha ay qaxootigu buux dhaafiyey iyo isbitaallada burbursan ee Muqdisho. Booqashadan ayaa dhalisay ololihii bani’aadamnimo ee ugu weynaa ee soo mara taariikhda Turkiga. Laba bilood gudahood, deeqaha dadweynaha iyo dhaqaalaha gobolka oo la isku daray waxay gaareen 300 milyan oo doolar. Ankara ayaa sidoo kale abaabushay kulan deg deg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) waxayna ku qanciyeen wadamada xubnaha ka ah inay urursadaan 350 milyan oo doolar si loogu sameeyo gargaar bini aadanimo. In kasta oo boqolaal shaqaale gargaar Turki ah, dhakhaatiir iyo mas’uuliyiin kale ay u imaanayeen Muqdisho si ay u dhisaan isbitaallo, hoy, gargaar caafimaad iyo raashin ah oo ay gaarsiiyaan dadka barokacay, Turkish Airlines waxay noqotay diyaaraddii ugu horreysay oo caalami ah oo duulimaad toos ah ka bilowda Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano. Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in faragelintaasi ay indhaha caalamka ku soo jeedisay xaaladda Soomaaliya. “Kaddib faragelintii Turkiga, inta badan ururadii caalamiga ahaa iyo ergooyinkii diblomaasiyadeed ayaa bilaabay inay ka howlgalaan Soomaaliya” ayuu yiri Yilmaz. Gargaarka bani’aadamnimo ee Turkigu waa uu sii socday xitaa ka dib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluushii dhammaatay 2012. Isla sannadkaas, Soomaaliya waxay ahayd dalka labaad ee ugu badan ee helay gargaarka degdegga ah iyo kan shanaad ee ugu weyn ee guud ahaan gargaarka ka helay Turkiga. Xulufada Turkiga ayaa ka soo horjeesatay “aragtida adduunka ee ah in dalka Afrika uu yahay goob aan la tegi karin oo lagu garto argagaxiso, rabshado, fowdada iyo faqriga”, ayuu yiri Abdinor Dahir, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Oxford. Maaddaama kaalmada Ankara “ay dib uga soo noolaysay Soomaali badan geeri ku dhow”, waxay sidoo kale gacan ka geysatay dib-u-dhiska awoodda dowladnimada wadanka oo dagaallo halakeeyeen. Baarlamaankii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo ka badan 20 sano ayaa la dhaariyay waxayna xildhibaannadu doorteen madaxweyne cusub doorashadii ugu horreysay ee madaxweynenimo ee ka dhacda Soomaaliya tan iyo 1967 -kii. Gargaarka degdegga ah ilaa hannaanka dawlad-dhisidda. Markii la baajiyay saameynta abaartii ba’nayd, Ankara waxay ogaatay in gargaarka degdegga ah kaligiis uusan keeni karin horumar iyo xasilooni waarta. Sidaa darteed, Turkigu wuxuu ballaariyey hawlgalkiisa, isaga oo qaaday hawlo ballaaran oo isugu jira mashaariic bani’aadamnimo, gargaar horumarineed iyo dawlad-dhisida Soomaaliya oo waqti dheer burbursaneed. Dhibaatooyinka soo noqnoqonaya laguma xallin karo gargaar degdeg ah oo keliya, ayuu yiri Mehmet Yilmaz, safiirka Turkiga ee Soomaaliya. “Dawlad-dhisidda iyo horumar waara ayaa ah xalka muddada fog si looga hortago dhibaatooyinka in ay dib u soo noqdaan. Aasaasidda iyo joogtaynta awoodda dawladda waxaa suurtogal ah oo keliya marka la helo qalab ammaan oo xooggan. Sidaa darteed, waxaan mudnaan siinnay fikradahaas, ”ayuu Yilmaz u sheegay TRT World. Tan iyo markaas, iyada oo hay’adaha dawladda Turkiga iyo kuwa aan dawliga ahayn ay Soomaaliya ka wadeen qaybinta gargaarka, Turkigu wuxuu beddelay caasimadda isagoo bilaabay mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah, oo ay ku jiraan waddooyin caasimadda, dugsiyo, isbitaallo iyo hay’ado dawli ah iyo dhismaha xarunta baarlamaanka. Iyadoo Soomaaliya ay mudnaanta sare siisay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, Ankara waxay ka dhistay caasimadda Soomaaliya safaaradda ugu weyn ee Turkiga. Shirkadaha Turkiga waxay dib u dhis ku sameeyeen dekedda Muqdisho, gegida dayuuradaha waxayna sugeen qandaraasyo lagu maamulayo laguna dayactirayo labadaba oo ah ilaha dhaqaalaha ee ugu waaweyn dalka. “Waxa kaliya ee ay Ankara saxday ayaa ah in dib -u -habeynta diblomaasiyadda bani’aadamnimada loo beddelo hawlgal laba geesood leh oo leh saameyn dhinacyo badan leh. Habkani wuxuu tilmaamayaa baahida loo qabo in la dhiso awoodda dawladnimada Soomaaliya si loo bixiyo adeegyada qaybaha caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, ”Dr Mohammed Ibrahim Shire, oo bare sare ka ah Portsmouth ayaa u sheegay TRT World. Aragtida dadweynaha ee gargaarka Turkiga, waxa uu wax weyn ka beddelay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo aan helin adeegyo dowladeed tan iyo burburkii dowladdii 1991 –kii ayuu ku dooday Dr Shire. Isbeddel lagu sameeyo ciidanka milateriga Soomaaliya. Intii uu dagaalku socday, Turkigu wuxuu ballanqaaday inuu kor u qaadayo awoodda ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan tabar lahayn oo muddo dheerna u halgamay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al Shabab iyaga oo wajahaya diyacaad xooggan oo uu wehliyo musuq maasuq baahsan. Ankara waxay hadda ku tababaraysaa kumanaan ciidan milateri iyo boolis gaar ah Xerada TurkSom, oo ah saldhigga milatari ee ugu weyn Turkiga ee dibadaha oo laga furay Muqdisho 2017. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Gorgor (The Eagles) Commando Brigade ayaa tababarkii ugu horeeyey ku qaatay TurkSom kadibna waxay ka diiwaangashan yihiin barnaamijyada tababarka kumaandooska magaalada Isparta ee koonfur -galbeed Turkiga. Ankara waxa doonaysaa in ay tababarto saddex meelood meel ciidamada qaranka Soomaaliya. Ciidamada Gorgor ee uu Turkigu tababaray ayaa muujiyay kartidooda wax-ku-oolka ah markii ay qabsadeen magaalo Jannaale sannadkii hore, oo ahaan jirtay saldhiga hawlgallada Al Shabab, sida uu qabo Dr Ibraahim Shire. “Doorka Turkiga ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga ee Soomaaliya kuma koobna oo keliya ujeeddada dhow ee ah in la qaado hawlgallo liddi ku ah Al-shabaab laakiin wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho xagga amniga si loo yareeyo joogitaanka ciidamada shisheeye ”, ayuu yiri. Turkigu wuxuu sidoo kale lacag caddaan ah ku taageeraa dhaqaalaha Soomaaliya. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Turkiga ayaa ku dhawaad 3.4 milyan oo doollar oo deynta Soomaaliya ah ka siiyey Sanduuqa Lacagta Adduunka. Ankara ayaa bishan ku dhawaaqday $ 30 milyan oo si toos ah ugu deeqday Soomaaliya taas oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo doolar. Xiriirrada ayaa aad isugu soo dhawaaday sanadihii la soo dhaafay sidaa darteed Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo waxbartay ee Turkiga Cabdulqaadir Muxamed Nuur ayaa ku kaftamay “been ma aha in la yiraahdo Turkigu wuxuu noqday luuqadda labaad ee Soomaaliya”. Toban sano ka dib, yaa helay maxaa la helay Booqashadii taariikhiga ahayd ee Erdogan ee Soomaaliya waxay astaan sare u ahayd Turkiga, sidoo kale. Waxay timid xilli Ankara ay isu soo bandhigayso in ay tahay dowlad awood leh oo saamayn ku leh gobolka. Erdogan, intii uu booqashada ku guda jiray, wuxuu ku dhaliilay waddamada reer Galbeedka ina y ku guul -darreysteen wax u qabashada shacabka Soomaaliya wuxuuna hoggaamiyay olole laga sameeyay Turkey oo dhan lagu taageerayo ‘walaalaha muslimiinta’ inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Iyada oo gargaarkii Turkigu si joogto ah u soo gaarayay Soomaaliya isaga oo xambaarsan farriimo midnimo islaami ah, dalka Afrika ayaa sannadihii la soo dhaafay noqday rukunka Turkiga iyaga oo adeegsanaya waxa loogu magac daray “Qaabka Turkiga” oo ah isku dara maamulka dimuqraadiyadda iyo qiyamka Islaamka oo leh qorshayaal horumarineed iyo hiigsi . Ka -qeybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay sumcadda Turkiga ee qaaradda Afrika. “Soomaaliya waxay noqotay albaabka Turkiga ee Afrikada Saxaraha ka hooseysa, taasoo fursado cusub u abuureysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara ee gobolka, waxayna sare u qaadeysaa maqaamkeeda jilaa caalami ah”, ayuu yiri Daahir. Xagga ganacsiga, dhoofinta Turkiga ee Soomaaliya waxay gaartay in ka badan 200 milyan oo doollar sannadkii hore iyada oo shirkado Turki ah ay dalka geliyeen $ 100 milyan. kaalmada Turkigu waxay gacan ka geysatay ka hortagga macaluusha ee Soomaaliya, sidoo kale waxay si weyn gacan uga geysatay geeddi-socodkii dawlad dhisidda Soomaaliya colaada ka dib. Turkiga, si ka duwan jilayaasha reer Galbeedka, kuma xiro shuruudo barnaamijyada horumarineed ee Soomaaliya. Dhinacaas, Daahir wuxuu yiri, oo ay weheliso dabeecadda jireed ee xiriirka deeq-bixiye-yaasha iyo ka mid noqoshada mashaariicda ayaa ka dhigaysa saameynta Turkiga ee Soomaaliya mid wax ku ool ah, saamayn leh oo la isku haleyn karo. Saamaynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay Soomaaliya waxay qayb ka tahay siyaasadda jilicsan ee Ankara ku wajahayso Bariga Afrika. Turkiga ayaa wanaajiyay xiriirkii uu la lahaa quwadaha gobolka sida Itoobiya iyo Kenya oo labaduba dano ka leh Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabab. Xitaa marka ay ugu sarreyso murannada gobolka, Ankara waxay maamushaa cirifyada gobolka. Dhawaan, iyada oo Muqdisho iyo Nairobi ay xiriirka isku jareen muranka badda ee socda awgeed, Kenya waxay 118 baabuur dagaal oo hubaysan oo lagu magacaabo ‘Xizir’ ka dalbatay soo -saaraha Turkiga ee Katmerciler. Itoobiya gudaheeda, Ankara waxay mudnaan siineysaa iskaashiga dhaqaale maadaama ay tahay tan labaad ee ugu weyn ee maalgashade shisheeye ku leh dalka ka dib Shiinaha oo leh ku dhawaad 200 oo shirkadood oo Turki ah. Caqabadaha Joogtada Ah Taageerada Turkiga ee dowladda Soomaaliya ayaa ka careysiisay Al Shabab iyadoo kooxdu ay sannado badan weerarro ku qaadaysay injineerada, shaqaalaha, safaaradda Turkiga iyo saldhigga ciidamada. Sidaa darteed, kooxdu waxay weli tahay halista ugu weyn ee hay’adaha Turkiga ee dalka. “Caqabad kale waxay ahayd nuglaanta dowladnimada Soomaaliya iyo xasillooni -darrada siyaasadeed ee ka dhalatay… laakiin illaa hadda Ankara waxay dhex -dhexaad ka tahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya oo inta badan qasan”, ayuu yiri Daahir. Si kastaba ha ahaatee, kala fogaanshaha qotada dheer ee siyaasadda Soomaaliya ayaa caqabad ku noqon karta mowqifka dhexdhexaadnimada ee Turkiga. Horraantii sannadkan, markii uu dalku galay qalalaase siyaasadeed oo ku saabsan muddo-kordhinta madaxweynaha, xubnaha mucaaradka ayaa bartilmaameedsaday Ankara, iyagoo ku andacoonaya in ciidammada Turkiga tababaray loo adeegsaday in lagu caburiyo mudaaharaadyada. Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya, isagoo xusuusinaya in ciidamadu ay mas’uul ka yihiin dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ankara lagu soo rogay khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah laakiin ay sii wadi doonto taageeridda daacadnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha gudaha ee Turkiga ayaa laga yaabaa inay caqabad ku noqdaan kororka hamiga ah ee Ankara ee Bariga Afrika kaas oo lagu saleeyay koboc dhaqaale oo cajiib ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xasilooni darrada ka jirta dalka deriska la ah ee Siiriya, hoos u dhaca dhaqaale ee socda iyo xiisadda lacagta ayaa laga yaabaa inay xaddiddo baaxadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee gobolka. Source: TRT World Waxaa turjumay: Mowlid Mo’allim Adam The post 10 sano kadib, saddex waxyaabood oo uu Turkiga kusoo kordhiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  22. War-saxaafadeed ka soo baxay Fadhigii 78aad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Halkan hoose ka Daawo Muqaalka Warka:- Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda. Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika. Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland. Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida. Qaran News