Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay xaaladda kacsan ee dagaalada Itoobiya. Guterres, ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo la ciidameyay, kuwaas oo loo abaabulayo in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda TPLF. “Waa wax aad looga xumaado in la arko dhallinyaro badan oo Itoobiyaan ah oo la qalabeeyay lana abaabulayo dadaalka dagaalka”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres. Guterres ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in ay ka xun yihiin wadada lagu wado dhalinyarada halkii ay ku taamayeen in la dhiso Mustaqbalkooda. “Awoodooda ayaa la qeybiyay, halkii loo dhisi lahaa Mustaqbal qurxoon dhamaan Itoobiyaanka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guterres . Ugu dambeyn Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in Mustaqbalka Itoobiya uu halis ku jiro. “Dhinac walba marka laga eego, mustaqbalka Itoobiya ayaa halis ku jira”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo ah caasimada wadanka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni oo shalay gaaray gudaha Nairobi uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, kadib shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay Kenya iyo saaxibada caalamiga ah ee ay leedahay Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulamadan ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, maadaama lasoo saaray habraacoodii. Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa ku ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’. Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkan galeysa doorasho adag oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn leh, waxaana socda olole xoogan oo loogu jiro doorashooyinka. Si kastaba dhowaan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena la dhammeystiro mida Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post DENI oo kulamo xasaasi ah ka wada Nairobi + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  3. For months, Mohamed Olow was not sure if the COVID-19 vaccine was safe. The 63-year-old Somali man lives on Columbus’ North Side, where a large Somali population resides. Source: Hiiraan Online
  4. Somaliland has agreed “(in) principle” to take in refugees from Afghanistan, a foreign ministry official said Friday, as tens of thousands of people desperately flee the war-torn nation following a Taliban takeover earlier this month. The militants have repeatedly promised a different kind of rule to their brutal regime of the 1990s that saw girls barred from school, women confined to their homes, most entertainment banned, and stonings and public executions used as punishments. But since their August 15 takeover of Kabul, many Afghans have grown increasingly desperate to escape the country before the Taliban’s deadline for evacuations expires at the end of the month. On Friday, a spokesman for Somaliland’s foreign ministry told AFP that Hargeisa had entered into discussions with US officials about temporarily hosting Afghan refugees. “We (in) principle agree… to host Afghan refugees for the transit period,” the official said, adding that the agreement was still at a preliminary stage, with technicalities still to be worked out and no date set for their arrival. The US government has also been in talks with Uganda about taking in refugees. On Wednesday, a charter flight carrying 51 Afghans — including men, women and children — landed in the East African country, with more evacuees expected to arrive in the coming days. The evacuations were in response to a request from Washington to temporarily host “at-risk” Afghan nationals who are in transit to the United States and other destinations worldwide, Uganda’s foreign ministry said. Media reports say Kampala has agreed to take about 2,000 refugees but this has not been confirmed. Earlier this week, the founder of Afghanistan’s only boarding school for girls said that nearly 250 schoolgirls, faculty and staff would decamp to Rwanda to continue their education for the next several months. Aid agencies have repeatedly said that the international response to support refugees in East Africa has been underfunded, with the UN World Food Programme slashing its monthly assistance to refugees in Rwanda by more than half this year. Somaliland declared independence from Somalia during the 1991 civil war and has thrived as a comparative beacon of stability. While some governments maintain informal ties with Hargeisa, Somaliland is not diplomatically recognised by any other nation. Somalia fiercely opposes Somaliland’s claims to independence and considers the region part of its territory, though in reality Mogadishu exercises little authority over its affairs. Boasting a long coastline on the Gulf of Aden and a vast desert interior, Somaliland has a functioning government and institutions, its own currency, passport and armed forces. The Barron’s news department was not involved in the creation of the content above. This story was produced by AFP. For more information go to AFP.com. © Agence France-Presse Source AFP Qaran News
  5. President Recep Tayyip Erdogan on Friday said Turkey held its first talks with the Taliban in Kabul, adding Ankara was still assessing the armed group’s offer to assist in operating the international airport. Source: Hiiraan Online
  6. Uganda said Friday it had foiled a suicide bomb attack against the state funeral of a top police and army commander who led a major African Union offensive against Al-Shabaab militants in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Somaliland has agreed "(in) principle" to take in refugees from Afghanistan, a foreign ministry official said Friday, as tens of thousands of people desperately flee the war-torn nation following a Taliban takeover earlier this month. Source: Hiiraan Online
  8. Wufuud ka kala socday Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka. Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo. Shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah. Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo la xiriira Arrimaha doorashada uu kula leeyahay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya. Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ayaa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo saaray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoose ee Baarlamka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Nairobi kulamo ka wada appeared first on Puntland Post.
  10. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa ka codsaday dadka ganacsiga ku leh laamiga dhinacyadiisa in aysan maanta furin goobahooda ganacsiga inta laga hubinayo bed-qabkooda. Qayba kamid ah laamiga weyn ee Garoowe ayaa shalay dadkii marayay sumoobeen kadib markii booyad halkaas martay kiimiko kaga daadatay. “Waxaan ka codsanaynaa dadka ganacsiyada ku leh laamiga dhinacyadiisa inaysan furin goobohooda ganacsi berri, inta laga hubinayo bedqabkooda” ayuu yiri duqa caasimadda. Sidoo kale wuxu sheegay in uu isbitaalka ku booqday shan qof oo ku sumoobay kiimikada kuwaas oo xaaladooda caafimaad ka soo ranayso. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo codsi diray kadib kiimikadii shalay ku daadatay magaalada appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul Wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye ka taagan tahay (gobolka Tigray), xadka kala dhexeeya Sudan ay xiisad ka aloolsan tahay, murunkii biyoxireenka Niilna uu isku rogay xulufo uruursi. Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Itoobbiya la gashay Turkiya ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddeli doono cudud isku hallaynta Masar. Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan. Kol haddii jajuubikii Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Abu Dhabi waxay halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd cudud (hawkish) ku muquuninta, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay. Sida uu qoray wargeyska Bloomberg, laba bilood ka hor shirkadda Mubadala Investment ee Abu Dhabi ayaa maal ku dhow bilyan doolar gashatay 3 shirkadood oo Turki ah (Bloomberg – 19/08/2021). Dib u hagaajinta xidhiidhkooda ganacsiga iyo maalgashiga ayaa saameyn baaxad leh ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Maal dhan 2.5 bilyan doolar ayuu Turkiga geliyey dalka Itoobbiya. Wixii ka dambeyay heshiiskii Riyadh iyo Dooxa waxaa muuqday in Imaaraadku ku dhacay go’doon weliba markii Turkiga uu soo jiitay Masaarida iyo Faransiiska oo ay dagaalka Liibiya iskaga soo horjeedeen. Kulanka lama filaanka ahaa ee Ankara ka dhacay ayaa astaan cad u ah in Turkiga iyo Imaaraadka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan qaadista jiho ka duwan tii hore. Gulufka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka waxaa sababaya in maamulka Joe Biden uusan mar walba u hilinayn badbaadinta lammaane (partner) shar badan oo aan la isku hallayn karin. Imaaraadka oo kula tartameya Qadar nabaddoonnimada ayaa Itoobbiya iyo Sudan u soo bandhigay dhexdhexaadin. Reer Galbeedka, oo Imaaraadka u adeegsanayay sida hangoolka, si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ayey qorrax ku soo baxday. Madaxweyne Erdogan ayaa si taxaddar leh ugu soo jeediyey Janan Cabdel Fattaax Cabdelraxmaan al-Burhan Madaxa Golaha Qaranka Sudan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, taasoo xidhiidhkooda ku soo kordhin doonto isku kalsooni. Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Kuwait oo gargelyo ka ahayd Abu Dhabi ay ku talisay inay Soomaaliya wadaxaajood la furto Imaaraadka. Walow uusan dadaalkaas najixin, haddana hagaajinta xidhiidhka Turkiga ayaa qayb ka ah ilaalinta danahooda Liibiya iyo Soomaaliya. Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021). Dhinaca kale, xallinta xiisadaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa laga yaabaa inuu daadka raacsiiso riyadii siyaasiyiintii ku xulufoobay calanka Abu Dhabi hoostiisa. Saadaasha hor dhac u ah cidda ku soo bixi doonta madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Saameynta heshiiska Turkey, Imaaraadka iyo Itoobbiya ee doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet in diblomaasiyadda ay tahay xulashadiisa koowaad, balse uu ka fakari doono kuwa kale, haddii ay fashilmaan dadaallada dib loogu soo nooleynayo wada-hadallada Nukliyeerka Iran. Biden ayaa hadalkan sheegay kadib markii labada hoggaamiye ay Washington ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii Bennet uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israel, bishii June. “Diblomaasiyadda ayaan marka hore hormarineynaa, waana arki doonnaa halka ay na geyso,” ayuu Biden ka yiri kulanka Aqalka Cad. “Balse haddii diblomaasiyadda ay fashilanto, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashaooyin kale.” Mar waxa laga weydiiyo xulashooyinka kale kale ee Biden uu ka fakarayo, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki waa ay diiday inay ka hadasho. Bennet ayaa Aqalka Cad yimid ayada oo ujeedkiisu yahay inuu Biden ka dhaadhiciyo inuusan dib ugu laaban heshiiska Nukliyeerka Iran ee la saxiixay xilligii madaxweyne Obama, balse uu ka baxay madaxweyne Trump. Tan iyo markii Mareykanka uu heshiiska ka baxay 2018-ka, Tehran ayaa sare u qaaday kobcinta uranium-keeda oo ay gaarsiisay 63%, oo ku dhow heerka laga soo saari karo hub Nukliyeer, halka intii ay heshiiska ku jirtay ay aheyd kaliya 3.67%. Bennet ayaa sheegay inuu Aqalka Cad la yimid xeelad looga hartagi karo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, taasi oo si gaar ah uu ula wadaagay Biden. Si kastaba, wuxuu qanacsanaan ka muujiyey in isaga iyo Biden ay ka mideysan yihiin in Iran aan marna loo ogolaan inay hesho hub Nukliyeer. “Iran waa dalka koowaad ee caalamka ee dhoofiya argagixisada, xasillooni darrada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Bennet. Bennet ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran oo ka qafiifin doona cunaqabateynada saaran uu ka dhiggan yahay inay heli doonto kheyraad ay kusii kobciso uranium-ka. Biden ayaa caddeeyey in damciisu yahay inuu helo waddo Iran loogu celin karo heshiiskii Nukliyeer ee 2015 ee uu galay maamulkii Obama ee Biden uu ka ahaa madaxweyne ku-xigeen. Washington iyo Tehran ayaa waxay wada-hadallo dhowr ah ku dhex-mareen Vienna, hase yeeshee waxay istaagaan markii Iran ay gashay doorashooyinkii lagu doortay madaxweyne Ebrahim Raisi. Ma cadda xilliga ay dib u bilaaban doonaan. The post Madaxweyne Joe Biden oo diiday QORSHE ay la timid Israel oo ku wajahan IRAN appeared first on Caasimada Online.
  13. Nin Soomaaliya oo Goobjoog u ahaa Dagaalladii Sokeeyey ee Afghanistan, Suuriya, Liibiya iyo Yemen+Waxa dhigay halkaa! XUSEEN YOONIS Dr Xuseen Yoonis Xasan waxa uu BBC-da u sheegay in uu 16 sano ka shaqeynayay arrimaha gargaarka bani’aadannimada, muddadaasna uu tagay dalal badan oo ay ka jireen colaado iyo xaalado adag. Waxa uu goob joog u noqday dagaalladii sokeeye ee Yemen, Suuriya, Liibiya, Afghanistan iyo Soomaaliya. Sidoo kale Xuseen waxa uu kasoo shaqeeyay dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Lubnaan, Tunisia, Masar iyo Rwanda. Howlaha uu qabanayay Xuseen kuma koobneyn oo kaliya fulinta gargaarka bani’aadannimo balse waxa uu xitaa kaalin ka qaadanayay dadaallada lagu xaqiijinayay in waddada loogu furo howlaha lagu caawinayo dadka rayidka ah. “Waxa aan si toos ah iyo si dadbanba wadahadallo ula galay hoggaamiye kooxeedyo, maleyshiyaad iyo kooxo iska soo hor jeeda oo ku dagaallamayay waddamada aan kasoo shaqeeyay qaar ka mid ah si ay u oggolaadaan marinno dadka dhibaateysan gargaarka lagu gaarsiiyo,” ayuu yiri. Kooxaha uu hor fariista waxaa ka mid ah Xuutiyiinta Yemen, hoggaamiye kooxeedyada Liibiya iyo iyo kooxaha isaga soo hor jeeda dagaalka Suuriya, gaar ahaan xukuumadda Bashaar al-Asad iyo xoogagga Kurdiyiinta. “Intii aan ka shaqeynayay arrimaha gargaarka bani’aadannimada waxa aan ka qayb galay in ka badan 32 shir oo caalami ah iyo kuwo heer goboleed, anigoo mid walba kusoo bandhigayay baahida loo qabo in ahmiyadda koowaad la siiyo dadka dhibaateysan ee ku nool waddamada ay xasaradaha bani’aadannimo ka jiraan.” XUSEEN YOONIS Dr Xuseen waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan – xilligii ay la wareegayeen xoogagga kooxda Taliban – markaasoo uu dhowr jeer wareysiyo siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Balse markii dambe wuu ka tagay Afganistan. Soomaaliya Xilligii uu Soomaaliya ka shaqeynayay waxa uu ku howlanaa dardar galinta barnaamijka la dagaallanka xanuunka HIV/AIDS-ka. “Horaantii sanadkii 2006-dii ilaa 2008-dii waxaan qayb muhiim ah ku lahaa dejinta siyaasadda lagu hormarinayay la dagaallanka HIV/AIDS. “Waxaan kaalin ku lahaa dejinta qorsheyaasha ay Soomaaliya ku heleysay dhaqaale ay kula dagaallameyso cudurkaas, taasina waxay noo suuragalisay in aan markii ugu horreysay Soomaaliya usoo helno boos ay ku yeelato waddamada lacagaha ka hela hay’adda Global Find”. Xuseen waxa uu sheegay in ugu dambeyn ay Soomaaliya ka hirgaliyeen xarumo lagu dabiibo dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka. Howshooda waxaa barbar socday mashaariic talooyin iyo caawinaad xaga nolosha ah lagu siinayay dadka la nool xanuunkaas iyo carruurta waalidkooda ku waayay cudurkan. Sidoo kale in carruurta iyo dadka dan yarta ahba laga badbaadiyo inay noloshooda ku waayaan dhibaatooyin laga hortagi karo. XUSEEN YOONIS Dhanka kale Dr Xuseen wuxuu sheegay inuu kaalin ku leeyahay dadaalladii dhaqaalaha loogu raadinayay dhismaha dowlad goboleedyada Soomaaliya. “Waxaan lasoo shaqeeyay beesha caalamka, gaar ahaan deeq bixiyeyaasha, sida safaaradda Ingiriiska iyo Midowga Yurub, anigoo isku dubaride ka ahaa barnaamij loo yaqaanno sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaasoo ay ku bahoobeen dhowr deeq bixiye oo ay UK hormuud ka ahayd ayna ku jireen Denmark, Norway, Swden, Jarmal, Holan, midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka. “Waxaan sanduuqaas ka taageernay sidii dalka Soomaaliya loogfa hirgelin lahaa dowlad goboleedyada maanta ka dhisan, sidaas darteed waxaan anigu iskudubaride ka ahaa dhismihii baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.” Itoobiya Intii uu Xuseen joogay Itoobiya waxa uu sheegay inuu ka fuliyay mashruuc loo yaqaanno “Wadahadalka Bulshada” oo ujeeddadiisu ahayd in la isku xiro bulshada ku kala nool miyiga iyo magaalada. “Barnaamijkaas waxaa looga gol lahaa in kor loo qaado wacyiga dadweynaha ee la xiriira cudurka AIDS-ka oo faro ba’an ku haya Itoobiya, ayna jirto faham la’aan cudurka ku saabsan oo saameysay dadka ku nool dhulka miyiga ah.” Uganda Howlihii uu ka qabtay dalka Uganda waxaa u badnaa kuwo la xiriiray barnaamijka caafimaadka Iskuullada, kaasoo adeegyada caafimaadka ku fidinayay dugsiyada hoose/dhexe si ay carruurta u helaan adeegyo isugu jira nafaqeyn iyo la dagaallanka gooryaanka. Adeeggaas ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayay xarumaha waxbarasho ee ku yaalla dhulalka ka fog magaalooyinka. “Dadka reer miyiga ah waxaan u sameyneynay barnaamijyo kale oo ay ka mid yihiin sidii bulshada tuulooyinka ku nool loo siin lahaa tababarro ay ku bartaan xirfado ay noloshooda kor ugu qaadaan, sida in laga caawiyo wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga.” Yemen Markii ay dhacday dowladdii Cali Cabdalla Saalax ayuu Dr Xuseen Yemen u tagay si uu qeyb uga qaato caawinta dadka ku nool dhinaca waqooyi ee waddanka Yemen, kuwaasoo ay saameysay nafaqo darro iyo adeegyada caafimaad oo aad ugu yaraa. “Waxaan xarumo caafimaad iyo kuwo nafaqeyn ah ka furay gobolladii ay aad u saameysay xaaladda nafaqa darro sida goboolada Xaja iyo Xudeyda.” XUSEEN YOONIS Kaddib markii ay maamulka Yemen la wareegeen kooxaha Xuutiyiinta waxaa sii xoogeystay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jiray dalkaas, sidaas awgeedna waxa uu adeeggiisa kusii fidiyay dhinaca Bariga. “Magaalada Tacis ayaan ka furay xarun saldhig u ah howlaha bani’aadannimo oo soo jiidatay indhaha caalamka maadaama magaaladaas ay saarneyd cunaqabateyn labo sano ah oo ay kusoo rogeen Xuutiyiinta. Halkaas waxaa isugu keenay dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada oo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah.” Intii uu ka shaqeynayay Yemen ayuu mararka qaar wadahadallo ku saabsan fududeynta gargaarka la yeeshay xoogagga iska soo hor jeeday. “Waxaan gorgortan la galay Xuutiyiinta Yemen, kooxihii ka kala socday xisbigii Cali Cabdalla Saalax iyo xoogaggii wax iska caabinta ee ka jiray magaalada Tacis gudaheeda. Wadahallo socday lix bilood kaddib ku guuleystay in la furo waddooyin la mariyo adeegyada gargaarka.” Suuriya Waddanka Suuriya waxa uu ka fuliyay adeegyo la xiriira dhinaca fududeynta gargaarka loogu talo galay dadka rayidka ah ee ay colaadda sokeeye saameysay. XUSEEN YOONIS “Meelaha aan ka soo shaqeeyay dalka Suuriya waxaa ka mid ah magaalooyinka ay dagaalladu ku xoogganaayeen, sida Xalab, Xoms, Raqa iyo Darca. Dhammaan goobahan waxaa loo yaqaannay dhulka aan la gali karin.” Isla sida Yemen uu ka sameeyay, waxa uu “wadahadallo la galay kooxaha ku dagaallamayay suuriya, si ay u oggolaadaan marinnada gargaarka bani’aadannimo”. “Waxaan dadaal ku bixinaynay in aan sameyno wadaxaajoodyo lagu xaqiijinayo in gargaarka bani’aadannimo aan la siyaasadeynin.” Liibiya Liibiya shaqadii uu ka qabtay waxaa qayb ka ahayd gurmadka bani’aadannimo ee loo fidinayay dadka ku jiray goobaha lagu hayo tahriibayaasha badda laga soo qabto. “Waxaan Liibiya ka hirgaliyay mashaariic adeegga caafimaadka lagu gaarsiinayay dadka tahriibayay ee lagu soo qabtay howlgalladii ay fulinayeen ciidamada Liibiya iyo kuwa Midowga Yurub. Sidoo kale waxaan adeegyo gaarsiinayay dhulka ay ku nool yihiin bulshooyinka la faquuqo ee Koonfurta iyo bariga fog ee dalka Liibiya.” Afghanistan Xuseen Yoonis waxa uu ku sugnaa magaalada Kabul markii ay gudaha u galeen xoogagga kooxda Taliban, oo magaaladaas gacanta ku dhigay markii ugu horreysay muddo 20 sano ah. Inta uu halkaas joogay waxa uu BBC-da u sheegay in xaaladdu ay ahayd mid aad u argagax badan, iyaguna ay ku jireen gawaarida aysan rasaasta karin. Muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee uu Xuseen waday howlaha bani’aadannimo waxa uu sheegay inuu wajahay khataro badan oo isugu jiray isku dayo dil, halis afduub iyo dhibaatooyin kuwaas la mid ah. Qaran News
  14. Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Pentagon ayaa wadahadallo la yeeshay militariga Shiinaha markii ugu horreysay tan iyo bishii January oo uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Joe Biden, kuwaas oo diiradda lagu saaray maareynta khatarta u dhexeysa labada dal. Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wadahadalladan u xaqiijiyay wakaaladda wararka Reuters. Mareykanka ayaa sanadahan ka hortagga Shiinaha udub dhexaad uga dhigay siyaasaddiisa amniga qaranka, iyadoo maamulka Biden uu ku tilmaamay loolanka Beijing in uu yahay “imtixaanka ugu weyn ee juqraafi siyaasadeedka” qarnigan. Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayay marba mark a ka dambeeya, iyadoo labadan dal ee dunida ugu dhaqaalaha weyn ay isku hayaan arrimo badan, kuwaas oo ay ka midyihiin arrinta Taiwan, diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo dhaqdhaqaaqa milatari ee Badda Koonfurta Shiinaha. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Shiinaha oo yeeshay wadahadallo ku saabsan maareynta khataraha u dhexeeya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga qabsadey Al-Shabaab siddeed sano kahor, waxay weli kooxdu gacanta ku heysaa degmooyin badan oo hoos-yimaada gobolka Jubada Hoose iyo guud ahaan gobolka Jubada Dhexe. Labadii sano ee ugu dambeysay ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa isku horfadhiyay degmadaasi meelo aan kala fogeyn. Haddaba, maxay yihiin caqabadaha ku hor gudban in gobolkaas lala wareego? Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi oo ah Sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa VOA-da u sheegay in caqabada u weyn ee ku hor gudban ay tahay mid siyaasadeed iyo kala qeybsanaan gudaha Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM. “Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa cadowga lagu wajahi karaa, waxaan isleeyahay qeybtii AMISOM ayaa marwalba howsha sidii la rabay uga qeyb qaadaneyn, ha noqoto mid siyaasadeed iyo mid gudahooda ahba,” ayuu yiri Xasan Ciraaqi. “Waxaa u maleynayaa in AMISOM ay ciidamada u raaci laadahay ay tahay inaysan haysan amar guud oo ah in halmar la wada qabto dalka oo dhan.” Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in si buuxda loo dhiso ciidamada Soomaaliyeed, ayada oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeynayo, islamarkaana meesha laga saaro kala qeybsanaanta, si ay u fududaato guulo laga gaaro cadowga. Ugu dambeyntiina waxa uu kula taliyey ciidamada inay daacad ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, una dhintaan, illaa inta dalkeena laga xoreynayo The post Sababta diidan in Al-Shabab laga saaro Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa is-faham horudhac ah ka gaaray dhowr qoddob oo kamid ah qoddobadii dib u soo cusbooneysiiyay khilaafka doorashooyinka dalka, sida ay Caasimada Online u sheegen illo xogogaal ah. Musharaxiinta Mucaaridka iyo Golaha oo kulamo ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa isku fahmay in gebi ahaanba meesha laga saaro lacagta diiwaan-gelinta ergada ee CID-da iyo in la yareeyo qiimaha ay musharaxiinta ku qaadanayaan warqada dembi la’aanta. Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen in mudaneyaasha xiligan ka tirsan baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaaday ee labada gole aan looga baahneyn warqada dembi la’aanta ee CID-da. Xogta aan ka helayno qoddobada is-fahamka ay ka gaareen Musharaxiinta iyo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa intaas kusii daraya in la isla qaatay qoddobka ka hadlaya bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Golaha Shacabka. Sida ay Caasimada Online u sheegen illo ku dhow-dhow labada dhinac, madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid in wax ka bedel lagu sameeyo qoddobka ka hadlaya odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada beesha. Sidoo kale waxa jira qoddobo aan weli is-faham laga gaarin, ayada oo labada dhinac u ballameen kulamo kale, si hoos loogu dhigo khilaafka cusub ee ka dhashay habraaca doorashada ee awooda badan siinaya madaxweynaasha maamul goboleedyada. Si kastaba, waxaa lagu wadaa in is-fahamka laga gaaray dooda habraaca cusub ee doorashooyinka si rasmi ah loogu shaacin doona kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo toddobaadyo kadib la sheegayo in markale uu qabsoomi doono. Dhinaca kale, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa maanta isaga tegay Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo halka Deni uu u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. The post Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga oo dhowr qodob isfaham ka gaaray iyo Deni iyo Axmed Madoobe oo… appeared first on Caasimada Online.
  17. PRESS RELEASE United Nations hold 10-year memorial for the UN House Bombing The incident which happened on the 26 of August 2011 claimed the lives of 23 UN employees and civilians and left over 60 people injured ABUJA, Nigeria, August 27, 2021/ — At a solemn event in Abuja, the United Nations (UN) System in Nigeria held a commemorative ceremony to honor victims of terrorist attack on UN facilities 10 years ago. The incident which happened on the 26 of August 2011 claimed the lives of 23 UN employees and civilians and left over 60 people injured. What started as a normal working day at the UN House on Friday 26 August 2011 quickly turned into a disaster as a suicide car bomber ran into the building with a powerful blast destroying the lower floors of the building and killing 26 people out of which 23 were UN staff. The World Health Organization (WHO) lost three of its employees: Dr Edward Dede, Mr. Yemi Osunsanya and Engineer Musa Ali. To this end, UN employees came together to remember, reflect on the service and sacrifice of those who died while working to save humanity. The UN Resident Coordinator, Mr. Edward Kallon says, “This is indeed a dark day for the UN here in Abuja. Somehow, I have derived strength in our promise to the departed that we would refuse to be cowed by violence; remain defiant against terror and recommit ourselves to supporting the Nigerian people to fulfill their dreams of a future of prosperity, peace and security.” “We stand together as UN family to say that we will neither be deterred nor will the UN mandates be scuttled, not even in the face of threats and difficult humanitarian challenges encountered by UN staff around the country”, he adds. Meanwhile, Zulaiha Ahmed Executive Secretary (ES) FCDA, representing Minster of FCT, paying tribute to deceased, reiterates Government’s support in ensuring continued humanitarian and development works in the FCT. “On behalf of the Federal Republic of Nigeria, I pledge continuous support of the FCT minister for humanitarian activities across the FCT. It is indeed a sad day as we remember the souls that departed, may they continue to rest in perfect peace.” In his tribute to affected staff and commiseration with the families of the deceased, Dr Walter Kazadi Mulombo, the WHO Nigeria Country Representative stressed WHO’s commitment to supporting affected families. “It is unfortunate that an incident like this happened, but we cannot question the Almighty on doing so. However, I want you to take us, WHO as family and do not hesitate to reach out whenever there is need, we will be more than happy to step in and assist”, he says. The event was concluded with laying of wreath by family members and government officials. The occasion was witnessed by families of the deceased, UN Resident Coordinator, representatives of the Federal government, heads of UN agencies and members of staff. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  18. PRESS RELEASE International community must act to avert a two-speed global economic recovery post Covid-19 The Compact with Africa is a G20 initiative that promotes private investment in Africa ABIDJAN, Ivory Coast, August 27, 2021/ — Heads of international development institutions held a closed-door session with German Chancellor Angela Merkel on Thursday to discuss the uneven global economic recovery, access to vaccines, and strategies to drive a recovery from the Covid-19 crisis. Merkel was joined by the heads of the African Development Bank, World Trade Organization, the International Monetary Fund (IMF), the World Bank, the Organisation for Economic Cooperation and Development (OECD), and the International Labour Organization (ILO). “We have noted that the recovery after the pandemic is a two-speed recovery, which is cause for concern,” Chancellor Merkel said. The German leader added that the G7, IMF and World Bank continued to take measures to assist lower- and middle-income countries. She mentioned the IMF Special Drawing Rights and the importance of channeling them in a way that benefits the world’s poorest countries. Highlighting the IMF’s projection of 6% global growth in 2021, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said: “The composition of the 6% is changing, with advanced economies broadly accelerating growth, whereas most emerging markets and developing economies are falling further behind. This is a dangerous divergence.” The consequences of the disparity include continuing supply chain disruptions and the risk of giving up hard-won gains in development, which would fuel unrest and instability. Georgieva concluded that vaccines remain the number one priority today. World Bank President David Malpass reiterated this. He said progress had been made under the African Vaccine Acquisition Trust (AVAT) initiative of the Africa Centres for Disease Control and Prevention, but that advanced economies still need to make doses available to the rest of the world. On debt relief, Malpass said: “I have actively advocated for more transparency with regard to debt, as well as a greater balance within the debtor/creditor relationship around the world.” Addressing Africa’s economic prospects, African Development Bank President Akinwumi A. Adesina said the continent’s economies were forecast to grow by 3.4%. He said the IMF special drawing rights were invaluable in facing down economic headwinds. “The recent IMF release of $650 billion in SDRs, with $27 billion to Africa, will go a long way in helping to boost reserves for developing countries,” he said. He added: “If the developed countries reallocate $100 billion of SDRs to Africa, as agreed at the Paris leaders meeting and by the G7, that will further support faster economic recovery in Africa.” ILO Director General Guy Ryder said the impact of the pandemic on labour markets was four times greater than the 2008-2009 financial crisis. “We’ve recovered perhaps half of the damage done in terms of work being done, but all of us agree that the recovery process is incomplete, uneven and fragile,” Ryder said. The institutional heads included messages of praise and farewell for the outgoing chancellor’s leadership on her thirteenth and final sit-down as head of state with them. The meeting took place a day before a Compact with Africa conference, which several African heads of state are attending. The Compact with Africa is a G20 initiative that promotes private investment in Africa. It involves reform of the continent’s macroeconomic, business and financing frameworks. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  19. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee hoostaga dowladda federaalka Axmed Buulle Gareed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in qof ka socda maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo uusan imaan karin Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in waqtigii maamulka Axmed Madoobe ee labada sano ahaa uu dhamaaday, islamarkaana ay reer Gedo doonayaan in maamul la wada leeyahay loo dhiso Jubbaland. Sidoo kale waxa uu ku goodiyey in maamul uu soo magacaabay Axmed Madoobe uusan imaan karin gobolka Gedo. “Waxaan halkaan ka cadeynayaa in cid ka socota Kismaayo oo ka tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo aysan imaan karin Garbahaarey, talada, howsha halkaan ka socota ee doorashada iyo ambigeedaba anagaa masuul ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Garbahaarey ee taabacsan dowadda federaalka. Dadka is-bedel doonka ah ee reer Jubbaland ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan Garbahaarey oo sida uu sheegay ay gogoshoodu ka fidsan tahay, isagoo sheegay inay hadda dad badan ku soo biireen gogoshaas. “Waxaan fariin u dirayaa Ra’iisul wasaare Rooble, waxaan kaa codsaneynaa Ra’iisul wasaare in Axmed Madoobe aadan kala hadlin masiirka Jubbaland, markii laga reebo laba degmo oo Axmed Madoobe maamulo, inta kale anigaa madaxweyne ka ah, waxaan kaa codsaneynaa in deegaan kasta cidda heysata aad kala macaamisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Garbahaarey. Sidoo kale waxa uu sheegay in labadii sano ee Axmed Madoobe la aqoonsaday ay dhamaatay oo bishaan Agoosto ay ku ekeed, sidaas darteedna ay doonayaan in degmooyinka ay ka taliyaan aan Axmed Madoobe lagala xaajoon. Hoos ka daawo The post Maamulka gobolka Gedo oo ku dhowaaqay in Jubaland ay dhacday, oo ay dhisayaan maamul cusub appeared first on Caasimada Online.
  20. Manchester United ayaa xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu si cajiib ah ugu soo laaban doono Old Trafford ka dib markii ay Juventus kala heshiiyeen qiimaha xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or. Ronaldo oo 36 jir ah ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis labo sano ah oo ku xiran in la siiyo fiisooyin iyo inuu maro tijaabada caafimaadka, iyadoo United ay ogolaatay inay siiso kooxda reer Talyaani ee Juventuus lacag dhan 28 milyan oo Euro. Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu Manchester United u saftay ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009-kii. Ku dhawaaqista United ayaa timid, iyadoo 24 saacadood ee la soo dhaafay la hadal hayay in deriskeeda Manchester City ay mid ka mid tahay kooxaha ugu cadcad soo xerogelinta ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo. Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa doortay inuu ku laabto United, halkaas oo uu ku qaatay lix sano, wuxuuna kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, hal Champions League, labo League Cup iyo hal FA Cup, iyo sidoo kale Fifa Club World Cup iyo Community Shield, waxaana xiligaas United hogaaminayay Sir Alex Ferguson. PUNTLAND POST The post C. Ronaldo oo ku laabanaya Manchester United appeared first on Puntland Post.
  21. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay wada-hadalladii ugu horreeyey Taalibaan kula yeelatay magaalada Kabul, isaga oo intaas ku daray in Ankara ay weli qiimeyneyso codsi ka yimid kooxda oo ah inay maamulaan garoonka diyaaradaha Kabul. Erdogan ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka dhaceen qeybta militari ee garoonka diyaaradaha Kabul, halkaasii oo xarun ku-meel gaar u ah safaaradda Turkey. “Waxaan wada-hadalladeenii ugu horeeyey la yeelanay Taalibaan, waxayna qaateen saddex saac iyo bar,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha. “Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxaan fursad u heli doonnaa inaan wada-hadallo noocan ah yeelano mar kale.” Isaga oo ka jawaabayey cambaareynta gudaha Turkey ka imaneysa ee la xiriirta la-macaamilka kooxdan, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Ankara aysan laheyn ikhtiyaar ay sida tiir oo kale isaga taagnaato gobol aan deganeyn. “Ma ogaan kartid waxa ay doonayaan iyo wax aan dooneyno haddii aynan wada-hadalin. Waa maxay diblomaasiyad, saaxib? Tani waa diblomaasiyad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Turkey ayaa qorsheyneysay inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, hase yeeshee waxay Arbacadii billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Afghanistan, kadib markii sida muuqata ay Taalibaan diiday. Erdogan ayaa sheegay in Taalibaan ay hadda dooneyso inay sugtno amnig garoonka, halka ay Ankara u yaboohday inay maamusho qeybta farsamada iyo adeegga ee garoonka. Hase yeeshee waxa uu sheegay in qaraxii is-miidaaminta ee dilay 85-ka qof, oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah, kaasi oo shalay ka dhacay banaanka garoonka, uu muujinayo muhiimadda inaad taqaan sida loo sugo ammaanka garoon diyaaradeed. “Waxay yiraahdeen: ‘Innagaa sugeyna amniga, adinkana waxaad maamuleysaan garoonka’ Weli go’aan kama gaarin arrirntan,” ayuu yiri Erdogan. “Waxaan go’aan gaari doonnaa marka xasillooni la helo.” The post Erdogan oo war kasoo saaray wada-hadallo ay la yeesheen Taalibaan iyo arrin ay soo jeediyeen appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya dil labo qof oo dhallinyaro shacab ahaa loogu geystay deegaanka Balli-howd oo hoostaga degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud. Sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online, labada qof ayaa ahaa dhalinyaro saarna gaari kasoo baxay magaalada Muqdisho oo kusii jeeday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Dhalinyartaan ayaa waxay maleeshiyaad hubeysan kala dageen gaarigii ay saarnayeen, iyaga oo marka ay dileen kadib goobta iskaga baxsaday, sida ay sheegen dadka deegaanka. Waxaa lagu soo waramayaa in dilkaan uu salka ku hayo Aanooyin qabiil oo xiisadiisu muddooyinkii dambe ka taagan tahay deegaanadaas, waxaana gaystay kasoo jeeda beel ay horey dad isaga dileen beesha wiilasha dhallinyarada ah. Gobolka Galgaduud ayaa waxaa bilihii tegay aad u soo badanayey dilalka ku dhisan Aargoosiga beelaha, waxaana laga cabsi qabaa in dilka uu horseedo dilal kale oo aargoosi. Sidoo kale waxa uu dilkaan kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee isla gobolkaas. The post Dhallinyaro ka tagtay Muqdisho oo aano qabiil loogu dilay Galgaduud – Yaa ka dambeeya? appeared first on Caasimada Online.