-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Jabuuti ayaaa beenisay in ay xanibtay diyaarad uu saarnaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir La-taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Waxaa jira warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada oo isku dayaya inay abuuraan jaahwareer iyo inay Jabuuti u jiidaan caqabadaha gudaha Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonnaa inaan garab istaagno walaalaheenna Soomaaliya laakiin marnaba ma faragelinno arrimahooda gudaha”. There are fake news released in social media trying to create confusion and drag Djibouti into Somalia internal challenges and crisis . We will continue to stand by our brothers and sisters in Somalia but never interfere in their internal affairs . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa yiri “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta Muqdisho u socotay waxay ku noqon doontaan Istmbul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.” All passengers onboard of today’s Turkish flight to Mogadishu will go back to Istanbul to embark on another flight to Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Wasiirka ayaa sheegay in duulimaadku u baaqday cilad farmo oo diyaarada ku timid “Duulimaadkii maanta ee diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho ku sii jeeday ayaan ka soo kicin Jabuuti sababo la xiriira cilado farsamo sida ay shirkaddu sheegtay” ayuu Twitter-ka ku yiri. The today’s Turkish Airlines flight scheduled to Mogadishu did not take off from Djibouti due to technical problems according to the company ( one of the pilots did it have the special autorisation to land in Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Hadalka ka soo baxay Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyadoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaaashi uu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo la socotay. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo beenisay in ay xanibtay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid. Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul. “Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri, shirkadda Turkish Airlines. Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Xaqiiqda ah in diyaaradda ay ku laabatay Istanbul ayaa muujineysa in loo diido inay timaado Muqdisho, ayada oo sidada Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” The post Diyaaraddii sidday Fahad oo dib ugu laabatay Istanbul appeared first on Caasimada Online.
-
Row over the government escalated when President Mohamed suspended the executive powers of PM Roble. Source: Hiiraan Online
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Maxamuud Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Djibouti ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradda Turkish Airline aaney Muqdisho iman sababo la xiriira cilad heshay. Wasiir Yuusuf ayaa wararka ku saabsan Fahad Yaasiin ku sheegay kuwoo aan sal iyo raad laheyn, oo laga badbadiyey, waxaa uuna intaas raaciyey in diyaaradda iyo rakaabka saaran ay dib ugu noqon doonaan Turkiga si diyaarad kale usoo qaataan. Arrintan ayaa imaaneysa kadib saacado uun markii Villa Somalia ay sheegtay in Djibouti hakisay diyaarad uu la socday lataliyaha Farmaajo Fahad Yaasiin iyada oo ku hanjabtay in wixii ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Reuters) – Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed on Friday accused neighbouring Djibouti of illegally detaining his national security adviser, a criticism which appeared linked to a destabilising row between the president and his prime minister. Djiboutian authorities held the adviser, Fahad Yasin, preventing him from travelling to Mogadishu by air, the director of communications in the presidency Abdirashid Hashi said, without providing more details. “Such acts will not help to strengthen our ties between our governments,” Hashi said in a statement. There was no immediate comment from Djibouti authorities. Yasin was suspended from his post as director of the National Intelligence Service Agency (NISA) by Prime Minister Mohammed Hussein Roble last week. The president then stepped in and appointed someone other than Roble’s choice to head NISA, and gave Yasin a job as his security adviser. The row between Mohamed and Roble, nominally over a murder investigation, marks an escalation of months of tension between them in a country riven by militant attacks and clan rivalries. Political Cartoons on World Leaders View All 91 Images “His (Yasin’s) presence is quite polarising, so if he is back in Mogadishu, that is a boon for Mohamed and it is a concern for Roble’s side,” Mahmood Omar, Somalia analyst at the International Crisis Group, a Brussels-based think-tank, told Reuters. Mohamed has not gotten on well with the Djibouti government, Omar said, after he embraced Eritrea and Ethiopia and left Djibouti feeling isolated. “Djibouti has not been happy with the Mohamed government for quite some time so it is not a surprise to see them do something, whether intentionally or unintentionally, that is a detriment to Mohamed,” he said. Mohamed and Roble first clashed in April, when the president unilaterally extended his four-year term by two years, prompting army factions loyal to each man to seize rival positions in the capital, Mogadishu. The confrontation was resolved when the president put Roble in charge of security and organising delayed legislative and presidential elections. That process was supposed to be concluded next month but was pushed back again last week. Roble has accused Mohamed of “obstructing effective investigation” of the case of Ikran Tahlil Farah, a NISA agent who went missing while working in the agency’s cybersecurity department. Farah’s family has said it believes she was murdered, while the agency has not commented on the case. (Reporting by Abdi Sheikh and Abdiqani Hassan; Writing by Duncan Miriri, Editing by William Maclean) Copyright 2021 Thomson Reuters. The post Somalia’s president berates Djibouti for detaining his security adviser appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah kasoo saartay wixii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Jabuuti, xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xanibtay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri shirkadda Turkish Airlines. “Mid ka mid ah duuliyayaasha wuxuu haystay fasax gaar oo ah inay soo caga dhigan karto Muqdisho,” ayuu yiri Wasiirka, oo tixaraacaya wararka sheegaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay diideen in diyaarad sidda Fahad aysan iman karin Muqdisho. “Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Dadka duulimaadka saaran ayaa gaaray 40 qof, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin. Wasiirka ayaa sheegaya in wararka kale ee arrintan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, islamarkaana Jabuuti lugaha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya. “Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doonni arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. The post DEG DEG: Jabuuti oo war rasmi ah kasoo saartay arrinta Fahad iyo diyaaradii baaqatay appeared first on Caasimada Online.
-
There are fake news released in social media trying to create confusion and drag Djibouti into Somalia internal challenges and crisis . We will continue to stand by our brothers and sisters in Somalia but never interfere in their internal affairs . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 All passengers onboard of today’s Turkish flight to Mogadishu will go back to Istanbul to embark on another flight to Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Qaran News
-
As a Top Official from @TheVillaSomalia and Communication’s Director, I’m asking you brotherly to refrain from any inappropriate and baseless statements. You rather better finds out the reality. #Djibouti will shortly release an official communication from HE MoFA. https://t.co/JBUwIJftbp — Ilyas M. Dawaleh (@Ilyasdawaleh) September 17, 2021 Qaran News
-
Dawlada Jabuuti oo xidhay Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somalia+Xafiiska Farmaajo oo war Cusub ka soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidatan:- DFS waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa. pic.twitter.com/9kGKatNd65 — Abdirashid M. Hashi (@MrDuqa) September 17, 2021 Qaran News
-
PRESS RELEASE Africa Investment Forum to host third Market Days in Abidjan, December 1-3, 2021 Invited participants to this third edition, including investors, project sponsors and decision-makers, will be presented with a pipeline of deals that are ready for investment ABIDJAN, Ivory Coast, September 17, 2021/ — The Africa Investment Forum will hold its 2021 Market Days in Abidjan, Côte d’Ivoire, from the 1-3 of December 2021. The annual business gathering will showcase transformative investment opportunities across the African continent, many of which hold the potential to drive Africa’s recovery from the Covid-19 pandemic. Invited participants to this third edition, including investors, project sponsors and decision-makers, will be presented with a pipeline of deals that are ready for investment. Market Days 2021 will be held in a hybrid format. There will be boardroom sessions, where deals are agreed among those physically present, while other attendees will participate virtually. Discussions at Market Days 2021 will focus on many different sectors, notably: agriculture and agro-processing; energy and climate; health; ICT and telecommunication; and industrialization and trade. These are all sectors prioritized under the Africa Investment Forum’s Unified Response to Covid-19 initiative, launched in 2020. Boardroom sessions, where deals are finalized, will feature projects that: (1) are women-led; (2) are in Africa’s creative industries; and (3) promote financial, economic, and social sustainability. “We look forward to welcoming investors to join us in Abidjan – and virtually around the world – to take the next step in Africa’s growth,” said Dr. Akinwumi A. Adesina, President of the African Development Bank. “To achieve this growth, however, and to bounce back to pre-pandemic levels, Africa will need significant financial support. As an example. the whole of Sub-Saharan Africa will need $425 billion in additional gross financing by 2030,” he added. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Press Contact: Olufemi Terry Communication and External Relations Department African Development Bank Email: o.terry@afdb.org About the Africa Investment Forum: The Africa Investment Forum is a multi-stakeholder, multi-disciplinary platform that advances private and public-private-partnership projects to bankability, raises capital, and accelerates deals to financial closure. A flagship initiative of the African Development Bank, the Forum was launched in 2018 with seven other founding partners: Africa 50; the Africa Finance Corporation; the African Export-Import Bank; the Development Bank of Southern Africa; the Trade and Development Bank; the European Investment Bank; and the Islamic Development Bank. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo wehelisa. Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa xannibaadaas ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga, waxaana uu dowladda Jabuuti ka codsaday in ay fududayso Safarka mas’uuliyiintaas. Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Jabuuti mas’uul ka tahay wixii gaara Amniga Shakhsiga ah ee Fahad Yaasiin iyo saraakiisha la socota, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid fara-gelin ku ah Soomaaliya. “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb-geli doono shir ku saabsan Amniga Qaranka oo berri Muqdisho lagu qaban doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Fahad Yaasiin lagu xannibay waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Coronavirus: WHO affirms support for COVID-19 traditional medicine research It will also continue to provide technical assistance to the TCAM department, National Institute of Pharmaceutical Research and Development (NIPRD) and NAFDAC in improving the quality of medicinal products ABUJA, Nigeria, September 17, 2021/ — The World Health Organization (WHO) has reiterated its continuous support to the the Government of Nigeria in its goal of achieving self-sufficiency in the local production of traditional medicine. Speaking at the commemoration of the 2021 Traditional Medicine Day held at the Federal Ministry of Health in Abuja on 13 September, Dr Kofi Boateng said WHO remains committed to continue with the support to the Government of Nigeria in its goal of achieving self-sufficiency in the local production of pharmaceuticals (including Vaccines), traditional medicine and other health products. Emphasising the importance of African Traditional Medicine in the development of the health sector, Dr Boateng, representing the WHO Country Representative, Dr Walter Kazadi Mulombo said that Africa has a long history of traditional medicines and practitioners that play an important role in providing care to populations over centuries. The theme of 2021 commemoration is “The potential contribution of Traditional Medicine to COVID-19 Response.” Dr Boateng said Nigeria’s listing of 14 herbal medicinal products by NAFDAC against COVID-19 and ongoing clinical trials on them, is in line with the Regional Expert Committee on COVID-19 aim of elevating the standards of clinical trials of traditional medicine for COVID-19. “The ongoing scientific research projects in the National Institute for Pharmaceutical Research & Development and other higher institutions, highlights the interest of the Government of Nigeria to develop and promote African Traditional Medicines. These are in line with the theme of this year commemoration; The potential contribution of Traditional Medicine to COVID-19 Response. WHO Nigeria has taken it up to support the ministry and in particular the department of Traditional, Complementary and Alternative Medicines, Complimentary in the review of the Traditional Medicines Policy 2007, review of the Nigeria Pharmacopoeia 2008 and the development of a 5-year strategic plan to implement the new policy and the revised pharmacopoeia. It will also continue to provide technical assistance to the TCAM department, National Institute of Pharmaceutical Research and Development (NIPRD) and NAFDAC in improving the quality of medicinal products and ensure the listing of these products in the National Essential Medicines List, he said Meanwhile, the Minister of State for Health Dr Adeleke Mamora at the media briefing said the Federal government will not relent in its efforts to develop local content as a means to finding a homegrown solution to ailment affecting Nigerians. Dr Mamora said one of the tasked assigned to the National Institute for Pharmaceutical Research & Development (NIPRD)and National Agency for Food and Drug Administration & Control(NAFDAC) is to scale up their activities towards the search for a local solution to the pandemic. He further stated that “FMoH has inaugurated an expert committee as a protocol of evaluation of herbal medicinal products as a way of promoting research and a database of traditional medicine practitioners has been developed for ease of collaboration, research and promotion of traditional medicine in Nigeria.” “The federal government is also working on a traditional medicine policy and a committee to set up a traditional medicine institute which was triggered by the COVID-19 pandemic.” SOURCE World Health Organization (WHO) – Nigeria Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ku amray diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ku xayiran Jabuuti, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Garoonka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkay ciidan ka tirsan Nabad-Sugidda, oo sida la sheegay taageersan Fahad, taasi oo dhalisay shakiga ku saabsan imaatinka Fahad, kuna qasabtay hay’adaha amniga inay bixiyaan amarka ah inaan lasoo qaadi karin Fahad. Fahad Yaasiin, oo ay la socdeen 40 qof, ayaa lagu xayiray Jabuuti kadib markii diyaaradda Turkish Airlines ay heshay amarka ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdisho. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Si kastaba, sarkaal u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa VOA u sheegay inaysan u ogolaan karin Fahad iyo wafdigiisa inay Muqdisho u safraan, maadaama uu amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sarkaal oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdisho ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. The post Hay’adaha Amniga DF oo amray diyaaradaha inaysan Fahad keeni karin Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore oo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa usoo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu ka xunyahay xannibaad Jabuuti loogu gaystay Agaasimhii hore ee NISA, Fahad Yaasiin. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya. Waxa sidoo kale lagu sheegay warka kaso baxay Villa Somali in Fahad uu berri ka qeyb geli lahaa Shirka amniga qaranka oo Farmaajo kal hore uu ku baaqay in la qabto 18 septemper. Barqanimadii maanta waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada JABUTI ku hakatay, diyaaradaha Turkish Airline oo kasoo kicintintay magaalada istanbul iyadoo ku socotay caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu, waxaana soo baxayay warar sheegaya in masuuliyiinta Jaabuuti ay diyaardaas kala dageen Fahad Yasiin oo galdacwadeed kaga furanyahay Maxkmadda CQS ee soomaaliya. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” “La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.” Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maanta uu baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasi oo ku hakatay Jabuuti. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda, sidaas darteedna ay u baajisay. The post FAHAD oo lagu xannibay garoonka JABUUTI iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa ee Bashiir Raage Shiiraar oo aad looga yaqaan caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliya. Bashiir Raage ayaa la sheegay inuu geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka tirsan eheladiisa. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii. Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May. Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye garoonka diyaaradaha Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya. The post Baashiir Raage Shiiraar oo geeriyooday (Taariikh kooban) appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah ka shiraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho. Kulankan oo Albaabadu u xiran yihiin ayaa si gaar ah looga hadlayaa khilaafka u dhexeeya madaxwweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble kaas oo ka dhashay kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo maanta ka shiraya khilaafka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Ailine ku imaan laheyd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo sababta keentay in diyaaradda ay Maanta baaqato iyadoo ku hakatay dalka Jabuuti. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabadsugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in Diyaaradda Turkish Ailine uu saaran yahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaasoo ay dacwad ka taalo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Ailine ay ka cabsatay inuu khalalaaso ka dhasho duulimaadkeeda Maanta oo la rumeysan yahay inuu saaran yahay Fahad Yaasiin. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray ciidamo kale oo loo maleenayo inay kasoo horjeedaan in Fahad Yaasiin uu yimaado Muqdisho taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadda Turkish Airline. Sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ayaa lagu sheegay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Fahad Yaasiin Xaaj Dahir ayaa qorsheenayo inuu soo raaco Diyaaradda Qatar Airweys oo gelinka dambe ee Maanta imaaneyso Magaalada Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu Maanta Muqdisho u imaanayo si uu Berri uga qeybgalo shir la qorsheenayo inuu yeesho golaha Amniga Qaranka taasoo lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Kiiska Ikraan Tahliil. Wixii kusoo kordha xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah. The post Duulimaadkii Turkish Airline oo baaqday iyo ciidan badan oo lagu arkay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa iyo hoggaamiye kooxeedkii hore Bashiir Raage Shiiraar kaas oo la sheegay inuu wadnaha istaagay. Haddaba, Bashiir Raage Shiraar waxaa uu horay taariikh nololeedkiisa oo dhameystiran uga waramay qoraaga Cabdicaziz Axmed Gurbiye. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii. Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May. Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye Airportiga Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya. Mar uu Gurbiye weydiiyey sababta waxaa uu sheegay inuu rajo-weyn ka qabo in uu doonayo in uu madaxweyne noqdo qof sita Baasaboor Soomaali ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan go’aanka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay in uu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaaraha XFS. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kahor imaaneysa Dastuurka Dalka isla markaana xad gudub ku ah howlaha shaqo ee Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble. “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalka u horseeday Xasarad siyaasadeed & Qalalaase amni oo halis gelin kara Xasiloonida Soomaaliya, qoraalka uu soo saaray waxa uu muujinayaa in uusan ka tanaasulin damicii ahaa muddo kororsiga” ayaa lagu yiri Xaanshida kasoo baxday Golaha Midowga Musharixiinta. Golaha ayaa si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha. Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay go’aankii kasoo baxay Farmaajo u arkaan: 1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka. 2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho. 3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo gorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka. Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen todobo qodob oo badankood ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah. 1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan Tahliil. 2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed. 3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka. 4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo. 5-In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda. 6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto. 7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameytiran The post Midowga musharixiinta:- Farmaajo waa in loo aqoonsada Qaswade! appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Midawga Mudharixiinta ayaa soo saaray war qoraal ah ay kaga jawaabayaan wareegtadii 16 septemper kasi baxday Villa Somalia taa oo lagu sheegay in lagu dhimay Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha. Midawga Musharixiinta waxa ay gaashaanka udaruureen, awood dhimista Rooble iyagoo ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday in ku tumanayo shruucda Dalka uyaalla si uu U xagal-daaciyo cadaalad kiiska ikraan Tahliil. Ugu dambeyn Golaha aya si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha. Source: goobjoog.com