Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Roobab mahiiggaan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno ka tirsan Gobollada Bari iyo karkaar ee Puntland. Gobolka Karkaar waxa roobsaday magaalada Qardho iyo degaanno hoos yimaada oo ay ku jiraan Qalwo iyo Cambaar sare. Sidoo kale waxa roobsaday degmada Rako Raaxo iyo degaanno badan oo ka tirsan Rako sida Uur-jire, Qaarar-soor, Dabqax, Duud-hooye, Adin-geri iyo Kur-ilaalo. Gobolka Bari waxa roobsaday degmada Isku-shuban iyo dhulka hoos yimaada sida Camaan, Onkadda, Dhafaruuryo, Dharoor, Xiriiro, Biiji-ga iyo Barako. PUNTLAND POST The post Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay Gobollada Bari iyo Karkaar ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Mas’uuliyiinta urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sinnaan iyo Caddaalad ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Guddoomiyaha Sinnaan iyo Caddaalad Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo kamid ah urur siyaasadeedka Mideeye ayaa kamid ahaa madaxdii ka qayb-galay kulankaas. Arrintan ayaa qayb ka ah ololaha doorashada hordhaca ah ee laga qabanayo saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn. Doorashooyinkan hordhaca ah ee dowladaha hoose ayaa ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod oo uu horay u ballan-qaaday madaxweyne Deni in uu Puntland ka hirgelinayo. PUNTLAND POST The post Madaxda Mideeye iyo Caddaalad iyo Sinnaan oo kulan gaar ah ku yeeshay Qardho appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaaasabadda Caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay caleema-saarka xukuumada cusub ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shalay labaduba safar ugu baxay dibedda, ayada oo Farmaajo uu aaday Addis Ababa, halka Rooble uu tegay magaalada Doha ee dalka Qatar. Socdaalka labada mas’uul ayaa abuuray su’aal ku saabsan waxa isku soo beegay, iyo suurta-galnimada ah haddii safarka Rooble ee Qatar uu yahay mid ku yimid safarka Farmaajo ee Addis Ababa dartiis, sida ay qabaan xildhibaanada qaar. “Haddii Rooble uu u safri lahaa dal aan Qatar aheyn, wax su’aal ah kama dhalateyn in labada safar isku soo beegmeen, balse Qatar waxaan ognahay inay tahay saaxiibka koowaad ee Farmaajo iyo Fahad, marka maxay Rooble ugu yeertay oo ay dalka uga saartay isla waqtigii uu Farmaajo ka baxay,” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin. Xubnahan ayaa rumeysan inay suurta-gal tahay in Farmaajo uu ka cabsaday in muddada uu dalka ka maqan yahay ay awoodo badan gacantiisa kasii baxaan, kadib markii horey loogala wareegay maamulka hay’adaha maaliyadda iyo warbaahinta dowladda federaalka. Rooble iyo Farmaajo ayaa weli isku haya maamulka xarunta NISA, waxaana sidoo kale kala caddeyn cidda awood ahaan ku xoog badan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyo mas’uuliyiinta maamusha cidda ay taageersan yihiin. Farmaajo ayaa horey waxaa u asiibay guul-darrooyin siyaasadeed intii uu dalka ka maqnaa la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda siyaasadeed ee Farmaajo. Hase yeeshee, inkasta oo Fahad uu dalka ku sugan yahay, haddana awoodaha madaxweynaha iyo saameyntiisa aad ayey uga sarreeyaan tan Fahad. Sidaas darteed, Farmaajo ayaa suurta-gal ah inuu Qatar kala hadlay inay safar ku casuunto Rooble muddada uu isna dalka ka maqan yahay, si ra’iisul wasaaraha uusan uga faa’iideysan maqnaanshihiisa, sida ay sheegeen xildhibaanada la hadlay Caasimada Online. The post Safarka R/W Rooble ee Qatar ma xeelad siyaasadeed oo Farmaajo uu dejiyey baa? appeared first on Caasimada Online.
  5. There’s jackpot fever with Monday’s $685 million Powerball drawing, but Adam Osmond, who gambled away a fortune on lottery games, warns about the risks of addiction Source: Hiiraan Online
  6. Kenyan President Uhuru Kenyatta has upgraded Naval Station Manda Bay to a naval base due to its strategic importance in enhancing counter-terrorism efforts and maritime security. Source: Hiiraan Online
  7. “Getting married during COVID-19 is no longer an easy task. But a Somali-Yemeni couple in Switzerland mustered the courage to organise a memorable traditional yet contemporary fiesta in the heart of Switzerland” Source: Hiiraan Online
  8. Dahir Ahmed Kahiye, a pastoralist living in Dhabarduleel, a remote village on the outskirts of Ceelgula, in central Somalia’s Galmudug state, lost 80 goats in August and September. His remaining 130 goats are sick, and he is worried they might die too. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, (Xinhua) -- Somali National Army (SNA)'s Special Forces (Danab) on Monday killed seven al-Shabab militants during a sting security operation carried out in Lower Shabelle region, the southern part of the country. Source: Hiiraan Online
  10. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda caleemo-saarka ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ka been sheegay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya. Farmaajo ayaa shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey wax uu ugu yeeray “Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.” Farmaajo sheegay inay muhiim tahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa buu yiri “xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya” Labada Dal. “Ethiopia iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo. “Waxaan ka wada shaqeyneynaa inaan abuurno Geeska Afrika oo ammaan ah, is-dhexgala islamarkaana barwaaqo ah, taasi oo u wada wanaagsan dhammaan dadka,” ayuu yiri. Soomaaliya iyo Ethiopia weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed. The post Farmaajo oo khudbad yaab leh ka jeediyey caleemo saarka Abiy Ahmed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo saacado badan hawada ka baxay + Sababta Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada kusoo laabtay in ka badan lix saac kadib markii ay ka baxeen, ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa muddo saacado ah ka hor-imanayey farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.” Markii ciladda ay bilaabatay ayaa afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka wuxuu yiri “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena.” Abaare 6:30 pm ee xilliga Mareykanka iyo 1:30am ee xilliga Muqdisho ayey facebook xaqiijisay inay baraheeda dib hawada ugu soo laabteen. “Dhammaan bulshada shacabka iyo ganacsiyada dunida ee nagu xiran, waan ka xunahay. Si xooggan ayaan uga shaqeyneynay inaan hawada kusoo celino baraheena, waxaana hadda ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno inaan soo celinay,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee twitter. Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook. Qaran News
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga ee Shabaabku kasoo ifbaxeen ayaa ka hadlay xiisadda cusub u dhaxeyso madaxda Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug. Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan. “Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre shaqo fiican ayuu qabtay, ciidamadii Ahlu Sunna wuxuu ku daray kuwa dowladda isagoo heshiis la gaaray madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan, haddii qaar ka tirsan dadka Galmudug aqbalaan ma shaqeeneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir. Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan haddii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhigay. “Cid kasta oo wax garaneyso waa inay ka hortagaan Ahlu Sunna oo la diido, haddii ay diyaar u yihiin in la qanciyo la qanciyo haddii kalana la iska eryo waa markii dhabta loo hadlo, wax gar la yiraahdo ma jiraan, maamul waa maamul waa in la taageeraa,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay waxgaradka Galmudug inay u caqli celiyaan madaxda Ahlu Sunna isla markaasna ay Maanta badbaadiyaan Maamulka Galmudug. The post Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeediyey hab loola macaamilo Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.
  13. PRESS RELEASE Ethiopia: Declaration by the High Representative on behalf of the European Union on the decision to expel seven United Nations officials The EU stands in full solidarity by the UN, and in particular OCHA, OHCHR and UNICEF directly targeted by the decision, and expresses strong support for their operations in Ethiopia BRUSSELS, Belgium, October 4, 2021/ — The EU and its Member States strongly condemn the decision taken by the Government of Ethiopia on 30 September 2021 to expel seven United Nations (UN) officials from the country. The EU stands in full solidarity by the UN, and in particular OCHA, OHCHR and UNICEF directly targeted by the decision, and expresses strong support for their operations in Ethiopia, which are conducted on a neutral and impartial basis. This decision risks further undermining the possibility to bring relief to millions of Ethiopians in a dire humanitarian situation. This comes at a moment when aid organisations are facing continuous day-to-day impediments to bring aid to people in need in Tigray and other parts of northern Ethiopia. The spill-over beyond Tigray has increased the need of protection and assistance. International organisations in Ethiopia urgently need a conducive environment which enables them to continue their daily life-saving work. Millions of people, across Ethiopia, rely on their assistance for survival. Humanitarian work is always guided by the principles of humanity, neutrality, impartiality and independence. Safeguarding these principles ensures that aid can arrive where it is needed the most. It is imperative that human rights and humanitarian aid organisations are allowed to do their work without obstruction, across the country. We urge the Government of Ethiopia to reverse their decision without delay. Moreover, we exhort all parties to the conflict to protect humanitarian operations and personnel, as well as grant safe, rapid and unimpeded access, in line with international humanitarian law. SOURCE Council of the European Union Qaran News
  14. Fiidnimadii isniinta, dadyowga adeegsada baraha bulshada ee ku kala sugan qeybaha kala duwan ee adduunka ayaa ka sheegtay in adeegyadii “Facebook”, “WhatsApp” iyo “Instagram” iyo aalado kale oo qeyb ka ahaa xiriirka baraha bulshada ay ku timid cillad. Websaytka Down Detector, oo ku takhasusay dabagalka Ciladaha internetka, ayaa tilmaamay in shaqada ay hakiyeen aaladaha Facebook, Instagram iyo WhatsApp. Websaytku waxay Tilmaamay inuu helay in ka badan 20,000 fariimood oo oa imanaya isticmaalayaasha oo aan awoodin inay jawaab ka helaan codsiyada kala duwan ee ay lawadeegeen aaladaha aan soo sheegnay. Shirkadda Facebook ayaa ku faahfaahisay barteeda Twitter -ka inay”lasicoto in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan isticmaalka barnaamijkeeda,waxayna shirkadu sheegtay inay ka shaqeyneynayaan sidii ay Wax walba caadi ugu soo celin lahayeen sida ugu dhaqsaha badan, ayna ka xunayihiin dhibkan. Instagram ayaa sidoo kale ku tilmaamtay barteeda twitter -ka in “adeegsadayaasha qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin xagga barnaamijka ah.” Goor dambe, websaytska arimaha internetka ee Downdetector wuxuu ayaa ku waramay in dadka isticmaala ay dhibaato kala kulmayaan adeegga taleefanka gacanta ee Mareykanka. Bogga ayaa sidoo kale Baahiyay warbixinno ku saabsan dhibaatooyinka xaga isticmaalka oo ku yimid Twitter, Tik Tok, Telegram, Google iyo appka shiroada Amazon. Saamiyada Facebook ayaa hoos u dhacay 5.5% saacado uun kadib markii ay ciladu ku timi baraha Faceebook “Instagram” iyo “WhatsApp”. Sidoo kale Saamiyada Twitter ayaa hoos u dhacay in ka badan 6%, halka saamiyada Google iyo Amazon in ay lumiyeen 2%. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan iyada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saacadood kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan. “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin odhanaysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno”. Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabadh ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse hore u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda carruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse ay a arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya Facebook. Source
  16. Urur Siyaasadeedka Mideeye, ayaa maanta isu-soo baxyo waaweyn ku qabtay saddexda degmo ee loo asteeyay doorashooyinka hordhaca ah ee dowladaha hoose. Doorashooyinkan oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan, ayaa dhammaadka bishaan October laga qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ee Gobollada Karkaar, Nugaal iyo Bari. Hoggaanka urur siyaasadeedka Mideeye iyo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa, ayaa ka qayb-galay isu-soo baxyada lagu muujinayay shacbiyadda Mideeye ku leeyahay degmooyinkaas. Mas’uuliyiin kala duwan, oo ka tirsan ururka Mideeye ayaa sidoo kale taageerayaashooda u jeediyay khudbado ku saabsan qorshayaasha waxqabadka iyo hiigsiga ururka. Sidoo kale, urur siyaasadeedka Mideeya ayaa $15,000 oo Dollar ku wareejiyay maamulka degmada Ufayn ee Gobolka Bari si loogu fuliyo baahiya bulsho ee ka jira degmadaas. Hoos ka eeg qaar kamid ah sawirada PUNTLAND POST The post Puntland: Mideeye oo isu- soo baxyo waaweyn ku qabtay degmooyinka loo asteeyay doorashada appeared first on Puntland Post.
  17. Social media services Facebook, WhatsApp and Instagram have been hit by an outage lasting more than an hour. All three services are owned by Facebook and could not be accessed over the web or smartphone apps. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Wararka PP) — Markii ugu horreysay Facebook, Whatsapp iyo Instagram ayaa isku mar hawada ka baxay. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay og tahay cilladda balse aysan garanaynin sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin. Dadka adeegsada shebekada Facebook iyo Instagram iyo farriin-sidaha Whatsapp ayaa ka cabanaya adeegsan waaga adeegyada. Dad badan oo Soomaaliya ku nool ayaa ku wada xiriiray Twitter iyagoo iska waraysanaya sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin. © Puntland Post, 2021 The post Facebook, Instagram iyo Whatsapp oo hawada ka maqan appeared first on Puntland Post.
  19. San Fransisco (Caasimada Online) – Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saac kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.” Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook. The post Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo caawa hawada ka wada baxay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku metelaaya maamulkaas, waxaana la doortay laba kursi oo ka dhimaneed 8-da kursi ee laga soo doorto deegaanada HirShabeelle. Labada kursi ee Jowhar lagu doortay kan koowaad waxaa ku soo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka kan labaad ay ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi. Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7-aad isaga oo ka guuleystay Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen. Cali Shacbaan ayaa wareega 3-aad uga adkaaday Xanafi isaga oo helay 62 Cod, halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod. Kursiga 8-daad ayaa waxaa ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi, waxaana kursigan maalmihii dambe ka taagnaa muran xoog leh, waxaana ugu dambeyn loo xiray dumarka, iyadoo inay u tartamaan laga reebay labo musharax oo rag ah. Zamzam Cabdullahi ayaa codad aad u badan wareegii koowaad uga guuleysatay Naciimo Ibraahim oo horay kursigaan ugu fadhisay, waxayna Naciimo heshay 8-cod oo kaliya, halka Zamzam ay ku soo baxday 77-cod. Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyey caawa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana guud ahaan senatorrada Aqalka Sare ee dalka ee hadda dooran ay gaarayaan 48-xubnood, waxaana dhiman lix xubnood oo aan weli la dooran. Afar xubnood ayaa weli laga sugayaa dowlad goboleedka Jubbaland, halka labada hartay laga sugayo dowlad goboleedka Galmudug, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhameystiro golaha Aqalka Sare ee dalka, si loo guda galo doorashada xildhibaanada golaha shacabka. The post Laba Senator oo caawa lagu doortay Jowhar iyo Senator kursiga ku fadhisay oo guul-darro culus lagu dhuftay appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xilidhibaan Cali She Cabddulaahi (Cali Afgooye) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ku eedeyay in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay Nabaddoono. Waxa uu sheegay in markii hore Odayaasha loogu yeeray toddobaad ka hor in uu la kulmayo Taliye Xijaar, hase yeeshe shirqool loo maleegay loogu taxaabay xasbi, ayada oo si bahdil ah loola dhaqmay Odayaasha, sida uu sheegay. “CID-da markii la geeyay Odayaasha, wuxuu i dhahay soo noqo hal saac ama labo saac kadib, arrintaan wax weyn maaha Odayaasha waxyar ayaa wareysaneyna waana soo deynaynaa, arrintaas ma dhicin. Maalintii markaa tagay afar saac waxaa dhacay Bulac in uu meeshii ka maqan yahay oo Odayaashii kabaha laga siibay oo xabsiga la geliyay,” ayuu yiri Cali Afgooye. “Maalintii kale ayaa subaxdii u tagay Buluc oo CID-da ah iyo odayaal kasoo jeeda degmada Afgooye, wuxuu noo sheegay in waxba jirin oo baaritaan yar lagu sameynayo oo Odayaasha uu tuhun ku jiro, waxaa u sheegay in Odayaashas aheyn Shabaab, aniga waa cadowgeyga Shabaab.” Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Bulac, sida uu sheegay. Waxa uu baaq cod dheer ah u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in mas’uuliyadda waxkasta oo soo gaara Odayaashaas dusha u ridanayo Taliye Xijaar, kuwaasi oo si shirqool ah ugu taxaabeen xabsiga, sida uu sheegay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Xijaar oo lagu eedeeyey shirqoolka iyo afduubka odayaal – Xildhibaan arrimo badan shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu daahfurayo Istaraatijiyadda Maamulka Kheyraadka Biyaha oo ay goobjoog ka ahaayen Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Hayadaha ku howlan arimaha Biyaha. Xafladan daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Istaraatiijiyadda Qaran ee Khayraadka Biyaha oo soo koobeysa hababka lagu horumarin doono maamulka biyaha iyo qorshayaasha ka dagsan sidii loo dhaqan gelin lahaa istraatijiyadan. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Xasan Cabdinur, ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay Dowlada Soomaliya u leedahay in la helo Istraatijiyad hagta Maamulka Kheyraadka Biyaha. “Muhiimadda dhaqaale iyo tan bulsho ay biyuhu u leeyahiin dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid aan la soo koobi karin. Biyuhu waxey qeyb weyn ka yihiin horumarka dhaqaale iyo nabadaynta dalka, si loo horumariyo Biyaha waa in la xoojiyaa wadiiqooyinka maamul ee biyaha ee uu qayb ka yahay Qorshahahan Qaran ee lagu maamulayo Khayraadka Biyaha” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Wasiirka ayaa wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay dhisidda hay’ado heer federal, heer dawlad goboleed iyo heer deegan oo si wadajir ah uga wada shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira,sidoo kalena loo horumarin lahaa ilaha biyaha. Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka, Mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo horumarinta biyaha maadaama ay biyuhu lafdhabar u yihiin horumarinta wax soo saarka. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in istraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira oo saameyn ku yeeshay beeraleyda. Istaraatiijiyadda Qaran ee Maareynta Kheyraadka Biyaha wuxuu saldhig u yahay taabba-galinta yoolalka horumarineed ee ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran 2020-2024. Istraatiijiyada waxay soo martay wadatashiyo badan oo mudo socday. Shirka farsamo ee 1aad oo looga arinsanayay Istiraatiijiyadda Qaran ee Maaraynta Khayraadka Biyaha ayaa Maarso 2020 ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo faahfaahin ka baxshay baahiyaha loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta biyaha. Waxaa la qabtay tiro latashiyo ah oo lala galay Wasaaradaha dawladda, deeq bixiyayaasha, howlwadeeno, khubaro, Hayado caalimi iyo kuwa maxaliga ah intaba, si loo qeexo arrimaha mudnaanta u leh hannaanka horumarinta kheyraadka qaran ee biyaha. Waxaa sidoo kale laga hirgeliyay xog ururin dhamaan maamul goboleedyadda dalka si loo qeexo mabaadii’da iyo yoolalka lagu salayn karo qaab dhismeedka horumarineed ee biyaha. Shirka wadatashi ee 2aad ayaa ka qabsoomay Magaalada Muqadishu bishii October kaas oo hiigsanayay in laga gaaro is-afgarad yoolalka istraatijiyada kuwaas oo ugu dambeyn lagu ansixiye bilowgi sanadkan shir ay asugu yimaadan dhamaan wasaaradaha ay quseyso istaraatijiyadan, wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo daneeyayaal ka kala socday hayado maxali iyo kuwo calami ba ah. Aragtida istraatiijiyadan ayaa ah: “in la Helo biyo saamayn waarta leh, loona maareeyo qaab taabba galinaya midnimada dalka, kobaca iyo badqabka dhamaan bulshada iyo deegaanka intaba” Istraatijiyada waxaa hagayo 4 yool oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Kor u qaadidda dawrka biyuhu ku leeyhiin midnimada, kobaca iyo badqabka bulshada. Xoojinta hannaanka maaraynta buuxda ee khayraadka biyaha. Dhisidda adkaysi ka dhan ah musiibooyinka iyadoo loo marayo taabba galinta horumar waara. Xaqiijinta in si siman loo helo biyaha, sare loo qaado wax soo saarka, iyo in la helo adeeg bixin waarta dhanka biyaha. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamuud Kaarshe, ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in ay muhiim tahay in fulinta Istraatijiyadan xooga lagu saaro sidii lagu heli lahaa macluumaad dhameystiran oo hagta dhamaan mashaariicda horumarinta ilaha biyaha. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Istraatiijiyada Maamulka Kheyraadka Biyaha ee Heer Qaran ay gacan ka geysan doonto sidii xal waara loogu heli lahaa biya yarida ka jirto deegaanada Jubbaland. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Abdirisaaq Maxamed, ayaa wuxuu ka hadlay tubta hirgelinta Istraatiijiyada kaas oo qeexaya sidii looga miro dhalin lahaa yoolalka istaraatiijiyada. Wuxuu kaloo soo bandhigay mashaaric saldhig u noqonayo hirgelinta istaraatiijiyadan oo ka kooban sedex iyo toban mashruuc, kuwaas oo gogoldhig u noqonayo taabagelinta qorshayaasha ku xusan istaraatiijiyadan. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud afrax, ayaa gunaanadkii xafalada sheegtay in muhiimada istraatijiadan ay tahay in umadda Soomaliyeed ay helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Wasiirada ayaa waxay u mahadcelisay dhamaan ka qeybgalayaasha xafladan, sidoo kalena waxey ku baraarujisay in laga wada shaqeeyo hirgelinta istaraatiijiyadan si wadajir ah. **** Dhamaad**** Source: goobjoog.com
  23. Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7aad ee sanatarada ka imaanaya dowlad goboleedka Hir-shabeelle ee ka mid noqoya Barlamaanka 11aad ee dalka. Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, ayaa la tartamay Cali shacbaan hase ahaate wareega 3aad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo haray Cali shacbaan iyo Cabduqaadir Xanafi . Natiijada kama dabaysta ayaa noqotay in Cali shacbaan uu kusoo baxo 62 Cod halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com