Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The second suspect in the company of an alleged suicide bomber that targeted mourners at the burial of late deputy Inspector General of Police, Gen Paul Lokech, at his home in Pader District, is still missing. Source: Hiiraan Online
  2. Network of Somali lawyers trained to defend journalists and news media organisations launched Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Warar Wargeyska Waaberi uu ka helay illo u wareed-yo kal duwan,ayaa tibaaxay in Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax uu salaasadii toddobaadkii hore uu dib Golaha ugu soo celiyey gaadhi nooca loo yaqaano Toyota Land CruiserV8,kaas oo kamid ahaa hantida Golaha Wakiillada,kadib markii uu Madaxweyne Biixi ku amray in uu gaadhigaas sida ugu dhakhsaha baddan leh uu ugu soo celiyo Golaha. Hase-yeeshee xoggaha gaadhigan la xidhiidha, waxa ay xuseen in Baabuurkan oo ah nooca raaxadda ee loo yaqaano Toyota Land CruiserV8, kaas oo la sheegay in miisaaniyadda Qaranka looga iibiyey Golaha uu jaxaastay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed,isla markaana aanu maalintii uu xilka wareejinayey la iman Golaha,isagoo aan ku darrin xil wareejintiisana in gaadhigaas V-8-ka ahi uu kamid yahay hantida Golaha,kaas oo loo malaynayo inuu damaaciyey oo uu doonnayey inuu iska qaato,balse waxa xusid muddan in uu maalintii xil wareejinta uu meesha kaga tegay gaadhi daallay oo uu isagu lahaa oo uu noociisu ahaa Baraaddo,wallow la sheegay inuu maal-mo kadib-na uu haddana xarunta Golaha Wakiillada ku soo dhex tuuray gaadhi yar oo indho cadde ah oo uu isna lahaa. Docda kale, wararku waxa ay intaa ku dareen in Madaxweyne Biixi oo ka war helay in gaadhigaas suuqa lagu wato uu si weyn uga cadhooday,isla markaana uu si addag ula haddlay Baashe Maxamed Faarax oo uu ku amray in gaadhigaas uu sida ugu dhakhsaha baddan leh uu ugu soo wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed,maddaama oo uu gaadhigaas kamid ahaa hantida Golaha Wakiillada Somaliland oo aanu isagu lahayn. Geesta kalena wararka ayaa sheegay in Baashe Maxamed Faarax uu subixii hore ee salaasadii toddobaadkii hore uu gaadhigaas u soo dhiibay darawalkiisa,isla markaana uu ku soo celiyey Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo uu hadda wato Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed. Source
  4. Garowe (HOL) - Puntland has donated military equipment and vehicles to the Galmudug administration, who have been battling Al-Shabaab militants in the southern Mudug region for the past several weeks. Source: Hiiraan Online
  5. Garowe (HOL) - Puntland has donated military equipment and vehicles to the Galmudug administration, who have been battling Al-Shabaab militants in the southern Mudug region for the past several weeks. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray kulan ay maanta ku yeeshen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayey xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka. Musharax Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar qoddob looga hadlay kulankaas, kuwaasi oo badankooda la xiriira habraacii doorashada ee ay sida adag uga horyimaadeen. “Waxaa kulankii maanta ee Midowga Musharaxiinta lagu gorfeeyay culeysyada ka jira dalka guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaa hoosta looga xariiqay afar arrimood oo waaweyn” ayuu yiri. Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa kala ah; 1. Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. 2. In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka. 3. Inay wada-hadallo la leeyihiin madaxda Golaha wada-tashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan. 4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay. The post Midowga Musharaxiinta oo Afar qoddob uga hadlay kulankii ay maanta yeesheen appeared first on Caasimada Online.
  7. Kabul (Caasimada Online) – Qarax la tuhunsan yahay inuu ka dhashay gantaal lasoo tuuray ayaa maanta ka dhacay magaalada Kabul saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay weerar kale oo argagixiso kadib qaraxii Khamiista. Qaraxii Khamiista oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka, kuwaas meydadkooda maanta la keenay garoon diyaaradeed ciidan oo ku yaalla gobolka Deleware. Qaraxa galabta oo aad u dhowaq dheeraa ayaa laga maqlay dhinaca waqooyi ee magaalada, ayada oo sarkaal ka tirsan dowladda la riday ee Afghanistan uu sheegay inuu ka dhasha gantaal kusoo dhacay guri halkaas ku yaalla. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo Khasaraaha ka dhashay qaraxan. Qaraxa ayaa imanaya ayada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay Sabtidii baahisay digniin xooggan oo ku saabsan inuu dhici karo weeerar lala beegsado qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay ku jiraan albaabada laga galo garoonka. Isla Sabtidii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weerar aargudasho ah lagu dilay laba xubnood oo sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Afghanistan, oo la tuhunsan yahay inay ka dambeysay qaraxii Khamiista. Dhinaca kale, war goor dhow kasoo baxay militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay maanta ay Kabul fuliyeen duqeyn kale oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Afghanistan. The post DEG DEG: Qarax kale oo laga maqlay Kabul iyo Mareykanka oo sheegay inay… appeared first on Caasimada Online.
  8. Waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug shir looga hadlayo iskaashiga Amniga uga furmay Maamulada Galmudug iyo Puntland. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyihii hore Booliiska Gobalka Banaadir Saadaq John iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka Puntland. Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab. Dhanka kale maamulka Puntland ayaa Gaawirada nooca dagaalka ah iyo saanad ciidan ku wareejisay. Source: goobjoog.com
  9. Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame. Dagaalkan ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo laba sahan ku dagaallameen islamarkaana hal qof ku geeriyooday. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyootay dagaalkii dambe halka in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen. Colaadda labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka taagnayd tuulada Saax-maygaag oo horay labada dhinac ugu dagaallameen 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo. Puntland ayaa marar kala duwan go’aanno ka soo saartay colaaddan si loo xakameeyo balse waxba kama hirgelin. PUNTLAND POST The post Khasaare xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay tuula u dhexaysa Birta-dheer iyo Boocame appeared first on Puntland Post.
  10. Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa daah-furtay adeegga casri ah eSim, Sidoo kale abaalmnarisay macaamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai-ga ah oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood Adeegga eSim Waa adeegga casri ah oo ku sahlaya inaad Taleefoonkaaga ku isticmaasho Lambarka somtel adigoo taleefoonkaaga wax Simcard ah gelinin Munasabada oo ka koobneyd daah-fur adeegga esim abaalmarinta macamiilkii ku guuleysay gaariga Hyundai oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood Tan markii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso10,000 ,hadiyadood waxaa ka faa’ideystay ku dhawaad6,000 macamiil oo ku kala guuleystay bajaajyo , Laptops,Tv Screens , Dahab, Friges,Cooking Machines, Ipads Samsung Mobiles,eDahab Cash hadiyado kale qaali ah Munaasabada Waxaa ka soo qeybagalay Xildhibaano,Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan golaha aqalka sare, Rugta ganacsiga warshadaha,Jaamacadaha, iyo mas’uuliyiin kale dhowr ah Ugu horeyntii waxaa munasabada daahfuray madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane C/laahi cali caamir oo ku dheeraaday ahmiyada adeegga esim “waa adeegga casri oo ku cyuusub dunida sida aad somtel hora yuga barateen awaxaa ka go’an in mar walba la jaanqaado tiknoolujiyada casiga ah umada soomaaliyeed aan la wadaagno dhawaan waxaan ku dadaaleeynaa in adeegga 5G soomaaliya laga isticmaalo Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay maareeye ku xigeenka guud ee somtel Mudane: Aaadan Xaaji Yuusuf oo tilmaamay in somtel ay sii wadi doonto Ololaha ku shubo oo Guuleyso “Waa bilow Waxaan rajeeyneeynaa in labada bilood ee soo socdo sidaan oo kale loogu guuleysto Waliba gawaarida Hyundai-ga h waxaan u rajeeynayaa Macaamiisheena baahida u qabto sida Maamada Ku guuleystay gaariga Maanta oo ah Qof dumar ah oo beeraleey oo ku nool Miiga magaalada beled-weyn Hadiyadaha lagu guulystaan Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maareeye ku xigeenka Dahabshil Group Mudane; C/risak xaaji Xuseen oo ku tilmaamay macaamiilka guuleystay “Waa Macamiil mudan in lagu daydo xaqiiqdii hadiyadii ay ku guuleysatay waxa ay garwaaqsatay inay ku bixiso tacliinta ubadkeeda Waa hooyo beeraleey danyar ah oo mudan hadiyadaan sy somtel gudoonsiisay” Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray wasiirka isgaarsiinta Tiknolujiyada oo si toos ah xarigga uga jaray adeegga eSim kuna tilmaamay mid baahi farabadan loo qabay “Adeeggaan waxaa isticmaalo dalal koban dunida oo idil waa adeegga casi Waxaan u baahanahay inan ka faa’ideysano tiknoolujiyada casriga Umada Soomaaliyeed Africa oo idil isgaarsiinta ka jirta waxaa laga leeyahay dalka dibadiisa halka dalkeena shirkadaha isgaarsiinta ka furan ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed waa hormar la taaban karo.” Ugu dambeyntii Si kastaba ha ahaatee Shirkadda isgaarsiinta somtel waa shirkaddii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku abaalmarisa 10,000 hadiyadood oo ugu sareeyo gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad 40,000 doolar sidoo kale waa shirkadii isgaarsiineed ee ugu horeysay soomaaliya oo xal u hesha macaamiisha isticmaasha taleefoonada 1simcard xambaara oo waxa ay u soo kordhisay adeegga eSim oo aad uga maarmeyso inaad labo mobile isku wadato simcard-ka labaad waxaad u siticmaaleeysaa hab casro oo macaamiilkii shirkadda ay u direyso Code una adeegsanayo hab ( Defult) ah si gaar ah macamiisha isticmaasha taleefoonada (iPhones-ka iyo Samsung) nuucyadii ugu dambeeyay oo kaliya loogu talagaly ina lagu isticmaalo 1Simcard. The post SOMTEL oo daah-furtay adeegga casriga ee eSim appeared first on Caasimada Online.
  11. Ururada siyaasadda Puntland ayaa ka horyimid doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinkan Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Qoraal wadajir ah oo ururada siyaasada Puntland u direen madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashooyinka ayaa lagu caddeeyay dhowr sababood oo aan doorashada muddeysan u dhici karin. Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada. Sababa kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Ururada ka horyimid doorashada hordhaca, waxaa kamid ah ururka madaxweyne Deni hoggaamiyo ee KAAH, waxaana saxiixiisu ka maqan yahay Mideeye. PUNTLAND POST The post Puntland: Ururada siyaasadda oo ka horyimid doorashada muddeysan ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. Warqada heshiiska kuma cada muddo cayiman, hase yeeshee waxaa ku qoran in dhulkaas lagu wareejiyay Shirkada Xaawo Taako iyo in laga furi doono maqaayad casri ah. Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka. Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay. Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya. Hoos ka arag warqadda lagu bixiyey dhulka The post DF oo iibisay dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka + Caddeyn appeared first on Caasimada Online.
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan laga soo saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wwasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay ka hor imaadeen midowga Musharixiinta. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in habraacaan uu waafaqsan yahay heshiiskii ay 17-ki September Muqdisho ku saxiixdeen Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo dhigayey in codeynta noqoto qaab dadban. Dhabancad ayaa sababta loo soo saaray habraacaan ku sheegay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashada. “Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii,” ayuu yiri. Mar wax laga waydiiyey in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed uu ansixiyo ergada ay soo xulaan odayaasha ayuu Dhabancad ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay, sida uu sheegay. “Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah,” ayuu yiri isagoo la hadlay idaacadda Daljir. Guddiyada khilaafaadka ayuu sheegay inay u xil saaran yihiin sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf kasta oo ka yimaado xulista kuraasta Golaha Shacabka. “Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka,” ayuu ku adkeystay. Habraaca doorashada ee dhawaan lasoo saaray ayaa waxaa ka hor yimid midowga musharixiinta waxayna si gaar ah u dureyn cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka. The post Puntland oo shaacisay ujeed laga leeyahay HABRAACA cusub ee doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. Afar mataana ah oo u dhashay Dalka UAE oo mar qudha ka wada qalin jebiyey Jaamacada Oxford-UK,Maxayse Barteen? Cabdiraxmaan, Aayah, Axmed iyo Osama-Waa afarta mataanaha ah ee ka qalinjebisay jaamacadda Oxford Brookes Afar dhalinyaro ah oo mataana ah ayaa markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK. Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan waxay kasoo jeedaan Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta. Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda kusoo biireen 2018. Waxay kala barteen culuumta kala Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha. Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen. Qaran News
  15. Soomaali ku go’doonsan xadka Belarus iyo Luthania Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub. Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad. Qaar kamid ah dadkan ayaa BBC u sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal. Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus. BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas. Qaran News
  16. Dagaal dib uga bilowday Degaanka Garba-ciise oo u dhexeeya Somalida & Canfarta Waxaa lagu soo warramayaa in saaka uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd. Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise. Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan. Qaran News
  17. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa waxaa muddo 7 bil ah ka maqan mushaharkooda, sida ay xubno ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin u sheegeen Caasimada Online, xilli maamulka uu wajahayo dhaqaalo la’aan baahsan. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa mushaar ay qaataan waxaa ugu dambeysya bishii 1-aad ee sanadkaan, waxaana jira qayla dhaan badan oo ay wadaan wasiirada “Ma cada sababta aan u heli la’nahay mushaarka hase yeeshee markaan waxaan joognaa xaalad adag,” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Wasiirada Madaxweyne Qoor Qoor, oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin. Xiriiro aan la sameynay Madaxtooyada Galmudug ayaa ku ogaanay in maamulka uu wajahayo lacag la’aan kadib markii ay waayeen lacagaha kabka ahaa ee loo soo marsiin jiray dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa lacago malaayin dollar ah oo ay u ballan-qaaday Villa Somalia looga xiray inuu fuliyo qorshaha madaxtooyada ee doorashada xildhibaanada, si lacagtaas loo siiyo. Waxa uu horey doorashadii Aqalka Sare ugu soo saaray dhowr xildhibaan oo ay wadatay madaxtooyada, balse weli lama siin lacagta loo ballan-qaaday, mana cadda wax uu sameyn doona haddii aan lasiin marka uu ballanta dhankiisa kasoo baxo. Wasiirada Galmudug ayaa lagu leeyahay lacag badan oo deyn ah sida aan xog ku helnay, taasoo ay ku daganaayeen hoteelo halka qaarkood ay ka cunteeyeen maqaayado. Galmudug ayaa ku soo biirtay maamulada maareyn la’a mushaaraadka shaqaalahooda gaar ahaan xubnaha ugu sarreeya maamulka, sida wasiirada iyo baarlamaanka. The post Xog: Wasiirada maamulka Galmudug oo ka qeylinaya xaalad haysata 7 bilood appeared first on Caasimada Online.
  18. Xukumada S/land Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Wararka Sheegaya Inay Qaabilayso Qaxooti Reer Afghanistan Ah Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP. Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in anay xukuumada Somaliland waxba ka ogayn wararka sheegaya in qaxooti reer Afghanistan ahi Somaliland imanayaan, isla markaana aanay jirin xog rasmi ah oo xukuumadu arrinka warbaahinta ka siisay. “Waxa laga yaaba in ay yihiin warar aan diblumaasiyada iyo saxafiyiinta soo dhaafin, lakin warka ah in Somaliland qaxooti Afghanistan ah qaabilayso, anagu warka mahayno, wararka laysla dhex marayaana waa warar aan wali ilo rasmi ah oo dhinacyada ah aan kasoo bixin” ayuu yidhi wasiir Koore. Wakaalada wararka AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa warbixin ay daabacday 27 bishan ku sheegtay in sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Somaliland, oo aan magiciisa la sheegin, uu u sheegay in Somaliland ay qaabilayso qayb ka mid ah qaxootiga reer Afghanistan. Qaran News
  19. MOGADISHU (HOL) - Somali police chief Abdi Mohamed Hijaar Saturday officiated a commencement ceremony of 49 female elite forces following their specialized training in Turkey. Source: Hiiraan Online
  20. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, isaga oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Macalimuu oo ka hadlayey arrimaha soo kordhay, gaar ahaan mas’uuliyiinta Jubbaland ee loo diiday Garbahaarey ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo khilaafaadka gobolkaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gedo maamul ahaan ay hoostagto Jubbaland, isla-markaana loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qodobadii ay isku raaceen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada. “Gobolkaan waxa uu hoostagaa DG Jubbaland, nin diidan & nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka & Madaxda Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri Cismaan Macallimuu. Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in horumarka gobolkan uu saameyn ku yeeshaan khilaafka soo noq-noqday, isaga oo tilmaamay inay shaqeyn waayeen mashaariicdii loogu-talagalay in lagu hormariyo deegaanka, sidoo kalena lagu caawiyo dadka dan-yarta ah. “Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri sii raaciyey Mr. Macalimuu. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle uu ku dhowaaqay in Jubbaland ay dhacday, maamul cusubna ay ka dhisayaan Garbahaarey, isaga oo intaas ku daray inuu dhammaaday muddo xileedkii 2-da sano ahaa ee Axmed Madoobe. Si kastaba khilaafka weli ka jiro Gedo ayaa ka mid ahaa arrimaha sida weyn la’isugu qabtay ee saameeyey doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey. The post Macallimuu oo digniin culus kasoo saaray GEDO + Video appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale saaka dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu dib uga qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaarooyin kala duwan. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo magaalada Garba-Ciise iyo sidoo kale agagaarka tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii fido deegaano horleh, isla-markaana uu sii xoogeysto, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus. Ma jir weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay magaalada Garba-Ciise iyo tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Dagaalkan wuxuu imaanayaa, xilli shalay dowladda Itoobiyan ay war kasoo saartay xiisadda Soomaalida iyo Canfarta, iyada oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso. Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee Garba-Ciise appeared first on Caasimada Online.