Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nin hubeysan ayaa maanta rasaas ku furay xarunta jaamacad ku taalla dlaka Ruushka, isaga oo dilay ugu yaraan sideed qof, sida ay sheegeen dambi-baarayaasha. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad daaqadaha jaamacadda oo ku taalla magaalada Perm kasoo tuuraya agabyadooda kahor inta aanay kasoo boodin. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka muujinaya qofka weeraka fuliyey oo xiran dhar madow iyo koofida adag ee lagu kaxeeyo mootooyinka, islamarkaana sita qori isaga oo dhex socda jaamacadda. Bayaan ayaa baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka, ayaa wasaaradda caafimaadka waxay ku sheegtay in la daweeyey 24 qof, oo ay ku jiraan 19 ku dhaawacmay xabado. PUNTLAND POST The post Weerar dhimasho badan oo maanta ka dhacay Ruushka appeared first on Puntland Post.
  2. Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu baaqday shirka wadatashiga dowladyada dalka oo maalinta beri ah lagu waday in Garowe uu ka furmo. Shirkan oo ay ku kulmi lahaayeen madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa la sheegay in uu baaqday kadib codsi ka yimid mid ka mid ah madaxweynayaasha oo dalbaday in dib loo dhigo shirka Garowe. Madaxweynayaasha oo kulan dhanka qadka ah yeeshay todobaadki hore ayaa ku balamay in shir ay isugu yimaadaan Garowe kaas oo socon doona 21-ka bisha illa 23-ka bisha. Shirkan ayaa looga arinsan rabay xaaladda khilaafka madaxwyenaha waqtigiisa dhanaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil. Madaxweynaha Galmudug Qoorq-Qoor ayaa la sheegay sidoo kale in uu dalbaday in shirka la balaariyo uuna ka soo qeyb galo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Shirkan baaqday ayaan la shaacin xilliga uu dib u furmi doono iyo goobta lagu qabanayo markale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan qaraxa ah ay ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah. Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Weli maamulka Koonfur Galbeed faah faahin kama bixin qaraxaas, balse mas’uuliyiinta ay dhaawacyada soo gaareen ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee degmadaasi. Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo gaashanaya AMISOM ay howlgallo ka wadeen gobolada Baay & Bakool. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro geysta khasaare dhimasho & dhaawac. The post Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Galbeed oo qarax lagu weeraray + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka ku wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay Shirkii Garoowe lagu ballansanaa. Madaxweyne Deni ayaa go’aankaas qaatay kadib markii madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu ka dalbaday in la baajiyo shirka oo looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee dalka. Baajinta Shirkaas ayaa muran ka dhex aloosay madaxda dowlad goboleedyada dalka. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Baajinta Shirkii Garoowe oo khilaaf iyo muran horleh dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegay in dib loo dhigay shirka madaxda maamul goboleedyada ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, kaas oo lagu waday inuu furmo beri oo Talaado ah, kuna beegan 21-ka bishani September. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in baaqashada shirka ay timid, kadib soo jeedin ka timid madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maal-mahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ka waday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoor Qoor uu sidoo kale dalbaday in shirka la ballaariyo, si uu ugu biiro ra’iisul wasaaraha, una guddoomiyo shirweynaha ka dhacaya Garoowe. Madaxda ayaa iska wareysan doono xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, dardar-gelinta doorashooyinka iyo arrimaha amniga ee dalka. Dib u dhigida furitaanka shirka Garoowe ayaa soo shaac baxday saacado uun, kadib markii ay kulan gaar ah xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah. Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay kulankaas uga heshiiyeen xorguf u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba, shirka ka dhacaya Garoowe ayaa waxaa la iclaamiyey 17-kii bishan, kadib kulan Aaladda Zoom-ka ku yeesheen madax goboleedyada dalka, iyada oo laga reebay Rooble, waxayna taasi dhalisay hadal heyn ku aadan shirkaas oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah. The post Yaa baajiyey shirka madax goboleedyada ee Garowe? appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan ay yeesheen xalay lagu xaliyay sida la sheegay madmadowgii u dhaxeeyay Rooble iyo Qoorqoor. Wararku waxay sheegayaan in labada mas’uul uusan xiiriirkoodu wanaagsanayn,tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in madmadowga siyaasadeeed ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu ka dhashay qaabka uu Qoorqoor u wajahay dhex-dhexaadnimadiisa. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu dhaliilay dhex-dhexaadintiisa, waxaana lagu tilmaamay nin dhan ka Farmaajo raacsan. PUNTLAND POST The post Khilaaf u dhexeeyay Qoor Qoor iyo Rooble oo xal laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  7. Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Laba kursi oo qeyb ka ah kuraasta Aqalka sare Hirshabeelle uu ku BJFS. Doorashada Kuraastaan dhiman ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin kor u dhaafaya illa iyo 5 musharax, kuwaas oo doonaya in ay ku guuleystaan mataaladda Aqalka Sare Hirshabeelle. Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay Maamulki seddaxaad ee si rasmi ah u soo dhameystirayo kuraastiisa Aqalka sare. Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guuleed Xuseen ayaa horay loogu aamaanay in aanu madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada kale ee dalka uusan kuraasta Aqalka sare u xirin musharixiin gaar ah. Doorashadan Todobaadka Socota ayaa sidoo kale waxa ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii Aqalka sare ee dalka ka socda, iyadoo doorashadan ay tahay mid looga bartay in ay qabsoomto Habeenkii xilli doorashooyinka kale ay dhacaan Maalintii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Vietnam (Caasimada Online) – Dowladda Vietnam ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam u fadhiya Qaramada Midoobay Pham Hai Anh oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ka xun-tahay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Somalia. Danjire Pham Hai Anh ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay wada-hadal ku xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, isla-markaana ay wax weliba ka horumariyaan danaha qaranka. “Vietnam waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay xalliyaan khilaafaadka oo ay wax walba ka hormariyaan danaha qaranka si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam ee Q. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhinacyada ku lugta leh khilaafka looga baahan-yahay inay helaan siyaabo lkale oo agu xallinayo xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya. Pham Hai Anh ayaa sidoo kale soo jeediyey inay muhiim tahay in la dhiso kalsoonida shacabka, xooggana la saaro doorashada, si waafaqsan heshiiskii la gaaray 27 -kii May. Ugu dambeyn wuxuu caddeeyay in Vietnam ay taageersan-thay doorka iyo tabarucaadka ururada gobolka oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo IGAD, si loo xalliyo xiisadda taagan. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan Tahliil Faarax. The post Dal aan la fileyn oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa looga hadla xiisadda siyaasadeed ee hadda u dhexeysa madaxweynaha mkuddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya. Baarlamaanka Carabta ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka soo kordhay ee Farmaajo iyo Rooble, maadaamo lagu jiro xilli adag oo doorasho. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Baarlamaanka uu ka digayo sii socoshada khilaafkan oo halis ku ah geeddi socodka dalka, loona baahanyahay in la helo xal deg-dega. “Waa nasiib darro khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin karaa geedi-socodka dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale bayaanka Barlamaanka Carabta ayaa shaaca looga qaaday in tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyadd darro ah inay dhaawici karto muqstaqbalka Soomaaliya. Ugu dambeyn Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa xusay inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, si loo soo afjaro xiisadda taagan. “Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is-afgarad, korna loogu qaadayo amniga gudaha iyo xasiloonida, si loo gaaro himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah horumarka iyo nolol wanaagsan” ayaa markale lagu yiri bayaanka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso marxalad adag oo siyaasadeed, kadib markii ay is khilaafeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha oo isku maan-dhaafay maareynta kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. The post Baarlamaanka Carabta oo soo saaray digniin la xiriirta xiisadda ka taagan Somalia appeared first on Caasimada Online.
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida dalka Kenya ayaa xalay dib u helay xoriyaddiisa kadib muddo 10 maalmood ah, oo la haystay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa. Ninkan oo ah fallanqeeye siyaasadeed, oo wareysi siiya BBC-da iyo VOA, ayaa Arbacadii 8-da September 2021 lagu qafaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la waayey meel uu ku sugan yahay, tan iyo markaas. Cabdiwahaab Cabdisamad ayaa caan ku ahaa inuu aad u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo inuu aflagaadeyn jiray cid kasta oo ra’yi ahaan kasoo horjeeda. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cidda haysatay Cabdiwahaab, hase yeesheee xubno ku dhow ehelkiisa ayaa sheegay inay haysteen ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaa sirdoonka. Prof. Cabdiwahaab ayaa diiday inuu wax faah-faahin ka bixiyo sababaha loo afduubtay, hase yeeshee waxa uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, ayada oo laga yaabo inuu dhowaan ka hadlo wixii dhacay. Xaaskiiska Xaliimo Maxamed ayaa horey mar ugu eedeysay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu ku lug lahaa afduubka ninkeeda, hase yeeshee dib ayey uga laabatay hadalkaas ayada oo sheegtay in la qalday. Sida laga soo xigtay xubno ka mid ah qoyskiisa, eedda loo jeediyey Rooble, ayaa waxaa Xaliimo Maxamed ku cadaadiyey taageerayaasha Farmaajo, si loo sumcad dilo Rooble. The post Cabdiwahaab Cabdisamad oo 10 maalmood kadib lasoo daayey – Yaa afduubtay? appeared first on Caasimada Online.
  11. Anaga nala karaahiyaysan mayo ee Qodobkaasi Meesha ka saara”Guddoomiye Saleebaan Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo jeediyay in ajandaha dooda kalfadhiga 76-aad, fadhiga sagaalad laga saaro qodobkiisa waxbarashada ku jira xarafka “Xal u helida korodhka lacagta laga qaado ardayda dugsiyada gaarka ah.”, taas oo uu sheegay in ay waalidiinta iyo ardayduba lacagta qaaliga ah raalinka yihiin. Guddoomiye Saleeban cod ayuu galiyay in laga saaro qodobka waxbarashada xarafkiisa ku qotima ‘Xal u helida korodhka lacagta laga qaado ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay,’ sidaasi ayaa loogu coddeeyay lagagana saaray. Sidaasi ayaa ay mudanayaashu ku gudo galeen dooda ajandaha kal-fadhiga 76aad qodobkiisa waxbarashada. Guddoomiye Saleebaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxa aynu maanta galayna qodobkii waxbarashada doodiisi, intaan la is qorin hal soo jeedina. Waxaan soo jeedinayaa Qodob halkan ah oo dayib inala bartay, lacagta bisha ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ardayda ka qaadayaan ee la leeyahay hala dhimo, waar Dayibow yaa ina dhageysanaya, adigase yaa ku dhageysaya. Dadku sidaasi ayay ku rabbaan, macalimiintiiba rabbta, oo waalidiintii carruurta dhashay ayaa rabba, oo carruurtiiba rabta, ma in lagu karaahiyaysto uunbaad rabta, anaga nalala kaa karaahiyaysan maaye, qodobkaasi inta ogoli gacanta ha taagto, dejiya sidaasi ayaanaynu kaga saarnay” Qaran News
  12. Mohamed Omar Jama, a father of eight, has been forced to beg on the streets after fleeing his farm in southern Somalia’s Gedo region. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweyne Geelle oo ku soo laabtay Dalka Jabuuti+Xaaladiisa Caafimaad Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kusoo laabtay Jabuuti, maalmo kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu xanuusan yahay, kuwaas oo dowladda ay beenisay. Geelle oo ku maqnaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa qoraal u muuqda inuu ku socday dadka faafiyey wararkaas oo uu maanta soo dhigay twitter ku yiri “Hamiga aan ku hiigsaneyno horumarka dalkeena lama kulmi doono waxa tabar-darri ah. Waxaan madaxweynaheena u rajeyneynaa soo laabasho nabad ah.” Toddobaadkii tageya ayaa waxaa aad ugu baahay baraha bulshada, warar sheegayey in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.” Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad. Qaran News
  14. Djibouti President Ismael Omar Guelleh has returned home to the Horn of Africa country, his office said Sunday, after rumours that the 73-year-old had been hospitalised in Paris. Source: Hiiraan Online
  15. Ra’iisul-wasaarihii hore ee Israel Netanyahu oo fadeexad Laf-jab ka faafiyey Joe biden Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo. Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” “Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur. Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel. Qaran News
  16. Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda Soomaaliya, kadib markii afduubka Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, uu horseeday khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, saraakiisha Mareykanka ayaa hadda qaba su’aalo la xiriira heerka xasilloni-darrada Soomaaliya, iyo haddii istaraatiijiytadda Washington ee ku aadan Soomaaliya ay u baahan tahay isbeddel. Michael McCaul, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, islamarkaana ah Jamhuuri laga soo doorto Texas ayaa sheegay inuu aad ula socdo khilaafka siyaasadeed Soomaaliya, uuna “aad uga walaacsan yahay halka Soomaaliya ay ku wajahan tahay.” “Ayada oo ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Soomaaliya, oo Al-Qacida ay dhiiri-gelin ka heshay wixii ka dhacay Afghanistan, waa dhab in Al-Shabaab ay taas maskaxda ku hayo,” ayuu yiri McCaul. “Weli waa halis, waxayna awoodaan inay halis geliyaan danaha Mareykanka iyo dhulka Mareykanka.” “Nasiib darro sanado badan oo Mareykanka uu taageerayey ciidamada Soomaaliya, kuna bixiyey balaayiin dollar, taasi waxba kama baddalin xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri McCaul. Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, balse waxaa cad in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu dhaawacay kalsoonidii lagu qabay dowladda federaalka. Qoraalka Jimcihii kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya. The post Mareykanka oo dib uga fakaraya Soomaaliya kadib khilaafkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  17. Feedhyahanka shaaciyey inuu doonaayo inuu madaxweyne ka noqdo dalkiisa Feeryahan Manny Pacquiao Feeryahanka u dhashay dalka Philippine, Manny Pacquiao ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne xilli sanadka dambe lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorasho. Ninkan waxaa soo xushay garab ka tirsan xisbiga PDP-Laban ee haya talada dalkaas. Marka laga reebo xirfaddiisa feerka, Mr Pacquiao oo 42 jir ah, waa xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Philippines. Madaxweynaha hadda haya talada Rodrigo Duterte ayaa laga hor istaagay in mar kale uu xilka madaxtinimada isku soo sharaxo balse waxaa soo xushay garab kale si uu ugu tartamo xilka madaxweyne ku xigeenka, tallaabadan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay, waxaana lagu tilmaamay isku day uu awoodda mar kale kula wareegi rabo. Waxaa feeryahanaka loo xushay in uu la tartamo nin lagu magacaabo Christopher “Bong” Go balse ninkan ayaa sheegay in uusan dooneyn in xilka xisbiga uu kala wareego madaxweyne Duterte. Halka xisbigiisa ay ka codsadeen Mr Go in uu dib u eegis ku sameeyo go’aanka uu ka qaatay arrintaas. Tallaabadan ayaa horseeday in gabadha madaxweyne Duterte, Sara loo soo jeediyo inay ku tartanto xisbigaas uu Mr Go ku gacan seyray. Markii uu feeryahanka ahaa Mr Pacquiao wuxuu ku guuleystay tartamo caalami ah oo feerka ah. Waxaa dhawaan ka adkaaday feeryahan u dhashay dalka Cuba, wuxuu sheegay in uu ka fariisanayo tartanka feerka. Feeryahanka oo ka hadlay markii loo soo xulay musharraxa doorashada madaxweynaha, wuxuu yiri ” Haddii aan ahay feeryahan, mar kasta gudaha iyo dibadda ayaan ka dagaallami doonaa” Mr Pacquiao wuxuu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono musuq maasuqa iyo macluusha. Waan nin caan ka ah dalka Philippine balse wuxuu wajahaya caqabado dhowr ah. Ma kala cadda in garabyada isaga baxay xisbiga haya talada ee PDP-Laban uu guddiga doorashada dalkaas uu aqoonsano xisbi iyo in kale marka la gaaro doorashada 2022-ka. Qaran News
  18. Taliban oo Baaba’iyey wasaaraddii Arimaha Haweenka+Wasaaraday ku bedeleen Taliban ayaa u muuqataa in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday wasaaradda qaabilsaneyd arrimaha haweenka isla markaana ay ku baddashay wasaarad qaabilsan fidinta arrimaha dacwada ee dalkaas, sida laga soo xigtay kooxo si weyn ula socota arrimaha shareecda. Jimichii, astaan ku dhagneyd wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa meesha laga saaray, waxaana dhismaha wasaaraddaas lagu baddalay boor ay ku qorantahay wasaaradda arrimaha dacwada. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay haween u dhashay Afghanistan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismaha wasaaradda kuwaas oo Taliban ka codsanayay inay u ogolaadaan in shaqada ay dib ugu laabtaan. Xilliggii maamulkii Taliban, 1990s wasaaraddii arrimaha dacwada waxay xeerar adag kusoo rogtay haweenka. Haweenka Afghanistan waxay 20 sano ee lasoo dhaafay u dagaallamayeen sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah xilli dalka ay gacanta ku hayaan Taliban waxay ka cabsi qabaan in meesha ay ka baxdo xuquuqdooda. Weriyaha BBC ee ku sugan Kabul, Lise Doucet waxay kusoo warrameysaa in hoggaamiyeyaasha Taliban ay sheegeen inay ogyihiin in Afghanistan uu isbaddal ku yimid basle waxay haatan u muuqdaan kuwa qaadayaa tallaabooyin ka dhan ballanqaadka ay sameeyeen iyo siyaasadahooda. Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa horraan ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dacwada inay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah dadka kasoo horjeeda iyo in xeerar adag ay kusoo rogeyso muwaadiniinta gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha. Taliban replaced the Women's Affairs Ministry with the Ministry of Vice and Virtue. #Kabul #Afghanistan pic.twitter.com/odVd4avdHx — Khalil Noori (@KhalilNoori) September 17, 2021 Balse xubno ka tirsan Taliban ayaa sheegay in wasaaradda ay qabaneyso arrimo muhiim ah isla markaana ujeedka loo aasaasay uu yahay fidinta dacwada islaamka si xumaanta looga hortaggo loona faafiyo waxyaabaha wanaagga ah. Maxay qaban doontaa wasaaradda dacwada? Wasaaradda arrimaha dacwada ayaa ah mid horey loo aasaasay ka hor maamulkii Taliban balse waxaa howlaheeda la ballaariyay intii u dhexeysay sanadihii 1996 ilaa 2001. Wasaaradda waxay shaqo gelisaa boolis qaabilsan dhaqangelinta dacwada. Wasaaraddan ayaa soo shaac baxday markii xubnaheeda ay garaaceen haween ku labisnaa dhar ay ku tilmaameen in uu anshax xumo ahaa ama garaac loo geystay haween maxrim la’aan ahaa oo kaligood iska socday. Haweenka Afghanistan Gabdhaha looma ogolo inay wax ka dhigtaan iskuulada dalkaas, waana tallaabo ay dhaqangeliyeen ururka. Wasaaradda waxay mamnuucday in dadka ay isugu tagaan goobaha muusigada iyo goobaha kale ee maddadaalada. Booliska ka tirsan wasaaradda waxay amar ku siiyaan dadka in xarumahooda ganacsi ay xiraan oo ay salaadda aadaan, waxay sidoo kale tallaabo ka qaadeysaa ‘dadka timaha u jarta sida reer galbeedka’ Maxay sameyn doonaan dumarka Afghanistan? Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa isku dayay in dib ay ugu laabtaan shaqadooda balse waxaa loo diiday inay galaan dhismaha wasaaradda. Mid kamid ah haweenka ka shaqeeya halkaas ayaa tiri, “Haddii aan nahay haweenka wax inoo soo haray ma lahan, mas’uuliyad ayaa inaga saaran qoysaskeena, waxaan nahay dad wax soo bartay ma dooneyno in aan guryaha joogno” Haweeney kale oo ku sugneyd afaafka hore ee dhismaha wasaaradda ayaa sheegtay, “Haddii aysan jirin wasaarad ka shaqeysa arrimaha haweenka, dumarka Afghanistan, maxey sameyn doonaan? Taliban ma wuxuu damirkooda siiyay in haweenka Afghanistaan ay waddooyinka ka dawarsadaan?” Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban Qaran News
  19. Dhawaanahaan warfidiyeenka adduunku waxay mashquul ku ahaayeen fallanqaynta dhacdo dhabanahays ku noqotay dadkoo idil! Arrinka filan waa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid madaxweynaha jumhuuridda Tuunis ( Tunisia) uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta dastuurka, dhammaan shaqooyinkii hay’adaha garsoorkana uu isagu gacanta ku dhigay. Talaabadaas – filan waa’ga ku noqotay dunidoo idil- waxay muujinaysa kaligii-talisnimo uu la soo baxay macallinkii “qaanunka dastuuriga ah” ee jaamacadaha Tuunis. Waa dalkii kaliya ee ka badbaaday hirarkii “Gu’ga Carabta” waa dalkii xorriyadda ee uu maansayahankii caanka ahaa “Abuul-Qaasim Al-Shaabi” ka tirayay tixdii taarikhda gashay ee “IDAL SHACBU YOOMAN ARADAL AL-XAYAAT). Maantase, Tuunis waxay u muuqataa in ay god mugdiy ku dhacday. Qays Siciid waa 63 jir, wax ku bartay dalkiisa iyo dibaddaba, isagoo shahaadada sare ee takhasuskiisana ka soo qaatay Talyaaniga. Wuxuu bare-sare ka noqday qaar ka mid ah jaamacadaha dalkiisa ee Tuunis. Dayrtii 2019-kii ayaa doorasho dad weyne uu ku noqday madaxweynihii 7-aad ee jamhuuriyadda Tuunis. Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed wuxuu hantay quluubta dadweynaha Tuunis, wuxuu ka sheekayn jiray sida uu barwaaqo u gaarsiin doono muwaadiniinta aan heli karin nolol-maalmeedkooda, ugu qareemi doono, wax uga qaban doono dhibaatooyinka haysta. Badiba, wuxuu ku hadli jiray Afka Carabiga fasiixa ah, wuxuu iska dhawri jiray adeegsiga “lahjadda” arrinkaas ayuu ku macnayn jiray: in uu yahay ruux aan haybtiisa doorin, welina ku faro-adeeygaya dhaqankiisa iyo afkiisa hooyaba! Dhamaadkii bishii July sannadkaan aan ku guda jirno ee (2021) ayuu Qays Siciid soo saaray wareegto uu ku kala diray golayaashii dowladda Tuunis, isagoo cuskaday -siduu sheegay- qodobka 80-Aad ee dastuurka dalkaas! Haddaba, aan u dhaadhacno ubucda dhambaalkayga ee nuxurkiisu yahay: is-bar-bardhigga labada hoggamiye ee kala ah: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qays Siciid. Maxay wadaagaan xagga aragtida siyaasadeed? Sidee u maareeyeen dalalkooda? Muxuu yahay raadka ay ka tageen?!! Su’alahaas iyo kuwa kaleba ayaa ka guuxaya maankayga, waxaan in badan u fiirsaday sida labadaa hoggaamiye ay u maran-habaabiyeen dadkooda, sida ay ugu ciyaari karaan caqliga shacabka, u adeegsan karaan warbaahin u durbaan tunta, ugu dadaalayaan -labaduba- in ay noqdaan madaxweynayaal aan waligood kursiga bannayn! Ku dayasho! Ma aha arrin ugub ah in hoggaamiye kastaa uu yeelan karo mid kaloo uu ku daydo, waa taxane soo jireen ah, haddaan tusaale dhow u soo qaadanno madaxweynihii Tuunis ee kacdoonkii “Gu’gii Carabta 2011” talada dalka qabtay “Abuu Munsif Al-marzuuqi” waxaan in badan ka akhriyay -dhambaaladiisii joogtada ahaa ee uu qori jiray- in hoggaamiyihii Koonfur Africa Nelson Mandela (1918-2013) uu ahaa ruux uu ku daydo xagga siyaasadda, ma ahayn arrin uu qarsan jiray dhaqtarkaas bidixda fog ahaa, dabadeedna la shaqeeyay xisbi Islaami ah (Al-Nahda oo ah xisbiga aqlabiyadda barlamanka Tuunis) noqdayna hoggaamiye si xushmad iyo nabadba ku dheehan tahay u wareejiyay taladii dalka Tuunis. Anigu, qof ahaan, waxaan xaqiiqsaday in “Abuu Munsif Al-Marzuuqi” uu ahaa hoggaamiye ka dhabeeyay aragtiyadii uu qori jiray ee lagu daabici jiray warbaahinta dunida Carabta kuwooda ugu afka dheer. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Aadam Cabdulle Cismaan (1908-2007) madaxweynihii ugu horreeyay markaanu madax-bannaanida qaadannay uu yahay hoggaamiye uu ku daydo, sawirkiisa ayuu ku xardhay darbiyada madaxtooyada “Villa Somaaliya” ficillada ka soo fulayase, dhammaantood waa kuwa muujinaya xil isku dhajin, awood maroorsi, la dagaallanka waxay Soomaali ku heshiisay, dhinac-mar dastuurka ah. Haddii – Alle ha u naxariistee- madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uu xilka si nabad ah ku wareejiyay, Farmaajo uma muuqato arrinkaas, waxa uu hammuun iyo harraadba u qabaa kursi. Madaxweyne Qayska Tuunis, markuu loolanka doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in maamulka uu baahin doono, ogolaynna in awoodaha dowladnimo ku aruurto gacan kaliya; maanta oo uu yahay madaxweynaha Tuunis isaga ayaa xukuumaddii madax u ah oo ay wax kasta ku soo dhamaadaan; wuxuu guluf-colaadeed la galay raysul-wasaarohii dalka, guddoomiyihii barlamanka, madaxdii garsoorka, meel uu dalka u wadana cid saadaalin kartaa ma jirto! Sidaas si la mid ah ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu uga horyimid wax kasta oo uu ballanqaaday. Labada hoggaamiye waxay wadaagaan nacaybka dastuurka ay madaxda ku yihiin, midkoodna ma oggola ku dhaqankiisa! Qodobbo Dastuuri ah! Markii uu Qays Siciid kala dirayay golaha sharci dajinta ee dalka Tuunis wuxuu cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka dalkiisa; kaas oo qeexaya in madaxweynuhuu kala diri karo barlamanka marka uu dalka xaalad khatar ahi ay soo foodsaarto. Tuunis iminka wax halis galin kara jiritaankeeda qarannimo kama dhicin, madacweyne Qaysna wuxuu cuskaday qodob aan xiriir la lahayn tilaabada uu qaaday! Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo saaray wareegtooyin uu ku carqaladaynayay xafiiska raysul-wasaaraha intii lagu guda jiray baaritaankii gabadhii la afduubay Ikraam Tahliil. Waraaqihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Farmaajo soo saaray waxaa dhammaantood uu ku xusay qodobka 87-Aad oo farqadiisu “C” qeexayso in madaxweyne Farmaajo uu yahay ilaaliyaha guud ee mabaa’dida dastuurka. Qodobkaas cuskashadiisu ma aha mid ku habboon dhacdada meesha ka dhacday, ee waa ka shaqaynta nidaamka Federalka ee dalku leeyahay iyo dhamaysirka dastuurka ku-meel-gaarka ah. Farmaajiyo Qays waa laba hoggaamiye oo aad u yaqaan humaag isku qarinta, fasiraadda dastuurka sida ay iyagu doonayaan. Igu sawir ! Labada hoggaamiye waxay aad u jecelyihiin adeegsiga warbaahinta, mudane Qays muddaba markuu joogo wuxuu la kalmaa warbaahinta dalkiisa ka hawl gasha, isagoo dhoolatus xagga aftahammada luuqadda ah soo bandhiga, ma ogola in saxafiyiintu su’aalo weeydiiyaan, ta baddalkeed wuxuu ku dul akhriyaa casharro xagga dowlad-wanaagga ah iyo in warbaahintu ka shaqeyso dowlad-dhiska, dulucduse, waa in warfidiyeenku u sawiraan isagu in uu yahay hoggaamiye aragti leh! Waa barti-yaqaan, tiisa mooyee, aan tu kale aqoon! Dhanka Farmaajo ma leh isagu aftahammo uu ku xardhan karo tiraabtiisa, wuxuuse la wadaagaa Qays, in aanu jeclayn weeydiimaha warbaahinta, dhammaan khudabadihiisu waa kuwa diyaarsan. Waxay labaduba xoogga saaraan in ay majaraha ka lumiyaan shacabka, adeegsadaan caadifad wadaniyadeed, halkeenaan Soomaaliya waxaa aad u faafay “Farmaajo ii geeya” Tuunisna wuxuu Qays ku qalbi-diirsadaa “KULUNAA QAYS SICIID” oo iyadu tan hore la macne ah! Raadka ay ka tagi doonaan waa mid taban, waa mid dhaawici doonaa dareenka shacabka ay xukumaan, waxay horseed u noqon karaan in aan la aaminin qof kastoo Sheegtaa hufnaan iyo dhawrsanaan, labuduba dadka waxay ku sireen is-dabcin, qunyar socod aan dhagar ka marnayn, horay ayay Soomaalidu u tiri “ Abeeso dhul u eki bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki.”! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Farmaajo iyo Qays – Maxay wadaagaan xagga aragtida? appeared first on Caasimada Online.
  20. Ganacsade u dhashay Somailand oo Xabaalaha Waqooyiga Hargeysa ugu deeqay Cagaf ka caawin doonta Qodista xabaalaha Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadansiiro) oo kamid ah culimada somaliland ismarkaana ah shakhsiyaadka ka shaqeeya danta caamka ah Gacantana ku haya xabaalaha baqiic ee magaalada hargaysa ayaa umahad celiyay ganacsade Axmed Cismaan Ismaaciil Samater(Midhiq) oo ganacsatada Somaliland iyo jabuutiba oo xabaalaha baqiic ugu deeqay cagaf bulshada ka caawin doonta xabaalo qodista oo ay baahi wayn uqabeen, dadka aan awoodi In ay xabaasha qotaan, Dhanka kale sheikh Aadansiiro ayaa ka waramay qiimaha ay ku joogto cagaftu isagoo ilaahay uga baryay in uu miisaanka xasanaadka ugu daro. Qaran News
  21. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo. Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” “Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur. Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel. The post Netanyahu oo faafiyey arrin ‘ceeb ah oo JOE BIDEN ku qabsatay’ kulankii Bennet appeared first on Caasimada Online.
  22. Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Turkiga ayaa wadahadalo muhiim ah ka yeelanaya arinta wadanka Afghanistaan, si gaar ah Amniga Garoonka Magaalada Kabul. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka mid tahay waxyaabaha ay madaxdaani ka wadahadli doonaan hubka Dowlada Turkiga ay ka soo iibsatay Ruushka, kaasi oo sumadiisu ay tahay S-400. Turkiga iyo Mareykanka ayaa Sanadihii dambe waxaa u dhexeeyey Khilaaf la xiriira dhinaca hubka iyo sida Turkiga uu ula macaamilayo Ruushka. Xoghayaha Arimaha dibada Washinton Atoniyo Bilinken ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu ugu baaqayo si deg deg ah xal looga gaaro kala aragti duwanaanta u dhexeeya labada dhinac. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Mareykanka oo ka wadahadlaya Xaaladihii ugu dambeeyey ee Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (HOL) - A Somali-Kenyan scholar and political analyst abducted a little over a week ago has been released by his captors, according to sources close to his family. Source: Hiiraan Online
  24. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa mar kale soo saaray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Habraaca dambe ayaa lagu daray doorkii hubinta Ra’iisul Waasaare Rooble oo ka maqnaa habraacii hore ee maanta oo dood badan ka dhalatay. Habraaca dambe ayaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay soo xulayaan musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, markaas kadibna ay u gudbinayaana Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo markale la soo saaray appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa yeeshay kulan gaar ah oo ay heshiis uga gaarayeen madmadow waayahaan soo kala dhex-galay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kulanka oo goordhaw u soo idlaaday Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay uga heshiiyeen xorguf siyaasadeed uu u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay. Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah. Waxaa guul-dareystay dadaaladii ay hor kacayeen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ee lagu xalinayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo haatan gaaray heer laga quustay dhex-dhaxaadintooda, inkastoo Puntland ay ku dhawaaqday inay dhex-dhexaadin doonto. Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in caawa meesha laga saaray mad-madowgii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo labadoodu ay xal ka gaareen. The post Qoor Qoor iyo Rooble oo caawa heshiiyey – Maxay isku hayeen? appeared first on Caasimada Online.