-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeystay. Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha diebdda ayaa ku booriyey TPLF “inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.” Mucaaradka Tigary-ga ayaa Sabtidii sheegay inay xaqiijiyeen “gacan ku haynta buuxda” ee magaalada muhiimka ah ee Dessie, taasi oo keentay in dowladda ay si xooggan u beeniso, inkasta oo xitaa dadka deegaanka ay soo weriyeen in ciidamada federaalka ay ka gurteen. Qabsashada Tigray-ga ee Dessie ayaa ka dhigan weji cusub oo uu yeeshay dagaalka sanadka ku dhow ka socda Ethiopia, kadib markii ay inta badan gobolka Tigray ka saareen ciidamada federaalka bishii June, islamarkaana isku ballaariyeen gobollada deriska la ah. “Waxaan ku boorineysaa TPLF inaysan madaafiic u adegesan magaalooyinka, waxaana ku celineynaa diidmadeena ku aadan duqeymaha ciidamada federaalka Ethiopia ee magaalada Mekelle iyo qeybaha kale ee Tigray kuwaas oo dhaliyey khasaare nololeed oo badan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price oo soo saaray war-saxaafadeed. “Dagaalkan ma lahan xal militari, waana in dhammaan dhinacyada ay billaabaan wada-xaajoodyo xabad-joojin ah ayada oo aan lagu xirin shuruud.” Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia. Goor sii horeysay shacabka degan magaalada ayaa soo weriyey in ciidanka federalka ay ka baxeen, islamarkaana Tigray-ga ay soo galeen. “Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF. Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia. Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen. The post Mareykanka oo war kasoo saaray qabsashada TIGRAY-ga ee magaalada Dessie appeared first on Caasimada Online.
-
Kabul (Caasimada Online) – Dabley isku sheegay inay yihiin Taalibaan ayaa weeraray xaflad aroos oo ka dhaceysay bariga dalka Afghanistan si ay u joojiyan Music halkaas ka daarnaa, waxayna dileen ugu yaraan saddex qof, sida ay sheegtay dowladda. Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in laba ka mid ah saddexda qof ee weerarka soo qaaday la xiray, wuxuuna beeniyey inay u shaqeynayeen Taalibaan. “Xalay, xafladda arooska Haji Malang Jan ee xaafadda Shamspur Mar Ghundi ee gobolka Nangarhar, saddex qof oo iska dhigay Taalibaan ayaa galay, waxayna dalbadeen in la joojiyo Music,” ayuu yiri. “Rasaas ay fureen ayaa waxaa ka dhashay inay dhintaan ugu yaraan saddex qof, dhowr kalena waa la dhaawacay.” “Laba ka mid ah tuhmanayaasha waxaa xiray Taalibaan, waxaan baxsaday mid weli lagu raad joogo,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan. Mujahid ayaa sheegay in kooxdan adeegsatay magaca Imaaradda Islaamiga ah, si ay u fuliyaan hamigooda shaqsi ay wajihi doonaan shareecada Islaamka. Qof ka mid ah ehellada dhibanayaasha ayaa sheegay in dagaal-yahanada ay fureen rasaas badan xilli uu daranaa music. Music-ga ayaa mamnuuc ka ahaa markii ugu dambeysay ee Taalibaan ay maamuleysay Afghanistan, hase yeeshee inkasta oo dowladda cusub aysan weli amar kasoo saarin, haddana hoggaankeeda waxay Music-ga u arkaan jebita shareecada Islaamka. Dowladdii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumeysay 1996-kii illaa 2001 ayaa dalka kusoo rogtay shareecada Islaamka, waxayna shacabkii jebiyaa wajihi jireen ciqaab adag. Hase yeeshee tan iyo intii ay xukunka kusoo laabatay bishii August, Taalibaan oo raadineysa aqoonsi caalami ah iyo laga qaado cunaqabateynada dhaqaale, ayaa isku dayday inay isu muujiso inay tahay qunyar socod. The post Saddex qof oo lagu dilay XAFLAD AROOS oo weerar loogu qaaday Music dartiis appeared first on Caasimada Online.
-
The unfortunate forced displacement ordered by Somaliland President Muse Bihi Abdi had affected 7,000 people, according to OCHA. Several district administrations under Somaliland administration have instructed locals not to allow Somali citizens from the South to remain in Erigavo and Berbera following the infamous speech of President Bihi, who said: “We have made our country peaceful. Somali leaders in the South must make their country peaceful so that people do not get displaced.” The United Nations is the sole authority that can determine if forced displacement constitutes breach of conventions that protect the rights of the internally displaced persons. There is no a way that leaders of Somaliland administration can evade their responsibility to protect IDPs against forced displacement either by arguing that it is not an internationally recognized entity, or that it is no longer a part of Somalia. President Bihi: “We have made our country peaceful. Somali leaders in the South must make their country peaceful so that people do not get displaced.” Forced displacement is yet another sad chapter of Somalia’s post-colonial history. Somalis forcibly displaced from Las Anod have properties and jobs in the administrative capital of Sool. They have lost wealth they had created over the years. They came to the North as displaced persons, but they never needed assurance from aid agencies. Their work ethic provided a strong foundations for starting new businesses and becoming an important part of their compatriots’ community. The United Nations Assistance Mission in Somalia has issued press releases on Guriel conflict and local elections in Puntland. OCHA statement on forced displacement is not enough: Bihi singled out OCHA for criticism for reporting on the forced displacement. A coordinated work to assess the financial and psychological impact of the forced displacement is long overdue. The role of the African Union is equally missing. Bihi surmises that continued forced displacement will cement his claim that the breakaway administration has the characteristics of a nation state through monopoly of coercive force. That Somaliland administration used deportation to justify its abhorrent actions highlights the risk that forced displacement might become a norm in other parts of Somalia. It is time the United Nations addressed the forced displacement in Northern Somalia districts under Somaliland administration. By Da’ud Adan, Kampala The post The Silence of UNSOM Over Forced Displacement in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxa burcad koonfur afrikaan ah ay dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaas. Muwaadinkan oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Plain oo ka tirsan Magaalada Cape Town. Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad hubeysan ay ku soo weerareen goobtiisa ganacsi uu ku lahaa deegaanka Plian oo uu ku sugnaa xilligii dilka uu dhacayay. Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa baritaano kooban ka sameyay kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxa dilka ka dambeyay wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan burcaddi dilka geysatay. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan aan caadi ahayn. Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo diray xalay farriimo lagu wargelinayay in ay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo qabsoomaya labada duhurnimo. Xukuumadda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin waxyaabaha looga hadlayo kulanka Maanta, balse kulankaan ayaa baaqday Maalintii khamiista aheyd ee la soo dhaafay, kaas oo qorshuhu ahaa in Shirka Golaha Wasiirada lagu Magacaabo Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA iyo kuxigeenkiisa, qorshahaas oo loo badinayo in Maanta la fuliyo. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaad walba khamiistii waxaa ay yeeshaan kulankooda caadiga ah, balse kulamada Maalmaha kale ayaa waxaa ay noqonayaan kuwa aan caadi aheyn oo lagu gaaro go’aano kala duwan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn appeared first on Puntland Post.
-
Xadgudubyo la sheegay in ay ka dheceen doorashadii Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (Wararka PP) — Ururrada Runcad, Mustaqbal, Horseed iyo Ifiye ayaa sameysay isbaheysi siyaasadeed oo la magacbaxay ‘Madasha Ururrada Siyaasadda Puntland’ sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen. Dhanka kale, Madasha cusub waxay tilmaantay in doorashadii golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay ka dhaceen xadgudubyo baahsan oo ka hor-imanaya shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin; laaluush iyo cod-gadahso, adeegsi hanti iyo awood dowladeed, kaarar codbixin oo si qaldan loo adeegsaday iyo handadaad loo geystay codbixiyeyaal aan is difaaci karin. Madasha Ururrada Siyaasadda Puntland waxay eedeyn u jeedisay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, oo ay sheegeen in ay ansixisay natiijada doorashada, iyadoo aan wadatashi la yeelan ururada siyaasadda Puntland. Madashu waxay ugu baaqday Beesha Caalamka iyo daneeyaasha kale in ay ka baaraan dagaan hannaanka doorashada Puntland ku dhacday iyo natiijada ka soo baxday. Ugu danbeyn, Madashu waxay tilmaantay in ay ka walaacsan tahay sii socoshada hannaankan, maadaama bay yiraahdeen ay ku bilaabatay wadiiqo qaldan iyo sifo sharci darro. PUNTLAND POST The post Xadgudubyo la sheegay in ay ka dheceen doorashadii Puntland appeared first on Puntland Post. -
Ankara (Caasimada Online) – Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa camiray ganacsiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaalida ah ee sida xad dhaafka ah u tegaya dalka Turkiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo. Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan labada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh. Si kastaba ha ahaatee, Xaafadaas oo ay si weyn u camireen dadka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay noqotay meel ay Turkidu ku dhibaateyaan Soomaalida, waxaana halkaas kusoo badanaya naceybka loo qabo soo galootiga. Wargeyska Maalinlaha ah ee Sozcu oo ah wargeys si weyn uga hadla arrimaha soogalootiga ayaa warbixin uu daabacay Bishii Aprill wuxuu cinwaan uga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya.” Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in ganacsatada magangeliyo-doonka ah ee ka timid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo oo ku yaalla Kizilay “in ay waddankooda ka dhigaan.” Wixii warbixintaas ka dambeeyey, booliska Turkiga qeybtiisa dhar-cadda ayaa billaabay inay si joogto ah u booqdaan goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas, iyagoo sameynaya baaritaano teel-teel ah oo ay ku dhibaateynayaan macaamiisha, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Middle East Eye. Bishii Sebtembar, dhacdo ka yaabisay Soomaalida Kizilay ayaa ka dhacday Ankara, kadib markii ay Booliska xireen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa xarumo waaweyn, iyadoo ugu dambeyntiina lagu amray inay isaga baxaan dalka Turkiga, taas oo ku khasabtay garansatada inay iibiyaan xarumahooda ganacsiga oo gebi ahaanba ay iska xiraan. ‘Ololaha dhibaataynta’ Dalka Turkiga oo marti geliyey ku dhawaad Shan Milyan oo qaxooti ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa waxay xaqootiga kula dhaqmaan hab aan wanaagsaneyn. Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guul dareysatay inay soo saarto xeelado lagu maareeyo qaxootiga oo aan aheyn “siyaasadda xuduudaha furan.” Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turkiga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid wadanka Turkiga. Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Turkiga ayaa heysta sharciyo degenaansho ah, waxayna lacag ku maalgeliyaan guryaha iyo ganacsiga dalka. Dhibaatada lagu hayo qaxootiga ayaa waxaa kusoo biiray Soomaalida dalkaas ku nool, kadib markii bishii August ay rabshado ka dhaceen qayb kale oo ka mid ah magaalada Ankara, halkaas oo muwaadiniinta Turkida ah ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi iyo guryo ay la haayeen qaxooti Suuriyaan ah, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qof qoxooti ah uu wiil dhallinyaro ah ku dilay beer lagu nasto. Wixii intaas ka dambeeyay waxaa caadi ka noqday goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu leedahay in lagu arko ciidamo boolis ah oo ku labisan dareeska ciidamada, inkastoo ay si sharci ah u dhisteen goobo ganacsi oo ay ka howlgalaan. “Marka hore, 15 askari oo boolis ah ayaa soo xaadiray, waxayna bilaabeen inay meel walba ka raadiyaan dadka wixii ka dambeeyey 8-dii Sebtembar,” Maxamed Ciise Cabdullaahi, oo ah milkiilaha kafateeriyada Soomaalida ayaa sidaas u sheegay MEE. “Kadib shan maalmood boolis dhar cad ah ayaa mar kale nagu soo booqday, qaar naga mid ah ayaa la geeyey saldhigga booliska ee noo dhow. Waxay nooga digeen inaan shaqaaleysiino shaqaale aan fasax lahayn.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Cabdullaahi waxa uu rumeysan yahay in booqashooyinka booliska ay qayb ka yihiin olole dhibaatayn ah oo ay wadaan maamulka deegaanka, wuxuuna sheegay in shaqaaleysiinta shaqalaha aan la fasixin ay kaliya keeni karto ganaax lacageed, balse aysan keeni karin in ganacsiyada la xiro, sida haddaba dhacday. “Ugu horeyn arrimahaan waa wax khuseeya degmada, shaqana kuma lahan booliska,” ayuu yiri Onur Boran Duman, oo ah qareen ku takhasusay khilaafaadka shaqada. Milkiilayaasha dukaamada ganacsi ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogitaanka Soomaalida, maadaama ay xaafadda u keeni jireen lacago iyo shaqooyin badan. The post Olole lagu beegsanayo Soomaalida oo ka billowday Ankara + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Kulmiye Oo Lumiyey Mid Ka Mid Ah Beelaha Awdal oo Xisbigaasi si weyn u Taageeri jiray tan iyo 2008-dii. Mid ka mid ah Beelaha Gobolka Awdal dega ee sida weyn u taageeri jiray Xisbiga Kulmiye tan iyo 2008-dii, ayaa ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, iyada oo caawa xaflad soo dhawayn ah oo ay ka qayb galeen Madaxda u sarreysa Xisbigaas loogu qabtay Magaalada Boorama. Beeshan ku biirtay Xisbiga Waddani oo ah Beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa waxa xubnaha hormuudka u ahaa ka mid ah Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo dhalinyarro. Beeshan ayaa sheegtay in ay ka baxday Kulmiye oo ay lafdhabar u ahaayeen muddo dheer, ayaa loo aanaynayo ka bixitaankooda Xisbiga Kulmiye inuu la xidhiidho saluug ay Xisbigaasi la qabaan, maadaama oo laga saaray Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo ay xubin hore ugu lahaayeen oo ahayd Guddoomiye kuxigeenka Afraad oo Saylici oo hayey tan iyo 2008-dii, isla markaana Kursigaas la siiyey Maxamuud Xasan Saajin oo ah Wasiirka Ganacsiga, oo isaguna ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Awdal. Mid ka mid siyaasoyiinta Beeshan, ayaa doonaya inuu ka mid noqdo Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, marka la gaadho shirweynaha bisha dambe. Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kooban uga jawaabay eedeyntii Galmudug ee aheyd in Puntland ay taageero siineyso ururka dib isku soo hubeeyey ee Ahlu-Sunna, xilli uu maanta khudbad ka hor jeedinayey baarlamaanka maamulkaas oo kalfadhiga 49-aad uu uga furmay Garowe. Siciid Deni oo si dulmar ah uga jawaabayey tuhunka iyo eedeymaha shacabka iyo madaxda reer Galmudug ayaa sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad goboleedyada kale ee dalka dhibaato ku ah ay Puntland-na dhibayaan, dib u dhacna ay ku keenayaan. “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna, waxay sidoo kale lidi ku yihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland,” ayu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Hadalka Siciid Deni ayaa kusoo aadaya, xilli qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ay muujinayeen tuhun ah in Puntland ay soo hubeyneyso ururka Ahlu-Sunna, si loo carqaladeeyo koboca dowlad goboleedka Galmudug. Galmudug waxay haatan wahajeysaa mowjado gacan ka hadal gaaray oo ka dhashay soo rogaal celinta wadaadada Ahlu-Sunna, dagaal culus oo lagu hoobtay ayaa todobaadkii hore Guriceel ku dhex-maray Galmudug oo gacan ka heleysa dowladda federaalka iyo ciidamo tiro yar oo daacad u ah hoggaamiyayaasha wadaadada hubeysan ee Ahlu-Sunna. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay maalmihii uu dagaalkaasi ka socday Guriceel ayaa sheegay in ay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo jaaniib oo Ahlu-Sunna ku garab siinaya duulaanka ay ka wado Galmudug. Qoor Qoor oo caro badani ay ka muuqatay maalintaas ayaa sheegay inay heleen cadeymo muujinaya dhinacyada Ahlu-Sunna ku garab tagay dagaalka ay ka wado gudaha Galmudug, isla markaana uu soo bandhigi doono. Inkastoo madaxda Galmudug aysan si cad ugu eedeyn Puntland inay gacan siineyso Ahlu-Sunna, hadana dad badan ayaa hadalkii Qoor Qoor u fasirtay mid ku godan maamulka deriska la ah ee Puntland, dhankooda madaxda Puntland ayaa si cad isaga fogeeyey eedeymahaas. Marka laga soo tago hadalkii maanta ee Saciid Deni, laba maalmood ka hor waxaa shir Jaraa’id Gaalkacyo ku qabtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur, waxuuna sheegay in Puntland aysan ka suurtaabin in deriskeeda reer Galmudug ay koox ku hubeyso, isla markaana Galmudug ay u tahay walaal ay ka kaashadaan la dagaalanka araggixisada. The post Saciid Deni oo u jawaabay Axmed QOOR QOOR appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey gacanta hey’adda Nabadsugidda ee NISA ayaa waxay maqan tahay 4 bil iyo maalmo illaa haddana lama ogo cidda dishay ama haddii ay nooshahay cidda gacanta ku heyso. Ikraan oo aheyd gabar si weyn aqoon ugu leh sirdoonka Internet-ka ayaa wuxuu kiiskeeda ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya, balse maalmihi ugu dambeyey waxaa muuqata in kiiskaas meel la iska dhigay. Gabadhaan oo 26-kii June ee sanadkaan laga watay gurigeyga ayey hay’adda NISA sheegtay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, inkastoo arrintaas uu ka hor yimid Ra’isul Wasaare Rooble oo dalbaday in caddeymo rasmi ah la keeno. Shabakadda laga leeyahay dalka Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegtay in Gabadhaan loo dilay xog ay ka heshay heshiis Militari oo si qarsoodi ah u dhex maray Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa in madaxda ay sii joogto xukunka dalalkaas. Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si weyn isugu khilaafay kiiska Ikraan ayaa dhawaan heshiis ka gaaray waxyaabihii ay isku hayeen . Farmaajo iyo Rooble ayaa qodobada heshiiska dhex maray ku xusay in Kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hey’adaha Amniga iyo kuwa cadaaladda. Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan hay’adaha Cadaaladda, illaa hadda lama bilaabin baarita kiiska Ikraan Tahliil. Sababta aan illaa hadda loo bilaabin kiiska Ikraan ayaa lagu sheegay inay tahay in si mugdi ah loo maareynayo kiiskaan, laakiin weli caddeyn rasmi ah looma hayo. Qoyska Ikraan Tahliil ayaa horey u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hor istaagay baaritaanka Kiiska gabadhooda, waxayna tilmaameyn inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin kiiskaas oo ay ka war sugyaan Ra’isulwasaare Rooble oo qaatay mas’uuliyadda. Sidoo kale qoyska ayaa sheegay in hey’adaha Cadaaladda loo diiday inay gudaha u galaan xarunta Hey’adda NISA si baaritaan loogu sameeyo taasoo caqabad weyn ku noqotay sii wadista kiiska Ikraan. The post Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo qarka u saaran in la duugo appeared first on Caasimada Online.
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ka dambeysay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah oo toddobaadkii tegay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin koonfurta Syria, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah. Mareykanka ayaa rumeysan in Iran ay ka shaqeysay oo ay dhiirigelisay weerarka balse aysan diyaaradaha kasoo duulin Iran. “Waxay ahaayeen diyaarado Drone oo Iran ay leedahay,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in weerarka ay ku lug lahaayeen illaa shan diyaarad oo drone ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa, oo lagu dhuftay saldhigga oo ku yaalla magaalada al-Tanf. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in weerarka uusan dhalin wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah. Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa al-Tanf u jooga inay tababaraan ciidamada mucaaradka Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. Saldhigga ayaa sidoo kal eku yaalla waddo muhiim u ah ciidamo Iran ay taageerto oo isaga gudba Tehran illaa koonfurta Lubnaan. Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa diiday inuu faah-faahin ka bixiyo eedeynta ay saraakiisha Mareykanka u jeediyeen Iran. Hase yeeshee waxa uu qiray “in weerar ula kac ah oo laga soo shaqeeyey lala beegsaday” saldhigga Mareykanka. Kirby ayaa sidoo kale diiday inuu ka hadlo haddii Mareykanka uu qaadi doono weerar aargudasho ah. “Ilaalinta iyo amniga ciidamadeena dibedda waa u muhiim xoghayaha,” ayuu yiri isaga oo ula jeeda xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austin. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in weerarka al-Tanf ay fuliyeen kooxaha Iran ay taageerto ee Syria, ayaga oo ka aargudanaya weerar maalmo kahor ka dhacay magaalada Palmyra, oo lagu eedeeyey Israel. The post Iran oo diyaarado drone ah ku weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada MAREYKANKA appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Security Council Resolution 2602: Foreign Minister Welcomes ‘Important’ Text Reinforcing Morocco’s Achievements This resolution is important because it comes at a time when Morocco has made many achievements since the resolution of October 2020 PRETORIA, South Africa, October 30, 2021/ — The Minister of Foreign Affairs, African Cooperation, and Moroccans Abroad, Mr. Nasser Bourita, welcomed, on October 29, 2021, the resolution 2602 of the United Nations Security Council, saying it reinforces the achievements of the Kingdom in the Sahara issue, made possible thanks to the personal commitment and permanent monitoring of His Majesty King Mohammed VI. “Morocco welcomes this important resolution in view of its context, its content and the positions expressed during its adoption (…), and which reinforced the gains made by the Kingdom in this question,” said Bourita at a press briefing held following the adoption of resolution 2602 which extended for one year the mandate of MINURSO, while enshrining, once again, the pre-eminence of the Moroccan autonomy initiative to resolve the artificial conflict over the Moroccan Sahara. This resolution, adopted with 13 votes in favor and two abstentions, is important because it comes at a time when Morocco has made many achievements since the resolution of October 2020, he highlighted. Among these achievements, the United Nations Secretary-General cited in his last report the securing of the border post of El Guergarat and the restoration of free movement at its level, the recognition by the United States of the Moroccan Sahara, and the opening of several consulates in the southern provinces of the Kingdom, underlined the Foreign Minister, stressing that these achievements are part of the major developments that have experienced this issue. Resolution 2602 provides five “important” responses to the maneuvers and agitations of opponents of the territorial integrity of the Kingdom, said Minister Bourita. The first answer relates to the format of the process noting that the Security Council has affirmed that the roundtable meetings, with the participation of all parties, are the only mechanism for managing it. The second relates to the finality of the process, which must lead to a realistic, practical, and compromise-based solution. According to Minister Bourita, these qualifiers cause anxiety to other parties because they refer to the Moroccan autonomy plan and dismiss any other option that is not realistic. The Security Council has responded to all the maneuvers hatched in this framework, said the minister. Regarding the third response, Algeria, cited 5 times in the resolution, as well as Morocco, has a responsibility to assume in this matter. Based on this, the resolution of the Council states that Algeria is called upon to get involved throughout the political process for its success. The Security Council provided another response, the fourth, in connection with the breakdown of the ceasefire. The UN executive body expressed its “deep concern” and “we know the party that has officially announced its withdrawal from the related agreements at a time when Morocco had reaffirmed its commitment to respect its provisions,” said Bourita, stressing that the concern of the Security Council sends a message to the parties jeopardizing the ceasefire to assume their responsibilities. According to the Foreign Minister, it is also a strong message to Algeria and the polisario that the international community will not allow any attack on stability in this region. As for the 5th answer, it is related to the gains made by Morocco through the resolutions adopted by the Security Council in recent years. Minister Bourita, in this sense, reported attempts to undermine these achievements which are all now contained in resolution 2602. Among which, noted the Minister, is the autonomy plan as a realistic, practical, and credible and only prospect of a settlement of the Sahara issue. Minister Bourita stated that attempts have also been made in connection with the issue of human rights, saying that the Security Council knows how to distinguish between one-upmanship, disruption, and reality. “Neither the mandate of MINURSO nor the issue of human rights was mentioned in the resolution. On the contrary, the registration of detainees and the responsibility of the country sheltering them in Tindouf are explicitly mentioned (…). The Council calls for their registration so that they can preserve their rights against violations of international humanitarian law,” he insisted. The same goes for the multiple attempts to involve regional organizations such as the European Union and the African Union in this process. The resolution makes no reference to this, said Minister Bourita. These are direct and clear answers that were given by the Security Council to the maneuvers and agitations that were intended to lead to believe that the Council would reconsider its parameters, stressed the Minister, ensuring that the answer was clear about the format, the purpose, and the real actors in the process as well as those responsible for breaking the ceasefire. “Morocco thanks the countries that have supported this resolution, including France and the United States, which have expressed strong support for the autonomy proposal as the only framework for resolving this issue,” added the minister. He emphasized that Morocco has interacted with serenity with the adoption of the resolution that it considers a “normal event”, unlike the other parties who were struggling, in vain, to make it a turning point. Regarding the appointments of Mr. Staffan de Mistura as the Personal Envoy of the United Nations Secretary-General for the Moroccan Sahara and Mr. Alexander Ivanko, head of Minurso, Minister Bourita said that Morocco, a responsible state, cooperates with the UN in the framework of respect and transparency and acts in accordance with the parameters defined by resolution 2602 which are “clear and must be respected.” The Security Council “decides to extend the mandate of MINURSO until 31 October 2022,” reads the text of the resolution presented by the United States. In this text, the executive body of the United Nations has enshrined, once again, the pre-eminence of the autonomy initiative, presented by Morocco on April 11, 2007, welcoming the “serious and credible” efforts of the Kingdom, reflected in the Moroccan proposal. SOURCE Embassy of Morocco in South Africa. Qaran News
-
PRESS RELEASE UNESCO Conducts a Training on Artificial Intelligence for Disaster Response in Tanzania The training is part of the Regional project on Strengthening Disasters Prevention approaches in Eastern Africa PARIS, France, October 30, 2021/ — Over the past several decades, climate change has led to major disasters in Eastern Africa countries including Tanzania. From floods, chronic droughts, landslides, strong winds and earthquakes to their secondary impacts of diseases and epidemics, these are some of the recent disasters plaguing Tanzania. These disasters lead to death and displacement of people, loss of properties and livelihoods, disruption of social networks and services such as water, food, and healthcare thereby leaving communities more vulnerable and susceptible to the next extreme event. Lack of disaster preparedness and awareness makes the situation worse as communities remain helpless in the event of disasters hence face its full impact. Combining citizen science and modern technological innovation provides an opportunity to build the resilience of communities and reduce risks. To address this, the UNESCO Offices in Tanzania and Nairobi conducted a two-weeks training (16th to 31st August 2021) on the application of artificial intelligence (AI) using a Chatbot for disaster preparedness and response. The training is part of the Regional project on Strengthening Disasters Prevention approaches in Eastern Africa (STEPDEA) funded by the Ministry of foreign affairs of the Government of Japan and led by the UNESCO Office in Nairobi in collaboration with national governments, UNESCO National Commissions and Japanese institutions (LINE, Weather News Inc.) etc. Participants were introduced to the benefits of artificial intelligence and taken through the installation, use and management of the AI Chatbot for disaster response and management. The AI Chatbot is designed to enable the citizens and local authorities to access information before the onset of a disaster (warning), citizens to report disasters as they occur; and local authorities to respond immediately by identifying vulnerable areas and parties that are at risk, and informing the public where to find distribution points for assistance. A Collaborating, Learning and Adapting (CLA) framework was adapted during the 2-week training. CLA aims to improve results and facilitate country-led development by enhancing knowledge sharing and collaboration among partners while adapting to new and changing situations. The training brought together 150 people (50% of them women). The participants were drawn from national level public institutions, higher education institutions and non-state actors in both mainland Tanzania and Zanzibar. SOURCE United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay qorshihii uu u tegay Baydhaba oo ahaa inuu hanto taageerada beeshiisa, xilli uu raadinayo kursi ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya. Shariif Xasan oo shalay Baydhaba kula kulmay odayaasha beeshiisa Asharaaf ayaa ka dalbaday inay kursiga siiyaan, waxaana kadib shir saacado qaatay ay xubnihii ka qeyb galay kulankaas si buuxda isugu raaceen inay kursiga uu qaato. Kursiga xildhibaannimo ee uu Shariifka doonayo waxaa ku fadhiya wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Shariif Xasan, oo uu ku wareejiyey markii uu noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan, oo ka mid ah ragga ugu saameynta iyo xeeladda badan siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii uu kusoo laabto golaha shacabka, waxa uu mar kale ku guuleysan karaa xilka afhayeenka inkasta oo hadda uu yahay murashax madaxweyne. Murashaxnimada Shariif Xasan ayaa ka dhigan in afar guddoomiye hore oo baarlaman ay hadda doonayaan kursi xildhibaanimo kuwaas oo kala ah: Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan. Ma cadda, waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ka yeeli doono damaca Shariif Xasan, oo ah ninkii kursiga madaxweyne looga kiciyey markii ay Villa Somalia dhiig badan u daadisay. Doorashada golaha shacabka ayaa waxay kaga duwan tahay tan Aqalka Sare in odayaasha beelaha ay yihiin kuwa soo gudbinaya liiska murashaxiinta kuraasta, inkasta oo maamul goboleedyada ay xeelado kale ku reebi karaan, sida in loo diido warqadda caddeynta inaanu dambi gelin qofka ee CID-da ay bixiso. The post Xog: SHARIIF XASAN oo ku guuleystay qorshihii uu u tegay magaalada Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa Magaaladaas. Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed. Masuulkaan ayaa hore Xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Goboleedka Puntland, isagoo mar soo noqday Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland xiligii Xukuumaddii Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole). Sidoo kale, Col. Cumar Faraweyne, wuxu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii XukuumaddiiCabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Alle ugu baryay mudanaha in uu u dhib yareeyo masuuliyada culus ee loo egmaday. Dhinaca kale, Axmed Madoove ayaa Bashiir Maxamed Baahale u Magacabay Hanti dhowraha guud ee Jubaland. Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u magaacabay Cabdicasiis Maxamed Xasan Xisaabiyaha guud ee Jubaland. The post Axmed Madoobe oo xil sare u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka NUGAAL appeared first on Caasimada Online.
-
Dessie (Caasimada Online) – Ciidamada federaalka Ethiopia ayaa ka baxay magaalada muhiimka ah ee Dessie oo ka tirsan gobolka Amhara balse xuduud la leh gobolka Tigray kadib dagaal xooggan oo dhacay, waxaana qabsaday mucaaradka Tigray. Qabsashada Dessie ee TPLF ayaa dhabarjab weyn ku ah dowladda federaalka Ethiopia oo muddo sanad ku dhow dagaal kula jirtay Tigrayga. “Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF. Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia. Legesse Tulu oo ah afhayeenka dowladda Ethiopia waa uu diiday inuu wax jawaab ah bixiyo mar ay la xiriirtay Reuters. Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen. Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia. The post TIGRAY-ga oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed 30th October2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Saxafiga, Abwaanka iyo Odayaal-dhaqameedka. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga saxafiga, abwaanka iyo odayaal dhaqameedka loo xidhay sabab ah inay ra’yigooda cabireen. 24/10/2021, waxa Laascaanood lagu xidhay, Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ah wariye ka howl gala Holhol Media iyo afar oday dhaqaameed oo kala ah Yuusuf Axmed Xandule (Cagagoye) Mustafe Aadan Gale, Faraxdeer Garaad Ismaciil Ducaale, iyo Maxamed Cawad Baaruud (Tole) iyada oon xadhigooda loo adeegsan wax warrant qabasho ah. Xadhiga odayaashan ayaa yimid kadib markii ay taageero u muujiyeen mid ka mida musharaxiinta u tartamaya doorashada barlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wariyaha ayaa isna u xidhan inuu duubay warbixinta ay odayaashu ku taageereen musharaxaas. Wax maxkamad ah lama horgeyn, waxaana dhamaantood loo soo gudbiyay Hargaysa iyo Mandheera oo ay hadda ku xidhanyihin. Xadhiga muwaadinintani waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale. Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale mabnuucaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn” Dhanka kale 24/10/2021, waxay booliska Somaliland xidheen Siciid Maxamuud Gahayr, oo ah abwaan iyo qoraa reer Somaliland ah, Abwaanka xadhigiisa looma adeegsan wax warrant sharci ah, balse amarka xadhigiisa ayaa waxa bixiyay wasiirka wasaarada wax barashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), sida ay xarunta u xaqiijiyeen eheladiisu. Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah oo ay si degdega usii dayso saxafiga, abwaanka iyo odayaal dhaqmeedyada xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka iyo shuruucda dalka. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarin ee dowladdu hirgelisay, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo dowladaha xubnaha dowladda Federaalka. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanada Golaha Wakiillada , Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya heer Federaal, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharafkale. Halkaan ka daawo Khudbadda Madaxweynaha oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goordhaw Cumar Cabdillahi Maxamed u magacaabay in uu noqdo duqa iyo guddoomiyaha magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubbaland. Wareegta ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa Cumar Cabdullahi oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobalka Nugaal ee Puntland. Source: goobjoog.com