-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku guuleystay inuu xaliyo xiisaddii dhowrkii Cisho ee lasoo dhaafay u dhaxeysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar Guuleed iyo guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada nin ayaa isku heystay awoodda iyo hab jiheynta doorashada Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga. Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ayaa socday lagu raadinayey in xiisadaan lagu damiyo, laakiin dhanka Mahdi ayaa la sheegay inuu culeys badan ka jiray, taasoo loo aaneeyey in cid kale oo ah Villa Somalia uu go’aanka xogooda jiray. Rooble wuxuu faafiyey inuu Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi la kulmay uuna xaliyey mad-madowgii jiray. Khilaafka Labada Nin ayaa hakiyey doorashada Reer Woqooyiga isagoo sababay inuu kala qeybsamo guddigii doorashada Reer Woqooyiga, balse wuxuu Rooble sheegay inay isaga iyo labadaas hoggaamiye isla garteen markii ay kulmeen in doorashada lasii wado. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Khadar Guuleed waxaa isaga si gaar ah loogu eedeeyey sad bursi iyo inuu rabo in kuraasta ay badi kusoo baxaan xubnaha ay wataan Farmaajo iyo Fahad, halka Cabdi Xaashi uu ku doodayey in ama wax la qeybsado ama awoodda loo celiyo odayaasha dhaqanka oo hannaanka doorashada si toos ah loo dabaqo. Haddaba maxaa lagu xaliyey xiisadda? Illo ka tirsan xafiiska Ra’iisu Wasaare Rooble oo aan la hadalnay waxay sheegeen in Labada Nin ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi lagu qanciyey: 1- in Guddiga doorashada loo madax banaaneeyo shaqadooda oo iyagu korjoogto bis ka noqdaan mashruuca doorashada. 2- In Odayaasha Dhaqanka loo dhaafo xulista ergada iyo qeybinta iyadoo la isla fahmaayo sax ahaanshaha odayaasha iyo saamiga Beelaha. 3– Labada nin waxaa lagu qanciyey in marka wixii olole ah oo sharci ah laga tago inaysan doorashada mar kale faragelin. Seddexdaan qodob iyo heshiiska kadib, Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in laga fariisiyey dhinacyadii siyaasadda loona madax baneeyey doorashada Kuraasta iyo hab-maamulka Beelaha . Xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin. Afar Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Reer Woqooyioga ayaa Todobaadkaan la dooran doonaa, taasoo ka dhigan in Xafiiska Rooble uu laalay mid kamid ah qodobadii ay mucaaradka soo jeediyeen oo ahaa in doorashada la joojiyo. Sida muuqato lama joojin doono doorashada. Xubno kamid ah Reer Woqooyiga oo aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in Kuraasta dhiman la dadajiyo si loo xaqiijiyo natiijada guud ee doorashada dalka. The post Maxaa lagu xaliyay khilaafkii MAHDI iyo Cabdi Xaashi? appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Itoobiya oo waddo Halbowle ah Jabhada TPLF ka qabsaday,Go’doona geliyey Cidamadooda ka Dagaalamy Gobolka Amxaarada Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney dagaal qaraar oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale. Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi. Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran. Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xirto ay u dfaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday. Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan. Ciidamadu waxay intaa ku dareen jiidda hore ee Wuchaale iney ku qabsadeen deegaannada Robiit, Golbo, Warabaabo, iyo Mile Koticha. Maxay yihiin shuruudaha ay dowladda Itoobiya hordhigtay TPLF? Maxay sheegeen militarigii Itoobiya ee ay TPLF afduubteen? Waddada isgoyska ay Itoobiya mareyso halkey uga dhaqaaqeysaa? Ciidamada Itoobiya oo maalmihi u dambeeyey guulo badan dagaalka ka soo hoyayey waxay sheegeen inay hadda ku sii jeedaan deegaanka Marsa oo weli gacanta fallagada TPLF ku jira. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana. Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen. Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan. Abiy Axmed: “Cadowga gudaha iyo dibaddaba waan iska celineynaa” Abiy Axmed: ‘Dagaalka inuu shacabka Maqale waxyeello u geysto waan ka taxaddareynaa’ Abiy Ahmed oo bedelay taliyeyaashii ciidanka iyo sirdoonka Itoobiya Ciidamada dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayey Abiy Axmed labadi toddobaad ee ugu dambeeyey dagaalki ay TPLF a galeen waxay ka soo hoyeen guulo la taaban karo iyaga oo magalooyin badan oo ay TPLF qabsadeen dib uga qabsaday. Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka billowday 4-tii November 2020 ayaa qarxay kadib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay saldhigga ugu weyn ciidmada dalkaasi oo ay ku lahaayeen magaalada Maqale iney weerar ku qabsadeen ciidama daacad u ah TPLF. Dagaalka xilliga soo billaawday ayaa haatan 13 bilood jirsaday iyada oo ay weli muuqan wax xal ah oo laga gaaray colaadda dalkasi ka aloosan. Midowga Afrikana wuxuu isku dayay inuu dhinacyada halkaa isku hayo uu u kala dab qaado balse ay weli dadaalladooda mira dhal noqon. Qaran News
-
NAIROBI—A Somali commando unit trained by Central Intelligence Agency operatives and U.S. Navy SEALs has become so entangled in local political power struggles that it has ceased operations against the Islamist militants it was created to fight. Until last year, the 600-strong Puntland Security Force had reported directly to U.S. forces and was largely independent of Somali government control. But now the unit, the main force combating Islamic State’s Somali affiliate, ISIS-Somalia, has abandoned the front lines and returned to its headquarters in the northeastern port of Bosaso, overlooking the Gulf of Aden, according to U.S. officials and Somalis familiar with the situation. The troops have dug defensive positions around their headquarters building in a standoff with forces loyal to the state president of Puntland, a semiautonomous region, who is trying to bring the unit under his control. The unit has also halted missions against al-Shabaab, al Qaeda’s local franchise and the most powerful insurgent group in Somalia. “Already they have vacated all of their front-line positions, and ISIS and al-Shabaab have free rein to move around and expand—nobody’s stopping them,” said Mohamed Mubarak, a Somali political analyst and executive director of an anticorruption charity, marqaati. U.S. military and diplomatic officials are worried about the impasse, which undermines the post-Sept. 11 American strategy of enlisting elite local forces to fight extremist groups in Africa, the Mideast, South Asia and elsewhere around the world. “One of our key concerns for this kind of intragovernmental fight is the ability of ISIS-Somalia, especially in Puntland, and al-Shabaab across the country, to generate forces and expand operations,” said a U.S. official familiar with the situation. Somalia is one of the oldest fronts in the sprawling U.S. campaign against Islamist militants that followed the Sept. 11 hijackings. The CIA began building up the Puntland force in 2002, amid concerns that al Qaeda elements were operating in East Africa. President George W. Bush deployed a small number of U.S. troops to Somalia in 2007 to combat the rise of al-Shabaab. President Barack Obama ordered drone strikes against the group’s leaders. Initially, President Donald Trump intensified airstrikes and built the U.S. presence in the country to 500 Navy SEALs, Army Green Berets, Marine Corps Raiders and other troops. But the month before he left office, Mr. Trump withdrew American forces and relocated them to neighboring bases in Djibouti and Kenya. U.S. commandos make periodic trips into Somalia to train local forces. The Pentagon has been reviewing U.S. troop deployments around the world for almost a year. President Biden has yet to announce whether he will send American forces back into Somalia on a permanent basis. The U.S. alliance with the unit that became the Puntland Security Force began shortly after the Sept. 11 attacks. At first, CIA agents paid and trained the fighters—“two Americans and a bag of cash,” in the words of one Puntland Security Force veteran. About a decade ago, Navy SEALs took over the mission of training and supervising the unit. The Americans taught combat driving, sniper, reconnaissance and other skills. The U.S. sent FBI agents to teach crime-scene analysis. U.S. commanders considered the Puntland Security Force one of its most reliable and effective allies in a chaotic country riven along clan, political, regional and ideological fissures. “This is one of the few professional forces in all of Somalia,” said Mr. Mubarak. After the U.S. withdrawal last year, however, the unit’s status was ambiguous. It was no longer an American asset, but it didn’t exactly belong to the central government in Mogadishu or the state government in Puntland either. The Americans took away the unit’s U.S.-made rifles, sniper rifles, machine guns and night-vision gear, and left it with U.S.-supplied weapons from the former Eastern Bloc countries, according to the Puntland Security Force veteran. “They armed. They equipped. They trained heavily. And they left,” he said. “Since they left it’s been like a vacuum.” In some ways the unit resembles a family business. The majority of soldiers are from the same Osman Mohamud sub-clan. The original commander gave way to his son, who in turn gave way to his brother, the latest commander, Brig. Gen. Mohamud Osman, known by the nickname Diyaano. After the U.S. pulled its support, the family picked up some of the unit’s expenses, the unit veteran said. Unlike some other military outfits in Somalia, the Puntland Security Force largely steered clear of politics and focused on fighting Islamic State and al-Shabaab. That changed, however, on Nov. 24, when Said Abdullahi Deni, the president of Puntland state, issued a decree dismissing Gen. Mohamud. Mr. Deni named an ally as the new commander, a man unpopular in the ranks of the Puntland Defense Force, according to the unit veteran. Gen. Mohamud refused to surrender his command. On Nov. 26 the Puntland Security Force issued a statement suggesting that the soldiers didn’t trust the man Mr. Deni wanted to put in charge. “We will continue to defend our people and our land,” the statement said. Through an intermediary, Gen. Mohamud declined to be interviewed. Mr. Deni flooded the streets with troops loyal to him. “Deni brought in a lot of firepower to Bosaso to threaten them basically,” said Mr. Mubarak. Asked for comment, Mr. Deni’s spokesman referred The Wall Street Journal to the president’s written statements. Gen. Mohamud responded by summoning hundreds of his own troops from their outposts, where they had been fighting al-Shabaab and Islamic State, according to people close to the situation. They dug foxholes around the headquarters building. Schools in the neighborhood closed for a few days amid escalating tensions, although there have been no reports of actual violence, according to the people familiar with the developments. As the standoff continued into this week, half a dozen clan elders—influential figures in Somali society—stepped in to mediate. On Tuesday, the elders announced their proposed solution: Gen. Mohamud would give up his post, but retain the unit’s weapons, vehicles and headquarters building. The government should provide back pay to the soldiers and personal security to Gen. Mohamud. This time it was the president who balked, issuing a statement rejecting the elders’ proposal and calling upon Gen. Mohamud to surrender his command, his weapons, his vehicles and his headquarters. The unit, the government official said, belonged to the state, not the commander. “The government of Puntland is strongly committed to safeguarding the peace and stability of Puntland with respect to the rule of law and constitutional legitimacy,” Mr. Deni’s administration said. American officials have watched the standoff with concern. The chargé d’affaires at the U.S. Embassy in Mogadishu spoke twice with Mr. Deni, pressing him to find a peaceful way out of the impasse, according to a senior U.S. diplomat in Mogadishu. “Generally we are urging that forces of any sort in Somalia refrain from getting involved in politics,” the senior U.S. diplomat said. “We urge all security forces to focus on fighting violent extremist organizations like al-Shabaab and ISIS-Somalia.” Write to Michael M. Phillips at michael.phillips@wsj.com Source: Wall Street Journal The post Caught in a political crossfire, U.S.-trained Somali commandos suspend fight against ISIS appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar is-miidaamin ah oo Sabtidii shalay lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu shaaciyey sarkaal la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu. Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ah kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan ay kasoo gaareen khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow taliska AMISOM uusan weli war rasmi ah kasoo saarin qaraxyadaasi is xig-xigay. Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weeraradaas ayaa shaaca ka qaaday inay dishay ugu yaraan shan askari, sidoo kalena ay gubtay gaadiid ka mid ah kolonyada AMISOM. Xaaladda goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa maanta deggan, waxaana inta u dhexeysa Mahadaay iyo Jowhar haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta. Shalay ayey aheyd markii qarax nooca miinada ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay xildhibaano ka tirsan HirShabelle uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa deegaanada HirShabelle, iyaga kasoo abaabula weeraradaas deegaanada ay ka heestaan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Al-Shabaab oo shaacisay in weerar is-qarxin ah ay ku dishay askar ka tirsan AMISOM appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka SPA (Somali Public Agenda) oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray daraasad (Cilmi baaris) uu kaga hadlayo waxa keenay soo rogaalcelinta Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe. Xoogagga Ahlu-Sunna oo daba-yadii bishii February ee sanadkii 2020 looga adkaaday dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib u soo rogaalceliyay bartamihii bishii September ee sanadkan. Xoogagan ayaa 1-dii bishii October la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, iyadoona dagaal dhowr cisho socday ay magaaladaasi kula galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, ka hor intii aanay daba-yaaqadii bishaasi dib uga bixin. Dagaalkaas oo dad badan oo saraakiil ay ku jiraan ku dhinteen ayaa muujiyay in Ahlu-Sunna weli tahay cudud ciidan oo saamayn ku leh Gobolada Dhexe, marka aad eegto in afar boqol oo dagaal-yahanadeeda ka mida ay u babac-dhigeen dhowr kun oo isugu jira ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudugba. Saraakiisha Ahlu-Sunna waxay bishii November sheegeen in Guriceel uga baxeen dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka. Dasaaradda Machadka SPA oo Khamiistii lagu soo bandhigay caasimadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ay ka dhalatay carro badan, oo ay ka muujisay qaabkii loola dhaqmay. Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jireen fursado muhiim ahaa oo la dayacay, ka hor inta aanay Ahlu-Sunna isa soo abaabulin, dibna ugu soo laaban deegaankii ay ka arrimineysay dhowr iyo tobanka sano. Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegay inaanan Ahlu-Sunna laga daba tegin, oo wada xaajood lala samayn, ka dib markii looga adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb. “Markii laga adkaaday magaalada ayay ka taggeen, Gaalkacyo ayay taggeen oo ay ka sii taggeen, markii laga adkaadayna ma dhicin dib-u-heshiisiin, soo dhaweyn, ka daba tegid iyo wada hadalo lala furo. Taas waxay keentay tabasho ay qabaan Ahlu-Sunna Waljameeca, maadaama ay ahaayeen maamul ka talinayay deegaanka muddo toban iyo laba sano ku dhawaad ah oo maamul jiro ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal la gashay, markii hore oo maamul la sameynayay ay ogolaadeen, xubnana la siiyay, haddana intii ay filanayeen wax ka yar ayay ula muuqatay ayaga,” ayuu yiri Agaasimaha. Agaasimaha Machadka SPA ayaa sheegaya inaanay weli muuqan dadaalo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) wax kaga qabanayo tabashada Ahlu-Sunna. “In wada hadal lala furo Ahlu-Sunna Waljameeca oo lala heshiiyo waxay ahayd xalka ugu fiican, oo dagaal dhacaa oo soo laabasho Ahlu-Sunna WalJameeca ah iyo xoog wax lagu raadiyaa ka hortaggi lahaa, maysan dhicin.” Ayuu yiri Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Machadka SPA. Waxa kaloo uu yiri “Arrimo kaloo fara-badan ayaa jirta ayadana ay meesha ka muuqato farsamo ahaan markaad fiirisid, inaysan jirin xog iyo xooraansi oo looga hortaggi lahaa ama xitaa ka warhayn imaanshahooda ah, ma jirin.” Farxaan Isaaq ayaa tilmaamay, haddii sidii hore wax ku sii socdaan, lana xalin tabashada Ahlu-Sunna ay markaasi halis gelin karto amniga aan cagaha badan ku taagnayn ee Galmudug ka jira. “Ahlu-Sunna WalJameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qabanin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan hadda qaybo ka mida Galmudug. Marka sii jiritaankooda waa mid halis ku haysa amniga iyo nabadda deegaanka, illaa iyo haddeer ma muuqdaan waan-waan iyo wada hadal lala furayo Ahlu-Sunna, oo wax looga qabanayo tabashooyinka ay qabaan, arrintaasi u muuqata haddii sidii hore wax ku socdaan oo labada dhinacba in xoog wax ku xaliyaan isku dayaan waxay halis gelin kartaa amniga yarka ah ee ka jira deegaankaasi.” Dhawaan, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan in arrinta taagan wada hadal lagu dhammeeyo, ha yeeshee uu Galmudug ku eedeeyay in taasi diidan tahay. Ahlu-Sunna waxa ay Gobolada Dhexe dib ugu soo laabatay, xilli Madaxtooyada Galmudug ku howlan tahay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daraasad cusub oo shaaca ka qaaday awoodda ciidan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa indho walaac leh ku eegaya isbeddelka xukun ee ka dhacay Germany, halkaasi Angela Merkel ay xukunka ka degtay kadib 16 sano. Waxaa jirta cabsi ah in maamulka cusub ee Germany uusan Israel u taageeri doonin si la mid ah kan xukunka kaga horeeyey. Eldad Beck, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska Israel Hayom, horeyna u qoray buugaag badan oo ku saabsan xiriirka Germany iyo Israel ayaa sheegay in siyaasadda dowladda cusub ee wadaagga ah ee Berlin oo ka kooban 177 bog ay ku jiraan qodobo walaac leh. Beck ayaa sheegay in siyaasaddaas ay ku jirto in Germany ay si xooggan uga soo horjeedo sharciga oranaya in Israel “ay tahay qaran Yahuud.” Waxa uu sidoo kale cambaareeyey ballan-qaadka dowladda isbaheysiga ee ah “inay ku baaqi doonto joojinta dhismaha deegaanada Yahuudda, ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.” Beck waxa uu su’aal ka keenay ballan-qaadka dowladdaas ee ah inay maal-gelin doonto hay’adda UNRWA, oo ah ah midda QM u qaabilsan taageerada qaxootiga Falastiin. Marka ay noqoto Iran, oo Israel ay u aragto mid halis ku ah jiritaankeeda, Beck ayaa sheegay in dowladda cusub ee Germany ay rajeyneyso in deg deg loo soo gaba-gebeeyo wada-hadallada Nukliyeerka “ayada oo Iran lagu celinyo u hoggaansamidda heshiiska Nukliyeer ee 2015.” Israel ayaa kasoo horjeedda in Iran lala galo wada-hadallo ama heshiis Nukliyeer, oo hogaaminaya in laga qaado cunaqabateynada, ayada oo rumeysan in taasi ay siin karto fursad ay kusii horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka. Ra’iisul Wasaraaha cusub ee Germany Olaf Scholz ayaa la dhaariyey 8-dii December, waxaan hadda Israa’iliyiinta ay ka war dhowrayaan sida uu siyaasadihiisa u fuliyo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Maxay Israel uga walaacsan tahay siyaasada dowladda cusub ee dalka Germany? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Feature) — The powder detergent provided Somalis with a space for an intracultural dialogue when the Southern and Northern provinces united to form the Republic of Somalia in 1960. In the North Tide brand was widely used whereas Omo was widely available powder detergent in the South. Like Hoover, Omo was a generic, popular name for washing powder in the South, Tide being the Northerner’s preferred word even when in Mogadishu where shopkeepers wondered what Tide meant before adding they l “we call it Omo here”. Hilaac is washing powder made in Burao, Somalia. Northern Somalis have added another dimension to that business story. Thanks in part to an industrial policy in the North, particularly areas under the control of Somaliland administration, venturesome investors have built small industries. Hilaac is washing powder produced in Burao by Ileys Enterprises. It competes in Mogadishu with other brands imported from China and Turkey. The quality of washing detergent imports leaves a lot to be desired, according to a consumer products wholesaler in one of Mogadishu’s markets. The former Somaliland Administration President Ahmed Mohamed Mohamud touring Ileys Enterprises factory in Burao in 2016. “Traders commission powder detergent producers in China to mass-produce for the South Somalia market to take advantage of the poor quality control” the owner of several convenience stores in Mogadishu told Puntland Post. Borderless trading Ileys Enterprises’ venture provides an example about the borderlessness of Somali business despite the tense political situation that resulted from the deplorable actions such as the forced displacement of more than 1600 Somalis in Las Anod at the behest of the Somaliland administration. Ileys Washing Powder and Soap Factory in Burao. Companies such as Ileys Enterprises do not only save Somalis hard currency, they also create jobs in a country where the youth unemployment is high. “Ileys Enterprises can effectively compete in Southern Somalia if it lets traders buy directly from the factory instead of importing detergent powder and soap from China or Turkey” said Mohamud Abdi, a researcher specialising in small businesses in Banadir, Hirshabelle and South West. A lecturer at one of Mogadishu’s universities begs to differ. “Sooner or later Mogadishu behemoths will invest in the construction of washing powder and soap factory in the capital or nearby regions. In the meantime, it could be economically rewarding if traders buy washing powder made in other Somali regions” said the business strategy lecturer. Hilaac washing powder indicates the influence of business owners to compete in diverse markets in a country still grappling with state collapse and state fragility. © Puntland Post, 2021 The post Ileys Enterprises’ Hilaac Muscles in Mogadishu Market appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha Koowaad ee Ergada Soomaaliya u joogta xarrunta Qaramada Midoobay ee Newyork Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa ka qeyb galayay dood looga arinsanayay gargaarka arimaha Bini’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobe. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen. Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri “Waxaan warbixin ka siinnay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas bini’aadannimo ee hadda taagan.” Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay warbixin ka siisay Abaaraha ka jira dalka appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan fadhiyay beer nasasho oo ku taal galbeedka London maadaama saacaddii aan shaqada geli lahaa ay wali ka dhinneyd saacad barkeed ama qaddar dhan nus saac. Bas gaadiidka adeegga dad-weynaha oon xaafaddeyda ka soo raacay ayaan meeshaas uga degay, jawigu waa qaboobaa waxaase jirtay qorax aan qabowga waxba ka tarreyn oo ay dadka qaarkii ku tilmaamaan toosh ama karbuuno, oo wax kul ah aan lahayn iftiinkaas mooyee. Run ahaantii inaan qallinka soo qaato waxaa igu dhaliyay sheekada gabdho Soomaaliyeed oo baskii aan saarnaa meel dhexe ka soo raacay, gabdhaha oo labo ahaa oo fadhiyay meel aad iigu dhaweyd ayaa waxaan si dhib yar oo aan ku talo gal ahayn u maqlayay hadalkooda waxaana si aad ah ii soo jiitay sheekadooda waxaan dareemay inay i damaqday oo ay i taabatay, ma garanayo miyaan murugooday?!…isla markiiba waxaan bilaabay jawaab u raadinta waxyaabihii ay ka sheekeysanayeen! Labada hablood waxay ka hadlayeen qof waayeel ah oo ay u adeegaan, waxayna iila muuqdeen gabdho walaalo ah oo hooyadood ka hadlaya. “Saakay ma siisay quraacdii maamada?” “Haa” “Ma ay kaa cuntay?” “May wey diiday”. “Adiga maantay qadadaii ka waran may kaa yeeshay?” “May bariiska may jecla maamadu”. “Waa runtaa!” Maad u maydhay?… dawadii may qaadatay?… baa ka mid ahaa weydiimaha. Inyar dabadeed baa mid hablaha ka mid ahi bilowday inay ku calaacasho “Walaal khaati baan ka joogaa shaqadan, qaboow baa i dilay ruugaga ama jilbaha iyo dhabarkaa i dikaamaya sii wadi kari maayo!”. Middii kale baa iyadana si niyad ah ugu calaacashay “ Oo aniga miyaad i wareysatayna! Naa anba ma nooli fiisatarabi baa igu socda garbaha ma qaadi karo!…” waxaan ogaaday markiiba inayan ahayn hooyadood qofta laga hadlaayey ee ay tahay shaqsi waayeel ah oo ay u shaqeeyaan ama ay xanaaneeyaan. . Yaab! Waxaa markiiba i saaqay dareen murugo xambaarsan waayo arintani kuma koobna koox yar balse waa mid ka mid ah nolol maalmeedka haween faro badan oon lahayn xirfado shaqo kale oo tan ka sahlan. Hooyooyinka Soomaaliyeed intooda badani keli ayey ku yihiin korinta ilmaha marka la jooga qurbaha! Qurbaha waa meel aanay sahlanayn oo ay aad u adagtahay in caruur lagu koriyo oo waliba hooyo keligeed ah oo shaqaysa ay koriso! Markay soo dhameeyso shaqdii dibada oo ay guriga timaado waxaa ay geleysaa qayb kale oo shaqo guri ah oo mas’uuliyaddeedii leh, oo waqti u go’an oo doonaya in la ilaaliyo leh, laakiin mujtamacu uusan ogeyn ama dareensanayn ugana garaabeyn!. Shaqadu waa wax fiican! laakiin dhab ahaan gabdhaha way ku adagtahay inay korinta ubadka iyo shaqada guriga, ku daraan culays kale oo dibadda ah. Waxaan is weydiiyey yaa sababay in dumarkii Soomaaliyeed sidaan u dhibtoodaan? Tusaale ahaan jaaliyado muslimiin ah baa innagula nool dhulkan aan joogno oo dalal kala duwan ka soo jeeda, sida badanna ma arkaysid wax sidaa u rafaadsan, markaas waxaa ii soo baxay dhawr sababood: !) Waa burburkii wadanka ka dhacay iyo qaxii oo dabo dheeraaday, saamayn weyna ku yeeshay haweenka khaasatan xaga wax barashada oo ay dhexda ka baxeen dumarku maadama ay xoogga saareen ilmaha iyo arimaha qoyska. 2) Waa qurbaha oo ah qaxar aan dhamaanayn ee qofku asagu uun ku dhamaanayo ahna giraan aan meelna looga baxayn una daran rag iyo dumarba Alqurba kurba! Iyadoo dhaqankii diinta ee wax badan u dhowrayay hooyada ay kaalintiisii maqantahay ama aysan xooganayn. 3) Waa wada shaqayn la’aan, is fahan daro, iyo weliba kala aamin bixid dhex taala in badan oo ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha khaasatan marwada iyo seygeeda oo midba dhankiisa u caraysanyahay doonayana in isaga loo garaabo waana tan midda ka daran labada kale een kor ku xusay una baahan in xal loo helo si xal loo gaaro. La soco qaybta 2aad. W.Q: Yaasmiin M A Sooyaan, London The post Qofna wuxuusan haysan ma baxsho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dib ayey uga gurteen tallaabooyinkii waaweynaa, sida dhismaha Gole kumeel gaar ah, doorasho is garab socota ama awood ciidan. Waxaa horay idinkugu sheegnay inay soo saari doonaan qoraal ay ku dalbanayaan in lagu saxo doorashada si ay uga qeyb-galaan, sidaas ayeyna sameeyeen. Qoraalkii ay mucaaradka soo daayeen wuxuu xambaarsanaa 7 arrimood: 1 – Joojin doorasho Mucaaradka waxay mar kale ku celiyeen in la hakiyo doorashada socota oo la isugu yimaado shir lagu saxayo qaladaadka jira. Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu raali ka yahay shirka noocaas ah, balse madaxda maamul Goboleedyada qaar ayaa diidan shirkaas. Waxaa jira walaac ku saabsan qabsoomida shirkaas, iyadoo Qoor Qoor iyo Lafta Gareen la sheegay in aysan shirkaas xiiseyneyn. 2 – Habraaca Mucaaradka waxay qoraalkooda ku dalbadeen in la turxaan bixiyo habraaca, si gaar ah waxay u dul istaageen habka loo marayo xulista Odayaasha, qorista Ergada iyo faafintooda, waxay kaloo farta ku fiiqeen u caddaalad sameynta musharixiinta u tartameysa kuraasta xildhibaanada iyo bixinta warqadda ogolaanshaha tartamaha. Mucaaradka xilli hore ayey dood ka qabeen hab-raaca, jawaab fiicana lagama siinin, Saciid Deni ayaa mar loo xil saaray inuu mucaaradka kala doodo habraacaan awoodda badan siiyey madaxda maamullada, laakiin iyadoo aan mucaaradka taas laga qancin ayaa halkeedii looga dhaqaaqay. Habraaca hadda la isticmaalayo wuxuu awood badan siinayaa madaxda maamullada, mana rabaan hoggaamiyaasha gobollada in wax laga badalo, maadaama ay faa’iido badan ku qabaan. Sida ay u aqbali doonaan in la saxo habraaca ayaan la ogeyn. 3 – Fisiraada Tartamaha Labaad (Malxiis) Mucaaradka waxay diideen kursi qof loo xirayo ama kuwa loo sameenaayo Malxiis lasii ogyahay in uusan tartame aheyn. Dhacdadaan ay mucaaradka farta ku fiiqeen waa midda xiisaha ka qaaday doorashada hadda socota, maadaama lasii ogyahay kursi walba cidda kusoo baxeysa. Madaxda Maamulada waxaa ku jira damac xooggan oo ku aadan doorashada Federaalka ah, qaar waxay rabaan inay madaxweyne u tartamaan, mid waxaa ku jira damac guddoomiye Baarlamaan, qaarna waxay doonayaan inay musharixiin u dhistaan xilka madaxweynaha, sidaas darteed ma rabaan tartan furan. Waxay doonayaan dad ay kuraas soo siiyaan oo ay Berri ku abaal sheegtaan, lamana yaqaan sida ay qodobkaan u qaadan doonaan. 4 – Kor Joogto Mucaaradka waxay soo jeediyeen in kor joogto Soomaali iyo Ajnabi ah loo sameeyo doorashada socota, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galeyso Saxaafadda madaxa-banaan. Qodobkaan waxaa macquul ah in la isla qaadan karo. 5- Kuraastii la boobay Midowga musharixiinta mucaaradka waxay soo jeediyeen in lagu laabto doorashada Kuraastii la boobay, dhawaan laba kursi ayuu doorashadoodii diiday guddiga doorashada ee heer Federaal, laakiin weli dhinaca Koonfur Galbeed lagama aqbalin in lagu laabto kuraastaas. Galmudug iyadana hal kursi ayaa looga dhagan yahay weli. Madaxda maamullada qaar waxay ku doodayaan in haddii ay bilaabato ku labashada kuraas inaan la maareyn karin Berri oo ay dhici doonto in kuraas badan lagu noqdo. Qodobkaan waa mid culus oo dano badan oo is diidan ay dul yaalaan. 6 – Aargoosi Siyaasadeed Mucaaradka waxay taabteen meel ay dhammaan dhibsan doonaan madaxda maamullada, waana in la caddeeyo kuraasta noqoneysa qoondada dumarka, si looga saaro meesha in siyaasi la beegsanayo kursigiisa laga dhigo koonto Dumar. Madaxda maamullada waxaa la sheegayaa inay miiska u saaran yihiin xubno ay rabaan inay kuraastooda Dumar ka dhigaan si ay u bixiyaan. Qodobkaan masoo dhaaweyn doonaan madaxda maamullada. 7- Jadwal cusub Xubnaha mucaaradka waxay soo jeediyeen in marka arrimahaas la xaliyo kadib la sameeyo jadwal cusub oo doorasho oo la garanayo, xilliga uu bilaabanayo iyo xilliga uu dhammaan doono. Tani waxay ka dhigan tahay inay doorashada mar kale dib usii dhici doonto. Marka lasoo koobo farriinta mucaaradka waxay u muuqataa Niman ku heshiin waayey mowduucii koowaad, kadibna raadsaday dariiq ay ku baxsadaan oo ay shirka kusoo gunaanadaan, waxaana la is waydiinayaa waxa xigi doona haddii warqadooda loo joojin waayo. The post Mowqifka madax goboleedyada ee dalabyadii ka yimid Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur oo maanta ka qeyb galay kulan looga hadlaayey ammaanka iyo horumarka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan ay dowladdu bilaabi doono howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee aan dowladda ka amar qaadan. Wasiirka ayaa sheegay inay marar badan soo gaareen fariimo ka yimid maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo ka cabanaya askar wadata dharka shacabka, kuwaas oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda. “Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nasoo gaartay fariintiina, waa dembi in qof aan ka tirsaneyn ciidanka qaranka uu soo qaato qori oo bulshada la dhex-joogo, waxaan ka yeeli laheyn waa ka tashanay, dhawaana waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon,” ayuu yiri wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur. Degmada Kaaraan oo dhacda waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa marar badan marti gelisay isku dhacyo hubeysan oo dhex-maray maleeshiyad deegaanka ah. Kaaraan waa degmada ugu badan oo gacan ka hadalku uu ka dhasho is qab-qabsiga la xariira dhulalka ama boosaska, waxaana inta badan gacan ka hadalkaas ku lug-yeesha ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Kaaraan. Sidoo kale Kaaraan waxaa degan oo ciidamadoodu ay isku dhacaan, mararka qaarna toos ugu lug-yeeshaan is qab-qabsiga dhulalka saraakiil ka tirsan xoogga dalka, waxaana inta badan dowladda ku adkaata inay xakameyso saraakiishaas iyo ciidamadooda. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF oo shaacisay inay tallaabo adag ka qaadeyso maleeshiyaadka Waqooyiga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
GEESKA AFRICA WAXA UU ISKU ROGAYAA GEGO DAGAAL ( BATTLE ZONE ) Inta taariikhda la og yahay gobolka Geeska Africa waxa uu ahaa gego dagaal ( Battle zone ) dagaaladaasi oo sida ay taariikhdu xustay salkoodu ahaa fidsi awood maamul , caqiido , dhul , gumeysi la dirir , iyo siyaasad ahaa ayuu la ildarnaa gobolkani oo ka reebay gobolada kale ee qaarada Africa iyo aduunkaba. Hadda ayaa waxa uu u muuqdaa in ay soo foodsaarayaan xiliyadii uu ugu xumaa oo waxa laga cabsi qabaa in ay gobolkani ka qarxaan dagaalo isir ku dirir oo halistooda leh , waxaana uu u muuqdaa hadii ay dagaaladani dhacaan in ay iman doonto ; 1-Qaraq dad oo abuura macaluul , gaajo baahsan , barakac iyo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo bata. 2- Burbur dawladaha gobolka ku yimaada oo sameeya khariidad kale oo ku saleysan isir iyo qabiilooyin. Arimahani waxa sababaya in ay gobolkani soo foodsaareen dagaalo nooca loo yaqaan xarbul wakaala ama ( proxy wars ) ku fadhiya dano dhaqaale iyo istaratijiyadeed oo mustaqbalka ay dawladaha waaweyn ee aduunku ka leeyihiin gobolkani oo hurinaya dagaalada hada socda. Iyo dadka gobolkani ku nool oo mudo badan ahaa qaar aan helin nidaamyo maamul oo umadaha ku nool gobolka ka saara qoqobka , qaybsanaanta , colaadaha iyo cadaawadaha soo jireenka ah ee la kala tirsanayo. Sidoo kale gobolkani waxa hore loogu soo raray dagaalo caalamiya oo ay ka mid yihiin dagaalka argagixisada , budhcad badeedka iwm kuwaas oo dhamaantood laga lahaa ujeedooyin fog , waxaa uu gobolkani ahaa soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay mid lagu tijaabiyo hubka cusub ee la sameeyo , sunta iyo qashinka nukliyeerka lagu aaso ama lagu qubo badihiisa iyo barigiisaba , waxaana laga dhigtay goob tababaro iyo tijaabo aduunka dawlado ka mid ahi ka dhigtaan. Waxaa loo soo raray gobolkani afkaaro siyaasadeed, diimeed, daneed , xagjirnimo iyo qaar dagaal oo ilaa maanta dadka gobolkani ku nool nus qarnigii ugu dambeeyay aafeeyey, iyaga la isku jeedinayo si ay isugu dhamaadaan oo dhulkoogana loo maamulo , khayraadkoodana loo gurto . Hadda waxa ku yaalla ilaa todoba saldhig ciidan oo ay leeyihiin dawlado qalaad , waxaa dhamaantood ay faraha kula jiraan siyaasada ka socota gobolkani oo ay ka qumisanayaan muraadkooda , waxaa kale oo lagu tijaabiyaa hubka cusub , diyaaradaha is wada, dawooyinka tijaabada ah iyo raashinada sameyska ah. Gobolkani oo hore ula il-daran waxii saameyn ahaa ee xaaladahaasi aynu ka soo hadalnay sababeen ayaa hada ka mid ah meel aad aduunku isha ugu wada hayo oo dano badani ku xidhan yihiin kuwaasi oo sababaya in ay sii bataan dagaalada , qaybsanaanta iyo cadaawadaha ku saleysan danaha is khilaafsan ( conflict of interest ). Isku soo wada xoori gobolka Geeska Africa waxa uu ku jiraa xiligii uu ugu rejada xumaa taariikhda, waxaa jirta cabsi badan in uu qarxo dagaal qoomiyado iyo isir dabada ku hayaa oo uu sababo dhibaatooyin laga soo kaban kari waayo , ilaa hadda ma jirto dadka gobolkani u dhashay cid uga fekeraysa si guud waxa mustaqbalka dadkoogu mudan doono. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Waxaa maalmahaan baraha bulshada qabsaday khudbadaha dhawr wadaad (Sheikh) ee aad looga yaqaan Soomaaliya ay ku weerarayaan si la garan karo mucaaradka dowladda federaalka, gaar ahaan Midowga Musharrixiinta, kuwaaso ay ku eedeynayaan inay yihiin siyaasin damac qaaday, kana daran Al-Shabaab, inay caqabad ku yihiin wax qabadka dowladda federaalka ee talada haysa, inay yihiin mufsidiin aan aqoonsaneyn qaddarta ilaahey ama inay colaad ay u qabaan Madaxweyne Farmaajo darted ay wadanka burburinayaan. Waxay ku doodayaan in mucaaradka raalli ku ahaadaan takrifalka (hoggaaminta wacan) Madaxweynaha talada haya. Waa olole horey u socday, haseyeeshe maalmahaan labo lixaadsaday, wadaado cusubna ku soo biireen. Wadaada waxay ku eedeynayaan mucaaradka dambi iyo damaca ay galeen ama leeyihiin Farmaajo iyo Fahad. Culumada waxay iska indhatirayaan dhibaatooyinka faraha badan, dib u dhaca, iyo musuqmaasuqa dalka ka dhacay 5 sano ee la soo dhaafay oo ilaa maanta socda, kana sii daraya, kuwaaso ay mas’uul ka yihiin Farmaajo iyo Fahad iyo taagerayaashooda ajnabiga ah ee Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia. Waxaa la kala saari la’yahay in Culumada aysan aqoon fiican u laheyn nidaamka dowladnimo ee Soomaalidu ku heshiishay ama inay ka soo horjeedaan nidaamkaas ku qeexan dastuurka kmg kuna saleysan shareecada islaamka ama inaysan weli waqti u helin inay akhriyaan dastuurka kmg iyo mabaadi’diisa asaasiga ah. Waxay aaminsanaa in Culumada qaarkeed ay ka qayb galeen shirarkii lagu ansixiyay dastuurka sannadkii 2012. Dastuurka wuxuu faraya muwaadiniinta inay ilaaliyaan, indha ku hayaan, la xisaabtan ku hayaan mas’uuliinta xilka loo dhiibay, kuna dhaartay magaca ilaahey inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka kmg, danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo difaaca diinta islaamka. Culumada waa kuwa laga rabay inay maalin kasta sheegaan qaladaadka iyo xadgudubyada mas’uuliinta xukunka haysa si loo saxo. Shaqadii sax loo qabto waa waajib la fuliyay, abaalmarinteeda waqtiga doorashada ayey imaaneysa haddii qaladaadka dhacay loo dulqaadan karo. Haddii xaqiiqada dhabta ah la iska indhatiro dalka waa burburaya. Mas’uul la siiyay kalsooni shacab (Farmaajo ii geey), 2.5 bilyan doolar sannadkii, 40,000 ciidan ah, 5,000 shaqaale dowladeed, dastuur uu raaco, barnaamij shaqo uu fuliyo, iyo 4 sano ee muddo xileed ah, cidna kama hor istaagin gudashada shaqadiisa hab waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo qorshaha shaqo ee la siiyay. Culumada waxay ka aamusnaayeen, welina kaa aamusan yihiin inay cambaareeyaan gaboodfallada, musuqmaasuqa, maamulxumada dalka ka dhacay 5 tii sano ee la soo dhaafay, adduunkana la socdo. Gaboodfalladda dhacay waxaa ka mid ah: 1. Curyaaminta Barlamaanka Federaalka matalayay shacabka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya; 2. Dagaalka dowladda federaalka ku haysay 5 sano Dowlad Goboleedyada kaaso curyaamiyay fulinta dhammaan arrimihii mudnaanta lahaa ee 5ta sano la qorsheeyay, taaso keentay dib u dhac dhaawacay aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed. 3. Boobka, musuqmaasuqa, maamulxumada, iyo xisaab xir la’aanta hantida Ummadda Soomaaliyeed. Hay’adda daahfurnaanta Caalamiga ah ( International Transparency), Hantidhawraha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed, iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) waxay isku raaceen in Soomaaliya tahay dal musuqmaasuqa la degay. Sannadka 2020 keli ah, marka laga soo gudbo musuqmaasuqa hareereeyay 25 hay’adood ee la baaray oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Barlamaanka Federaalka, lacagta la lunsaday waxay gaareysa 152 milyan doolar oo aan wax dokumenti ah laga hayn. 4. Waxaa la boobay doorashada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, waxaana la hagardaameeyay diyaarinta doorashada Barlamaanka federaalka si loo helo muddo kororsi sharcidarro ah, taaso lagu dhawaaqay 2021, haseyeeshe laga noqday kaddib markii dadka reer Muqdisho lagu kallifay inay dhiig iyo barakac huraan si ay u difaacan dastuurka, xorriyadooda iyo karaamadooda oo lagu xadgudbay. Eedda Iibsiga iyo keensashada Xildhibannada waxaa Iska leh Farmaajo iyo Fahad. 5. Waxaa lagu xadgudbay qodobbada dastuurka 60 iyo 91 ee ku saabsan muddo xileedka 4 sano ah ee Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, oo astaan u ah qabashada doorasho xor iyo xalaal oo heshiis lagu yahay si loo ilaaliyo in awoodda dowladda lagu kasbado si sharci ah. Waa daruuri soo banbaxa muwaadiniin damac siyaasadeed leh. 6. Waxaa sannad iyo bilo hooyaya waalidiinta 5,000 dhallinyaro ah ee loo qaaday Eritrea si baalmarsan sharciga iyo nidaamka dowladda iyo bani’aadamnimada iyo waalidiinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo nolol iyo geeri aan lagu hayn oo NISA lagu eedeynayo. 7. Waxaa dhacay dhibaatooyin ay ka mid yihiin madax la wareeray, qaar la dilay ilaaladooda, qaar la dhaawacay, qaar la damcay in diyaarad lala rido kaddib markii loo diiday inay dhulka soo degto, DG cunaqabateyn cirka iyo dhulka la saaray Jubbaland, muwaadin loo dhiibay Ethiopia, cadaaladdarro gaartay in Al-Shabaab cadaalad loo doonto, Waxaa nasiib darro in culumo markhaati ka ah gaboodfallada, boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada Farmaajo iyo Fahad mas’uulka ka yihiin ay ku eedeeyaan mucaaradka kuna tilmaamaan inay yihiin mufsidiin ama la mid yihiin Al-Shabaab. Mucaaradka, dhammaan indheer garadka, bulshada ra’yidka oo culumada ku jirto waxay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, waddaniga ah oo ah inay ku midoobaan xil ka qaadista Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Golaha Wasiirrada fashilmay si soomaaliya loo badbaadiyo xukunka koox burcad ah iyo qalalaase siyaasadeed. Dr. Maxamud Culusow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid. The post Ololaha culimada taagersan Farmaajo, Fahad iyo Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Haddii saxaafaddu wakhti badan geliso sheekooyinka arrimaha bulshada quseeya, kana hadasho ganacsiga iyo hal-abuurka dhallinyarada, waxaa hubaal ah in dad badan oo siyaasadda ku maman ay kasoo laaban lahaayeen, loona jiheysan lahaa in wax la ikhtiraaco, lagana fikiro wax wanaagsan. Hadda badi waxay saxaafaddu siisay wakhti badan siyaasadda, waxaana muuqatay in siyaasaddu ay noqotay suuq laga macaasho, si loogu biirana la geliyo qarash badan. Saxaafadda iyo siyaasadda, labadaba waa cilmi lagu barto waxbarashada sare. Waxaana loo baahanyahay dadka ka shaqeynaya in aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ay yihiin kuwa dhisan. Saxaafaddu waxay kamid tahay waxyaabaha lagu sameeyo “National agenda” waxaa lagu jiheeyaa bulshada, sidaas darteed, waa mas’uuliyad weyn oo ammaano ah. Ma aha sida dadka qaar u moodaan, oo ah in la iska hadlo, waxna la iska qoro. Saxafi kasta waxa uu ka qiimo badanyahay weriyayaalka kale inta uu ka run badanyahay, ka il-wareed badanyahay, ka aqoon badanyahay, sidoo kalana, ka akhlaaq badanyahay. Saxafigu ma aha mid wixii loo sheego durba baahiyo, waana kan wax baara oo wax xaqiijiyo. Dadka iska leh hey’adaha warbaahinta qudhooda, waxaa habboon iney kala saaraan xirfadda iyo ganacsiga. Idaacadda, joornaalka ama telefashinku waa in uu leeyahay siyaasad shaqo, lana yaqaanno ahdaafta ay u taaganyihiin, cidda ay la hadlayaan ama wax u qorayaan. Qolka tifaftirku waa in uusan noqon mid wax ku jaan-gooyo dakhliga soo xarooda, shaqadaas waxaa leh, xafiiska ganacsiga iyo xayisiimaha u qaabilsan xarunta. Warku maaha mid lacag lagu sameeyo, laakiin wuu noqon karaa mid kuu sahlo in aad lacag hesho. Hadalkaan waxaan ula jeedaa, haddii aad baahiso war sugan oo aan lacag lagu qaadan, waxaa kuu abuurmaya dhegeysteyaal iyo akhristeyaal badan, waxayna dad badan door bidayaan iney xaysiismo kuu keensadaan. Shaqada oo aad si dhab ah u wajahdo, waxay kuu abuureysaa lacag iyo sharaf. Saxaafaddu waa shaqo fiican oo sharaf leh, laakiin, qof kasta saxafi ma noqon karo, si lamid ah caafimaadka, handasada iyo duuliyahaba. The post Saxaafadda wax jaangoysa! appeared first on Caasimada Online.
-
M/weynihii Hore ee Maraykanka Trump oo shaaciyey in Netanyahu khiyaamay oo dhabarka ka toogtay+Sababta Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku eedeeyay “Daacad-darro”. Trump ayaa sheegay in uu ka carooday qaabkii uu Netanyahu ugu hambalyeeyay madaxweyne Joe Biden kadib guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ee looga adkaaday Trump sanadkii la soo dhaafay ee 2020-kii.Madaxweynihii hore wuxuu rumaysnaa inuu Israa’iil ka badbaadiyay “burbur.” Hadalka Trump ayaa yimid xili uu bixinayay waraysiyo ku saabsan buug uu kaga hadlay doorkiisii nabadaynta bariga dhexe. Maamulkii Trump ayaa xiligiisii qaatay siyaasado taageersan Israa’iil oo aan horay loo arag taariikhada mudadii uu jiray xiriirka labada dal. Netanyahu wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha Israel,markii Trump uu isana ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka,waxaana labada nin ka dhaxeeyay xiriir shaqsiyadeed oo xoogan iyaga oo waliba isku ammaani jiray fagaarayaasha marka ay khudbadaha jeedinayaan. Dilaa Intii lagu guda jiray waraysi uu la yeeshay Turmp weriye u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Barak Ravid, oo barnamaij ka diyaarinaya buugga cinwaanka looga dhigay “Nabadda Trump: iyo Dib-u-qaabaynta Bariga Dhexe”, Trump waxa uu sheegay in Netanyahu uu si degdeg ah ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray Joe Biden doorashadii Maraykanka.Trump ayaa xiligaas sheegtay in doorashada uu ku guulaystay oo looga shubtay . “Qofkii ugu horreeyay ee u hambalyeeya Joe Biden wuxuu ahaa Benjamin Netanyahu ninka aan u sameeyay wax ka badan qof kasta oo aan waligey la macaamilo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Mareykanka ‘Benjamin Netanyahu’ wuu iska aamusi karay. Wuxuu sameeyay qalad weyn,” ayuu hadalkiisa ku daray Trump. Wuxuu intaas raaciyay “Aad buu u dheereeyay, tan iyo markaasna lama hadlin isaga.” Ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Netanyahu ma ahayn hoggaamiyihii ugu horreeyay ee u hambalyeeya Biden markii uu Turmp ka guulaystay, hase yeeshee waxaa xusid mudan in sidoo kale uu mahadnaq u jeediyay Trump daqiiqado ka dib markii uu u hambalyeeyay Biden. Go’aamo aan hore loo arag “Qofna ma samayn sidii aan u sameeyay Netanyahu waan jeclahay Netanyahu ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay, “Weli waan jeclahay laakiin sidoo kale waxaan jeclahay daacadnimada”. Netanyahu ayaa xilka ka tagay bishii Juun ee sanadkan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo dhiso dowlad ka dib doorashooyinkii Israel ka dhacay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku faanay inuu Israel badbaadiyay “Haddii aanan madaxweynaha Maraykanka, ahana lahayn waxaan u malaynayaa in Israa’iil la burburin lahaa. Hagaag, waxaad doonaysaa inaad runta ogaato? Waxaan filayaa in Israa’iil laga yaabo inay hadda u dhamaato ,” ayuu yiri Trump. Markii uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka, Trump waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku taageeray Netanyahu, oo ay ka mid tahay in Qudus loo aqoonsaday caasimadda Israa’iil, taasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Carabta. Bariga magaalada Barakeysan ee Quddus -oo ay Falastiiniyiintu rabaan inay noqoto caasimadda dawladdoodawaxa Israa’iil haysatay tan iyo sannadkii 1967-kii. Trump waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in deegaamaynta Israa’iil ee dhulka la haysto aan loo aqoonsanayn “sharci darro”, waxaanu aqoonsaday madaxbannaanida Israa’iil ee Buuraha Golan ee Suuriya, oo ay sidoo kale Israa’iil haysato tan iyo 1967-kii. Netanyahu ayaa daaha ka qaaday qorshe halkaas looga dhisayo degaan, loo yaqaan “Trump Heights”, taasoo lagu sharfayo madaxweynihii hore ee Mareykanka Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dhaxeeyey khilaaf ka dhashay cidda maamuleysa doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Woqooyi. War kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka mas’uuliyiintaan looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, sidoo kalena heshiis looga gaaray khilaafkii ka dhex-oognaa. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. Qoraalka Xafiiska Rooble laguma faah-faahin waxa ay ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo kala hoggaaminaya laba dhinac oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta Reer Woqooyiga ee Muqdisho ku sugan, balse waxaa la rumeysan yahay in heshiiskooda uu sal u yahay inay kuraasta u kala qeybsadaan si siman. Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa kal hore xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan. Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo. Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga. “Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay. Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada. Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DEG DEG: Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ‘oo heshiis cusub gaaray’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo kale oo xanuun leh ayaa xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii wiil dhallinyaro ah oo sawir qaade ahaa lagu dilay xaafada Tarabuunka. Abuukar Muukhtaar, oo ahaa Aabe 39 jir ah, islamarkaana ku shaqeysta xirfadda sawir qaadista ayaa waxaa dilay nin ay saaxiibo ahaayeen, oo dilak ka hor ay ka wada casheeyeen gurigiisa. Dilka ayaa yimid kadib markii qofka lagu tuhmayo fal dambiyeedkan uu qaatay taleefonka Abuukar, ayada oo Abuukar uu kadib isku dayey inuu ka doonto, balse beddelkeeda la dilay, sida ay sheegeen ehelkiisa. Dilka ayaa waxaa la sheegay dilka loo adeegsaday Toorey Abuukar looga dhuftay qoorta. Aabahaan ayaa la sheegay marka uu gurigiisa ka baxayey inuu wiil uu dhalay ku dhahay “Aabe labada daan iga shumi inaan soo noqon ayaa laga yaabaa’e,” waxaana daqiiqado kadib qoyskiisa soo gaartay dhimashada wiilkooda. Marxuumka la dilay ayaa waxay shaqdiisa aheyd duubista Aroosyada iyo xafladaha, sidoo kalana wuxuu ku shaqeysan jiray xirfadda qurxinta guryaha. “Abuukar moobeelkiisa ayuu jaajar gashtay, waxaa kadib yimid wiilka dili doono kadibna qaatay moobeelkiisa, isagana sariirta ayuu iska koray oo ma ogeyn in moobeelka laga qaatay. Gabar meesha fadhisay ayaa tiri Moobeelkaaga ayuu kaa qaatay, wuu kasoo daba orday markii uu damcay inuu moobeelkiisa kasoo qaato oo uu ka daba tagayna Toorey ayaa lagu dhuftay naftana dhulka lama dhicin,” ayey tiri hooyo kamid ah ehelka marxuumka. Ehelada wiilka la dilay ayaa magaca gacan ku dhiiglaha falkaan geystay ku sheegay Bishaar Farabadne oo ay ahaayeen daris, waxayna sheegeen inaysan aqoon halka uu aaday. Ehelada marxuumka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay cadaaladda hor keeneyn ninka ka dambeeyey dilka wiilkooda. Maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayey dilal yaab leh oo intooda badan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda mana jirto illaa hadda cid la hor keenay Caddaaladda. The post “Wiil ay wada casheeyeen ayaa dilay” – Dhacdo kale oo xanuun leh oo ka dhacday Muqdisho (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
JOWHAR (HOL) - Five people among them two MPs were injured Saturday in a car bomb explosion at a restaurant in Jowhar town, the capital of HirShabelle state. Source: Hiiraan Online
-
Sheekh Caan ka ah S/land oo Si mug leh u taageeray Digniin Wasiirka Warfaafinta S/land ku Ganay Universal TV Edebdarrada TV-ga Universal Maalmahan waxa baraha bulshada haystay wax lagu sheegay dood wadaag oo uu TV-ga Universal qabtay, waxa si gaar ah meel walba loo wareejinayay gabadh iyo wiil yidhi: Hooyada wiilku ma soo geli karto guriga inankeeda idan la’aanta xaaska wiilkeeda! In aragtida noocaas ahi ay qof garasho liita ka timaaddo wax aan dhici karin ma aha, in la arko TV waxaas faafiya isaga oo aan qiyamka diineed iyo dhaqanka bulshada dhawrayn, ee keliya suuq ka raadinaya, amaba mashruuc uu dhaqaale ku qaatay fulinaya, taasina wax ugub ah ma aha. Waxase la yaab leh, sida bulshadii oo dhan yar iyo weyn, caalim iyo caamaba uga falceliyeen, welina xataa anigaygan la I leeyahay maxaad wax uga odhan wayday. Waxa ay ahayd keliya in aan marka horeba dadka aan xilkaska ahayn ee sidaa u garashada hooseeya dadka la horkeenin, waa ay ahayd in masuuliyiinta TV-gu aanay waxaas soo deynnin oo ay faafreebaan, waxa ay ahayd in bulsho ahaan xume faafiyaha la canaanto oo lala xisaabtamo oo aan ciyaalka edbinta waalid u baahan lagu mashquulin. Waan bogaadinayaa go’aamada uu soo saaray wasiirka warfaafintu iyo digniinta uu siiyey TV-ga Universal, waxaanan ku waaninayaa masuuliyiinta TV-ga in ay diintooda iyo dadnimadooda u tudhaan oo aanay dariiq xun ku raadsan daawasho badan iyo caannimo. Keligood ma aha ee kuwa musalsalaadka iyo riwaayadaha akhlaaqda ka arradan baahiyaa ha ogaadeen in ay xaaraan biishanayaan oo jidhkooda ku korinayaan, shaqaalahooda iyo ubadkoodana ku quudinayaan. Bulshadu ma hal daba la’ baa, horta, maalinba dhan baa la isu wada raacayaa oo maxaa kaa reebay la leeyahay haddana? Dr-Abdulqani Hussein Beder Qaran News
