-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay in uu hogaanka xukunka iyo kali-talisnimada kaga deydo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in aysan sahlaneyn in kali-talisnimada Afwerki loo soo minguuriyo Soomaaliya, oo hore ugu duntay xukun jeceylka, ayna sahlaneyn in dalka dib loogu celiyo sidii 30 sano ka hor. Waxa uu ku baaqay in si adag looga hortago rabitaanka guracan ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, islamarkaana dalka laga samatabixiyo halka uu ku wado, sida uu sheegay. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran: Dal aysan 30 sanno doorasho ka dhicin, xukunkana hal nin gacantii ku jiro, dastuur iyo Baarlamaan toona lahayn, shirkadaha ganacsiga oo idilna ay dowladda leedahay, shatigana uu kaligii taliyaha bixinayo, lana siinayo inta uu isagu raalliga ka yahay iyo inta eex lagu naas nuujinayo, ruuxii qaangaar ah waxaa qasab ku ah in uu tabbar ciidan qaato. Mucaaradna ma jiro, waa mid la dilay, la xabisay, kii baxsadayna ubbadkiisa iyo ehelkiisa laga gooyo. Muwaaddinku haddii uu safrayo waa inuu oggolaasho Dowladda ka helaa. Dalkaasi waa Eritrea, Soomaaliyana xukun sidaa u eg ayey 21 sano soo martay. Farmaajo iyo raggiisa odayga Eritrea ayey tufta xukunka ka soo qaataan, maadaama dawladii duntay ay sidaa u ekaydna, xukunkii odaygii hore hilow baa u haya. Laakiin ma sahlana in Soomaaliyada maanta loo celiyo sidii ay 30 sano ka hor ahayd, balse isku dayga iyo iska caabbinta ayaa qiimo culus ugu kacaya dalka iyo dadkaba. Si taas loo yareeyo waa in halistaa aragti mid ah laga yeesho, la isla garto dhagarta rajiimka iyo kuwa gadaal ka taagan, damaca dib loo liqo, lana helo midnimo lagu wajaho marxaladda adag ee nagu soo socota. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Hoggaamiyaha uu Farmaajo ‘kaga daydo’ hab xunkunka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo faro-gelisay xiisadda ka dhex-oogan maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Mareykanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, taasi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u daneynayaan arrintan, kuna qasbanaadeen inay soo faro-geliyaan. Sida aan xogta ku helnay, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka walaacsan in xiisaddan ay horseedi karto dagaal ka qarxa magaalada Boosaaso, taasi oo weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada. Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Colleen Crenwelge ay labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisaddan. “Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka ururada xagjirka ah ee rabshadaha sida al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya,” ayuu yiri diblomaasiga Mareykanka ah. Dhinaca kale, wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano. Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xog: Mareykanka oo soo faro-geliyey xiisadda PSF iyo Saciid Deni oo amar la siiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Fallaagada TPLF oo ka jawaabtay eedeymo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay Fallaagada Tigreega ee TPLF ayaa Jimcihii beenisay in magaalada Kombolcha ee waqooyiga Itoobiya ay ka bililiqeysteen kayd cunto ah oo loogu talagalay carruur ay nafaqo-xumo hayso. Diidmadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric uu sheegay in hay’ada Cunada Aduunka ee WFP ay joojisay qaybinta raashinka kadib “bililiqo maalmihii la soo dhaafay loo geystay bakhaarro ku yaala Kombolcha, sida muuqatana ay geysteen qaar ka mid ah fallaagada Tigrayga iyo xubno ka tirsan dadka deegaanka”. Wuxuu sheegay in la xaday “cunto aad u badan, oo ay ku jiraan waxyaabaha nafaqeynta ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada”. TPLF ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in arrimahaan ay yihiin “eedeymo aan sal iyo raad ahayn”. TPLF ayaa dhanka kale “Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan WFP” ku eedaysay inay “ka gaabiyeen ama ka caga jiidayaan” qaybinta gargaarka bini’aadantinimo. Qaran News
-
Xoggo ku saabsan Jenaraalka Bidaarta weyn ee TPLF u dejiyo kaartada Dagaalka Kaddib gacan bidxeeyntii soo martay iyo in uu ka fariistay hawshii ciidannimada tobanaan sano oo uu hoggaaminayay ciidamada Itoobiya kaddib, janaraal Tsadkan Gebre-Tensae marnaba ma uusan fileyn in uu markale xiran doono tuutahiisa. Basle markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigreeda, ayuu dib u soo laabtay Tsadkan oo khabiir ku ah qorshaha iyo xeeladaha milateriga, isaga oo diyaar u ah in uu la dagaallamo ciidankii uu mar hoggaamin jiray. Dad badan oo falanqeeya arrimaha dalkaasi Itoobiya ayaysan shaki kaga jirin in Tsadkan oo ah nin bidaar leh isla markaana shaarubihiisa dhaadheer iyo wajigiisu ay yaqaaniin dad badan oo reer Itoobiya ah uu yahay ninka leh mas’uuliyadda guulaha iyo horumarka ay dagaalladu ka gaarayeen xoogagga fallaagada TPLF tan iyo bishii Juun ee sanadkan. 30 sano ka hor sanadkii 1991-kii, Tsadkan waxa uu hoggaaminayay duulaankii TPLF ay ku qabsatay magaalada Addis Ababa, iyada oo markaa qayb ka ahayd isbahaysigii xukunka ka tuuray taliskii Mengistu Hailemariam. Intaa kaddib waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya muddo toban sano ah, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada intii uu socday dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee uu waddankaasi la galay dalka Eritrea intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 ilaa 2000. Haseyeeshee isaga ayaa hadda go’aansaday in uu dib ugu soo laabto furimaha dagaalka, isaga oo da’diisu tahay 60-meeyo. “Ninkani waa nin aad u wanaagsan, oo awooday in uu raaxo ugu noolaado meesha uu doonaba,” ayuu yiri Awet Weldemichael, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha ammaanka ee Geeska Afrika, kana tirsan jaamacadda Queen ee dalka Canada. “Xaqiiqada ah in uu go’aansaday in uu wajaho oo uu ka hortago duulaanka xooggan oo uu garab istaago dadkiisa ayaa ah mid sharaf u ah.” – ‘Nin u tababaran shaqadiisa’ – Tsadkan wuxuu ka dhashay qoys beeraley ah, ma jirto cid saadaalinaysay in mustaqbalkiisu uu ku dambeyn doono milatarinimo. Balse wax yar kaddib markii la aasaasay ururka TPLF sanadkii 1975-kii, si uu ugu doodo xuquuqda dadka qowmiyadda Tigreeda, ayuu ka tagay cilmigiisii sayniska ee uu ka baranayay Jaamacadda Addis Ababa, si uu ugu biiro dhaqdhaqaaqa TPLF. “Milatari ahaan, waa nin loo tababaray shaqadiisa, wuxuuna gaaray darajadii ugu sarreysay,” ayuu yiri Rene Lefort, oo ah taariikhyahan ku takhasusay dalka Itoobiya. “Waa nin deggan oo aan weligii codkiisa kor u qaadin,” ayuu yiri Lefort, oo dhawr jeer ooh ore la kulmay Tsadkan. Kaddib markii uu dhacay xukunkii Mengistu, Tsadkan waxaa loo dhiibay hoggaanka ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku sameeyay isbaddal weyn, sida uu sheegaya Gerard Prunier, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dalkaasi Itoobiya. Janaraal Tsadkan Gebre-Tensae “Wuxuu ka dhigay ciidam u qalmo ciidamada reer Galbeedka. Isbaddal weyn ayuu ku sameeyay, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray qorista ciidamada iyo tababarkooduba,” ayuu yiri Prunier, oo aqoon ka badan muddo 20 sano u leh Tsadkan. Ciidamadii uu dhisay isla markaana uu hogaaminayay Tsadkan iyo guud ahaan dowladda oo dhan ayaa waxaa ku badnaa dadka qowmiyaddiisa Tigreeda, arrintaasi oo markii dambe galaafatay xukunkii TPLF. Haseyeeshee nasiib-darro, intii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ayuu Tsadkan wuxuu noqday mid xiddigiisa uu sii dhacayo, gaar ahaanna markii uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay qabsadaan dhul ku yaal gudaha Eritrea, arrintaa oo aad uga careysiisay ra’iisalwasaarihii xilligaasi ee Meles Zenawi. Arrintaasi ayaa keentay in Meles Zenawi uu sanadkii 2001-dii shaqada ka eryo, wuxuu Tsadkan dib ugu noqday noloshii rayidka kaddib 36 sano oo uu ciidan ahaa. – Noolashii rayidka – Tsadkan wuxuu noqday ganacsade, wuxuuna gobolkiisa Tigray ka billaabay shirkad ka ganacsato khamriga iyo wax soo saarka beeraha. Waxaa uu sidoo kale ka mid noqday madaxda shirkado waaweyn sida baanka Lion ee dalkaasi Itoobiya. Waxa uu lataliye dhanka milatariga u soo noqday dowladda cusub ee Suudaanta Koonfureed, wuxuuna shahaadada labaad ee culuunta siyaasadda caalamiga ahi ka qaatay jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka. Sanadkii 2019-kii, waxa laga codsaday in uu dhexdhexaadiyo xiriirka sii xumaanayay ee ra’iisalwasaare Abiy Axmad iyo hoggaanka TPLF oo ka careysnaa tallaabooyinka ra’iisalwasaaruhu uu qaaday tan iyo 2018-dii, kuwaasi oo uu xilka kaga xayuubinayay madaxda sarsare ee TPLF. Dedaalladaasi iyo dhexdhexaadintaasi marnaba ma aysan miro dhalin. “Saddex jeer ayaan la kulmay Abiy Axmad… balse waa ay iska caddeyd in uusan dooneyn in khilaafkaasi lagu dhammeeyo si nabdoon,” ayuu yiri Tsadkan oo bishii Juun wareysi siinayay telefishinka Tigreeda. Tsadkan waxaa u caddaatay in dagaalku uu yahay lamahuraan oo aan marnaba laga baaqsan doonin, sidaa awgeedna wuxuu sanadkii la soo dhaafay u wareegay dhanka magaalada Maqalle ee xarunta TPLF. – Xeeladda dib-u-gurashada – Markii ra’iisalwasaare Abiy uu ciidamada federaalka u diray gobolka Tigreeda bishii Nofeembar 2020, tallaabadaasi oo uu sheegay in ay jawaab u tahay weerarradii TPLF ay ku qaadeen xeryaha ciidamada, ayaa fallaagada TPLF waxay galeen dhulka buuraleyda ahi, waxaana markiiba dowladdu ay ku dhawaaqday guul. “Mabda’a koowaad ee kooxda TPLF ayaa ah in aanay waligood galin dagaal aysan ku guulaysan karin”, ayuu yiri taariikhyahan Lefort, wuxuuna sheegay in kaartada kooxdani ay ahayd in ay dib u gurtaan, dib isu soo abaabulaan, ugu danbayna ay dib u qabsadaan dhulkii laga qabsaday. Dad ku sugan gobolka Amxaarada oo raashin gargaar ah loo qeybinaya Tsadkan wuxuu durbaba TPLF u qoray oo uu tababaray dagaalyahanno cusub oo tiro badan, waxayna kooxdu sidoo kale soo dhawaynaysay ciidamada Tigreeda ee shaqadoodii waayay ee laga saaray ciidankii qaranka. Toddoba bilood kaddib, kooxdaasi ayaa si lama filaan ah u soo laabatay, waxayna dib ula wareegtay inta badan gobolka Tigreeda, iyagoo si deg deg ah ugu fiday gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta, ka hor inta aysan sheegan in ay qabsadeen magaalooyin ku yaal waddada muhiimka ah isku xirta Addis Ababa iyo qeybaha kale ee dalka gaar ahaan gobolka Amxaarada dhammaadkii bishii Oktoobar. Guulihii ugu dambeeyay ee dhanka dagaalka ee ciidamada xukuumadda Abiy Axmad ayaa furtay waji cusub oo shaki gelinaya halka uu ku dhammaan doono dagaalka 13-ka bilood socday, iyadoo Tsadkan uu mar kale la filayo in uu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda u ugali doono dalkiisa. “Waxay sameynayaan isla xeeladdii ay weligood samayn jireen,” ayuu yiri Lefort. “Wixii ay sameeyeen saandkii 1991-kii ayaa dhiirigelinaya waxa ay isku dayayaan in ay sameeyaan sanadkan 2021.” Qaran News
-
Yaab!:Wasiir hore oo loo haysto inuu xaaskiisa kufsaday Andrew Griffiths ayaa xilalka wasiirnimada iyo xildhibaannimada iska casilay bishii July 2018 Wasiir hore oo ka tirsananaan jiray dowladda Xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu helay inuu kufsaday oo uu jir ahaan dhibaato garsiiyay xaaskiisa. Xaakimka maxkamadda qoyska ayaa go’aan ku gaaray in Andrew Griffiths, oo 51-jir ah, uu cadaadis ku saaray Kate Griffiths, oo ah xildhibaanka degmada Burton-upon-Trent, inay galmo la samayso. Mr Griffiths, oo ah xildhibaankii hore ee magaalada Staffordshire, ayaa adeegsaday “hab dhaqan qasab iyo xakamayn isugu jira”. Bishii July ee 2018 ayuu xilka iska casilay kaddib markii la sheegay inuu farriimo “aanan wanaagsanayn” u diray laba haween ah. Xildhibaankan hore ayaa gaashaanka u daruuray eedaha ay soo jeedisay Ms Griffiths waxa uuna si “cad oo aan gabbasho lahayn u diiday” inuu kufsaday. Xaakim Elizabeth Williscroft ayaa dhagaysanaysay dacwadda u dhaxaysa Mr iyo Ms Griffiths, kuwaas oo haatan ku kala tagay, maxkamad gaar ah oo qaadda arrimaha qoyska oo ku taal magaalada Derby. Xaakimka ayaa xogta ay soo heshay waxa ay doodda u ridday dhinaca Ms Griffiths hasayeeshee waxa ay go’aansatay in aanay shacabka u faafin, si loo ilaaliyo cannuga ay isu dhaleen. Xaakim ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba, waxa uu xukumay inay tahay in la daabaco xogta ay soo heshay Xaakim Williscroft, kaddib markii ururrada warbaahinta ay ku doodeen in danta bulshada ay ku jirto in xogtaas la daabaco. Ms Griffiths ayaa tallaabadaasi taageerta, middaas oo Mr Griffiths uu diidanaa, waxaana ay ogolaatay in magaceeda lagu sheego warbixinnada warbaahinta, walow dadka dhibbanaha u ah xadgudubyada galmo ay sharciyan xaq u leeyihiin in magacooda la qariyo. Kate Griffiths ayaa xildhibaan loo doortay bishii Nofeembar 2019 Mar ay hadlaysay kaddib markii xaakimiinta racfaanka ay go’aamiyeen suuragalnimada in xogta la shaaciyo, ayaa Ms Griffiths waxa ay sheegtay inay “soo dhawaynayso” go’aanka kaddib kiiska qoyskeeda galiyay “xaaladda dareen iyo midda dhaqaalaba”. Waxa ay sheegtay inay ka tanaasushay xaqii ay u laheyd in magaceeda la qariyo “sababtoo ah waxaan ogsoonahay xaaladdayda gaarka ah ee aan ku doonayo inaan ku horumariyo waxyaabaha ka soo baxaya kiisaska noocaasi ah, dadka u dulqaata xadgudubyada ka dhaca guryaha iyo tallaabooyinka lagu dhowraba carruurta arrimahaas ku lugla leh”. Mr Griffiths – oo xildhibaan ka soo noqday degmada Burton iyo wasiirkii ganacsiyada yaryar, marna ra’iisul wasaarihii hore Theresa May u soo noqday madaxii shaqaalaha – ayaa xilka iskaga casilay eedo ah inuu erayo culus ku yiri haweenay 28-jir ah oo ka shaqaynaysay hoteel iyo saaxiibkeed. Guddiga dhowro anshaxa baarlamaanka ayaa ninkaasi ku waayay dambiga, iyagoo sheegay in aanay soo helin wax caddayn ah. Ms Griffiths ayaa la wareegtay booskii uu banneeyay ee Xisbiga Conservative-ka oo waxa ay isu sharraxday kursigaas waxaana la doortay bishii Nofeembar ee 2019. Markaas ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay ninkeeda iska furayso. Xaakimka ayaa sheegtay in Ms Griffiths “ay afkeeda iiga caddaysay” in Mr Griffiths “uu kufsaday mar uu baashaal dhexmaray”. Waxa ay sheegtay in eedaha Ms Griffiths lagu “xaqiijiyay” “jawaabihii” Mr Griffiths. Ms Griffiths ayaa sheegay in kufsigu uu bilowday mar ay huruday. Andrew Griffiths oo ku sugan dibedda maxkamadda Marka la eego muddada dhacdooyinka lagu soo bandhigay xukunka, lama shaacin taariikhda dembiyada la geystay. Garsooraha ayaa loo sheegay in lammaanahan ay is guursadeen sanadkii 2013 kaddib markii ay shan sano lahaayeen xiriir, isla markaana Ms Griffiths ay ka war heshay khiyaano uu sameeyay Mr Griffiths oo ay ka mid yihiin “xiriir gogol-dhaaf oo muddo dheer socday” oo uu qof kale la lahaa iyo “diridda farriimo galmo ku saabsan”. Xildhibaanadda, oo caddeymaha ku soo bandhigtay shaashad laga daaray maxkamadda uu dhegeysiga ka socday si ay aysan u arkin Mr Griffiths, ayaa sidoo kale ka cabatay “tacaddi jireed”. Garsooraha ayaa sheegtay inay ogaatay in caddeymahaasi ay yihiin “kuwo la xaqiijiyay”. Garsooraha ayaa sidoo kale ogaatay in Mr Griffiths uu qadaan qadiyay Ms Griffiths xilli ay xaamilo culus ahayd. Mr Griffiths ayaa qoraal ku yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsanahay in Maxkamadda Racfaanka ay oggolaatay in dacwadda ay ka sii socoto maxkamadda qoyska. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino, oo ay sheegteen Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay nabadoon magaciisa lagu soo koobay Coosey oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka. Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha uu weerarka qaraxa ah ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah. Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey weeraro kala duwan oo qaarkood horay loogu beesaday xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo dhaawacyo ay kasoo gaareen. Si kastaba, magaaladan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xildhibaano lagu dhaawacay qarax ay fulisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goordhaw uu magaalada ka dhacay qarax xoogan. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka maqaay lagu magacaabo Baar Kulmis ayaa waxaa dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Waxaa inta la xaqiijiyay qaraxa ku geeriyooday Nabadoon lagu magacaabo Nabadoon Hooseey, halka qaraxa ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Xildhibaanada dhaawacmay ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cumar Gaabow iyo Xildhibaan Yuusuf Cabduqadir Karaani oo labada ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay taliye ku-xigeenka ciidamada daraawiishta Hirshabeelle oo lagu magacaabo Jeeylaani Faroole iyo Askari ka tirsan ciidamada daraawiishta. Laba bil ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka hirshabeelle ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay goob ay ku sugnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Unheeded: In 2019 Said Mohamed Rageh went on record for calling for a central command for all Puntland forces. Bosaso (Commentary) — Puntland State of Somalia has finally learned a bitter lesson about parallel forces. Founded nineteen years ago as a part of the war on terror campaign, Puntland Security Force had transformed itself into a proxy force that reports to its funder: the United States. It was the responsibility of the legislature of Puntland to ensure that PSF (then Puntland Intelligence Service) operate within the constitutional framework of Puntland. In 2002 militant extremism was unheard of in Somalia. The rationale for establishing a force trained and funded by a foreign country for an autonomous administration in the Horn of Africa lacked substance. Presence of PSF within Puntland security apparatus means juggling two opposing counterterrorism strategies, one devised by the United States, and another based on the assessment and responses made by Puntland State of Somalia. The United States has been funding a force whose Commanders have grown independent of Puntland State institutions to the point of viewing equipment and property of the force as their personal assets. It is unfair to blame only the outgoing Commander for trying to cling on to perks and assets; the whole Puntland political class shares the blame for the current stand-off in Boosaaso between PSF and Puntland State defence forces. America’s counterterrorism strategy has had unintended consequences in Somalia. In 2019 Puntland Minister for Ports Said Mohamed Rageh told Daljir Radio that Puntland State needed a central command for all forces based in Puntland. “Forces in Puntland are accountable to funders who pay their salaries” said Rageh. Puntland Security Force and Puntland Maritime Police Force spokesmen separately rebutted allegations of organizational independence within Puntland. PSF and PMPF were established without proper consultations. If anything, it damages the status of Puntland State as a champion of federalism in Somalia. If two security forces funded by foreign countries can operate in Puntland State, the question arises as to whether the unintended consequences of American counterterrorism strategy fuels emergence of militant extremism in Somalia. Adan M. Dawad The post American Counterterrorism Strategy in Somalia Has Unintended Consequences appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, kulan kaas oo looga hadlay khilaafkii ka taagnaa doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa xal laga gaaray khilaafka doorashada Golaha Shacabka ee goboladda Waqooyi (Somalilamd) ee maalmihii la soo dhaafay u dhexeeyay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxaana la isku afgartay in horay loo sii wado howsha doorashada. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana la isku afgartay in horay loo sii wado howsha doorashada”. Cabdi Xaashi ayaa maalmo ka hor ka horyimid kuraas ay shaaciyeen guddiga doorashada Somaliland, waxaana markii dambe taageeray xubno ka mid ah guddiga doorashada. PUNTLAND POST The post Is-fahan laga gaaray khilaafkii doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland) appeared first on Puntland Post.
-
Inta la xaqiijiyay 1 qof oo nabadoon ah ayaa ku dhintay 4 qof oo 2 ka mid ah xildhibaano yihiina waa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle. Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda Kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle. Taliyaha Booliiska degmada Jowhar Bashiir Xasan Xalfoy oo warbaahinta mar dambe kula hadlay goobta qaraxu ka dhacay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxa. Muuqaal: Taliyaha Booliiska Jowhar Magaalada jowhar ee xarunta Hirshabeelle ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Nabadoon ku dhintay iyo xildhibaano ku dhaawacmay qarax ka dhacay Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo Wasiir-dowle ka soo noqday Puntland mudadii u dhexaysay 2009-2013 ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu isagu qoray buug loogu gefay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. Gaashaan oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uusan waxba ka ogayn buuggaas oo dagaal-ooge ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Marxuumka ayaa kamid ahaa as’aasayaashii Puntland islamarkaana soo noqday madaxweynihii u horreeyay ee Puntland sannadkii 1998-dii. Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidoo kale kamid ahaa jabhaddii badbaadinta Soomaaliya ee Somali Salvation Democratic Front (SSDF). PUNTLAND POST The post Wasiir Gaashaan oo beeniyay in uu qoray buug loogu gefay marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Kampala)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaan ku faraxsanayn in Jabhadda Tigray ee Itoobiya (TPLF) ay dib u guranayso, laba bilood ka dib markii ay u soo gudbeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa taas oo walaac ku abuurtay beesha caalamka. Isagoo la hadlayay Sudans Post saaka, diblumaasi ka tirsan kooxda TPLF oo ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in Museveni uu u sheegay Debretsion Gebremichael inuu aad u diidan yahay go’aanka ay ciidamada TPLF dib ugu gurteen ka dib markii ay guulo ka gaadheen ciidamada federaalka Itoobiya. “Wixii ka dhacay gobolada Canfarta iyo Axmaarada kaliya maahan guuldarada soo gaadhay kooxda TPLF iyo xulafadeeda, balse waxay niyad jab ku tahay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo aan haba yaraatee ku faraxsanayn guulihii iyo horumarkii aanu ka samaynay maamulka dabadhilifka ah ee Abiy Axmed,” ayuu sarkaalku u sheegay Sudan Post isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Museveni iyo wiilkiisa ayaa la rumeysan yahay inay taageersan yihiin Tigreega dagaalka ka wada Itoobiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda ka taagan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaraddaasi. Cabdirashiid ayaa marka hore xaqiijiyey inay jirto cabashada 16 shaqaale oo dhowaan la ceyriyey shaqada, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas ay baalmarsan tahay sharciga. Wasiir ku xieenka ayaa sidoo kale ku wargeliyey 16-ka shaqaale ee eedeynta u jeediyey wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye inay sii wataan shaqadooda, inta ay ka helayaan cadaalad. “Waxaa la ogeysiinayaa shaqaalaha cabashada soo gudbiyey inay shaqadooda sii wataan, inta ay ka helayaa cadaalad,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiir ku xigeenka. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ma dhaceyso in xilligan kala guurka ah xuquuqda muwaadiniinta lagu xad-gubdo, iyada oo laga faa’iideysanayo xaaladda doorashada,”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan uu la wadaagay xafiisyada ay quseyso, sida ra’iisul wasaaraha dalka, si loo qaado tallaabo sharci ah. ‘Natiijada baaritaanka iyo lifaaqyada la socda waxaan la wadaagay xafiisyada ay quseyso si loo qaado talaabada sharci ee ku haboon qof kastaa oo tacaddigaas iyo falkaas guracan ku lugta leh,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka dalka. Qoraalkan ayaa uga sii daraya khilaafka haatan ka taagan wasaaradda gargaarka, waxaana horey u jirtay 13 agaasime oo ka tirsan isla wasaaradda ay beeniyeen warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaas, iyaga oo sheegay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah. Ma’aha khilaafkii ugu horreeyey ee soo kala dhex-galay wasiir Khadiijo iyo qeybaha kale ee wasaaradda, waxaana marar badan arrimahan soo fara-geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan markale la gaarsiiyey muranka hareeyey wasaaradda. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xiisada Wasaarada gargaarka oo ka dartay iyo wasiir ku-xigeenka oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cabdirashiid Maxamud Xasan ayaa sheegay in ay soo gaartay cabashada 16 shaqaale oo wasaaradda laga eryay. Cabdirashiid ayaa sheegay in shaqa ka ceyrinta shaqaalahaas aanan loo marin habraaci rasmiga ahaa ee loogu talagalay. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale sheegay in fariintan ay la wadaageen dhamaan xafiisyada kale ee dowladda ay quseeyso. Amarka shaqada looga joojiyay shaqaalahaas ayaa sidoo kale ka hor imaanaya amarkii ra’iisul wasaaraha ka soo baxay 25-kii bishii May ee sanadkaan 2021. Shaqaalahaan ayaa la sheegay in ay shaqada ka joojisay wasiirka wasaaradda haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye. Hoos ka akhriso qoraalka wasiir ku-xigeenka wasaaradda. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaan weli u gudbin Golaha Wakiillada xubnihii Wasiirrada ahaa ee uu magacaabay dhawaan, kuwaas oo dhaaftay wakhtigii Distuurku dhigayey in Masuuliyiinta aan la ansixin si ku meel gaadh ah u shaqeeyaan. Masuuliyiintan Wasiirrada ah ee aan la ansixin oo muddo 100 maalmood ah shaqooyinkooda iska wada iyaga oo aan Golaha Wakiilladu ansixin, ayaa waxa uu distuurku sheegayaa in ay si ku meel gaadh ah u shaqayn karaan saddex bilood amma sagaashan maalmood. Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf oo ka mid Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu masuuliyiin cusub uu magacaabo, kuwa kale ee muddo dhaafayna shaqada ka joojiyo, waxaanu yidhi “Sida ku cad Qodobka 114aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland faqradiisa saddexaad oo u dhigan sidan: ‘Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku Waajibiyey in la ansixiyo, si kumeel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo kabadan Saddex bilood.’ Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wareegtada sumadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-7092021 oo uu ku magacaabay Masuuliyiin cusub way dhaaftay mudadii uu sharcigu siiyey in masuuliyiintaa lagu ansixiyo oo la horgeeyo golaha wakiilada, sidaa awgeed waxaan madaxweynaha ugu baaqayaa in uu xilalkaa masuuliyiin cusub u magacaabo, isla markaana uu ka joojiyo masuuliyiinta hore ee wakhtigu ka dhamaaday.” Source
-
Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah lagaga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada. Mashruuca Soo-kabista Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaali ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah ayna haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka. “Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababta oo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tidhi Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. “Mashruucan wuxuu dhammeystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaadhsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tidhi. “Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yidhi Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika. Source
-
(SLT-Nairobi)-Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay. Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sannadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama dastuurka Kenya uu dhigayo in aanu tartami karin inka badan laba xilli oo min shan sanno ah. Odinga ayaa ku ammaanay Kenyatta inuu billaabay wadahadal ay ku midoobeen afar sanno kahor kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay codbixintii 2017-kii. “Waxay u baahan tahay khibrad in nin uu u gacan-qaado ninka ay is hayaan,” ayuu u sheegay Odinga tobannaan kun oo ka tirsan taageereyaasha xisbigiisa ODM oo isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Nairobi. Saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay Odinga waxa ay doorashooyinkii 2007 iyo 2013, taageerayaashiisu ka mudaaharaadeen natiijada doorashada, isaga oo sidoo kale maxkamadda la aaday natiiijada doorashooyinkaas, waxana uu sheegay in isagu uu ku guuleystay, laakiin laga xaday. Isku dhacyo sababay dhimasho ayaa sidoo kale ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017. Laakin waxa uu heshiis nabadeed la galay madaxweyne Kenyatta horraantii 2018-kii, isaga oo dhinaca isaga riixay ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, oo isna si weyn u soo bandhigay hammigiisa madaxtinimo. Dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kenyatta iyo madax kale ayaa ka qeyb galay daahfurka ololaha Odinga. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga madaxweyne Kenyatta ee Jubilee, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu garab taagan yahay Odinga. Source
-
(SLT-London)-Maxkamada Sare ee Britain ayaa xukuntay Aasaasihii Wikileaks Julian Assange in loo wareejin karo dalka Mareykanka. Mareykanka ayaa ku guuleystay racfaankii ay ka qaateen go’aan bishii January ee maxkamadda UK ee ahaa inaan la dhiibi karin sababo la xidhiidha caafimaadkiisa maskaxeed. Garsoorayaasha ayaa lagu qanciyay ballanqaadyada Mareykanka ee ah in la dhimo khatarta isdilka. Gabadha uu guursaday ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka. Mr Assange ayaa dawlada Mareykanka waxa ay raadineysay sannadadi 2010-kii iyo 2011-ki kumanaan dukumentiyo sir ah oo la daabacay. Stella Moris oo ah xaaska Mr Assange ayaa xukunka ku tilmaantay mid halis ah oo la marin habaabiyay, iyada oo intaa ku dartay in dammaanad qaadka Maraykanku uu yahay mid aan la isku halayn karin. Tifaftiraha guud ee Wikileaks Kristinn Hrafnsson ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Noloshii Julian waxay mar kale ku jirtaa khatar weyn, sidaas oo kale waa xuquuqda saxafiyiinta ay u leeyihiin inay daabacaan waxyaabaha ay dowladaha iyo shirkadaha u arkaan inay dhib ku tahay.” Amnesty International ayaa xukunka ku tilmaantay mid cadaalad darro ah iyo dammaanad qaadka Maraykanka oo ah mid aad u khaldan. Nils Muiznieks, oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqul insaanka ee Yurub, ayaa sheegay inay khatar weyn ku tahay xoriyadda saxaafadda ee Maraykanka iyo dibaddaba. Kooxda qareenka ee Mr Assange – Birnberg Peirce Solicitors – ayaa sheegay in racfaan kasta oo loo gudbiyo maxkamada sare ay la xidhiidhi doonto su’aasha dammaanadda, halkii ay ka ahaan lahaayeen arrimaha ay ka mid yihiin xorriyatul qawlka ama dhiirigelinta siyaasadeed ee codsiga dhiibista Mareykanka. Laba ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya dalka ayaa soo gabagabeeyay in ayna jirin wax sharci ah oo diidaya in UK ay u dirto Julian Assange Mareykanka. Mareykanka ayaa bixiyay afar dammaanad, oo ay ku jiraan in Mr Assange aan lagu sii hayn doonin kali ahaanshaha ka hor ama maxkamadeynta ka dib ama lagu hayn doono xabsiga ADX Florence Supermax – xabsiga ugu ammaanka badan ee Colorado – haddii la dhiibo. Qareenada Mareykanka ayaa sheegay in loo ogolaan doono in uu u soo wareejiyo Australia si uu ugu dhameysto xukun kasta oo xabsi ah oo laga yaabo in lagu xukumo meel u dhow gurigiisa. Haddii lagu helo dambiyada gudaha Mareykanka, Mr Assange, oo 50 jir ah, ayaa waajahaya ciqaab macquul ah oo gaadhaya ilaa 175 sanno oo xadhig ah, sida ay sheegeen qareenadiisa. Si kastaba ha ahaatee dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xukunku uu u badan yahay inta u dhexeysa afar ilaa lix sanno. Mr Assange ayaa waajahaya eedeymo gaadhaya 18 dacwadood oo uga yimid dowladda Mareykanka, isagoo ku eedeeyay inuu maleegayay inuu jabsado xogta ciidamada Mareykanka si uu u helo xog sir ah oo xasaasi ah oo la xidhiidha dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq, kaasoo lagu daabacay bogga Wikileaks. Waxa uu sheegay in xogtaasi ay banaanka soo dhigtay tacadiyada ay geystaan ciidamada Mareykanka. Mr Assange ayaa lagu xukumay 50 toddobaad bishii May 2019 ka dib markii uu jabiyay shuruudihii dammaanadda kadib markii uu ku dhuuntay safaaradda Ecuador ee London. Waxa uu safaaradda magangelyo ka helay muddo toddoba sannadood ah laga soo bilaabo 2012 ilaa la xidhay April 2019. Xilliga uu u baxsaday safaarada waxa uu wajahayay in loo gacan geliyo Sweden oo lagu eedeeyay faraxumeyn uu diiday. kiiskaas markii dambe waa la laalay. Inkasta oo uu xukunka ku dhamaystay jebinta shuruudaha dammaanadda, Mr Assange waxa uu weli ku sii jiraa xabsiga inta uu la dagaallamayo in loo gacan geliyo sababtoo ah taariikhdiisa baxsadka ah. Source
-
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in ay jirto Cabashada 16 shaqaale ah ka gudbiyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maraynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in 16-kii shaqaale ah Wasaaradda looga eryay sifo sharci-darro ah. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Eedayntii loo jeediyay Wasiir Khadiijo Diiriye oo la xaqiijiyay in ay jirto appeared first on Puntland Post.
-
Axmed Shire Falagle wasiirka warfaafinta dowlad gobaleedka galmudug ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalada u dhaxeeyo beelaha walaalaha ee dib uga soo cusboonaaday deegaanada gobalka galgaduud. Shalay gelinkii dambe ayaa dagaal waxa uu laba beelood oo walaala ah ku dhexmaray deegaanka Kaxandhaale ee gobalka galgaduud halkaas oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Wasiirka oo la hadlay laanta afka soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in maamulka galmudug uu wax ka qaban doono dagaalada soo noqnoqde ee deeganada maamulkaas ka taagan. “Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka shalay galinkii dambe ka dhacay Kaxandhaale. Galmudug ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wajaheysay dagaallo u dhaxeeya beelaha wada dega deeganada maamulkaas oo mudda badan soo noqnoqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed shalay gelinkii dambe ku dhex-maray deegaanka Kaxandhaale oo hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay dib u soo laabashada colaadda ka taagan halkaas iyo lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah. Wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan. Waxa kale oo uu tilmaamay in Galmudug adeegsan doonto awood, si gacan bir ah ugu qabato maleeshiyaadka dirirta ka wada qeybo ka mid ah deegaanadeeda. “Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dagaalka waxaa soo celceliyay marka heshiis la gaaro oo Odoyaashu ku guuleystaan ciidamadana laga soo qaado muddo kaddib waxaa dib u bilawda dirirta” Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay oo haatan laga dhex-bilaaban waam-waan, si loo joojiyo xabaddda. Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabta dagaalLada waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Galgaduud oo kordhay iyo go’aanka GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisad dagaal ayaa saaka ka aloosan degaanka lagu magacaabo Kax-xandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud halkaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray laba beelood. Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaalkii shalay dhexmaray labada beelood waxaana la xaqiijiyay 10 ruux oo dhimasho ah iyo in ka badan 20 ruux oo dhaawac ah. Labada malayshiya-beeleed ayaa gurmadyo kala duwan helaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku sii socdo sida laga soo xigtay dadka degaankaas. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Galmudug awood ciidan u adeegsan doonto si loo joojiyo dagaalkaas. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.
