-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mooshin 20 Xildhibaan horkeeneen Golaha Wakiilada oo saqiiray+Liiska Xildhibaanada Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland oo tiradoodu gaadhayso 28 mudane ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mooshin ay ku dalbanayaan in la dhaqan geliyo xeerka Ururrada Siyaasadda oo dhawaan Madaxweynuhu ku soo celiyey Golahaasi. Xildhibaannada soo gudbiyey Mooshinka, ayaa u badnaa Xisbiga KULMIYE. Halkan ka akhri Mooshinka & Liiska Xildhibaanada:- Qaran News
-
Nuxurka Khudbad Musharax Cirro ka jeediyey Dalka Sweden Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada Madaxtooyada oo xilligeedii ku dhacaysa Insha Allah. Intii aanan soo bixin Saddexda Xisbi Qaran si wada jir ah ayay ula kulmeen Komishanka Doorashooyinka 18 November, Komishanku waxay noo sheegeen in ay Madaxweynaha u gudbiyeen miisaaniyaddii iyo jadwalkii doorashadu ku qabsoomaysay Madaxweynahana ay la ballansan yihiin, intaa dalka waan ka soo maqna ee waxaan filaya in arrintaasi dhammaatay. Doorashadii hore ee Wakiillada iyo deegaannada magac wanaagsan baynu ka helnay haddii aynu Somaliland nahay oo waxaa joogay masuuliyiin badan oo safiirro u badan, waxay noqotay in lagu tilmaamo doorashadii ugu fiicnayd Geeska Afrika haddiiba aanay noqon Afrika oo dhan, magacii ugu weynaana kolba ninka madaxda ah baa qaata oo Muuse Biixi baa qaatay magacii ugu weyna waxaanan filaya in uu tanna (Doorashada Madaxtooyada) magaceeda qaadan doono xilligeediina ku qaban doono Insha Allah.” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Sweden Qaran News
-
Anigu waxaan ka mid ahay,inta aaminsan in Xisbiyadu ay iska furnaadaan markasta,shuruurdo Sharci oo adag uun loo sameeeyo,qofkii awooda oo shuruudaha buuxiyaana furan karo. Laakiin kuwa TV-ga la soo fadhiya,Xisbiyada ha la furan,waa in la yaqaan,waxayna isugu jiraan 2 kooxood oo kala ah:- 1.Koox loo yaqaan Saaqidiinta Siyaasada,taladoodu ku soo ururtay Xisbiyada ha la furo. 2.Koox haddii Xisbiyada la furo,aan Xisbi soo saari,laakiin doonaya in ay smaystan magac Urur oo ay wax ku dilaalaan. Labada kooxooodba midna Xisbi ma soo saari karaan xataa haddii beri la furo Xisbiyada,ee waa uun dilaalid doon. Amb. Cabdirisaaq Mingiste Qaran News
-
Asalaamu Calaykum Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah Hogaamiyihii Ummada, ahna khabiir rug cadaa ah oo fahamsan wixii ay ku jirto Danta Ummada reer Somaliland, waxa uu iska diiday inuu saxeexo Xeerka Ururrada isaga oo sidaas u arkay inay ku jirto maslaxada Qaranku. Madaxweynuhu waxa uu awwood buuxda u lahaa oo sharcigu siinayay inuu Xeerka Ururrada saxeexo maadaama ay Golayaashii Qaranku ay ansixiyeen, balse Madaxweynuhu wuxuu ka door biday inuu golaha Wakiilada dib ugu celiyo oo aanuu saxeexin. Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu cid kasta oo la kulantay uu u sheegay in doorashada Madaxtooyada uu wakhtigeeda ku qabanayo maadaama ay wax waliba diyaar yihiin sida dhaqaalihii doorashada, diiwaan gelintii iyo weliba gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi oo sheegay inay dhamaantood diyaar yihiin. Hadaba waxaan usoo jeedinayaa Muwaadiniinta doonaysa in ururrada loo furo inay sugaan doorashada Madaxtooyada ka dib insha Allah. Dalkeenu uma baahna fawdo siyaasadeed iyo muran aan Dalku qaadi karin. Waxaa Waajib ah inaynu Madaxweynaha ku taageerno go’aankiisa uu ku diiday inuu saxeexo Xeerka furista ururrada oo Madaxweynuhu u arkay inaan danta Qaranku ku jirin. Somaliland ha Guulaysto Kasar Mohamed Abdullahi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso, taas oo u dhexeyso hoggaanka Puntland iyo taliska ciidamada ee PSF-ta. Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa arrintan kasoo qaaday mid sahlan, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si nabad ku dhammeeyaan xiisadda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan cidna dan ugu jirin dagaal, balse loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka dambe ee Puntland oo haatan ah Hooyada Federaalka. “Deni iyo dowladdiisaba inay arrintaas dib u eegaan waxaan waa sahlan yihiin in si nabad ah lagu dhammeeyo xabad qof ay xal u tahay ma lahan, 23 sano ayey jirsatay Puntland,” ayuu ku yiri hordhaca wareysiga cusub ee uu bixiyey Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xiisadda taagan ay saameyn ku yeelan karto taageerada ay hadda ciidanka PSF ka helaan dowladda Mareykanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dagaalkii Guriceel oo qeyb ka ahaayeen ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, isla-markaana uu war xasaasi ah kasoo saaraan sababta dhalisay in Danab ku biiraan dagaalka. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday arrin kale oo xasaasi ah, wuxuuna sheegay in xilligii uu joogay xafiiska uu isku dayey ciidamada PSF inay qeyb ka noqdaan ama lagu soo biiriyo kuwa dowladda federaalka, isla-markaana arrintaas lagu soo qaaday mar uu tegay Washington, balse uusan guuleysan qorshahaasi. “Aniga markii aan ra’iisul wasaaraha ahaa Washington markaan tegay arrin waxaa bilaabatay aheyd ciidanka hadda PSF sideedaba waxa ay ahaayeen in la sameeyo (Counter Terrorism Unit) oo hal ah oo federaal ah. PSF waxa ay aheyd inay noqdaan ciidamo qeyb ka ah federaalka, welina ma noqon,” ayuu yiri markale ku yiri wareysigan CC Sharmaa’arke. Hadalkan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xiisadd ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha hay’adda PSF-ta Puntland ay ka taagan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Cumar C/rashiid oo si aan la fileyn uga hadlay xiisada PSF: PSF waxa ay aheyd inay DF… appeared first on Caasimada Online.
-
Marlow Ramsey Carson oo ah muwaadin mareykan ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kadib markii lagu soo eedeyay in uu ka dambeyay dilka muwaadin Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay dalka Mareykanka. Eedeysane Marlow ayaa maxkamadda Minneapolis ka hor qirtay in uu ka dambeyay dilka muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Liibaan. Garsooraha maxkamadda ayaa amray in xabsiga lagu sii haayo eedeysanaha inta ay ka soo dhamaanayaan cadeymaha. Dilka ayaa la sheegay in uu eedeysanaha u geeystay muwaadinka xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu lahaa, taas oo ku taallay magaalada Minneapolis xilligaas oo uu toogasho ku dilay Carson, waxa uuna dilka dhacay 27 April sanadkaan. Marka ay soo dhamaato dhageysiga dacwadda ayaa lagu wada in garsooraha maxkamadda uu go’aan ka soo saaro kiisnkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Despite election chaos, Somalia Transition Plan takes shape
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia’s Transition Plan, one in which the country hopes to start carrying its own obligations more than donors and international partners, has started taking shape. Source: Hiiraan Online -
Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan si gaar ah loogu burburiyey xarumo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo dhammaan hoostaga gobolkaasi, kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanadaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen fariisimo ay dagaalayahanada kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna la wareegeen gabi ahaan gacan ku heynta saddexdaas deegaan, sida ay hadalka u dhigeen. Ciidamada ayaa sidoo kale xarumo cusub ka sameystay halkaasi, waxayna saraakiisha horkaceysa sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in lagu kor dagaalamo, maadaama ay labada dhinac wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay sida weyn ugu xoogan tahay Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro khasaare kala duwan geysta. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Sawirro: Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa soo saaray go’aan cusub oo la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka dalka. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in doorarashada aan la joojin doonin, balse iyada oo socoto la xallinayo wixii tabasho ah, taas oo meesha ka saareysa dalabkii hakinta ee Musharixiinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo in shirweyne la’isugu yimaado, si loo dhammeeyo muranka hareeyey doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka Soomaaliya. “In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay, Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga doorashada. Maxamed Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2021-ka, ayna kala shaqeeyaan doorashada. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay u qaadaceen doorashada Golaha Shacabka, kadibna ay dalbadeen in gabi ahaan la joojiyo doorashada, si loo xalliyo ‘boob’ ay sheegeen in lagu hayo kuraasta baarlamaanka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo ay ka taagan tahay dood culus oo dib usii dhigi karta. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Guddoomiye Cirro oo soo saaray go’aan la xiriira doorashooyinka DALKA appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay is-hortaagtay deeqihii waxbarasho ee ay Somaliland ka heli jirtay qaar ka mid ah dalalka caalamka. Guddiga joogtada ah ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ardayda Somaliland kasoo xidhay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jireen deeqaha waxbarasho. “Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe. “Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyaga lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada waxoodii,” ayuu yidhi. Dalalka uu xusay inay deeqaha ka joojiyeen Somaliland ayaa waxaa ugu muhiimsan Kenya, ayada oo la rumeysnaa in Kanya iyo Somaliland ay aad isugu dhowaayeen. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay booqasho madaxweyne ku tegay Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay la gashay Somaliland dagaal xooggan oo Somaliland lagaga soo xidhay albaabo badan oo dhaqaale iyo waxbarasho. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Ciidammada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal qadhaadh oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xidha Waldiya iyo Maqale Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya inay ciidammadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi inay ku qabsadeen waddadaasi. Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen inay qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran. Fallaagada TPLF dhankooda waxa ay dagaal qadhaadh u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xidha ay u difaacan lahaayeen si aan looga qabsan balse ugu dambeyntii dagaalka lagaga awood roonaaday. Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen inay TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen inay go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale kaga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan. Source
-
Ciidamada Itoobiya ayaa shaaciyay in dagaallo ay saacadihi la soo dhaafay la galeen kooxda TPLF iyo xulafadeeda ay ku qabsadeen deegaanno muhiim ah oo ay jabhadda horay gacanta ugu haysay. Saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in wadada xiriirisa magaalooyinka Waldiya iyo Maqale ay kala wareegeen jabhadda. Waxaa sidoo kale ciidamadu la wareegeen dhamaan dhulalka ku hareereysan buuraha silsiladda ah ee Zoble iyo magaalooyinka Orjo, Fokiso iyo Booran ee dalka kuwaas oo muddooyinkii la soo dhaafay fariisimo u ahaayeen ciidamada TPLF. Wadada isku xirto Waldiya iyo Maqale oo ay ciidamada la wareegeen ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto qorshaha dagaal ee TPLF, iyadoo wadadaas hakad gelin doonto in ay gurmad helaan ciidamada jabhadda ee ku sugan gobalka Amaxarada. Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay u ruqaansadaan magaalada Gaashana. Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin. Tan iyo markii bishii November sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Benin)-Maxkamad ku taalla waddanka Benin ayaa sabtidii 20 sanno oo xabsi ah ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka Reckya Madougou oo ah haweeney si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha dalkas, kaddib markii lagu lagu helay falal aragagixisanimo, sida ay sheegtay maxkamadda xukuntay. Madougou ayaa la soo taagay maxkamad, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay waxay ugu yeedheen anshax xumo iyo shir-qool siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Patrice Talon. Xukunka ayaa lagu dhawaaqay abaare 6-dii subaxnimo, ka dib markii ay socotay maxkamad aan wax markhaati ah la horkeenin, sida bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen qareenadeeda. Xukunka lagu riday Madougou, oo ahaa wasiirkii hore ee cadaalada, ayaa imaanaya maalmo kadib markii mid kale oo kamid ah mucaaradka madaxweyne Talon, oo la yidhaahdo Joel Aivo, lagu xukumay 10 sanno oo xadhig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay falal ka dhan ah dowladda iyo is daba marin lacageed. Madougou ayaa la xidhay bishii March waxaana lagu eedeeyay in uu maalgelisay howlgal lagu dilayo dad siyaasiyiin ah si looga hortago inay dhacdo doorashada madaxtinimada. Musharaxnimadeeda waxaa hore u diiday guddiga doorashada. Source
-
Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sida la sheegay hawlgal qorshaysan kula wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose oo ku harsanaa gacanta Al-shabaab. Hawlglkaas ayaa lagu qabtay degaannada Gambarey iyo Dawacaaley oo ka tirsan Shabeellada Hoose halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha Danab. Saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhigyadaas oo Al-shabaab ka soo abaabul jireen weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah dowladda. Ma jirto cid ka madax-bannaan Saraakiisha Danab oo xaqiijisay warkaan sidoo kale Al-shabaab weli kama hadlin. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo la sheegay in ay cagta mariyeen saldhigyo ay leeyihiin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Rooble oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidamada dowladda federaalka ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho. Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyey in ciidamada ammaanka ee loo xil-saaray nabadda ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaadiidka isaga kala gooshaya caasimada, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mootadii ama baabuurkii aan dirin lacag uusan dhaafi karin baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho. “Goobaha hubinta ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan sharaf dil ku tahaya dhammaan ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in deg-deg wax looga qabto. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mararka qaar waddooyinka ka celiya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, taas oo saameyn daran ku yeelata shacabka. Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is-biirsaday, waxaana ugu daran falalka amaan darri, gaar ahaan dhaca habeenkii ka socda degmooyinka gobolka Banaadir. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo tilmaam sharaf dil ah ka bixiyey ciidanka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM. Heya’adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada Xuduudka dhulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah goobaha ay kor u kacday dhimashadu sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta. PUNTLAND POST The post Heya’adda socdaalka aduunka oo sheegtay in ay korodhay tirada dhimashada Tahriibeyaasha caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay is-hortaagtay deeqihii waxbarasho ee ay ka heli jirtay qaar ka mid ah dalalka caalamka. Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ardayda Somaliland kasoo xirtay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jireen deeqaha waxbarasho. “Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,” ayuu yii Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe. “Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii,” ayuu yiri. Dalalka uu xusay inay deeqaha ka joojiyeen ayaa waxaa ugu muhiimsan Kenya, ayada oo la rumeysnaa in Kanya iyo Somaliland ay aad isugu dhowaayeen tan iyo markii uu khilaafka ka dhex-qarxay Muqdisho iyo Nairobi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay booqasho madaxweyne ku tegay Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee sida muuqata, Kenya ayaa tallaabooyinkeeda ay ahaayeen kaliya inay kaga careysiiso dowladda federaalka, balse aysan dhab ka aheyn inay wax u qabato Somaliland. Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay la gashay Somaliland dagaal xooggan oo Somaliland looga soo xiray albaabo badan oo dhaqaale iyo waxbarasho. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF Somalia oo Somaliland ‘kasoo xirtay’ 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jirtay… appeared first on Caasimada Online.
-
As we drive into Donholm Estate at Cerebral Palsy Society of Kenya, Ilhan Issa (14) is doing laps round the compound as a group of adults look on. Source: Hiiraan Online
-
Twin blasts targeted Burundian soldiers serving under the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in southern Somalia on Saturday, a security official said. Source: Hiiraan Online
