-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Shaaciyey inaanu jirin Wax-wadahadal oo dhexmaray M/weyne Biixi & Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Wada hadal dhex maray Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo ka dhawaajiyey in wararkaas yihiin ii dhehe suuqa la soo gashaday, waxaanu yidhi “Warka sheegaya in Maxamuud Xaashi iyo Madaxweynaha wada hadal dhex maray waa been iyo mala waal, dadka ii dheheda loo dhiibaa, meelahaas ka sheegaan. Maxamuud Xaashi iyo anigauba iyo deegaannada aanu ka soo jeedaa, waxa aan filayaa in ay Kulmiye kala caraabeen”. Xildhibaan Cabdilaahi Yusuf, waxa kale oo uu sheegay in Xeerka Ururrada Siyaasaddu uu Golaha Wakiillada horyaalo oo uu Madaxweynuhu ku soo celiyey, isaga oo xusay in Goluhu cod ku celin doono amma uu ka doodi doono qodobada wax ka beddelka ee uu codsaday Madaxweynuhu. Xildhibaan Cabdillaahi Yusuf Axmed, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Xildhibaannada ku dooddaya in Xeerkaas dhaqan gal yahay, isaga oo ka dhawaajiyey in Madaxweynuhu Xeerka Ururrada ku soo celiyey Golaha wakhtigii sharcigu siinayey. Qaran News
-
Todoba Milyan oo Soomaali ah oo heli doona koronto bilaash ah Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah looga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada. Mashruuca Soo-kabashada Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaaliyeed ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah aysan haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka. “Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababtoo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tiri Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. “Mashruucan wuxuu dhameystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaarsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tiri. Sida lagu sheegay warbixinta Bankiga Adduunka, mashruucan ayaa sidoo kale sare u qaadaya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo helitaan koronto ka caawin doona 205 xarumo caafimaad ah iyo 380 iskuul. 90% korontada Soomaaliya ayaa waxaa laga helaa matooro yaryar oo ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay, taasi oo aan ku filneyn baahida shacabka ee hadda iyo tan mustaqbalka, sida uu sheegay Bankiga Adduunka. “Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yiri Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika. Warbixintan Bankiga Adduunka ma sheegin habka loo maareyn doono lacagtan iyo haddii la marsiin dooono dowladda federaalka ama ururada aan dowliga aheyn. Qaran News
-
Masaajid leh Astaamaha kaniisadda oo lagu muransan yahay Masjidka weyn ee Saint-Louis Saint Louis, ama Ndar oo ah sida ay bulshada gudaha u yaqaannaan, waa magaalo ku taalla waqooyiga Senegal waxayna u dhaxeysaa dalalka Galbeedka iyo Afrika. Caasimaddii hore ee Faransiiska Galbeedka Afrika, dhismooyin duug ah oo xilliyadii gumeysiga ah ayaa dhinaca ku hayakuwa casriga ah.Magaalada ayaa tan iyo sanadihii 2000 waxay ku jirtay diwaanka hay’adda UNESCO. Magaaladan waxay ku taalla waqooyi-galbeed Senegal, waxaana weli ka muuqda raadkii gumeysiga, gaar ahaanna jasiiradda weyn. Sidoo kale qeyb magaaladan ka mid ah ayaa waxaa ku yaalla masjidka weyn ee Saint-Louis. Waqooyiga magaalada, ayuu ku yaallaa masjidkan, wuxuuna jiray tan iyo xilliyadii gumeysiga, wuxuu soo jiitaa dalxiisayaasha oo doonaya inay wax ka ogaadaan: markii hore, gambaleel ayaa la yeerin jiray si Muslimiinta loogu waco salaadda. Masjidka wuxuu caan ku yahay labada minaaradood ee wareegsan kuwaas oo saqafka kore ku dheggan. Minaaradda bidix ee masjidka waxaa ku yaalla gambaleel iyo saacad. Inkastoo gambaleelku uusan haatan shaqeyneyn haddana wuxuu soo jiitaa dalxiisayaasha. Gambaleelka iyo saacadda Halka uu ka yimid gambaleelka Dhabarka dambe ee gambaleelka oo weli la arki karo, ayaa waxaa ku duugan qeyb ka mid ah taariikhda magaaladan. Saint Louis waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan xilliyadii gumeysiga ee ku yaalla Senegal. Magaaladan waxaa ku noolaa dad Yurub ka soo jeeda, shacab iyo saraakiil. Bulshooyinka deriska ee magaalada u soo guuray sababo ganacsi dartood waxa dhammaantood ahaayeen Muslimiin. Bulshada Creole, waxay ka dhasheen is dhexgalka caddaanka iyo bulshada madow, waxaana sidoo kale ku noolaa dadka aaminsan diinta masiixiga.Bulshada Muslimiinta waxay doonayeen inay dhistaan masjid ay ku tukadaan. Sida laga soo xigtay taariikh-yahannada magaalada oo ay BBC-du la xiriirtay, bulshada Creole waxay aadaanka salaadda ee masjidka u arkayeen mid buuq iyo sawaxan abuuraya. Bulshadan ayaa markaas ka soo horjeestay mashruuca dhismaha masjidka inkastoo dadka ugu badan ee magaalada ku noolaa ay Muslimiin ahaayeen. Sanadkii 1837, ilaa 10,651 Muslimiin ah iyo 1,025 qof oo madhabka Kaatooligga heysta ayaa ku noolaa magaalada, sida uu Cabdul Khaadir Aidara ku xusay buuggiisa, Saint-Louis-ta Senegal, Shalay ilaa Maanta. Sida uu sheegay abdul Khaadir Aidara , oo ah agaasimihii hore ee xarunta baaritaanka Saint-Louis, gambaleelka ayaa la yeerin jiray si Muslimiinta loogu waco salaadda. Bulshadan (Creole), dabcan iyaga oo taageero ka helaya maamulka, ayay diideen in masjidka laga dhiso jasiiraddan iyagoo sheegay inay taasi dhib ku noqon doonto noloshooda isla markaana saameyn doonto hurdadooda. Marka Muslimiinta wuxuu u ahaa halgan dheer oo ay ku dhisayaan goob ay ku cibaadeystaan, maaddaana halkaasi ay ku tiillay kaniisad, sida uu BBC-da u sheegay Abdoul Hadir Aïdara. Kaddib wada hadallo badan, bulshada Creole ayaa aqbashay dhismaha masjidka iyagoo ku xiray labo shuruudood: in masjidka laga dhiso meel guryaha ka fog, sidoo kalena beddelkii aadaanka salaadda la yeeriyo gambaleel. Sida uu sheegay Mr. Aïdara, gambaleelka ayaa la yeerin jiray ilaa sanadkii 1855. Kaddib gumeystihii xilligaas ayaa oggolaaday aadaanka salaadda. Abdoul Hadir Aïdara qoraaga buugga: Saint-Louis-ta Sénégal, ee Shalay ilaa Maanta Taariikh lagu muransanyahay Balse waxaa jira dad qaba taariikh tan ka duwan in uu masaajidkani leeyahay, waxaana ka mid ah Suleeymaan Bashiir Diyaagna, wuxuuna buugiisa ku sheegay in isaga uusan la qabin qaabkan wax loo sheegayo, taas oo uu qabo in ay tabiyeen dad dalxiisayaal ah, wuxuu sheegay in gambaleelka meeshaas loogu surey si uu astaan ugu noqdo magaalada Saint-Louis. Waxaa fikradan la qaba Imaam Muusa Kebbe oo imaam ka ah masaajidka weyn. Wuxuu dood ka qabaa in gambaleelka loo isticmaali jirey in dadka salaadda loogu yeero. Wuxuu imaamkani sheegay in dadkii meesha degey ee kor ka yimid ay naqshadeeyeen dhismayaasha inta badan, sidaasi awgeedna ay masaajidka u ekeysiiyeen kaniisad, maddaamaa waxa kaliya ee ay fahmayaan uu aha kaniisad. Wuxuu tusaale usoo qaatay in kaniisadda weyn ee magaalada oo isku xilli la dhisay masaajidka ay dhiseen gumeystihii isla xilligii masaajidkana la dhisay. Wuxuu qabaa in gambaleelka uu ku rakibnaa saacadda, marka saacadda la gaarana uu gambaleelka dhawaaqayay. wuxuu sheegay sababta aadaanka loo maqli waayay xiligaas ay ahayd in aysan jirin sameecadaha hadda la adeegsado, balse markasta la aadaami jirey.Dhawr jeer ayaa masaajidka la dayactiray tan iyo intii la taagay masjidka sanadkii 1947-dii. Hadda waxaa ku socota hawl balaarin ah oo la doonayo in wax looga badelo naqshadda masaajidka, hase yeeshee waxa uu qabaa in muuqaalka guud ee masaajidka in aanan waxbo laga badelin si loo illaaliyo hiddaha. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari. Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa waxaa lagu burburiyey saldhigyo ay ciidamada Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalo buuraleyda Golis. Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaarinayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay. Ma jirto illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada maamulka Puntland ee ah inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab iyo dilka dagaalyahanada. Kooxda Al-Shabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh Buuraleyda Golis waxayna marar badan halkaas kasoo qaadeen weeraro culus. Sidoo kalana waxaa halkaas ku dhuumaaleysanaya dagaalyahano ka tirsan Daacish. Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo ciidamada PSF ee loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasoo saameyn xoog leh ku yeeshay Magaalada Boosaaso. The post Sawirro: Qaraxyo ‘ay diyaarinayeen’ Al-Shabaab oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online.
-
The Somalia Electricity Recovery Project is set to increase access to cleaner, lower cost electricity for 1.1 million households, or approximately 7 million people, of which 3.5 million are women. The project also aims to reestablish a stable electricity supply and support regional integration. Source: Hiiraan Online
-
The United Nations Peace building Fund has approved $3 million for a pilot project that will provide peace building and vocational skills to Somali refugees volunteering to return from Kenya to Somalia, where they will then be helped to settle down and contribute to a community dialogue and reintegration process, UN Peace building announced Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
On September 3, 1952, a Somali man named Mahmood Mattan was hanged in Cardiff, Wales, for the murder of a Jewish shop owner named Lily Volpert. In 1998, 46 years after Mattan’s execution, following years of campaigning by his widow, Laura, a judicial review found the case against Mattan to be “fatally flawed.” These are the true facts of the case. Source: Hiiraan Online
-
(10/12/2021) — 29 Sano ka hor markii faragelintii aadaminimo uu Maraykanku hoggaaminayay ka billaabatay Soomaaliya ayuu taariikhyahankii Siciid Sheekh Samatar maqaal ku qoray wargeyska The Guardian. Wuxuu kula taliyay Maraykanka inuu la tashado odayaal dhaqameedka. Afar bilood ka hor xilliga maqaalka Samatar soo baxay, I M Lewis, oo wax ka qori jiray arrimmaha Soomaaliya, ayaa maqaal ku qoray Sunday Times kuna dooday in oday dhaqameedyadu dib u dhisi karaan Soomaaliya. Lewis wuxuu u qareemayay hab hay’ad ahaan ku abtirsada xukunkii dadbanaa oo uu Ingiriisku ku xukumayay Waqooyiga Soomaaliya. Waa habka fududeeyay in dhul Soomaali degto si qarsoodi ah loo siiyay Itoobiya ka hor 1954kii, waa habka u diiday reer Waqooyiga inay xisbiyo gobanimoddoon yeeshaan waayo oday dhaqameedka ayaa awoodda lahaa si Soomaalida xeer loogu dhaqo halka Common Law uu gaar u ahaa qofka reer Yurub. Ma hubo sababta Samatar u fidinayay dood aan sal ku lahayn taariikhda dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Markii Waqooyi iyo Koonfur midoobayeen siyaasiyiin ayaa ka mirodhalinta midowga iska kaashaday. Oday dhaqameed ma lahayn kaalin siyaasadeed. Oday dhaqameed taladiisu waxay ku sargo’an tahay danaha beeshiisa. Taladiisu waxay shaqayn kartaa marka dadku ku nool yahay xaalad dowladnimadu maqan tahay ama dadku ay doonayaan inay ku noolaadaan xeer ka sokow cakirnaanta nolosha magaalada. Talada madaxdhaqameedka Puntland ay soo jeediyeen si loo dhammeeyo ismariwaaga dowladda Puntland iyo Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay ku salaysan tahay adeegsiga xeer inkastoo Puntland ay leedahay dastuur. Waxay wiiqi kartaa awoodda dowladda haddii PSF loo arko hanti qof leeyahay. Halistu kama imanayso oo keliya oday dhaqameedka. Siyaasiga sameeya hay’ado sharciga ka baxsan (extrajudicial) sida PSF ayaa dhib weyn geysan kara. Siyaasiga noocan ahi iyo oday dhaqameedku waxay wadaagaan ku tumashada danta guud waxaase sii saameyn xun talada oday dhaqameedka marka ay jiraan sharciyo lagaga maarmay xeerka beelaha u yaalla. Halista ugu weyn oo la socota xoojinta kaalinta oday dhaqameedka waa la xisaabtan la’aanta siyaasiga oo weli awoodda siyaasadeed oo nuxurka lihi gacantiisa ku jirto. Soomaalida dhexdeeda dambiyo dagaal iyo gaboodfal siyaasadeed waa ereyo aan cirib sharciyeed lahayn. Ummad xeer weli ku tiirsan bay Soomaalidu weli isu aragtaa. Oday dhaqameed iyo dowladnimo waa isu dab iyo dhagax. Waa inaannu kala dhowrno. Tixraac. 1- “How to save starving Somalia” uu qoray Said Samatar, The Guardian, December 3, 1992. 2- “In the Land of the Living Dead” uu qoray I. M. Lewis, Sunday Times, August 30, 1992. __. Liibaan Axmad Libahm@gmail.com The post Oday dhaqameed iyo dowladnimo waa isu dab iyo dhagax appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Martial Court yesterday published a brief on the stand-off between Puntland Security Force and Puntland State troops in Bosaaso. The Court cited articles of the State’s and the national military’s penal codes to deter disobedience. “The Court makes it clear that any disobedience within forces is a punishable crime. The President of Puntland State is the Commander-in-chief and retains the powers to appoint and fire any Commander of forces” reads the brief. Puntland State Martial Court instructed the new Commander of PSF Brigadier General Amin Abdullahi Haji Kheir to protect vehicles, properties and materiel of the force following the refusal of PSF Commander Brigadier General Mohamud Osman Abdullahi to hand over the responsibility for running PSF to the Commander-designate appointed last week by Puntland State President Said Abdullahi Deni. Puntland State Martial Court has intervened to deter disobedience © Puntland Post, 2021 The post Puntland Martial Court Warns Former PSF Commander Against Disobedience appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah looga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada. Mashruuca Soo-kabashada Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaaliyeed ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah aysan haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka. “Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababtoo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tiri Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. “Mashruucan wuxuu dhameystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaarsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tiri. Sida lagu sheegay warbixinta Bankiga Adduunka, mashruucan ayaa sidoo kale sare u qaadaya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo helitaan koronto ka caawin doona 205 xarumo caafimaad ah iyo 380 iskuul. 90% korontada Soomaaliya ayaa waxaa laga helaa matooro yaryar oo ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay, taasi oo aan ku filneyn baahida shacabka ee hadda iyo tan mustaqbalka, sida uu sheegay Bankiga Adduunka. “Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yiri Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika. Warbixintan Bankiga Adduunka ma sheegin habka loo maareyn doono lacagtan iyo haddii la marsiin dooono dowladda federaalka ama ururada aan dowliga aheyn. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post 7 milyan oo Soomaali ah oo mashruuc cusub ku heli doona koronto bilaash ah appeared first on Caasimada Online.
-
Three hundred fifty million children and youth are now educated in non-state schools worldwide. However, UNESCO’s new Global Education Monitoring (GEM) Report shows that many countries lack adequate regulations on private education or the capacity to enforce them, undermining quality and widening the educational divide between rich and poor. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku dilay Faaduma Cali Cismaan (Faay Beeso) oo aheyd hooyo korsaneysay 9 carruur oo agoon ah, sida ay sheegeen ehelkeeda. Askariga dilka geystay ayaa qori ku taagay carruurta hooyada uu dilay, muran kadib waxa ay Faaduma u sheegtay in ay ku dacweyneyso qofka uu ilaalada u ahaa balse inta aysan garaacin guriga ayuu ku furay rasaas. “Ilmaha maxaad qoriga iiga taagtaa maad iiga dhaaftid mise taliyahaaga ayaan kugu dacweynayaa, ayay tiri, intaas kadib markii ay albaabka guriga sarkaalka daganaa ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo caloosha, kilida iyo Minka ayey kaga dhaceen, ilmaheda markey soo baxeena baas ayuu ku furay oo Alle ayaa ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday,” ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay. Ehelka Marxuumad Faaduma Cali Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigto Askariga Dilka geystay ee baxsaday si caddaaladda loo horgeeyo. “9 Carruur ah ayay guriga ku heysatay oo iyada ayaa u shaqeyn jirtay oo mas’uuliyaddooda qaadatay, waxa aan ka codsaneynaa Dowladda in caddaaladda la horgeeyo oo lasoo qabto askariga dilkaas geystay,” ayay tiri haweeney ehel la ah Marxuumad Faadumo Cali. Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhacdaan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooyada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa. Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askarta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Video: Askari sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay hooyada sagaal carruur oo agoon ah appeared first on Caasimada Online.
-
Balanbale (Caasimada Online) – Xiisad oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ee wada dega Gobolka Galgaduud ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Gobolka Galgaduud. Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal socday dhowr Saacadood oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed kaasoo markii dambe si iskiis ah u istaagay. Sida ay dadka deegaanka sheegeen waxaa dagaalkii Shalay ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka dagaalamay. Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo duleedka degmada Balanbale ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay weli is horfadhiyaan, islamarkaana laga cabsi qabo in ay markale dagaalamaan. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay kala helayaan gurmadyo, arrintaasi ayay sheegeen in ay cabsi badan ku abuurtay. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisada ka tagaan degmada Balanbale. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xiisad dagaal oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin ay soo saartay CPJ sanadkan ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta lagu xiray dunida 2021-ka ay gaarayaan ilaa 293 halka 24 saxafi loo dilay sababo shaqadooda la xiriira, waxaa kale oo jiray 18 kale oo iyaguna la dilay balse aan la garaneyn sababta dilka. Shiinaha sanadkan waxaa lagu xiray 50 saxafi , waana dalka ugu badan, Myanmar ayaa ku xigta halka ay dalalka kale aad saxafiyiinta loo xiro ay ku jiraan Egypt, Vietnam, iyo Belarus. Dalalka Carabta waxaa aad looga deyriyey Sacuudiga iyo Masar, dalka hore waxaa la sheegayaa in saxafiyiinta ay baqeen iney sida ay doonaan wax u sheegaan kadib dilkii Khashukhji halka Masar ay tahay dal si xun loola dhaqmo saxafiyiinta sida warbixintu sheegtay. Dalalka saxaraha ka hooseeyaan, Itoobiya iyo maamulka Abiy Axmed ayaa noqday dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu waxyeeleeyo kadib dalka Eritrea, Soomaaliya waxaa 2021-kii lagu xiray labo saxafi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda silsiladda Golis oo ka tirsan Gobolka Bari. Saraakiisha Ciidamada difaaca ayaa Puntland Post sheegay in hawgalkaas oo lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis islamarkaana gacanta lagu dhigay qaraxyo ay diyaariyeen Al-shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo tilmaamay in khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab kadib markii Ciidanku duqeymo la beegsaday dhufaysyo ay ku jireen kooxdaas. Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka wada silsiladda Golis halkaas oo dhowaan la geeyay Ciidamo badan oo tababaro soo qaatay. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo burburiyay saldhigyo Al-shabaab leeyihiin qaraxyana gacanta ku dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyey qorshe uu sheegay in dowladda federaalka ay kumanaan askar ah uga dejinayso magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo. Waxa uu sheegay in ujeedka askartaas loo geynayo magaalooyinkaas ay tahay sidii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka u galin lahaa dagaal ahli ah, islamarkaana uu xoog ugu qabsan lahaa, sida uu sheegay. “Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn shaqsi tallada dalka ku wareejinaya doorasho, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la iska qabto ka hor inta uu burbur u horseedin dalka. “Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.” “Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Askartii la geeyey Eritrea ‘oo dhowaan lasoo celinyo si loogu qabsado’ saddex magaalo appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa soo saaray baaq cusub kasoo saaray xiisadda ka dhex oogan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano. Isimada soo saaray baaqa oo gaaraya 12 ayaa taageeray go’aanadii horey uga soo baxay Isimada ka horreeyey, marka laga reebo hal qodob oo ah in milkiyadda hubka, ciidanka iyo agabka kale ee PSF loo reebo agaasimaha xilka laga qaaday. Go’aankii Isimada hore, gaar ahaan qodobka dhigaya in hubka iyo hantida PSF uu si gaar ah u qaato agaasimihii hore, ayaa waxaa ku gacan seeray xukuumadda Puntland, oo ku tilmaamtay “mid meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. “ Baaqa cusub ee Isimada kasoo baxay ayey kusoo jeediyeen in agaasimihii xilka laga qaaday loo reebo agab iyo ciidan ku filan amnigiisa kaliya, maadaama, bey yiraahdeen, uu ku soo shaqeeyey xaalad adag. Isimada ayaa sidoo kale taageeray baaqii Isimada ka horreeyey ee ahaa inay dhaqan-gasho wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimihii hore 24-kii November 2021. Isimada 12-ka ah ayaa soo saaray qodobada hoos ku qoran: • In hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyeyxaalado adag. • Anagoo ixtiraamayna kala duwanaanshaha fikirka iyo tanasulka oo lafdhabar u ah nolosha aadanaha, waxan sidoodii ku qaadanay afarta qodob oo kale; qodobka 1-aad, 3-aad,4-aad iyo 5-aad. Mmarkaanu midaynay shantii qodob waxay u qormayaan sidan: 1- Waa inay dhaqangashaa digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr. 2- Waa in hantida PSF looga reebo agaasmihi hore agab iyo ciidan ku filan amnigiisa maadaama uu kusoo shaqeeyey xaalad adag. 3- Waa in dawladu siisaa ciidamada PSF xuquuqdii ka maqnayd 13-ka bilood. 4- Waa in ay dawladdu bixisaa kharashka ilaalada gaarka ah ee Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi. The post Isimada Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray xiisadda PSF kadib baaqii uu diiday Deni appeared first on Caasimada Online.
-
A three-day conference to discuss planning and advancement in technology and innovation concluded on Thursday in Mogadishu, Somalia’s capital. Source: Hiiraan Online
-
DECEMBER 8, 2021 FACEBOOK TWITTER LINKEDIN On October 11th, UW-TSP hosted Professor Jean-Pierre Cabestan for a brief interview on Taiwan and Somaliland. Professor Jean-Pierre Cabestan is a Senior Research Fellow at the French National Center for Scientific Research, and a Research Professor of Political Science at Hong Kong Baptist University. His recently published article in the Diplomat, The Somaliland Connection: Taiwan’s Return to Africa?, was the inspiration for this Q&A. Joining Professor James Lin and Professor Jean-Pierre Cabestan is Jennifer Joy, UW-TSP’s Program Coordinator and a graduate of UW’s Jackson School of International Studies. Jennifer’s thesis explored the relationship between Somaliland and Taiwan, and how unrecognized states might or might not be able to able to gain international recognition via ties with more powerful states. The interview covered topics such as what is Somaliland and why is it in recent headlines with Taiwan, what observations Professor Cabestan had while in Somaliland during the fall, and how other states, namely the PRC and Lithuania, play into this diplomatic effort between Taiwan and Somaliland. Please view the video interview as you please! https://youtu.be/MVKYuW0RwUQ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawr iyo tobon agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ayaa warqad ay ku saxiixanyihiin oo wasaaradda kasoo baxday ugu jawaabay eedeyn ay jeediyeen 16 shaqaale wasaaradda ka tirsan oo ka dhan ah wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaradda, iyadoo sheegtay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah. “Waxaan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay sharci draro tahay warqad labadii maalin ee la soo dhaafay lagu baahiyay warbaahinta bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay,” ayaa lagu yiri warqadda. Wasaaradda ayaa sheegtay in Ibraahim uu si ku meel gaar ah ula joogay wasaaradda, isla markaana toddoba bil kahor uu ku laabtay Garowe, isla markaana uusan ka mid ahayn shaqaalaha wasaaradda. Warqadda ayaa lagu faahfaahiyay arrimo badan oo wasaaradda ku saabsan , iyada oo sidoo kale lagu bogaadiyay wasiiradda oo ay agaasimeyaasha ku tilmaameen in dareen hooyonimo ay ku hoggaamiso wasaaradda. Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey wasiirka wasaaraddaas in ay si bareer ah uga jartay mushaarkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen, iyagoo weliba ah shaqaale rasmi ah oo imtixaan ku helay shaqooyinka ay hayaan. Shaqaalahaas oo sida la sheegay gaaraya 16 isku deegaan ka soo jeeda ayaa siday qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, iyagoo sidoo kale wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda. “Arrintaas way caddahay, waxa meesha wada jooga waa in is taqaan,” waxaa sidaas yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha tabashada qaba, oo isagoo Garoowe jooga la hadlay BBC-da. Ibraahim ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen shaqaalihii lagu bilaabay wasaaradda oo wasaaradaha lagu soo daray markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna imtixaan u galeen shaqada kaddibna ay ku guuleysteen. “Markii timid wasaaradda, isla markiiba waxay qoratay dad deegaan-doorashadeeda ah ayay si mutadawacnimo ah u qoratay, oo ay tiri dakhli ayaan u raadinayaa, annaguna dad Soomaaliyeed bay ahaayeen waan soo dhoweynay, marka dadkii ayaa aakhirkii nalagu beddeshay, sidaas ayaan ku heynaa caddeyn rasmi ah oo ay dadkii boosaskeennii iyo xuquuqdeenniiba ku heystaan” ayuu yiri Ibraahim. Ibraahim ayaa sheegay in cabashadooda ay gaarsiiyeen madaxweyna, ra’iisul wasaaraha, Guddiga Shaqaalaha iyo meelo kale oo badan, balse aan ilaa haatan waxba laga qaban. “Waa wax in muddo ah soo socday, waxaa kale oo jira faquuq gaar ah oo nalagu hayay, marka cabashadeenna cidna waxba kama qaban, meel walba wana gaarsiinnay waxaana ugu dambeeyay Wasaaradda Maaliyadda oo xuquuqdeenna gacanta ku heysay.” Ayuu yiri Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah shaqaalaha ka cabanaya Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post 13 agaasime waaxeed oo u jawaabay shaqaale eedeeyay wasiir KHADIIJA DIIRIYE appeared first on Caasimada Online.
