Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Fadhigii 84’aad ee golaha wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta dood dheer iyo falanqayn ka dib lagu ansixyey miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban). Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay:  Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay sannadkan  Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan  Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay 44% sannadkan  Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladduna waxa korodhay 12% sannadkan  Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu waxay korodhay 41% sannadkan. Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda. Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose: 1. Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, 2. Xakamaynta sicir-bararka 3. Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland. 4. Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka. 5. Xoojinta amniga. 6. Qabashada iyo soo saarista biyaha. 7. Ku-talogalka abaaraha. 8. Xoojinta keydka qaranka. 9. Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada. 10. Dhiirrigelinta wax soo saarka. 11. Deegaanka. 12. Xoojinta ictiraaf raadinta. 13. Kaabayaasha. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyad Qaran News
  2. Xisbiga Kulmiye ha haka Taxadiro Hanka Siyaasadeed ee Maxamed Ikacase. Marka Hore Waxaan Hamablyo Iyo bogaadin Udirayaaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Go’aankii Uu Ka Soo Saraaya DadKa ka Soo Jeeda Somaliland Ee Arimaha Siyaasada U Taga Wadanka Somalia Kuwaaso Ku Kaca Arimo Laf Jab Ku Ah Qaranka Somaliland Oo Halgan Naf Iyo Maalba Leh ku baxay. Go’aankaso Oo Madaxweynuhu Degreeto Madaxweyne Ku Soo Saaray, isago raacaya Xeerarkii Golayaasha xeer dajinta Qaranku hore u Ansixiyeen ee meel marka Ahaa kuwaas oo mamnuucayay ka qayb-galka muwaadiniinta Somaliland ee Arimaha siyaasadeed ee Somaaliya. Madaxweynaha JSL waxa uu sido kale Digreetadaas Madaxweyne uu ku cadeeyay in hay’adaha Qaranka ee u xil saaran Amaanku ay shaqadooda ka qabsadaan talaabo sharciga wafaaqsana ka qaadan, cid kasto kaso jeeda Somaliland oo lagu helo in ay ku kacday falkaas ka dhanka madaxbanaanida qaranimada JSL. Hadaba iyado laga duulayo Go’aamdaas sharci ee kaso baxay Hay’adaha qaranka waxa muhiim ah in loo dhug yeesho siyaasiin badan oo xilil kala duwan kaso qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Dalka so-maray oo iyagu marka laga qaado manaasibta ay Xukuumada ka hayeen si Hoose ugu dusa Somaaliya si ay kuraas uga helaan dawladaha loo nanabo Somaaliya. Ashkhaastaas aynu so sheegnay ee ku kaca falalkaas lagu dhaawacayo Qaranka Somaliland markay ku hungoobaan damacyadaas gacan ku rimiska ah ee ay u taagan Somaaliya waxay dib ugu so noqdaan somaliland, iyago hadana mar Kale indha adaygooda dib mansabyo siyaasadeed uga raadiya Xukuumada iyo Asxaabta Siyaasada ee Somaliland. Hadii aan mid ka mida ah Masuuliyiinta kaso jeeda Somaliland ee ku kacay falalka noocan oo kala ah si bulshada Somaliland iyo masuuliyiinta Qarankuba, uga feejignaadaan dibindaabyadiisa uu Qaranka u maleegayo. Waa Maxamed Cilmi Aadan oo ku magac dheer “Ilkacse” waxa uu ka mid Ahaa Xisbiga kulmiye waxa uu Agaasime Guud kaso Noqday dawladii kala danbeeyay ee Xisbiga kulmiye, waxa uu si Si Ula Kac Ah Oo Badheedh Ah Ugu Dhaqaaqay Arin Siyaasi Ah oo dhabar jab ku ah Qaranka Somaliland. Masulkaas markii Madaxweyne Muuse Ku Sameeyay Xil ka qaadista ayuu ka cadhooday waxaanu Ku dhaqaaqay Arin Ku lid Ah Qaranka Somaliland Isagoo Uga dan lahaa in Madaxweyne Muuse Biixi u arko Aargosi Siyaasadeed Iyo dagaal Siyaasadeed oo isku Muujinayo Lakiin waxa uu si fudud Ku Ilaabay Qarankiisa iyo Dhibtii Loo Soo Maraya Ee naf Iyo Maalba Lahayd. Waxa Ka Mid Ah dhaqdhaqaaqayada dhagaraysan ee Siyaasadeed kuwaas uu u maleegay Qaranka maxamed Ilkacase kuwan so socda. 1: Shir Uu Nairob Kula Galay Siyaasiyiin Somaliweyn Ah. 2: Shir Ka Dhacay Nairob Oo Beesha Direed ah 3: Caleema Sarkii Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ah Madaxweynaha Maamul Goboledka Somaaliya ee Jupland, Isago Maxamed Ilkacase Ku Matalaya Somaliland. 4: kulamo Shacabka Somaliaweyn Uu Nairob Kula Galay Inta Badan Qarsoodi Ayey Ahaayen Kulamadaasi Maxmed Ilkacase la yeeshay siyaasiyiinta iyo Bulshada kaso jeeda Somaaliya. Hadaba Waxaan Madaxweyne Muuse Biixi, masuuliyiinta Xisbiga kulmiye iyo Bulshada Somaliland u dirayaa baaq talo so jeedin ah oo ku saabsan u dhug yeelashada Siyaasi maxamed Ilkacse. “Madaxweyne waxaad tahay Madaxweyne Qarankiisa uso halgamay oo lexejeclo badani ka hayso dalkan yar ee Cadawga faraha badani ku hareeraysanyay. Waxaan Mudane Madaxweyne kuso jeedinya in il gaar ah adiga iyo masuuliyiinta Xisbiga kulmiyaba kula socotaan dhaqdhaaqayada siyaasadeed ee uu Xisbiga Kulmiye ka dhex wado, Masulkaas hore Kula Soo Shaqeeyey Ee Talaabada laf jabka Ah Kula kacay Qarankiisa. Mudane Madaxweyne waa in laga digtoonaada oo lagu Baraarugsanaada, Siyaasiyinta Ay Soo Wajahday Sumacad Xumada Siyaasadeed ee Qaranka khiyaameeyay oo Aanay kaso muuqan mar labaad manaasibta siyaasadeed ee Dalka sida Maxamed Ilkacase oo kale oo imika u ordaya Gudoomiye ku xigeenka kobaad ee Xisbul xaakimka kulmiye. Hadii uu suurto galo damaca Maxamed ilkacse waxay sababi karta in Shacabka Somaliland qaybo kale oo Ka Mid ahi U Arkaan in ay wax sahlan iska tahay in qaranka kolba shaadh loo so xidho, Iyadoo Lagu salanaynayo hadba damaca siyaasiga somaliland meesha uu kaso muuqdo inuu si fudud uga doonto. Madaxweyne anigo aaminsan in aanay ku dhuuman karin siyaasiyiinta qaran dumiska ee kaso jeeda somaliland, hadana waxaan kuso jeedinaya in la dilo damaca siyaasiga ah ee Maxamed Ilkacse iyo kuwa kale ee la midka ahba oo aan aaminsanay in sumcad dil ay ku yihiin koritaanka qaranimada Jamuuriyada Barakaysan ee Somaliland. Rooble mahamed Cali Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo jeediyay in marnaba aan laga cabsan in dagaal meesha looga saaro dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday, haddii ay wada-hadal wax uga badalmi waayan. “Dowladda haddii hadal ay wax ku yeelayso waa lala hadla, haddii banaanbax wax ku yeelayso waa lagu banaanbaxa, haddey qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana,” ayuu yiri Maxamed Waare. Waxa uu sheegay in waddanka uu kusii socdo meel xun oo aan laga soo laaban karin, haddii aan hadda wax laga qaban, isaga oo mucaaridkana u soo jeediyay inay mowqif wada jir ah ku wajahaan xaalada dalka. “Waxaa dhihi lahaa horta doorashada waxay Farmaajo is hayaan waa idinka (Midowga Musharaxiinta) ma aha maamul goboleedyada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle oo si gaar ah farriin ugu diraya Midowga Musharaxiinta. Waxa uu intaas kusii daray in Ra’iisul Wasaaraha lagaga adkaaday awooda dowladda, islamarkaaana ay hadda la gudboon tahay in uu ka shaqeeyo doorasho dhex-dhexaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo. Hadalkan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka kal hore qaadaceen sida ay u socota doorashada, kadib markii kuraas kamid ah doorashada Golaha Shacabka loo maray hanaan ka duwan midkii lagu heshiiyay. Mucaaridka ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, kadib markii ay ku tilmaameen doorashada socota mid boob iyo awood sheegasho ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post “Dowladdu haddii ay qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana” Waxaa sidaas yiri… appeared first on Caasimada Online.
  4. Ottawa (HOL) - Ilwad Elman, the chief operating officer of the Elman Peace Centre and a three-time Nobel Peace Prize nominee, met with Canadian Prime Minister Justin Trudeau on Thursday to discuss youth empowerment in Somalia and Canada. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan ayaa Muqdisho ka billaabay ololaha doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo inuu isku sharaxo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynha Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ka qortay shaqsiyaad sirta iyo xogta siyaasadda Muqdisho u qaabilsan oo Mogadishu Clan ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshihiisa doorasho. Kooxdan waxey isugu jiran siyaasiyiin dhallinyaro ah, xildhibaano hore, dad hadda xildhibaano u sharaxan iyo suxufiyiin. Shaqada ay dadkaan Saciid Deni u qaban doonaan ayaa ah inay u keenaan: 1- Guuxa magaalada Muqdisho yaalla 2- Caqabaddaha musharixiinta Mogadishu Clan heysta 3- Ka iibiya beesha Mogadishu Clan inuu Deni dhismi karo, oo ay liidato fursadda Mogadishu Clan, waxna ku darsadaan. Siyaasiyiinta howshaan loo xil saaray ayaa magaalada Muqdisho sameystay xarumo ay isugu yimaadaan, islamarkaana ay ku uruuriyaan xogaha, waxaaa mashruucaan bil kasta lagu bixinayaa lacago tobanaan kun oo dollar ah. Saciid Deni oo la filayo inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku arka inuu yahay siyaasiga kaliya ee Farmaajo kaga guuleysan kara kursiga Villa Somalia. Siyaasiyiinta u taagan xilka madaxweynaha ee kasoo jeeda Mogadishu Clan ayaa waxaa ugu cadcad Xasan Sheekh iyo Shariif oo labadaba horey usoo noqday madaxweyne, hase yeeshee tirada musharaxiinta Mogadishu Clan oo aad u badan darteed, waxaa laga cabsi qabaa in si la mid ah 2016-kii laga dhex bixiyo kursiga madaxweyne. The post Xog: Siyaasiyiin Mogadishu Clan ah oo Muqdisho ka billaabay ololaha Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen. Shirkan oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii. “Galmudug waxaa wax uga dhisanay xuquuqdeeda in aan wax ku yeelano, haddii aan ka weynay xuquuqdeena waalid nooma aha oo xaq naguma laha in aan tashano ayaa xaq u leenahay,” ayuu yiri Oday kamid ah Odayaasha beelahaas oo ka hadlay shirkaas. Waxay sheegen in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uu dhageysan waayey tabashadooda, islamarkaana aysan maamulka ku haysan adeegyadii aasaasiga ahaa, sida ay hadalka u dhigeen. “Mar haddaan shaqaalaheeda xataa waxba ka laheyn, marti ma nihin aan tashano oo maamul aan dhisano, sabirnay oo isbedel weynay waxaana laguma jiri karo. Oday beeleedkeena la dhageysan maayo oo Ugaaskeena la dhageysan maayo.” Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, taasina ay horseeday inay iska horyimaadan beelaha maamulkaas, oo ayadu hore u sii kala fogeysay, sida ay sheegen. Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajahayay dhibaatooyin dhowr ah oo dhanka amniga iyo maamulka ah oo sida la fahamsan yahay ay horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Maamul cusub oo Galmudug ‘laga dhisayo’ xilli ay kordheen beelaha diidan Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
  7. African countries are not on track to meet both the African Union Malabo targets and the United Nations Sustainable Development Goals (SDGs) on ending hunger. The Malabo Declaration, adopted by African Union member states in 2014, calls for the intensification of collective efforts towards the eradication of hunger and malnutrition by 2025. The Sustainable Development Goals, adopted globally in 2015, aim to end hunger, achieve food security and improved nutrition, and promote sustainable agriculture by 2030. The number of hungry people in Africa now stands at 250 million, nearly one-fifth of the population. The continent also has the highest prevalence of undernourishment (19 per cent), more than twice the global average (8.9 per cent). Close to 58 million children are stunted in the continent, out of which close to 52.4 million live in sub-Saharan Africa. In addition to hunger, across all countries in Africa, millions of people suffer from widespread micronutrient deficiencies, and overweight and obesity are emerging as significant health concerns in many countries. The high vulnerability of economic and livelihood systems to climate variability and extremes, conflict and instabilities, transboundary pests and diseases and adverse economic conditions have all contributed to such conditions. The case of Desert Locust that has been ravaging crops and pasture in Eastern Africa is an example of how vulnerable rural livelihoods can be to risks. The COVID-19 pandemic has exacerbated the problem further, with its far-reaching impacts on the lives and livelihoods of people. In 2019, 73 million people, 6 million more than in 2018, in 36 countries in Africa, faced acute food insecurity or hunger and required urgent food assistance: 37 million due to conflict, 26 million due to climate shocks, and 10 million due to economic shocks. Vulnerable groups, communities and countries have been impacted more because they lack the necessary capacities to absorb the shocks. Together, these compounded crises have resulted in unprecedented socio-economic impacts and eroded the resilience of large segments of the population on the continent, especially the poor and marginalized groups, and are threatening to wipe out the modest gains made towards achieving Zero Hunger by 2025 and other Malabo Commitments and Agenda 2063, as well as the Sustainable Development Goals. African governments have made commitments to accelerate and deepen the transformative power of food systems in a manner aligned with the 2030 Agenda. The focus is on feeding growing populations in ways that improve people’s nutrition, health and well-being; restore and protect nature, adapt to local circumstances, and provide decent jobs and inclusive economies. Although positive progress is being made, the rate of progress is slower than required, and accelerated action is critical to bringing positive change in food and nutrition security. Development actors are investing in strengthening the capacities of countries to collect data and monitor SDG indicators. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), on its part, has advocated with countries for the inclusion of SDGs and CAADP/Malabo commitments in respective national strategic and investment plans. Capacity-building efforts were made to raise awareness and develop capacities of countries and regional institutions on statistical tools for estimating progress made against SDG-2 indicators. Moving forward, what must Africa do to accelerate progress towards its own goals? Mobilizing political commitment for a sharper programmatic and investment focus on food security and nutrition, facilitating stronger partnerships and inter-sectoral coordination, and strengthening governance and accountability mechanisms needed to achieve tangible impact are paramount. Primarily, African countries must recognize the need for stronger political will and leadership to fulfil the Malabo and SDG commitments they have made to ensure food and nutrition security. Political commitment at the highest level, translating the commitment into national legislation and related budget instruments, where feasible, and concrete action at national and local levels actions are critical. There is an urgent need for the continent to build back and forward better with government investment in social protection measures to serve the most vulnerable in society. The transformation of the African food system through the adoption of a common vision, robust leadership, conducive policy environment, and holistic multi-sectoral approaches, with involvement of the private sector in developing solutions is crucial. A sustainable food system lies at the heart of the SDGs, which call for significant transformations in agriculture and food systems to end hunger, achieve food security and improve nutrition by 2030. Increasing investment in agriculture is vital as the sector has a vast potential constituting Africa’s most important source of livelihoods. The agricultural sector and associated services employ 65–70 per cent of the continent’s labour force and account for about 30–40 per cent of GDP. African countries must intensify production sustainably through mechanization and digitalization across the value chain and harness the youth dividend. They must also improve land governance, empower women to reduce the gender gap, reduce post-harvest losses and lower transaction costs by investing in road networks, transportation, and market infrastructure. In this regard, the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) provides a unique opportunity for the transformation of the food system. Market-driven Research for Development and strengthening climate data analysis and reinforcing Early Warning Early Action (EWEA) systems to protect livelihoods remains of relevance and importance for the Food Systems in the Region. Africa can harness available resources, science, technology, and innovations and explore policy options that support African food systems development. Expanding the Humanitarian-Development-Peace efforts through better coordination, better programming and better financing will support and enable the implementation of mechanisms to address short-term, medium and long-term food security concerns. Finally, strengthening political, economic and social institutions capacities (including food systems) will go a long way in ensuring good governance and delivery of equitable services for robust, more efficient and sustainable food systems. Above all, stronger political will and leadership can play a vital role in aiding the efforts of African countries to meet SDG and Malabo commitments to end hunger and eradicate poverty. Ms. Abisola Alaka is Senior Administrative Officer for the Food and Agriculture Organization of the United Nations Subregional Office for Eastern Africa and Representation to the African Union and UNECA The post Stronger political will and leadership can catapult Africa’s efforts to end hunger and malnutrition appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maalmihii dhowaa shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku dalbaday in la hakiyo doorashada golaha shacabka, oo ay horey u sheegeen in la boobayo. Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo, bay yiraahdeen, boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado. Si ay taasi u hirgasho golaha ayaa dalbaday arrimaha soo socda: a) In Ia faafiyo Iiiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi-beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta. b) In la xaqiijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, Ia diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda. c) In kursi kasta lagu tartamo islamarkaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro. d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan. e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta Ia boobey lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo. f) In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada. g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagixiso oo caddayn leh. h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo diidin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale. j) In la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah. Qoraalka ayaa ugu danbeyn lagu yiri “Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan, haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.” The post Go’aan culus oo laga soo saaray shirkii Musharaxiinta iyo 10 shardi oo lagu xiray ka qeyb-galka doorashada appeared first on Caasimada Online.
  9. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka, shir wadatashiyana la isugu yimaado, si loo xalliyo cabashada doorashada. Midowga Musharaxiinta ayaa doorashada ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin; in la faafiyo liiska 135 oday dhaqameed, in la xaqiijiyo ergada doorashada, in goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogto caalami ah iyo in la mamnuuco malxiiska iyo in shaqsi loo xiro kursi. Golaha Midowga Musharaxiinta waxay tilmaameen haddii la raaci waayo shuruudahooda in ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku sheegeen in lagu samata bixinaya qaranka iyo qabashada doorasho hufan. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warkan ku sheegay war-saxaafadeedka hoose oo ay goordhaweyd soo saareen. PUNTLAND POST The post Midowga Musharaxiinta oo shuruudo ku xiray doorashada Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  10. Politics is intensifying in Somaliland where active political parties are in the business of restructuring themselves ahead of the major presidential election scheduled next year. These re-structures are aimed to foster new alliances and/or maintain old ones to secure the votes of the major voting groups in the country. Oppositional parties are in a constant hustle toward the presidency post amid a massive restructuring that is taking place within the ranks of their leadership. Source: Hiiraan Online
  11. DALKEENA MA WADI KARAA DHAQAALE DAKHLI OO KU TIIRSAN CASHUUR KALIYA ? Dalkeena ma wadi karaa dhaqaale dakhli oo ku tiirsan cashuur kaliya Sidee ayey dawladu ilo dhaqaale iyo wax soo saar u abuuri kartaa ? Dhaqaalaha dalku waxa uu ku tiirsan yahay hadda dakhliga ka soo gala cashuuraha , gaar ahaan kastamada dalka oo 81% ah iyo Cashuuraha bariga oo ilaa 19% ah . Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ku yaal ilaa 20 kastam cashuureed iyo goobo hubineed isugu jira oo ku kala yaalla xuduudaha dalka ee Badda , dhulka iyo Garoomada diyaaradaha oo sadexda xad ee ay dalka wax ka soo gali karaan. KASTAMADA Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo gala kastamada dalku sida ku cad odoroska miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa laga doonayaa ; Kastamka Berbera 66% dakhliga guud ee kastamada in uu soo saaro oo u dhiganta = 1,091,420,969,165. Kastamka Kalabaydh 21% dakhliga guud ee kastamada in uu soo saaro oo u dhiganta = 349,042,357,141. Kastamka Zaylac 6% dakhliga guud ee kastamada oo u dhiganta = 94,993,358,272 Kastamka Airport Hargeisa 2.5% dakhliga guud ee kastamada oo u dhiganta = 40,255,703,160. Halkaasi waxa ka cad 95% in laga sugayo odoroska dakhliga afartan kastam , dakhliga guud ee laga sugayo dhamaan kastamaduna waxa uu noqonayaa = 1,642,245,360,896. CASHUURAHA BERIGA Cashuurta beriga saamiga ugu badani iyagana waxa uu ka soo baxa ; Hargeisa 67% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka. Berbera 19% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka . Burco 4.7% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka . Borama 4.6% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka Gabiley 2% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka . Magaalooyinkani waxa ka soo baxa dakhliga cashuuraha bariga dalka 97.2% dakhliga guud ee cashuuraha bariga dalka oo dhan = 353,226,644,648 halka uu ku talogalka sanadka 2021 na ahaa 378,676,457,417. Halka dalka inta kale oo dhami isku noqon doonto 2.8. Intaasi waxa soo raaca furitaanka Airportka Berbera oo laga yaabo in uu dakhli badan soo kordhiyo iyo casriyeynta marsada Maydh oo iyadana la filayo korodh dakhli in ay la timaado mustaqbalka. Laakiin intani oo kali ahi qaranka jamhuuriyada Somaliland uma noqon karto dhaqaale, waxaana lagama maarmaan ah in loo fekero in qaranka sidii dhaqaale kale loogu abuuri lahaa iyo ilihii la maal galin lahaa la baadi goobo mustaqbalka. Fiirogaara; waa dakhliga dawladda dhexe oo aanu ku jirin dakhliyada dawlaha hoose ee dalku. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  12. Human Rights Center condemns the arbitrary arrest of the comedian Idiris Sa’eed Mohamed, also known (Sayidka Barakaysan). On December 2, 2021, Idiris Sa’eed Mohamed, has been arrested by the Somaliland police. His arrest comes after a mock portrayal of the president; he was detained without warrant and due process of law. He brought to the court on 5 December 2021, and was remanded in to seven days as his family informed to us. In addition to that, on December 6, 2021, Mohamoud Mohamed Haji Ibrahim, got arrested in Burao after he published Facebook post criticizing the Somaliland ministry of interior. Article 25(1), in particular states that “No person shall be deprived of his liberty except in accordance with the law.” On the other hand, article 32(1) grants citizens the right to express opinions orally, visually, artistically or any other way. Moreover, Article 25(2) of the Somaliland Constitution dictates that “No person may be arrested, searched, or detained, except when caught in flagrante delicto, or on the issue of a reasoned arrest warrant by a competent judge”. Somaliland government should respect and adhere to the laws governing the country accordingly, and specifically to the Constitution of Somaliland. We call on the government of Somaliland to release the detainees immediately, stop arbitrary detentions and respect the freedom of expression enshrined in the constitution. Yasmin Omar Haji Mohamoud The Chairperson of Human Rights Centre, Somaliland Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  13. Warsaxaafadeed 09th December2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Jilaa Idiris Siciid Mohamed (Sayidka Bakaysan) iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano (Sayidka Barakaysan) oo ah jilaa dhalinyaro ah oo degen magalada Hargaysa iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo is na Burco degan. Labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa loo xidhay sababo la xidhiidha inay ra’yigooda cabireen. 2/12/2021, waxay booliisku Hargeysa ku xidheen, Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano Sayidka Barakaysan, kadib markii uu jilay oo uu duubay ruwaayad majaajilo ah taas oo uu baraha bulshada soo galiyay, isagoo sheegay inaanu cid gaar ah ula jeedin ee ay tahay uun wacyigalin guud. Xadhiga jilaagan loo ma adeegsan wax warrant sharci ah oo sababaysan, Idiris waxa la horgeeyay maxkamadda 5/12/2021 iyadoo loo jaray todoba cisho oo rumaan ah wuxuuna hada ku xidhan yahay xarunta danbi baadhsita ee CID, sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen. Dhanka kale 6/12/2021, waxa Burco lagu xidhay Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo ah nin dhalinyaro ah oo Burco degan, kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku dhaliilay Wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland. Xadhiga dhalinyaradani waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraal ah, hadal ah, gabey, suugaan amaba qaabkale. Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale reebaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (1) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu banayn”. Xaruntu waxa ay walaac weyn ka qabta xadhiga sharci darada ah een dastuurka waafaqsanayn oo Somaliland ku sii badanaya, mudooyinkan danbe waxa sii xoogaysanaya dadka loo xidhayo inay ra’ayigooda cabireen. Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah oo ay si degdeg ah usii dayso dhalinyarada xidhan, isla marka dastuurka dalka tixgaliso. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanaj Qaran News
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa war ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’adda ciidamada PSF, oo garab ka mid ah ay xiisad xooggan kala dhaxeyso madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF. Hoos ka aqriso qoraalka maxkamadda. KU: AG/Guud ee Ciidamada PFS S/Guuto Aamiin Cabdullahi Xaaji Khayr OG: Madaxweynaha Dowladda Puntland OG: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland OG: Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland OG: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland Anigoo tixraacaya qodobada xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland iyo Soomaaliya, sida qodobada soo socda:- (B) 289. (T) 290. (J) 291. (X) 305/306/307. Kuwaas oo tilmaamaya xariga, ganaaxa iyo ciqaabta Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland. Qodobadan soo socda waxay fiira gaar ah u lee-yihiin Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dembiyada ay galaan 308/309/310/311, qodobadaasi waxay qeexayaan Xilkaqaadista, Xariga iyo ganaax ay mutaystaan dhammaan saraakiisha ciidamada ee gala dembi in laga qaado Xilka, in Xabsi loo diro iyo in Ia Ganaaxo. Qodobada Xeerka ciidanka oo lala akhriyo qodobada dastuurka dowladda Puntland, sharciga iyo kala dambaynta wixii amardiido Dowli ah Ia yimaada ayaa lagu qaadayaa qodobada kor kuxusan. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida Ahna Illaaliyaha Sharciga, Dastuurka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka u yaalla. Xil Magacaabis iyo Xilkaqaadis waxaa iska leh Taliyaha Guud ee Ciidmada Qalabka sida ee Dowladda Puntland waana Madaxweynaha Dowladda Puntland. QODOBKA 1-AAD ee kala saraynta ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, cidkastoo ka hortimaada qawaaniinta, shaciga iyo kala dambaynta dowliga ah waxaa lalatiigsanayaa xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo Maxkamad ciidan oo Ia horkeeno cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Dowladda Puntland iyo ilaalinta Dartuurka sharciga ciidanka u yaalla. Cidkasta oo ku xad gudubta waxay la kulmaysaa ciqaab Maxkamadeed, qofkasta wuxuu Ia kulmayaa ciqaabta u dhiganta qodobada kor ku xusan. Waxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dembiyada Culus soo gudbinaysaa, kuna Amraysaa Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF S/Guuto Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr inuu ilaaliyo, masuuliyad dhammaystirana iska saaro Hubka, Gaadiidka, Dareeska iyo dhammaan hantida ciidamada PSF wax Bad ku jira iyo wax Beriyaalaba, isla- markaana uga guto waajibaadkiisa sida uu qabo dastuurka Dowladda Puntland ee dhawrista hantida Dowliga ah. S/GUUTO MAXAMUUD CABDI MAXAMED The post Maxkamadda ciidamada PUNTLAND oo amar culus dul-dhigtay hay’adda PSF appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay wax walba uga muhiimsan yihiin inuu meel-mariyo labadii sano ee muddo kororsiga. Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kororisga uu yahay mid xataa kala weyn in uu markale dib loo doorto oo uu soo laabto, maadama uu si buuxda u hubin waxa kasoo bixi doona doorashooyinka. “Aniga aqoon ayaa u leeyahay xaalad walba ayaa isla so marnay, wax walba waxaa uga muhiimsan in uu meelmariyo labadii sano, go’aankaas xataa in isaga uu madaxweyne soo noqdo waa uga muhiimsan tahay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dooda ka taagan kuraasta qaarkood iyo hadal haynta ka taagan ay tahay mid dabooleysa hanaanka qaldan ee doorashada iyo muddo dhaafkeeda, taasi oo uu sheegay inay si dadban ugu meelmarinayso muddo kororsiga uu rabo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “In kuraasta lagu mashquulo aniga waxaa u arkaa inay tahay istaraatijiyada ay wadato dowladda oo ujeedada tahay yaan la fiirin wax weyn oo haleysan, ha lagu mashquulo kursiga Yaasiin Farey iyo kursiga hebelow, markay qir iyo qir gaarto ha la fasaxo. Hadalkan ayaa imanaya xili ay doorashada Golaha Shacabka ka dhasheen cabashooyin badan oo la xiriira kuraas si gaar ah loogu xiray shaqsiyaas, ayada oo laga hor istaagay musharaxiin u taagna iyo nabaddoonadii saxiixahooda rasmiga laha. Inkasta oo ay socota doorashada haddana waxaa jira gaabis badan oo ku yimid jadwalka loo asteeyay, taasi oo muddo kale ugu sii daraya in madaxweyne Farmaajo uu sii dhex fadhiyo Villa Somalia, midaasi oo si adag uga horyimaadeen mucaaridka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Arrinta madaxweyne Farmaajo ‘xitaa uga muhiimsan in markale dib loo soo doorto’ appeared first on Caasimada Online.
  16. Deqa Dhalac poses for a portrait at her home in South Portland in 2018. Of becoming the city’s mayor this week, she said, “I’m…really proud of the fact that I’m going to be opening a lot of paths for other folks who look like me.” Deqa Dhalac saw it in their faces when she started campaigning. Some people, she says, seemed scared to open their doors when she knocked. Others saw her hijab and assumed she didn’t speak English. But Dhalac kept knocking and telling her story. And she says a lot has changed since those days back in 2018, when she first ran for City Council in South Portland, Maine — and won. On Monday she became the first Black mayor of the small city on the state’s Southern Coast. And she’s believed to be the first Somali American mayor in the United States. South Portland’s other city councilors, who are all White, elected her in a unanimous vote, heaping praise on Dhalac for her dedication to the community and thoughtful consideration of issues. Dhalac, 53, says her election shows what can be accomplished when people find ways to connect with each other instead of putting up walls. “People will always have some kind of reservation…but will get to know you, listen to you and see who you are through that,” she says. Given that Maine is the whitest state in the country, and that South Portland is 90% White, Dhalac knows her election sounds surprising to some. But she says that it shouldn’t be. And that’s one reason she ran for office in the first place. She hopes her election as mayor will inspire others to follow in her footsteps. “I’m…really proud of the fact that I’m going to be opening a lot of paths for other folks who look like me, especially our young community members, to say, ‘If this woman can do this, actually I can do that,'” Dhalac told the City Council last month after her nomination. “And also not only for immigrant, first-generation or Black people, but also young, White individuals who may have been afraid or don’t want to be a part of the civic duties that we all have. … I say, ‘Yes, if I can do this, yes, you can do it. We really, really need you, each and every one of you in this beautiful city of ours, to step up.'” Her election marks multiple milestones Dhalac’s inauguration is a milestone for Somali immigrant communities that have grown in size and become more established in states like Maine, Minnesota, Ohio and Washington. As that’s happened, more Somali Americans are taking on roles on local school boards and city councils — and also serving as lawmakers, like Rep. Ilhan Omar, D-Minnesota. Dhalac is the first Somali American mayor in the United States, according to New American Leaders, an organization that trains and encourages immigrants to run for office. But the organization says they hope she won’t be the last. Regina Phillips, left, speaks with Deqa Dhalac, right, at an Eid-al-Fitr celebration on July 9, 2016, in Westbrook, Maine. “Her leadership will certainly make a big difference not only in South Portland, but around the country,” said Ghida Dagher, the organization’s president. “She’s going to serve an example for Somali Americans across the country to step up and step into their own leadership journey. … It’s about owning their own power and potential in our democracy.” Dhalac’s election is also a historic first for South Portland, which has never had a Black mayor before, says Seth Goldstein, vice president of the South Portland Historical Society. Goldstein, who teaches history and leads historical tours in the area, says he’s happy to watch this new chapter in his city’s history unfold. “It’s very exciting, I think that it is reflective of the way that the community here is gradually changing,” Goldstein says. About 6,000 Somalis live in Maine, Goldstein said, thanks to a wave of migration that began in the early 2000s. Their arrival hasn’t always been met with open arms. In 2002, the mayor of Lewiston, Maine, drew national media attention when he wrote an open letter telling Somali immigrants not to come to his city. But Dhalac says the people she’s met in Maine have been welcoming, and in recent years she’s seen more Somalis and other immigrants taking on leadership positions in the state. In the past, she says, immigrants were more hesitant to run because they were focused on making ends meet and supporting their families. “I think we were always kind of afraid to get involved. … We were waiting on somebody (else) to do something,” she said. In 2018, Dhalac got tired of waiting. Trump’s presidency helped convinced her to run Dhalac fled Somalia in 1990, just before the country descended into civil war. After she immigrated to the United States in 1992, she says it wasn’t long before she started organizing fellow immigrants to become citizens and vote. But she’d never thought of running for office herself, until she came to a troubling realization. “No matter how important my work was, we were missing out at the decision-making tables,” Dhalac said Monday in her inaugural address. Deqa Dhalac speaks during a 2016 rally protesting comments by Donald Trump, who was then the Republican presidential nominee. After former US President Donald Trump took office, Dhalac told CNN she felt even more determined to make her voice heard. She joined protesters at a 2016 rally after Trump made comments denigrating Somali immigrants. The next year, she participated in a protest against White supremacy and drew cheers from the crowd when she declared, “I am a Muslim, Black immigrant woman, and I’m not going anywhere.” When an opening came up on the South Portland City Council, Dhalac says many people were pushing her to run. Once she got her family’s blessing, she started knocking on doors, doing what she could to connect with voters and win them over. In 2018, she ran against a local business owner and won, making history as the first African American and first Muslim elected to the council. In 2020, she ran unopposed for a second term. The city council selects from among its members who will be mayor, and in November, her colleagues unanimously supported her nomination. And on Monday, they voted to make it official. She’ll serve a one-year term. South Portland is home to about 25,000 people, making it Maine’s fourth largest city. It neighbors the larger city of Portland and is also home to the state’s largest mall and half of the Portland International Jetport. Dhalac’s major priorities for the city include improving its climate change response, increasing the availability of affordable housing and promoting diversity, equity and inclusion. Being on South Portland’s City Council isn’t a full-time job. Dhalac has a background in social work, and by day she’s the family engagement and cultural responsiveness specialist for Maine’s Department of Education. She also serves on numerous boards and is the mother of three adult children. Deqa Dhalac in 2018. She encourages other immigrants to become active in their communities. But no matter how much else she has on her plate, Dhalac says she always wants members of the community to feel comfortable coming to her with questions. And they do, Dhalac says. “Why is the construction taking too long? … Why does this person have a rooster next door? You name it.” There’s a Somali saying behind her leadership philosophy On Monday, so many people wanted to attend Dhalac’s inauguration that organizers had to move it to a larger auditorium. Dhalac says she’s grateful to community members who could have seen her as a stranger, but welcomed her instead. And that connection should go both ways, she says. She encourages fellow immigrants to leave their bubbles, too. “We’re living in the same space, so we should build relationships together,” she says. Members of South Portland’s City Council and staff give a standing ovation to Deqa Dhalac, the city’s new mayor. Dhalac points to a Somali saying: “What I am missing is within my brother or within my sister.” That, she says, means that in order to make the best decisions, leaders must consult with the community. In her inaugural address Monday, Dhalac pledged to keep an open mind as mayor “and listen with empathy, compassion, grace and understanding, so we can serve South Portland together.” The crowd gave her a standing ovation. CNN’s Hayley Wilson contributed to this story. Source: CNN The post A Maine city that’s 90% White now has a Somali mayor appeared first on Puntland Post.
  17. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee dowladda Puntland ayaa markii u horraysay war ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’adda PSF. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF. Halkaan ka akhriso Qoraalka Maxkamadda PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Puntland oo amar dul-dhigtay hay’adda PSF appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Baari ayaa markii u horeysay qiray in dowladda Soomaaliya uu hareeyay musuq-maasuq baahsan, islamarkaana ay tahay mid sax ah warbixintii ay kaalinta hore ka gashay ee wax isdaba-marinta. Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa inay xiligaan xooga saaran oo si gaar ah isha ugu hayaan musuq-maasuqa ka jira arrimaha doorashooyinka. Maxamed Baari ayaa soo jeediyay in guddiga uu baaris ku sameeyo qarashaadka ay musharaxiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ku bixiyaan doorashada, xili dhawaan ay soo baxeysay in guddiga doorashooyinka si gaar ah loo afgarto. Sidoo kale waxa uu dalbaday in dhamaan hay’adaha dowladda si dhow ula shaqeeyan gudigaas, isagoona sheegay saameynta uu musuqa ku leeyahay dalka ay tahay mid la dareemi karo. Hadalkan ayaa imanaya un maalmo kadib markii ay shaacisay hay’adda Transparency International in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseysa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan. Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka. Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay 1-aad, sida ay shaacisay Transparency International. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF oo qiratay arrin ay in badan diidanayed kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  19. Tartan Quruxda Geella oo ka socda Saudi Arabia+Shuruudaha tartanka & Tiknoolajiyada Garsoorayaasha Adeegsanayaan Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad casri ah In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga reebay ka dib markii la ogaaday in irba lagu muday si faruuruhu u waynaadaan islamarkana qaarkood loo soo marayay waxyaabah jirka lagu qurxiyo. Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdul casiis ayaa waxaa lagu bixiyaa abaalmarin qaali ah. Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar. Waxyaabah la eegayo tartankan waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer , San balaaran iyo kurus dheer. Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad “hormarsan” si loo kala saaro geela asalka ah iyo kuwa la isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo , sida ay sheegtay wakaalada wararka ee sacudiga. Dhammaan Geela tartanka laga soo qeyb galiyay ayaa waxaa marka dhammaantiis la galiyay meel lagu baaro oogada kore ee Geela iyo waliba iyo dhaqdhaqaaqiisa taasi oo ay sameynayeen khubaro arrimahan ku taqasusay. Waxaa sidoo kale Geela tartanka ka qeyb galayay la mariyay qalabak lagu baaro uur-kujirta iyo lafaha iyo waliba iyada oo laga qaadayay dhiiga hidda sidaha. 27 ka mid ah tartamayaasha koobka loogu talagalay geela Majaheem ayaa laga reebayaa tartanka ka dib markii la ogaaday in lafahood ay wax ka qaldan yihiin halka 16 ka mid ahna laga saaray tartanka ka dib markii la ogaaday in lagu muday irbad jirkooda wax ka badashay. Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxay sheegeen inay “aad ugu faraxsan yihiin in ay joojiyeen geela qurxinta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyay islamarkana waxay ballanqaadeen in mustaqbalka ay soo rogi doonaan ganaaxyo adag si looga hortago khiyaanada “. Khubrada ayaa intaa ku dartay in sanka, faruuyaha iyo madaxa qara ka mid ah Geela tartanka ka qeyb galayay lagu duray irbad si SankA iyo Faruuryahu u noqdaan kuwa ballaaran. Tartanka quruxda Geela ee King Abdulaziz Camel Festival ayaa ah midka ugu wayn caalamka. Ilaa 33,000 oo geel ah oo ka kala yimid meelo fog fog sida Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ayaa ka qeyb galaya tartankan. Tartanka ayaa soo bilaabmay 1-dii December, wuxuuna socon doonaa muddo 40 maalmood ah, sida ay sheegtay warbaahinta sacuudiga. Ilaa 100,000 oo dalxiisayaal ah ayaa sidoo kale la filayaa maalin kasta inay tagaan goobta xafladda oo 100km waqooyi-bari ka xigta caasimadda Sacuudiga ee Riyadh. Qaran News
  20. Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warqad Cabasho ah oo laga gudbiyay Wasiirka Wasaaraddaas Khadiijo Maxamed Diiriye. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu beeniyay Cabashada laga gudbiyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku saabsan in ay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda ku beddeshay kuwa iyada la hayb ah. Qoraalka waxa lagu sheegay in uusan jirin qof la hayb ah Wasiirka Khadiijo oo maalin ka shaqeeyay Wasaaradda Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo war ka soo saartay Cabasho laga gudbiyay Wasiir Khadiijo appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 84aad ee golaha wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta dood dheer iyo falanqayn ka dib lagu ansixyey miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban). Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay:  Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay sannadkan  Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan  Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay 44% sannadkan  Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladduna waxa korodhay 12% sannadkan  Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu waxay korodhay 41% sannadkan. Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda. Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose: Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, Xakamaynta sicir-bararka Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland. Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka. Xoojinta amniga. Qabashada iyo soo saarista biyaha. Ku-talogalka abaaraha. Xoojinta keydka qaranka. Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada. Dhiirrigelinta wax soo saarka. Deegaanka. Xoojinta ictiraaf raadinta. Kaabayaasha. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  22. Fadhigii 84aad Ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2022-ka Fadhigii 84aad ee golaha wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta dood dheer iyo falanqayn ka dib lagu ansixyey miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban). Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay:  Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay sannadkan  Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan  Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay 44% sannadkan  Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladduna waxa korodhay 12% sannadkan  Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu waxay korodhay 41% sannadkan. Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda. Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose: 1. Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, 2. Xakamaynta sicir-bararka 3. Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland. 4. Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka. 5. Xoojinta amniga. 6. Qabashada iyo soo saarista biyaha. 7. Ku-talogalka abaaraha. 8. Xoojinta keydka qaranka. 9. Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada. 10. Dhiirrigelinta wax soo saarka. 11. Deegaanka. 12. Xoojinta ictiraaf raadinta. 13. Kaabayaasha. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka. Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka. Qaran News