Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Qoraal kasoo baxay Midowga 9-kii December ayaa lagu yiri “Golaha wuxuu soo jeedinayaa in la hakiyo doorashada oo la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.” Sida aan xogta ku helnay Rooble ayaa aqbalay shirkaas, si ugu yaraan loo moojiyo in Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xaliyo tabashooyinka jira. Si kastaba, shirkan ayaa waxaa diidan qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya. Labadan madaxweyne goboleed, oo ah kuwa maamulladooda ay yihiin kuwa illaa hadda qabta doorashooyinka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, fadeexad culusna kala kulmay sida ay musuqeen, ayaa isku mashquulinaya safaro dibedda ah oo aan macno laheyn, waxayna sheegeen inaysan diyaar u aheyn shir Xamar ka dhaca. Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa si wanaagsan u wada qorshaha Villa Somalia ee ah in doorashadu noqoto mid loogu shubo madaxweyne Farmaajo ama khilaafka iyo muranka uu sii daba dheeraado, taasi oo muddo kordhin u ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday. Dhinaca kale, madaxweynayaasha kala ah Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni ayaa aqbalay shirkan, inkasta oo ayagana ay diidan yihiin qaar ka mid ah qodobada iyo shuruudaha kale ee Midowga Musharaxiinta. Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xog: R/W Rooble oo aqbalay qodob ka mid ah soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
  2. UNICEF on Friday called for urgent action to address Somalia's critical water needs due to the worsening drought in the Horn of African country. Source: Hiiraan Online
  3. The U.N. Security Council appears to be preparing to officially bring to a close the more than a decade’s long mission for international naval forces fighting piracy off the Somali Coast in East Africa. Source: Hiiraan Online
  4. Norway violated the human rights of a Muslim refugee from Somalia when authorities removed her child from her care and placed him with a Christian family, Europe’s top rights court held Friday. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU (HOL) - Somalia remains one of the most restrictive and hostile environments for journalists to operate in, a media campaign body had said calling for abolition of oppressive laws and adherence to international standards on media freedom. Source: Hiiraan Online
  6. Sida duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine ugu gudbi karo Dalalka Yurub Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa ka digay in haddii Ruushku go’aansado inuu ku duulo Ukraine, ay dhici karto in colaaddu u sii gudubto Yurub. Isagoo la hadlayay saxafiyiinta oo ay ku jiraan kuwa BBC-da, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yiri: “Yaynaan indha is tirin, haddii Ruushku bilaabo hindise cusub noocuu rabo ha ahaadee, wuxuu sidoo kale qaadayaa tallaabo ka dhan ah isbahaysiga NATO” “In loo maleynayo in dagaal lagu xakameyn karo hal waddan waxay noqon doontaa nacasnimo,” ayay raaciyeen. Walaacaas waxaa ka dhawaajiyay sarkaalka ugu sarreeya militariga Britain. Talaadadii, Taliyaha Ciidanka Difaaca, Admiral Sir Tony Radakin, ayaa u sheegay wariyeyaasha: “Ahmiyadda xaaladaha ugu xun marka loo eego duullaan buuxa waxay noqon doontaa miisaan aan lagu arag Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”. Admiral-ka ayaa ku tilmaamay ciidamada Ruushka ee la keenay xadka uu la wadaago Ukraine mid aad looga walaaco. Inkastoo Mareykanka iyo xulafadiisa Nato ay digniino ka soo saareen duulaan kasta oo uu Ruushku ku qaado Ukraine uu yeelan doono “cawaaqib dhaqaale oo ba’an, haddana waxaa weli socda ciidamada ay xukuumadda Moscow ay xuduudda ku soo daabulayso. Sirdoonka reer galbeedka ayaa ku qiyaasay in ciidamo rush ah oo gaaraya ilaa 100,000 oo askari ay horay ugu sugnaayeen meel u dhow xudduudda Ukraine, kuwaas oo wata taangiyo iyo madaafiic. Washington ayaa sheegtay in laga yaabo in ciidmadaas la sii kordhiyo oo la gaarsiiyo 175,000 dhamaadka Janaayo. Sarkaal sare oo reer galbeed ah ayaa sheeagay in ciidmada Ruushka ee xuduudda la soo dhoobay aysan haysan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin taageero dhanka saadka ah oo buuxda, kaydka rasaasta, isbitaallo iyo bangiyada dhiigga. Sidee dagaalku noqon karaa? Haddii uu Ruushku go’aansado inuu ku duulo Ukraine, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in dad aad u badan ay barakici doonaan. “Waxaan jiri doona tiro aad u badan oo qaxooti ah, dhimashaduna si waxayna noqon doontaa mid aad u badan waxaa sidoo kale burbur xooggani soo gaari doonaa Ukraine,” ayuu yidhi. Dagaalka ka qarxay bariga Ukraine sanadkii 2014 ayaa waxaa horay ugu dhintay 14,000 oo qof, waxaana ku barakacay dad lagu qiyaasay 1.4 milyan. Laakiin sarkaalku wuxuu sheegay in Ruushku uu sidoo kale bilaabi karo tallaabooyin ka dhan ah dalalka xubnaha ka ah Nato sida internetka iyo xitaa weerarro toos ah. Damaca Putin Reer Galbeedka wali ma cadda ujeedada Madaxweyne Putin. Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa ka digay in “qorsheyaal militari ay miiska u saaran yihiin Aqalka Kremlin” haddii dalabaadka Ruushka lagu qanci waayo. Inkastoo sarkaalku uu sheegay inay adag tahay in la yiraahdo kuwan dhamaantood waxay la xiriiraan istaraatiijiyad, haddana waxay muujisay inay jirto arrin ka taagan dhanka bari ee Yurubta Bari. Waxa uu sheegay in xaalada amni ee Yurub ay tahay mid aan horey loo arag tan iyo markii la riday daahii birta. Dalabka Ruushka, iyo xal dublamaasiyadeed Maraykanka iyo Nato ayaa si cad u sheegay inay doonayaan inay wadahadal la galaan Ruushka si looga fogaado colaad, sidoo kale Moscow waxay doonaysaa in wada hadalku sii socdo. Madaxweyne Biden ayaa kullan dhanka taleefoonka ah kula yeeshay madaxweyne Putin horraantii toddobaadkan waxa uu ahaa mid bilow ah waxaana xigi doona wadahadallo kale oo uu la yeesho xubnaha kale ee Nato. Laakiin dalabaadka Ruushka iyo waxa loogu yeero “khadka cas” ayaa dublamaasiyadda adkeynaya. Ruushka ayaa doonaya in loo xaqiijiyo in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto Nato; in xubnaha Nato aysan yeelan doonin ciidamo joogto ah ama kaabayaal saldhig u ah Ukraine; iyo in la joojiyo dhoolatusyada militari ee ka socda meel u dhow xadka Ruushka. Nato waxay ku adkaysanaysaa inay tahay isbahaysi difaac oo aanay khatar ku ahayn Ruushka. Laakiin xulafada ayaa sidoo kale si cad u sheegay in ay aaminsan yihiin in Ukraine ay xaq u leedahay in ay go’aan ka gaarto go’aankeeda qaran madax-bannaan, oo aysan diyaar u ahayn inay Ruushka siiso diidmada qayaxan ee mustaqbalka Ukraine. Qaran News
  7. Ma dhabaa in diyaaradihii dagaalka Turkiga ee Armenia lagu jabiyay la geeyay Soomaaliya? Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan. Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2. Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen. Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2? Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km. Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn. Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan. U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF. Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jiraan xooggaga Tigrayga. Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh. Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda. Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2 Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay hesho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu sameeyay. Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiisyo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya. Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaarinayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo. Qaran News
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. Xukuumadda Deni ayaa waxaa wada-hadallada ku matalaya wasiirka maaliyadda, Xasan Shire Cabdi, iyo wasiirka warfaafinta, halka Diyaano ay matalayaan odayaal, siyaasiyiin iyo ganacsato ay reer ahaan is-xigaan. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano. Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. Qodobka hubka iyo gaadiidka ayaa ahaa midka ugu xasaasisan, oo uu horey u diiday madaxweyne Deni, markii ay odayaal soo jeediyeen in dhammaan hubka iyo gaadiidka uu haysto Diyaano loo dhaafo, balse xalka ah in qeyb loo dhaafo ayaa u muuqda mid meel-dhexe ah. Qodobkan ayaa waxaa Khamiistii soo jeediyey 12 ka mid ah Isimada Puntland, oo qoraal ay soo saareen ku yiri “waxaan soo jeedinay; n hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyey xaalado adag.” Waxay sidoo kalemsoo jeediyeen inay dhaqangasho digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr. Dadaallada socda ayey u badan tahay inay dagaal ka badbaadiyaan magaalada Boosaaso oo toddobaadkii tegay qarka u istaagtay dhowr mar, waxaana la filayaa in heshiis rasmi ah lagu dhowaaqo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda PSF iyo DENI oo ogolaaday qodob xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga rug cadaaga ah ee Kenya Raila Odinga ayaa Jimcihii ku dhowaaqay inuu markii shanaad u tartami doono xilka madaxweynaha ee doorashada dhaceysa sanadka dambe, kadib bilooyin uu aamusnaa oo laga sugayey mowqif. Ku dhowaaqista Odinga oo 76 jir, sanado bandanna ahaa wejiga mucaaradka Kenya, ayaa timid ayada oo ay jirtay xan ku saabsan inuu madaxweyne Uhuru Kenyatta la galay heshiis uu ku xaqiijinayo inuu xilka ugu sarreeya dalka helo. “Waxaan halkan ku aqbalayaa inaan noqdo musharax madaxweyne ee doorashada dhaceysa 9-ka August 2022,” ayuu ku dhowaaqay Odinga, isaga oo intaas ku daray inay ka go’an tahay inuu dhiso “Kenya dimoqraadi ah oo horumarsan.” Odinka oo mar soo noqday ra’iisul wasaare, islamarkaana lagu naaneyso “Baba” ayaa weli ah shaqsi can ka ah siyaasadda Kenya, inkasta oo uu afar mar ku guul-darreystay doorashooyin madaxweyne, 1997, 2007, 2013 iyo 2017. Hase yeeshee sumcadda Odinga ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray heshiis qarsoodi ah oo la rumeysan yahay inuu la galay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Labada hoggaamiye ayaa isku dayey in la ballaariyo awoodaha fulinta ayada oo isbeddel lagu sameynayo dastuurka, lana soo kordhinayo xilka ra’iisul wasaaraha si uu Uhuru u noqdo, halka Odinga uu qaadan lahaa xilka madaxweynaha. Hase yeeshee qorshahaas oo loogu magac daray BBI ayaa waxaa ku gacan seertay maxkamadda sare ee Kenya. Odinga ayaa loolan adag la geli doona madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo 54 jir ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Odinga oo caddeeyey haddii uu mar 5-aad isku sharxayo madaxweyne iyo haddii kale appeared first on Caasimada Online.
  10. Waa maalin colaadu ay kow ahayd, maalin madow, maalin wixii dhacayay ninna uusan saadaalin karayn waxay noqonayso ciribtoodu! Waxay ahayd maalin murugada iyo dhiillada ay xambaarsantahay ay ka muuqatay in is-bedel ku dhici doon nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan,waxayna dhibaatada aad uga muuqatay dadka maxasta ah sida waayeelka, caruurta iyo weliba dumarka. Waa maalintii uu qarxay dagaalkii burburiyay wadankeenii bilicda iyo nabadda astaanta u ahaa! Dagaalku, wuxuu ahaa musiibo rabaani ah oo qornayd waxaase xaqiiq ah inuu Allah wax badan nooga naxariistay oo hadaan sidii aan u dambi badnayn naloo abaal marin lahaa cidna kama badbaadeen ciqaabta Allah laakiin In badan buu Alle noo saamaxaa. Dhibta wadanka ka dhacday waxay qaybta ugu weyni ku habsatay dumarka oo iyagu u nugul, murugada iyo walwalka colaadahii dhacayna ay meel walba ka hareeyeen, maadaama ay qoysna u dhalatay midna ay u dhaxday 31 Sano maalinkaas ka dib waxaa wali si is dabo joog ah u yeeraya baroorta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay sababeen inteeda badan duulka rag la yiri, mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdo iyo wixii kale ee laysu ahaadaba. DHibta dumarka gaartay waa mid aan la soo koobi karin oo noocyo badan waxaase ugu weyn sida marar badan la tilmaamo oo la wada ogyahay wax-barashada haweenka Soomaaliyeed oo mar kasta ahayd mid aan la siin mudnaantii ay lahayd, marka la garab dhigo dadaalka aalaaba la siin jiray wiilasha, iyadoo ay markii horaba taas jirtay baa haddana markii uu burburka yimid hakadkkii galay waxbarshada sababay inay la kulmaan dhibaatooyin badan sida shaqo aan ku haboonayn oo ay la daalaa dhacaan,iyo in hoos loo fiiriyo ama la liido taas oo kaga timaada dadyowga dalalka ay maganta soo bideen, sidaasooo kalana ragga ay u dhaxaan intooda aan xil-kaska ahayn iyo mararka qaarkood caruurta ay hooyada u yihiin oo aan iyagana garanayn qadariinta ay hooyadood mudantahay waxaana arrinta sii bari-taaray dhaqammada dalalka la yimid oo wax badan oo ka mid ah mudnaantii waalidka (Aabbe iyo Hooyaba) luntay…cajiib!.Markii qurbaha la yimid dadku waa qaybsamay ina-rag badidiis wuxuu u dhaqaaqay; shaqo ama wax barasho, qaybna noloshaa ka adkaatay oo u talisay oo naftoodiiba wax ma tarin tu kalana iskaba daa. Siday hooyo tahay ama ahaan jirtayba dumarkii waxay u qalab qaateen korintii, iyo ababintii dhallaanka, iyo inay daboolaan baahida ilmaha yar iyadoo aaminsan inay iyadu tahay aabo iyo hooyo maadaama aan ragga intooda badan la heleyn xiligii loo baahdo oo ay badankood la tahay inay shaqada ilmuhu hooyada ku gaar tahay sidii markii wadankii la joogay oo xitaa ciiddu caawinaysay hooyada. Waxaa iyadana xusid mudan in baahida guriga taal si dakhli iyo masaariif loo helo ay qasab ka dhigtay in rag badan ay guntiga u adkeystaan inay soo shaqeeyaan oo waqtigoodii badankiisa ay ku qaataan goobaha shaqada si ay u daboolaan baahida iyo adeegyada guriga laga rabo. Arintaasi waxay keentay dib u dhac ku yimaada horumarka hooyada Soomaaliyeed, waxayna saartay oo ku rartay culays baaxad weyn oo nololeed, waana midda keentay inay soo bataan dumarka isku buuqaya oo mararka qaarkood gaara heer khatar ah. Waxaa iyadana sare u kacay tirada hooyooyinka qurbaha ku nool ee ay ku dhaceen cudurrada dhimirka taasoo inta badan lala xiriiriyo dhibaatooyin xagga nolosha guriga iyo maamulka iyo ka war qabka ilmaha ka haysta isla markaasna aan wax kaalmo ah ka heleyn aabbihii ilmaha dhalay oo waliba mararka qaarkood ay dhici karto inuu gacan bannaanyahay. Meelaha qaarkoodna xaaladuhu waxay gaaraan heer ay hooyadu waxyeeleyso nafteeda ama nafta ilmaheeda yar. Sidaa aawadeed, dumarku dhib kastaba waa soo mareen , waxaase maanta la soo gaaray waqtigii ay raggu ka garaabi lahaayeen culeyska ay ku keli yeeleen dumarka, taasoo macnaheedu yahay inay ku garab istaagaan inay wax bartaan si aan u helno qoys caafimaad qaba oo aqoon leh ragooda iyo dumarkoodana ay door ka qaadan karaan horumarinta iyo dhismaha ummaddooda. Si taas loo gaaro ama ay u dhaqan gashana waxaa loo baahanyahay in nin walba (Ragga) uu marka hore saxo wixii horay uga khaldamay isagoo ka bilaabay inuu xaaskiisa iyo gabdhaha uu isaga dhalay ku dhiiri geliyo wax-barashada si ay u soo saaraan berri ayaguna awlaad wax baratay oo dhisa mustaqbalka dalkeenii quruxda badnaa, badbaadiyana jiilalka soo socda. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri xadith macnihiisuna ahaa; “qof kasta wax baa la raacshay oo loo diray waana la weydiin doonaa wixii loo diray ee la raacshay.” Markaa qof walba ha diyaarsho su’aasha jawaabteeda khaasatan ragga. Nabigu SCW wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kan reerkiisa u khayr falid badan aniguna waxaan ahay kan reerkiisa u khayr fala. Wuxuu kaloo yiri SCW waxaa dumarka karaameeya ninka kariimka ah, waxaana dhiba kan la’iimka ah amba ardaalka. Mar mar baan idiin cudur daaraa oo waxaan soo xasuustaa maahmaahdii carbeed oo macnaheeduna ahaa, qofna wuxuusan haysan ma baxsho. Macnaha nin aan isba jacayl ku soo korin oo aan la soo koolkoolin loogama fadhiyo isna inuu wax koolkooliyo laakiin bal koolkoolintu ha danbeeysee waajibaadka ay ugu horeeyso wax barida dumarka ku dadaala, oo saxa wixii horay u khaldamay oo bal isku daya inaad suubanaha ku dayataan suu uladhaqmi jiray reerkiisa iyo dhamaan mujtamacii loo soo diray waayo Rassuulka SCW waxaa noogu sugan ku dayasho. Waxan ku soo koobayaa Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Isku meelna ma joogaan mutacalinka iyo jaahilku waxaana u horeeya aqoonta diinta ka dibna tan maadiga ah waayo qof aan aqoon Allihii abuuray, amba aan kala aqoon xaaraan iyo xalaal amba aysan macnaba ugu fadhiyon diintu asna waa lumay kuwa uu gacanta ku hayana wuu lumin doonaa.Sidaa darteed cilmiga xaawaleydu waa muhiim waana badbaadiyaha ummadda ee yaan loo kala harin oo xasuusta dumarku agtiina waa ku qafaalan yihiin ee u fududeeya inay wax bartaan oo weliba ku garab istaaga kuna dhiiri galiya adinkoo Allahna ku raali galinaaya ubadkiinana u hiilinaaya si aan berri loo bahdilin dalkooda iyo diintoodana u difaacaan khaasatan hablaha. Ninkii gabar wax bara wuxuu wax baray ummad sababtoo ah gabadhu waa barre ama waa ababiye bulsho. DHAMAAD WQ: Yaasmiin M A sooyaan Caaliyatulhima@gmail.com The post Qofna wuxuusan haysan ma baxsho appeared first on Caasimada Online.
  11. PRESS RELEASE Day One of US-Africa Energy Forum answers ‘Why Africa & Why Now’ question Ministers and executives from across Africa’s energy industry emphasize that, ‘Africa is open for business’ as the future of the industry looks bright for foreign collaboration and innovation Access Multimedia Content HOUSTON, United States of America, December 10, 2021/ — After a strong opening to the US-Africa Energy Forum, ministers and executives dove into the age-old investment proposition, ‘Why Africa and why now?’ If one thing became clear from today’s keynotes and panel discussions, it is that ‘Africa is open for business!’ Recent changes in regulation and the restructuring of the industry across the continent is accelerating African energy for the better. H.E. Gabriel Mbaga Obiang Lima, the Minister of Mines and Hydrocarbons for Equatorial Guinea, emphasized the work that the nation has been doing to emerge as an energy leader in Africa. Equatorial Guinea is perhaps one of the best examples of US cooperation in African energy development. His Excellency stressed the importance of US-Africa energy collaboration as he announced that the country has signed a deal with Chevron and will soon be signing another deal with Marathon Oil. Hon. Abdirashid Mohamed Ahmed, the Minister of Petroleum and Mineral Resources of Somalia, discussed the petroleum law signed in 2020 that, “emphasizes principles of equality, openness, accountability and transparency.” The petroleum law was put in place to help align Somalia’s energy regulation with the desires of foreign investors and the country is excited to see the launch of hydrocarbon exploration. An example of state-owned enterprise driving energy transition is the work that SNEL is doing in the Democratic Republic of the Congo to provide renewable energy solutions in a country with one of the world’s lowest accesses to electricity. Earlier this year, SNEL announced a deal to build two solar facilities both with 100 MW of capacity. One of the points stressed by several panelists throughout the day is the need for a local approach to every step of the energy value-chain. Scot Evans, CEO of ReconAfrica, used his company’s work exploring the Kavango Basin in Namibia as an example; hiring a local workforce and training local talent is not only better enabling the communities ReconAfrica is working in, but it is also giving back to the community. Stephen Hightower, CEO of Hightowers Petroleum, asserted that another means to a local approach is through the implementation and development of mini-refineries with a capacity between 50-500 barrels each day. These mini-refineries will allow more rural and disconnected communities to access much needed diesel and solving for several different pain points in the distribution of power-generating resources. The American Petroleum Institute (API) hosted the final panel at USAEF2021 day one highlighting global standards and best practices for energy investment. Global Standards Strategy Associate at API, Bryan Allen, highlighted the need for more free trade agreements between the US and Africa to ease the process of energy licensing and stressed the significance of a ‘Africa collaborating’ over ‘Africa competing’ narrative. Virtual Delegate Passes are still available to view the sessions live. Register now (https://bit.ly/3IEBnUc) to watch Day Two of the US-Africa Energy Forum taking place in Houston, Texas. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. About Energy Capital & Power: Energy Capital & Power is the African continent’s leading investment platform for the energy sector. Through a series of events, online content and investment reports, we unite the entire energy value chain – from oil and gas exploration to renewable power – and facilitate global and intra-African investment and collaboration. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  12. PRESS RELEASE UNHCR organizes humanitarian evacuation of 176 vulnerable asylum seekers out of Libya Many are victims of trafficking or survivors of gender-based violence and other forms of abuse, with several just released from detention centres GENEVA, Switzerland, December 10, 2021/ — 176 vulnerable asylum seekers were evacuated from Libya today on a humanitarian flight to Rwanda, organized by UNHCR, the UN Refugee Agency. It was the second such flight to Rwanda this year, using the Emergency Transit Mechanism (ETM), the first having taken place in July. Those evacuated include men, women and children, including several young babies from Eritrea, Ethiopia, Sudan and South Sudan. Many are victims of trafficking or survivors of gender-based violence and other forms of abuse, with several just released from detention centres. “We are very happy that we were able to evacuate such large numbers of people today, especially the very young, who now have a chance to grow up in safety and live full and dignified lives. We also appreciate the co-operation of the Libyan authorities in facilitating this flight”, said Jean-Paul Cavalieri, UNHCR’s Chief of Mission for Libya. In Rwanda, the asylum seekers will stay at the Gashora-based Emergency Transit Centre, where UNHCR will provide them with accommodation, food, water, medical care, psychosocial support, and life skills training. UNHCR aims at helping them to find durable solutions such as resettlement to third countries, voluntary return where it is possible, or local integration in Rwanda. “It’s relieving to see more people evacuated to safety in Rwanda. We commend the leadership of this country and our supporters for their generous backing of efforts to revive the hope of the evacuees,” said Ahmed Baba Fall, the UNHCR Representative to Rwanda. A total of 824 refugees and asylum seekers have been so far evacuated from Libya to Rwanda under the Emergency Transit Mechanism since 2019. UNHCR is grateful for the resettlement pledges made available to the ETMs by third countries as well as the financial contributions from Austria, Denmark, the European Union, France, Malta, Norway and Switzerland. UNHCR was able to resume humanitarian flights out of Libya, which had been blocked for most of the year, in November. Since 2017, 7,490 refugees and asylum seekers have departed Libya through humanitarian evacuations or resettlement to third countries. SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  13. ARAGTIDII ABIY AHMED EE CIIDAMAYNTA GEESKA AFRICA EE DAWLADAHA SHISHEEYE MA WAX BAA ISKA BADELAY ? Raisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa aaminsanaa in gobolka Geeska Africa oo ay ku yaalaan ilaa toddoba saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye in ay khatar ku yihiin gobolka. Waxa uu hore u cambaareeyey saldhigyada dawladaha shisheeye ee ku soo badanaya gobolka , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ma doonayno in gobolkani noqdo garoon dagaal ( Battle field ) lagu dagaalamo oo ay ka jiraan saldhigyo ciidamo shisheeye. Xiligaasi oo uu dardar iyo niyadsamidii aragtidii isku-furanka Geeska Africa ee uu waday uu ku jiray ayaa waxa uu baaq dheer ku yidhi dadkayagu waxa ay u baahan yihiin nolol , nabadgalyo iyo xasilooni maadaama uu gobolkani la ildaran yahay barakac , macaluul ,dagaalo sokeeye , dagaalo argagixiso iyo afkaaro siyaasadeed oo gaboobay oo wata qoqob. Waxa aad loo hadal hayaa in dagaalkii uu hadda kula jiray ciidamadii huwanta ahaa ee jabhada oromada iyo xooga difaaca Tigray in looga soo gurmaday saldhigyada military ee ku yaalla Gobolka Geeska Africa qaar ka mid ah , sidoo kale lagu caawiyey diyaaradaha dagaalka , kuwa wax basaasa iyo hub casri ah oo uu ka helay dawladaha khaleejka , Turkey iyo Iran walow aan lahayn war rasmi ah. Waxa aragtidan sii xoojisay markii saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay dalka Turkey Somalia uu dalbaday diyaaradaha is wada oo la sheegay in lagu caawiyey ciidamada Turkeygu u tababaray jamhuuriyada federaalka soomaaliya , arimahani ayaa ah qaar aad u xasaasi ah xili gobolkani ay soo waajaheen xaalado dagaalo iyo colaadeed oo uu weheliyo dagaalkii lagula jiray argagixisadu. Dhinaca kale waxa aad moodaa in uu mar labaad hanqalka la soo kacay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay wada galeen dawladaha Abiy Ahmed, Afawerki iyo Farmaajo oo xaalad aan wanaagsanayn ku ahaa Gobolka Geeska Africa maadaama oo aanu jirin cadaw la isku baheystaa iyo ujeedooyin qasbaya in xulafooyin noocan ahi xiligaasi ka sameysmaan Gobolka Geeska Africa. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  14. Ehelada Hooyo Faadumo Cali Cismaan oo loo yaqaanay Faay Beeso ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay helaan cadaalad. Faay Beeso ayaa sakaa lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmada dharkiinley, iyadoo dilkeeda uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda. Dilka ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay askariga dilka geeystay iyo Hooyada la dilay, taas oo markii dambe ay Faadumo Cali ka hor geerideeda ay isku dayday in ay Askariga uga dacwooddo sarkaalkii uu ilaalada u ahaa balse askariga markii dambe uu ku furay hooyada rasaas sababtay in ay u dhimato. Ehelada Faadumo Cali Cismaan ayaa dalbaday in cadaaladda la soo hor istaajiyo askarigii ka dambeeyay dilkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Ankara (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan. Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2. Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen. Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2? Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km. Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn. Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan. U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF. Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jiraan xooggaga Tigrayga. Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh. Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda. Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2 Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay hesho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu sameeyay. Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiisyo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya. Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaarinayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo. Isha: BBC The post Ma dhabaa in diyaaradaha dagaal ee Drone-ka Turkiga la geeyay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Somalia’s National Army has received reconnaissance drones from Turkey this week, according to a well-placed military source. Source: Hiiraan Online
  17. Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Wada hadal dhex maray Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo ka dhawaajiyey in wararkaas yihiin ii dhehe suuqa la soo gashaday, waxaanu yidhi “Warka sheegaya in Maxamuud Xaashi iyo Madaxweynaha wada hadal dhex maray waa been iyo mala waal, dadka ii dheheda loo dhiibaa, meelahaas ka sheegaan. Maxamuud Xaashi iyo anigauba iyo deegaannada aanu ka soo jeedaa, waxa aan filayaa in ay Kulmiye kala caraabeen”. Xildhibaan Cabdilaahi Yusuf, waxa kale oo uu sheegay in Xeerka Ururrada Siyaasaddu uu Golaha Wakiillada horyaalo oo uu Madaxweynuhu ku soo celiyey, isaga oo xusay in Goluhu cod ku celin doono amma uu ka doodi doono qodobada wax ka beddelka ee uu codsaday Madaxweynuhu. Xildhibaan Cabdillaahi Yusuf Axmed, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Xildhibaannada ku dooddaya in Xeerkaas dhaqan gal yahay, isaga oo ka dhawaajiyey in Madaxweynuhu Xeerka Ururrada ku soo celiyey Golaha wakhtigii sharcigu siinayey. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la qabto doorasho, hase yeeshe ay kasoo horjeedan in la boobo doorashada. Waxa uu sheegay in Midowga Musharaxiinta uu doonayo in dib loo soo celiyo awoodii beelaha iyo hanaankii hufnaanta doorasho ee lagu heshiiyay, islamarkaana fursad siman la siiyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta. “Waxaa rabnaa in la soo celiyo odayaashii dhaqanka ee la garanayay oo guddi beeleedka loo dhaafo inay xulaan ergada oo si xor ah dadka u tartami karaan, oo aysan jirin malxiis iyo cid kursi loo xirayo ay jirin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Kuraastii la boobay ee dhowr iyo labaatanka aheyd wax laga qabtay illaa hadda majirto marka laga reebo labo kursi oo la yiri doorashadoodii ha lagu celiyo, intii kale waxba lagama qabanin oo waa kuraas habraaca loo marin oo boob ku timid haddana waa lagu sii socda.” Waxa uu intaas kusii daray inay rabaan in doorashada la hakiyo oo la saxo waxyaabaha qaldan, oo sida ay ku dhacayaan iyo habraacooda la isku wada raacsan yahay oo si hufan u dhacda. “Doorashada ha la dadajiyo anaga ayaa niri, laakiin ha la boobo ma dhihin, waxaa diidanahayna waa boobka. Doorasho har cad la is boobayo ayaa socoto, waxaa rabnaa doorasho daah-furnaan ah oo boobka la joojiyo.” Waxa uu intaas kusii daray in kuraasta soo baxay, gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka ay doorashadooda ku dhacday hab ka baxsan habraaca, islamarkaana ku dhisan boob ay qeyb ka yihiin maamulada dalka. “Anaga waxaa fursad siinay in wada-hadal iyo sixitaan la aado, haddii la diido in la qabto doorasho xalaal ah oo lagu tartami karo, waxaa ka tashaneyn sidii sharciyada lagu soo celin lahaa, wixii ka dambeeya haddana kalama hadleyno doorasho, waxaa qaadeyna waxa dadka Soomaaliyeed ku taliyaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku kala duwan yihiin habraaca iyo shuruucda, ayna midda Aqalka Sare uga aamusen ayaga oo madaxda maamulada ku takri-faleen, si hore loogu socdo doorashooyinka, hase yeeshe midda Golaha Shacabka ay ka madax-banaan tahay madaxda maamulada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post CC Shakuur oo sheegay nooca doorashada ay rabaan Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
  19. Fahiya Madey Mohamed fled her small farm in Burhakaba in southern Somalia’s Bay region after five of her eight goats died in the drought, the crops she had planted shrivelled, and they were unable to access water or food. Source: Hiiraan Online
  20. The two starving cheetah cubs squeak and tug at their string leashes in the white dust of Somaliland as a government vet pushes needles through the fluffy fur to drip-feed them liquid and nutrients. Source: Hiiraan Online
  21. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Sanyare Nuur oo Guur ka dalbaday Gabadhii Sodoh-diidka ahayed Gudoomiyaha Gobolka Mudug Sanyare Nuur ayaa guur ka dalbaday gabadhii sodoh diidka ahayd. Sababtoo ah Hooyadiis waahore ayey dhimatay “anigaa hooyadeey dhimatay ee haleeygu daro gabadhaan. intii mid hooyo leh ay isku wareeri lahaayeen. Ileen ma jiree nin Hooyo leh oo gabadhaan aqbali doona” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin in meesha laga saaro xuquuqda iyo xoriyadda muwaadiniinta oo xaq dastuuri ah. Waxa uu si adag u sheegay in khad cas oo aan laga gudbi karin ay tahay xoriyada muwaadinka, xilli doorashooyinka dalka ka socda qaar kamid ah muwaadiniinta lagu duudsiiyey xaqoodii sharciga ahaa. “Xoriyada muwaadinka waa waxay la’aantood u duntay dowladnimadeenu oo ay illaa hadda u soo noqon laadahay, waxaa rabnaa in aan sheegno in arrintaas ay tahay khad cas oo aan la aqbali karin in laga gudbo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. “Saraakiisha ciidamada, booliska ama nabadsugida waxay u taagan yihiin in amniga ay sugaan oo sharciga ilaaliyaan looma keenin oo looma abuurin in ay dad cabudhiyaan.” Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay xilligan lagu jiro doorashooyinka dhowridda xaquuqda aas-aasiga ah iyo in muwaadiniinta helaan fursad siman. “Diinteenu waa xaqiijisay xuquuqda dadka, Dunida oo dhan meel adag ayay ka taagan tahay ilaalinta xorriyaatka,” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay haddii la waayo xoriyaatka aas-aasiga ah ay ka dhigan tahay in dowladnimo jirin, taasi oo uu sheegay inay si adag uga soo horjeedan, ayna tahay lama taabtan in qofka xoriyadiisa laga qaado. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Sheekh Shariif oo sheegay khad cas oo aan laga gudbi karin appeared first on Caasimada Online.