-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdi Cali Raage oo ka mid ah musharixiinta golaha shacabka ee sanadkaan ayaa sheegay in xalay magaalada Kismaayo lagu xiray wakiilkiisi arrimaha doorashada. Raage oo ka mid ah lataliyayaasha Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay wakiilkiisa kala baxeen gurigii uu dagana, waaxa uuna sidoo kale sheegay in goordhaw laga soo musaafuriyay Kismaajo. Qoraallo is daba xiga oo uu soo dhigay Raage ayuu ku sheegay in xalay fiidkii wakiilkiisa xabsiga ay dhigeen ciidamada Jubbaland. “Xalay abaaro 8:00-pm ayaa la igu wargaliyey in xabsiga la dhigay Abdirahman Ahmed Sh Omar oo ah wakiilkayga ololaha doorashadayda ee Magaalada Kismayo. Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayo ilo xogogaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa muujinaya in Abdirahman loo xiray sababo la xiriira ololaha doorashadayda ee uu ka wado Kismaayo waxaana la ii xaqiijiyey in shaqsiyaad maamulka ka ag-dhow oo aan isku hayno kursiga Xildhibaanimo ay ku lug leeyihiin xiritaankiisa waana nasiib daro” ayuu yiri Cabdi Cali Raage. Raage ayaa kale sheegay in la keenay garoonka diyaaradaha Kismaayo halkaas oo laga soo masaafuriyay wakiilkiisa isagoo nasiib darro ku tilmaamay xarigiisa. “War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho, kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka koonfur galbeed ayaa sheegaya in gudaha magaalada dagaal saacado qaatay uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna ka mid ah Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo ay ku lahaayeen ciidamada dowladda, taas oo markii dambe keentay in dagaalka uu muddo saacado ah ka socdo xaafadda. Saraakiisha ciidamada dowladda Baydhabo ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxihi weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab. Inta la xaqiijiyay laba wiil oo walaala ah kana mid ah dadka shacabka ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, ma jirto cid si rasmi ah u faahfaahinsay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Puntland, kadib markii xubno ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ay soo jeediyeen in Somilanad lagu daro liiska argagixisada. Muuse Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray oo ay daris yihiin uu ku noqday mid lama filaan ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in untland ay ku wada nool-yihiin nabad iyo darisnimo laakiin ay arrintu markii hore ka socotay Xamar. “Lagama fileyn maanta halkaas ay ka qaaday Puntland awal hore Xamar way ka socotay taas iyo tu la mid ahi, laakin lagama fileyn Puntland oo aynu jaar nahay oo nabad aan ku wada nool-nahay oo dad iyo duunyaba aan is dhex-marno,” ayuu yiri Muuse Biix Cabdi. Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Somalililand ay jeceshahay in Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad, una duceynayaan markasta. “Waxaanu leenahay hadeynu nahay Qaranka Somalilland annaga waxaanu fidineynaa in Soomaaliya nabad loo doono gudahooda ka heshiiyaan annaguna aan u duceyno. Colaad kama rabno halkaa ay dhigeen waxa aan u dhigeynaa walaaltinimo inay gudahooda hagaajistaan,” ayuu markjale khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambeyn wuuxuu ugu baaqay Puntland inay ilaaliso nabadda iyo darisnimada, isaga oo sheegay inay wax badan ka dhexeeyaan Somaliland oo ay dano wadaag yihiin. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada todobaadkan gudihiisa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo ka qeyb-galayey furitaanka kalfadhiga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ay ku taliyeen in liiska argagixisada lagu daro Somaliland oo ay jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan dadkii shacabka ahaa ee dhowaan laga raafay maamulkaasi. The post Madaxweynaha Somaliland oo si kulul ugu jawaabay PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Puntland, kadib markii xubno ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ay soo jeediyeen in Somilanad lagu daro liiska argagixisada. Muuse Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray oo ay daris yihiin uu ku noqday mid lama filaan ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in untland ay ku wada nool-yihiin nabad iyo darisnimo laakiin ay arrintu markii hore ka socotay Xamar. “Lagama fileyn maanta halkaas ay ka qaaday Puntland awal hore Xamar way ka socotay taas iyo tu la mid ahi, laakin lagama fileyn Puntland oo aynu jaar nahay oo nabad aan ku wada nool-nahay oo dad iyo duunyaba aan is dhex-marno,” ayuu yiri Muuse Biix Cabdi. Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Somalililand ay jeceshahay in Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad, una duceynayaan markasta. “Waxaanu leenahay hadeynu nahay Qaranka Somalilland annaga waxaanu fidineynaa in Soomaaliya nabad loo doono gudahooda ka heshiiyaan annaguna aan u duceyno. Colaad kama rabno halkaa ay dhigeen waxa aan u dhigeynaa walaaltinimo inay gudahooda hagaajistaan,” ayuu markjale khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambeyn wuuxuu ugu baaqay Puntland inay ilaaliso nabadda iyo darisnimada, isaga oo sheegay inay wax badan ka dhexeeyaan Somaliland oo ay dano wadaag yihiin. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada todobaadkan gudihiisa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo ka qeyb-galayey furitaanka kalfadhiga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ay ku taliyeen in liiska argagixisada lagu daro Somaliland oo ay jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan dadkii shacabka ahaa ee dhowaan laga raafay maamulkaasi. The post Madaxweynaha Somaliland oo si kulul ugu jawaabay PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka sii dareysa ee wadanka Itoobiya, wuxuuna sheegay in isbedalka ka dhaca dalkaasi uu saameynayo Geeska Afrika. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in xasilooni darrada haatan ka jirta dalka Itoobiya ay saameyn togan iyo mid taban ku yeelan doonto gobolka oo dhan. “Dhacdooyinka Itoobiya si degdeg ah oo xiisaba leh ayey isku beddelayaan. Isbeddelka ka dhaca Itoobiya wuxuu saameyn togan iyo mid taban ku leeyahay Geeska Afrika oo mowjado xasillooni darri iyo xiisad siyaasadeed la daalaa dhacaya,” ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo oo saaxib dhow la’ah Abiy Axmed uu haatan soo wajahay walwal, isaga oo xusay inay meesha ka baxayaan ciidamada Itoobiya ee uu isku haleynaayey, si ay doorashada uga gacan siiyaan, sida uu hadalka u dhigay. “Famaajo walwal weyn ayaa haya, sababtoo ah wuxuu si wayn iskugu halleynayay in ciidanka Itoobiya ee Baydhabo, Gedo, Beledweyne, iyo kuwo uu maalmihii tegey Kulane ku sii gurayey Dhuusamarreeb ay doorashayoonka ku gacan siiyaan,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xasaradda ka taagan Itoobiya xittaa ay sidoo kale saameyneyso Isbahaysigii seddax geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo shaaca ka qaaday in uu dumaya xukunkii daba dheeraa ee kali-taliska ah. “Dhinac kale, walwal weyn ayaa haysta Isbahaysigii seddax geesoodka ahaa, sababtoo ah waxaa dumaya xukunkii kalitaliska iyo xarun dhexe ka taliska (Centralised) ahaa ee shaatiga wadaniyadda iyo shacabeynta (populism) ku dhisnaa. Maalmo adag oo xiisad iyo hubanti la’aan leh ayaa Gobolka ku soo wajahan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey. Itoobiya ayaa waxaa haatan ka jirta xiisad xoogan, waxaana dalka oo dhan lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka dowladda iyo Jabhadda TPLF. The post Sidee Farmaajo u saameynayaa isbedalka ITOOBIYA? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka sii dareysa ee wadanka Itoobiya, wuxuuna sheegay in isbedalka ka dhaca dalkaasi uu saameynayo Geeska Afrika. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in xasilooni darrada haatan ka jirta dalka Itoobiya ay saameyn togan iyo mid taban ku yeelan doonto gobolka oo dhan. “Dhacdooyinka Itoobiya si degdeg ah oo xiisaba leh ayey isku beddelayaan. Isbeddelka ka dhaca Itoobiya wuxuu saameyn togan iyo mid taban ku leeyahay Geeska Afrika oo mowjado xasillooni darri iyo xiisad siyaasadeed la daalaa dhacaya,” ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo oo saaxib dhow la’ah Abiy Axmed uu haatan soo wajahay walwal, isaga oo xusay inay meesha ka baxayaan ciidamada Itoobiya ee uu isku haleynaayey, si ay doorashada uga gacan siiyaan, sida uu hadalka u dhigay. “Famaajo walwal weyn ayaa haya, sababtoo ah wuxuu si wayn iskugu halleynayay in ciidanka Itoobiya ee Baydhabo, Gedo, Beledweyne, iyo kuwo uu maalmihii tegey Kulane ku sii gurayey Dhuusamarreeb ay doorashayoonka ku gacan siiyaan,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xasaradda ka taagan Itoobiya xittaa ay sidoo kale saameyneyso Isbahaysigii seddax geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo shaaca ka qaaday in uu dumaya xukunkii daba dheeraa ee kali-taliska ah. “Dhinac kale, walwal weyn ayaa haysta Isbahaysigii seddax geesoodka ahaa, sababtoo ah waxaa dumaya xukunkii kalitaliska iyo xarun dhexe ka taliska (Centralised) ahaa ee shaatiga wadaniyadda iyo shacabeynta (populism) ku dhisnaa. Maalmo adag oo xiisad iyo hubanti la’aan leh ayaa Gobolka ku soo wajahan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey. Itoobiya ayaa waxaa haatan ka jirta xiisad xoogan, waxaana dalka oo dhan lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka dowladda iyo Jabhadda TPLF. The post Sidee Farmaajo u saameynayaa isbedalka ITOOBIYA? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Wararka PP) — Geeddi-socodkii dimquraadiyadda ee maamulka goosashada doonaya ee Somaliland wuxuu ku dambeeyaay dowladnimo ku salaysan koox gancsato oo tartanka ka soo horjeedda, fursadaha ganacsigana isku kooba. Dooddani waa gunaanadka cilmibaaris ay qortay Dr Claire Elder oo ka tirsan London School of Economics, laguna soo daabacay International Affairs oo ay Oxford University Press u saarto Chatham House. Dr Claire Elder: “Dowladda geddisleyda ee Somaliland way wiiqday dumuqraaddiyaynta, way kobcisay kooxo ganacsato oo aan doonayn in lala tartamo.” Cilmibaaristu waxay bannaanka soo dhigtay sida dowlad gedidisley ahi (oligopolistic state ) ugu guuleysatay inay nabadda dhowrto laakiin wiiqdo dimuqraaddiyeynta iyadoo danteeda ku gaaraysa habka nabadgelyeynta (securitization). Dowladnimada noocan ahi waa mid ay suurtogaliyeen koox ganacsdato ah oo ka soo jeeda Hargeysa, fadhigooduna yahay Jabuuti. Dowladnimada geddisleyda ahi waxay aad u sii tisqaadday markuu uu Axmed Maxamed Siilaanyo qabtay talada maamulka Somaliland 2010-kii. Cilmibaaris daaha ka rogtay isku qoofalnaanta ganacsatada iyo siyaasiyiinta la jeeska ah Madaxweyne Muuse Biixi. Claire waxay ku doodday in Somaliland ka shidaal-qaadato taliska Ismaaciil Cumar Geelle oo marmar lagu tilmaamo inuu yahay ninka xukuma Somaliland saameynta uu ku leeyahay siyaasadda Hargeysa awgeed. Muddada dheer oo uu xisbiga Kumliye talada hayo ( 2010 ilaa hadda) waxaa sii kordhay musuqmaasuqa, yaraanta awoodda dowladda, iyo ku tiirsanaanta koox ganacsato oo ka faa’iidda canshuurta yar oo ay bixiyaan. Claire waxay kale oo ku doodday in Xisbiga Waddani uu yahay rajada keliya si loo soo afjaro dowladnimada geddisleyda. Ismaciil Hurre Buubaa, Wasiirkii Arrimmaha Dibeddaa Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka ay waraysatay Claire. “Somaliland weli dagaalkii SNM ayay ku jirtaa. Dowlad horusocod ah ayaa loo baahan yahay. Maskax xoreyn ku salaysani meel inama geynayso” ayuu Buubaa yiri. Hadalka Buubaa waxaa sii taageeray ku shubashadii dhowr doorasho oo ka dhacay degmooyinka Somaliland ka taliso, sida ay Claire qortay. Muuse Biixi kama madaxbannaana qowlaysato jeebkoodu qoyan yahay oo si bareer ah ugu adeegata hay’adaha dowladda. Dagaalladii sagaashamaadii ka dhacay waqooyiga ayaa keenay in Beesha Garxajsis, oo waagi hore wax ka dheefi jirtay habkii ismaamulka dadban ee Birtishaka (indirect rule), maamuli jirtay dhoofinta xoolaha iyo ganacsiga, ay noqoto beel la iska bahaystay, ayay Claire ku doodday. “Silaanyo ayaa aad u sii wiiqay awoodda Garxajiska” ayay qortay Claire. Cilmibaaristu waxay xustay sida sirdoonka Galbeedku uga caawiyeen Muuse Biixi Cabdi inuu ku guuleysto tartanka madaxweynanimada sanadkii 2017-kii “mowqifkiisa la dagaallanka argagixisada awgiis” ayay qortay Claire. Waxay isweyddiisay halka siyaasadda Somaliland u socoto maadaama deeqbixiyeyaashu meelo kale ay hadda mudnaanta siinayaan. Dr Claire Elder waxay intii u dhexeysay 2012 iyo 2017kii gorfeeye u ahayd International Crisis Group. Waxay buuggeeda qalinjibinta ka qortay dhaqaalaha siyaasiga iyo colaadda Soomaaliya ka jirtay. Waxay muddo dheer ku sugnayd Hargeysa si ay u samayso cilbimaarista salka u ah warqad cilmiyeedkeeda. © Puntland Post, 2021 The post Cilmibaaris soo Bandhigtay Dowladda Geddisleyda ah ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad xamuul siday ayaa goordhaweyd ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Diyaarada ayaa saaka ka tagtay magaalada Muqdisho, waxaana dab qabsaday markii ay ka soo degaysay garoonka diyaraadaha Doolow. Ilaa iyo haddana lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay gubashada diyaarada. Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalo iyo sawiro muujiya diyaarada oo ku gubanaysa dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka. Diyaarada gubatay ayaa nooceedu ahaa C-160, waxaana wararku sheegayaan in ay u rarnayd hay’adda WFP. PUNTLAND POST The post Diyaarad ku gubatay Doolow appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (HOL) - Puntland's government has banned the use of drones in the region, which it says is posing a significant security issue. Source: Hiiraan Online
-
Dagaalka xukuumadda Abiy Axmed iyo Tigeyga, oo hadda maamulka Adis Ababa talada u yaabo, dalkana kusoo rogay xaalad degdeg ah, oo la leeyahay “Ma beri ayuu dhici doonaa mise maalinta xigta”, waxaa uu bilowday 4-tii November 2020, muddadaas sanadka ah ee uu dagaalka socday waxaa lagu dilay kumannaan dad ah iyada oo la sheegayo in half milyan ay barakaceen. Dagaalka uu labada dhinac isku eedeeyeen adeegsiga ciidamo ajnabi ah, waxaa ku gacan sareeya the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ka kooban afar urur kuwaas oo dalkaas qabsaday, xukuumadna dhisay 1991-dii. TPLF waxaa la aasaasay 1975, kooxdan oo aheyd ardeyda Tigrayga ee Jaamacadaha Adis Ababa waxaa ay ka kaceen dhibkii boqortooyadii, iyada oo Tigreyga ay horay dagaal ula galeen boqorkii Amxaarada ee Haile Selassie 1943-dii, laakin waa uu soo afjaray isla markiiba ilaa ay dib usoo laabteen sideetamayadii qarnigii tagay, kuna guuleysteen in ay xukunka ka tuuraan Mengistu Haile Mariam iyo Dergaha yimid Haile Selassie kadib, kana taliynayey Itoobiya 1974 ilaa 1987. Tigeyga waxaa ay xukunkooda Itoobiya heysteen 28 May 1991 ilaa 2018. Tigrayga markii ay talada qabsadeen 1991-dii, waxaa ra’isul wasaare dalkaas ka noqday Meles Zenawi, isaga oo jagadaasi hayey ilaa uu ka geeriyooday 2012-kii, in kasta oo muddadaas uu hal xisbi ka talinayey hadana Itoobiya ma aheyn shuuci sida jabhadda ku bilaabatay ee waxaa ay u wareegeen xukun dimoqoraadi ah, oo xisbiyo badan, lehna nidaam federal ah oo qowmiyado ku dhisan. Halganka Tigeyga: Tigeyga waa qowmiyad dhib badan, oo xukun doon ah, Oromadan ayaa ku cusub ma ahee, waxaa ay xukunka Itoobiya isku heysan jireen waqti dheer qowmiyadda Amxaarada oo saldhigoodu ahaa Shawa, oo tusaale ahaan markii inta u dhaxeysay 1872 iyo 1889 uu xukunka qabtay YOHANNES IV( Yuhanaska 4-aad) oo Tigray ahaa, waxaa ay rajo soo gashay qowmiyadda, oo marka kale talada qabatay, isuna diyaariyey maamul waqti dheer, laakin markii Yuhanas lagu dilay dagaaladii Mahdiyiinta ee Suudaan, waxaa talada dalka dib ula wareegay Amxaarada, iyada oo uu xukunka qabssaday Menelik II( Minilika 2-aad) kaas oo fadhugiisu ahaa Shawa, isaga oo markii dambe dhisay caasimadda Adis Ababa. Dagaalkan cusub ee sanadkan jirsaday ee u dhaxeeya xukuumadda uu ka taliyo ninka Oromada ah iyo Tigrayga waxaa la rumeysan yahay in aanu istaagi doonin, oo Abiy Axmed inkasta oo hadda marar badan ku baaqay wada hadal laakin waa mar uu sanad waday xasuuq iyo bartilmaameedsiga qowmiyadda, taasi oo keentay in maalinba magaalo qasadaan, ilaa hadda ay Mareykanku sheegeen in xaaladdu Qatar tahay, oo aan dalka la isu safri karin, isaga oo uga digay dadkiisa. Tigeyga keliya rajo kama qabaan xukunka, ee waxaa uu sahlaya hankooda, waa kuwa ugu badan ee ku jira ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, waxayna heystaan meelo badan oo dowladda ah, wayna u sahlan tahay in mar kale ay maamulka la wareegaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah magaaladaas oo xarun u ah gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bar-koontarool oo ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee Baydhabo, kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in iska hor imaadkaas ay ku dhaawacmeen carruur walaalo ah, sidoo kalena uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare lixaad leh gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaan xaafado ka tirsan degmada Baydhabo iyo duleedkeeda howl-gallo kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka. Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka, waxaana weeraro & dilal ka fulisa kooxda Al-Shabaab. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Baydhabo + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
A damaged tank stands abandoned on a road near Humera, Ethiopia, Nov. 22, 2020. / Eduardo Soteras/AFP via Getty Images The Biden administration is ending Ethiopia’s special trade status under U.S. law — the latest penalty imposed on the Ethiopian government amid its ongoing war with the Tigrayan People’s Liberation Front, the regional force that once controlled the federal government. The decision, announced Tuesday by the White House, comes amid an expansion in the conflict, which has its anniversary Wednesday. The U.S. special envoy for the Horn of Africa warned it could spill out into a wider civil war, threatening even more suffering for the Ethiopian people and more instability in the region. To halt that expansion and push both sides to negotiate, the administration has prepared targeted U.S. sanctions against figures on all sides, according to two sources familiar with the plans. The State Department has also prepared a declaration that the Ethiopian government’s atrocities against Tigrayans constitute a genocide, both sources said, although it’s unclear whether Secretary of State Antony Blinken will sign it and when. A State Department spokesperson declined to speak to a possible genocide declaration, but told ABC News they are “deeply alarmed by the continuing violence in northern Ethiopia” and “undertaking a review of available facts to assess whether atrocity crimes have been committed.” Every side in the conflict was been accused of atrocities, including rape and sexual assault, executions, displacement and the destruction of hospitals, farms and food stores. On Nov. 3, 2020, Prime Minister Abiy Ahmed launched a campaign against Tigrayan forces after weeks of tension over regional elections and years of animosity. The TPLF, the Tigray region’s powerful political party and military force, dominated Ethiopian politics for decades until Abiy’s election in 2018. Federal troops under Abiy were joined by forces from the neighboring country Eritrea, also long at odds with Tigrayan forces, and the neighboring region Amhara — a regional conflict that soon escalated ethnic tensions across Africa’s second most populous country and among its diaspora around the world. The Biden administration has tried to use diplomatic tools to ease tensions and urge negotiations, deploying visa restrictions against officials in May and launching a sanctions regime in September without targeting any officials just yet. While those first sanctions could come soon, it’s the suspension of Ethiopia’s trade status under the African Growth and Opportunity Act on Tuesday that marked a new step. In a message to Congress, President Joe Biden said Ethiopia’s “gross violations of internationally recognized human rights” made it ineligible for AGOA under the law. The suspension is required under U.S. law, but it is also seen as another warning shot across Abiy’s bow — with a potentially strong economic impact on the country, which exports between $100 million and $200 million to the U.S. each year, according to various estimates. But it won’t take effect until Jan. 1, 2022, so Ethiopia can still reverse the decision before its implementation, according to Ambassador Jeffrey Feltman, U.S. special envoy for the Horn of Africa. “It’s not too late to retrace our steps toward the path not taken, but the change in direction must occur in days, not weeks,” he said Tuesday. Events on the ground, however, show the war is heading in the opposite direction. Abiy’s government declared a national state of emergency Tuesday amid concern that the Tigrayan Defense Forces may move on the capital Addis Ababa after seizing towns just 160 miles to the northeast, according to the Associated Press. Ethiopia’s Ministry of Trade and Regional Integration criticized the Biden administration’s decision, saying that it was “extremely disappointed” and that the move will “reverse significant economic gains in our country and unfairly impact and harm women and children.” “We urge the United States to support our ongoing efforts to restore peace and the rule of law — not punish our people for confronting an insurgent force that is attempting to bring down our democratically elected government,” it added in a statement. But Feltman made clear the U.S. sees Abiy’s government as part of the problem here, in particular because its “unconscionable” blockade on the Tigray region since June has led to shortages of food, medicine, fuel,\ and cash. Some 900,000 people are facing famine-like conditions in the region, according to U.S. estimates. The United Nations has estimated that 2,000 trucks of aid are needed per month to deal with the humanitarian crisis, but just 1,100 trucks have entered in total since the beginning of July — 13% of what’s required — per Feltman. “Without question, the most serious obstacles are intentional government delays and denials,” he added during remarks at the U.S. Institute of Peace. “This unfortunately suggests an intentional effort by the authorities to deprive Ethiopians who are suffering of life-saving assistance. … No government should be adopting policies or allowing practices that result in mass starvation of its citizens.” Feltman was also quick, however, to condemn the TPLF, especially for its “unacceptable” offensives into neighboring Afar and Amhara regions that have worsened the humanitarian situation. He urged them not to march on Addis, too. That delicate balance — calling out each side without appearing to take sides — may have hampered the U.S. response to this fast-evolving conflict. In June, the then-top U.S. diplomat for Africa, Robert Godec, told Congress the State Department was conducting a review for a genocide determination. “We have this fact and law-based review underway. We have pushed it at a very accelerated pace, and it is far advanced. The Secretary needs to make a decision, and when he’s ready, I’m sure that will happen,” acting Assistant Secretary Godec told the House Foreign Affairs Committee in a statement. Since then, however, there has been no determination. That’s in part, according to one source, because of U.S. concerns about Tigrayan Defense Forces’ atrocities since it launched counter-offensives in June — and about a perception in Addis that the U.S. supports the group over the federal government. Feltman declined to speak to a genocide determination Tuesday, but he rejected that perception forcefully. “This could not be further from the truth. We have consistently condemned the TPLF’s expansion of the war outside Tigray, and we continue to call on the TPLF to withdraw from Afar and Amhara,” he said. The UN human rights office will issue a joint report with the Ethiopian government’s human rights commission on Wednesday — the only official investigation into possible war crimes that Abiy’s government has allowed, although it has already been accused of trying to limit the report, according to the Associated Press. Feltman said the U.S. would look to the report as it makes its own determinations about possible war crimes or genocide, adding, “The Ethiopian people who have suffered are going to want to see some kind of justice, some kind of reckoning for the horrors that they’ve been through because of this needless conflict, and we will be looking to encourage the type of accountability and justice that the Ethiopian people have every right to expect.” He was clearer that the U.S. has sanctions ready to go against figures from each side: “The United States is prepared to pursue the first sanctions… against those fueling this crisis and obstructing humanitarian operations, and we will be targeting all parties implicated,” he said. To date, the U.S. has only sanctioned Eritrea’s top military official, Gen. Filipos Woldeyohannes, for his forces’ human rights abuses. Feltman said Tuesday Eritrean troops have played an “extremely damaging and destructive role” and are responsible for “some of the absolute worst, most horrifying human rights violations.” But it’s unclear what kind of impact these diplomatic tools will have on either side. While Feltman said the conflict will end in talks no matter what — and the leaders should spare the Ethiopian people by talking now — it seems clear from the continued blockade and the TPLF offensive that each side still believes they can win a military victory. Source: ABC News The post After ending Ethiopia’s trade status, US weighs sanctions, genocide designation over Tigray war appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Itoobiya, ayaa maanta wuxuu u noqonayaa maalintii koowaad, kadib markii lagu soo rogey xaalad deg deg ah, kaasoo socon doona muddo dhan lix bilood. Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan. Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada. Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa. Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage oo haatan ah La-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in Kismaayo lagu xiray wakiilkii u qaabilsanaa dhanka ololihiisa doorashada oo abaabul xoogan ka wada deegaanada maamulka Jubbaland. Cabdi Cali Raage oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in xalay uu xabsiga ku hoyday ninkii u qaabilsanaa ololihiisa doorashada xildhibaanimo ee Kismaayo, isla-markaana saaka la geeyey garoonka magaladaasi, si loo soo masaafuriyo. “Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in arrintan ay horseedeyso in Kismaayo aysan ka dhici karin doorasho lagu kalsoon-yahay, sida uu hadalka u dhigay. “Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay,” ayuu sii raaciyey Mr Raage. Halkan hoose ka aqriso:- War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga. Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan. Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay. Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo. In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah. The post Madaxii doorashada ee Cabdi Cali Raage oo ‘laga soo musaafuriyey’ Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
General Tsadkan Gebretensae -Waxa markii labaad ee noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wado buuraha Tigray janan ka tirsanaa milatariga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal. Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraagu ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga. 68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam. Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda. May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu. Ciidamadii Mengistu Haile Mariam ayaa laga adkaaday 30 sano ka hor. Ciidamadii Mengistu Haile Mariam ayaa laga adkaaday 30 sano ka hor. Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda. Duulaankii Gedo Somaaliya. Todobadii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal. Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK. Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggani ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas. Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir. Xilka ayaa laga qaaday. Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo ka mid ah hogaanka TPLF. Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah. Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-saydhay Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei. Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. In muddo ah, waxa uu jananku la qabsan la’aa noolasha shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray. Soo dhoweyntii Abiy Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy. Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu iskaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aanay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka. Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle. Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka ka dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta. Dhalinyaro badan oo ka cadhaysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo hore u diidanaa nidaamka TPLF. Dowladda Itoobiya oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto. Maxaa sahlay soo rogaal celinta TPLF? TPLF: Waxaan ku wajahanahay gobolka Amxaarada iyo Eritrea Halkuu marayaa hirdanka TPLF ay kula wareegayso gobolka Tigray? Guulaha milateri. Jabhad iska caabin oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya. Jen Tsadkan ayaa kamid ah taliska dhexe ee jabhadda, waxaana uu dowr muuqda ku leeyahay hawlgallada milateri. Kumannaan qof ayaa lagu dilay colaadda Tigray.. . Bishii January waxa uu jananku sheegay in “jabhadda ay xaaladdu ku adag tahay.” Waxaa lagu baacsanayay buurleyda Tigray, dagaalyahannada jabhaddana waxa ay wateen hub fudud. Balse si layaab leh ayay ugu soo rogaal celiyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ee is bahaysanaya. Jananka ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada dagaalyahannada kaga dhintay colaadda. Muddo afar bilood ah, dagaalyahannada jabhadda ayaa isku garab waday tabar iyo dagaallo toos. Jen Tsadkan iyo taliyayaasha kale ayaa go’aamiyay in xooggagoodu ay si wanaagsan isaga caabin karaan cadowgooda. 17-kii June, xooggada TDF ayaa qaaday duulaan dhinacyo badan leh, waxaana ay shaaciyeen inay cagta mariyeen qeybta sideedaad ee ciidamada milateriga Itoobiya, sheegashadaas oo ay beenisay xukuumadda Addis Ababa. Jananka iyo Xoogaga TDF ee uu Hogaaminaya ayaa si watay weerarada xoogan ee kula jiraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa qoomiyada Axmaarada oo is garabsanaya, iyago ka saaray dhamaan Ciidamada itoobiya Degaanada Gobolada Waqooyi ee Gobolka Tigray. Kumay ekaan oo kaliya Xoogaga TDF inay dib u qabsadaan Deegaanada Gobolada Tigray oo kaliya ee waxay shegeen in ay sii wadayaan Dagaalka ay kula jiraan waxay ugu yeedhaan Madaxda TDF Cadawga shacabka Tigray ee kuso duulay shicibkooda ee uu Hogaamiyo Abiy Ahmed. Dagaalo qadhaadh oo lagu hoobtay ayay iskaga horyimadeen Difaacyadii Adkaa ee Ciidmada Dawlada Itoobiya, iyago saacadihii u danbeeyay ee Todobaadkana Caasimada Itoobiya ee Adis-Ababa u jira ku dhawaad 100km oo ay hore u balanqaadeen in qabsan-donaan. Source
-
Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inaanu Faysal ahaan, wareejinayn gudoomiyaha xisbiga UCID. Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Warabe ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, uu qorsheeyey in doorashada madaxtooyada ee sannadka danbe wakhtigeeeda uu ku qabanayo. Waxaanu guddoomiye Faysal Cali Waraabe sidan ku sheegay wareysi uu siiyay idaacada Voa Guddoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Anigu doorkan ma wareejinayo, maxaan ku wareejiyaa? Yaan u dhiibaa? Yaa kaadir ah oo xisbi ka soo shaqeeyay? Ma ragga aanu hadda dhisayno ee aanan weli tijaabin ayaanu wareejinaynaa, mise qof hadda nagu soo biiray oo aanan garanayn ayaanu ku wareejina?. Kelmada wareeji waa ceeb, adduunka meel aan Somaliland ahayn oo ay ka dhacdaana ma jirto, waxa la wareejiya xisbigu marka uu guulihiisa gaadho ayaa la wareejiyaa” Faysal waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu uu doorashada madaxtinimada wakhtigeedii ku qabanayo oo aanay dib uga dhacayn.“Adduunku lacagta inta hadhay ayuu bixinayaa, marka madaxweynaha waxa aan ku boorinayaa oo aan ku tusaalaynaa, uguna hanbalyaynayaa, labadii uu qabtay ee uu kharashka ku bixiyay, imikana doorashada wakhtigeeda ku qabanayo taariikhda ayuu galayaa, madaxweynihii u horreeyay ee aan korodhsan buugayga taariikhda ayaan ku qorayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho” Source
-
(SLT-Addis ababa)-Safaaradda Mareykanka ee Dalka Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay digniin u jeedisay muwaadiniinteeda Dalkaasi ku nool oo ah inay yareeyaan isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa magaalooyinka dalka Itoobiya. War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Itoobiya ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa. Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Itoobiya inay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda, ayna dib ugu laabtaan Dalkooda Mareykanka Source
-
Golaha wasiirada dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalka, xilli cabsi laga qabo in xoogagga Tigrayga ay dagaal ku soo qaadaan magaalada Caasimadda ah ee Adis Ababa. Ciidamada TPLF oo dhankooda u soo ruqaansaday Adis ababa ayaa Mareykanku ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan dagaal ka dhaca Adis ababa. Xaaladdan Deg degga ah ee lagu soo rogay dalka ayaa lagu xakameynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gobalada Itoobiya iyo in dadka dalkaas ku sugan ay safaro dibadda ah u baxaan. Mareykanka ayaa howl wadeenadiisa safaaradda iyo muwaadiniintooda ku sugan Itoobiya ugu baaqay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqoda. TPLF ayaa qorsheyneysa in ay maalmaha soo socda dagaal kula wareegto magaalada Adis abaaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#239 kaasoo uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed. Guddiga ayaa sheegay in uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo ah xildhibaankii hore ee kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo labada November inta guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaadhayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas. Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa doorasho ka dhacday xarunta Tababarka Booliiska ee General Kaahiyr kursiga dacwadda laga keenay isagoona noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha shacabka 11-aad. Source
-
Rahmo Hussein Dhubow, a single mother of five, is concerned for the well-being of her children after floods resulting from two weeks of rain in Jowhar, southern Somalia, destroyed their toilet and part of the wall of their house. Source: Hiiraan Online