-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Shabaab. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Shabaab, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Shabaab ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka. Taliska CXDS wuxuu caddeyay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Shabaab ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay fuliyay ballan-qaad culus oo uu horay ugu sameeyay shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, kaas oo la xiriiray furitaanka waddooyinka xiran. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo tallaabadii ugu horreysay ayaa qaaday ayaa fura waddada muhiimka ah ee gasha Isbitaalka Digfeerm kana timaada dhinaca Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha. Sanado badan kadib oo waddadan la furay ayaa waxaa durbadii soo dhaweeyay shacabka, waxayna u mahadceliyaan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. “Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaan leeyahay aad ayaan u mahasan tahay waan ka haynaa waddadii koowaad waa noo bilowday waddooyinka ku xiga ee aad muhiimka noogu ahna noo fur” ayuu yiri mid kamid ah dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. Sidoo kale furitaanka waddadan ayaa kaalin wayn ka qaadan kartaa, yareynta ciriiriga iyo jaamka ka jira isgoyska Tarabuunka oo ay ku kulmaan afar jid oo waawaayn, taas oo mararka qaar keenta in jaam badan uu galo Taraboonka, oo ah waddo hal bowlo ah. Sida qorshuhu yahay waddooyinka kale ayaa iyaguna dhawaan laga qaadi doonaa dhagxaanta, waana qorshe ay si wadajir ah u wadaan gobolka iyo xukuumadda. “Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu horay u yiri Muungaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay. “Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xarunta Villa Soomaaliya ka furmay shirkii 4-aad ee loo ballansanaa, una dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo marxalada adag ee dalka uu ku jiro iyo khilaafaadka taagan. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa u dhan mucaaradka, waxaana hoggaaminayo Madaxweyne hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo uu qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha, si loo sii amba qaado wada-hadalladii soo socday. Labada dhinac ayaa weli isku hayo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobkiisa Chapter 4 ee isbeddalka lagu sameeyay iyo hannaanka doorashada 2026. Sida ogaatay Caasimada Online, Mucaaradka qaar ayaa doonaya in Madaxweynuhu si duuduub ah uga tanaasulo Chapter 4, kadibna dib loogu laabto dastuurkii 2012-ii. Shirkan kahor siyaasiyiinta mucaaradka ayaa yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay isaga xog wareysteen qodobada ay la shir tagayaan iyo haddii ay waayaan sida ay wax u doonayaan wixii ay sameyn lahaayeen. Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan, si xal loogu helo qodobada la’isku hayo, horana loogu sii amba qaado arrimaha hortabinta u leh dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo. Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana khilaafka taagan qayb ka ah maamullada Puntland iyo Jubaland, iyada oo ay uu sii dheer yahay dagaalka Al-Shabaab oo kasii daray, maadaama kooxda ay haatan dagaallo ka wado gobollada Shabeellooyinka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa quwado shisheeye oo aan la magacaabin ku eedeeyay inay taageero toos ah siinayaan ururka Al-Shabaab, taasoo qayb ka ah qorshe ay ku doonayaan inay ku khal-khalgeliyaan amniga dalka kuna qabsadaan. Isagoo Sabtidii ka hadlayay shir jaraa’id kadib markii ay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu Fiqi sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay fashilinta qorshayaashaas. “Si cad ayaan u ognahay in dowlad shisheeye ay taageerayso kooxda Al-Shabaab si ay ula wareegto gacan ku haynta dalka, balse nasiib wanaag, dowladda Soomaaliya way ku guuleysatay inay ka hortagto arrintaas,” ayuu yiri wasiirka. Wasiir Fiqi ma uusan magacaabin dalka uu ku andacoonayo inuu ka dambeeyo taageeradaas, balse hadalkiisa ayaa imaanaya xilli ay soo baxayeen warbixinno sheegaya inuu jiro iskaashi dhex mari kara Al-Shabaab iyo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo xulufo la ah Iiraan. Wasiirka Difaaca wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn ku bixisay ka hortagga faragelinta shisheeye iyo maalgelinta kooxaha xagjirka ah. Wuxuuna guulihii u dambeeyay ee ciidamada ku tilmaamay “guul weyn” oo laga gaaray ilaalinta madax-bannaanida qaranka. Wasiirku wuxuu ballanqaaday in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sii wadi doonaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo cid kasta oo taageerta, si loo sugo amniga iyo xasiloonida qaranka. Wasaaradda Difaaca ayaa Jimcihii sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ee ka tirsan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ay hawlgal toddobaad socday oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan, ayna soo qabteen tiro kale.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo siyaasiyiinta ku midaysan Madasha mucaaridka ee la baxday Samatabixinta ayaa mar kale maanta ku ballansan Shir ku saabsan Is-marin-waaga siyaasadeed ee ka taagan wax ka beddelkii Dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2026. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulankii kan ka horreeyay, wuxuu ballan qaaday in uu ka laabanayo inta badan wax ka baddalkii dastuurka sida hannaanka lagu dooranayo Madaxweynaha, tirada xisbiyada la furayo, muddo xileedka Madaxweynaha oo sidii hore loo dhaafayo iyo muddo kordhinta maamullada oo laga noqonayo, waxaana uu dalbaday in la siiyo muddo 20 cisho ah oo uu wada-tashi kula noqdo Shuraakadiisa siyaasadeed. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu wadatashiyo la soo sameeyay intii u dhexaysay labada Kulan hoggaanka Xisbigiisa oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamanka, balse uusan saaxiibadiisa qaar ka helin wax garawshiyo ah, waxaana haatan ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo labaduba ka horyimid in laga laabto qorshihii hore. Qorshaha kale ee u qarsoom Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegayaa in uu yahay in uu maanta mar kale wakhti dheeri ah ka codsado Madasha, si uu wakhti u iibsado, islamarkaana la ciyaaro siyaasad ‘Ila-meerayso’ maadaama uusan hadda ku dhiirran karin ballan-qaadkiisi hore ee ahaa in uu ka laabanayo isbeddelkii uu ku sameeyay Dastuurkii dalka. PUNTLAND POST The post Maxaa laga filan karaa Kulanka Maanta ee Villa Somalia iyo Mucaaridka Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa ballanqaaday in Maraykanku uu sii wadi doono howlgallada Soomaaliya, balse waxa uu tilmaamay isbeddel istiraatiiji ah oo dhici kara. Isla mar ahaantaana, waxa uu digniin culus ka bixiyay iskaashi sii kordhaya oo u dhexeeya ururka Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Jeneraal Anderson, oo ah duuliye ka tirsan Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Cirka, ayaa toddobaadkii hore loo ansixiyay inuu hoggaamiyo AFRICOM. Waxa uu sharci-dejiyeyaasha Maraykanka u sheegay in joogitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay weli muhiim u tahay danaha Maraykanka, inkastoo nooca taageeradaasi ay isbeddeli karto. “Xaqiiqdii, waxaan aaminsanahay in deegaanku yahay mid aan degganayn. Al-Shabaab waxay muujiyeen rabitaan iyo damac ah inay weeraraan Maraykanka iyo danihiisa,” ayuu yiri Anderson xilligii uu socday kulanka ansixintiisa. Waxa uu noqonayaa sarkaalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Ciidanka Cirka ee hoggaamiya AFRICOM tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2007, xilkaas oo ay horay u soo qabteen jeneraallo ka tirsan Ciidamada Dhulka iyo kuwa Badda. Magacaabistiisu waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi u ah Soomaaliya, oo wajahaysa kacdoon Islaami ah oo joogto ah iyo ka bixitaanka la filayo ee ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Deegaan qasan iyo khatar cusub Jeneraal Anderson waxa uu iftiimiyay horumar cusub oo si gaar ah looga walaacsan yahay: isbahaysi ka soo ifbaxaya dhinaca kale ee Badda Cas. Waxa uu walaac xooggan ka muujiyay warbixinno sirdoon oo sheegaya inuu jiro iskaashi u dhexeeya Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ee Yemen. “Walaaca ugu weyn waa iskaashiga ka imanaya dhanka kale ee Badda Cas ee lala yeelanayo Xuutiyiinta, oo ay Iiraan taageerto,” ayuu ku digay Anderson. “Tani waxay siin kartaa ma aha oo kaliya damac, balse sidoo kale awood ay si xooggan ugu weeraraan Maraykanka ama danihiisa.” Xuutiyiintu waxay horayba carqalad weyn ugu keeneen ganacsigii caalamiga ahaa, iyagoo qaaday weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah marinnada maraakiibta ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Iskaashi lala yeesho Al-Shabaab, oo ka talisa dhul ballaaran oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sii kordhin kara khatarta ku wajahan amniga badaha ee mid ka mid ah marinnada biyaha adduunka ugu muhiimsan. Ciidamada Maraykanka ayaa sii wada inay fuliyaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada si ay u taageeraan dowladda Soomaaliya. Jimcihii, oo ahayd isla maalintii la ansixiyay Anderson, ayuu taliska AFRICOM ku dhawaaqay inuu duqeyn cirka ah ka fuliyay meel u dhow deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Mid ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee horyaalla taliyaha cusub ayaa noqon doonta inuu qiimeeyo halka diiradda lagu saarayo ka-qaybgalka Maraykanka ee saaxada siyaasadeed ee cakiran ee Soomaaliya. Dalka waxaa hareeyay xiisado joogto ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah. “Danteennu waxay ku jirtaa inaan yeelanno nooc ka mid ah ka-qaybgalka gobolkaas,” ayuu Anderson u sheegay Guddiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Sare. “In taasi ay noqonayso mid lala yeesho Dowladda Federaalka ama dowlad-goboleedyada waa arrin aan qiimeyn doono haddii la i ansixiyo.” Go’aankani waxa uu saameyn weyn ku yeelan doonaa siyaasadda Maraykanka, oo taariikh ahaan isku dayday inay isku dheellitirto taageerada ay siiso dowladda dhexe iyo xiriirka ay la leedahay maamul-goboleedyada, kuwaas oo inta badan ku jira furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Jeneraal Anderson kuma cusba qaaradda, isagoo horay u soo noqday madaxa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika (SOCAFRICA), oo ah qaybta AFRICOM u qaabilsan isku-dubbaridka hawlaha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee guud ahaan Afrika. Maal-gelinta oo weli la darsayo Dib-u-eegistan istiraatiijiyadeed waxay ku soo beegmaysaa xilli ay Washington ka socdaan dadaallo sharci-dejin oo dib u habeyn ku samayn kara taageerada dhaqaale ee Maraykanka uu siiyo nabad-ilaalinta gobolka. Hawlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la qorsheeyay inuu soo gebagebeeyo ka bixitaankiisa dhammaadka 2024, iyadoo la filayo in qaab-dhismeed amni oo cusub oo ay Soomaalidu hoggaamiso uu la wareego. Waxaa la soo jeediyay hawlgal kale oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, kaas oo si ku-meel-gaar ah loogu magac daray Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Si kastaba ha ahaatee, maalgelintiisu ma cadda. Hindise-sharciyeed hadda horyaalla Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Maraykanka, oo loogu magac daray “Xeerka Xayiraadda Maalgelinta AUSSOM, 2025,” ayaa doonaya in la hor istaago isticmaalka lacagta Maraykanka ee uu ku bixiyo Qaramada Midoobay ee loogu talagalay hawlgalka cusub ee Soomaaliya. Tallaabadan waxay caqabad ku tahay Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2719 ee sannadkii 2023, kaas oo markii ugu horreysay oggolaaday in maalgelinta Qaramada Midoobay loo isticmaalo hawlgallada nabad-ilaalinta ee uu hoggaamiyo Midowga Afrika. Hindise-sharciyeedka la soo jeediyay waxaa ku jira waxyaabo ka reeban, isagoo dhigaya in xayiraaddu aysan khusayn doonin lacagaha loogu talagalay hay’adda saadka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), tabarrucaadka iskaa-wax-u-qabso ah ee Maraykanka, ama lacag kasta oo si gaar ah uu Koongareesku ugu qoondeeyo taageerada AUSSOM. Iyadoo ay taasi jirto, sharcigani wuxuu caqabad weyn ku yahay mustaqbalka gargaarka amniga caalamiga ah ee Soomaaliya, wuxuuna miisaan culus saarayaa waxtarka iyo jihada taageerada tooska ah ee Maraykanka ee hoos timaadda taliska cusub ee Jeneraal Anderson.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in doorashadii Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay ragaadisay nidaamka maamul-goboleedyada, taas oo keentay in muddo-xileedyadii qaar ka mid ah maamullada ay dhaafaan xilliga sharciga ah. Waxa uu xusay in maamul-goboleedka Hirshabeelle kaliya uu yahay mid muddo-xileedkiisu uusan dhammaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay weli ku jiraan gacanta DFS, taas oo sida uu sheegay u adeegsaneysa cudur-daar si ay sharci la’aan ugu sii joogto marka muddo-xileedkeeda ay dhammaato. Wuxuu sheegay in maamulada Sharci darada ku jooggaa sababta ka dambeysaa ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rabto waqti dheeri. Puntland ayaa labada maamul ku eedeysay in aysan heysan Sharciyad ay ku shaqeyn karaan. Hadalkan ayaa yimid xilli khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, iyadoo Puntland ay ku eedeyneyso dowladda dhexe in ay faragelin ku hayso maamullada kale, taas oo saameyn ku yeelatay kalsoonida iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada dalka. Source: goobjoog.com
-
Hassan Barise proves to be a more reliable chronicler of the Somali Civil War. Mogadishu (PP Commentary) — Abdi Farah Said (aka Juha), the Interior Minister of Puntland State of Somalia, last week interviewed Hassan Barise, a former BBC Somali Service journalist who lived in Mogadishu during the 1990s when the capital city was divided into South and North. Mohamed Haji Ingiriis, a Somali historian pursuing a doctorate in history at the University of Oxford, took issue with Barise over historical facts about events and personalities. This article, in turn, takes Ingiriis to task for using flawed historical methods to challenge Barise. Ingiriis said that Barise claimed to have founded Shabelle Press, the first free newspaper not aligned with a Somali government. Barise was discussing post-1990 Somalia, not pre-1991 Somalia. Shabelle Press was a cyclostyled newspaper, a rival to Dalka, the mouthpiece of the United Somali Congress-installed government, printed at the State Printing Agency. In May 1991, Shabelle Press interviewed General Aidid in Kismaayo, where he claimed to have detained Mohamed Abshir Muse, the Deputy Prime Minister of the Interim Government of Somalia, who was in Kismaayo for a peace-making mission before USC forces captured the coastal district. General Aidid outlandishly claimed that Mohamed Abshir Muse was commanding SSDF units in Kismayo. The Interim Government relieved General Aidid of his duties as USC Commander. Barise said that in 1996 Harun Maruf, then a BBC Somali Service stringer, was granted access to General Aidid, who had been spruced up but kept in bed to give the impression that he had not been injured in a firefight in southern Mogadishu. At the time a correspondent for a major news agency, Barise claimed he broke the story when General Aidid was unexpectedly wounded after an anti-aircraft gun was fired at a fiefdom in southern Mogadishu that he was inspecting. M. H. Ingiriis forgets that journalists write the first draft of history. Ingiriis criticised Barise for claiming that Somali government forces were not responsible for the murder of Haji Muse Boor and Haji Haji Weheliye. Ingiriis argued that there “is an intellectual consensus that the Somali government was behind the murder” of the two political leaders. He said that USC was using M1 Carbine rifles. USC forces were using Heckler & Koch G3 rifles used by the Somali police forces, Ak-47, light mortars and Bazookas. USC fitted the G3 with a bomb (known in Mogadishu as bambo faal), which, in urban warfare, was more effective than the AK-47 used by the Somali army after the war erupted in Mogadishu on 30 December 1990. Ingiriis’s main source on this incident is a book by Ahmed Jila’ow, the former senior commander of Godka, the former National Security Service detention centre and torture cells. Why is President Mohamed Siyad Barre’s My Country and My People, his collected speeches, less reliable than Jila’ow’s autobiography on the Somali “revolution”? Is Jilaow more quotable than President Mohamed Siad Barre? War erupted in Mogadishu in Huriwaa and Kaaraan districts at 15:00 on 30/12/1990. By 18:00, USC forces were controlling the Ali Kamin restaurant area, not far from the Laba-dhagax neighbourhood of Wardhiigley (now known as Warta Nabadda). Barise uses the factually appropriate term kacdoon (uprising) to refer to the eruption of the conflict in Mogadishu on Sunday 30 December 1990, but Ingiriis said that the kacdoon began outside Mogadishu long ago, when senior Somali army officers defected from the army to join USC forces, then based in Ethiopia. Barise’s case is backed by both history and language. Ingiriis said that the late lawyer and human rights defender Ismail Jumale Osoble was not a member of USC. The late Jama Mohamed Ghalib, in his memoirs The Cost of Dictatorship, commended the role Jumale played in the formation of an armed opposition force with supporters in Mogadishu: “As Siad Barre’s regime degenerated, early in 1988 a caucus of Mogadishu Clan elders had been established secretly in Mogadishu, as any such organization had to be in those days. Under the chairmanship of the late Dr Ismail Jumale, it started to organize and orientate, both in and outside the country, in order to prepare the Mogadishu Clan sub-clans for an uprising and subsequent power bid.” Juha unwittingly acknowledges SSDF’s controversial alliance with communist Ethiopia. This version is corroborated by Sheikh Ali Wajis, who told Ha Noolaato that he had met Osoble, who was “working on the creation of USC”. Barise said that Osoble took over the chairmanship of USC after the death of Ali Wardhiigley. Since no public statement on this change of leadership was reported, it is possible that Osoble had been given an unannounced senior leadership role in USC. Juha Pleads Guilty to “Treason” During the interview, Barise accused Somali oppsotion forces of seeking help from Ethiopia, a country then at war with Somalia. “They committed treason,” Barise said. Juha, who was visibly shaken by the comment, interjected to say: “Rag ciil cadaab ka dooray” (“Man prefers ending up in hellfire to nursing resentment”). Juha did not express an interest that he was a member of the Somali Salvation Democratic Front that fought alongside Ethiopian forces in 1982 when Ethiopia claimed to have annexed Galdogob and Balanbale. The late SSDF Chairman, Abdullahi Yusuf Ahmed, was the only person who dared to meet Colonel Mengistu Haile Mariam and ask why Ethiopia’s flag was hoisted on Balanbale and Galmudug. He was arrested in 1985, one year after the Ethiopian army massacred SSDF units in a military camp. Survivors fled to Somalia. Many of them were absorbed into the Somali army; some began to lead a civilian life. By asserting that clan resentment was the principal motive for opposing Somalia’s military regime, Juha effectively accepted the accusation that the SSDF, an anti-communist front, had committed treason by relying on communist Ethiopia in the early 1980s. More than twenty years ago, Ingiriis wrote a paper on the Manifesto Group, a group of influential Somalis who wrote an open letter to President Mohamed Siyad Barre calling for a peaceful transfer of power before civil war engulfed Somalia. Manifesto signatories such as the late Ali Mahdi Mohamed, Mohamed Si’iid ‘Iyow Gentleman and Mire Olad were members of the USC central committee whose names were read out on Radio Mogadishu’s news bulletin on 28 January 1991. Jumale was a Manifesto signatory as well. This is an understudied aspect of the Manifesto Group. It was condescending of Ingiriis to describe Hassan Barise as a talented and untrained journalist. He forgets that journalists write the first draft of history. Barise comes across as a historian able to distinguish between facts he is sharing and his biases. He proves to be a more trustworthy chronicler of the Somali Civil War. © Puntland Post, 2025 The post Hassan Barise Proves the More Trustworthy Chronicler of the Somali Civil War appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in cudurka Gowracatada (Measles) uu sanadkan 2025 ku faafayo si aan caadi ahayn, iyadoo tirada kiisaska la diiwaan geliyay ay gaareen heerkii ugu sarreeyay ee la hayo sanadihii ugu dambeeyay. Warbixin rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa muujisay in guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 2,035 kiis sanadkan, halka sanadkii hore (2024) kaliya la xaqiijiyay 600 kiis. Xogta ayaa caddeynaysa in cudurkan uu ugu badan yahay Puntland oo laga soo sheegay 1,000 kiis, Gobolka Banaadir oo laga helay 400 kiis, halka inta kale ay ka soo laga helay gobollo kale oo dalka ah. Cudurka ayaa si gaar ah u saameynaya carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano kuwaas oo aan helin tallaalka ka hortagga gowracatada. Wasaaradda Caafimaadku waxay sababta ugu weyn ee faafitaanka ku tilmaamtay wacyigelin la’aanta bulshada, taasoo sababtay in waalidiin badan aysan carruurtooda u keenin tallaalka lagama maarmaanka ah. Dhanka kale, Agaasimaha Isbitaalka Demartino ee Muqdisho, Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa sheegay in isbitaalku uu diiwaan geliyay bukaano uu soo ritay cudurka Gowracatada oo ka yimid 40 degmo oo kala duwan dalka. “Tiradan waxay caddeynaysaa in cudurku uu saameeyay guud ahaan dalka, maadaama bukaannada laga keenay gobollo kala fog oo Soomaaliya ka tirsan,” ayuu yiri Dr. Cabdirisaaq. Isaga oo ka hadlayay saameynta cudurka, Agaasimaha ayaa sheegay in gowracatadu ay leedahay halis caafimaad oo degdeg ah, taas oo u baahan in si dhakhso ah loo qaado tallaabooyin ka hortag ah. Wuxuu ugu baaqay bulshada in ay si dhaqso leh ula xiriiraan xarumaha caafimaadka marka calaamadaha cudurka lagu arko qof, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo kordhin kara faafitaanka. Cudurka Gowracatada waa mid ka mid ah cudurrada faafa ee ugu halista badan ee saameeya carruurta, gaar ahaan kuwa aan la tallaalin. Khubarada caafimaadku waxay ku boorinayaan waalidiinta in ay hubiyaan in carruurtoodu helaan dhammaan tallaallada lagama maarmaanka ah si loo yareeyo khatarta cudurkan. Source: goobjoog.com
-
Washington, D.C. (Caasimada Online) – Hadal kedis ah oo uu Jimcihii Madaxweyne Donald Trump ka sheegay arrinta Somaliland ayaa waxaa si weyn ugu dabbaaldegay taageerayaasha jamhuuriyaddan iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday, iyagoo u arkay guul taariikhi ah. Si kastaba ha ahaatee, falanqayn qotodheer oo lagu sameeyay su’aashii shuruudaysnayd ee la weydiiyay iyo jawaabta madaxweynaha labadaba ayaa muujinaysa in rajadaasi ay tahay mid aan sal adag lahayn, oo ku dhisan fasiraad yididiilo leh halkii ay ka tarjumi lahayd isbeddel siyaasadeed oo dhab ah. Hadalka xiisaha dhaliyay wuxuu salka ku hayay aragti ku saabsan dib-u-dejinta dadka reer Gaza—arrin markii horeba ahayd mid siyaasad ahaan xasaasi u ah oo diblomaasiyad ahaan islamarkaana qodxo badan. Su’aasha la jeediyay waxay u dhignayd sidan: “Waxaad ka hadashay dib-u-dejinta dadka reer Gaza. Dalka Somaliland wuxuu muujiyay xiiso uu u qabo haddii aad aqoonsan lahayd madax-bannaanidiisa. Ma u janjeertaa inaad sidaas samayneyso?” Madaxweynaha oo ka jawaabayay ayaa yiri: “Arrintaas hadda waan eegaynaa. Runtii waa su’aal wanaagsan; waa arrin kale oo adag sidaad la socoto, laakiin hadda ayaan ka shaqaynaynaa. Somaliland.” Taageerayaasha jamhuuriyaddan iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida, oo aqoonsi raadinaysay in ka badan soddon sano, waxay iska indhatireen qodobkii Gaza, waxayna dhegahooda ku maqleen oo keliya suurtagalnimada aqoonsi, iyagoo aaminsan in dalabka shuruudaysan uu yahay waddo macquul ah oo ay ku gaari karaan hadafkooda. Qoraallada baraha bulshada, faallooyinka qurba-joogta, iyo xitaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa buunbuuniyay dhacdadaas, iyagoo u dhigay sidii inay muujinayso isbeddel siyaasadeed oo Mareykanku soo wado—iyagoon hakan si ay u dhuuxaan nuxurka luuqadda diblomaasiyadeed ee la adeegsaday. Si kastaba ha ahaatee, fasiraaddan rajada ku dhisan waxay iska indho-tiraysaa dabeecadda jawaab-celinta siyaasadeed ee caanka ah marka la wajaho su’aal wejiyada badan leh. Weedha ah “arrintaas waan eegaynaa” waa mid ka mid ah xeeladaha ugu caansan uguna ballanqaad-la’aanta badan ee ay siyaasiyiintu adeegsadaan si ay uga weecdaan jawaab toos ah. Waa xeelad hadal oo arrinta lagu hakiyo—iyadoo la qirayo jiritaanka su’aasha oo la muujinayo ka-fiirsasho, haddana laga fogaanayo ballanqaad la taaban karo ama calaamad kasta oo muujinaysa isbeddel siyaasadeed oo dhab ah, gaar ahaan marka su’aashu ay isku xirayso laba arrimood oo aan xiriir lahayn oo aad xasaasi u ah. Waxaa intaas dheer, hadalka madaxweynaha ee daba-socday—”waa mid kale oo adag sidaad la socoto”—wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa fasiraadda yididiilada leh. Marka uu arrinta ku tilmaamay “mid adag,” wuxuu carrabka ku adkeeyay wejiyada kala duwan ee xasaasiga ah ee ku xeeran: qorshaha dib-u-dejinta Gaza, madaxbannaanida Somaliland ee lagu muransan yahay, iyo ballanqaadyada guud ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Luuqadda diblomaasiyadda, qaab-dhismeedka noocan ah wuxuu inta badan u adeegaa sababayn ku dhex-dhisan oo loogu marmarsiyoodo ficil-la’aanta, taasoo u oggolaanaysa madaxda inay ka fogaadaan ballanqaadyo degdeg ah iyagoon si furan u diidin nuxurka su’aasha. Xaqiiqada diblomaasiyadeed ee ballaaran ayaa sidoo kale qaboojinaysa filashooyinka. Mareykanku wuxuu leeyahay siyaasad qotodheer oo ah “Hal Soomaaliya,” ah taasoo si adag ula jaanqaadaysa mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay (UN), oo labaduba u aqoonsan Muqdisho inay tahay dawladda keliya ee sharciga ah. In laga laabto aragtidan tobannaan sano jirtay—gaar ahaan iyadoo lagu beddelanayo heshiis mala-awaal ah oo dib-u-dejin ah oo ku lug leh mid ka mid ah iska hor-imaadyada ugu cakiran Bariga Dhexe—waxay noqon lahayd isbeddel weyn oo gariir ku keena siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Go’aan noocan oo kale ah wuxuu u baahan lahaa dib-u-eegis taxaddar leh oo ay wadaagaan hay’adaha dawladda, la-tashi lala yeesho xulafada, iyo malaha oggolaansho ka timaadda Kongareeska. Hubaal laguma sii shaacin lahayn hal jumlad oo mugdi ku jiro oo lagu bixiyay waraysi warbaahineed. Maqnaanshaha bayaan caddeyn ah oo ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama hay’adaha kale ee rasmiga ah ee Mareykanka waa tilmaan xooggan oo muujinaysa inaanu jirin isbeddel siyaasadeed oo dhow. Xaqiiqdii, iskaashi suurtagal ah oo Mareykanku la yeesho Somaliland wuxuu bixin karaa faa’iidooyin istaraatiiji ah, gaar ahaan marka la eego goobta ay ku taallo ee u dhow marinka Baab al-Mandab—oo ah marin-badeed ciriiri ah oo muhiim u ah isku xirka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, faa’iidadaas juqraafiyeed waxaa barbar socda khataro waaweyn: in la fogeeyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, laga caraysiiyo saaxiibbada Midowga Afrika, iyo in la qalqal geliyo nidaamka siyaasadeed ee Geeska Afrika oo markii horeba jilicsanaa. Taariikh ahaan, maamulladii Mareykanka—ha ahaadeen Jamhuuri ama Dimoqraadi—waxay mar walba doorteen taxaddar halkii ay ka dooran lahaayeen daandaansi marka ay timaaddo arrintan. Gabagabadii, inkastoo rabitaanka shacabka Somaliland ee aqoonsiga uu yahay mid dhab ah oo dareenkiisu qoto dheer yahay, haddana in rajadaas lagu xiro hadalkan gaarka ah waa akhrin khaldan oo lagu sameeyay xaqiiqada jirta. Luuqadda uu adeegsaday Madaxweyne Trump waxay astaan u tahay ka-dabaalasho diblomaasiyadeed, ee ma ahan horumar diblomaasiyadeed. Ilaa laga helayo bayaan rasmi ah ama tallaabo diblomaasiyadeed oo la taaban karo—ha ahaato qaab war-saxaafadeed, amar siyaasadeed, ama heshiis laba geesood ah—hadalkiisa waa in loo arkaa sida uu yahay: qirasho edeb leh oo aan ballanqaad lahayn, ee ma ahan iftiinkii cagaarnaa ee madaxbannaanida ee mudada dheer la sugayay.
-
Deputy President Kithure Kindiki and Interior Cabinet Secretary Kipchumba Murkomen have demanded that the Democracy for Citizens Party (DCP) leader Rigathi Gachagua record a statement with the police upon his return to the country over his remarks on terrorism while in the United States. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo weli khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlay arrintan ayaa eedeymo culus oo la xiriira daaha doorashooinka u jeediyay Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay dib u dhigtay doorashooyinkii maamul-goboleedyada dalka. Lugatoor ayaa si gaar ah farta ku fiiqay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in madaxdooda uu ka dhammaaday muddo xileedka, balse ay iska sii joogaan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in sababta ay tahay in dowladdu rabto inay iyadu sii joogto sharci la’aan, marka uu ka dhamaado muddo xileedka, sida uu hadalka u dhigay. “Doorashadii dowlad goboleedayada DFS ayaa ragaadisay, Hirshabeelle oo kaliya ayaa Muddo xileedkeedu ka dhamaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed DFS ayaa gacanta ka haysa si cudur daar ugu hesho marka muddo xileedka DFS dhamaado sharci la’aan ku joogto.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntland. Eedeyntaan cusub ee kasoo baxday Puntland ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan uu taagan yahay khilaaf culus oo ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana mar kale maanta dib u furmay wada-hadalladii u socday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka dalka. Waxaa qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirarkii hore. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo. Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono.
-
Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar ayaa socdaal ku tegey degmada Dhudhub iyo degaanka Dhuudo oo ay dhawaan shaqaaqo ka dhacday, waxaana ay shirar la yeesheen odayaasha iyo waxagaradka degaanka, oo ay kala hadleen xallinta shaqaaqadii dhacday. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay wehelinayeen Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiyada Puntland Maxamed Siciid Hogaamo, iyo nabadoonada gobolka karkaar, ayaa halkaasi u tegey xal u helidda shaqaaqadii dhacday. Mas’uuliyiinta halkaasi booqday iyo dhammaan dhinacyada degaanka ayaa isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeeyo amni degaanka, islamarkaana xal loo helo shaqaaqado dhawaan ka dhacday degaannada Dhudhub iyo Dhuudo. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo socdaal ku tegey degaanno dhawaan shaqaaqo ka dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Dhaqaatiirta dunida ayaa si weyn uga digaya cudurro halis ah oo ka dilaacay marinka Qasa, ayagoo sheegay in gaajada, nafaqada darrada iyo nadaafad xumada halkaas ka jirtaahi ay horseedeen xanuunno badan oo sababi kara inay dadku u dhintaan. Mark Brawner oo ah Dhakhtar Maraykan ah oo ka soo laabtay Gasa ayaa sheegay in Xasuuqa ballaran ee halkaas ka socdaahi uu horseeday in dad badani ay gaajo u dhinteen, islamarkaana dadka ay la ildaran yihiin burbur iyo hoos u dhac ku yimid heerka shaqada jirka, burooyinka iyo boogaha caloosha oo ka dhashay gaajo, iyo cudurro kale. Mark wuxuu intaa ku daray in Marinka Qasa uu u baahan yahay xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, maadaama ay tahay in maalin kasta gargaar la gaarsiiyo, raashin yaroo hawada looga daadiyaahina aanay xal u ahayn dhibaatada gaajada ee Marinka ka taagan. Qasa waxay sanadkii labaad ku jirtaa xasuuq iyo go’doomin, waxaana dadka duqeymaha ku dhintay oo haatan 100 kun ku dhow weheliya daraasiin kale oo gaajo, daryeel la’aan caafimaad iyo dayac si maalinle ah ugu dhimanayo, ayadoo dunidu ay isha ka daawanayso. Source: goobjoog.com
-
In modern times, trustworthy as well as classy travel appears vital, including seeking regarding luxury limo rental nearby discloses a realm for choices. Whether you’re arranging a marriage, going towards a business gathering, plus only need a pleasant airport shuttle, limo services provide a sophisticated answer. They features exceed standard journeys, featuring trained drivers, flawless vehicles, including adapted trips such render every ride unforgettable. Spanning old-school luxury sedans and extravagant extended versions, the options appeal to various finances and passenger totals, offering alternatives fit for everyone. Grasping luxury limo service nearby When you query “limousine service near me”, one is engaging a network of firms focused to luxury transportation. Such offerings often boast a diverse collection, featuring executive sedans, SUVs, and chauffeured cars fitted with current features such as comfortable cushions, entertainment systems, and refreshments. The emphasis remains on ease, on-time arrival, including protection, including certified drivers that guide traffic efficiently. Suitable to occasions as well as professional journeys, limo offerings elevate ordinary journeys into opulent experiences, local limo company near me offering tranquility and a dash of class. Inexpensive Options: Cheap Limo Near Me For those controlling expenses, “cheap limo near me” doesn’t signify forgoing value. Numerous firms offer affordable offers that include well-maintained cars and trained professionals using attractive rates. They features suitable with short trips, including formal dances or leisure trips, as one desires fashion minus large fee. Check with offers and off-peak bookings to receive superior deals, providing one appreciates rewards through chauffeured rides inexpensively. Indulge in Class: high-end limo service Should extravagance appears your target, high-end limo service inquiries yield luxury options featuring top-tier rides including Mercedes as well as luxury vehicle limousines. This services offer personalized cabins, cutting-edge features, and customized aspects like beverage offering plus custom lighting. Perfect for upscale events like celebrations, VIP occasions, and special dates, premium limousines feature a unmatched degree of luxury plus exclusivity, rendering one feel like royalty during transport until delivery. Premier Options: luxury limo rental nearby Finding the “best limo service near me” includes evaluating criteria including customer reviews, car range, including consistency. Best reviewed firms shine with user approval, delivering versatile timing, clear rates, as well as exceptional chauffeur manners. Commonly boast top evaluations at feedback sites, with customers praising that focus on specifics and seamless adventures. Selecting the optimal provides travel goes beyond a ride, but a standout of the occasion. 24-Hour: all-day limo availability To all-day needs, “24/7 limo near me” offerings guarantee availability round the clock, day or night. Regardless if that is early flight and nighttime comeback a lively event, they companies are ready with standby professionals plus a variety for transports. Such adaptability stays crucial to impromptu events as well as unexpected issues, providing reliable rides as needed. Community-Based: Local Limo Company Near Me Picking for a “local limo company near me” assists businesses featuring thorough knowledge regarding regional roads plus road conditions. These businesses regularly provide personalized service, affordable rates, plus prompt feedback. Regional bonds guarantee a reliable trip, including drivers that recognize optimal routes plus attractive trails for a pleasant trip. Versatile Alternatives: nearby car rental nearby car rental features an extensive variety with alternatives, spanning entry-level luxury sedans plus executive vehicles. These options emphasize about convenience, featuring quick scheduling as well as skilled drivers. Ideal to everyday travels, company discussions, as well as leisure trips, providing a step up beyond basic rideshares with increased comfort plus reliability. Expert Service: professional driver service nearby With a relaxed trip, professional driver service nearby delivers skilled operators prepared regarding etiquette as well as driving skills. Operators take care of everything from bags plus travel organization, permitting you to relax or prepare while traveling. Such feature beloved to corporate travel and events in which expertise remains essential. Private With Elegant: luxury sedan nearby executive black car nearby refers to stylish premium cars delivering confidentiality including class. Commonly utilized regarding professional plus premium journeys, these cars offer shaded panes and opulent designs, offering a low-profile including luxurious trip. Timeless Luxury: executive town vehicle luxury town car nearby delivers evergreen style featuring large cabins plus easy travels. Popular regarding airport shuttles as well as downtown trips, premium vehicles balance high-end and usability, rendering a top choice regarding personal use and corporate applications. Effective Ride: premium sedan nearby premium sedan nearby provides compact though comfortable selections with lone riders and pairs. Executive sedans reduce consumption as well as easy to maneuver, suitable to city settings and quick trips. Group Fun: Stretch Limo Near Me To events, party stretch limousine nearby delivers excitement in motion including spacious designs, beverage areas, including music setups. Suitable for bachelor parties and proms, party limos handle extended teams classily. Exclusive Journeys: exclusive car hire nearby personal private car service ensures a customized journey with personal transports as well as chauffeurs. This service is tailored to seclusion, Frequently with extras such as online connectivity and refreshments with an authentically individual trip. Selecting the Right Feature For picking between these multiple selections, think about one’s expenses, party number, plus function category. Read ratings, assess quotes, plus check for licenses for guaranteeing a secure trip. A lot of services feature web reservation for practicality. Advantages of Employing Limousine Offerings Chauffeured options provide easy rides, allowing one to concentrate upon function over driving plus garaging. Boasting trained operators, you enjoy reliability, comfort, including Frequently extra benefits for example media centers. Recommendations to Arranging Schedule beforehand, notably in peak times including city happenings. Communicate special requests, as well as verify details including pickup time plus place. Gratuity usual reward appears normal for great experience. Security Plus Regulations Reliable offerings follow according to strict safety standards, covering ride preservation including operator preparation. Always confirm protection including authorization to peace of mind. Environmental Advances A lot of firms now provide hybrid or battery-powered rides, lowering environmental impact during keeping upscale. Final Thoughts Regardless if for high-end or cost-effectiveness, limo services in the area offer superior ease as well as class. Discover alternatives now to a boosted trip. Source: goobjoog.com
-
Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen. Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Bariire (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka dagaalkii lagu xoreeyey magaalada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta. Muuqaallada oo lagu soo bandhigay TV-ga dowladda ee SNTV ayaa muujinaya duqeymo tiro beel ah oo lala beegsaday kooxda, iyagoo waayey meel ay u baxsadaan. Al-Shabaab, markii ay qabsadeen magaaladaas waxay jareen oo miinooyin ku xireen Buundadii Bariire ee Wabiga looga gudbi jiray, balse markaan iyaga ayaa eeday, kadib markii ay ka gudbi waayeen wabiga, oo halkaas lagu laayey. Sidoo kale, muuqaalka waxaa laga arkayaa duqeymaha oo toos ugu hoobanaya dhulka howdka ah ee Shabaab-ku ay dhex cararayaan, dowladdu waxay warbixintaan ku sheegtay in Shabaab aysan hal qof ka badbaadin. Kooxda ayaa markii hore godad ay ka dagaalamaan ka dhex qodatay guryaha magaalada, balse duqeyn ayaa looga saaray, ilaa qoryahooda ay ka cararaan. Caawa, barta Telegram ee TV-ga dowladda waxaa mar kale lagu baahiyey sawirrada in ka badan 50 kamid ah meydadka Shabaab-kii lagu laayey Bariire, kuwaas oo weriyaashii maanta tegay deegaanka ay soo sawireen. Halka arrin oo Shabaab ay si rasmi ah uga shaleynayaan waa inay jareen Buundadii Bariire, iyagoo ku xasdaya dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, balse ayaga ayaa ciqaab daran kala kulmay, kadib markii ay Jabeen ee hadana ay waayeen waddo ay ku baxsadaan, maadaama ay burburiyeen Buundadii. Muuqaallada lasoo bandhigay waxaa lagu arkayaa, iyagoo ku le’anaya daafaha wabiga, kadib markii diyaaradaha duqeymaha fulinaya ay toos u dul istaageen maleeshiyaadka baxsadka ah ee kooxda. Hoos ka daawo Muuqaalka
-
Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa sheegay in isbitaalku uu diiwaan geliyey bukaano ka yimid 40 degmo oo dalka ah kuwaas oo lagu arkay cudurka Gowracatada. Dr. Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in tiradan ay muujinayso in cudurkaasi uu noqday mid saameeyay guud ahaan dalka, maadaama bukaannada laga soo qaaday gobollo kala fog oo Soomaaliya ka tirsan. Isaga oo ka hadlayay xaaladda caafimaad, waxa uu xusay in cudurka Gowracatada uu leeyahay saameyn degdeg ah iyo halis caafimaad, taas oo u baahan in degdeg loo sameeyo tallaabooyin ka hortag iyo wacyigelin dadweyne si loo joojiyo fiditaanka. Agaasimaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay si dhaqso leh ula xiriiraan xarumaha caafimaadka marka calaamadaha cudurka lagu arko qof, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo kordhin kara faafitaanka cudurka. Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa soo cusboonaysiiyay ololihiisii gardarrada ahaa ee uu ku doonayay marin-badeed, isagoo ku dhawaaqay in raadinta dekad ku taalla Badda Cas ay tahay “xaq taariikhi ah” oo aan gorgortan geli karin, isla markaana ku dhaartay inuu ciribtiri doono wax kasta oo uu u arko xoogag gudaha ah oo “khaa’inul-waddan” ah. Hadalladan colaadda xanbaarsan, oo la soo saaray Jimcihii, ayaa muujinaya khatar sii kordhaysa oo ku saabsan siyaasadda ballaarinta ee Addis Ababa, taas oo si toos ah u beegsanaysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Ka dib shirweyne saddex maalmood socday, Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo saaray bayaan ay ka buuxaan hadallo hanjabaad leh, taas oo xaqiijinaysa cabsi hore loo qabay oo ah in Itoobiya ay qorshaynayso inay sii waddo heshiiskii sharci-darrada ahaa ee ay bishii Janaayo 2024 la gashay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Xiisaddan taagan ayaa billaabatay 1-dii Janaayo 2024, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis is-afgarad oo sir ah (Memorandum of Understanding) la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, madaxeynihii hore ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. Heshiiskan sharci-darrada ah wuxuu Itoobiya oo aan lahayn bad siinayay kiro 50 sano ah oo ku saabsan 20 kiiloomitir oo xeebaha Soomaaliya ka mid ah, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Beddelka xadgudubkan cad ee lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, Itoobiya waxay ballan qaaday saami ku saabsan shirkaddeeda diyaaradaha qaranka, iyo—arrinta ugu walaaca badan—in ay diyaar u tahay inay aqoonsi rasmi ah siiso Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Wxaaa hadda muhiim ah fahamka bayaannadii ugu dambeeyay ee Itoobiya. “Waxaan ku guuleysannay inaan ajande caalami ah ka dhigno xuquuqda dabiiciga ah ee taariikhiga ah ee Itoobiya u leedahay helitaanka bad,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga, iyadoo lagu daray in ay “ka gudbeen cutubkii koowaad ee dadaalkeenna aan ku soo celinayno danaha istiraatiijiyadeed ee juqraafiyeed ee Itoobiya ku leedahay Badda Cas.” Hadalladan waa hanjabaad cad oo ku wajahan Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijinayaan damaca Itoobiya ee ah inay xoog ku qabsato dhul xeebeed, iyadoo ku tumanaysa sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Iyadoo la tacaalaysa qalalaase gudaha ah oo ballaaran, Addis Ababa waxay isku dayaysaa inay muujiso awood, iyadoo adeegsanaysa marmarsiiyo ay ku hurinayso colaad dibadeed. Bayaanka xisbiga talada haya wuxuu ku andacoonayaa in “cadowyo taariikhi ah” iyo “xagjiriin khaa’imiin ah” ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka u gelin lahaayeen xasilooni darro—marmarsiiyo la yaqaan oo loo adeegsado tallaabooyin milatari. “Damaca dagaal ee cadowgeennu ma istaagi doono,” ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo sheegay in “fursaddii ay ku wiiqi lahaayeen Itoobiya ay sii yaraanayso.” Aragtidan waxay sawir ka bixinaysaa nidaam dareensan in dhinac walba laga hareereeyay, taas oo inta badan horudhac u ah gardarro dibadeed oo loogu talagalay in lagu kiciyo taageerada gudaha. Bayaanku wuxuu xusay lix xeeladood oo lagu eedeeyay in cadowgu adeegsado, kuwaas oo ay ka mid yihiin kharribaad dhaqaale iyo ka faa’iidaysiga meelaha bannaan ee maamulka, isagoo sii gogol-xaaraya jawaab celin xoog leh oo laga bixinayo cid kasta oo loo arko mucaarad. Fallanqeeyayaasha waxay sheegeen in hanjabaadahan lagu wajahayo kooxaha hubeysan sida maleeshiyada Fano iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF-Shene). Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego Soomaaliya, mowqifkan gardarrada iyo ku dhawaaqista in “la baabi’in doono caqabadaha” wuxuu xusuusin u yahay sida Itoobiya ay diyaar ugu tahay adeegsiga awoodda si ay u gaarto danahaheeda istiraatiijiyadeed. Xaaladda gobolka oo sii cakirmaysa, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ee Abiy Ahmed inay ku fashilantay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria, waxayna ka digtay xaalad bini’aadanimo oo sii xumaanaysa oo ka jirta waqooyiga dalka. Shir jaraa’id oo uu qabtay 8-dii Agoosto, Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay in fashilka dowladda federaalka uu sababay barakac iyo dhimasho ku habsatay shacabka Tigray, isagoo ku eedeeyay inay “ka caga jiidayso soo celinta dhulalkii Tigray ee la qabsaday.” Iska hor-imaadkan gudaha ah wuxuu muujinayaa dildilaaca qotada dheer ee ka dhex jira Itoobiya, taas oo ka dhigaysa hoggaankeeda mid aan la saadaalin karin oo khatar leh. Waxaa muhiim ah in la xuso in Debretsion uu isna ku celiyay rabitaanka gobolkiisa ee marin-badeed, isagoo sheegay in “aan la qiyaasi karin in Tigray dhinac walba laga soo xiro ama 360-digrii lagu hareereeyo.” Arrintan ayaa sii murjinaysa xaaladda amniga, waxayna muujinaysaa in dhinacyo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan ay raadin karaan inay go’doonka kaga baxaan awood militari. Soomaaliya ahaan, fariinta ka imaanaysa Addis Ababa waa mid cad: nidaam gudaha ah oo ay ka taagan tahay qalalaase ayaa haddana ku adkaysanaya sheegashadiisa sharci-darrada ah ee xeebaha dalal kale, taas oo abuuraysa khatar toos ah oo aan la iska indho tiri karin oo ku wajahan amniga qaran.
-
By Michele Maresca Despite calls to the contrary from their respective powerful neighbors, Taiwan and Somaliland continue to expand their relationship, endowing it with important new prospects. Fitting into this bigger picture is the historic Coast Guard Cooperation Agreement signed last month. The common goal is to move the already strong bilateral relationship toward operational cooperation, with significant and tangible mutual benefits to be observed. Essentially, the new agreement commits the parties to a course of conduct that is expressed in three fundamental activities: cooperation, intelligence sharing and technology transfer. This reflects the desire — shared by both nations — to achieve strategic results within the context of their respective national interests. For Somaliland, binding itself to an international agreement — signed with a foreign nation rather than with a UN mission — represents a significant piece in the puzzle of its progressive assertion of global status. Sharing information and acquiring new expertise from Taiwanese authorities also adds a security component, which makes the agreement extremely beneficial for Hargeisa from several perspectives. For Taiwan, the agreement marks a significant starting point for increasing its influence in a region crucial to global trade. It also demonstrates how Taipei intends to shape its relationships with like-minded partners: through cooperation over imposition, a partnership of equals rather than one of inequality and the pursuit of shared general interests over narrow self-interests. This approach reveals a stark contrast with the behavior of China in its dealings with African partners. This is where “debt-trap diplomacy” comes into play — a term describing Beijing’s deliberate strategy to progressively subjugate nations that receive its generous loans to later exert a dominant influence over those nations’ domestic and foreign policy decisions. The difference between the two models is the secret to Taiwan’s diplomatic success in the Horn of Africa, particularly with Somaliland. It reinforces the certainty that Taipei’s broader interests align with, rather than oppose, Hargeisa’s claims against the backdrop of a mutually beneficial partnership that allows both parties to pursue their goals without sacrificing their independence and autonomy. It is no surprise that the Ministry of Foreign Affairs referred to the first visit of Somaliland Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdirahman Dahir Adam — during which the historic maritime cooperation agreement was signed — as an event that “reflects the strength, resilience and shared values of our democratic partnership.” The bond between Somaliland and Taiwan is based on the mutual belief that only through an agreement between equals could they fully satisfy their legitimate national needs. This “partnership of equals” challenges the traditional notion of a powerful nation dominating a weaker one and seeks to redraw the geopolitical dynamics of the Horn of Africa. Regarding China’s investments in Africa, it is worth remembering that a dam operated by China completely collapsed in Zambia, releasing 50 million liters of acidic mining waste into the Kafue River basin (a vital lifeline for 60 percent of the population). This incident stands as a clear example of the consequences that might arise from that kind of partnership. Returning to Taiwan-Somaliland relations, the latest developments do not stop with the maritime cooperation agreement. Also last month, the government of Taiwan financed the reconstruction and modernization of a key road in Somaliland’s capital, Hargeisa. The road, now renamed “Taiwan Avenue,” connects the airport and the city, as well as the people of Somaliland to the world. As the Taiwanese Representative Office in Somaliland said, the reconstruction of the road “embodies our nations’ cherished friendship and partnership.” It added that the project is founded on three clear objectives: “improving the well-being of the people of Somaliland, boosting the local economy and advancing Taiwan-Somaliland relations.” Through these measures, Taipei aims to provide its African partner with the necessary tools to compensate for the lack of external (international) legitimacy resulting from the non-recognition of its sovereignty and independence — a situation that is at odds with the substantial reality experienced in the case of Somaliland. The evolution of the relationship between Somaliland and Taiwan demonstrates that, despite threats from authoritarian actors, shared values and respect for each other’s identity can foster alliances in which both parties can protect their interests without having to sacrifice anything to satisfy a dominant counterpart’s needs. This is how the success of this partnership, whose foundational principles merge into a mutually beneficial outcome, can be explained. Michele Maresca is an analyst at Il Caffe Geopolitico, an online international law journal, and the think tank Geopol21. Taipei times Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada aada garoonka diyaaradaha, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah kolonyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas kusii jeeday dhanka garoonka oo ay dagan yihiin waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gebi ahaan uu burburay baabuurka la qarxiyay. Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxaynasidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu weeraray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, sida ay ku baahiyeen barahooda. Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah weeraro gaadmo ah ku qaada qaybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadkooda, waxayna sidoo kale go’doon ku hayaan degmooyinka waawayn.