Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afmeeray weerarkii shalay galab lagu qaaday xarunta Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la toogtay dhammaan ragii weerarka soo qaaday. Wasaaradda amniga ayaa xustay in ay weerarka geysteen todoba (7) nin oo watay baabuur nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufsan tahay midabka iyo astaanta ciidamada amniga, isla markaasna ay xirnaayeen dareys u eg kan ciidamada. Dowladda kama hadlin khasaarihii uu geystay weerarka xarunta Godka Jilicow oo socday muddo 10 saacadood ah. PUNTLAND POST The post Weerarkii Godka jilicow oo la soo afjaray appeared first on Puntland Post.
  2. Addis Ababa (HOL) — The Executive Director of the National Climate Fund (NCF), Liban Obsiye, has emphasized that national coordination, ownership, and leadership are essential for the success of climate finance investments at the Green Climate Fund (GCF) Regional Dialogue with Africa, held in Addis Ababa, Ethiopia, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  3. In a city long associated with conflict and instability, Mogadishu this past week staged a different kind of gathering—one that sought to connect climate action with peacebuilding. Source: Hiiraan Online
  4. Tension is mounting in Uganda after two Kenyan activists, Bob Njagi and Nicholas Oyoo, were abducted in Kampala by armed operatives on Wednesday, October 1, 2025. Source: Hiiraan Online
  5. Gabriel Martinelli scored early to set Arsenal on course for a 2-0 win over Olympiacos on Wednesday, maintaining the Premier League side's perfect start in the UEFA Champions League group stage. Source: Hiiraan Online
  6. Goncalo Ramos struck a 90th-minute winner as Paris Saint-Germain sealed a statement win over Barcelona in the Champions League on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab has emerged as al-Qaida’s financial lifeline, generating as much as $200 million annually from forced taxation, extortion, and illicit trade to fund its growing military campaign across central and southern Somalia, according to a new counterterrorism assessment. Source: Hiiraan Online
  8. Garbahaarrey, Somalia (HOL) — A neighbourhood official was shot dead late Tuesday night in Garbahaarrey, the administrative capital of Somalia’s Gedo region, in what authorities say reflects a surge in targeted killings that have shaken local confidence in security institutions. Source: Hiiraan Online
  9. MINNEAPOLIS, Minn. (HOL) — U.S. immigration officials said they uncovered 275 cases of suspected fraud or other concerns during a nine-day operation across Minneapolis and St. Paul, but the sweep has so far resulted in four arrests and 42 referrals to immigration court. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — U.S. President Donald Trump questioned the need for American military operations in Somalia and Kenya, telling senior military officials to focus on what he called an “invasion from within” at home. Source: Hiiraan Online
  11. Safiirkii dawladda Koonfur Afrika u fadhiyey dalka Faransiiska aya maydkiisa laga helay bannaanka Hotel uu degganaa oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhintay Danjire Emmanuel Nkosinathi Mthethwa, waxaana jira xog sheegaysa in uu ka soo dhacay dabaqa 22 halka qaar kalena ay tilmaamayaan in laga soo tuuray bartii uu degganaa. Xaaskiisa oo uu diray farriin muujinaysa dareen cabsiyeed ayaa Booliska ku war gelisay in warkiisa la raadiyo iyada oo ugu dambayn la helay maydkiisa. Ninkan oo da’diisu 58 jir ahayd, waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii reer Koonfur Afrika ee sida weyn uga dagaallantay midab takoorkii dalkaas ka jirey isaga oo markii dambena noqday mudane Baarlamaan. Source
  12. Mogadishu (HOL) — The U.S. Embassy in Somalia said Wednesday it is suspending some regular services after a budget stalemate in Washington forced a federal government shutdown. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sameeyay isbeddel iyo dib-u-dhis ballaaran, ayadoo lagu soo kordhiyay dhismayaal cusub oo casri ah, kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalka iyo howlaha rasmiga ah ee xarunta ugu sarreysa dalka. Dib-u-dhiskaan ayaa ka kooban xafiiska rasmiga ah ee uu Madaxweynaha JFS ku shaqeeyo, kaas oo dib loo naqshadeeyay si casri ah, laguna daray qalab iyo agabyo cusub oo waafaqsan baahiyaha shaqo iyo amniga. Sidoo kale, waxaa lagu kordhiyay Madaxtooyada xafiisyo muhiim ah sida Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Hab-maamuuska, iyo dhismayaal kale oo isugu jira hoy iyo xafiisyo tayo sare leh, kuwaas oo loo adeegsaday agabyo casri ah oo muujinaya horumar iyo bilic cusub. Dib u dhiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo hay’adaha dowliga ah iyo xarumaha danta guud oo ah goobo dadweynaha loogu adeego. Source: goobjoog.com
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaadka dadweynaha oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyey gobollada dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen adeeg koronto oo tayo leh. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana uu siin doonaa xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada tamar awood leh, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegyada bulshada. “Xukuumadda waxa ay diirada saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh. dhamaan adeegyada dadwaynaha waxaa asal u ah Koronto awood leh, korontada aan maanta wadno ee dhamaan Soomaaliya gees ka gees laga wada hirgaliyey waa koronto Deegaanka la saaxiib ah oo la yiraahdo Tamarta Cagaaran, waxaanna rajeyneynaa in ay dadka Soomaaliyeed awood u helaan in ay iibsadaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Mudane Xamsa, ayaa xusay in tallaabadani ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, isla markaana lagu wajahayo horumar dhanka tamarta ah, Xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay sii ballaariso adeegyada korontada si loo xaqiijiyo adeegga bulshada. Source: goobjoog.com
  15. Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Carruurta, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda ilmaha Soomaaliyeed. Intii lagu jiray fadhiga, waxaa oggolaaday 130 Xildhibaan, halka 10 Xildhibaan ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen. Natiijadan ayaa muujisay taageerada xooggan ee Baarlamaanka u hayo hirgelinta heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kuwa carruurta. Axdigan ayaa dhigaya in carruurtu ay xaq u leeyihiin daryeel, waxbarasho, caafimaad, iyo in laga ilaaliyo tacaddiyada iyo guurka qasabka ah. Waxa uu sidoo kale ku boorrinayaa dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin sharci iyo dhaqanba oo lagu sugi karo barwaaqada iyo mustaqbalka carruurta qaaradda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ansixinta Axdigan ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu ilaalinayo xuquuqda bulshada nugul, isagoo tilmaamay in wasaaradaha ku shaqada leh ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu fulinayo qodobada ku xusan Axdiga. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u saxiixday heshiisyo dhowr ah oo caalami ah oo la xiriira xuquuqda carruurta, balse ansixinta rasmiga ah ee Axdigan Afrika ayaa u gogol xaaraysa in Soomaaliya ay si buuxda uga mid noqoto wadamada dhaqan-geliyay heshiiskan muhiimka ah. Xildhibaanad ka mid ahayd kuwii taageeray Axdiga ayaa sheegtay in tani ay ka dhigan tahay guul u soo hoyatay dhammaan carruurta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  16. Wararka naga soo gaaraya badda Mediterranean-ka ayaa sheegaya in markab ay leedahay Israa’iil uu fara-gelin ku sameeyay markabka Alma oo ka mid ah maraakiibta ka tirsan gargaarka sidda ee u socda Gaza. Faragelintaas ayaa saameyn ku yeelatay dhammaan nidaamyadii isgaarsiinta iyo matoorka markabka, taasoo keentay inuu si ku-meelgaar ah u hakado. Sidoo kale maraakiibka dagaalka Israa’iil ayaa farageliyay nidaamyada isgaarsiinta ee dhawr markab oo kale oo ka tirsan gaadiidka kolanyada ah ee doonaya inay jabiyaan godoominta Qasa, taasoo keentay in isgaarsiintii gudaha iyo dibadda ee maraakiibtaas la waayo. Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta Israa’iil ayaa markii dambe isaga baxay goobta, iyadoo aysan jirin wax iska horimaad toos ah oo dhex maray labada dhinac. Dadka la socda kolanyada maraakiibta ah ee gargaarka wadda ayaa sheegay in, inkastoo ay jiraan carqalado noocan ah, haddana ay weli ka go’an tahay inay gaaraan xeebaha Gaza, iyaga oo xambaarsan gargaar bini’aadantinimo. Source: goobjoog.com
  17. Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya (WBS), Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa maanta sheegay in cid kasta oo reer Sanaag ah oo weli ku adkeysanaysa taageerada maamulka Waqooyi-bari ay dhab ahaan u garab taagan yihiin nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka. Dr. Aadan ayaa hadalkiisa ku sheegay in maamulka Waqooyi-bari uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada Puntland iyo Somaliland haddii ay diyaar u yihiin in nabad iyo wadajir lagu noolaado. “Haddii ay nabad naguula noolaanayaan, waan soo dhowaynaynaa. Haddii ay diidaanna jiritaankeena waa laga qurux badanyahay,” ayuu yiri. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in maamulka WBS uu ku taagan yahay mabda’a ah wadajir iyo aqoonsi wada ogol, balse uusan aqbali doonin cid diida jiritaanka maamulka ama isku dayda inay hoos u dhigto codka dadka deegaanka. Hadalka Dr. Aadan ayaa imaanaya xilli ay weli jiraan dooddo siyaasadeed iyo is faham la’aan ka taagan mustaqbalka maamulka Waqooyi-bari iyo xiriirka uu la leeyahay labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland. Source: goobjoog.com
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Munaasabadda lagu daahfurayay adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026, islamarkaana lagu Xirayay xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka, isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa is beddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen. “Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay is beddelka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda. Ra’iisull Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara. Source: goobjoog.com
  19. Barta You Tube ayaa ogolaatay in ay bixiso 25 Milyan oo Dollar, taas oo ah raalli gelin laga siiyey in la xidhay bartii uu You tube ku lahaa sannadkii 2021-kii markaas oo Warbaahinta baraha bulshada laga joojiyey in uu adeegsado Donald Trump. You tube ayaa qiratay in ay ku qaldanatay Mr Trump iyada oo hadda siinaysa lacagta uu raalli gelinta u helay. Shirkadda Face book ayaa sidoo kale iyaduna dhowaan Trump siisay 25 Milyan oo ah raalli gelin ku wajahan in Trump laga xayiray bartiisa Facebook. Trump ayaa markii uu talada qabtay bilaabay in uu la xisaabtamo shirkaddihii barahooda ka xidhay markiii uu ku murmay doorashadii lagaga adkaaday sannadkii 2020-kii. Source
  20. Maamulka Gobolka Nugaal ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay go’aan cusub oo layaab leh oo ku saabsan guurka iyo dhaqanka bulshada, kaas oo saamayn weyn ku yeelan doona nolosha dadka ku dhaqan gobolkaas. Go’aanka ayaa mamnuucaya yaradka khasabka ah iyo sidoo kale guurka qaali ah, iyadoo la doonayo in la joojiyo dhaqamadaas oo muddo dheer bulshada dhexdeeda caadiga ka ahaa. Soo saarista go’aankan ayaa la sheegay inay ku timid aragti laga aruuriyay bulshada gobolkaas qaarkood, waxaana hoosta laga xariiqay in aan la aqbali doonin in qof lagu qasbo guur aan doorasho lahayn ama guur ku yimaada cadaadis dhaqaale oo xad dhaaf ah. Intaa waxaa dheer, go’aanka cusub wuxuu tilmaamayaa in qofkii qof kale kas u dila aan mag laga qaadan doonin, taasoo ah tilaabo adag oo loo qaaday sidii looga hortagi lahaa falalka dilalka iyo rabshadaha ah. Guurka deegaannada Soomaalida gaar ahaan gobollada bartamaha, bariga, iyo waqooyiga ayaa aad u adag, waxaana ninka doonaya inuu guursado laga qaadaa hanti faraha badan oo magacyo kala duwan leh, taas oo qoyska gabadhu ay ku xujeeyaan. Source: goobjoog.com
  21. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda eedeysane Cali Cabdi Sheikh Khadar (Dhegadish), kaasi oo lagu eedeeyay inuu ilmo yar ku riday god, kuna aasay, kadibna ka duubay muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada. Warka ka soo baxay xaafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in markii Maxkamaddu ay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee la horgeeyay, waxay xukuntay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta baaritaanku socdo. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu ku adkaynayaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed in la xoojiyo dadaallada la xiriira ka hortagga dambiyada ka dhaca baraha bulshada, gaar ahaan kuwa liddi ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda iyo karaamada carruurta Soomaaliyeed ay lama taabtaan tahay, asagoo digniin culus u diray cid kasta oo ku xadgudubta carruurta, wuxuuna intaa ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, laguna horgeyn doono Maxkamadaha awoodda u leh qofkii lagu helo fal nuucaas ah. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay dardar-gelinta maqaamka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo dheer soo jiitamayay. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in arrintan aan dib dambe loo dhigi karin, isagoo ugu baaqay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka in ay si degdeg ah uga doodaan, isla markaana ansixiyaan sharci qeexaya maqaamka caasimadda. “Waa in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyeynta Maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyr Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta dhismaha hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah. “Waxaa lama huraan ah in la hirgeliyo Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga, si loo helo nidaam cadaaladeed iyo sharciyad adag oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Baaqa guddoomiyaha ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo loo qabo in la helo hay’ado garsoor oo madax-banaan iyo in si rasmi ah loo caddeeyo awoodaha iyo xuduudaha maamulka caasimadda. Maqaam u sameynta Muqdisho ayaa muddo dheer taagneyd, iyadoo magaaladu tahay waa meesha dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba ku nooshahay dowlad walba oo timaada Villa Somalia. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya in si uusan dhaqaalaha Muqdisho gacantooda uga bixin inay tahay sababta marwalba uga caga-jiidaan maqaam u sameynta magaalada Muqdisho. Go’aan ka gaarista maqaamka caasimada ayaa horey looga saaray cutubka koowaad ee dastuurka, iyada oo la geeyay cutubka shanaad, waxaana isha lagu haya go’aanka uu arrintaan ka gaaro baarlamaanka.
  23. Abdisatar Axmed Xasan, oo 23 jir ah kuna dhashay Soomaaliya balse noqday muwaadin Mareykan ah, ayaa maxkamad ku taalla magaalada St. Paul ka qirtay inuu isku dayay inuu taageero iyo agab siiyo ururka argagixisada ah ee Daacish (ISIS). Hassan ayaa isbeddel ku sameeyay hadalkiisii hore isagoo maanta hortagay Garsoore Donovan Frank, kuna sheegay inuu qirayo dambigiisa la xiriira isku daygiisa inuu ku biiro ururka Daacish. Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, Abdisatar ayaa bishii December laba jeer isku dayay inuu ka duulo Minnesota si uu u tago Soomaaliya una biiro kooxda Daacish, balse labada jeerba waa wuu ku fashilmay. Mar uu rabay inuu raaco duulimaadkii koowaad ayaa laga diiday inuu raaco diyaaradda maadaama uusan haysan dukumentiyo sax ah. Markii labaadna wuxuu seegay duulimaadkii kadib markii saraakiisha federaalku ay su’aalo weydiiyeen. Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay in ay horey u heshay xog muujineysa in Hassan uu baraha bulshada ku taageerayay kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, taasoo sababtay in lagu haayo kormeer joogto ah. Maalin ka hor intii aan la xirin, FBI-da ayaa sheegtay in ay arkeen Hassan oo wata calanka Daacish isagoo wadada ku dhex maraya. Sidoo kale, warbixin hore oo maxkamadeed ayaa sheegtay inuu baraha bulshada ku ammaanay weerar dhacay 1-da Janaayo ee Bourbon Street, New Orleans, halkaas oo nin wata gaari iyo calanka Daacish uu ku dilay 14 qof. Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota, Joe Thompson, ayaa sheegay in dowladda aysan u dulqaadan doonin qof kasta oo taageera kooxaha argagixisada. “Hassan wuxuu taageeray weerarro lagu qaaday dad Mareykan ah, wuxuuna xitaa watay calanka Daacish. Ma jirto meel qalad loogu dulqaadan karo marka la joogo arrimaha argagixisada. Minnesota ma noqon doonto meel ay argagixisadu ku badbaadaan,” ayuu yiri. Hassan ayaa haatan ku jira xabsi federaal ah, waxaana wali la sugayaa taariikhda xukunkiisa. Inkasta oo sharcigu dhigayo in lagu xukumi karo ugu badnaan 15 sano oo xarig ah, haddana heshiiska qirashada dambiga ayaa u suurtagelin kara inuu helo ciqaab ka hooseysa. Toddobaadkii hore, nin kale oo u dhashay gobolka New York oo lagu helay inuu qorsheynayay weerar uu ku taageerayo Daacish ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga sii daayo xabsiyo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo in ka badan 50 muwaadin Soomaaliyeed oo halkaas maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa. Sii daynta dadkaas waxaa door weyn ka qaatay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, iyadoo Danjire Ilyaas Cali Xasan uu arrinta kala hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Tanzania, Jean Pierra Massala. Danjiraha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uga mahadceliyay Dowladda Congo aqbalidda codsiga lagu dalbanayay in xorriyadda dib loogu celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jiray. “Waxaan u mahadcelineynaa Dowlada aan saaxiibada nahay ee Congo madaxdooda sidoo kaleed jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Congo,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan. Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya. Dowladda ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo. Si kastaba, waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalal kale oo Afrika ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay sii dayntooda qaar, hase yeeshee dedaallada lagu sii deynayo inta weli ku xiran ayaa wali socda.
  25. Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish ayaa Isniintii qirtay dambi ah inuu isku dayay inuu taageero agab iyo dhaqaale siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso. Cabdisataar Axmed Xasan, oo 23 jir ah, ayaa dambiga qirtay xilli uu ka soo hor muuqday Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Donovan Frank, magaalada St. Paul. Markii Xasan dacwadda lagu soo oogay bishii Febraayo, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inuu baraha bulshada ku muujiyay sida uu ula dhacsanaa ninkii fuliyay weerarkii gaariga xamuulka ahaa ee 1-dii Jannaayo ka dhacay waddada Bourbon Street ee magaalada New Orleans, halkaasoo lagu dilay 14 qof. Ninkaas weerarka geystay waxaa dilay ciidanka booliska. Gaarigiisa waxaa surnaa calanka kooxda Daacish. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Cabdisataar uu bishii Diseembar laba jeer isku dayay inuu ka safro Minnesota si uu u aado Soomaaliya, ujeedkiisuna ahaa inuu kooxdaas ku biiro oo uu u dagaallamo, balse labada isku dayba way ka fashilmeen. Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI) ayaa horay xog looga siiyay qof baraha bulshada isticmaala oo taageero u muujiyay kooxda Daacish iyo ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo keentay in saraakiisha hay’addu ay dabagal ku sameeyaan Cabdisataar labadiisii isku dayba. Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, markii ugu horreysay ee uu Cabdisataar isku dayay inuu Soomaaliya u safro, shirkadda diyaaradaha ayaa u diidday inuu raaco diyaaradda maadaama uusan haysan waraaqihii safarka ee looga baahnaa. Duulimaadkii labaadna wuxuu seegay xilli ay saraakiisha federaalku su’aalo weydiinayeen, balse lama xirin ilaa xarigiisii bishii Febraayo. Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay inay aragtay Cabdisataar oo wata calanka kooxda maalin ka hor inta aan la xirin. “Marka ay timaado arrimaha argagixisada, ma jirto meel qalad loo baneeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, Joe Thompson, oo qoraal soo saaray. ” Cabdisataar wuxuu lulay calanka Daacish, wuxuu ammaanay weerarada lagu qaado dalka, wuxuuna doonayay inuu dilo dad Mareykan ah. Ma qaadaneyno wax halis ah. Ma ogolaan doonno in Minnesota ay noqoto meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.” Cabdisataar, oo ah muwaadin Mareykan ah oo dhalashada qaatay, ayaa weli ku jira xabsiga. Ilaa hadda lama cayimin maalinta xukunkiisa lagu dhawaaqi doono. Ciqaabta ugu badan ee sharcigu u ogol yahay dambigan waa 15 sano oo xarig ah, balse heshiisyada dambi-qirashada ayaa inta badan horseeda xukun ka fudud. Cabdisataar waa qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ah dad badan oo Soomaalida reer Minnesota ah oo sannadihii la soo dhaafay looga shakiyay inay ka tageen ama isku dayeen inay ka baxaan Mareykanka si ay ugu biiraan kooxda Daacish, iyagoo ku biirayay kumanaan dagaalyahan oo ka socda dalal kale. Sannadkii 2016-kii, sagaal qof oo reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay dambiyo la xiriira maleegid shirqool oo ay kooxdaas ugu biirayeen, halka qof kale oo si toos ah kooxda ugu soo dagaallamay dalka Ciraaq isagana sannadkii hore lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.