-
Content Count
213,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CBE Considers Opening Branches in UAE Cities to Tap Diaspora Market The Commercial Bank of Ethiopia (CBE) is preparing to open branches in Dubai and other cities in the United Arab Emirates, targeting Ethiopian diaspora communities. CBE President Abe Sano led a senior delegation to Dubai last week, holding discussions with Ethiopian diplomats, community leaders, and financial institutions. The meetings included Ambassador Aklilu Kebede, Consul General in Dubai and Northern Emirates, and Idris Bunsuro, chair of the Ethiopian Community Association board. Talks focused on providing accessible banking services, strengthening remittance flows, and supporting diaspora-led investment. The UAE branches are expected to prioritise cities with large Ethiopian populations. The bank said the initiative responds to repeated requests from diaspora members for secure and tailored financial services. CBE, which has more than 1,940 branches in Ethiopia, previously operated branches outside the country in Djibouti and Sudan but has limited its overseas presence to the Horn of Africa. The move to the Gulf would mark its first expansion into the Middle East. Abie Sano, President of CBE, confirmed that the bank is working to ensure legal compliance for cross-border transfers, with consultations held with Al-Ansari Exchange Group and other partners to strengthen secure and regulated remittance channels. Birrmetrics Qaran News
-
Xayawaannada dab-joogta ah sida eeyaha, bisadaha iyo shimbiraha ayaa kaalin muhiim ah ku leh nolosha aadanaha, iyadoo ay ka qayb qaataan dheelitirka deegaanka iyo abuurista nolol isku dheeli tiran, hase yeeshee, waxaa inta badan dhaca in carruurta qaarkood ay xayawaannadaasi kula dhaqmaan dhibaato, iyagoo ka dhigta madadaalo ama ciyaar, taas oo dhaawac weyn ku ah naxariista bani’aadamka iyo nolosha xayawaanka laftiisa. Khabiirada tarbiyadda ayaa tilmaamaya in carruurta lagu barbaariyo naxariista xoolaha iyo xayawaannada si ay ugu koraan dad damiir iyo daryeel leh, waxayna intaas ku darayaan in dhaqanka carruurta ee la xiriira xayawaannada uu yahay mid saamayn togan ku yeesha bulshada mustaqbalka, maadaama qofka u naxariista makhluuqaadka yar uu sidoo kale u nugul yahay inuu u naxariisto dadka. Xuquuqda XayawaannadaXayawaannadu waxay leeyihiin xuquuq asaasi ah oo bani’aadamka looga baahan yahay in la dhowro, Xuquuqahaas waxaa ka mid ah: 1. Xuquuqda nolosha iyo ilaalinta – in aan si xaq-darro ah loo dilin ama loo dhibaateyn. 2. Xuquuqda cunto iyo biyo nadiif ah – in loo helo nafaqo ku filan si ay ugu noolaadaan caafimaad qab. 3. Xuquuqda caafimaadka – in la daweeyo marka ay bukoodaan ama dhaawacmaan. 4. Xuquuqda deegaanka ku habboon – in aysan ku noolaan xaalado cadaadis leh ama meel aan ku habboonayn dabiicigooda. Xuquuqahan waxaa aqoonsaday hay’ado caalami ah sida Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda Xoolaha (World Animal Protection), waxayna noqdeen xeerar ku qotoma bani’aadantinimada iyo wada-noolaanshaha. Tusaalaha Islaantii reer Israa’iil Dhaqanka Islaamka ayaa si weyn uga hadlay naxariista loo hayo xoolaha iyo xayawaannada. Waxaa jirta xadiis caan ah oo ka warramaya haweeney reer Israa’iil ka tirsanayd oo jannada lagu gallay waraabin ay u waraabisay eey oo harraad daran ku jiray. Nabiga (NNKH) ayaa sheegay in falkaas yar ee naxariista ah uu sababay in Alle dambi dhaaf u sameeyo, una abaal mariyo janno. Dhacdadan ayaa muujinaysa in xitaa xayawaanka aan hadlin ee daciifka ahi uu leeyahay qiimo weyn oo qofka bani’aadamka ah looga baahan yahay inuu u muujiyo daryeel iyo naxariis. Si kastaba ha ahaatee Wacyigelinta carruurta ee ku aaddan daryeelka xayawaannada dab-joogta ah waa maalgashi mustaqbal, waxayna ka hortagtaa dhaqammo qalafsan oo mustaqbalka bulshooyinka dhibaato ku keeni kara. Isla markaana, waxay carruurta baraysaa qiyamka Islaamka iyo bani’aadantinimada ee ku dhisan naxariis, daryeel iyo wada-noolaansho. Source: goobjoog.com
-
Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Abdirisaaq Daacad oo maanta Shir deg deg kula ballansan xildhibaannada golaha degaanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in uu xilka iska casilayo. Maayir Daacad oo farriin qoraaleed u diray xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo ayaa ka dalbaday in ay maanta Shir deg deg ah isugu yimaadaan, balse wax faahfaahin ah ma raacin qoraalkiisa, sidan ka xiganay xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo. Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya maayirka Daacad uu shirkan deg deg ah kaga dhawaaqi doono in uu si rasmi ah isaga casilay xilkii duqa degmada Gaalkacyo, markii uu ka shaqayn waayay xubnaha golaha degaanka oo u badan dhalinyaro mar kasta dhaqaale doon ah. Mar aan isku daynay in aan xiriir la samayno maayirka si aan uga xaqiijino warka ku saabsan iscasilaaddiisa nooma suurta-gelin, waxaase isa soo taraya wararka sheegaya in uu xilka iska casili doono, balse weli xaqiijin baan ku wadnaaa xogtaasi. PUNTLAND POST The post Puntland: Duqa degmada Gaalkacyo oo lagu wado in uu maanta xilkii iska casilo appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada UK- Oo xidhiyay Safaaradii ay ku lahayd dalka Masar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xidhay safaaradooda Qaahira ka dib markii masuuliyiinta Masar ay ka qaadeen xeeyndaabkii dhanka ammaanka ee dhismahaasi. Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono “ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan”, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo. Go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London. Daily News Egypt ayaa ku warantay in todobaadkii hore la xiray nin taageersan dowladda ka dibna la sii daayay ka dib markii ay u muuqatay in uu ka hortagay oo ay isku dhaceen dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Masar ee Boqortooyada Ingiriiska. Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty uu todobaadkii hore taleefoon kula xiriiray la taliyaha amniga qaranka ee Britain Jonathan Powell, isagoo ka codsaday in la caddeeyo xariga. Abdel-Ati ayaa horay u sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay “ka jawaabto” wadamada “ku guuldareystay in ay dammaanad qaadaan ilaalinta safaaradaha Masar si waafaqsan qodobbada Axdiga Vienna.” Xadhiga ayaa dood ka dhaliyay Masar, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadda Masar ay ka codsadeen dowladda Masar inay ka qaadaan xeeyndaabka hore safaaradda UK ee Qaahira. Bbcsomali Qaran News -
Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajirinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britian ayaa qaxootiga gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriisku waxay sheegeen inay aad uga baqayaan inay ka baxaan guryahooda. Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo waxana uu u shaqeeyaa sidii maamule – laakiin waxa uu sheegay in isaga iyo qaxoontiga kale aanay ka tagin guryahoodii Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan sababta oo ah waxa ay “ka baqayaan” in “la beegsado” ama “lagu garaaco”. Dashi, oo UK timid gabar caruusad oo caruur ah , oo 13 jir ah, kana timid Soomaaliya, ayaa ku baaqday waxbarasho dheeri ah in la siiyo dadweynaha si ay “si bulshooyinka layasagu soo dhaweeyo”. Hogaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo in laga doodo socdaalka balse uu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan huteel magangalyo oo magaalada ah. Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada laga dhigayo ay deggan yihiin ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay mowjado mudaaharaad ah ka dhaceen Hotel The Bell ee Epping, Essex. Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo ay degenaayeen magangalyo-doon laakiin hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin in ka yar 100 qof. Hogaamiyaha Golaha Deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka degan Swindon in aysan ku mudaaharaadin banaanka hoteelada dadka magan galyadoonka la dajiyey. Waxa uu yiri: “Tani ma ah inaan rabno inaan joojino ka hadalka arinta muhaajiriinta , laakiin inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas mana rabno inaan aragno caruur horey uga soo qaxay xaalado cabsi iyo khatar ah oo dibadda ah si ay u dareemaan cabsi gudaha guryahooda Swindon sidoo kale.” Mr Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu “ay fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay”. Laakiin waxa uu kula taliyay dibad baxayaasha in ay “bartilmaameedsadaan dadka wax samayn kara”. Waxa uu yidhi: “Waxa jirta dood adag oo ah in aanay arrintani ahayn mid dawladda hoose uun khusaysa, laakiin waxa aanu ka door bidi lahayn in dadku ku mudaharaado bannaanka dhismayaasha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka baxsan lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin.” bbcsomali Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka, Mudane Maxamed Xasan Xuseen Wallore, ayaa maantashir-guddoomiyay kulanka amniga gobolka Mudug. Shirka oo ka dhacay xafiiska maamulka gobolka ayaa waxaa si buuxda uga soo qayb galay dhammaan xubnaha Guddiga Amniga gobolka, oo ka kooban saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka heer degmo iyo gobol, iyo masuuliyiin kale. Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka, iyo sidii la isku waafajin lahaa qorshayaasha wadajirka ah, sidoo kale in la dardar-geliyo wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka. Guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade ayaa shir-guddoonka ka jeediyay baahida loo qabo sugidda nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo ciidamada, iyo la-dagaallanka falalka amni-darrada. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maxamed Xasan Wallore ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si looga hortago wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida gobolka. Ugu dambeyn shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aamo iyo qorshayaal la taaban karo oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo wada-jir dhameystiran oo u dhexeeya maamulka, ciidamada iyo bulshada gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Sugidda Amniga Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Kenya and Uganda have agreed to eliminate all existing tariff and non-tariff barriers hindering trade between the two countries and to align all trade-related commitments with the East African Community (EAC) treaty and protocols. Source: Hiiraan Online
-
Liverpool have completed the signing of Alexander Isak from Newcastle United in a Premier League-record transfer Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa soo xiray tababarka gaarka ah ee dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah, kuwaas oo qaadanayay tababar Kumaandoos ah. Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Baledogle, halkaas oo ay Layli Saraakiishu kusoo bandhigeen dhoolatus ciidan oo muujinayay xirfado tababar oo heer sare ah, kana tarjumayay natiijada waxbarashada iyo tababarka adag ee ay soo mareen. Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay tababaradani u leeyihiin dhismaha iyo tayeynta ciidanka. Wuxuu sheegay in tababarka noocan ah uu si gaar ah uga qayb qaadanayo kor u qaadista xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka Qaranku ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfado casri ah si ay ula jaan qaadaan caqabadaha amni ee dalka ka jira, ayna awood ugu yeeshaan difaaca qaranka iyo ka qayb qaadashada sugidda xasilloonida. Tababarkani waxa uu astaan cad u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada ay ku doonayaan in lagu xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u noqdaan ciidan awood u leh difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia and Somaliland have agreed to explore closer financial cooperation, including the possible establishment of a branch of Ethiopia’s state-owned Commercial Bank in Somaliland. Abdinasir Ahmed Hersi, governor of Somaliland’s central bank, and Mamo Mihretu, governor of National Bank of Ethiopia, met in Addis Ababa on Saturday to discuss collaboration on payments and settlement systems, foreign exchange and trade financing, FinTech licensing, and anti-money laundering measures. Both sides agreed to form a joint technical working group to follow up on the initiatives. Governor Hersi highlighted the strategic role of Somaliland’s Berbera Port and its trade corridor for Ethiopian commerce, urging swift progress on banking and insurance frameworks to support port operations. Governor Mihretu welcomed the plan and said the matter would be raised with Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs. Officials also discussed formalising financial flows, regulating khat trade across the border, and enhancing banking access for regional businesses. The central banks pledged to continue collaboration to support economic growth and strengthen regional stability. Birrmetrics Qaran News
-
President Donald Trump is considering US Somaliland recognition, a move championed by Senator Ted Cruz to counter China, secure a new military base, and combat terrorism in the Horn of Africa. White House Considers Somaliland’s Independence President Donald Trump confirmed on August 8 that his administration is actively reviewing the possibility of formally recognizing the breakaway state. “We’re looking into that right now,” Trump stated in the Oval Office, later adding, “We’re working on that right now, Somaliland.“ Senator Ted Cruz, chairman of the Senate Foreign Relations Subcommittee on Africa, expressed strong confidence in the move. “There is a very real opportunity that President Trump will recognize Somaliland during this administration,” Cruz said, framing it as part of a “new era of clarity in American national security.“ Proposed US Military Base in Somaliland Somaliland’s government has offered the U.S. an air and sea base at its port of Berbera, strategically located near the entrance to the Red Sea. The site includes one of Africa’s five longest runways, presenting an opportunity for a combined naval and air force presence. This offer is contingent on the United States granting formal diplomatic recognition. The potential base offers an alternative to Camp Lemonnier in Djibouti, the largest U.S. military installation in Africa, where security concerns have grown due to nearby Chinese military facilities. A significant portion of global trade, thirty percent of the world’s container ship traffic, passes through Somaliland’s waters. Countering China in Horn of Africa Proponents argue that recognizing Somaliland would serve as a critical bulwark against regional rivals. Senator Cruz stated that Somaliland “is committed to helping us counter efforts by China to undermine the safety and prosperity of Americans.” The port at Berbera is a strategic asset that both Russia and China have reportedly attempted to acquire. In addition to military positioning, Somaliland is also offering the United States access to its reserves of rare earth minerals, including lithium and silicon quartz. The growing influence of both China and Turkey in the region has reportedly fueled dissatisfaction in Washington with the long-standing “one Somalia” policy. US Somaliland Recognition and One Somalia Policy Debate The current official U.S. position is the “one Somalia” policy, which recognizes the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, including the territory of Somaliland, which broke away in 1991. The U.S. has described Somalia as a terrorist safe haven, and U.S. Africa Command has increased airstrikes against ISIS and al-Shabab. Despite the White House’s interest, the State Department maintains the status quo. A spokesperson stated, “The United States recognizes the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, which includes the territory of Somaliland. The State Department is not in active discussions with Somaliland’s representatives about a deal to recognize Somaliland as a state.” Next Steps for US-Somaliland Partnership Senator Cruz has pledged to continue advocating for the partnership through his role on the Africa Subcommittee in the Senate. He described Somaliland as a “Muslim country, in a very dangerous part of Africa, showing real courage.“ Somaliland’s president, Abdirahman Mohamed Abdullahi, believes recognition is inevitable. “It’s a matter of time. Not if, but when,” he said on May 30, adding that recognition is “on the horizon.” President Abdullahi is expected to visit Washington D.C. soon to further discussions. miraz.tv Qaran News
-
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia, iyagoo ku socdaal rasmi ah oo loogu talagalay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Serbia. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka. Markii wefdigu gaareen magaalada Belgrade, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Serbia, Mudane Bratislav Gašić, oo muujiyay sida dalkiisu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Soomaaliya. Inta lagu jiro booqashada, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo rasmi ah la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee Serbia, kuwaas oo lagu gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal. Ajandaha ugu weyn ayaa diiradda saaraya wada-shaqeynta dhanka amniga, difaaca, iyo horumarinta xiriir guud oo istiraatiijiyadeed oo labada dal ay ku wada shaqeyn karaan mustaqbalka. Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia, iyadoo la filayo in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidamada, taas oo lagu xoojinayo awoodda dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Booqashadan ayaa loo arkaa mid ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dhismaha iskaashi caalami ah oo ku saleysan amniga iyo difaaca, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee ah in la xoojiyo xiriirka caalamiga ah si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro argagixisada, isla markaana loo dhiso nabad waarta. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta hawlgal culus oo socday tan aroornimadii hore ee saaka waxay ku burburiyeen difaacyo adag oo firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade oo dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso. Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland dagaalkii maanta ku dileen dagaallamayaal ka tirsanaa Argagixisada, islamarkaana ku weli baacsanayaan firxad ka baxsaday goobihii Hawlgalkani ka dhacay, kuwaasi oo marba god laga saarayo. Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexaysa dharinta Carabi iyo Kal-idaad oo ka wada tirsan togga Baallade “Ciidanka ayaa 12 saac ee u danbeysay Hawlgalo ka wada inta u dhexeysa Carabi iyo Kal-Idaad oo kawada tirsan Togga Baallade, Firxadkii Argagixisada ayaa hadba God laga saaraya, waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo.” Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Puntland oo hawlgal ka sameeyay ceelasha Aleelooyin e buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay xubno kamid ah Daacish oo ka soo firxaday Hawlgalkii Baallade, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn oo ay ka nadiifiyeen Argagixisada. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta hawlgal saacado badan qaatay ku burburiyay difaacyo adag oo ay samaysteen Daacish appeared first on Puntland Post.
-
A 16-member Egyptian Armed Forces delegation arrived in Mogadishu on Monday for a reconnaissance mission ahead of Cairo’s planned deployment under the African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM). The delegation, led by Major General Islam Radwan, was received by officers from AUSSOM and the Somali National Armed Forces (SNAF). They later held discussions with AUSSOM leadership, including Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) and Head of Mission, Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, and attended a security briefing at AUSSOM Force Headquarters. According to officials, the team is scheduled to inspect key facilities in Mogadishu and forward areas to assess deployment and logistics arrangements for the incoming Egyptian contingent. The deployment follows the completion of specialized training by Egyptian troops in preparation for operations in Somalia. It was recently endorsed by the African Union Peace and Security Council (AUPSC), which approved Cairo’s request to formally join AUSSOM—marking Egypt’s first combat contribution to the mission. The Somali Ministry of Defence welcomed the development, describing it as a milestone in bilateral security cooperation. In a statement, the ministry said: “This step underscores Egypt’s strong commitment to supporting Somalia’s security and strengthening the capacity of the Somali National Army through the new AUSSOM framework.” The statement also acknowledged the AUPSC’s role in facilitating Egypt’s participation, framing it as part of a wider effort by African and international partners to reinforce Somalia’s national security institutions. However, Ethiopia has expressed unease over Egypt’s involvement. Ethiopia’s ambassador to Somalia, Suleiman Dedefo, told Somali media that Addis Abeba is “neither threatened nor comfortable” with the presence of Egyptian forces in Somalia. While stressing that Egypt’s role does not constitute a direct threat, he added, “as long as they don’t try to challenge our forces.” Suleiman was also quoted as saying, “If they [Egyptians] are to be of any use, it would be in neighboring countries such as Palestine, Libya, or Sudan.” His remarks came a day after Egyptian troops completed their first training program for AUSSOM deployment. AS Source Addis Standard Qaran News
-
C/RISAAQ KHALIIF WUXUU TAAGANYAY NIMAAN HOY LAHAYN HABEENKII HARGEYSI MAXAY KU HAYSAA. C/risaaq khaliif waalla buunbuuniyay intuu hargaysa joogay Waayo dalka looma eego ninku waa kuma ee waxa lagu qiimeeyaa meesha uu ka soo jeedo iyo damaciisa. C/risaaq khaliif waa tusaale wanaagsan taariikhdiisu, wuxuu ahaa guddoomiyihii Wakiilada qaranka Somaliland, wixii uu ku dhaqmay way ogaayeen reer laascaanood inuu yahay qof aan meelna u dhaqaajin karayn way iska tuureen xaggaas garoowe ayuu u sii socday maanta. C/risaaq, Laascaanood wuxuu ka noqday haddaad daad tahay beerta cali madaxay ma geli lahayd wax qiimo siyaasadeed ah oo u hadhay ma jiro. MAHADSANID.. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Marinka Gasa waxaa 30-kii Agoosto 2025 ka dhacay weerar duqeyn ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, kaas oo la shegay in lagu dilay dad uu kamid ahaa Abu Cubeyda, afhayeenkii caanka ahaa ee laanta militari ee Xamaas, ee loo yaqaanno Al-Qassam Brigades. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil, howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday goob uu ku sugnaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, halka tiro kale oo badani ku dhaawacmeen. Abu Cubeyda, oo magaciisa dhabta ahi ahaa Xudayfa Samir Cabdallah al-Kahlout, wuxuu ku dhashay magaalada Gasa 11-kii Febraayo sanadkii 1985-kii, Waxa uuna ka mid noqday Al-Qassam sanadkii 2002, ayadoo loo magacaabay afhayeen rasmi ah sanadkii 2007, xilligaas oo Xamaas ay gacanta ku dhigtay maamulka Gasa. Wuxuu ahaa wajiga ugu muuqashada badan ee kooxda, isagoo muddo labaatan sano ku dhow u ahaa codka iyo muuqaalka ugu xooggan ee dagaallada iyo hanjabaadaha Xamaas, Waxbarashadiisana wuxuu ku qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Gaza, halkaas oo uu ka bartay culuumta Islaamka. Waxaa lagu yaqaannay inuu had iyo jeer wejigiisa asturo, isagoo xiran cimaamad casaan iyo maro astaameed cagaar ah, kuwaas oo uu caan ku ahaa .Abuu Cubeyda Marar badan gurigiisa Jabalia ayaa la duqeeyay, balse wuu ka badbaaday ilaa weerarkii ugu dambeeyay ee sababay dhimashadiisa, wuxuuna dilkiisu saamayn ku yeeshay howlaha kooxda Xamaas iyo xogihii ay warbaahinta marin jireen. Inkastoo Israel ku faantay guusha hawlgalka, falcelinta Hamas weli si buuxda looma ogaan, mana shaacin kooxdu in dilka Abu Cubeyda uu dhab yahay in kale,Balse warbaahinta ayaa si xoog leh u hadal haysa arrintan. Source: goobjoog.com
-
Cabdiwahaab SH. Cabdisamad Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka dalbaday laamaha Ammaanka dalka Kenya in ay qabtaan oo baaris ku sameeyaan Cabdiwahaab Shiikh Cabdisamad oo ku eedaysan in uu taageeray Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. “Waxaan odhan lahaa laamaha amaanka ee Kenya in ay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu daacish u taageeray waayo? caalamku wuxuu isku raacsanyahay in daacish tahay argagixiso caalami ah Qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwanina si isku mid ah ayey maxkamadaynkaraan.” “Sida aan ka warqabno dhawrjeer bay Dawladda Kenya su’aalo ka waydiisay xagjirnimadiisa, hada denbiga uu galay waa ku cadyahay waa in laamaha amaanka Kenya qabtaan oo maxkamad geeyaan, si mushtamacu uga nabadgalo aragtiyaha argagaxisonimo ee uu aaminsanyahay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. “Macquul maaha qof xagjir ahi in uu Macalin u noqdo dhalinta mustaqbalka dalka kenya, kuwa buuraha calmiskaad ciidamada Difaaca Puntland ku laayeen ee asal ahaan kenya ka soo jeeda laga yaabee in isagu soo tashkiiliyey. Dr Abdiwahab fal deniyeed buu faraha kula jiraa-Dr cabdi wahaab wuxuu ka shaqeeyaa safaarada suudaan ee dalka kenya, wuxuu wax ku bartay suudaan dadka suudaan wax ku bartay in badan oo ka mid ahi waxay qayb ka yihiin aragtiyada xagjirnimada ah ee aaminsan in xukuumadaha xoog lagu bedelo waa kuwii nidaamkii maxaakiimta ee soomaaliya” ayuu Caydiid Dirir sii raaciyay “Ninkani waa xagjir basaas ah oo Dawladda suudaan u shaqeeyaa, macquul maaha qof aragti caafimaadqabta ama aqoonyahan ahi in uu dhiiga Ciidamad Difaaca Puntland ku tilmaamo waa xayeysiis loo samaynayo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ninkani wuxuu duulaan ku yahay nabda iyo xasiloonida dunida gaar ahaan xasiloonida geeska Africa” ayuu wasiir Caydiid ku geba-gabeeyay qoraalkiisa. Jawaabtan ayaa timid kaddib markii dhawaan Cabdiwahaab SH. Cabdisamad wareysi uu bixiyay ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto Daacish uu yahay xaysiis loo samaynayo Siciid Deni oo ay riixayaan dalal Shisheeye, islamarkaana dafiray in Daacish dhab ah ku jirto buuraha Calmiskaad ee Puntlans, waxaana hadalkiisa ka dhashay falcelin xooggan. PUNTLAND POST The post Puntland oo laamaha Amniga Kenya ka dalbatay in ay qabtaan eedaysane lala xiriiriyay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Ciidan ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa saaka xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexaysa degaannada Laag iyo Karin ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda magaalada Boosaaso. Ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo isbaaro dhigtay laamiga, islamarkaana joojiyay isu socodkik gaadiidka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbanayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah. Saraakiil ka tirsan kuwa hoggaaminaya ciidankan gadoodsan ayaa sheegay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso mushaaraadka ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen oo aysan furi doonin ilaa laga siiyo xuquuqdooda. PUNTLAND POST The post Ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan oo xannibay gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukunkii qisaasta ee horay loogu riday laba eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo dilal qorsheysan ah. Eedeysanayaasha la fuliyey xukunka ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi,” Yoonis, iyo Ibraahim Aadan Maadeey, kuwaas oo maxkamaddu ku xukuntay dil qisaas ah kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen qeybta jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah ee Shabaab. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan oo lagu beegsaday dad qiime iyo miisaan ku lahaa bulshada dhexdeeda. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunka ku riday kadib markii la marsiiyey dhammaan heerarka garsoorka, waxaana maanta si rasmi ah loo fuliyey qisaasta. Laamaha amniga ayaa shacabka ugu baaqay in ay sii wadaan garab istaagga iyo la shaqeynta ciidamada si looga hortago falalka amni-darrada iyo kooxaha ka shaqeeya dhibaateynta bulshada. Source: goobjoog.com
-
Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Safwaan Hilaac ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa. Safwaan Hilaac oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee fanka ku soo kordhiyey heeso iyo bandhigyo caan baxay, ayaa muddo ka badan toban sano ku noolaa qaar ka mid ah dalalka Yurub, halkaas oo uu sharci la’aan ku joogay. Balse dhawaan ayuu u guuray dalka Ireland, halkaas oo uu ka helay sharci rasmi ah. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Safwaan iyo koox fannaaniin ah ay qorsheynayeen in 4-ta bishan Sebteembar ay magaalada Hargeysa ku qabtaan bandhig faneed weyn oo ay ugu talo galeen taageerayaashooda. Geerida lama filaanka ah ee fannaan Safwaan ayaa si weyn uga naxisay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada fanka iyo suugaanta. Ehelada, fannaaniinta, iyo taageerayaasha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuusan doonaa codkiisa, curinta heesihiisa, iyo doorkiisii ku aaddanaa kobcinta dhaqanka iyo suugaanta. Source: goobjoog.com
