Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,163
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doha (HOL) - The countries in the Arab Economic and Cooperation Forum with Central Asian Countries and the Republic of Azerbaijan strongly supported the Somali government in its efforts to preserve Somali sovereignty on land, sea and air. Source: Hiiraan Online
  2. This delegation came to the country in full cooperation and cooperation with the universities of Gollis and Hargeisa, which aims to exchange knowledge, cooperation and cooperation between the three universities of Gollis, Hargeisa and Stavanger. The President of Gollis University, Mr. Syed Mohamed Ahmed and the Dean of the Colleges of Social Sciences & Law at Gollis University, Mr. Hamse Sh. Mustafe Omar Kujoog warmly welcomed this large delegation to the city of Hargeisa, the capital of JSL. Airport. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamullada weli isku dhinac uma socdaan. Iyada oo dhawaan uu baaqday shir ay labada dhinac qaadan lahaayeen ayaa wararka hoose ee la helayo ay muujinayaan rejo ah inuu shirka dib u qabsoomi karo bisha May ee maanta bilaabatay. Shirka kahor waxaa jira xiriiro gaar-gaar ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda maamullada. Waxaa ugu weyn ee laga sii wada-hadlayo waa doorashada madaxda maamullada. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaa inuu ku qanacsan yahay in aanay maamullada bisha Novermber ee sanadkaan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan illaa hadda wax shaqo ah laga qaban, halka uu sidoo kale si xooggan u diidan yahay in maamullada u ogolaado inay qabsadaan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celinaysa teendhada Afisyoone. Mar haddii aanay maamullada lixda billood ee soo aadan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah, madaxweynuhuna uusan ogoleyn mid dadban dookha haray waa muddo kororsi. Mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa laga soo xigtay inuu madaxweyne Xasan Sheekh rabo inuu siiyo muddo kororsi hal sano ah afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2025. Balse waxa uu sheegay hoggaamiye goboleedkaas in aanay iyagu ku qancin muddo kororsi labo sano ka yar, kaasi oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2026. Sidoo kale shuruudda ay wataan madaxda maamullada waa in Villa Somalia toos ugu dhawaaqdo muddo kororsigaas cusub, oo aan laga dhigin go’aan ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. Qodobkaan waa is-qaameyn siyaasadeed, maamullada waxay aaminsan yihiin in Xasan Sheekh uu rabo inuu sanadkaas ku meel-marsado sharciga doorashooyinka, sharciga axsaabta, kuna dhisto guddiga doorashada isagoo saddexdaba ku saleynaya rabitaankiiea gaarka, kadibna markii la gaaro May 2025 oo ay isaga hal sano u dhiman tahay inuu dhamaantood daadiyo kuna beddesho koox isaga kala shaqeyn karta rabitaankiisa heer federaal, taas oo ay madaxda maamullada aad u fahamsan yihiin una diidan yihiin. Sababta dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh iyaguna uga cago-jiidayaan inay bixiyaan muddo kororsi labo sano ah waa in haddii la isla gaaro May 2026 inuu waqtigoodu dhamaanayo, sidaas darteed madaxweyne aan sharciyad haysan cidna doorasho ma gelin karo oo tiisa ayaa u baahan in laga heshiiyo, sidaas awgeed waxay rabaan inay halka sano ku dirqiyaan maamullada oo ay danahoodana ku gaaran. Waa xarig jiid culus, hal sano madaxda maamullada ayaa ku dhib qaba, laba sano waa Xasan Sheekh oo sharciyad la’aan ah oo aan maamullada waxba kaga duwaneyn. Madaxweyne Xasan Sheekh gorgortanka nuucaan ah keligii ayaa galaaya, isaga oo waayahan dambe la sheegay inuu taladdii u diiday saaxiibadii wax lasoo dhistay. Dhowr xubnood oo kooxdiisa kamid ah oo arrimahan wax ka weydiinay waxay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan in siyaasad ahaan loo dhiman karo nuuc walba oo muddo kororsi ah oo la siiyo maamullada. Madaxda maamullada qaar ayaa ka fekeraaya in haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u diido muddo kororsi laba sano ah inay qabsadaan doorashooyin iskood ah, taas oo dhalin doonta buuq iyo qalalaase siyaasadeed oo horleh. Madaxweyne Xasan Sheekh marka la eego marxaladda uu maanta ku jiro dhaqaale ahaan, maqnaashaha Puntland, niyad-jabka beesha caalamka iyo kalsooni xumada ka muuqata saaxiibadii wax la dhistay, waa ku qasban yahay inuu wax walba u sameeyo sidii uu kusii haysan lahaa afartaan maamul goboleed ee HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland. The post Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada miyey kala shakiyeen? appeared first on Caasimada Online.
  4. Xaaladaha suuqa crypto currencies ayaa maanta aad u xun ka dib markii Bitcoin oo ah hormuudka lacagahaasi ay sameysay hoos dhac aan laga fileyn taasoo sababtay in dhammaan ay hoos u dhacaan lacagaha kale ee xiriirka la leh. Bitcoin ayaa hadda mareysa $57,000 oo dollar, Altcoins-yada kale ayaa raacay hoos u dhaca wadarta guud suuqa ayaa khasaaray wax ka badan $200 bilyan 36-kii saac ee la soo dhaafay. Waxaa muuqatay in qiimaha bitcoin uu ku sii jeeday $ 65,000 subaxnimadii Isniinta laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu ka gudbo heerkaas, taasoo keentay hoos dhaca xowliga ah. Guddiga Suuqa Furan ee Fedaraalka ee Mareykanka (FOMC) ayaa go’aan ka gaari doona siyaasadda lacagta Mareykanka maanta. Guddoomiyaha Fed Jerome Powell ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka lagu dhimayo ama kor loogu qaadayo heerka dulsaarka. Waana sababta keentay in uu hoos dhac weyn uu sameeyaan Suuqyada cryptocurrencies. Bitcoin ayaa hoos sii socotay tan iyo bishii April ee sanadkaan. Khuburada dhanka cryptocurrencies ayaa aaminsan in ay gaari karto $52,000 ilaa $48,500 haddii uusan isbedel ku imaan go,aanka guddiga FOMC. Todobaadyadii lasoo dhaafay dad badan Soomaaliyeed ayaa ku biiray lacagahaan xilli aysan baaris badan ku sameyn khatarta kasoo gaari karta hantidooda. Bishii March bitcoin oo ah hormuudka lacagaha cryptocurrencies ayaa gaartay $ 73,000 taasoo ku dhiirigalisay in dad badan ay maalgashtaan. Source: goobjoog.com
  5. President Hassan Sheikh Mohamed aboard Kınalıada F514,a Turkish naval ship at Mogadishu harbour on 23 April 2024 Mogadishu (PP News Desk) — As part of the comprehensive defence and economic agreements between the Federal Republic of Somalia and Türkiye, the Somali Navy will begin using state-of-the-art technology to patrol the Somali coast. The Somali Navy will use Turkish-manufactured special drones for reconnaissance missions to ensure maritime security. These drones will gather intelligence on pirates, illegal fishing, toxic waste disposal and unauthorised ships. The defense pact, signed earlier this year between Somalia and Türkiye, has unsettled other security partners of Somalia, such as the United Arab Emirates (UAE). DP World, a parastatal of the UAE, controls several ports in Somalia and aims to acquire other Somali ports. The Somali coastal guards’ work will be enhanced by the Somali Navy The UAE’s discord with the Federal Government of Somalia resulted from the latter’s closer ties with Türkiye, despite Abu Dhabi’s significant role in uniting the opposition against the previous federal government led by President Mohamed Abdullahi Farmajo. UAE terminated security budget subsidies and training for the Somali Federal Government’s security forces and army. The first batch of Somali naval troops, trained in Ankara, will collaborate with a Turkish naval fleet operating along the Somali coast. Türkiye has a military base in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post The Somali Navy to Use Drones for Coastal Patrols appeared first on Puntland Post.
  6. Jilaa caan ah oo u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Çağlar Ertuğrul ayaa ku kacay ficil ka yaabiyay dadweynaha Turkiga iyo dadkii maqlay. Jilaagaan ayaa iibsaday dhismaha iskuulkii hoose ee uu dhigan jiray kaddib dhismaha oo dhan ayuu dhulka ku daray isagoo sheegay inuu uga aargoosanayo jirdil ay iskuulkan macallimiintiisa kula kici jireen yarantiisa. Ertuğrul oo hadda 37 jir ah ayaa bartiisa Instagram-ka oo ay ku xiran tahay 3.2 oo qof, wuxuu soo dhigay sawirka isagoo dhex taagan burburka dhismaha iskuulka ee uu dumiyay laakin wuxuu la kulmay falcelin badan oo dadweynaha uga timid. Dadka ayaa ku dhaleeceyey inuu ku kacay ficil wax dumiyay ee aan waxtar iyo isbeddel lahayn wuxuuse isku muujiyay qof ku qanacsan waxa uu sameeyay oo u muuqda inuu iska siibay qodax muddo dheer ku taagnayd PUNTLAND POST The post Jilaa Turki ah oo sameeyey dhacdo ka yaabisay dadka wadankiisa appeared first on Puntland Post.
  7. Roobab xoog leh oo xalay ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar ayaa wax yeelo gaarsiiyey kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wadada laamiga ah ee isku xirt gobolada Puntland. Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku taggay deegaanka. Mas’uuliyiinta oo kormeeray goobaha ay roobabku wax yeeleeyeen ayaa u kuur-galay xaalada dadka, deegaanka iyo dhibaatooyinka kale ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan wadada laamigga ah iyo buundooyinka. Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka da’ay roobab lixaadleh lamana soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo sida meel qaar oo ay buundooyin jareen. PUNTLAND POST The post Roobab Khasaare u gaystay kaabayaash dhaqaalaha oo ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
  8. Wafdi uu hogaaminaayo Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb Daahir Maxamud Geele ayaa Kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya Maxamed Yonis AL-Manfi, kaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Dalka Libiya. Wafdiga uu hoggaaminaayo Lataliyaha are ee Madaxweeynaha ayaa dhanbaal salaan ah uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Liibiya, iyagoo kadib wada yeeshay kulan gaar ah. Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya, sidoo kale isaga kaashan laheeyn xiriirka Ganacsiga iyo midka Amni iyo Siyaasadeed ee labada dowladood. Dowladda Libiya oo caalamka aqoonsan yahay ayaa hadda ku jirta dadaallo dib guud ahaan awoodda dalka gacanta loogu soo celinayo, maadaama xukuumadda bariga ay ka soo horjeedo, Turkiga ayaa wada sidii Libiya looga hirgelin lahaa dowlad oo dhan yahay. Dhallinyada badan oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa Libiya waxaa ay u noqotay marin, looga gudbo Yurub, waxaana xabsiyada dalkaas ku jiro dhallin badan oo ay gacanta ku hayaan kooxda magafayaasha, iyagoo dhowr jeer dalbaday in dowladda ay dalka dib ugu celiso. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Onlije) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, isaga oo u jawaabay kadib go’aankii uu shalay Muqdisho kaga dhawaaqay ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee 2026-ka. Xamza oo Daahfurayay Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa shalay sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorashooyin qof iyo cod ah. “Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu. Fahad Yaasiin oo ka jawaabayay arrintan ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu mar weliba ka shaqeynayo rabitaanka madaxweynaha, si uu ugu maamulo doorashada soo socota. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Xamza inuu horay si xun ugu soo maamulay doorashadii Jubbaland ee 2019-kii, maadaama uu ahaa guddoomiyihii gudiga doorashada maamulkaas. Waxaa kale oo uu tilmaamay in ra’iisul wasaaraha ay haboon tahay in uusan ka hadlin hufnaan doorasho, balse uu dib u xasuusto wixii uu horay usoo sameeyay. “Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw” ayuu ku jawaabay. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhammeystiran:- 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞, Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026. Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya! Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw. 𝐓𝐑𝐀𝐍𝐒𝐋𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍 Mr. Prime Minister, The post FAHAD Yaasiin oo weerar culus ku qaaday Xamza: Dib u xasuuso taariikhdaada appeared first on Caasimada Online.
  10. Kal-fadhigii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa Soomaaliya ku taageertay dadaallada ay ku doonayso inay ku ilaaliso’ madaxbannaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada. Sida lagu sheegay bayaan ka kasoo baxay shirkan oo ka dhacay magaalada Doha, waxay caddeeyeen in Soomaaliya ‘xaq u leedahay inay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda’ sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, lana taageeray. Madashan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirro uu ka mid ahaa wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Bayaankan oo ka koobnaa 16 bog ayaa lagu yiri “Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda qoraalkan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi iyo ciidan ah oo ka soo baxa, waxayna ku booriyeen dhammaan waddamada inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa ay sidoo kale diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iideystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga Carabta, marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed PUNTLAND POST The post Soomaaliy oo lagu taageeray mowqifkeeda ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  11. Tobanaan milyan oo dad ah ayaa isticmaalaya habab farsamo si ay si qarsoodi ah u galaan WhatsApp-ka dalalka laga mamnuucay sida uu warbaahinta u sheegay madaxa qeybta farriimaha ee Shirkadda, iyadoo WhatsApp ayaa laga mamnuucay dalalka Iran, Waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya’ Shirkadda ayaa aaminsan in dadka ay isticmaalaan hab ka dhigaya in ay jooggaan dal kale Sida VPN iyo wixii la mid ah, Dalal kale, oo ay ku jiraan Qatar,Shiinaha Masar, Jordan iyo Imaaraadka Carabta, ayaa xaddiday isticmaalka WhatsApp sida wicitaannada codka. Laakiin WhatsApp waxay arki kartaa halka ay isticmaaleyaasheeda run ahaantii ku sugan yihiin, iyada oo ay ugu wacan tahay lambarada telefoonadooda ee diiwaangashan. “Waxaan haynaa warbixino badan oo la yaab leh oo ku saabsan dadka isticmaala WhatsApp,tobonaan milyan ayaa wali isticmaalaya meelihii la xannibay , waxa aan sameyn karno ayaa ah inaan eegno qaar ka mid ah dalalka dadka ay kasoo galayaan balse wali si ka duwan sidii aan fileynay ayaa loo isticmaalaya, ,” Mr Cathcart ayaa u sheegay BBC News. Maxay tahay sababta ay wadamada qaar u xannibaan WhatsApp-ka? Wadamo badan ayaa xanibay WhatsApp, intooda badan waxa ay ku eedeeyeen in Shirkadda ay halis ku tahay amniga qaranka. Waxaa sidoo kale ku adag in lala socdo dhaqdhaqaaqa dadka isticmaalaya, xilli ay ku isticmaalaan aaladaha internet-ka aan xadidid, dalalku ma fiiriyaan baahida shacabka ee Whats AP-ka. Dowladdaha ayaa ku andacoonaya in xannibaadda app-ka ay fure u tahay ilaalinta jawi siyaasadeed oo xasilloon oo ammaan ah iyo xaqiiqda. Balse mucaaradka dalalkaasi ayaa sheegay in la doonaayo in lagu caburiyo siyaasadood dhanka xiriirka bulshada. Sidoo kale wadamada qaar ayaa ku sifeeyay mamnuucitaanka WhatsApp si ay u horumariyaan warshadahooda isgaarsiinta. Tallaabadan ayaa sida caadiga ah la filayaa inay sare u qaaddo dakhliga dawladdaha mustaqbalka fog. Haddii aad u safrayso wadamada laga mamnuucay WhatsApp-ka maxaa kuu xal ah? Haddii aad ku nooshahay ama aad u safrayso waddan laga mamnuucay WhatsApp, waxaa jira war wanaagsan:, Waxaad isticmaali kartaa shabakad khaas ah oo lagu magacaabo (VPN). VPN waa App kaa dhigaya in aad iska dhigto in aad joogto dal kale ka dibna telkaaga ku xirato. Waxaad awood u yeelanaysaa in aadan dareemin xanibaada. Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga Mudane Niyazi ACAR iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay. Soo dhaweynta wafdigaan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga. Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Turkiga Mudane Niyazi ACAR ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS uga mahadceliyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay. Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niyazi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal badan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal. Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga. Source: goobjoog.com
  13. Dooxa (Caasimada Online) – Waddamada Carabta iyo kuwa bartamaha Aasiya ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan culus kasoo saaray heshiiska badda ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya oo xad-gudub ku ah madax banaanida Soomaaliya. Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, kuwa Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyada Azerbaijan oo yeshay kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga ee waddamadan ayaa waxaa looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah. Kulankan waxaa goobkoog ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit. Xubnaha dalalkan ayaa xag-dububka Itoobiya kula kacdsay madax bannaanida Soomaaliya kasoo saaray war-saxaafadeed ka kooban 6 qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:- 1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah. 2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka. 3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”. 4- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka. 5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas. 6- Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen The post Maxay yihiin lixda qodob ee dalalka Carabta kasoo saareen xad-gudubka Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  14. Beledweyne (HOL) - The President of Hiiraan State and Commander of the Public Defense Forces, Ali Jeyte Osman, has accused al-Shabab militants of instigating the recent inter-clan fighting that occurred along the borders of Hiiraan and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  15. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa la kulmayey hoggaamiyeyaasha Israa’iil isaga oo riixaya heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, xilli sheegay in “waqtigii hadda la gaadhay” heshiis dhigaya in la sii daayo la haystayaasha Xamaas gacanta ugu jira. Waxa uu sheegay in Xamaas ay qaadi doonto eed kasta oo ku guul dareysata in heshiis la gaaro hadda, Blinken waa booqashadiisii ​​toddobaad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii uu dagaalku qarxey bishii Oktoobar si uu u xaqiijin lahaa heshiiska u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee lagu jojinayo dagaalka Qaza. Wadahadallada hadda socda ayaa u muuqda kuwo halis ah, laakiin dhinacyadu waxay ku kala fog yihiin hal arrin oo muhiim ah, taas oo ku aadan in dagaalku soo afjaro qayb ka mid ah dagaalka Koonfurta iyo Waqooyiga Qaza, halka Isrel ay dalbanayso in marka hore la siidaayo la heystayaasha Israel ee laga hayo. “Waxaan go’aansanay inaan helno xabbad-joojin soo celisa la haystayaasha oo aan hadda helno, sababta keliya ee taas loo gaari waayayna waa Xamaas,” Blinken ayaa u sheegay madax-dhaqameedka Israa’iil Isaac Herzog kulan ka dhacay Tel. Aviv, kadib markii uu la kulmay sidoo kale madaxda ugu sareysa Israel. Blinken waxa uu sheegay in heshiisku uu sidoo kale u ogolaan doono in cunto, daawo iyo biyo aad looga baahan yahay Qaza, halkaas oo dagaalku ka dhaliyay masiibo bini’aadantinimo oo ay barakiciyeen inta badan dadkii dhulkaas ku noolaa, waxaana jira walaaca xooggan ee Qaramada Midoobay ka muujinayso. Ka dib markii uu la kulmay Herzog iyo sidoo kale qoysaska dowladda Maraykanka ee ay Xamaas ku hayeen hudheelkiisa, Blinken waxa uu si kooban u salaamay dhawr iyo toban mudaaharaadayaal oo ku baaqayay in si degdeg ah heshiiska loogu sii daayo dadka afduubka loogu heysto gudaha marinka Qaza. Dibad-baxayaashu waxay ku booriyeen inuu kiiskooda u gudbiyo Ra’iisul WasaarE Benjamin Netanyahu, Blinken ayaa la kulmi doona Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada, galinka dambe ee maanta oo Arbaco ah, magaalada Qaahira waxaa wali ka sii socda dadaallada lagu raadinayo xabadjoojin laga hirgaliyo Qaza. Source: goobjoog.com
  16. Ruushka ayaa saacadihii u dambeeyay weerarro is xigxigay oo uu adeegsaday gantaallo ku qaaday magaalada dekedda badda madow ee Odesa, halkaa oo ah magaalada ugu muhiimsan ee guud ahaan Ukraine ee la filayo inuu dabayaaqada sannadkan Ruushka ku qaado duulaan uu isku dayayo inuu kula wareego. Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay weerarradii u dambeeyay inuu Ruushka ku dilay, dekedda iyo dhismayaal kalana waxaa laga soo sheegay in burbur gaaray. Odesa, waxaa muhiimada siinaya waa inay tahay magaalada kaliya ee ay ku taallo dekedda ugu muhiimsan ee badda madow, maalinta ay gacanta u gasho Ruushka, wuxuu noqonayaa dalka Ukraine dal aan muhiimad lahayn oo go’doon u gala Ruushka. Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa dadaal ku bixinaya iyagoo nidaamkooda difaaca gaynaya inaysan magaalada gacanta u galin Ruushka oo laga filayo duulaan weyn oo uu ku qaado Ukraine bilaha soo socda, sida ay warbixinnadooda ku sheegeen sirdoonka Mareykanka iyo reer Yurub. PUNTLAND POST The post Ruushka oo weerar ku qaaday magaalada Odesa ee Ukraine appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee dalka. Xamza oo Daahfurayay Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah. “Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu. Haddaba sidee looga felceliyay go’aanka ra’iisul wasaare Xamza ee doorashada soo socota? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal ra’iisul wasaaraha iyo suurtagalnimada go’aankiisa. Ismaaciil Maxamed “Alaabtaan waa tii Kheyre iyo Farmaajo Ummada ku seexi jireen Teendhada waa lama huraan”. Aweys Sheekh Cabdiraxmaan “Waa ballan qaad taarikh ah Xukuumadda DanQaran ee hoggamiyo PM Xamza way ku mahadsantahay in ay shacabka awoodda ku celiyaan”. Maxamed Cabdiraxmaan “Ar u fiirso mudane ra’iisul wasaare waa hubaa in Teendhadoo la Update gareeyay loo laaban doonee markaan qiimeeyo sidaad howsha u wadaan ee yaanu hadal idinka tagin”. Abshir Xasan Maxamed “Wax aadan waxba ka bedeli karin laguma indho adeego Ra’iisul wasaare”. Cabdifitaax Ibraahim “War cad waaye hadalkaas Xamza Cabdi Barre hadal aqoon waye oo waayo arag ah”. Cali Muumin Ismaaciil “Teendhadu siyaasad iyo istaraatijiyad in looga gudbiyo wadanka ayee rabtaa midaasna kuwo ifafaalaheedii haya ma tihidin”. The post Sidee ayaa looga falceliyay go’aanka R/Wasaare Xamza ee doorashada soo socota? appeared first on Caasimada Online.
  18. Booliska magaalada New York ayaa galay Jaamacadda Columbia fiidnimadii salaasada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba toddobaad ah. Sawirro laga soo daayay telefishinada ayaa muujinayay booliiska oo galaya jaamacadda caanka ah ee Manhattan, taasoo ahayd barta ugu weyn ee mudaaharaadyada ardayda oo ku fiday tobannaan Jaamacadood oo ku yaalla Mareykanka. Saraakiisha Jaamacadda Columbia ayaa horraantii salaasadii ku hanjabay in tacliinta laga eryi doono ardaydii la wareegtay Hamilton Hall. Qabsashada ayaa bilaabatay habeen hore markii mudaaharaadayaashu ay jabiyeen daaqadaha oo ay qabsadeen Hamilton Hall, halkaas oo ay kusoo bandhigeen boodhadh ay ku qoran tahay “Hoolka Hind”, oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza. Duqa magaalada New York Eric Adams iyo saraakiisha booliiska magaalada shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in la wareegidda Hamilton Hall ay ka dambeeyaan “kacdoonno dibadda laga soo abuulay” kuwaas oo aan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Columbia. Mid ka mid ah hogaamiyayaasha ardayda mudaaharaadka oo la yidhaahdo Mahmoud Khalil, oo ah Falastiini wax ka barta machadka School of International and Public Affairs ee Jaamcadda Colombia oo ku jooga fiisaha ardaynimada, ayaa kahoryimid sheegashada ah in dad shisheeye ahi ay bilaabeen qabsashada. Source
  19. Madaxa sirdoonka Turkiga ayaan booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin. Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka argagixiaada. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ahaa mid xooggan, iyadoo labada dhinac ay dhowaan kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah. Source
  20. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa salaasada maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ururka warbaahinta Somaliland ee (SOLJA) oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin. Kulanka oo ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud iyo dardargalinta iskaashiga ka dhexeeya Waaxda Garsoorka JSL iyo Ururka Warbaahinta ee SOLJA, ayaa ugu horayn waxa shirka ka hadlay Guddoomiyaha Ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin waxaanu xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Warbaahinta iyo Garsoorka oo ay ugu horayso Maxkamadda Sare. Waxaanu guddoomiyaha ka codsaday in Garsoorku ka qayb qaato qabyo-tirka xeerka warbaahinta isla markaana ka taageero tababarada lagu xoojinayo fahanka warbaahinta ee dhanka sharciga. Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ka socday ururka SOLJA, waxaanu hoosta ka xariiqay in ka Garsoor ahaan ay markasta Warbaahinta barbar taagan yihiin haddii ay tahay sare-u-qaadida cilmiga iyo haddii ay tahay geedi-socodka shaqo ee lama-huraanka ah. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa tibaaxay in ay muhiim tahay qabyo-tirka xeerka warbaahinta, waxaanu ku booriyay masuuliyiinta SOLJA in ay ka hawl-galaan oo ay kala shaqeeyaan Golaha Wakiillada iyo daneeyayaasha kale ee ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta, si loo qabyo-tiro. Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta ku amaanay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan dhismaha waddanka, waxaanu ugu baaqay in ay ahmiyad gaar ah siiyaan barnaamijyada waxtarka leh ee dhisaya garaadka bulshadeena. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
  21. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo ku aadan 1-da maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey hawl-karnimadooda iyo dhabar adaygga ay muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray. “Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  22. Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen. Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab waxa ay kordhisay weerarada gaadmada re ay aroortii hore ku qaado ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka. Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaco weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Shabelaha Hoose appeared first on Caasimada Online.
  23. Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku naf waayeen, halka kumanaan kun oo kale laga daad gureeyay foolkaano ka qaraxday jasiiradda Ruang oo ka tirsan gobolka Sulawesi ee dalka Indonesia. Sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyo dhowr ah oo halkaa tagi lahaa, ayadoo kooxaha gurmadka degdega ihi ay ku howlanyihiin Sama-tabixinta iyo daad guraynta dadka ay waxyeeladu gaartay. Muqaal ay baahisay hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee Indonesia (BNPB) ayaa muujinaya hillaac ka kacayay godka ku yaalla jasiiradda iyadoo dambaaburo gudguudan iyo dhagxaan dab ihina ka duulayso. Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan degganaa Jaziirada Ruang oo ay foolkaanadu ka dhacday, loo raray Manado, oo ah caasimadda gobolka Sulawesi. Rosalin Salindeho, oo ah 95 jir degan jasiiradda Tagulandang, ayaa sheegtay in cabsi ba’ani ay soo wajahday markii Ruang uu ka qarxay foolkaanuhu, waxayna tiri “waxay ahayd wax laga naxo, Waxaa da’ay roobab, Midka labaad runtii aad buu u cuslaa, xataa guryihii fogaa waa ay garaacmeen”. Wakaaladda saadaasha hawada ee Indonesia (BMKG) ayaa subaxnimadii Arbacada soo bandhigtay khariidad muujinaysa dambaska foolkaanaha oo gaadhay ilaa Borneo oo ah jasiiradda Indonesia ay wadaagto dalalka Brunei iyo Malaysia. Qaraxa foolkaanaha ayaan ku cusbayn dalka Indonesia, bishii December ee sanadkii tagey ayayna ahayd goortii uu foolkaanu khasaare badan dhaliyay ka qarxay gobolka mount murapi ee dalkaas. Source: goobjoog.com
  24. Sannad kasta 1-da May, adduunku wuxuu isugu yimaadaa si loogu dabaaldego maalinta shaqaalaha adduunka, oo ay Qaramada Midoobay u asteysay in dunida looga dabaaldego , ujeedka ayaa ahaa in lagu maamuuso wax-qabadka dadka shaqeeya ee warshad kasta iyo xarumaha kale duwan ee shirkadaha. Asalka Maalinta Shaqaalaha Caalamiga ah waxaa laga heli karaa ilaa dhammaadkii qarnigii 19-aad ee dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ee Maraykanka, xilligaas oo ay dalbadeen in ay helaan maalin u gaar ah si ay u wadaqeybsadaan farxadooda, shirkadahana ay fasaxaan dhammaan shaqalaha si ay nasiino u helaan. Taariikhda gaarka ah ee 1-da May waxaa loo doortay in lagu xuso shaqo joojin dalka oo dhan ah maalin shaqo oo siddeed saacadood ah oo bilaabatay maalintaas 1-dii May 1886kii, Dhacdadiisii ​​muhiimka ah si kastaba ha ahaatee, waxay ku dhammaatay arrinta Haymarket ee Chicago, Mareykanka ayaa isla qaatay. Mid ka mid ah dhacdo muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Maalinta Shaqaalaha ayaa ka dhacday Chicago oo Mareykanka ah, kadib markii shaqaalaha oo mudahaad dhigayay sinabad ah si ay u helaan maalintaan uu rabshado isku badelay kadib markii uu qarxay Bambaano, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan. In kasta oo ay jireen dadaallo hore oo lagu doonayay in fasaxa Maraykanku uu ku soo beegmayo maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha, haddana waxa ay sii ahaan jirtay mid ka baxsan Australia, Canada, Japan iyo New Zeland, taariikhda Maalinta Shaqaalaha waxaa loo dejiyay Isniintii ugu horreysay Sebtembar 1894. Marka la joogo Yurub Dhaqan ahaan, 1-da May waa maalinta dabbaaldegga gu’ga Yurub ee Maalintaasi, iyadoo la aqoonsaday Sannadkii 1889kii, sedex sano kadib, 1886-dii Mareykanku ku dhawaaqay, tan iyo markaas shaqaalaha dunida ayaa la kulmayay guulo iyo sidoo kale tacadiyo ka dhan ah xuquuqdooda. Marka la joogo Afrika waxaa inta badan laga xusaa siweyn loo weyneyaa malaintaan, walow South Afrika sanadkii 1950-kii ay aheyd markii la aqoonasaday hirgelinta maalintaan, waxaana dalalka Marocco, Libiya Kenya, Uganda iyo Somalia lagu amaanay dadaallada joogtada ay galiyaan shaqaalaha iyo maamuuskaba. Source: goobjoog.com
  25. Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo dowladda Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiiskii is-afgarad ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland. Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:- 1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah. 2- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii is-afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland. 3- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka. Qaran News