Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (PP) ─ Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur-galbeed, ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Dowladda Dhexe ee Somalia ku eedeeyay in saacaddihii lasoo dhaafay ciidan iyo hub ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Afhayeenka ayaa sheegay in diyaarad siday ciidan ay gaartay Baydhabo, isla markaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur-galbeed ka dhici doonta bisha soo socota. Sidoo kale, Dowladda Dhexe ayuu ugu baaqay inay ka qayb-qaadato Gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore. C/llaahi Sh. Xasan ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ee loogu baaqayay inay golaha yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay madaxweyne Farmaajo. Dhaka kale, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in Dowladda dhexe ee Somalia ay dabada ka riixayso wasiir ka tirsan xukuumadda kaasoo ay doonayso inuu noqdo hoggaaminaya xigi doona madaxweynaha xilka haya. Ugu dambeyn, Wasiirka la sheegay in Xukuumaddu Somalia ay waddo ayaa ah C/casiis Lafta Gareen oo ah wasiirka Tamarta iyo Biyaha, kaasoo xilka kula tartami doona tiro musharraxiin ah oo xilkan u taagan. PUTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay hub iyo ciidan geysay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  2. Senator Lindsey Graham says he believes Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman was behind the killing of dissident journalist Jamal Khashoggi. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (PP) ─ Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Septmber u soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta ciidanka Qalabka Sida ee Somalia eed ka dhan ahayd, Cali Maxamuud Axmed, Cabdi Xaaji Bashiir, Axmed C/risaaq Axmed iyo C/fataax C/qaadir Axmed oo ka-wada tirsan ciidamada Asluubta Somalia, kuwaasoo ay soo gudbiyeen ciidamada deegaanka Garasbaaley oo sheegay inay dhac geysanayeen. Xafiiska xeer-ilaalinta, ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane Xabsiga Dhexe si loosoo dhameystirao dhamaan caddeymahooda. Bishan lixdeedii ayay xafiiska xeer-ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kaddib maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska saldhiga booliiska Dharkenley iyo ilaalada deeganka Garas-baaley. Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeri ah oo mar kale la isugu soo noqdo fadhiga maxkamadda. Sidoo kale, 18-kii bishan October ayaa mar kale la isugu soo noqday fadhiga maxkamadda, waxay xafiiska xeer-ilaalinta lasoo shir-tageen kaliya inay jirto in xilliyo kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka, balse xilliga la soo qabanayay afarta eedeysane aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen. Dhanka kale, Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga maxkmada ka sheegay inay raggan ilaalo indha-indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo, sidaas awgeedna uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xuriyadooda. Ugu dambeyn, Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan, ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xoriryadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Col. Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Maxkamad sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambiyo horay loogu soo eedeeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Dhumay (Caasimadda Online) – Waxaa markale uu dagaal u dhexeeya beelaha Qayaad (Kheyr Cabdi) iyo Bahararsame oo ka wada tirsan Sool clan ku dhexmaray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool iyo laba tuulo oo hoos yimaada sida; Xaaxi iyo Daanqoray. Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog rasmi ah, dagaalka oo bilowday saaka hiirtii hore waxaa ku dhintay 30 qofood in ka badan oo labada dhinac ah halka dhaawaca uusan xisaab lahayn. Sida ay ilo xog ogaal ah oo deegaanka Dhumay ka qaxay oo ay Caasimadda Online la xiriirtay sheegeen, dagaalka waxaa qeyb ka ah maamulka Somaliland oo mid ka mid ah beelaha dhiiladda u dhexeyso garab siinaya waxaana la arkay ciidankooda oo dagaalka dhinac ka ah. Collaada u dhexeysa beelaha Bahararsame iyo Qayaad ayaa noqotay mid loo caal waayey oo hadda u muuqda in ay xalinteeda Isimada Sool clan ku fashilmeen. Dhawr bilood kahor ayuu dagaalka labadaas beelood u dhexeeya isla Dhumay ka qarxay halka sanadkii horena sidan oo kale loogu hoobtay. Lama oga ujeedada ka dambeysa inay Somaliland gadaal uga riixeyso dagaalka. Xaaladda deegaanka Dhumay hadda waa mid yara dagan hase ahaatee wax walba ayaa dhici kara mar walba. Caasimada Online Xafiiska Dhumay Caasimada@live.com
  5. Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba beel oo walaalo ah islamarkaana wada dega deegaanka uu dagaalka ka dhacay. Qoraal uu soo saaray maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in colaadan ay tahay mid soo noq noqatay isla markaana ay abaabuleen Somaliland. Puntland ayaa sheegtay in Somaliland ay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega. Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada. Mas’uuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ayaa lagu booriyay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada. Sidoo kale, qoraalka oo ah mid gaaban isla markaana ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.
  6. Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii horey uga soo yeeray. Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas. Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo oga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay. Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul. Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya. Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda. Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khaashuqji, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray dowladda Sucuudiga, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen iney caddeyn u hayaan arrintaas. Hadalka Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah oraahyada sida tooska ah uga yimid saraakiisha Sucuudiga. “Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aysan lahayn”. “Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”. Wuxuu sheegay in aysan ilaa hadda ogeyn halka uu jiro meydka, sidoo kalena ficilkaas uusan waxba ka ogeyn dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  7. Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug kaa oo kala fogeeyay mas’uuliyiinta maamulka oo iminka kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado. Khilaafka oo ah mid muuqda ayaa yimid kadib markii madaxda maamulka ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug. Khilaafka madaxda maamulka iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee taagan ayaa sababtay xil ka qaadis qaar ka mid ah xubnaha sare ee madaxda iyo doorashooyin lagu buuxinayo boosaskii la sheegay in laga qaaday. Khilaafka madaxda Galmudug ee hadda taagan waxa uu sababay in maamulka uu yeesho Laba Madaxweyne, Laba Madaxweyne ku-xigeen, Laba Guddoomiye baarlamaan iyo Laba Guddoomiye ku-xiigeen baarlamaan, taa oo ragaadisay dhamaan howlihii maamulka. Doorashooyinka khilaafka soo dadajiyay ee ka dhacay deegaanada maamulka ayaa waxaa kamid ahaa doorashada 14-ka bishan Dhuusamreeb ka dhacday ee lagu doortay guddoomiye baarlamaan, halka Cadaado xildhibaano ku kulmay ay iyaguna sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha maamulka. 20-kii bishan xildhibaano ku shiray magaalada Cadaado ay madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Xasan Baasto oo soo dhaweyn weyn loo sameeyay kadib markii uu guul ka gaaray doorasho muddo kooban ku dhacday. Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa iminka u kala jabay 3 qeyb oo kala ah Mucaarad, Muxaafid iyo dhexdhexaad, balse waxa ay dhamaantooda ka siman yihiin in Siyaasada Galmudug ay sii qasnaato inta laga helaayo xal. Xildhibanada qaar oo kulamo kala duwan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay inay doorbidayaan in gabi ahaan maamulka la kala diro inta uu sii shaqeyn lahaa Xaaf oo isagu Siyaasada maamulka hoosgeeyay Puntland iyo Jubbaland. Beesha caalamka ayaa loo diiday inay faragaliso Khilaafyada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Galmudug iyo Khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya madaxda maamulka oo dhinac ah. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadaha isdiidan ee kataagan Galmudug ayaa waxaa kaalin ka qaadanaya maamulada Puntland, Jubbalan, Koonfur Galbeed iyo Dowlada Somalia oo la sheegay inay leedahay abaabulka doorashooyinka iska soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  8. Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay kicinta dagaal u dhexeeya laba beelood oo saaka dib uga qarxay tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale baaq-nabadeed loogu diray beelaha halkaasi ku dagaallamaya,waxaana qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland xukuumaddu ka codsatay in laga qeyb qaato joojinta colaaddaas. Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaalka halkaasi ka dhacay,sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararku waxay sheegayan in malayshiyaadkii dagaaallamay ay weli is-hor fadhiyaan,lagana cabsi qabo in mar kale dagaal dhex maro. PUNTLAND POST The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay appeared first on Puntland Post.
  9. Garowoe (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan, Waxaa uu intaasi raaciyey in diyaarad siday ciidan ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  10. Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Cabdullaahi Sheekh Xasan oo arrintaas ka hadlaya “Shalay Baydhabo waxaa ay geeyeen baabuurta loo yaqaano pullet ee aaney xabadda karin iyo ciidamo ilaa kontameeyo ah, oo xamar laga soo daabulay, maanta kuwoo kale ayey ku soo waddaa inay geyso”. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale Cabdullaahi Sheekh Xasan , waxaa uu sheegay inay jirto siyaasad iyo amniga loo dhan yahay oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, oo halkaas lagu go’aamiyo siyaasadda iyo amniga. “in wada shaqeynta hakad ku yimaado waxaa ka mid ahaa in dowladda wixii hora loogu heshiiyey ay caksigooda isticmaasho, haddii lagu heshiiyey in Al-shabaab lala diriro oo waddooyinka la furo in Al-shabaab ay siiso hubkii qaranka loogu talo-galay, haddii lagu heshiiyey in wadanka siyaasadiisa hoos loo dejiyo, oo dastuurka la geeyo iyo tuulooyinka wuxuu dhaafi la’yahay Xamar, uu iska noqday mashuurc, oo ay isku deydo inay dalka dastuur u samryso’ ayuu raaciyey. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay afar Wasiiru dowle oo xubin ka noqonaya Golihiisa Wasiirrada ee ka kooban 20ka Xubnood. Afarta wasiiru dowle ayaa kala ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta,waxaana loo magacaabay Eyob Tekalign Tolina, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Nabadda oo loo magacaabay Zeynu Jemal, oo sidoo kalena ah Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya. Waxaa kale oo la magacaabay Misganu Arga, oo ahaa Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Qadar,waxaana laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warshadaha iyo ganacsiga, sidoo kale Prof C/waasac Cabdullahi Bade ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmiga. C/Waasac waxaa uu hadda yahay kaaliye sare oo ka tirsan Jaamacadda Adis ababa University,waxaana uu aad u dhaliili jiray Cabdi Maxamuud Cumar,madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  12. A university should be an idyllic space where top-level academic brains leverage on cutting-edge research technology to advanced knowledge for a better universe. Source: Hiiraan Online
  13. Somali-American, hijab-wearing model Halima Aden is set to touch down in Dubai as she will be launching the Max Mara capsule collection in The Dubai Mall on Monday night. Source: Hiiraan Online
  14. Minister for Post, Telecom and Technology, Abdi Ashur Hassan, has officially closed the third conference for Somali Network Operators Group (SomNOG 3), which brought together decision makers and professionals from private sector, academia, and government. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan, Waxaa uu intaasi raaciyey in diyaarad siday ciidan ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudig Adel al-Jubeir ayaa sheegay in la ciqaabi doono mas’uuliyiintii ka danbeysay dilka Suxufiga Jamal Khashoggi, oo uu sheegay inaan meydkiisa la hayn. Wasiirka oo wareysi siinaayay warbaahinta Fox News ayaa sheegay inay baahinayaan dhammaan xaqiiqda dilka Jamal Khashoggi oo uu sheegay inay ka dhalatay culeysyo. Wasiir Adel al-Jubeir, waxa kaloo uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga uu been ku tilmaamay in Saxafigaas uu ka baxay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Wasiirka waxa uu beeniyay in xubno ku dhow dhow boqor Bin Salman ay ku lug leeyihiin dilka Suxufiga, waxa uuna carabka ku dhuftay inuusan jirin qof ka tirsan Hoggaanka Sacuudiga oo uu ku jiro Bin Salman uusan ku lug laheen qadiyada dilkaas. Waxa uu kaloo xusay Wasiirka in Bin Salman uu diyaar u yahay in la baaro lana ciqaabo mas’uuliyiinta ka danbeysay dilka Jamal Khashoggi, iyadoo lasoo bandhigayo xaqiiqda dhabta ah ee dilka. Wasiir Adel al-Jubeir, ayaa sidoo kale sheegay inaysan garankarin halka lagu duugay Meydka Suxufi Jamal Khashoggi oo mar hore laga saaray Qunsuliyada. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiir Adel al-Jubeir ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu ballanqaaday inuusan qarin doonin natiijada kasoo baxda baaritaanka dilka Saxafiga. Xigasho: Fox News
  17. ADDIS ABABA (Caasimada Online) – Ethiopia signed a peace deal on Sunday with Ogaden National Liberation Front (ONLF) rebels from its Somali Region, whom it had previously outlawed as a “terrorist group,” officials said. The ONLF launched its bid for secession of the Somali Region, also known as Ogaden, in eastern Ethiopia in 1984. In 2007, Ethiopian forces launched a large-scale offensive against the group after the rebels killed 74 people in an attack on a Chinese-run oil facility. Earlier this year, parliament removed the ONLF from a list of banned movements as part of a reform drive being led by Prime Minister Abiy Ahmed, who has extended an olive branch to opponents. The ONLF declared a ceasefire in August. The agreement, seen by Reuters, stipulates that both sides would end hostilities and that the ONLF would “pursue its political obligations through peaceful means”. The two sides will now form a joint committee to discuss the root causes of the conflict, the agreement said. The Ogaden region contains four trillion cubic feet of gas and oil deposits, the government says. China’s POLY-GCL Petroleum has been developing two gas fields there since 2013. Abiy, who took office in April, is presiding over a push to shake the Horn of Africa nation of 100 million people from decades of security-obsessed rule. He has acknowledged and condemned widespread abuses by the security forces, likening the situation to state terrorism, and he has worked to forge peace with Eritrea, with which Addis Ababa has been locked in a military standoff since a 1998-2000 border war in which 80,000 people are thought to have died. Sources: REUTERS
  18. Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Manta gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),iyad aoo siwyen loogu soo dhaweeyay. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ayaa safarkiisa ku wehliya,waxaana saacadaha nasoo aadan uu ku dhawaaqi doonaa inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed. C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa. Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo saaka ka raacay magaalada Muqdisho. Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus. Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr C/casiis Lafta Gareen uu noqon doono Musharaxa ay taageereyso Madaxtooyada iyo Xukuumadda, si uu loolan ula galo Madaxweyne Shariif Xasan. Haddii uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa, wuxuu lumin doonaa Kursigiisa Xildhibaannimo iyo xilka Wasiir uu ka haayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. C/casiis Lafta Gareen ayaa lagu xusuustaa qamaarkiisa siyaasadeed, kaddib markii uu iska casilay Xil Wasiir kuxigeen ah, iskuna sharxay Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu ka tanaasulay doorashada wareegii labaad, kaddib gorgortan lagula galay in la siiyo Xil Wasiir.
  19. Laascaanood ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo G/ Sool ayaa sheegaya in maanta dagaaal u dhexeeyay maleeshiyo Beeleed uu ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Sidoo kale Warar ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa ku warranaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ay la safteen mid ka mid ah Beelahaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortago dagaalkaasi. Xiisada u dhexeysa labadan Beeleed ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana ay salka ku heysa arrimo la xariira dhul daaqsimeen iyo aanooyiin Qabiil. The post Dagaal Beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sool appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeyn ka dhan ah dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji Bashiir, Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ay soo gudbiyeen ciidanka degaanka Garasbaaley oo sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe Garsuge ahaan si ay u soo dhammeystiraan caddeymaha kiiska. 6-dii bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Booliiska Dharkeenley iyo Ilaalada deganka Garasbaaley. Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo fadhiga Maxkamadda. 18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka degaanka hasa-ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen. Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  21. Falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa sheegay in kala fogaanshiyaha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uu keeni karo dib u dhac ballaaran. Waxa ay sheegeen iney adkaan doonto in xal laga gaaro arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo kale doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda. Cali Saciid Maxamuud Kulane oo ah falanqeeye siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in haddii aan la helin xalka khilaafka uu dib u dhac badan imaan doono. Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa weli ah mid taagan, iyadoo aanu xalka muuqan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Faay-maamul-goboleedyada-maanta.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya. Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, Cabdullaahi Sheekh Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in warqaddaasi ahayd mid protocol xumo muujinaysa maadaama qoraalka lagu xusay in gogoshii madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyda ay weli sideedii u taallo. Afhayeenka ayaa sheegay in qalad ay tahay in wasaaraddu u hadasho madaxweyne Faraamjo, balse madaxweynaha xafiiskiisa laga doonayo in arrintaas uu ka hadlo. Dhinaca kale wuxuu sii raaciyay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu tabashooyinka ay ka qabaan Villa Soomaaliya qoraal ahaan ay ugu gudbiyeen aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka,jawaabtana ay ka sugayaan aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. MOGADISHU (Caasimada Online)—The Minister of Finance, Dr.Abdirahman Beileh, successfully concluded his visit to the UK where he delivered lectures at Chatham House, the Royal Institute of International Affairs, and the Blavatnik School of Government at Oxford University. Both lectures were focused on the progress of Somalia’s fiscal and economic reforms under the third IMF Staff Monitored Program. During the visit, the Minister met with Harriett Baldwin, the Minister of State for Africa at the Foreign and Commonwealth Office and Minister of State at the Department for International Development, and Matthew Rycroft CBE, the Permanent Secretary at the Department for International Development. In these meetings, the Minister discussed Somalia’s fiscal and economic reforms under the IMF Staff Monitored Program and thanked the UK government for the positive role it continues to play in Somalia’s development. Somalia’s Minister of Finance Beileh’s visit to Oxford University, the Minister also held discussions on Somalia’s fiscal and economic reforms with Professor Paul Collier and Professor Stefan Dercon of the Blavatnik School of Government. PRESS RELEASE
  24. Taniyo markii uu soo baxay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah bartamihii sanadkii tagay waxaa jiray siyaabo kala duwan oo ay beesha caalamka ula falgashay. Dalalka qaar ayaa garab istaag u muujiyay Dowlad Goboleedyada, halka kuwa kalena ay iska diideen tabashooyinka ay soo jeediyeen. Isbadalka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo siyaasadaha isbadalay ee Gobolka, gaar ahaan Itoobiya, oo ay timid Xukuumad ka dhawrsanaysa faragelinta gudaha Soomaaliya iyo kalsoonida Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta iyo Midowga Yurub waxay soo xirtay daaqaddii yarayd ee u furnayd Dowlad Goboleedyada. Haddaba, maxay yihiin sababaha u waaweyn ee ayt Beesha Caalamku ay u dhagaysan la’dahay cabashooyinka Dowlad Goboleedyada? Isla-xisaabtan ka carar: Dowladda dhexe ayaa dhawr jeer ka codsatay Dowlad Goboleedyada in ay xisaab xir kasoo sameeyaan kabidda lagu sameeyo miisaaniyadda ay Dowladda Federaalka ah ku taageerto iyo deeqaha kale ee la siiyo. Hufnaanta hay’adaha maaliyadda ee dalku ay u muujiyeen Midowga Yurub, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka waxay soo afjareen fursadihii ay Dowald Goboleedyada ku heli jireen lacago aan xisaab celin lahayn. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorkan ciyaaraysa kaalin firfircoon oo ay kula xisaabtamayso Beesha Caalamka maadaama dowladda ay kasoo dhalaashay kaalinteeda. Aragtida adduunyadu ka qaadatay Farmaajo iyo Khayre ayaa ka dhigaysa dowlad goboleedyada kuwa ka cararaya isla xisaabtanka ay dowladda dhexe dul dhigtay, doonayana in ay helaan xoolo aan xisaab la socon. Muddo Xileedka Dowlad Goboleedyada: Maadaama Dowlad Goboleedyada dhammaantood ay doorashooyin ka dhacayaan inta uusan dhammaan sanadka 2019, qaarkoodna ay maalmo qura ka dhimanyihiin sida Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyadu waxay doonayaan in ay huriyaan dab u ogolaado waqti kororsi ama ay cadaadis ku saaraan dowladda dhexe in ay ayagu soo laabtaan. Taasi ma shaqeynayso sababtoo ah, Dowlad Goboleedyadu waxay bishii Juun , 2018 ku saxiixeen Baydhabo heshiis dhigaya in doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay ku dhacaan muddo xileedkii loogu tala galay Inkastoo shirarka haatan socda iyo hadallada xanafta ah ay keentay qandhada doorashada, haddana Beesha Caalamka waa ka dharagsantahay in odayaasha Golaha Iskaashiga ay doonayaan in ay abuuraan jawi fowdo ah oo u saamaxaya in ay muddo xileedkooda ku darsadaan. Isbaddalka Geeska Afrika: Waxaa taniyo markii uu xilka yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed gobolka ka dhacay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay dalalka Geeska ka wada qeyb qaadanayaan. Dowladda Soomaaliya waxay kaalin muuqata ka qaadanaysaa isbadalladaas in loo rogo fursado dhaqaale oo gobolka oo dhan uu ka faa’iideysto. Isbadalladaas waxay soo afmeereen faragelintii ay Dowladaha Gobolku ku hayeen Soomaaliya ayaga oo usoo mari jiray Dowlad Goboleedyo careysan oo Addis Ababa u kala dhuuman jiray. Albaabkaasi waa soo xirmay, waxaase ku darsamay Kenya oo fahamtay in cidda kaliya ee masiirka ummadda Soomaaliyeed lagala hadli karo ay tahay Dowladda Dhexe oo kaliya keddib booqashadii uu Maadaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi markii la doortayba. Wada shaqeynta Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Barlamaanka: Waxyaabaha keeni jiray in ajnabi loo kala dhuunto waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne is haysta. Farmaajo iyo Khayre waxay muujiyeen in ay wada shaqeyn karaan, Barlamaanka la falgali karaan, hay’adaha kale ee dastuuriga ahna dhidibada u adkeyn karaan. Wada shaqeynta madaxda qaranka waxay fududeysay horusocodnimada dowladda, waxayna baajisay doorkii ay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo kan Urur Goboleedka IGAD ka qaadan jireen dhexdhexaadinta madax isku dhagan oo qoorta is haysta. Waxaa kale oo meesha ka baxay raggii ka macaashi jiray khilaafka Soomaaliya oo uu ugu horreeyay Col. Gabre. Wada shaqeynta labada xafiis waxay muraayadaha ka dallacday dulduleeladii ay ka faa’iideysan jireen ajnabigii u kala dab qaadi jiray madaxda Soomaaliyeed. Taagerada Shacabka ee Dowladda Federaalka: Dowladda haatan jirta waxay abuurtay jawi ay shacabka Soomaaliyeed kalsooni kaga kasban karto. Booqashooyinkii ay ku tageen qeybo kamid ah dalka oo mararka qaar masaafooyin dhaadheer ay dhulka mareen waxay isu soo dhaweysay quluubta shacabka iyo Dowladda Federaalka. Puntland oo lagu tilmaamo hooyada Federaalka maanta dowladda dhexe waxay ku leedahay taageero shacab oo xooggan. Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxay muujiyeen in ay ku qanacsanyihiin siyaasadda Dowladda Federaalka ayaga oo cod dheer ku tilmaamay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid aan dastuuri ahayn oo loogu tala galay in lagu carqaladeeyo Dowladda Dhexe. Gegagabdii, haddii Beesha Caalamku dareentay in Dowlad Goboleedyadu aanay ku socon jiho u hiilineysa dowlad dhisidda Soomaaliya oo dowladdii dhexe lagu aaminay dhaqaale, laguna garab istaagay taageero buuxda oo ay ka heleyso dalalka dariska, kuwa Qaaradda iyo Midowga Yurub, muxuu noqon doonaa mustaqbalka Dowlad Goboleedyada gadoodsan ee u hammuunta qaba muddo kororsiga, isla xisaabtan la’aanta iyo ajnabi jacaylka? Jawaabta Shacabka Soomaaliyeed ayaanu u daayey. Waxaa diyaariyey: Cabaas Cali Xasan Email: filimside@gmail.com