Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya. Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho. Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha. Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
  2. Garowe (HOL) – Puntland security forces intercepted and destroyed nine explosive-laden drones during ongoing anti-ISIS operations in the Al-Miskat mountains on Monday. Source: Hiiraan Online
  3. A former makeshift outpost of ISIS in Calmiskaad, liberated today by the Puntland Defence Forces. Timirshe (PP News Desk) — Puntland Defence Forces have captured more ISIS hideouts in the Calmiskaad mountain range. ISIS terrorists initially attempted to engage Puntland soldiers but were overrun. Mobile phones, explosives, maps, registers and solar panels were found in several makeshift sheds used by ISIS as outposts. The Puntland Defence Forces shared details of the counterterrorism operations on a Telegram channel with 17,191 subscribers. Graphic photos of fallen ISIS terrorists, which cannot be shared on the X (Twitter) platform, can be viewed in the channel. The Telegraph Channel where updates on the Puntland counterterrorism operations against ISIS are posted. Puntland Defence Forces are pursuing ISIS terrorists who fled the hideouts. “The largest number of ISIS terrorists were killed today by the Puntland Defence Forces,” a senior counterterrorism officer told the media. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Defence Forces Capture More ISIS hideouts in Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  4. Galkayo (HOL) — Authorities in Puntland have arrested Ali Ahmed Ali Shirwa, the accountant believed to have managed finances for the group that hijacked the MV Abdullah, a Bangladeshi cargo ship seized in March 2024. The vessel and its 23 crew members were held hostage for over a month in one of the most high-profile piracy cases in recent years. Source: Hiiraan Online
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro. Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe. Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo. Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.
  6. The Preliminary Agreement between our country and Ethiopia led me to remember the agreements of Europe after World War 2 ‘s unprecedented destruction. An Estimated 40 million people died, including 20 million military deaths and 19-25 million civilian deaths. Economic devastation leads to widespread poverty, famine, and economic collapse in many European countries. Source: Hiiraan Online
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa sheegay in boqortooyada ay qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan oo ay ku jirto iibinta uranium-ka. “Waan bacramin doonnaa, waana iibin doonnaa, waxaana samayn doonnaa ‘doolshada huruudka ah,” ayuu Amiir Cabdulcasiis ka sheegay shir ka dhacay Dhahran, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka. Maadadan ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay. Sacuudi Carabiya waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka. Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho. Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso. Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay. Boqortooyada ayaa sheegtay sannadkii hore inay qorsheyneyso inay meesha ka saarto kormeerka fudud ee ay hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, ayna u wareegto kormeer caadi ah dabayaaqada 2024-ka. Riyadh weli ma shidin warshadeedii ugu horreysay ee Nukliyeerka, taas oo qasbeysa in barnaamijkeeda la kormeero iyadoo la raacayo hab-raaca SQP, oo ah heshiis ay la gashay Wakaaladda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah (IAEA) oo dalalka aan sidaa u horumarsanayn ka reebaya waajibaadyo badan oo warbixin iyo kormeer ah.
  8. Puntland ayaa sheegay in dagaal culus dhexmaray ciidameeda Difaaca maamulkaas iyo ururka Daacish lagu diley in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib caddaan ah, iyo xubno kale oo kooxdaas ka tirsanaa. Dagaalkan oo ahaa mid u culus ayaa ka dhacay togga lagu magacaabo Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira magaalada Balidhidhin ee gobolka Bari. Afhayeenka ciidamada Puntland, Gen.Maxamed Axmed oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalka lagu diley labaataneeyo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib, afar kamid ahi ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay guluf ay ku qaadayso buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ah fariisinka ugu weyn ee Daacishta Soomaaliya ku sugan. Source: goobjoog.com
  9. Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay gudaha maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ururka Daacish. Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish. Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed. Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland. Afhayeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaanib, halka afar kamid ah ay ahaayeen caddaan iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. “Dhankayaga waxaa nooga dhintay laba askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay,” ayuu yiri afhayeenka oo xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray dhankooda. Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka. Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale. Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.
  10. Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-029 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1.Maxamed Cali Maxamuud Shabeel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4. Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi gaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5. Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. 6. Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. 7. Cali Cige Maxamuud Dubad Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland. 9. Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 10. Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH _____________________________________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  11. Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta shaaciyay in ay afar talis oo muhiim ah kala wareegeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish, kaddib hawlgal ciidan oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu afar talis oo horleh kala wareegeen mileeshiyaadka Daacish waxaana lagu yiri qoraalkaasi”Ciidanku waxay laayeen Argagixiso badan oo AJAANIIB ku jirto, 4Talis oo cusub ayey la wareegeen.” Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa si gaar ah u sheegay in ay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah talisyada ugu weyn oo Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, kaasi lahaa awood isgaarsiin, isla markaana aad uga sareeyay dhulka oo meelo badan laga arki karay. “Mid ka mid ah talisyada ugu weyn ayaa ka mid ah talisyada maanta Ciidanku la wareegeen. Waa talis lahaa awood isgaarsiin isla markaana aad uga sareeyay dhulka oo meelo badan laga arki karay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland “Ciidanku waxay ay dilaan iyo wax carara ayeey ka dhigeen Argagixisadii ku sugnayd talisyadaasi, welib hawlgalka waa uu socda , geesiyaasha aan Gabar ee Ciidanka Dowladda Puntland ayaa hore ugu ruqaansaday argagixisada” ayuu sii raaciyay qoraalka. Halkankan ka eeg Sawirada Talisyada la qabtay PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta afar talis ka qabsaday Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  12. Baidoa (HOL) — Security forces in Somalia’s Southwest State have launched a major operation against human traffickers, rescuing a group of migrants lured with false promises of a better future. The operation, conducted on Sunday, is part of the government’s efforts to dismantle trafficking networks preying on vulnerable individuals. Source: Hiiraan Online
  13. AQOVut5AUGDolYR2JAhuU0dMNostwlDrPG1Xq5Y8hb9i7o7FyUtaGfpt5fSFhSh-wguBprKCAwWXczm3uBQgtl3s Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) — Puntland forces have launched an unprecedented military campaign against ISIS in Somalia's Al Miskad mountain range, reclaiming strategic territory and crippling the group's operational capacity. Source: Hiiraan Online
  15. Boosaaso (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya bishii November, la sii daayay isaga iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa. Safaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniintaka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.” “Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November waxaana lala aaday degmada Xaafuun ee dowlad-goboleedka Puntland, oo ah dhul ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya. Burcad-badeedda afduubatay markabka ayaa markii dambe dalbaday madax-furasho dhan $10 milyan. Lama oga in lacagta la bixiyay iyo in kale. Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in “dowladda Shiinaha ay wadashaqeyn iyo iskaashi dhow kala lahayd” mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul-goboleedka Puntland dadaallada lagu soo bad-baadinayay markabka iyo shaqaalihiisa. Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya. Dhacdooyinka, si kastaba ha ahaatee, si aad ah ayay hoos ugu dhaceen tan iyo markaas, taas oo inta badan ay sabab u aheyd joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee biyaha caalamiga ah. AP + VOA
  16. AQNc9AU4Q8eR1tWbL8tODZmUmWK0QRg44XGwxnZmcCxUDBImzK3osB-c7JmByqPEn6s29eS0LUmzSBz_S4U9WoTY Qaran News
  17. MOGADISHU, Somalia (AP) — A Chinese-owned fishing vessel hijacked off the Somali coast in November has been set free with its 18-member crew, the Chinese Embassy in Somalia said Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Markab kalluumeysi oo 27-kii November 2024 lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa ugu danbayntii la sii daayay maanta kaddib markii lacag madax-furasho ah la siiyay kooxo hubaysan oo haystay markabkaasi. Markabkani oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa u kiraysan shirkad kalluumeysi oo Taiwan laga lee yahay, taasi oo kalluunka u iib-geysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato Reer Puntland ah. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxihii markabka haystay oo dalbanayay lacag dhan $10 milyan markii danbe lagu qanciyay in ay qaataan $2 milyan, sidaasina lagu sii daayay markabka, kaddib markii $2 milyan oo madax-furasho ah la siiyay kooxihii af-fuubka u haystay. 27-kii November 2024 ayaa markabkani kalluumeysi laga soo qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, kaddib markii ay af-duubteen ilaaladii saarnayd, waxaana gadaal kaga biiray dable hubaysan oo ka baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Markab lagu haystay xeebaha Puntland oo maanta la sii daayay kaddib markii lacag madax-furasho ah laga qaatay appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) — The raging wildfires in Los Angeles have claimed 24 lives, left 16 missing, and destroyed tens of thousands of acres as firefighters struggle to contain the devastation. With strong Santa Ana winds expected to intensify through midweek, officials warn of a “disaster scenario” that could further imperil lives and property. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hannaanka loo marayo kamid noqoshada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare. Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gursaddan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka. Shuruudaha xubinnimada ayaa waxaa kamid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo iyo cilmibaarisyo hore. Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, gaar ahaan qodobka 12-aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiyada la xareyn karo illaa 30-ka Janaayo 2025, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka. Waajibaadka guddigan ayaa waxaa kamid ah; dejinta siyaasadaha qaran ee tacliinta sare oo la jaanqaadi kara ujeeddooyinka guud ee qaranka, ka talabixinta horumarinta tacliinta sare iyo ku xirideeda baahida suuqa. “Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hanaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, qodobka 12-aad, faqradihiisa 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 5-aad. Waxaana codsiyada lagu hagaajinayaa guddi hawleedka u xilsaaran arrinkan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
  21. Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii kooxdii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh. Warbixin uu soo saaray Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen magalada Galkacyo lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac da’diisa 39jir ina Luul jaamac guleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala. “Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.” “Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland. Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin ka bixiyey hawgalkani ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Xisaabiyihii kooxdii qabsaday Markabkii MV ABDALLA appeared first on Puntland Post.
  22. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya. Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika. Cali Balcad ayaa sheegay in markii hore ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood. “Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan. Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.
  23. Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ee Puntland ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh. Markabkaasi ayaa kooxaha Burcad-badeedda waxa ay ka qaateen lacag badan. Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala. Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin kabixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah. Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba. Source: goobjoog.com
  24. Recent social media claims that Somali President Hassan Sheikh Mohamud inspected Ethiopia’s Navy during his state visit to Addis Ababa are factually incorrect. Official photos and historical context confirm that the president was welcomed by Ethiopia’s Presidential Honor Guard, not the Navy. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — The leader of the SSC Khaatumo administration, Abdikhkhadir Ahmed Aw-Ali Firdhiye, has urged his community to prepare for a campaign aimed at reclaiming the city of Erigavo from Somaliland control. Speaking at an event marking the SSC Khaatumo administration's anniversary over the weekend, he insisted that the celebration remains incomplete until Erigavo is "back in our hands. Source: Hiiraan Online