Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa caawa xabsiga ka sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan Muqdisho ee wax ku qora baraha bulshada. Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka ayaa labo habeen ka hor xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, iyadoo lagu eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’ “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalkii xiligaas ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Inkastoo habeenkaas warbixinta Booliska lagu sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda, hadana caawa ayaa si tartiib ah loo soo daayey, sida lagu shaaciyey pageka gaarka ah ee Cali Aadan. Sidoo kale, saaxiibadiisa gaarka ah ee Weriye Cali Aadan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in caawa uu dib xoriyadiisa u helay, mana bixin faahfaahin intaas ka badan. Xarigga Weriyahaan ayaa aad loogu dhaleeceeyey dowladda, iyadoo laga eegayo dhinacyada xogta uu tebin jiray iyo culeyska ka imaanaya dhanyada Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo dowladda federaalka ku haya dagaal toos ah iyo mid qabow. Mucaaradka ayaa bulshada u sheegay in xukunka Xasan Sheekh uu dulqaadkii ka dhamaaday, isla markaana uu bilaabay caburin, iyagoo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay tusaale u soo qaadanayeen xarigga Cali Aadan iyo dhacdooyin kale, sida xildhibaanadii loo diiiday inay Jubbaland u safraan. Dhinaca kale, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maalmahaan bilowday dagaal toos ah oo dowladda looga qabsaday dhul hor leh, waxayna shacabku dowladda ku dhaliilayeen sababta ay Weriyaasha u caburineyso Shabaab-na isaga celi difaaci la’dahay. Cali Aadan kiiska lagu xiray ayaa la aaminsan yahay inuu khuseeyo weerarrada Khawaarijta ee Sh/Dhexe ka socda oo aad uu wax uga qoray, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in bartiisa Facebook uu ku aflagaadeeyey madaxda qaranka. The post Xog cusub oo ka soo korortay xaraga Weriye Cali Aadan appeared first on Caasimada Online.
  2. 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐝𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii ugu dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano iyo Madax-dhaqameedyo ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey qaybtii 2-aad ee Ciidanka Madaniga iyo gadiidkoodii dagaalka. Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furan, waxanay u sheegaan in saacaddaa laga bilaabo ay ka mid yihiin Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 Qaran News
  3. Asmara (Caasimada Online) – Masuul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Mulatu Tashoma ayaa kashifay in Eritrea iyo Itoobiya ay dagaal damacsan yihiin, inkastoo wasiirka warfaafinta Eritrea uu beeniyey tuhunkaas, hadana waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dalka Eritrea heegan buuxa la geliyey. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ma aha sidii hore, heshiiskii dunida ka yaabiyey shan sano ka hor ayaa burburay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan. Eritrea waxa ay tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda. Dhanka kale waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Eritrea oo ay ka soo qeyb galeen dad badan, kaas oo looga tashanayey sidii Afkerki looga tuuri lahaa xukunka uu weligiis heystay ee Eritrea. Wadamada reer galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Hadaba maxaa burburiyey heshiiskii Hogaamiyayaasha labada dal ay kala saxiixdeen ee caanka ka noqday caalamka, kaas oo sababay in abaalmarinta caalamiga ah Nobel Prize la siiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed? Madaxda Eritrea ayaa la sheegay in aysan ku faraxsanayn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria Koonfur Afrika. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara, waxa hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal, Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar iyo Soomaaliya iyo dalal kale taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo. Eritrea waxay si cad ugu eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed ugu eedeysay inuu masuul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal. Mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bax, igagoo magaalada Addis Ababa shir ku qabsaday, waxaana lagu dhawaaqay inay helayeen barnaamijyo warbaahineed, si afkaarahooda ka dhanka ah xukunka kaligii taliska ah ee dalkooda ka jira ay u soo bandhigaan. Mid ka mid ah aqoonyahanada u kuur galay waxa hadda dhacaya oo lagu magacaabo Mr. Baisa Waqwaya, wuxuu ka mid yahay qareeno caalami ah, waxayna khibrad sannado badan u leeyihiin xallinta khilaafaadka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna aaminsan sidan “Uma maleynayo inay sax tahay in la qaldo umad isjecel oo aan bilowno in loo dagaalamo waxa ay rabaan madaxda,” ayuu yiri. The post Xog: Xiisadda Eritrea iyo Itoobiya ma isku badeli kartaa dagaal toos? appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimaha iyo Agaasime ku-xigeenka Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Marwo Sahra Cabdi Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, halka Mudane Cabdallah Sahid Cabdi isagana loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Xarunta. Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Guud Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa muddo 15 sano ah ka soo shaqeynaysay Hey’adaha Dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo khibrad u leh arrimaha horumarinta iyo gargaarka bini’aadamka, isla markaana ka soo shaqeysay in ka badal sagaal waddan oo ku kala yaalla dalalka Afrika iyo Aasiya. Source: goobjoog.com
  5. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 03.03.2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay madax sare oo ka socotay Hay’adda IOM Mr. Manuel Marques Pereira iyo wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Ms Murima (ku xigeenka), Ayan Xasan Rabi (Madaxa Hay’adda IOM Somaliland) iyo Maxammed Cumar Iidaan (Sarkaal xagga Amniga). Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo dhaweeyey weftiga isla markaana uu uga mahad naqay muddada dheer ee ay ka shaqaynayeen Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si dhaw oo wax-tar iyo iskaashi leh ula shaqayso dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, iyaga oo kala shaqayn doona arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Somaliland. Madaxa Hay’adda IOM Mr. Marques Pereira, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada ee ka dhacay dalka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland. Madaxa Hay’adda IOM waxa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin la shaqaynta Xukuumadda cusub, gaar ahaan Wasaaradaha ay la leeyihiin wada shaqaynta tooska ah, sida: Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib-u-dejinta, Caddaalada iyo Caafimaadka, Taliska Laanta Socdaalka, iwm. Kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta si wax looga qabto caqabadaha xagga socdaalka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha Bini’aadannimada ee u baahan in wax laga qabto. 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: * Maaraynta qulqulka socdaalka iyo ilaalinta dadka nugul. * Isku-dubbaridka taageerada barakacayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha. * La dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo hubinta ilaalinta shakhsiyaadka khatarta ku jira. * Ka faa’iidaysiga iyo kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bulshada Qurba-Jooga ah Labada dhinac waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay iskaashi muddo dheer ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo xasilloonida, daryeelka bini’aadantinimo, iyo horumar waara ee Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa magacaabay Agaasimeyaal Guud iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Xubnaha ka magacaabay oo toddoba gaaraya ayaa kala ah: CABDIFATAAX CABDIQAADIR FAARAX oo loo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. MAXAMED CUMAR NUUR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS. IBRAAHIM AXMED CISMAAN ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS. MAXAMED SANEY DALMAR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya. FAARAX CABDINUUR AXMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta. SAHRA CABDI MAXAMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara. CABDULLAAH SAHID CABDI ayaa loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara. Dikreetadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah agaasimayaashii ugu badbaa ee hal mar uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa, inta badan agaasimayaasha wasaaradaha joogay ayaa ahaa kuwii horay u haayey xilalka oo ra’iisul wasaarayaashii isaga ka horeeyey ay magacaabeen. The post Xamsa oo caawa sameeyey magacaabista toddoba kursi appeared first on Caasimada Online.
  7. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQOLHkbvUCSwVRk_kGy9KaRvxDi6tIUj7w_ZpKlmu1rqmh5Sf8kzNf-ppH0MtPAqMTm8Re-my2BaqgMoMgz5EV3k.mp4 Qaran News
  8. Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xagga laamiga ku qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasi oo jeebabkooda laga helay rasaas iyo astaamo kale oo muujinaya in ay ka tirsan yihiin dagaallamayaasha Argagixisada ISIS. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayuu ku sheegay in baaritaan ku socdo ajaanibta lagu qabtay dooxada teedsan Uur-caleed, islamarkaana jeebabkooda laga helay rasaasta iyo agabka kale ee ciidan, taasi oo xoojisay tuhunka laga qabo in ka tirsan yihiin mileeshiyaadkii jabay ee Daacish. “Ciidanku waxay qabteen Saddex Ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo qabatay saddex ajaanib ah oo rasaas iyo agab ciidan laga helay jeebabkooda appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladda si loo hagaajiyo shaqada wasaaradaha. Magacyada la magacaabay waxaa ka mid ah: Md. Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax – Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Maxamed Cumar Nuur – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Ibraahim Axmed Cismaan – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Saney Dalmar – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Md. Faarax Cabdinuur Axmed – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Marwo Sahra Cabdi Maxamed – Agaasimaha Guud ee Xarumta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara Md. Cabdullaah Sahid Cabdi – Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeeyay dood la xiriirta soo jeedinta xildhibaanno ka tirsan Golaha, taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarrada xildhibaannada. Dooddan ayaa timid kadib mooshin ay gudbiyeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha oo laga hor istaagay inay ka safraan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Xildhibaannada ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland, oo haatan uu dagaal siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada gudbiyay mooshinka, oo la shaaciyay magacyadooda, ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankii maanta, ayaa ku dhawaaqay in la soo gaba-gabeeyay doodda arrintan oo soo bilaabatay kulankii ka horreeyay. Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kaasoo faahfaahin ka bixiyay qodobada Hindise Sharciyeedkan uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in, maadaama sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Hindise Sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn, lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu u soo diyaariyo akhrintiisa labaad, islamarkaana Golaha dib loogu soo celiyo si looga doodo. The post BF oo soo gaba-gabeeyay dood culus oo ka dhalatay tacadigii ay DF kula kacday… appeared first on Caasimada Online.
  11. Beledweyne (Caasimada Onlin) – Dagaal-yahaanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaank Ceel Cali Axmed, halkaasi oo horey u weerartay kooxda. Weerarkan ayey ciidamada xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ku jabiyeen dagaal-yahaannadii soo qaaday weerarka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. “Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaashad dadka deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ayt isku dayeen inay ku qaadaan deegaanka Ceel Cali Axmed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Ciidamada iskaashanaya ayey dowladda sheegtay inay hore uga feejignaayeen dhagarta cadowga, islamarkaana ay maleeshiyaadkii kooxda ka hor istaageen isku daygii ay rabeen inay ku qabsadaan Ceel Cali Axmed. “Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ee dadka deegaanka oo si weynu foojigan ayaa jab xooggan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay laayaan maaleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Ceel Cali iyo deegaannada ku dhow-dhow. “Xogta khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda wadanka, dib ayaa laga soo gudbin doonaa asaga oo faah-faahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda. The post Kadib weerarkii Shabaab ee Ceel Cali Axmed, maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare oo ka socday xafiiskooda Soomaaliya. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub ay hore ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka. Soomaaliya ayaa ku jirta dadaal ay xoojinayso dhaqaalaha dalka, maadaama dhowaan laga cafiyay inta badan deymihii ay dunidu ku lahayd. Source: goobjoog.com
  13. Mannheim (Caasimada Online) – Laba qof ayaa dhintay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiiray dad ku sugnaa magaalada Mannheim ee Jarmalka Isniinta, sida ay boolisku sheegeen. Hal qof ayaa loo xiray weerarka. Ciidamada booliska oo hubeysan ayaa xannibay bartamaha magaalada, halkaasoo la arkay gaari burburay oo muraayadda hore dillaacsan tahay. Tan iyo bishii December, laba weerar oo gaari lagu jiirayo dad rayid ah magaalooyin kale ayaa sababay dhimashada siddeed qof. Mannheim waxay horey u ahayd goob uu ka dhacay weerar mindi bishii May ee la soo dhaafay, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, laguna dhaawacay shan kale intii lagu guda jiray mudaaharaad ka dhan ah Islaamka. Boolisku ma aysan sheegan in dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd weerar, balse waxay xaqiijiyeen in eedeysane looga shakisan yahay falka la xiray kadib markii gaariga lagu dhex waday goob wax laga dokaameysto abaare 12:15 duhurnimo (1115 GMT). Afhayeenka booliska, Stefan Wilhelm, ayaa sheegay: “Waxaan xaqiijin karnaa in gaari lagu waday aag loogu talagalay lugayn, waxaana la xaqiijiyay in hal qof dhintay.” Wuxuu intaa ku daray: “Hal qof ayaa loo xiray falka, baaritaankuna waa socda.” Wilhelm ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama boolisku ay wadaan hawlgal ballaaran. Ciidamada ammaanka oo hub culus watay ayaa xannibay goobta, waxaana cirka marayay diyaarado helikobtar ah. Khasaaraha weerarka Wargeyska Bild ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen dhacdada, iyadoo sawirro la baahiyay ay muujinayeen ambalaasyo taagan agagaarka taallada taariikhiga ah ee magaalada. Wariye ka tirsan telefishinka NTV oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof la daboolay maydkiisa” iyo in kabaha carruurta la arkayay iyagoo daadsan goobta shilka ka dhacay. Boolisku waxay ku wargeliyeen dadka deegaanka inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama inta badan goobta la daadgureeyay. Wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Württemberg ayaa shacabka uga digtay “xaalad halis gelin karta nolosha,” iyadoo farriin ku dirtay app-ka digniinta masiibooyinka. Waaxda daryeelka degdegga ah ee isbitaalka jaamacadda Mannheim ayaa soo saartay heegan caafimaad. Weeraro hore oo rabshado wata Magaalooyinka Jarmalka ayaa horey u arkay weerarro rabshado wata oo ay ka mid yihiin dilal mindi loo adeegsaday iyo gawaari lagu jiirayo dad, kuwaasoo intooda badan lagu eedeeyay dad magangalyo-doon ah. Bishii hore, nin ayaa gaari ku jiiray mudaaharaad ay sameynayeen xubno ka tirsan urur shaqaale oo ka dhacay magaalada Munich, isagoo dilay gabar laba sano jirtay iyo hooyadeed. Bishii December, weerar kale oo gaari lagu jiirayo dad ayaa lagu bartilmaameedsaday suuq Kirismas oo ku yaalla magaalada Magdeburg, halkaasoo lix qof lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay. Mannheim lafteeda waxaa bishii May ee la soo dhaafay ka dhacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay mudaaharaad ka dhan ah Islaamka, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, shan kalena lagu dhaawacay. Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan sare ku jiray maanta, maadaama maalintani ay ahayd xilliga ugu sarreeya ee dabaaldegyada caanka ah ee carnival-ka Jarmalka kahor bilowga Soonka Masiixiyiinta. Wasiirka arrimaha gudaha, Nancy Faeser, ayaa Isniintii – kahor dhacdada Mannheim – sheegtay in dabaaldegyadu ay ka dhacayaan “iyadoo la qaaday tallaabooyin adag oo dhinaca ammaanka ah.” Kumanaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay waddooyinka Mannheim si ay uga qeyb galaan xafladda carnival-ka magaalada. Faeser waxay joojisay booqashadeedii ay ku tegi lahayd dabaaldega Rose Monday ee Cologne si ay u tagto Mannheim. Amniga ayaa sidoo kale ahaa mawduuc muhiim ah oo doorashadii guud ee bishii hore laga dooday, taasoo xisbiga midig-dhexe ee CDU/CSU uu ku guuleystay. The post DEG DEG: Weerar kale oo ka dhacay Jarmalka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhulgariir cabirkiisu yahay 3.9 magnitude ayaa ku dhuftay xarunta aflaanta ee Hollywood, kadib markii jilaayaasha caanka ah ee caalamka ay bilaabeen dabaal degga abaalmarinta Oscars. Xadunta dhulgarirka ayaa la ogaaday inay tahay buurta waqooyiga Hollywoodka, taas oo dhowr meeyl u jirta halka ay ka dhacday xafladda abaal marinta Dolby Theatre. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo soo baxay oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dhulgariirkaas, gaar ahaan burbur ama dhaawacyo. Dhulgariirku waxa uu dhacay wax yar ka dib 22:00 xiliga maxaliga, xilli dadka caanka ah ay isugu soo baxayeen fagaaraha caanka ah ee Vanity Fair. Xarunta dabagalka ku sameysa dhacdooyinkan oo kale ee Mareykanka, ayaa sheegtay in dhulgariirku laga dareemay goob fog oo Los Angeles ah. Dhulgariirkan ayaa kamid ah 40 kale oo ku dhuftay koonfurta California, tan iyo bilowgii bishii Maarso, inkastoo ay ahaayeen kuwo ay dadka aad u dareemin. Qaran News
  15. Khubarradayadu waxa ay soo bandhigeen faa’iidooyinka soonka bisha Ramadaan, iyaga oo soo jeedinaya talooyin ku saabsan sida looga fogaado madax xanuunka iyo dhibaatooyinka tabar yarida. Intaa waxaa dheer, helitaanka talooyin ku saleysan cunto caafimaad leh oo aad ku afurto. Inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, Muslimiin badan oo ku kala nool daafaha caalamka ayaa sooma saacadaha maalintii. Si aad u hubiso in aad wanaagsantahay adigoo aan maalin oo dhan waxba cunin ama cabin, waxaa muhiim ah in aad ka digtoonaato waxa aad isticmaaleyso xilliyada cuntada. Furaha suxuurta, cuntada ka hor waaberiga, waa inaad ku dhisto kaydka tamarta. Sidoo kale afurka ayey muhiim tahay in la ogaado cunnada uu caafimaadku kujiro iyadoo loo baahanyahay in waxyaabaha qaar laga fogaado. Ka warqabka caafimaadka xilliga soonka Xigashada Sawirka,Getty Images Soonka bisha Ramadaan wax khatar ah kuma laha dadka caafimaadka qaba, si kastaba ha ahaatee waxa ay dhibaato u keeni kartaa dadka qaba xaaladaha caafimaad. Maadaama soonku uu saameeyo heerka sonkorta iyo dhiigga, waxay si gaar ah khatar ugu tahay dadka qaba xanuunka macaanka. Tani waa sababta ay muhiim u tahay in Muslimiinta qaba xanuunkan ay muhiim u tahay in la tashadaan dhakhaatiirtooda kahor inta uusan Ramadaanku bilaaban. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inay dareemaan daal, madax-xanuun iyo dawakhaad inta lagu jiro maalinta. Tani waxay badanaa dhacdaa marka qofka soomani uusan suxuuta u kicin. Maxaa ugu mudan si aad uga taxadarto caafimaadka bisha Ramadaan? Qoraalka sawirka,Waxyaabaha u wanaagsan caafimaadka Naftaada oo aad ilaaliso Ramadaanka waxa ay sii caawisaa nafaqada iyo fuuq-celinta. Hurdadu waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa caafimaadka wanaagsan, waxa ayna si gaar ah muhiim u tahay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, maadaama hurdadaadu ay khalkhal gasho marka aad hurdada ka soo kacdo si aad wax u cunto ka hor inta aan qorraxdu soo bixin kadibna aad waqti kale soo jeeddo si aad u tukato. Isku day inaad sameystai jadwal Ramadaaneed bisha oo dhan ah kana fogow isticmaalka shaashadaha si aad waqti fiican oo jiif iyo nasiino ah u hesho. Kuwa sida caadiga ah cabba shaaha ama kafeega waxaa laga yaabaa inay la kulmaan madax xanuun iyo daal inta lagu jiro maalinta sababtoo ahla qabsigooda, laakiin tani badanaa waxay fududaataa usbuuc ka dib ama wax ka badan marka jirkaagu la qabsado Ramadaanka. Ugu dambayntii, waa muhiim inaad fiiro gaar ah u yeelato calaamadaha is bedel ee ku imaanaya jirkaaga si aad u sameyso xakameyn haddii uu miisaankaagu kordho ama si deg deg ah isku dhimo.Naso marka aad dareento daal, hana ku qasbin naftaada wax aysan xamili karin, gaar ahaan saacadaha soonka. Isku diyaarinta Ramadaanka Waxa kale oo wanaagsan in maskaxda lagu hayo in saacado badan la soomayo isla markaana loo baahanyahay in jirku uu helo biyo kufilan xilliga afurka iyo suxuurtaba, waa lagama maarmaan in la cabbo biyo badan habeenkii oo dhan. Khalad caadi ah oo ay dadku sameeyaan ayaa ah in qofku ka hurdo suxuurta si uu uga taxadaro in hurdadu aysan ka qasmin. Suxuur dheellitiran oo nafaqo leh ayaa kaa caawin doonta inaad iska ilaaliso hoos u dhaca tamarta, rabitaannada, dareenka iyo madax xanuun inta lagu jiro maalinta Waxyaabah ku habboon xilliga afurka Qoraalka sawirka,Afurka iyo suxuurta Marka la afurayo, marka aad afurto, waxa aad u baahan tahay in aad dib usoo celiso qoyaankii jirkaaga ka baxay. Habka ugu wanaagsan ee lagu afuraa waa timirta iyo biyaha ama caanaha, tanina waa habka ugu habboon ee lagu heli karo xoogaa sonkor dabiici ah, nafaqo iyo dareerena isku ah. Maraq ayaa aad looga jecel yahay afurka meelo badan oo ka mid ah dunida Muslimka, tani waa doorasho aad u wanaagsan maadaama aad u baahantahay dareere waliba nafaqo leh, waxaana ku jiri kara khudaar kala duwan, digir iyo raashinka qaybihiisa kala duwan. Cuntada afurka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxay noqon kartaa dhacdo farxadeed, iyadoo dadku ay mararka qaar ku afuraan kulamo waaweyn oo ay la leeyihiin qoyska iyo asxaabta. Laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusto in cunista xad dhaafka ah ama dufanka leh ay u badan tahay inay kugu reebi doonto daal iyo caajisnimo oo aanay faa’iido u yeelan doonin caafimaadkaaga ama dadaalkaaga ruuxiga ah, iyo sidoo kale in aad ka caajisto cibaadada sida salaadda taraawiixda Qaran News
  16. Haifa (Caasimada Online) – Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo. Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta. Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza. Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka ayaa keenay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqdo Israa’iil inay si degdeg ah u soo celiso gargaarka. Weerarkii Isniinta ayaa ka dhacay xarunta baska iyo tareenka ee Haifa, magaalo xeebeed weyn oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ay ku wada nool yihiin Yuhuud iyo Carab. Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegtay in nin da’diisu ku dhowdahay 70 sano uu ku dhintay weerarka, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Booliska Israa’iil waxay weerarka ku sifeeyeen inuu ahaa “fal argagixiso,” iyagoo sheegay in dambiilihii la dilay. Waxay sidoo kale shaaciyeen in ninka weerarka fuliyay uu ka tirsanaa beesha Druze ee Carabta Israa’iil. Tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday 7-dii Oktoobar 2023, Israa’iil waxay la kulantay weeraro is-daba joog ah, kuwaas oo badankood loo adeegsaday mindiyo. Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo, waxaana mas’uuliyiinta Israa’iil ay inta badan eedeeyaan “argagixisada,” iyagoo ula jeeda dhacdooyinka la xiriira khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Intii lagu jiray xabbad-joojinta Gaza, weeraradan oo kale lagama soo sheegin gudaha Israa’iil, waxaana guud ahaan hoos u dhacay rabshadihii ka jiray Gaza kadib in ka badan 15 bilood oo dagaal ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas. Weerarkii Xamaas ee billaabay dagaalka Gaza wuxuu sababay dhimashada in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah, badankood rayid. Dagaalka Israa’iil ee jawaabta u ahaa wuxuu dilay in ka badan 48,300 oo Falastiiniyiin ah, oo badankood rayid ah, sida ay muujinayaan xogaha labada dhinac. The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay ISRAEL appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo maanta ka hor hadleysay baarlamaanka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Xildhibaan Xasan Yare oo loo yaqaano Firimbi, kaas oo kamid ah xildhibaannada hormuudka u ah mooshinka la geeyay baarlamaanka ee ku saabsan xayiraada xildhibaannada Jubbaland. Sareedo ayaa runta u sheegtay Xasan Firimbi waxayna tilmaamtay in kaligood aan la celin ee horay arirntan loogu sameeyay xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed. “Ninkaan bood-boodaayow jooji bood-boodka waa adiga, hortaa ayaa dadka la xiray waxaan ku leeyahay waddanka cagta u dhig,” ayay tiri Xildhibaan Sareedo. Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Haddii aad iga daba hadasho maanta bannaanka ayaan kuu istaagaa ee meel fariiso”. Dhanka kale waxa ay soo jeedisay in lala xisaabtamo xildhibaan kasta oo gacan-qaad sameeya ama aflagaadka ka dhex-gaysta baarlamaanka Soomaaliya. “Baaramaankan aan ka dhigno baarlamaan, guddoomiye xildhibaankii gacan-qaad sameeyo waa inuu shaqeeyo guddiga anshaxa iyo sharciga, aflagaado ninkii sameeyaa waa in lala xisaabtamaa” ayay mar kale tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Xasan Yare ayaa maalin kahore buuq ka sameeyay baarlamaanka, kadib markii uu barakacayaal ku tilmaamay xildhibaannada kasoo jeedo Somaliland, arrintaas oo durbo abuurtay caro xooggan. Xildhibaan Gobsan oo kasoo jeedo Hargeysa ayaa ka daba qaadatay Makarafoonka, waxayna si caro leh ugu jawaabtay xildhibaan Xasan Yare, iyada oo ku goodisay inay la dagaalami doonto cid kasta oo golaha dhexdeeda uga xad-gudubta deegaankeeda. “Somaliland wax ay ku suntan tahay anaa idin sheegaayo ee labada dhagood furo waxaana kuu sheegayaa aniga iyo adiga farqiga inoo dhexeeyo waxaan ku suntanahay midnimada. Ogow Xasanow Somaliland la’aanteed midnimo kama jireyso Soomaaliya” ayay tiri xildhibaan Gobsan oo si weyn uga carootay hadalka Horay xildhibaan Xasan Firimbi ayaa sidoo kale u feeray mid kamid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgala baarlamaanka, kadib markii ay askarta soo dhex-galeen xildhibaannada oo isku qabtay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka iyo dastuurka. The post Xildhibaan Sareedo oo weerar culus ku qaaday Xasan Firimbi – Maxaa la isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.
  18. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda Masar, kuwaas oo magaalada Muqdisho soo gaaray. Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada. Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, ayadoo Ciidankeeda badda iyo kuwa dhulkuba ay dhowaan Soomaaliya imaanayaan. Source: goobjoog.com
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka sameeyay dhoolatus u muuqday mid ay kusoo bandhigeyso cududdeeda ciidan ee ka jooga Soomaaliya. Munaasabadda dhoolatuskan ayaa lagu sheegay mid lagu xusayo “Guusha Adwa, iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika.” Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyo kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika. Guusha Adwa ee Itoobiyaanku u dabaal-dagayaan waxay ahayd mid taariikhi ah oo Itoobiya ku xoreysatay madax-bannaanideeda, kana adkaatay gumaystihii Talyaaniga. Tan ayaa la sheegay inay dhiirrigelisay dhaq-dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika. Marka laga yimaado munaasabadda dabaal-degga, cududda ciidan ee maanta Itoobiya kusoo bandhigtay Baydhabo waxay muujinaysaa sida ay ugu xooggan tahay joogitaankeeda gudaha dalka, iyadoo dhawaan dib ugu biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM. Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xifaaltanka hoose ee dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu ku kala furtay xiisadda Webiga Niilka. Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ka mid ah ciidamada cusub ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika, ee haatan loo yaqaan AUSSOM. The post Sawirro: Itoobiya oo dhoolatus ciidan oo ballaaran ka sameysay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Garowe (HOL) — Puntland security forces have uncovered evidence indicating that wounded ISIS fighters received medical treatment at hospitals in Hargeisa, Somaliland and that several businesses supplied goods to the militant group, according to classified documents recovered from areas recently retaken from ISIS in the Cal Miskaat Mountains. Source: Hiiraan Online
  21. Taariikhda dalalka isticmaala daroogada si ay uga adkaadaan ama u xakameeyaan cadowgooda waa mid aad u murugo leh oo adag. Taariikh ahaan, dalal kala duwan ayaa u isticmaalay khamrada iyo daroogooyin kale si ay u burburiyaan bulshooyinka, iyagoo u isticmaalay sidii aalad dagaal, xakameyn iyo xasillooni darro. Isticmaalka daroogada sidii hub ayaa ahaa xeelad ay isticmaalayeen xoogag awood leh si ay u kicdamaan bulshooyinka ama u soo rogaan nidaamyo aan la rabin. Tusaale ahaan, isticmaalka opium ee Ingiriiska intii lagu jiray Dagaalladii Opium ee Shiinaha iyo doorashada khat ee Soomaaliya ayaa si cad muujinaysa sida daroogada loo adeegsan karo sidii hub dagaal.. Source: Hiiraan Online
  22. Ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ku yaalla inta u dhexaysa Tasjiic iyo Xabley, iyaga oo la wareegay tuulooyin ay horey ugu sugnaayeen Kooxda Daacish . Deegaannada ay ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul. Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo sugidda xasilloonida, ayaa ujeedkiisu ahaa in laga takhaluso kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah. Ciidamada Puntland ayaa sii wada dhaq-dhaqaaqyada ay ku beegsanayaan firxadka Daacish, iyagoo guulo ka gaaray howlgalladii ugu dambeeyay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo horay uga mid ahaa goobaha ay kooxahaasi isku uruursan jireen. Source: goobjoog.com
  23. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka SSC-khaatumo ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna magaala madaxda Khaatumo ka dhagax dhigey dhismaha xabsi weyn oo Magaaladaas laga hirgelinayo. Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo goobta dhagax dhigga ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu gacanta ku hayo maxaabiistii ugu badnayd oo dagaalkii ay Soomaaliland la galeen ku qabteen sanadkii 2023, islamarkaana ay baahi weyn u qabeen dhismaha xabsigan. Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhisaya xabsiga, waxaana la filayaa in ugu yaraan 200 boqol oo maxbuus uu qaadi doono markii la dhamaystiro. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo ka hadlay ciidamo iyo taliye usoo baxday Muqdisho. Shuute ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin taliye horin iyo ciidamo kale oo ka baxsaday furimaha hore ee dagaalka, laguna hayo xabsi ku yaalla caasimada. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada uu la hadlayay in ay sii laba jibaaraan dagaalka, si aysan fursad u helin argagaxisada ay dagaalka kula jiraan. “Ciidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xir xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa la’idinka rabaa dadaal, waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhiniciina yay dabeyl naga soo gelin” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay in aysan isku xirin qof ama koox ee looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay soo mareen ee difaaca dalka. “Xittaa ni taliye horin ayaa ayaa iska tegay, ogaada xittaa haddii taliyihiina ugu wayn uu dhinto sow ma shaqeyn lahayn? qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaa” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib ugu soo rogaal celisay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo horay looga saaray. The post Taliye iyo ciidamo kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka oo la soo xiray appeared first on Caasimada Online.
  25. Ciidamada difaaca Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay firxadka Argagixisada Daacish ka saareen degaannada u dhexeeya Tasjiic iyo Xabley, kaddib hawlgallo amni oo ay dhawaanahan ka sameeyeen buurahaasi. Warsaxaafadeedkani oo uu soo saaray Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamadu la wareegeen degaannada u dhexeeya Tasjiic iyo buuraha Xable, kuwaasi oo ay ku jiraan Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul. “Deegaannada Ciidanku kala wareegay firxadka Argagixisada Daacish, ee ku yaalla inta u dhexaysa Tasjiic iyo Xabley, waxay kala yihiin Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland. Dhinaca kale, ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ka sameeyay degaannada Isha Bilcil iyo Isha Daltoonle oo ku teedsan togga Jeceel ayaa halkaasi ku burburiyay saldhigyo ciidan oo ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo shaaciyay in ay firxadkii Daacish ka saareen degaannadi ay baxsadeen ee buuraha Xabley appeared first on Puntland Post.