-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si lama filaan ah uga hadashay tallaabadii ugu dambeysay ee ay qaaday dowladda Soomaaliya ee la xiriirta dagaalka adag ee ay ku qaaday Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe. Ugu horreyn Jubbaland ayaa boggaadisay dagaalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee looga hortagayo Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka HirShabelle. Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay saaran tahay mus’uuliyad wadareed taabaneysa mustaqbalka dalka, loona baahan yahay midnimo iyo wadajir. “Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doono guullo waa wayn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in meel la dhigo khilaafka siyaaasiga ah, loona soo jeesto sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda gulufkii ugu xoogganaa ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo dib isugu soo abaabushau, soona gashay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatan soconayo dagaallo iyo duqeymo lagu beegsaday argagixisada. Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. The post Jubbaland oo bogaadisay tallaabo ay qaaday DF, soo saartayna baaq cajiib ah appeared first on Caasimada Online.
-
Jubbaland calls for unity in fight against extremist groups
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismayo (HOL) - Jubbaland’s regional administration has praised federal military forces and local clan militias for their ongoing offensive against extremist groups in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online -
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in nabadgelyadu ay ra’sumaal u tahay, sidoo kale ay caan ku tahay xasillooni, islamarkaana Soomaaliland ay u taagan tahay ka hortagga argagixisada. waa dal nabadgelyaddu ay u tahay raasamaalka rasmiga ah ee ay soo ku caano-maashay. Sidoo kale, dunida oo dhammi u aqoonsatay bogcada ugu xasiloonida badan geeska #Afrika, dalalka jaarkeeda ahna waxa ay la jeceshahay inay ku naalloodaan nabadgelyo iyo xasilooni. Sidoo kale Soomaaliland waxay sheegtay inay deriskeeda nabad la jeceshahay, islamarkaana dastuurkeedu uu waajid ka dhigayo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah. War saxaafadeedka ka soo baxay Soomaaliland oo u muuqda inuu jawaab u yahay eedaymo maalmihii la soo dhaafay ay jeedinayeen masuuliin ka tirsan Puntland ayaa lagu yiri “waxaa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeerayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno Hadal meel waayay” Xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowaan Soomaaliland ku eedeyay inay taageerto kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal cusub oo Midowga Afrika (AU) oo taageeraya nabadda ayaa si rasmi ah uga howlgalay Soomaaliya 1-dii Janaayo 2025. Waa howlgalkii saddexaad ee xiriir ah ee dalka laga hirgeliyo, balse sidii kuwii hore, maalgelintiisa weli ma cadda. Howlgalka cusub, oo lagu magacaabo Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), wuxuu beddelay Howlgalka Ku-meelgaarka ee AU ee Soomaaliya (ATMIS). Waajibaadkiisu wuxuu yahay inuu gacan ka geysto dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo xakameynta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah. Si loo xalliyo caqabadaha dhaqaale ee howlgaladii hore wajahaan, waxaa la dejiyey nidaam cusub oo ogolaanaya in Qaramada Midoobay (QM) ay ka qaaddo wadamada xubnaha ka ah dhaqaalaha daboolaya 75% kharashka sannadlaha ah ee howlgalka, halka 25%-ka kale ay AU bixinayso. Heshiiskan waxaa lagu gaaray Qaraarka Golaha Ammaanka ee UN (UNSC) 2719. Go’aanka Golaha Ammaanka ee bishii December 2024 ee lagu aasaasay AUSSOM (Qaraarka 2767) wuxuu xusay in nidaamka maalgelinta wadaagga ah la adeegsan karo, balse waxaa la dhigay farqi lix bilood ah oo u dhexeeya bilowga howlgalka iyo hirgelinta nidaamkaas. Dowladda Mareykanka waxay ku dooday in aan weli la gaarin xilliga ku habboon ee Qaraarka 2719 si toos ah loogu dabaqo Soomaaliya. Waxaa la filayaa in kulan Golaha Ammaanka uu yeesho bisha May lagu go’aamin doono maalgelinta AUSSOM, iyadoo la rajeynayo in nidaamka dhaqaale ee cusub la ansixiyo. Caqabadaha siyaasadeed, howlgal iyo isku-dubarid Inkasta oo maalgelinta ay tahay caqabadda ugu weyn ee AUSSOM, haddana waxaa jira dhibaatooyin kale oo la xiriira siyaasadda, howlgallada iyo isku-dubaridka hawlaha nabad-ilaalinta. AUSSOM wuxuu ku dhex jiray xasarad siyaasadeed oo gobolka ka taagan. Itoobiya – oo ahayd dal muhiim u ahaa ATMIS – ayaa khilaaf la gashay Soomaaliya kadib markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya. Dhex-dhexaadin ay Turkigu sameeyeen ayaa dejisay xiisadda, taasoo suuragelisay in Itoobiya ay qayb ka noqoto howlgalka cusub ee AUSSOM. Howlgalka wuxuu ku bilowday dhammaan dalalkii ciidanka iyo booliska ku darsaday ATMIS, marka laga reebo Burundi, oo ka baxay kadib markii ay khilaaf ka dhalatay qaabka loo kala qoondeeyay ciidamada. Waxaa sidoo kale suuragal ah in Masar ay ku biirto howlgalka, balse weli heshiis rasmi ah lagama gaarin qaab-dhismeedka ciidamada AUSSOM. Maalgelinta oo weli ah caqabadda ugu weyn Howlgalladii hore ee AMISOM iyo ATMIS waxay si weyn ugu tiirsanaayeen maalgelinta deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Midowga Yurub (EU) ayaa bixin jiray gunnooyinka ciidamada, halka Qaramada Midoobay ay ka caawin jirtay sahayda iyo qalabka ciidan ee Soomaaliya iyo howlgallada nabad-ilaalinta, iyada oo loo marayo Xafiiska Taageerada UN ee Soomaaliya (UNSOS). Hase yeeshee, habkan maalgelinta wuxuu ahaa mid aan joogto ahayn, aan la isku halleyn karin, isla markaana aan ku filnayn howlgalka baaxadda leh ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay la tacaashay dhismaha dowladnimada, sida ansixinta dastuur cusub iyo dhisidda hay’ado amni oo shaqeyn kara. Caqabadan dhaqaale iyo midda amni waxay saameyn ku yeesheen waxtarka howlgalladii hore, keenayna dib u dhac mushaaraadka ciidamada ah iyo xakameyn la’aanta deegaanada laga saaray Al-Shabaab. AUSSOM waxay hadda wajahaysaa caqabado la mid ah. Inkasta oo la meel mariyey Qaraarka 2719 bishii December 2023, haddana waxaa jira caqabado dhanka dhaqaale ah oo ka hor taagan in lacagtii howlgalka loogu talagalay la helo. Helitaanka maalgelinta Qaraarka 2719 wuxuu ku xiran yahay in la fuliyo shuruudo horay loogu dejiyey Waddo-mareenka (Roadmap) UN iyo AU ee hirgelinta qaraarkaasi. Si arrinta loo xalliyo, Golaha Ammaanka waxaa la filayaa inay bisha May u codeeyaan ansixinta maalgelinta AUSSOM, kadib markii ay dib u eegaan laba warbixin oo waaweyn oo uu diyaariyay Xoghayaha Guud ee UN. Maalgelinta AUSSOM iyo doorka Mareykanka Isbedelka siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan xilliga labaad ee madaxweyne Donald Trump, wuxuu halis gelin karaa maalgelinta howlgalka. Xukuumaddiisu waxay muujisay in ay dib uga gurayso ballanqaadyadii ay horey uga gashay taageerada nabad-ilaalinta caalamiga ah, taasoo saameyn ku yeelan karta maalgelinta howlgalka Soomaaliya. Horeyba, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka wuxuu 11-kii February sheegay in ‘Qaraarka 2719 aanu noqon mid lagu maalgeliyo AUSSOM, maadaama ay taasi ku qasbi doonto Mareykanka inuu si joogto ah u bixiyo lacagta howlgalka,’ taasoo su’aal gelisay doorka Mareykanka ee taageerada nabad-ilaalinta UN. Haddii Mareykanka hoos u dhigo doorkiisa maalgelinta howlgalka, waxa ay taasi keeni kartaa hoos u dhac weyn oo ku yimaada taageerada AU iyo UN ee Soomaaliya. Sidaas darteed, Guddiga Wadajirka ah ee UN iyo AU waa inuu dadajiyo fulinta shuruudaha lagu xusay Roadmap-ka si loo dhaqan geliyo Qaraarka 2719. Midowga Afrika waa in uu diyaariyo qorshe kale oo la tixgeliyo haddii maalgelinta 2719 ay dib u dhacdo ama la hakiyo, iyadoo la eegayo ikhtiyaarro yareyn kara baaxadda howlgalka. Sidoo kale, AU waa in ay xoojiso wadahadalka Golaha Ammaanka, gaar ahaan Mareykanka, si loo hubiyo in dhaqaalaha howlgalka la sii wado. Soomaaliya, oo hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka, waxay ka faa’iidaysan kartaa fursaddan si ay u xoojiso dadaallada lagu sugayo maalgelinta AUSSOM. Hubanti la’aanta maalgelinta AUSSOM waxay muujineysaa caqabad weyn oo dhinaca maalgelinta howlgalada nabadda iyo amniga Afrika ah. Waxaa la joogaa xilligii Afrika ay yeelan lahayd istiraatiijiyad wax-ku-ool ah oo lagu yaraynayo ku-tiirsanaanta maalgelinta dibadda, isla markaana lagu xoojinayo doorka Midowga Afrika ee sugidda amniga qaaradda. Warbixintan oo ku soo baxday DefenseWeb, waxaa si wada jir ah u qoray: Tamrat Zeyede (Cilmi-baare Tababar ku jira), Dawit Yohannes (Maareeye Mashruuc iyo Cilmi-baare Sare, ISS Addis Ababa), Meressa Kahsu (Cilmi-baare Sare iyo Koordhine Wacyigelin), Tsion Belay Alene (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa), iyo Emmaculate A Liaga (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa). The post Dib u gurasho Mareykanka uu sameeyey oo caqabad ku noqon karta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Jubbaland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayadoo si weyn u bogaadisay howlgallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Macawisleydu ka wadaan deegaanada Hirshabeelle. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri” Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladdaha xubnaha ka ah, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalkeenna. Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doonno guulo waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Waxaa muhiim ah in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad u siin kooxaha argagixisada inay dib isu abaabulaan, taas oo dhaawacaysa dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo horumarka dalkeenna. Dowladda Jubaland waxay ku baaqaysaa midnimo iyo wadajir qaran, si argagixisada looga ciribtiro dalka, taas oo lagu gaari karo nabad iyo horumar waara”. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo xalay howlgallo ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan taageeridda Daacish. Saddexda nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), Caamir Cabdi Muuse Cabdi iyo Fahad Maxamed Abshir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Puntland. Dhammaan raggan ayaa waxaa Booliska uu kusoo eedeeyay inay taageero siinayeen kooxda Daaacish, haddana ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga Puntland. “Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska Ciidanka Booliska maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeysanayaasha haatan ay ku socoto baaris, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag. Booliska ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh. “Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayuu sii raaciyay Taliska Boolisku. Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish oo laga xoreeyay dhul ballaaran uu ku yaalla buuraha gobolka Bari oo ah halka la’isku hayo. The post Puntland oo rag loo haysto kiis xasaasi ah ku xirtay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — With Gaza facing one of the worst humanitarian crises in decades, Somalia's Prime Minister Hamza Abdi Barre joined Arab leaders in Cairo to reinforce his nation's unwavering support for Palestine. The summit, convened amid mounting international pressure, focused on rebuilding Gaza and countering proposals that could displace millions of Palestinians. Source: Hiiraan Online
-
Dadka degaannada Tasjiic iyo Xabley ee gobolka Bari oo is xilqaamay ayaa taageero xooggan u muujiyay ciidamada difaaca Puntland ee firxadka Argagixisada ISIL ku baacsanaya buuraha Calmiskaad. Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Xable iyo Tasjiic, oo ay weheliyaan xildhibaanada laga soo doorto degaannadaasi ayaa booqday ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda Dhaban-qooxle, halkaasi oo ciidamadu weli ku baacsanayaan firxadka Argagixisada ISIL ee ka fiigay jabkii mileeshiyaadkooda ka raacay hawlgalkii togga Jeceel. Odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Xabley iyo Tasjiic, oo kaashanaya shacabka degaannadaasi ayaa sidoo kale ciidamada gaarsiisay taakulo nooc walba leh, oo ay ciidamada ku garab istaageen, waxaana Taakulada kala wareegay saraakiisha ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliye Dhakuul Beyre. “Wax walba oo aad nooga baahan tihiin diyaar baan idiinla nahay, xitaa hadda dhehdaan furimaha nala jooga oo nagu hoggaamiya goobaha dagaalka waa joogaynaa”, ayay odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannadaasi u sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca dowladda. Sidoo kale, saraakiisha oo Warbaahinta la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay isgarab taagga ay u muujiyeen bulshada iyo waxgaradka degaannada Xabley iyo Tasjiic, waxaana ay uga mahadceliyeen Taakulada kala duwan ee ay soo gaarsiiyeen ciidamada hawlgalka ku jira. PUNTLAND POST The post Bulshada degaannada Xabley iyo Tasjiic ee gobolka Bari oo si weyn u garab istaagay ciidamada difaaca Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Social media commentator and political blogger Ali Adan Mumin has been released after spending two nights in police custody following his arrest on accusations of threatening national security and defaming government officials. His detention sparked widespread criticism from lawmakers and press freedom advocates. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale dib isku soo abaabushay, waxayna soo gashay deegaanno horay looga xoreeyay oo dhaca dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus iyo dagaallo la’isaga caabinayo maleeshiyaadka argagixisada. Xoogaga Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanno ku yaalla gobolkan oo horay looga xoreeyay, taas oo dhalisay walaac xoogan oo ku aadan howlgallada xoreynta ee dalka. Haddaba Maxaa sababay dib ugu soo rogaal celinta kooxda Al-Shabaab? Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sidoo kale taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in argagixisada ay ka dhex faa’iideysatay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana taasi ay keentay in Al-Shabaab ay dib ugu soo rogaal celiyaan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka” ayuu yiri Farmaajo oo ku taliyay in si midnimo loo wajaho dagaalka adag ee lagula jiryo Shabaab. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaas oo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah. Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xalna loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si loo sii labo jibaaro howlgallada sifeynta dalka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sifeynayaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu. Ugu dambeyn, waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda. DHAMMAAD The post Sidee Al‐Shabaab uga faa’iideysatay khilaafka XASAN iyo mucaaradka? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaiya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa magaalada Qaahira uga qayb-galay shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso qadiyadda shacabka reer Falastiin. Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin. Xamza Cabdi Barre oo mar kale caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee qadiyadda Falastiin ayaa xusay sida xooggan ee ay dowladda federaalka u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan. Dhinaca kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha. Gabagabadii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee taageerada ka siiya Soomaaliya dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, wxuuna baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado. The post Xamza oo mowqifka Somalia ee Falastiin iyo laba dal oo kale u caddeeyay Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The US State Department has issued travel warnings about Somalia following reports that Al-shabaab attacked parts of the Middle Shabelle region. “The U.S. Embassy in Mogadishu is tracking credible information related to potential imminent attacks against multiple locations in Somalia including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. All movements of U.S. Embassy Mogadishu personnel have been cancelled until further notice” reads the statement from the US State Department. The embassy urged U.S. citizens to remain aware of terrorism threats, warning of potential “kidnappings, bombings and other attacks in Somalia”. The resurgence of Al-shabaab in parts of territories that were liberated two years ago poses a threat to Somalia’s capital. Last week, Al-shabaab briefly seized control of Balcad and Ceelbaraf, two districts in the Middle Shabelle region. A senior Hirshabelle officer said that “failures in the political leadership have led to setbacks in the Ma’awislsy campaigns, which had driven Al-shabaab out of the Hirshabelle countryside two years ago”. © Puntland Post, 2025 The post US Embassy Warns of Imminent Terror Threats in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka qarxay deegaanka Buqalooc oo u dhow degmada Afbarwaaqo. Dagaalkan ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo horey halkaas ugu dagaalamay. Sida ay Goobjoog xaqiijiyeen dadka deegaanka labada dhinac waxa ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan weli lama xaqiijin, balse warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya inay nabadda qaataan oo ay ka fogaadaan dhiig daadinta. Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka ayaa wada dadaallo lagu xallinayo colaadda, iyagoo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda una istaagay dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah. Gobolka Mudug ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo noqnoqday, kuwaas oo salka ku haya muranno la xiriira dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil. Source: goobjoog.com
