-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Sawirkan ayaa imanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan u dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda. Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tan lagu gaaray dadaalkii iyo dagaal diblumaasiyadeedkii uu hoggaaminayey madaxweynuhu, taas oo dhashay in Soomaaliya aan la dhayalsan, sida uu sheegay. “Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka; Dad ayaa xalay la yaabanaa sida maxaxweynaha loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaas oo kale Loo soo dhowayn. Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa Loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad la’aan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo. Dadaalkii iyo dagaal diblomaasiyadeed ee uu madaxweynuhu hogaaminayey mudada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey iyo xadgudubyadii lagu samayn jirey wax weyn iska bedelaan. Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey.
-
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed. Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha guddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Caddaaladda oo La Kulmay Hay’adaha Caalamiga ah. Wasiirka Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa la kulmay hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda Caddaaladda. Kulankan waxa kasoo qaybgalay hay’adaha UN-ta sida UNDP, UNICEF, UNODC, UNISOM iyo IOM, waxana goobjoog ahaa agaasimaha guud wasaaradda cadaalada mudane ismaciil saleebaan bowkax Waxa uu ahaa ujeeddada kulankan dardargelinta barnaamijyada qorshaha u ah wasaaradda ee ku astaysan 100 maalmood iyo waxqabadka xukuumadda xisbiga WADDANI. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hay’adda uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay Somaliland ula shaqeeyaan, ugana taageeraan barnaamijyada lagu horumarinaayo adeegyada caddaaladeed. Wasiirku waxa uu xusay in wasaaradda ay ahmiyad u tahay dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda sida xabsiyadda iyo adeegyada kale ee caddaaladeed. Dhammaan masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ka socday ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonan wasaaradda cadaaladda. Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Qaahira ku dhex-maray wasiirka srrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar H.E. Dr. Badr Abdel Atty. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan. Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladoodiyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka. Sidoo kale waxay labada wasiir ka wada-hadleen dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex-maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas. Ugu dambeyntiina, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uuna xaqiijiyay inay dowladdiisa xoogga saareyso dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo. Horey madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada, iyadoo la isla gartay dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.
-
Beledweyne (HOL) – Somali federal government forces have officially taken over the Hiiran regional administration centers, including the Beledweyne district and the Lamagalaay military camp, which had been under the control of the Hiiran State administration for the past year. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan. Dr. Badr Abdel Atty Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo. Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada iyo in la dhaqangeliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu gaaray shalay. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta leh wada-hadallo dheeri ah oo ay uga arrinsanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta heshiiskii Ankara. Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqan doona goobaha taariikhiga ah ee Itoobiya. Xasan iyo Abiy oo shalay yeeshay wejiga koowaad ee wada-hadallada ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal. Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago. Labada masuul ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal, kadib muddo sanad ah oo lumay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa.
-
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Masuuliin ka socdey Hay’adda Adam Smith, waxayna ka wada hadleen Wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL iyo Hay’adda Adam Smith, in la sii xoojiyo iskaashiga, sida mashaariicda. Qaran News
-
Los Angeles (Caasimada Online) – Shaqaalaha dab-damiska gobolka California iyo kuwa dowladda federaalka Mareykanka ayaa wali la halgalamaya daminta dabki ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Los Angeles ee gobolka Califronia. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha, in ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in dabkani ay ku dhinteen, iyadoo laga digay in tirada ay intaasi ka badan karto. Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, wuxuuna dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn guri ka guri ah. Habeenimadii Jimcaha, wargeyska Los Angeles Times ayaa sheegay in Dabka Palisades ee ka kacay cirifka galbeed ee magaalada uu u weecday jiho cusub, taasi oo keentay in uu soo baxo amar ka bixitaan ah oo quseeya inta badan xaafadda Brentwood iyo San Fernando Valley. “Dabka Palisades ayaa olol horleh ka helay qaybta bari waxaana uu u wareegayaa waqooyi-bari,” ayuu Kabtanka Waaxda Dabka ee Los Angeles Erik Scott u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee KTLA, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka LA Times. Ka hor ololka cusub, dab-demiyeyaasha ayaa soo sheegay horumar laga gaaray bakhtiinta Dabka Palisades iyo Dabka Eaton ee buuro-hoosaadyada bari ee magaalada. Kadib markii uu maalmo socday, inkastoo ay dadaal u galeen boqolaal dab-damis ah oo dabka hawada iyo dhulkaba ka deminayay, dabka Palisades ayaa la xakameeyey 8%, halka dabka Eaton isna la xakameeyay 3%. Si kastaba ha ahaatee, labada dab ee waaweyn ayaa marka la isku daro waxa ay gubeen 35,000 acres (14,100 hektar), ama 54 mayl oo laba jibaaran. Iyada oo kumannaan qof ay hoy la’aan noqdeen, qiiquna uu sii kordhayo, saraakiisha Mareykanku waxa ay ku dhawaaqeen xaalad caafimaad oo degdeg ah. Ilaa 153,000 oo qof ayuu quseeyaa amarka daad-gureynta, iyadoo 166,800 kalena ay helayaan digniino daad-gureynta, waxaana bandow lagu soo rogay dhammaan aagagga daadgureynta, ayuu yiri Sheriff-ka Koyntiga Los Angeles, Robert Luna. Todobo gobol oo deris la ah California, dowladda federaalka iyo Kanada ayaa gargaar ula cararay California, iyagoo xoojinaya kooxaha hawada ka tuuraya biyaha dabka lagu bakhtiinayo iyo kooxaha dab demiska ee buuraha ololaya, iyo kuwa dhulka oo ku howlan deminta dabka.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta isugu soo baxay boqlaal dadweyne ah oo dhigay dibad-bax ay uga soo horjeedaan dowladda federaalka ah oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Jubbaland. Shacabka ayaa ka cabanayay go’aannada dowladda, gaar ahaan tallaabooyinka ugu dambeeyay ee ay qaaday, sida xayiraadda la saaray magaalada Kismaayo oo saameyn xoogan ku yeelatay dadka deegaanka, sida ay u sheegeen warbaahinta. Sidoo kale waxa ay dibad-baxayaash ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu isku wadi waayay dalka. Mid kamid ah dibad-baxayaasha oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu is-casilo, una turo dadka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Xasan Sheekh waa fashilmay arrintii loo dhiibayne, kama soo bixin, Soomaali waa isku sii diray dowladdii ayuu baabi’iyay ee ha’is casilo” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Dibad-baxaan oo ay soo abaabushay Jubbaland ayaa daba socda go’aankii golaha wasiirada maamulkaas oo Khamiistii ku dhowaaqay in Jubbaland ay madax banaan oo gooni ah ula macaamileyso dalalka caalamka.
-
Ciidanka PL oo qarxiyay miino IS galisay jidka Duqayn xooggan ayaa saacado ka hor lagu beegsaday godad ku yaalla buuraha Calmiska oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen hoggaamiyaal ka tirsan mileeshiyaadka Daacish. Jug culus ayaa laga maqlay buuraley lagu magacaabo (Dul iyo Dareyle) oo ka tirsan Calmiskaad kaddib markii lagu garaacay duqeynta, waxaana wararku sheegayaan in bartil-maameedku ahaa hoggaamiyaal Daacish ah oo ku dhuumaanayay aaggaasi. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta oo la sheegayo in ay fuliyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka taageeraya Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada sidoo kalena saraakiisha Puntland weli kama hadlin duqeyntaasi. Dowladda Puntland ayaa shalay Saaxiibada Caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan Hawlgalka lagu baabi’inayo Argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay Ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha Cirka, Rasaasta iyo Saadka lama huraanka u ah Ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah. PUNTLAND POST The post Duqayn xooggan oo ka dhacday buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyay wada-hadalladii gelinkii dambe ee Sabtidii shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, kuwaas oo laga soo saaray go’aanno xasaasi ah, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka. Bayaan ay soo saareen labada hoggaamiye ayaa waxaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. “Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.” Haddaba sidee looga fal-celiyay?:- Cabdi Faras “Ethiopia waa argagixiso waana cadawgeena 1-aad, marka bariiska laga rabana waa walaalaheen oo naftood hurayaal ah” Yuusuf Xasan “Xasan Sheekh Dal-xoreeye heshiis dheel dheel ku yimid ma ahan waxa uu ku yimid geesinimo iyo siyaasad caqli ku dhisan”. Cabdixaafid Xirsi ayaa isna su’aal ka keenay “Madaxweyne aaway cadawgii Ethiopia aad horay noogu sheegtay?”. Cumar Khaalid “Hirgelinta heshiiskii Ankara. Maxaa dan ah oo ugu jirta Soomaaliya? madaxwaynaha ha cadeeyo waxa uu ku badashay, Baarlamankana ha horkeeno”. Cabdiraxiin Maxamed “Waa noocee danaha laga wada-hadlay iima muuqato in dan Soomaali ay mesha taallo”.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhowaan si toos ah ula wareegtay amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay oo farxad-gelisay shacabka ku magaaladaasi. Ciidamada dowladda, gaar ahaan Guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta fuliyay howlgal waddo furis ah oo ay ka sameeyeen Beledweyne. Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa lagu furay waddooyin halbowle ah oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha oo muddooyinkii lasoo dhaafay xirnaa, sababo amni dartood. Waddooyinkan ayaa qaar kamid ah waxaa horay loogu xiray doorashadii xildhibaanada fedaraalka, halka qeyb kale loo xiray taxadar dhinaca amniga ah. Ujeedka ugu weyn ee haatan loo furay jidadkan ayaa ah si ganacsiga iyo isu socodka magaalada uu sidiisa hore ugu soo laabto, shacabkana ay helaan waddooyin waa wayn. “Iyadoo la fulinayo balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka waxa ay bilaabeen in ay furaan waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada oo muddooyinkii dambe u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay magaalada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda. Beledweyne ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal, kadib markii dhowaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu wada-hadal la galay waxgaradka Hiiraan, kadibna la’isku afgartay in meesha laga saaro khilaafka iyo ciidamada Macawiisleyda ee muddada joogay halkaasi. Si kastaba, khilaafka reer Hiiraan ayaa ka dhashay tabasho ay ka qabaan dhismaha maamulka HirShabelle, iyada oo la filayo in haatan laga wada-hadlo, si xlooga gaaro.
-
Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo ay wehliyeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), xildhibaanno, odayaal dhaqameed, iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ku guuleystay in ciidamada amniga si buuxda ula wareegaan xarumaha dowladda iyo maamulka ee ku yaalla xerada Lamagalaay ee Beledweyne. Mas’uuliyiintaan ayaa xerada kala wareegay Maleeshiyaad deegaanka oo muddo gacanta ku hayay xerada iyo xarumaha dowladda si ay uga shaqeeyaan Amniga deegaanka. Hawlgalkaan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu xaqiijiyay in xarumaha muhiimka ah ee maamulka lagu soo celiyo gacanta dowladda, iyadoo lagu dhaqmayay qorshayaal lagu sugayo amniga iyo xasiloonida gobolka. Mas’uuliyiintan ayaa ku bogaadiyay ciidamada amniga doorkooda kaalin mug leh ku leh soo celinta nabadda iyo kala dambeynta. Mudane Daahir Shire iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ugu baaqay shacabka in ay taageeraan dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, iyadoo la ballanqaaday in xarumahaasi si hufan loogu adeegi doono bulshada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haat ku wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista. Sida uu shaaciyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in sahminta shidaalka lasoo gabagabeeyo bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo. Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaa dadaalo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. “Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu. Dhinaca kale marka ay soo dhamaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaan qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.
-
Addis Ababa (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed have agreed to restore and enhance bilateral relations, including full diplomatic representation in their respective capitals, during a high-level meeting in Addis Ababa on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Xogta horjoogayaal Shabaab ah oo lagu hor dilay xaasaskooda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus. “Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha Al-Shabaab ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud. “Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah” Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta. -
Somalia has announced its candidacy for a seat on the African Union Peace and Security Council (AU PSC) for the 2025–2028 terms. Source: Hiiraan Online
-
The Somaliland government is moving forward with plans to reclaim control over its airspace, a significant development that could escalate tensions with Somalia. The airspace, currently managed by the Somali government, was previously under international oversight before being transferred several years ago. Fuad Ahmed Nuuh, Somaliland’s Minister of Aviation and Airport Development, has confirmed that restoring control over the airspace is a top priority for the government. The decision comes amid a protracted dispute with Somalia regarding airspace management, which has persisted for years. “We are in a dispute with Somalia over airspace management, and our goal is to restore full control of our airspace,” said Minister Fu’aad. “We are taking legal steps to regain control,” Nuuh explained. “We plan to seek international legal support to aid us in this process.” The airspace conflict was exacerbated by the agreement between Ethiopia and Somaliland, which granted Ethiopia access to the Berbera port in exchange for a stake in Ethiopian Airlines and potential recognition of Somaliland’s sovereignty. Somalia, which sees Somaliland as part of its territory, vehemently opposed the deal, accusing Ethiopia of violating Somali territorial integrity. The dispute has already led to several high-profile incidents, including Somalia’s denial of multiple flights bound for Somaliland, mainly Ethiopian Airlines flights carrying high-level officials. Somali authorities also turned away an Ethiopian Airlines flight and a cargo plane, both attempting to land in Hargeisa, Somaliland’s capital. The conflict over airspace has also prompted safety concerns. In early 2024, International aviation authorities reported an increasing number of near-miss incidents, such as a recent case involving a Qatar Airways flight and Ethiopian Airlines. Conflicting air traffic control (ATC) instructions, particularly from unauthorized controllers, have raised alarms about the safety of flights navigating Somali airspace. “The issue of conflicting ATC instructions is becoming a serious safety threat,” said a spokesperson for the International Civil Aviation Organization (ICAO). “We are monitoring the situation closely to ensure the safety of international flights.” Somalia has responded to the escalating dispute by implementing new communication systems to manage air traffic more effectively. A new satellite phone system used by Somali air traffic controllers aims to address safety concerns by improving communication with aircraft flying through contested airspace. However, Somaliland has criticized these efforts, accusing Somalia of using the system to undermine Somaliland’s control further. Somaliland has also accused Somalia of mismanaging over $60 million earmarked for air traffic management and airport development. Somaliland’s Civil Aviation Authority claims that Somalia has failed to honour agreements related to airport infrastructure, leading to disrupted air traffic and significant delays in the development of Somaliland’s aviation sector. In addition to regaining control of the airspace, the government is focusing on expanding and upgrading key airports across the country. Renovations are planned for Burco and Boorama airports, while Berbera’s modern airport will be fully operationalized to strengthen Somaliland’s connectivity. Qaran News