-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somali government forces and allied local militias launched a large-scale military operation on Sunday in Middle Shabelle, targeting Al-Shabaab strongholds near Biyo Adde. The offensive comes a day after fierce clashes in the area, where Al-Shabaab militants attacked government positions, sparking hours of intense fighting. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A Minneapolis man who allegedly praised an Islamic State-linked attack in New Orleans and attempted to travel to Somalia to join the terrorist group has been charged with providing material support to a foreign terrorist organization, federal prosecutors announced Friday. Source: Hiiraan Online
-
Mileeshiyaad gadoodsan oo xalay saqdii dambe la wareegay Xarumaha shirkadda Golis ee ku yaalla degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa jaray xargaha Internertka u kala gudbiya gobaladda Nugaal iyo Mudug. Wararka ayaa sheegaya tallaabadaasi sababtay in khadka Internertka ee shirkadda Golis uu saacado badan ka maqnaado degmooyinka ay ka mid yihiin Burtinle, Gaalkacyo, Xarfo, Galdogob iyo Bursaalax. Dhawaan ayay hayd markii sidaan oo kale ay mileeshiyaad la wareegeen Dugsiga sare ee degmada Burtinle, ka dib markii ay bulshada degmada qaarkood diideen maamule ay wasaaradda waxbarashada Puntland u magacawday schoolka, waxaana la sheegay in Xariir ka dhexeeyo khilaafka Iskuulka iyo arinta shirkadda Golis lagu beegsaday, Maahan markii ugu horaysay ee la beegsado shirkadaha is-gaarsiinta Puntland, balse marar kala duwan ayay la kulmeen weeraro ugu yimaadda Mileeshiyaad, taasi oo dhibaato ku keenta shacabka Puntland oo si weyn ugu tiirsan shirkadaha Isgaarsiinta. PUNTLAND POST The post Mileeshiyaad gadoodsan oo jaray xargaha Internet-ka Golis ee degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiistii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safarkan ayaa jawaab u ahaa booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu bishii hore ku tagay Addis Ababa. Kulamada rasmiga ah ee labada hoggaamiye ayaa imanaya kaddib markii ay bishii December 2024 kala saxiixdeen Heshiiskii Ankara, kaas oo soo afjaray sannad dhan oo khilaaf iyo xiisado siyaasadeed ah oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland. Dad badan ayaa u arka booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo go’naa tan iyo Janaayo 2024. “Waxaan wadahadallo qoto dheer ka yeelanay arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee wadajirka ah. Geeska Afrika waa gobol hodan ku ah kheyraad dabiici ah—dhul beereed bacrin ah, biyo nadiif ah, iyo xoog shaqaale oo ballaaran. Hase yeeshee, wali waxa aan la tacaaleynaa sidii aan isku filnaan dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. “Tani waxay ka dhigaysaa is-dhexgalka goboleed mid lagama maarmaan u ah gaarista himilooyinkeena guud. Gobolkeennu waxa uu leeyahay awood aad u weyn oo aan si wadajir ah uga faa’iidaysan karno. Uma horumari karno kaligeen, balse wadajir ayaan u kobci karnaa. Ka fikiridda xalka gobolka iyo iskaashiga waa lama huraan, waxaana diyaar u nahay inaan Soomaaliya kala shaqeyno sidii tani dhab u noqon lahayd.” Booqashadan ayaa muujinaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan hirgelinta heshiiska Ankara, iyadoo sidoo kale muujineysa in Itoobiya ay dib uga sii durugtay heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland. Arrintan waxay la jaanqaadaysaa mowqifka hoggaanka cusub ee Somaliland, kaas oo aan si cad u muujin xiisaha uu u qabo fulinta heshiiskaas. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ka laabatay qorshe ay Itoobiya u diiday in ay uga mid noqoto waddamada ciidamadooda ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee ka socda gudaha Soomaaliya. Waxaa toddobaadkan lagu dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo bishii hore si rasmi ah u billowday. Isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in horumarkan uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhowaan la arkay burburka isbahaysigii Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar. Sida ay qabaan khubaradu, sameysanka iyo burburka isbahaysiyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waa arrin soo noqnoqota. “Xiriirka dowladaha Geeska Afrika mar walba wuu is-bedbedeli jiray. Mar waa saaxiib, marna waa colaad. Kaliya xiriirka Itoobiya iyo Kenya ayaa inta badan ahaa mid xasilloon. Sidoo kale, Itoobiya iyo Jabuuti, iyo Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waa kuwo deggan. Laakiin Itoobiya iyo Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Soomaaliya, waxay soo mareen waqtiyo kala duwan oo xasillooni darro ah,” ayuu yiri Dr. Constantinos Berhutesfa, oo horey uga tirsanaa Midowga Afrika kana faallooda siyaasadda gobolka. Waxa uu aaminsan yahay in is-afgaradka cusub ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu ka dhashay Heshiiskii Ankara iyo mowqifka aan caddayn ee Somaliland ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa horey u sheegay in maamulkiisu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska, taas oo siisay Itoobiya fursad ay ku hakiso heshiiskaasi, oo sababay xiisadaha gobolka sannadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, heshiiskan cusub wuxuu meesha ka saaray dadaalladii Masar ee lagu go’doominayey Itoobiya iyada oo loo marayo Suudaan iyo qorshe ay ciidamo ugu soo dirtay Soomaaliya. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo halis ku jira Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Eritrea uu sababi karo xiisado cusub. Tan iyo markii Itoobiya ay dib usoo celisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxaa jira walaac laga qabo in Eritrea ay dareento in la go’doomiyay. “Horumarka laga gaaray xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya waa mid wanaagsan, balse waxaa laga yaabaa in Eritrea ay ka carootay. Kahor is-afgaradka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa jiray isbahaysi saddex geesood ah oo ay wada saxiixdeen Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya bishii Oktoobar 2024. Hadda, Soomaaliya waxay isku hallaynaysaa Itoobiya, taasoo la micno ah in heshiiskii Asmara uu burburay,” ayuu yiri Constantinos. Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin su’aashu waxay tahay, Soomaaliya ma sii ahaan doontaa mid xasilloon? Maxay samayn karaan dalalka Masar iyo Eritrea, oo horey uga shaqeynayay in Itoobiya laga go’doomiyo? Ma taageeri doonaan Al-Shabaab? Ma sii wiiqi doonaan xasilloonida Soomaaliya?” Dhowaan, Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyahay gudaha Soomaaliya, taas oo xoojinaysa doorka Washington ee ku aaddan xaaladda gobolka. Itoobiya oo dib u dhiseysa sumcadeeda caalamiga ah Iyadoo Itoobiya ay heshiis la gaartay Soomaaliya, haddana waxaa weli taagan xiisadda kala dhaxeysa Masar ee ku saabsan biyo xireenka GERD, iyo sidoo kale walaacyada amni ee gobolka. Heshiiskii ay la gashay Somaliland wuxuu Itoobiya ku yeeshay saameyn diblomaasiyadeed oo ba’an. Constantinos wuxuu ku taliyay in Itoobiya ay abaabusho shir caalami ah oo looga hadlayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Maadaama guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika uu ka soo jeedo Geeska Afrika, wuxuu kaalin ka qaadan karaa shirkan. Itoobiya waa in ay diiradda saartaa abaabulidda shir caalami ah oo nabadda iyo ammaanka looga hadlayo. Tani waxay gogol xaar u noqon kartaa isku xirka gobolka,” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu xusay in Kenya ay hadda raadineyso inay la wareegto doorkii Itoobiya ee xasillinta gobolka, iyadoo dhawaan shaacisay howlgallo nabad ilaalin ah oo ka socda xadka ay la leedahay Itoobiya. “Tani waa inay noqotaa doorkii Itoobiya,” ayuu yiri Constantinos, isagoo tilmaamay in Addis Ababa ay tahay xarunta Midowga Afrika (AU), Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo in ka badan 120 safaaradood iyo hay’ado caalami ah, taas oo ka dhigaysa caasimadda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Afrika. “Waxaa la joogaa xilligii Itoobiya ay dib u dhisi lahayd doorkeeda gobolka,” ayuu yiri, isagoo xusay in shir heer caalami ah uu sare u qaadi karo sumcadda Itoobiya ee caalamka, isla markaana uu xallin karo xiisadaha taagan. The post Mustaqbalka isbaheysigii Asmara kadib heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira midnimada guud ahaan culimada Soomaaliyeed. Roobow ayaa shaaca ka qaday in wasaaradda uu hoggaamiyo ee Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay u taagan tahay in ay mid noqdaan dhammaan culimad Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada, iyaga oo door wayn ka qaata dhanka wacyi-gelinta. “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay u taagan tahay waa culimada Soomaaliyeed in aad mid noqotaana waa farxadeena,” ayuu yiri Wasiie Roobow. Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Wasaaraddu waxay qaadim u tahay dhammaan culimada Soomaaliyeed oo waa diin adeegeysaa, waxaan rajeyneyaa inaad nala sii shaqeysaan”. Sidoo kale Wasiir Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ku boggaadiyay inay sanadkan isku raaceen maalinta 1-aad ee Soonka. “Waxaa kaloo aad in loogu farxo ah bilashada Ramadaan waa maalin la sugayay waxaana cajiib ah in iyadoo Ramadaanka la’isku wada waafaqsan yahay oo la wada sooman yahay kuwa sooman iyo kuwa leh wa beentood aanay jirin” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Waxaa kale oo uu horumar iyo barwaaqo u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale guul u rajeeyay ciidamada la dagaalamaya kooxaha Khawaarijta. Hadalkan ayaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka wuxuu ku sheegay madal ay ku sugnaayeen culimo badan oo Soomaaliyeed, taaas oo xalay lagu daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. The post Daawo: Mukhtaar Roobow oo arrin xasaasi ah kala hadlay culimada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho – Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ay baneeyeen dhowr masuul oo loo magacaabay xilal cusub iyo halka laba ruux ay geeriyoodeen. Sida ku cad jadwalka guddiga, 6-da Maarso 2025 ayaa la qaban doonaa doorashada kursiga uu banneeyey Saadiq Joon, kaddib markii loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Sidoo kale, 8-da Maarso 2025 ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada kursiga uu banneeyey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Dhanka kale, waxaa la filayaa in la buuxiyo kuraasta ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii hore, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Sey Sey, doorashadoodana lagu qaban doono magaalada Jowhar. Guddiga Doorashooyinka ayaa ku baaqay in doorashooyinkaan lagu qabto si hufan, iyagoo adkeynaya in la ilaaliyo xeerarka doorashooyinka iyo hannaanka saxda ah ee loo marayo buuxinta kuraasta bannaan. Source: goobjoog.com
-
Somalia was elected to serve on the U.N. Security Council as a non-permanent member for the second time since independence in 1960 and assumed its seat on Jan. 1, 2025. Somalia joined Denmark, Greece, Pakistan and Panama in serving on what is considered the most powerful global political and diplomatic council entrusted with steering the world toward peace, stability and sustainable development for the next two years. Source: Hiiraan Online
-
Muuqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinkaqaranka ayaa qaaday tallabo culus oo ku aadan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo, loona helo xubnihii soo buuxi lahaa kuraasta bannaan. Guddiga oo warqad soo saaray ayaa haatan iclaamiyey doorashada kuraasta HOP#248 iyo HOP#049, isla markaana ay horay u banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) oo xilal sare looga magacaabay dowladda federaalka. Saadaq Joon ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda NISA, halka Mustaf Dhuxulow isaguna loo magacaabay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxayna sidaas ku waayeen xubinimadoodii baarlamaanka 11-aad. Labadaan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa doorashadooda la qaban doonaa 6-da, ilaa 8-da bishaan , sida lagu shaaciyay warqadda kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashada. Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo ka bannaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kurs oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey. Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya. The post Kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow oo la buuxinayo appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Jimcihii booqday caasimadda Eritrea ee Asmara si uu fariin uga gudbiyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi, uguna dhiibo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar. Fariinta Madaxweynaha Masar ayaa diiradda saartay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyo sidoo kale arrimo goboleed oo dan u ah labada dhinac. Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, Danjire Tamim Khallaf, wadahadalladu waxay sidoo kale taabanayeen arrimo muhiim ah oo labada dal ay iska kaashan karaan. Khallaf wuxuu xusay in booqashada Abdelatty ay la xiriirto daba-galka booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Sisi bishii Oktoobar 2024 ku tegay Asmara, iyo in la xoojiyo hab-maamuuska iskaashiga saddex-geesoodka ah ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya. Shirkii ugu horreeyay ee heer wasiir ee iskaashi-gan ayaa lagu qabtay Qaahira bishii Janaayo, waxaana hadda la diyaarinayaa kulankii labaad oo la filayo in la qabto mustaqbalka dhow. Xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah Intii uu socday kulanka Wasiir Abdelatty iyo Madaxweyne Afwerki, waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyo kala duwan si loo gaaro danaha labada dowladood. Wadahadalladu waxay sidoo kale diiradda saareen arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda qaaradda Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray taageerada Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta madax-bannaanideeda dhuleed. Sidoo kale, waxaa laga hadlay xaaladda Sudan, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la bixiyo dhammaan noocyada taageerada ee dowladda Sudan iyo hay’adaha qaranka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaas. Arrimaha gobolka iyo badda cas Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey xaaladda Libya iyo gobolka Saaxil ee Afrika, iyo sidoo kale xasiloonida Badda Cas. Waxaa la caddeeyey mowqifka labada dal ee ah in aan dowlado aan xeebaha Badda Cas lahayn loo ogolaan inay ka qeyb qaataan amniga iyo maamulka baddaas, taasi oo u muuqata in loola jeedo Itoobiya. Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa u diray salaan iyo mahadnaq Madaxweyne Sisi, isagoo muujiyey rabitaankiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal si loola jaanqaado rabitaanka shacabka iyo xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Eritrea. Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya 11-kii Janaayo 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in saddexda dal ay ku heshiiyeen “in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo bixinta taageero buuxda oo lagu garab istaagayo dowladda Soomaaliya.” Saddexda wasiir waxay sidoo kale isla meel dhigeen fulinta tallaabooyin la jaanqaadaya heshiisyadii ka soo baxay shirkii madaxda saddexda dal ee Asmara. Waxay diiradda saareen horumarinta amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo sidoo kale ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha gobolka, iyagoo raacaya xeerarka caalamiga ah iyo mabda’a aan faragelin lagu sameyn arrimaha gudaha ee dowladaha madax-bannaan. Sidoo kale, saddexda wasiir ayaa soo dhaweeyey horumarka laga sameeyey xoojinta iskaashiga saddexda dal si loo xaqiijiyo amniga Soomaaliya. Waxay si gaar ah u xuseen iskaashiga joogtada ah ee Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada nabad-ilaalinta iyo dib-u-dhiska nabadda, iyadoo Masar ay kaalin ka qaadanayso Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Fariinta Sisi uu u diray Afwerki iyo booqashada Badr Abdelatty ee Asmara ayaa timid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu booqasho ku tegay Muqdisho, xilli ay isku soo dhowaadeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Tallaabada Sisi ayaa u muuqata mid direysa farriin ah in isbaheysiga saddex geesoodka ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea aanu waxba iska beddelin. The post Sisi oo farriin deg deg ah u diray Afwerki kadib safarkii Abiy Ahmed ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
militariga Suudaan ayaa sheegay inay dileen 17 xubnood oo ka tirsanaa fallaagada RSF ka dib weerarro is xig xigay oo ka dhacay magaalada Ceel fasher ee caasimadda gobolka Darfur. Militariga Suudaan oo wada guluf xooggan oo ka dhan ah RSF ayaa dib u qabsaday magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Khartoum oo inteeda badan ay gacanta ku hayaan ciidanku. Dagaalka Suudaan oo billowday sanadkii 2023 ka dib markii ay isku dhaceen militariga iyo xoogagga taageerada degdega ah ee RSF ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca in ka badan 10 milyan oo ruux. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa Todobaadkaan hoggaaminayay wafdi booqasho ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Madaxweyne Isaias ayaa wafdiga ku qaabilay Denden Guest House fiidkii. Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay wadatashiyo laba geesood ah oo si joogto ah u dhaca. Intii kulanka lagu jiray, waxaa laga wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, Balse waxaa ka maqneyd kulankaan Soomaaliya. Warbaahinta dowladda Eritrea ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, oo sheegay in wadatashiyadani ay muhiim u yihiin samaynta mowqif mideysan oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale, xaaladda dalka Suudaan ayaa ahayd mid kamid ah qodobada laga hadlay. Yemane Gebremeskel wuxuu qoray in ay ka wada hadleen xal u helidda colaadda Suudaan, dadaallada dib u dhiska qaran ee Soomaaliya, iyo caqabadaha amni ee ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa timid maalmo uun ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu booqasho ku tagay Soomaaliya. Bishii Oktoobar 2024, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika. Xilligaas, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ahaa mid xun. Sida ka muuqata warbixinta Yemane Gebremeskel, heshiiskaas wali waxba iskama bedelin, maadaama qodobka dib u dhiska qaran ee Soomaaliya uu kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay kulankii Asmara balse ka maqnaanshaha Soomaaliya oo arrimaha geeska ka hadalkeeda badda muhiim u ah ayaa dood badan dhaliyay. Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis difaac, kaasoo ogolaanayay in Masar ay Soomaaliya u dirto ilaa 10,000 oo askari si ay uga mid noqdaan hawlgalka Midowga Afrika iyo is-afgarad laba geesood ah oo dhex maray labada dal. heshiiskaan ayaa noqday dhaxal gal. Itoobiya waxay u aragtay in ciidamada Masar ay halis ku yihiin amniga qarankeeda. Inkastoo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu soo hagaagay. Eritrea waxay tababartay kumannaan askari oo Soomaali ah, waxaana la ogaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si joogto ah u booqan jiray Asmara, gaar ahaan kadib markii Itoobiya ay bishii Janaayo 2024 la saxiixatay Soomaaliya heshiis is-afgarad ah, taasoo keentay in xiriirka labada dal uu xumaado. Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Saciid Deni ayaa dagaalkan uga hadlay si cajiib ah, isagoo hadalkiisa ka duway sida uu uga hadlay Axmed Madoobe. Khudbadda uu jeediyey habeen ka hor ayuu xoogga ku saaray dagaalka ay kula jiraan Daacish, inkasta oo uu sidoo kale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. “Waxaan rabaa in halkaan hambalyo uga diro ciidamada Soomaaliyeed ee annaga oo kale howlgallada uga wada deegaannada kale ee dalka. Meel kasta oo ay joogaan ciidamada Soomaaliyeed waxay gudanayaan shaqo naf-hurnimo ah. Inta shahiiday Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland, oo qiray in dagaalku uusan sahlaneyn, ayaa dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ugu baaqay inay dhabar-adayg muujiyaan iyagoo Alle talo saaranaya. “Dagaalka Khawaarijta waa howl qaran, halaga wada qayb qaato. Dadka Soomaaliyeed ha u jiheystaan dagaalka argagixisada dalkooda kusoo duushay,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Madaxweyne Saciid ayaa dadka Soomaaliyeed ku eedeeyey inay dalkooda dayaceen, taasoo u fududeysay argagixisada inay qabsadaan. “Dadka Soomaaliyeed xisaabaadka dib ha u fiiriyeen, wixii ay qaldeena ha saxaan,” ayuu yiri. Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka kula jiraan Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa si ka duwan Deni uga hadlay arrinta dagaalka, isagoo sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed aysan niyad iyo caqiido dagaal ku lahayn. Axmed Madoobe ayaa tusaale u soo qaatay weerarrada isdaba-joogga ah ee maalmahan ay Shabaab ka bilaabeen gobollada HirShabeelle, isagoo sheegay in ciidamada qaranka aysan dagaalka niyad u hayn. Wuxuu eedda dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre, oo uu sheegay inay siyaasadda isku hayaan. Axmed Madoobe wuxuu muujiyey cuqdad uu u qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama loo adeegsaday xilligii Farmaajo iyo hadda oo Xasan Sheekh joogo, dagaal toos ahna ay la galeen. Hadalkiisa waxaa laga dheehan karay inuusan wax jixin-jix ah u haynin ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta. The post Deni oo jeediyey hadal cajiib ah oo muujinaya sida ay u kala duwan yihiin Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
President William Ruto has insisted that development must be distributed fairly across all parts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Barakacayaal, Queen Boodo, xayiraad iyo isku eedayn dil iyo shirqool—kuwaas ayaa ugu badnaa waxyaabihii laga maqlaayay Qalka Golaha Shacabka oo fadhigiisii caadiga ahaa Sabtidii ku qabsaday xaruntiisa Villa Hargeysa. Sida wax u dhaceen shalay waxay ahayd mid aan ku imaan qorshe iyo ajande rasmi ah. Xildhibaannada ayaa dhaafay xuduudka doodda iyo aragti is-weydaarsiga. Waxaa golaha ka dhex dhacay aflagaaddo, eedayn iyo isku xukumid dambiyo. Hannaanka hoggaaminta Aadan Madoobe ayaa qayb ka mid ah Xildhibaannadu wax iska weydiiyeen. Marka la eego sida uu u maareeyey fadhiga shalay, dad badani waxay qabaan inay tahay caddayn aan marag u baahnayn. Kulankii ayaa ku dhammaaday qaylo iyo buuq. Fadhiga baarlamaanka ee qabsoomay ayaa ajandihiisa lagu soo daray mooshin lagu dalbanayo in la laalo xayiraadda duulimaadyada ee saaran Maamulka Jubaland. Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in loo yeero hay’adaha ammaanka ee mas’uulka ka ah xannibaadda. Qayb ka mid ah Xildhibaannada ayaa keenay cabasho ay ka muujiyeen ishortaag safar oo lagu sameeyey xilli ay u jeedeen dhanka Kismaayo. Furitaankii kulanka ayaa isku beddelay gole muran, qaylo iyo dhawaaq taban. Xildhibaannadii hadalka qaatay—oo u badnaa mucaaradka—ayaa eed tiro beel ah dusha ka saaray Xukuumadda. Inkastoo ay xaq u lahaayeen inay doodaan, haddana dooddu waxay gashay deel-qaaf, waxaana golaha ka soo baxay erayo aan dheguhu jeclaysanayn maqalkooda. Doodda metaalada iyo deegaanka Doodda Xildhibaannada oo u muuqatay mid ka firfircoon sidii looga bartay ayaa kululaatay, kaddib markii ay xubnaha Baarlamaanka dooddooda u dhigeen qaab deegaan, qabiil iyo reernimo. Tani waxay muujisay in Xildhibaannadu aysan aragti dowladnimo ku dhisin dooddooda. Hadalkii uu Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Yare) ku tilmaamay xubnaha ka soo jeeda Soomaaliland inay yihiin barakacayaal ayaa buuq weyn dhaliyey. Hase yeeshee, marka laga tago xanafta hadalkiisa, haddana marka dhanka kale laga eego, hadalka Xasan Yare wuxuu xujo ku yahay doorashada qof iyo cod ah. Eedaymo waaweyn oo la soo bandhigay Intii uu socday fadhiga Baarlamaanka wuxuu u muuqday meel aan xeer iyo xad lahayn. Xildhibaannadu waxay sii daayeen eedo badan, kuwaas oo qaarkood aad u culus yihiin, laguna jiro eedo la xiriira dil. Mid ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, ayaa Wasiirka Amniga ku eedeeyey inuu in ka badan toban jeer dil iyo shirqool u maleegay. Xildhibaanku wuxuu Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag—oo isku deegaan yihiin—dusha u saaray inuu naftiisa halis geliyey. Waa eed aad u weyn, maadaama Wasiir Amniga Qaranka uu mas’uul ka yahay badbaadada shacabka. Arrintan waxaa sii cuslaynaya in Xildhibaan Qaran oo xasaanad leh uu Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey eeddiisa. Xeeldheerayaasha sharciga iyo garsoorka oo aan la hadalnay waxay qabaan in eedda Xildhibaanka aan sidaas lagu dhaafi karin. Waxay ku doodeen in arrinta aan laga dhigi karin eed siyaasadeed, balse loo baahan yahay baaritaan garsoor oo madax-bannaan si shacabka loo soo bandhigo xaqiiqada. Sida shalay wax uga dhaceen Baarlamaanka kama turjumayaan meeqaamka golaha. Waxaa la soo jeediyey eedeymo, shirqool dil, xayiraad, caga-juglayn iyo bahdil ay la kulmeen xildhibaannada. Marka la eego dhammaan wixii meesha ka dhacay, waxay muujinayaan sida golahani u yahay mid fadhiid ah, laguna tilmaami karo Baarlamaankii ugu tayada hooseeyay ee dalka soo mara, fashil hoggaamineedna uu haysto, sida ay qabto Xildhibaan Cadar oo Jubaland ka soo jeeda. The post Gole shacab mise gole shaqaaqo: Sidee shalay wax uga dhaceen Villa Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.
-
The Government of the Republic of Somaliland has officially commenced the integration of the first unit of the Civilian Forces into the Somaliland National Army, marking a significant step in strengthening national security and defense capabilities. The Vice President, H.E. Maxamed Cali Aw Cabdi, presided over the formal ceremony alongside a high-ranking delegation, including the Minister of Defense, the Minister of Transport and Road Development, the Chief of the National Army, the State Minister for Internal Affairs, the Minister of Investment, the Governor of Sanaag, and members of Parliament. Speaking at the event, the Vice President reaffirmed the government’s commitment to consolidating national security and ensuring a well-structured and unified defense force. He, along with the Chief of the National Army, officially welcomed the newly integrated personnel, emphasizing that they are now a recognized part of the Somaliland National Army, effective immediately. This milestone reflects the government’s continued dedication to professionalizing and expanding its defense forces in line with Somaliland’s long-term security strategy. The integration process will proceed in phases, with additional units set to be incorporated in the coming days, further reinforcing the country’s security and stability. Hussein Adan Egeh (Deyr) Spokesman for the President of the Republic of Somaliland Qaran News
-
Madaxweynaha Ukraine ayaa todobaadkan la kulmay wax lagu tilmaamay bahdilkii ugu weynaa ee hoggaamiye dal uu Mareykanku u geystay, ayadoo Trump iyo ku xegeenkiisu ay si wadajir ah goob fagaare ah oo warbaahintu toos u tabinayso ku canaanteen Zelensky. Madaxweyne Zelensky ayaa Washington u tagey inuu Mareykanka u saxiixo qaadashada macdanta dalkiisa, asagoo ka filayay inay taa badalkeeda u dammaanad qaadaan in laga difaaco Ruushka, balse wuxuu la kulmay ihaanadii ugu darnayd ee hoggaamiye dal madax-bannaan lagula kacay. Zelensky oo asagoo isku halaynaya taageerada reer galbeedka u bareeray dagaal ka dhan ah Ruushka ayaa hadda cidla ciirsi la’ taagan, waxaana lagu sun-dulaysanayaa kheyraadka dalkaagoo dhan haddii aad inoo saxiixdo waa laga yaabaa inaan ku difaacno. Haddaba Soomaaliya oo burburkii wixii ka dambeeyay boqolkiiba boqol isku dhiibtay reer galbeedka, islamarkaana wax walba ayaga ka sugaysa, oo isku tashi laga waayay, kheyraadka Ukraine mid aan ka yaranayna haysata ayay la gudboon tahay inay cashar ka qaadato wixii ku dhacay Zelensky. Reer galbeedku waxay ku maahmaahaan “ma jirto qado bilaash ahi”, sidaas awgeed taageerada reer galbeedku dan iyo ujeedka gaar ah ayay xambaarsantahay, qorshe ajanabi ayaana ku hoos duugan, sida xeeldheerayaashu qabaan. Madaxda iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo taageero, dhaqaale, gargaar bini’aadantinimo, dowlad dhis, xasillooni, iyo hormar ka sugaya dalal shisheeye ayaa haatan looga fadhiyaa inay isku tashi kaga gudbaan dhibaatooyinka ku dhowaad 40-ka sano daashaday, asaagoodna ka reebay. Source: goobjoog.com
-
Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub. Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump. Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku saabsan soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan. Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan oo loo soo dhameyn karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka. PUNTLAND POST The post Dalalka Yurub oo Shir deg deg ah ka yeelanaya Xaaladda Waddanka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Kurdistan Workers Party (PKK), ee la mamnuucay, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, sida ay shaacisay wakaalad warar oo ku dhow kooxdaasi. Go’aankaan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha xiran ee kooxda Abdullah Ocalan, uu ku baaqay in la dhigo hubka, taasi oo ah tallaabo weyn oo lagu soo afjari karo kacdoon 40 sano socday. Ocalan ayaa Khamiistii ugu baaqay PKK inay hubka dhigaan oo ay is-kala diraan, arrin ay taageereen xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbiga mucaaradka ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, DEM. Haddii xabbad-joojintu hirgasho, waxay saamayn weyn ku yeelan kartaa gobolka, iyadoo la soo afjari karo dagaalka ay PKK billowday 1984-kii, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 40,000 oo qof. PKK, oo hadda saldhig ku leh buuraha waqooyiga Ciraaq, waxay muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Turkiga. Dagaalkaasi wuxuu si weyn u saameeyay koonfur-bari Turkiga, halkaas oo uu kumannaan qof ku dilay, sidoo kalena dhaqaale burbur oo weyn gaarsiiyay. Xabbad-joojinta ayaa Erdogan siin karta fursad siyaasadeed oo gudaha ah, islamarkaana u noqon karta tallaabo taariikhi ah oo lagu xasillinayo gobolka. PKK waxay sheegtay inay rajeynayso in Ankara ay u oggolaato Ocalan, oo tan iyo 1999 ku jira xabsi go’doon ah, xorriyad dheeraad ah si uu u hoggaamiyo geeddi-socodka dhigaalka hubka. Kooxdu waxay sidoo kale xustay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro xaalado siyaasadeed iyo dimuqraadi ah si heshiiska loo hirgeliyo. “Anaga oo ah PKK, si buuxda ayaan ugu raacsanahay nuxurka baaqa, waxaana caddeyneynaa inaan fulin doono dhammaan shuruudaha lagu xusay,” ayay kooxda ku sheegtay bayaan ay u dirtay wakaaladda wararka ee Firat. “Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta dhigaalka hubka waxay suurtagal noqon kartaa oo kaliya haddii hoggaaminta tooska ah uu yeesho Hogaamiye Apo,” ayay sii raacisay, iyagoo xusay inay si degdeg ah u joojinayaan weerarrada, ilaa laga soo weeraro. PKK, oo ay Turkiga iyo xulafadiisa Reer Galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay qabato shirweyne, sida uu Ocalan codsaday. Si kastaba ha ahaatee, waxay shuruud uga dhigtay in la xaqiijiyo ammaan buuxa si Ocalan uu si shaqsi ah u hoggaamiyo shirkaas. Muxuu Erdogan ka yiri? Isagoo ka hadlayay munaasabad afur ah oo lagu qabtay magaalada Istanbul Sabtidii, xilli ay billaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu dib u bilaabi doono howlgalada ka dhanka ah PKK haddii geeddi-socodka dhigaalka hubka uu istaago. Waxa uu intaas ku daray in qorshahan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dadaallada dowladda ee lagula dagaallamayo argagixisada. “Haddii ballamihii la qaaday si joogto ah loo wado dib-u-dhigidooda, ama la isku dayo in wax lagu sirto, magaca la beddelo, oo wax walba la iska yeelo sidii la doono, mas’uul kama noqon doonno wixii dhaca,” ayuu yiri Erdogan. “Haddii loo baahdo, howlgalladeenna – oo weli socda – waan sii wadi doonnaa, ilaa argagixisada dhammaan laga ciribtiro, dhagax dhagax kale laga dul qaado, madaxna garbaha laga tuuro,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in Ankara ay sidoo kale soo afjari doonto halisaha kaga imanaya xadka. Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz, ayaa horey u sheegay in burburka PKK “aan wax wadahadal ah lagu samaynin” ay furi doonto waddo cusub. Dadaalladii hore ee lagu joojin lahaa kacdoonka PKK, oo la sameeyay intii u dhaxaysay 2009-2011 iyo 2013-2015, ayaa fashilmay, taasoo keentay rabshado sii kordhay. PKK oo dalbanaysa xorriyadda Ocalan Xisbiga DEM ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladda inay qaado tallaabooyin lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, iyagoo u sheegay wakaaladda Reuters in jawaabta dowladda ay tahay mid aad u muhiim ah. Dhanka kale, PKK ayaa ku adkeysatay in Ocalan “uu helo xorriyad jir ahaaneed, yeesho xaalado nololeed iyo shaqo oo sax ah, oo uu xiriir la samayn karo cid kasta oo uu doono, oo ay ku jiraan asxaabtiisa, iyadoon wax caqabad ah jirin.” Wali ma cadda in Ankara ay wax ka qaban doonto dalabyadan. Wasiirka Caddaaladda Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa Jimcihii u sheegay taleefishinka CNN Turk in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan cafis, xabsi guri, ama ikhtiyaarro kale. Dadka fallanqeeya siyaasadda Turkiga ayaa sheegay in Erdogan, oo horey dhowr jeer u isku dayay inuu soo afjaro colaadda, uu hadda diiradda saarayo faa’iidada siyaasadeed ee uu ka heli karo nabadda, isagoo xusaya inuu doonayo in uu xafiiska sii joogo kadib marka xukunkiisu dhammaado 2028. Heshiis nabadeed wuxuu meesha ka saari lahaa arrimaha la xiriira PKK ee ka taagan waqooyiga Ciraaq, halkaas oo ay Kurdiyiinta xukumaan islamarkaana uu Turkiga dagaal kula jiro maleeshiyaadka. Baaqii Ocalan wuxuu daba socday soo jeedin lama filaan ah oo bishii Oktoobar ka timid Devlet Bahceli, oo ah xulafada Erdogan ee mayalka adag. Dalabkiisa waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Mareykanka, Midowga Yurub, iyo xulafada kale ee Reer Galbeedka, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah Turkiga sida Ciraaq iyo Iran. Sabtidii, Bahceli ayaa soo dhoweeyay bayaanadii PKK, isagoo sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo lala geli karo kooxdaas, islamarkaana hubka dhigistooda iyo burburkooda – iyo dhammaan garabyadooda – ay tahay arrin dan ugu jirta qof walba. “Xaaladdan cakiran iyo duruufaha adag, fursad taariikhi ah ayaa u furantay Turkiga,” ayuu yiri Bahceli, isagoo xusay in aan la oggolaan karin in hanaanka nabadeed la carqaladeeyo. Turkiga ayaa isku dayaya inuu uga faa’iidaysto isbeddelka siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan kadib burburkii xukunkii Bashar al-Assad ee Suuriya. Dowladda cusub ee Islaamiga ah ee Dimishiq ayaa xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara, taasoo sii xoojisay dagaalka uu Turkiga kula jiro xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya. SDF, oo Mareykanka taageero, ayaa sheegay in baaqa Ocalan uu yahay mid muhiim ah, balse uusan khuseynin iyaga. The post PKK oo ku dhowaaqday xabad-joojin deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
