-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay fashilinta qorshe ay kooxda Al-Shabaab maalmihii dambe ku dooneysay inay isugu furato deegaano muhiim ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Ciidanku waxay maanta guul ka gaareen isku-daygii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ku dooneysay inay isugu furato deegaanada dhaca koofur, bari iyo galbeedka jiinka wabiga. Sidoo kale, ciidamada iskaashanaya ayaa maanta si buuxda dib ugula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Dagaalkaan ayaa lasoo warinayaa inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah. Ciidamada iskaashanaya ayaa duhurnimadii maanta gudaha u galay Ceelbaraf, kadib dagaal muddo kooban socday oo ka dhacay duleedka magaaladaas. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah dardargelinta howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay haatan ka socdaan howl-gallo culus oo kooxda lagaga sifeynayo deegaanada ay weli kaga sugan tahay maamulka Hirshabeelle. The post Qorshe Al-Shabaab isugu furaneysay deegaano muhiim ah oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online.
-
BOOSAASO, Somalia – Puntland regional security forces in Somalia have scored a significant win, capturing three foreign fighters believed to be part of the Islamic State (ISIS) group. The arrests come as operations intensify in the rugged Almiskaad mountains of the Bari region, a known hideout for these militants. Now in custody, the three men were picked up near the Teedsan Uur-caleed valley, a strategic spot close to the main highway. According to a statement from Puntland’s Counterterrorism Operations Command, the operation was triggered by key tips from residents. “Our forces captured three foreign individuals in visibly poor condition in the Teedsan Uur-caleed valley, which leads towards the main road. This was thanks to information from locals. An investigation is underway, and we found ammunition and other tell-tale signs on them,” the official statement revealed. The captured men also bore gunshot wounds, evidence of recent clashes. Puntland’s offensive and the global war on terror This capture highlights Puntland’s determined push against ISIS, which kicked off in December. Since then, the regional government claims to have taken out over 100 militants, many of them foreign recruits. The ongoing operations underscore the persistent threat ISIS poses, a threat that’s grabbed international attention and support. The rise of ISIS in Somalia is part of a larger, complex global narrative. Since 9/11, the “war on terror” has seen extremist groups, including ISIS and Al-Qaeda, exploit instability. With its history of conflict and weak central authority, Somalia has become a breeding ground for these groups. The ISIS branch in Somalia, which has grown in reach over the past few years, is estimated to have between 700 and 1,500 fighters. While smaller than Al-Shabaab, which controls large chunks of southern and central Somalia, ISIS’s presence signals the layered security challenges facing the country. International support and regional security Puntland’s fight against ISIS isn’t a solo effort. The United Arab Emirates (UAE) has stepped up as a key supporter, recently providing 80 military vehicles to boost Puntland’s forces. Shipped from Abu Dhabi to Boosaaso, this aid is crucial for enhancing operational capabilities in rugged terrain. UAE support goes beyond gear. They’ve also provided aerial backup, with airstrikes on ISIS positions in the Almiskaad mountains, reportedly taking out several fighters. This support is part of a broader strategy to tackle extremism in the Horn of Africa. The United States has also been active, conducting airstrikes against ISIS targets. This reflects the U.S. government’s ongoing counterterrorism commitment in the region to curb extremist influence. Puntland State President Said Abdullahi Deni has openly welcomed international cooperation, stressing the need for a united front against the terror threat. The fight against ISIS in Puntland isn’t just a local issue; it’s a key piece of the global puzzle in combating terrorism. As these captured fighters are questioned, the intel they provide could shed light on ISIS networks, funding, and strategies, potentially impacting counterterrorism efforts far beyond Somalia’s borders. The post Somalia: Puntland forces capture foreign ISIS operatives appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykanka ayaa war culus kasoo saartay walaaca xooggan ee laga muujinayo xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen. John Kelly, oo ah ku simaha safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada labada kooxood iyo iskaashiga cusub ee ay sameysteen, taas oo halis ku ah ammaanka gobolka. Ku simaha safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in la iska kaashado la shaqeynta guddiyada golaha ammaanka ee Yemen iyo Soomaaliya, si loola socdo xiriirka ka dhexeeya labada urur, oo Maraykanku u arko ururro argagixiso. Sidoo kale wuxuu danjiruhu khudbadiisa ku sheegay in sidoo kale ay jirto halis kale oo kasoo korortay tahriibinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka kasoo gudbayo Badda Cas ee isku xireysa labada argagixiso ee fadhihoodu yahay Soomaaliya iyo Yemen. “Waddooyinka tahriibinta ee ka gudba Badda Cas ee isku xiraya kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo kuwa Yemen waa in lala yimaada muhiimad weyn iyo iskaashiga caalamiga ah” ayuu khudbadiisa ku yiri John Kelly Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan ka walaacsanahay xiriirka sii kordhaya ee haatan ka dhexeeya Kooxda Al Shabaab iyo Xuuthiyiinta dalka Yemen.” Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Mareykanka uu taageerayo guddiyada QM ee qaabilsan cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaabka Soomaaliya oo mar kale dib loo cusbooneysiisay Isniintii shalay, si loo qaado tallaabooyin kale oo lagu beegsanayo argagixisada. “Waxaan dhiirigelineynaa wadahadal dhexmara guddiyada cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaab, iyo dalalka Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, si loo iftiimiyo xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, ugu dambeyntiina lagu kala saaro” ayuu raaciyay. Tani waxay kusoo aaday kadib hadal uu shalay jeediyay Danjire John Kelly, oo ah ku simaha Safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, xilli muddo kordhin loo sameeyay guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha Ammaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab. Caasimada Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadii ugu badnaa u tababareysa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay haatan Itoobiyaanku u joogaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Ciidamadan oo lagu tababarayo xerada tababarka ciidanka Itoobiya ayaa waxaa maanta kormeer ku tegay madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Mudane Lafta-gareen ayaa bogaadiyey saraakiisha Itoobiya ee bixinaya tababar heerkiisu sareeyo ee la siinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo tababarkooda uu haatan ka socdo xerada tababarka ee ciidanka Itoobiya. Shalay ayey ahayd markii ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay magaalada Baydhabo ka sameeyeen dhoolatus ciidan oo ballaaran. Dhoolatuska oo ahaa mid lagu xusayay “Guusha Adwa,” iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika, ayaa Itoobiyaanku kusoo bandhigeen cududdooda ciidan ee gudaha Soomaaliya. Si kastaba, magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxaana ciidanka Itoobiya ay joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha, iyo goobo kale oo muhiim ah. The post Itoobiya oo ciidankii ugu badnaa u tababareysa Koonfur Galbeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’iideystay fursaddii cafiska ee uu hore u fidiyey Madaxweynaha Puntland, taas oo la siiyey cid kasta oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee go’aansatay in ay ka laabato fikirkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu bogaadiyey xubnahaas ka faa’iideystay fursadda, waxaana sidoo kale la mahadceliyey waxgaradka iyo dadka dowladda matala ee fududeeyey geeddi-socodka cafiska. Dowladdu waxay xustay in fursaddu weli furan tahay inta ka dhiman mudadii lasiiyey, si qof kasta oo doonaya inuu ka soo laabto falalka argagixisanimo uu ugu dhiirrado tallaabadaas. “Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sii socon doona illaa dhulka Puntland laga sifeeyo kooxaha argagixisada. Dowladda Puntland ayaa si gaar ah u amaantay shacabka iyo ciidamada amniga, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee warbixinnada ka bixiya xubnaha argagixisada iyo cid kasta oo lagu tuhmo falal amni-darro” ayaa lagu yiri war Saxaafadeed kasoo baxay maamulka. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la buuxiyay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamulka Galmudug. Kursigan, oo tirsigiisu ahaa HOP#248 una horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka. Saadaq Joon ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA). Doorashada maanta, oo uu qabtay Guddiga Doorashooyinka Qaranka—kaas oo weli sharci ahaantiisa lagu muransan yahay—ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo aaddan la buuxiyo kuraasta kale ee ka bannaan baarlamaanka. Kuraasta bannaan waxaa ka mid ah kursigii uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, iyo laba kursi oo kale oo ay ka geeriyoodeen AUN Xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey. Tallaabadan ayaa timid kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, uu warqad u diray Guddiga Doorashooyinka, kuna dalbaday inay si dhakhso leh u soo buuxiyaan kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Inta badan buuxinta kuraasta bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo qaadata, iyada oo marta habraacyo kala duwan, waxaana ugu dambeyn soo xusha beelaha ay metelayaan, sidaasna waxaa lagu qabtaa doorashada oo ku dhacda habka doorashada dadban. The post Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Saadaq Joon? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay xiriir la soo sameeyeen dad la shaqaynayay dagaallamayaasha ISIL oo ka faa’idaystay Cafiskii Madaxweyne Deni islamarkaana ka soo laabtay fikirkii qaldanaa ee Argagixisada.. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska La-daggaallanka Argagixisada u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in ay dowladda xiriir la soo sameeyeen dad la shaqaynayay dagaallamayaasha ISIL oo ka faa’idaystay cafis uu horay ugu dhawaaqay madaxweyne Deni cid kasta oo iska soo dhiibta Argagixisada ISIL mudda 7 cisho ah. “Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’ideystay 7-da cisho ee fursada Cafis ee Madaxweynuhu u fidiyey cidkasta oo la shaqeynaysay Argagixisada Daacish ee kasoo laabanaysa fekerkaasi, waxaa sidoo kale aan boggaadinaynaa xubnaha dadkaasi ku metela Dowladda iyo waxgaradkooda oo u fududeeyay fursadan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay weli fursad haystaan cid kasta oo ka soo baxaysa fikirka Argagixisada ISIL maadaama aysan weli dhammaan mudadii loo qabtay ee 7 cisho ahayd”Dadka intii kale ee aan xiriir soo sameyn fursadu weli waa u furantahay wakhtiga ka harsan, Asbuucii lasiiyey ee loo qabtay” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. “Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waa mid soconaya illaa guud ahaan Puntland oo dhan laga ciribtiro Argagixisada, waxaan u mahadcelinaynaa Shacabkeenna si walbo u garab taagan Ciidanka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee soo gudbinaya firxadka Argagixisada iyo cidkasta oo ay ka shakiyaan” ayuu ku sii daray Warsaxaafadeedka Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday in ay Cafiskii Madaxweyne ka faa’idaysteen Soomaalidii la shaqaynaysay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tegga Imaaraadka Carabta ayaa taageero weyn u fidisay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland, kuwaas oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari. Imaaraadka ayaa gaadiidkii ugu badnaa oo gaaraya illaa 80 baabuur oo nooca dagaalka ah siiyay ciidamada Puntland, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Daacish. Gaadiidkan, oo lagu keenay markab weyn, ayaa laga soo saaray dekedda magaalada Boosaaso, isaga oo ka yimid magaalada Abu Dhabi, caasimadda dalka Imaaraadka Isu-tegga Carabta, waxaana si toos ah ula wareegay hoggaanka sare ee maamulka Puntland. Deeqdan ayaa timid xilli loo baahnaa, maadaama Puntland ay ku hawlan tahay sidii ay isaga xoreyn lahayd kooxda argagixisada ah ee gabaadka ka dhigtay buuraha gobolka Bari. Imaaraadka ayaa kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka qayb-qaata dagaalka socda, wuxuuna hawada ka taageeraa ciidamada ammaanka Puntland ee ku jira halganka adag. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhawaan ka geystay aagga buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay hore u sheegtay Puntland. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siisaa dhaqaalaha, tababarka, iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin. Marka laga soo tago Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka, oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare culus gaarsiiyay Daacish. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socday dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. The post Puntland oo heshay gaadiid dagaal oo cusub + Dalka siiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Federalist Party has accused regional officials of widespread corruption and financial mismanagement, warning that persistent graft and failed projects are worsening living conditions in Ethiopia’s Somali region. The party called for immediate government intervention to recover misused funds and hold those responsible accountable. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — Puntland's Minister of Justice and Religious Affairs, Mohamed Abdiwahaab, has accused Somalia's federal government of failing to implement a cohesive strategy to combat Al-Shabaab and the Islamic State (IS), allowing extremist groups to expand their influence in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada militariga Itoobiya ayaa dib u kiciyay xiisadda gobolka isagoo sheegay in Itoobiya ay ku dhowdahay inay noqoto awood badeed oo ka mid ah dalalka Badda Cas, xilli Soomaaliya ay soo jeedisay inay siiso marin badeed oo dhinaca Badweynta Hindiya ah. Hadalkan ayaa daba socda heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland, taasoo dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed. Bishii December 2024, Turkiga ayaa dhexdhexaadiyay wadahadallo dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya si loo dejiyo xiisadda, waxaana laga soo saaray Bayaanka Ankara. Heshiiskaasi wuxuu ku salaysnaa soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dejinta hannaan lagu gorfeynayo rabitaanka Itoobiya ee marin badeed, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Soomaaliya. Si kastaba, taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Jeneraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in “waqti yar uun uu ka harsan yahay” kahor inta aysan Itoobiya ka mid noqon dalalka xuduud la leh Badda Cas. Hadalka Jeneraalka ayaa yimid kadib markii Soomaaliya iyo Itoobiya yeesheen wada-hadallo lagu xalinayo xiisadda ka dhalatay Memorandum of Understanding (MoU) ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay hesho marin badeed oo ay uga gudubto Badda Cas iyada oo adeegsaneysa Somaliland. Balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay arrin xadgudub ku ah qarannimadeeda. “Waxa kaliya ee haray waa in Itoobiya noqoto dal xuduud la leh Badda Cas,” ayuu yiri Jeneraal Birhanu, isaga oo aan caddeyn qaabka arrintaasi suurtagal ku noqonayso. Mugdiga hadalkiisa ayaa sii xoojiyay tuhunka ah in Addis Ababa ay weli dooneyso inay sii waddo hirgelinta heshiiska ay la gashay Somaliland, inkastoo Muqdisho ay si adag uga hortimid. Dowladda Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin haddii hadalka Jeneraal Birhanu uu ka dhigan yahay isku day cusub oo ay ku horumarinayso heshiiska Somaliland. Jawaabta Soomaaliya: Dekedo Badweynta Hindiya ah Soomaaliya horay ayay u sheegtay inay Itoobiya siineyso marin badeed dhinaca Badweynta Hindiya oo kaliya ah. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in haddii Itoobiya la siiyo marin badeed, uu noqon doono mid ku yaalla Badweynta Hindiya, balse aan wax xiriir ah la lahayn Gacanka Cadmeed, halkaasoo ay ku yaallaan dekedaha Somaliland, sida Saylac. “Dekedda ay Itoobiya isticmaali doonto waxay ku taallaa Badweynta Hindiya,” ayuu yiri Balcad, isaga oo xusay in suurtagal tahay in marin-badeedkaasi laga sameeyo inta u dhaxaysa Garacad iyo Kismaayo, oo leh toddobo dekedood oo u baahan maalgelin iyo horumarin. Balcad wuxuu tilmaamay in Itoobiya aysan wax maalgelin ah ku yeelan doonin dhismaha dekedda. Beddelkeeda, Soomaaliya iyo maalgeliyayaal caalami ah ayaa iska kaashan doona mashruuca. “Annaga iyo maalgeliyayaasha caalamiga ah ayaan dhisi doonnaa dekedda. Itoobiya wax saamayn ah kuma yeelan doonto,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray, “Haddii aan Itoobiya la heshiinno, waxaan heli karnaa maalgelin ballaaran oo lagu dhiso dekedo waaweyn. Waddooyinka ka baxaya dekedahaas ayaa ka muhiimsan dekedda lafteeda. Adduunka maanta wuxuu doonayaa in uu maalgeliyo isku xirka dalalka.” Dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada-hadallada mustaqbalka Kadib wadahadallo dheeraad ah, waxaa la filayaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaaraan heshiis rasmi ah oo ku saabsan marin-badeedka bisha Juun. Waxaa la qorsheeyay afar kulan oo dheeraad ah oo lagu saleynayo wadahadalladii hore ee ka dhacay Ankara, Addis Ababa, iyo Muqdisho. Soomaaliya ayaa si cad u diiday inay Itoobiya siiso wax xuduud badeed ah. “Wada-hadallada labada dal waxay soo gebogeboobi doonaan bisha Juun, kadib afar kulan oo lagu go’aaminayo dekedda iyo nooca maalgelinta loo baahan yahay,” ayuu yiri Balcad. Itoobiya, oo ah dal aan lahayn xeeb, waxay muddo dheer raadineysay marin badeed si ay kor ugu qaaddo dhaqaalaha waddanka. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa marar badan muujiyay sida uu uga go’an yahay in la helo marin-badeed si nabad ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay leeyihiin muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay yihiin marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Iyadoo wadahadalladu sii socdaan, bilaha soo socda ayaa noqon doona kuwa go’aaminaya in Itoobiya ay heli karto marin-badeed iyada oo loo marayo waddo diblomaasiyadeed, halkii ay qaadi lahayd tallaabo hal dhinac ah. Xiisadda ka dhalan karta arrintan waxay saameyn ku yeelan doontaa kaliya maaha Soomaaliya iyo Itoobiya, balse guud ahaan gobolka Geeska Afrika, halkaasoo dano istaraatiiji ah iyo tartamo dhaqaale ay isku khilaafsan yihiin. The post Itoobiya: Waqti yar uun ayaa naga xiga in aan ka mid noqono dalalka Badda Cas appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Shabaab militants have launched their most aggressive offensive in months, storming multiple towns across central Somalia and exposing weaknesses in the government's counterinsurgency strategy. The al-Qaeda-affiliated group briefly seized key locations, including Balcad—just 30 kilometres from Mogadishu—before federal forces counterattacked. Source: Hiiraan Online
-
Macallin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere) oo kamid ah macallimiinta Waxbarashada ayaa mudda todobaad ah ku xiran caasimadda Puntland ee Garoowe. Cabdiqaadir Dheere oo ka tirsanaa macallimiinta bahda Waxbarashada ee Garoowe ayay laamaha Amniga gobolka Nugaal Todobaadkii hore ka soo qabtay dugsiga Gambool ee Garoowe, kaddib markii ay sheegeen in loo haysto falal argagixiso. Shakhsiyaad xiriir la leh laamaha Amniga gobolka Nugaal ayaa sidoo kale xalay faafiyay in macallin Cabdiqaadir Dheere lagu haysto in uu Facebook ka taageeray Argagixisada Daacish, inkastoo aysan soo bandhigin caddayn muujinaysa eeddaasi. Dhinaca kale, Xogo dhinaca amniga ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan in macallinkaasi uu Facebook ka taageeray Argagixisada Calmiskaad, balse lagu haysto comments uu meel ka bixiyay oo aan khusayn Daacish. PUNTLAND POST The post Macallin Cabdiqaadir Dheere oo mudda todobaad ah ku xiran magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Authorities in Djibouti have arrested a foreign woman after a video showing her tearing up a copy of the Quran went viral, sparking widespread outrage in the Muslim-majority nation, police confirmed Monday. Source: Hiiraan Online
-
A Somali diplomat has been charged with smuggling women into Ireland, raising concerns about the growing sophistication of international smuggling networks. The official, who was based in Saudi Arabia, is accused of smuggling multiple women into the state between September and November before he was arrested. His detention at Dublin airport last November after arriving on a flight from Abu Dhabi has intensified scrutiny on how smugglers are exploiting official channels to move people across borders. He remains in custody at Cloverhill prison. Read more at Sundays Times The post Scrutiny grows over human smuggling as Somali diplomat is charged appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland, oo weli howlgallo ka wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish. Saddexda nin, oo haatan ku jira gacanta hay’adaha amniga, ayaa lagu qabtay agagaarka Dooxada Teedsan Uur-caleed, oo u dhow laamiga dheer, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Xogta raggan ajaaniibta ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka, kadibna waxaa howlgalay oo sidaas kusoo qabtay ciidamada ammaanka Puntland, kuwaas oo haatan baaris ku haya ajaaniibta gacanta lagu dhigay. Sidoo kale, saddexda nin ayaa laga helay dhaawacyo rasaaseed iyo astaamo kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland. “Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u rogmanaysa xagga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaana laga helay rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Dhanka kale, howlgallada oo weli sii socda ayaa jab lagu gaarsiiyay Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari. Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay in ka badan 100 dagaalyahan, kuwaas oo u badnaa ajaaniib. Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 dagaalyahan, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay, sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Puntland oo nolosha ku qabatay ajaanib Daacish ah appeared first on Caasimada Online.
-
Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine. Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa qoraal email ah ugu sheegay VOA, in “Madaxweyne Trump uu caddeeyay in uu diiradda saarayo nabadda. Wuxuu intaasi raaciyay in ay doonayaan in saaxibadda Mareykanka ay arrintaasi xoogga saaraan”. Sarkaalka oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay, in Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarka hubka Ukraine si dib u eegis loogu sameeyo kaalmada Mareykanka, si loo hubiyo buu yiri in tani ay gacan ka gayesato xalka. Goor sii horreysay oo Isniintii shalay aheyd, ayuu madaxweyne Trump sheegay in heshiiska macdanta naadirka ah ee Ukraine ay muhiim u tahay sii wadista kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine. Faah-faahin dheeri ah oo arrintan ku saabsan ayuu tilmaamay in uu kaga hadli doono khudbadda la wada sugayo ee uu madaxweyne Trump caawa kula hadli doono xubnaha labada aqal ee Koongareeska Mareykanka. Hakinta gargaarka hubka Mareykanke ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay mas’uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishannada caalamka. Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka. Source
-
Diblomaasi Soomaali ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha tahriibinta haween Soomaalida oo lagu geliyay Ireland si sharci-darro ah, taasoo dhalisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan sida shabakadaha caalamiga ah ee tahriibka ay u xeel-dheeraadeen. Sida uu qoray wargeyska The Times, Mas’uulkan, oo horey uga howlgalayay Sacuudiga, ayaa lagu eedeeyay inuu haween badan si sharci-darro ah u soo geliyay Ireland intii u dhaxeysay Sebtembar iyo Nofeembar, kahor inta aan la xidhin. Diblomaasiga oo magaciisa weli aan la shaacin waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Dublin bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, xilli uu ka yimid Abu Dhabi. Xadhigiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka laamaha ammaanka, iyada oo sare loo qaaday baaritaanada ku saabsan sida tahriibayaashu uga faa’iideysanayaan marinada rasmiga ah ee xuduudaha. Wuxuu weli ku xiran yahay xabsiga Cloverhill. Sanadkii la soo dhaafay, saraakiisha socdaalka Ireland ayaa dacwad kusoo oogay 27 qof oo lagu eedeeyay tahriibinta dadka, taasoo muujineysa caqabadaha sii kordhaya ee ka imaanaya kooxaha abaabulan ee tahriibka. Kororka kiisaskan ayaa daba socda isbeddelo sharciyeed oo xoojiyay awoodda booliska Garda si ay u maxkamadeeyaan eedeysanayaasha. Dowladda Ireland ayaa sare u qaaday dadaallada lagula dagaallamayo shabakadaha tahriibka, iyada oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo socdaalka sharci-darrada ah iyo tarxiilidda dadka si aan sharci ahayn ku jooga dalka. Khamiistii la soo dhaafay, Wasaaradda Caddaaladda ee Ireland ayaa masaafurisay 32 qof oo u dhashay Georgia kuwaasoo diiday in si iskood ah uga baxaan waddanka. Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheyneysa duulimaadyo kale oo masaafurin ah bilaha soo socda. Masaafurintan ayaa la jaanqaadaysa koror ballaaran oo ku yimid amarrada tarxiilka. Sanadkii hore, tirada amarrada masaafurinta ee la saxiixay waxay gaartay 2,403—koror dhan 180 boqolkiiba marka la barbar dhigo sanadkii 2023, xilligaas oo la bixiyay 857 amar. Tan iyo bilowgii sanadkan, 703 amar oo masaafurin ah ayaa la saxiixay, taasoo muujineysa in dowladdu qaadayso tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka sharci-darrada ku jooga dalka. Marka laga soo tago tarxiilada khasabka ah, saraakiisha socdaalka ayaa adeegsanaya habab kale oo lagu saaro dadka aan sharciyeysneyn, sida ay sheegtay wasaaradda. Sanadkii hore, 1,116 qof ayaa si iskood ah uga baxay Ireland iyada oo la adeegsanayo tallaabooyinkan, taasoo ka dhigan koror 252 boqolkiiba marka la barbar dhigo 2023. Ilaa iyo hadda, 311 qof ayaa sanadkan ka tagay Ireland kaddib markii ay heleen amarrada masaafurinta. Source
-
Ciidamada ammaanka Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish. Saddexda nin oo haatan ku jiro gacanta hay’adaha amniga ayaa waxaa lagu qabtay agagaarka Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u dhow laamiga dheer, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Xogta raggan ajaaniibta ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka, kadibna waxaa howlgalay oo sidaas kusoo qabtay ciidamada ammaanka ee Puntland oo haatan baaris ku haya ajaaniibta soo gacan gashay. Sidoo kale waxaa saddexda nin korkooda ku yaalla dhaawacyo rasaaseed iyo asataamo kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland. “Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Dhanka kale, howlgallada oo weli sii socda ayaa jab lagu gaarsiiyay Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari. Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib. Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xidhiidha kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Source
-
Mas’uul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Mulatu Tashoma ayaa kashifay in Eritrea iyo Itoobiya ay dagaal damacsan yihiin, inkastoo Wasiirka Warfaafinta Eritrea uu beeniyey tuhunkaas, haddana waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dalka Eritrea heegan buuxa la geliyey. Xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea ma aha sidii hore; heshiiskii dunida ka yaabiyey shan sano ka hor ayaa burburay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan. Eritrea waxa ay tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda. Dhanka kale, waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka Eritrea, oo ay ka soo qeybgaleen dad badan, kaas oo looga tashanayey sidii Afwerki looga tuuri lahaa xukunka uu muddo dheer hayay ee Eritrea. Waddamada Reer Galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Maxaa burburiyey heshiiskii caalamka caan ka noqday? Heshiiskii ay kala saxiixdeen hoggaamiyayaasha labada dal, kaas oo sababay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed la siiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, ayaa hadda burburay. Madaxda Eritrea ayaa la sheegay in aysan ku faraxsaneyn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria, Koonfur Afrika. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara, halka sidoo kale hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal. Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar, Soomaaliya, iyo dalal kale, taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo. Eritrea waxay si cad ugu eedeysay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu masuul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal. Mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bandhigay, iyagoo magaalada Addis Ababa shir ku qabsaday, waxaana lagu dhawaaqay in ay helayaan barnaamijyo warbaahineed si ay u faafiyaan afkaarahooda ka dhanka ah xukunka kaligii taliska ah ee dalkooda ka jira. Mid ka mid ah aqoonyahannada u kuur galay xaaladda hadda taagan oo lagu magacaabo Mr. Baisa Waqwaya, kana mid ah qareennada caalamiga ah ee khibrad dheer u leh xallinta khilaafaadka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay: “Uma maleynayo inay sax tahay in la qaldo ummad isjecel, oo aan bilowno dagaal kaliya waxa ay rabaan madaxda,” ayuu yidhi Source
-
Weerar kale oo ka dhacay Jarmalka iyo Khasaaraha ka dhashay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Laba qof ayaa dhintay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiiray dad ku sugnaa magaalada Mannheim ee Jarmalka Isniinta, sida ay boolisku sheegeen. Hal qof ayaa loo xiray weerarka. Ciidamada booliska oo hubeysan ayaa xannibay bartamaha magaalada, halkaasoo la arkay gaari burburay oo muraayadda hore dillaacsan tahay. Tan iyo bishii December, laba weerar oo gaari lagu jiirayo dad rayid ah magaalooyin kale ayaa sababay dhimashada siddeed qof. Mannheim waxay horey u ahayd goob uu ka dhacay weerar mindi bishii May ee la soo dhaafay, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, laguna dhaawacay shan kale intii lagu guda jiray mudaaharaad ka dhan ah Islaamka. Boolisku ma aysan sheegan in dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd weerar, balse waxay xaqiijiyeen in eedeysane looga shakisan yahay falka la xiray kadib markii gaariga lagu dhex waday goob wax laga dokaameysto abaare 12:15 duhurnimo (1115 GMT). Afhayeenka booliska, Stefan Wilhelm, ayaa sheegay: “Waxaan xaqiijin karnaa in gaari lagu waday aag loogu talagalay lugayn, waxaana la xaqiijiyay in hal qof dhintay.” Wuxuu intaa ku daray: “Hal qof ayaa loo xiray falka, baaritaankuna waa socda.” Wilhelm ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama boolisku ay wadaan hawlgal ballaaran. Ciidamada ammaanka oo hub culus watay ayaa xannibay goobta, waxaana cirka marayay diyaarado helikobtar ah. Khasaaraha weerarka Wargeyska Bild ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen dhacdada, iyadoo sawirro la baahiyay ay muujinayeen ambalaasyo taagan agagaarka taallada taariikhiga ah ee magaalada. Wariye ka tirsan telefishinka NTV oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof la daboolay maydkiisa” iyo in kabaha carruurta la arkayay iyagoo daadsan goobta shilka ka dhacay. Boolisku waxay ku wargeliyeen dadka deegaanka inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama inta badan goobta la daadgureeyay. Wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Württemberg ayaa shacabka uga digtay “xaalad halis gelin karta nolosha,” iyadoo farriin ku dirtay app-ka digniinta masiibooyinka. Waaxda daryeelka degdegga ah ee isbitaalka jaamacadda Mannheim ayaa soo saartay heegan caafimaad. Source
