-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan mileeshiya-beeleedyo abaabulan ayaa saaka oo Sabti ah qabsaday degaanka Jiidali dhinaca bari ka xiga magaalada Ceerigaabo. Ciidamada Somaliland iyo mileeshiyaadka is garabsanaya ee la wareegay Jiidali oo ka soo duulay degaannada galbeedka gobolka Sanaag ayaa horay u qabsaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Ceerigaabo oo ahayd magaalo lagu degganyahay heshiis beeleed afar-dhinac ah ayaa lagu kala qaxay kaddib markii ay dhawaan qabsadeen ciidamada Somaliland oo garabsanaya mileeshiya-beeleedyo ka soo duulay galbeedka gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in qabsashada Jiidali ee ciidamada Somaliland ay kaga gaashaamanayaan in dib looga qabsado degmada Ceerigaabo oo ay marin istiraatiiji ah u tahay Jiidali si aysan u lumin gacan ku haynta Ceerriga. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland iyo mileeshiya-beeleedyo abaabulan oo qabsaday degaanka Jiidali appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Jiidali oo ku yaalla bariga magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag. Deegaanka Jiidali ayaa ah mid muhiim ah, inkastoo uusan ku jirin furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ay Somaliland uga hortagayso dhaqdhaqaaqyada iyo go’aamadii kasoo baxay shirkii Ceelbuh, oo dhowaan lagu qabtay gobolka Sanaag. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mowqifka siyaasadeed iyo amni ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland. Wararka laga helayo Jiidali ayaa muujinaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi ku sugan yihiin si ay u adkeeyaan ammaanka, iyagoo ka hortagaya in deegaankaasi uu noqdo goob ay ku xoogaystaan xoogagga ka soo horjeeda maamulka Somaliland. Dhanka kale, dadweynaha deegaanka iyo siyaasiyiinta SSC-Khaatumo ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid cadaadis ah oo aan loo baahnayn, maadaama deegaanka Jiidali aanu ka mid ahayn meelaha ay ka socdaan dagaallada ama khilaafka tooska ah. Xaaladda guud ee Jiidali ayaa weli degan, inkastoo welwel laga qabo in xiisaddu sii korodho, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay weli kacsan tahay. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah burcadda iyo kooxaha falalka amni-darro ka wada caasimadda. Howlgalladan oo lagu fuliyay iskaashi ka dhexeeya Hay’adda Amniga Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada ayaa lagu soo qabtay 23 eedeysane oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal ay ka mid yihiin dil, dhaawac, dhac dadweyne, iyo ka ganacsi maandooriye. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horkeeni doono sharciga si ay u wajahayaan caddaaladda. Waxaa kaloo ay sheegeen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa magaalada laga ciribtiro kooxaha ka wadda Amni darada. Kooxda Ciidanka Booliska ay soo qabteen waxaa ku jira haween ka qeyb ka ahaa falalka Amni daro. Talaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu adkaynayo nabadgelyada iyo ka hortagga dambiyada ka dhanka ah bulshada. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay shacabka inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka amniga. Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amniga caasimadda iyo in la dhiso kalsoonida shacabka iyo ciidanka booliska si loo yareeyo falalka dambiyada. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa sameyneysa soo rogaal celin weyn, iyadoo ciidan cusub soo xero-gelineysa, sida laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post. Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000. Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka. 15-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray farqi dhowr kun ah oo u dhexeeyay tirakoobka IDF iyo Netanyahu, taas oo keentay shaki ku saabsan saxnimada qiyaasaha. Bishii Juun, IDF waxay intaas ku dartay in inta u dhaxaysa 14,000-16,000 dagaalyahan oo Xamas ah lagu dhaawacay dagaalka. Xisaabo aan is-qabanayn Bishii Oktoobar 2023, IDF waxay sheegtay in guud ahaan ciidamada Xamas ay gaarayeen 25,000, laakiin tirakoobyada hadda la soo bandhigay ayaa u muuqda kuwo aad uga duwan – Haddii aanay Xamas ciidan cusub ku beddelin kuwii hore. Xogta qaar waxay tilmaamayaan in, inkasta oo IDF markii hore ay ku qiyaastay 25,000, tirada dagaalyahannada Xamas ka hor dagaalka ay gaari karto 30,000 illaa 40,000. Warbixin uu The Jerusalem Post helay ayaa tilmaamay in tirada 40,000 ay u badan tahay inay sax tahay. Haddii xogtan sax tahay, waxay muujineysaa in inta badan dagaalyahannada Xamas ay weli joogaan, laakiin sidoo kale ay kooxda ku kordhisay dagaalyahanno cusub oo aad u badan. Dib u soo kabashada Xamas Bishii Juun, warbixinnadii ugu horreeyay ayaa sheegay in Xamas ay dib ugu soo kabaneyso awooddeeda kadib markii ciidamada IDF ay ka baxeen waqooyiga Gaza bilihii Janaayo iyo Febraayo, iyo sidoo kale magaalada Khan Yunis 7-dii April. Haddii xogta Channel 12 sax tahay, waxay muujineysaa in 9,000 dagaalyahan oo Xamas ah ay u kala qaybsan yihiin waqooyiga iyo koonfurta Gaza, halka Islamic Jihad ay haystaan 4,000 dagaalyahan, iyo 7,000-10,000 dagaalyahan kale oo si aan rasmi ahayn loo abaabulay ay ku faafsan yihiin gudaha Gaza. Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadani waxay ka hor imaanayaan warbixinnada ciidamada Israel ee dhowaan la siiyay warbaahinta, kuwaas oo tilmaamay in waqooyiga Gaza inta badan laga xoreeyay dagaalyahannada. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Jerusalem Post in tirada guud ee dagaalyahannada Xamas ay weli tahay mid aan caddeyn, taasi oo ka dhigan in Israel aysan ogeyn goorta uu dagaalku dhammaan karo ama laga adkaan karo Xamas.
-
Taliyaha Ciidanka Dhiirrane, oo ka tirsan Daraawiishta Puntland S/sare Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) ayaa sheegay in tirada ugu badan ee Daacishta ku sugan buuraha gobolka Bari ay yihiin ajaanib u dhashay dalal aan muslim ahayn. Taliye Mukhtaar Gaagaale ayaa tilmaamay in ajaanibta Daacish ee sheeganaya in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya intooda badan ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn ama muslimku ku yar yahay, taasina muujinayso in aysan diin wadin ee ujeeddooyin gurracan lee yihiin. Taliyaha oo khudbad kooban u jeediyay Ciidankiisa ayaa xusay in ajaanibta Daacish qaarkood ka yimaadeen Yahuudda iyo Reer Galbeedka islamarkaana sheeganayaan in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya oo 100% muslim ah, balse ujeedkoodu yahay mid durugsan oo lagu dabar-goynayo isirka Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan 19 October 2024 in Ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen muwaadin Israa’iili ah oo tirsanaa Daacish kana yimid magaalada Saakhnin oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, kaasi oo sheegay in uu jihaad u soo doontay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ajaanibta Daacish intooda badani ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku sugnaa booqasho dhowaan uu ku tagay Jabuuti. Hirsi ayaa ku tilmaamay eedahan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo ku adkeystay in xisbigiisu ka go’an tahay hoggaamin hufan oo cad. “Ma jirto kulan aan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh intii aan ku sugnaa Jabuuti,” ayuu yiri. “Haddii ay jiri lahayd wax wadaxaajood ah, waxay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan siyaasadda xisbiga oo si furan loo qaban lahaa. Xisbigayagu uma shaqeeyo hab qarsoodi ah.” Wararka ku saabsan kulankan qarsoodiga ah ayaa caro ka dhaliyay caasimadda Somaliland, iyadoo dad mudaharaadayay ay ku eedeeyeen Xirsi inuu wiiqay dadaalka Somaliland ee madaxbannaanida. Dhaleeceeyayaashu waxay sidoo kale dhaliileen safarkiisa Jabuuti, waddan ay Somaliland xiriir adag kala kulantay sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in Xirsi uu ka baxay xuduudaha doorarkiisa guddoomiye xisbi, iyagoo ku tilmaamay safarkiisa mid ah “diblomaasiyadeed oo aan sharci ahayn,” oo sida caadiga ah u taalla Wasaaradda Arrimaha Dibadda. “Ma ahan shaqadiisa inuu u dhaqmo sida diblomaasi,” ayuu yiri qof mudaharaadayay. Xirsi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray furitaanka wada-xaajoodkii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa maamulkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo. Wada-hadalladan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo muranka dheer ee ka taagan madax-bannaanida Somaliland ay ku dhawaaqday. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban sano oo wadaxaajood aan guul lahayn kaddib, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wada-hadalladan u arka kuwo aan faa’iido lahayn. Dhaleeceeyayaasha waxay ku doodaan in wada-xaajoodkani aysan wax horumar ah ka keenin arrinta, waxaana loo arkaa mid mashquulinaya siyaasadda gudaha ee Somaliland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo guuleystay oo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay eedeysanayaashii ugu badnaa oo gaarayaa illaa 23 qof, kuwaas oo loo haysto dambiyo culus. Sawirrada kooxdan lasoo qabtay oo lasoo bandhigay ayaa waxaa loo haystaa dil, dhaawac, dhac, iyo kufsi sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska. “Hay’addaha amiga Gobalka Banaadir iyo shacabka caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo ku kacay falal iskuugu jira dil, dhaawac, dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha ay xiran yihiin, laguna hayo baaris, iyada oo la geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. Sidoo kale ciidamada booliska ayaa farriin culus u diray shacabka, waxayna ka codsadeen in laga gacan siiyo amniga oo muhiim u ah qof weliba. “Muwaadin hadii aad la kulanto falal amniga lidi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed amma ku soo hagaaji police@g.v.so” aaa lasii raaciyay. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo keenay in laga nasto qaraxyadii horay uga dhici jiray Muqdisho.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Habeedlay oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sheegay in laba wiil oo walaalo ahi ay halkaas hooyadeed oo waayeel ahayd si arxan-darro ah ugu dileen. Hooyada la diley oo lagu magacaabi jirey Aamino Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay in labadeeda wiil ay si fool xun mindi ugu dileen, taas oo sababta geerideeda, sida laga soo xigtay goobjoogayaal xog-ogaal u ahaa dhacdadan. Hooyo Aamino Yuusuf ayaa la sheegay inay dhashay labada wiil ee nafta dhaafiyay iyo hal gabar, lamana oga sababta rasmiga ah ee dilkeeda ka dambeysa, balse xigtadeeda ayaa laamaha garsoorka ka dalbaday inay dhacdadan si degdeg ah uga howlgalaan. Dadka isku qoyska ah ee is dilaya ayaa sanadahan dambe dhulka Soomaalida ku soo kordhaya, dhawr dhacdo oo noocaan ah ayaana horay looga soo wariyay qaar kamida deegaanada Soomaalida. Source: goobjoog.com
-
Somaliland has a strong case for self-government that makes Somalia’s claim to authority over it increasingly lack credibility. Against the background of both historical precedents and socio-political developments over recent decades, the assertion of Somalia’s right to have jurisdiction over Somaliland rests upon an increasingly weak argument. In simple terms, what is at stake with regard to the question of Somaliland’s recognition is not some exercise in the formation of a new political entity but essentially a matter of the assertion of historical sovereignty. Somaliland and Somalia were, before colonial domination, two separate political entities with distinctive cultural identities and governance systems. It is this historical divergence which provides the background for understanding the illegitimacy of the union which followed in 1960. More than a concern for democratic consent, the union between the two distinct regions was propelled by political expedient and hence inherently unstable. The 1960 union, giving birth to the Somali Republic, had never been ratified by the people of Somaliland and was thus, from the outset, undemocratic. Popular discontent with the union showed up in the abortive 1961 military coup, as led by soldiers from Somaliland. It brought to light a deep-seated discontent that swept through Somaliland over the terms of the union. The final renunciation of this union came in 1991, when Somaliland declared its independence upon the collapse of the Somali state. An act not of secession, but rather the reclaiming of a historic statehood predating the union, it was an act of self-determination-the basic principle assuring the right of peoples to decide on their political status. Somaliland has evolved into a de facto independent state that enjoys political stability and economic development for well over three decades now. In contrast, Somalia has been torn apart by endless civil strife coupled with debilitating political fragmentation. This includes periodic elections and very highly developed institutions that underpin Somaliland’s governance, underlining successes that contrast rather sharply with those of its troubled neighbor International law lays the bedrock upon which grounds for Somaliland’s claim for re-recognition exist in plenty. It is a call of the people of Somaliland for insistence on their right to independence, not to fashion a new state but to regain their existing sovereignty which was curtailed in 1960. Their case has been one of taking back their independent state status, though their challenge is overpowering and indeed multi-layered. It was Somaliland that weakens the claim of Somalia over its territory when it failed to assume effective authority over its territory. Its federal framework and continued internal strife raise great doubts about its capability to be able to rule Somaliland. However, on the positive note, it does underline the problems of national identity and governance. Somaliland is seeking no new recognition but a reaffirmation of its historic independence. This claim to sovereignty thus begets its history of political stability, economic self-sufficiency, and good governance. The international community has to grapple with a fact, though painfully, that Somaliland’s case for independence is not new; it comes with its past and is legitimized by present circumstances. Though still developing, this quest for recognition is based upon a valid demand for autonomy. Lastly, the demand for re-recognition by Somaliland is not only legitimate but also a necessary one. Its claims cannot be taken seriously by the world while the Somali government is divided internally and the 1960 union itself was historically illegitimate. It is high time that the world makes amends for this pervading injustice by recognizing Somaliland’s well-deserved sovereignty and integrating it into the international community as an independent state. About the Author Abdirisak Aamir, a renowned lecturer, researcher, political commentator, and advocate for self-determination. Based in Hargeisa, Somaliland Email: Abdirizak.ibr@gmail.com Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan, ayaa Jimcadii si cad u sheegay in ciidamada Faransiiska aanay wax door ah ku yeelan karin arrimaha Suuriya, isagoo hoosta ka xariiqay in Ankara ay kaliya wadahadal la leedahay Mareykanka. Tani waxay timid iyadoo Mareykanku isku dayayo inuu ka hortago weerar milatari oo ay Turkigu ku qaado dagaalyahanada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Suuriya. Fidan ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu iska indhatiray walaacyada amni ee Turkiga, isagoo ugu baaqay Paris inay dib u celiso jihaadiyiinta Faransiiska ah ee ku jira xabsiyada Suuriya. Dalal badan oo caalami ah ayaa isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan Turkey, oo ah xubin ka tirsan NATO, inuu ka fogaado kordhinta weerarada ka dhanka ah xoogagga SDF. Kooxdan oo ay hogaamiyaan Kurdish-ka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay taageeridda Mareykanka si looga adkaado kooxda Daacish sanadkii 2019. Inkastoo reer Galbeedka ay SDF u arkaan koox muhiim ah oo ka hortagaysa soo laabashada jihaadiyiinta, Turkigu wuxuu u arkaa inay khatar ku tahay amnigiisa qaranka sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Turkiga. Mar wax laga weydiiyay suurta-galnimada in ciidamo Mareykan ah iyo Faransiis ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo yareeyo xiisadda, Fidan ayaa si cad u sheegay in Faransiisku aanay wax door ah ku lahayn. “Mareykanku waa dalka kaliya ee aan ka wadahadalno arrimaha Suuriya,” ayuu ku yiri wariyeyaasha isaga oo jooga Istanbul. “Waddamada isku dayaya inay danahooda ka fuliyaan Suuriya iyagoo isku qarinaya Mareykanka, si dhab ah uma tixgelinno.” Fidan ayaa sidoo kale ku adkaystay in Turkigu uusan aqbali karin halista kooxaha Kurdish-ka. “Waxaan sheegay marar badan: ma aqbalayno in khatar noocan ah nagu sii jirto. Haddii aan cid kale tallaabo qaadin, annaga ayaa qaadi doona,” ayuu yiri. Toddobaadkan, Fidan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inay weerar milatari ku qaadi doonaan Suuriya si ay uga hortagaan kooxda SDF. Khalaafka Faransiiska iyo Turkiga ee maxaabiista jihaadiyiinta ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa warbaahinta u sheegay inuu la hadlay Fidan, isagoo u sheegay in Turkiga iyo Faransiiska ay wadaagaan ujeeddo ah “in Suuriya ay noqoto dal xasilloon, madax-bannaan, oo mideysan.” Si kastaba ha ahaatee, Fidan ayaa Faransiiska ugu baaqay inay mas’uuliyad ka qaataan muwaadiniintooda jihaadiyiinta ah. “Waxa Faransiiska looga baahan yahay waa inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda, ku xiraan xabsiyada dalkooda, oo maxkamad ku soo taagaan,” ayuu yiri. Wuxuu ku eedeeyay Faransiiska inay ku qaldan yihiin ku tiirsanaanta kooxaha Kurdish-ka, sida YPG, oo ah laf-dhabarta SDF, si ay u hayaan maxaabiista jihaadiyiinta ah. “Waxay ku qaldan yihiin inay taageero ka helaan koox argagixiso ah iyagoo u adeegsanaya sidii xabsiyo dibadda ah.” Fidan ayaa ku adkaystay in Turkiga uu doonayo keliya inuu xasillooni ka sameeyo Suuriya, balse reer Galbeedka ay danahooda ka hormariyaan walaacyada Turkiga. “Mar walba waxay soo bandhigaan waxyaabaha iyaga danahooda u ah, mana qaadaan wax tallaabo ah oo ku saabsan walaacyadeena,” ayuu yiri. Barrot ayaa dhinaciisa sheegay in jihaadiyiinta ajnabiga ah “lagu sii hayo halka ay dambiyada ka galeen,” oo ay hoos joogaan ilaalinta Kurdish-ka. Wuxuu intaas ku daray in Faransiisku isku dayi doono inuu dib u soo celiyo carruurta muwaadiniintooda ee ku lug yeeshay dagaalyahannada jihaadiyiinta ah. Bishii hore, Fidan ayaa ku dhaleeceeyay reer Galbeedka inay taageero siinayaan SDF kaliya si ay uga hortagaan in jihaadiyiintooda u dhashay aysan dib ugu soo noqon dalalkooda, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad ku saleysan dano gaar ah.
-
Kani waa sawir hore Ciidamada difaaca Puntland ayaa ku guulaystay in ay qarxiyaan in ka badan 10 qaraxyo miino ah oo kooxda Daacish ku aastay dhulkii laga qabsaday. Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan miinooyinkaasi oo jidadka ku aasnaa ciidanku qarxiyeen ka hor inta aysan waxyeello geysan. Waxay sheegeen in qaraxyada badankoodu ku jireen jidadka laga soo galo xarumihii Daacish ee (Il iyo Cameyra) ee ciidamada Puntland shalay burburiyeen kadibna dab qabadsiiyeen. Saraakiisha ciidamada ayaa intaasi ku daray in ay weli sii wadaan hawlgalka miina-baarista ee lagu nadiifinayo degaannada laga qabsaday kooxaha Daacish kaasi oo garab socda hawlgalka guud ee Ciribtirka kooxahaasi ee buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo ku guulaystay in ay qarxiyaan miinooyin Daacish ku aastay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) –Ciidamada NISA iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta bilaabay howlgal culus oo ka dhan ah Isbaarooyinkii yaallay gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta ka dhaxeysa Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas. Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo Beledweyne ku sugan ayaa amray howlgalkaan, waxaana lagu guuleystay in wadada laamiga ah laga sifeeyo kooxihii isbaarooyinka dhigtay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta. Ciidamada ayaa ka soo kala dhaqaaqay Beledweyne iyo Matabaan, waxaana cagta la mariyey isbaarooyinkii yaallay dhowr tuulo oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinkaas, sidoo kale dhanka Maxaas ayaa loo fidiyey howlgalka, halkaas oo dhowr isbaaro lagu burburiyey. Taliyaha Booliska degmada Matabaan Dhamme Cabdifitaax Fooneeye ayaa Caasimada Online u sheegay inay maanta ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin yaalay deegaanada Dhisaqa, Bacda, Beergadiid iyo Laancaad oo kawada tirsan gobolka Hiiraan, kadib amar kasoo baxay Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed. Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo geed-fadhi u ah howlgalkaan iyo hagaajinta siyaasadda gobolka Hiiraan ayaa Beledweyne ku sugan muddo ku dhow 10 cisho, wuxuuna maanta la hadlay bulshada magaaladaas, isagoo ugu bishaareeyey in la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaallay inta ka dhaxeysa Beledweyne, Maxaas ilaa Matabaan. Sanbaloolshe ayaa dadkiisa mar kale u sheegay in masuuliyada amniga gobolka Hiiraan ay la wareegtay dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay in isbaaro dambe aan la dhigan gudaha magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan, halkaas dadka safarka ah lagu dhici jiray. Gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka go’ay maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle, weliba si aan cadeyn, taasi oo xaalad hubanti la’aan ah gelisay xaaladda gobolkaas. Maamul la’aanta dhacday iyo kala-dambeyntii oo meesha ka baxday ayaa sababtay in qof kasta uu qori qaato, dadka qaar ayaa iskood difaac uga xirtay Al-Shabaab, halka maleeshiyaad badana ay fursad u heleen inay dhigtaan isbaarooyin oo dadka dhacaan. Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee HirShabeelle oo Cali Guudlaawe oo ugu dambeeyo ayaa ku guul-dareystay inay xaliyaan tabashada maamul ee ka jirta Hiiraan, taas oo xoogeeda ay qabto beesha Xawaadle oo ah beesha ugu awoodda badan gobolkaas Hiiraan. Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa u muuqda nin wax ka yar 10 maalmood ku xaliyey, caqabado ka taagnaa Hiiraan oo sanado badan ay xali weysnaayeen madaxdii kala dambeysay ee maamulka HirShabeelle, xaaladda Hiiraan oo weli hubanti la’aan ku jirta ayaa hadda si ku meel gaar ah loo hoos keenay dowladda federaalka.
-
Puntland Defence Forces surrounded key targets to which ISIS terrorists had retreated. Boosaaso (PP News Desk) — Operation in the Calmiskaad mountains, destroying five ISIS bases. A brief statement from Puntland’s Counter-Terrorism Operation stated that the operation targeted ISIS hideouts in the Calmiskaad mountain range, particularly in the areas of Il and Cameyra. “In a planned operation, Puntland Defence Forces destroyed five bases belonging to [ISIS] in Il and Cameyra,” the statement read. Reports indicate that Puntland Security Forces seized large stockpiles of supplies and food stored by terrorists in the hideouts destroyed during the operation. Puntland Defence Forces reportedly surrounded key targets to which ISIS terrorists had retreated after successive attacks, following Puntland State’s declaration of a large-scale counterterrorism operation to root out ISIS from the mountainous areas of Bari. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Forces Destroy Five ISIS Bases in Calmiskaad Mountains appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorsheynaya in awood ciidan ay kula wareegaan gobolka Gedo degmooyinka ay ka joogaan maamullada taabacsan dowladda federaalka. Qorshaha Jubbaland ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo ayaa gabagabo ku sii dhow, sida ay ilo wareedyo kale duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaana socda qorshe ay Jubbaland ku qoraneyso ciidamo u dagaalama. Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullahi Fartaag, balse seddax toddoobaad kadib, wuxuu shalay Baardheere diyaarad ka raacay isagoo aan wadin wax natiijo ah. Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo iyo Buurdhuubo ayaa ku jira gacanta dowladda federaalka, Axmed Madoobe ayaa qorsheynaya in awood ciidan uu kula wareego degmooyinkaas. Howlgalka xoogiisa waxaa laga abaabulayaa degmada Doolow oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ay joogaan, waxayna halkaas ku diyaariyeen ciidan ay qalabeyntiisa ka qeyb qaadatay Itoobiya. Sidoo kale waxaa jira qorshe si hoose ciidan beeleed looga qorayo degmooyin ay ugu horeyso Garbahaarey, waxaana qorshahaas dejiyey Axmed Madoobe, halka ciidankii dowladda federaalka ku jebiyey Raaskambooni ay ku diyaarsan yihiin Kismaayo iyo degmooyin kale. Sida aan xogta ku heleyno waxaa gabagaba ku dhow qorshaha uu dejiyey Axmed Madoobe ee gobolka Gedo uu dib ugu qabsanayo, halka dowladda federaalka ay niyad jabtay markii looga adkaaday dagaaladii Raaskambooni, Kulbiyow iyo Doolow. Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in gobolka Gedo ay ku qabato doorasho lagu soo dhisayo maamul cusub oo Jubbaland yeelayo, kaas oo aqoonsi ka heli doona dowladda, iskuna balaari doona dhulka uu hadda xukumo ee laga qaadi waayey Axmed Madoobe. Qorshaha dowladda waxaa ka dhiman ciidan, mana jiro ciidan ay dowladda federaalka ilaa hadda geysay Gedo, si loo meel-mariyo ajendaha ay wadato, halka Axmed Madoobe uu diyaarinayo awood ciidan oo gobolka Gedo uu ku qabsanayo.
-
Washington (Caasimada Online) –Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in lacag dhan 95 Milyan oo deeq Military ah oo la siiyo Masar ay qorsheyneyso inay ka jarato oo lasiiyo dal kale. Warbixintaan waxay sheegeysaa in Mareykanku deeqdaas Militeri u wareeji doona dalka Lubnaan, sababo lala xiriira walaacyada laga qabo diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Qaahira. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qorshahaan Isniintii toddobaadkaan la wadaagtay Aqalka Congres-ka Mareykanka. Washington waxay sheegtay in Ciidamada Lubnaan ay yihiin saaxiibka muhiimka ah ee ilaali doona heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil ay dhowaan galeen ee dagaalka lagu joojiyey iyo inay ka hor tegi doonaan in ammaanka Israa’iil ay Xisbullah qalqal-geliso. Bishii September ayaa la sheegay in qorshahaan uu diiday Aqalka Congres-ga Mareykanka, kadib markii uu u gudbiyey maamulka waqtigiisu sii dhamaanayo ee Joe Biden, waxaana si cad u diiday xildhibaano badan. Dowladda Mareykanka ayaa go’aanka ay deeqdaan maaliyadeed uga jaraneyso Masar ku sheegtay walaaca xuquuqda aadanaha ee ka jira gudaha Masar, iyadoo la tilmaamay in kumanaan qof ay Qaahira ugu xiran yihiin arrimo la xiriira siyaasadda. Maamulka Joe Biden ayaa bartamihii sanadkii hore dowladda Masar ka dalbaday in xabsiyada laga siidaayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda, iyadoo aan la farogeli doonin dhaqaalaha militeri ee Mareykanku siiyo Masar. Xubnaha soo diyaariyey warbixinta deeqda militeri ee Masar la siiyo loogu wareejinayo Lubnaan waxay ku doodayaan in dhaqaalahaas qaar loo weeci karo dhanka Suuriya hadii loo baahdo, maadaama is bedel maamul oo weyn uu ka dhacay. “Lubnaan waa saaxiibka dhanka amniga ee Washington ay dooratay,” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay u gudbisay Aqalka Congress-ka. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu hoosta ka xariiqayaa inay muhiim tahay in isbedelka Suuriyaha la xaqiijiyo in kooxda Xisbullah ee Shiicada Iran taageerto aysan carqaladeyn, ilaalinta ajendahaas ayaa u baahan dhaqaale badan.
-
In violation of the federal system President Hassan Sheikh Mohamud is fomenting violence in Gedo to break up Jubaland State. Garbaharey (Commentary ) — Abdullahi SheikH Ismael ‘Fartaag’, the Security Minister of the Federal Republic of Somalia, returned to Mogadishu from Garbaharey, the administrative capital of Gedo. While in Gedo, he failed to mobilise the people of Garbaharey against the Jubaland Administration. “You forced us to accept the Jubaland Administration when many of us were against it. Now, we are not ready to oppose the Jubaland Administration, of which we are a part and parcel,” a woman told Fartaag in a leaked video of the meeting. Between 2012 and 2013, Fartaag opposed the interference of the Federal Government of Somalia, which was keen on undermining the Jubaland Administration. Fartaag seems oblivious to the fate of Barre Hirale, whom the Federal Government of Somalia funded to destabilise Kismayo but later isolated after a deal was struck between Kismayo and Mogadishu. Fartaag seeks to replace an unpopular Prime Minister Hamse whose reputation was tarnished by the Raaskaambooni debacle last year. Abdi Farah Shirdoon, a former Prime Minister, and Abdiwahid Gonjeh, a Senator, expressed objections to the Federal Government of Somalia’s efforts to destabilise Jubaland after Jubaland President Ahmed Mohamed Islam rejected a term extension for federal institutions and left the National Consultative Council summit in Mogadishu last year. Prime Minister Hamsa Barre believes that his silence on destabilising Jubaland could shield him from efforts by his detractors to unseat him. Fartaag and Hamza Abdi Barre, the Prime Minister, were behind the ill-fated deployment of Somali troops to Raaskambooni. In Mogadishu, Fartaag stated that the Baardheere bridge would be built by the government. The politicisation of security forces is now compounded by the politicisation of development aid donated to Somalia by donor countries. Aid sent through the Federal Government of Somalia will only be allocated to regions that allow their institutions to be manipulated by Villa Somalia. Any administration that refuses to align its policies with term extension goals and illegal amendments to the provisional constitution will be marginalised. A group of Somali MPs and Senators accused the Federal Government of Somalia of aiming to destabilise the Somalia-Kenya border. In 2014, when President Hassan Sheikh Mohamud signed a bilateral agreement to deploy Ethiopian troops, he insisted on keeping those forces in Gedo to avoid alienating his constituents, who are still reeling from the 2006-2009 Ethiopian intervention in Somalia. Having failed to foment uprisings against Ethiopian forces in Gedo, Villa Somalia resorted to using “guns for hire” policies, sending Fartaag and other politicians to break up the Jubaland State of Somalia on its behalf. “President Hassan Sheikh Mohamud, the current occupant of Villa Somalia, is paving the way for conflict in southern parts of Somalia,” an influential elder from Gedo alleged. The post Federal Government of Somalia Accused of Destabilising Jubaland State appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ayaa gebi ahaanba baabi’iyay ilaa shan Talis oo Argagixisada Daacish lee yihiin. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan burburinta goobihii gabbaadka u ahaa kooxaha Daacish ee buuraleyda Calmiskaad. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada difaacu burburiyeen islamarkaana gubeen ilaa shan Talis oo mileeshiyaadka Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad gaar ahaanna degaannada (Il iyo Cameyra). “Ugu yaraan 5 Talis oo Argagixisada laheyd ayaa Ciidanku burburiyeen oo gubeen, il iyo Cameyra- Calmiskaad” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland. Warar dhinaca Amniga ayaa sidoo kale sheegaya in keyd badan oo Saad iyo Raashin ah kooxaha Argagixisada ah ugu keydsanaa xarumaha ciidamadu burburiyeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo ilaa shan Talis ka gubay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan horumar ka sameeyay qiimeynta caalamiga ah ee Henley Passport Index, isagoo galay kaalinta 102-aad ee 2025. Qiimeyntan ayaa muwaadiniinta Soomaalida u oggolaanaysa inay fiiso la’aan ku tagaan 35 dal oo kala duwan. Sanadihii la soo dhaafay, qiimeynta baasaboorka Soomaaliya wax weyn iskama beddelin. Sanadkii 2015, waxa uu ku jiray kaalinta 108-aad. Inkasta oo horumarka sanadkan uu yahay mid la bogaadin karo, haddana booska Soomaaliya wuxuu aad uga hooseeyaa waddamada qaar, sida Imaaraadka Carabta, oo 10 sano gudahood kor ugu kacay 32 boos, haatana ku jira kaalinta 10-aad, waxaana fiiso la’aan lagu tagi karaa 185 dal. Henley Passport Index waa qiimeyn caalami ah oo lagu cabbiro awoodda baasaboorrada 199 waddan iyada oo lagu saleynayo tirada dalalka lagu tagi karo fiiso la’aan. Booska Soomaaliya wuxuu muujinayaa caqabadaha weli ka jira xornimada safarka muwaadiniinta, gaar ahaan marka loo eego waddamada sida Singapore, oo ku jirta kaalinta koowaad, halkaas oo baasaboorkeeda loogu oggolyahay in fiiso la’aan lagu tago 195 dal. Inkastoo ay jiraan dadaallo dowladda Soomaaliya ku bixisay hagaajinta xiriirka caalamiga ah iyo casriyeynta nidaamka bixinta baasaboorrada, haddana dadaalladaasi weli ma keenin natiijooyin muuqda oo ku saabsan xornimada safarka. Xannibaadaha safarka ayaa si gaar ah u saameeya fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo is-dhex-galka caalamiga ah ee muwaadiniinta Soomaalida. Warbixinta Henley Passport Index ee 2025 waxay iftiimisay dhibaatada ku saabsan sinaan la’aanta safarka caalamiga ah, iyadoo waddamada Afrika ay si gaar ah ugu dhibban yihiin xannibaadaha fiisaha. Booska Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay xaaladda guud ee qaaradda Afrika, halkaas oo heerarka diidmada fiisaha ay aad ugu sarreeyaan marka la barbar dhigo dalalka kale. Daraasaado ayaa muujinaya in dadka Afrika ee codsada fiisaha Schengen ay laba jeer u badan tahay in dalabkooda la diido marka loo eego dadka dalalka kale. Professor Mehari Taddele Maru, oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Socdaalka, ayaa sheegay in diidmada fiisaha dadka Afrika ay sabab u yihiin arrimo badan. “Heerarka sare ee diidmada fiisaha ee Afrikaanku waxay ka tarjumayaan dhaqaale daciif ah iyo siyaasado takoor ah oo sii adkaynaya sinaan la’aanta dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah,” ayuu yiri. Waddamada sida Komoros, Guinea-Bissau, iyo Ghana ayaa la kulma heerar diidmo oo ka badan 47%, taas oo muwaadiniinta Afrika ka dhigaysa kuwa ugu hooseeya dhinaca xornimada safarka, una diidaysa helitaanka fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo ganacsi ee caalamiga ah.