-
Content Count
212,856 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay. Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa: ????. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka. ????. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada. ????. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada, ????. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha. ????. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. ???????????????????? ???????????????????? ????????????, ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? (????????????????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? Source
-
Dowladda Sacuudiga ayaa dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Soomaali oo lagu helay dambi ah inuu dalka Sacuudiga galiyay daroogo sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas. Muwaadinka Soomaaliga oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Xuseen Jacal ayaa la xidhay isagoo doonayay inuu xashiish geliyo dalka Sacuudiga. Maxkamad gaar ah ayaa ku heshay danbigaan waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa ogolaatay in la toogto, kaas oo ugu dambayn Axadii lagu fuliyay xukunkiisa magaalada Najran ee koonfurta Sacuudiga. Maxamed Nuur Xuseen ayaa qoorta laga gooyay iyadoo la raacayo hab-dhaqanka dilka ah ee Sacuudi Carabiya. Qoyskiisa, ayaa ku eedeeyay madaxda Sacuudiga inay fuliyeen xukun caddaalad darro ah, iyagoo ku andacoonaya in wiilkooda uusan helin xukun caddaalad ah. Qoyskan ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Xuseen loo diiday nidaamka cadaaladda iyo inuu helo qareen u dooda. Sacuudi Carabiya waxay dhaqangelisay mid ka mid ah nidaamyada sharciga ugu adag adduunka, iyadoo ciqaab dil ah lagu fuliyo inta badan dambiyada la xiriira daroogada, dilka, iyo eedeymaha argagixisada. Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunnada dilka ah ay xoojinayaan mowqifka dowladda ee mamnuucista ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada rabshadaha wata, iyadoo carrabka ku adkeysay in cawaaqib sharci oo adag ay sugayaan dembiilayaasha. Ugu yaraan 50 qof oo Soomaali ah ay hadda sugaya xukun dil ah, kuwaas oo galay badi dambiyo la xiriira daroogada. Qaar badan oo iyaga ka mid ah, ayaa sheegay in lagu qasbay inay tahriibiyaan walxaha sharci darrada ah, si ay helaan shaqo abuur. Dowladda Soomaaliya iyo Ergooyinkeeda Diblomaasiyadeed ayaa ka codsaday Sacuudiga in cafis loo fidiyo maxaabiistan. Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah ayaa sheegtay in ay wadahadalo toos ah la gashay mas’uuliyiinta Sucuudiga, iyagoo doonaya in xukunnada dilka ah laga dhigo xabsi dheer. Qoysaska dadka dilka lagu xukumay ayaa sidoo kale ku baaqay in faragelin xooggan ay dowladda ku sameyso xukunkooda si looga hortago in xukunkooda lagu fuliyo. Source
-
Mareykanka ayaa Axaddii shalay si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio sheegay in ay tahay in Xamaas la cidhibtiro, isla markaana ayna sii ahaan karin awood millatari iyo mid dowladeed. Rubio ayaa magaalada Qudus shalay kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kulankaas oo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horreysay ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii hore. Rubio ayaa Netanyahu u sheegay in “ilaa iyo inta Xamaas ay u taagan tahay awood wax maamuli karta ama awood khatar keeni karta iyadoo la adeegsanayo rabshado, aysan macquul noqon karin nabaddu.” Hadalka Rubio ayaa ku soo beegmay xilli dhammaadka xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay ka hartay wax ka yar laba toddobaad, isla markaana aan weli la billaabin wada-xaajoodka wajiga labaad ee muddo kordhinta xabbad-joojinta. Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay qorshaha madaxweyne Trump ee uu ku doonayo in Mareykanku uu yeesho milkiyadda Gaza. Wuxuu sheegay in isaga iyo Trump ay mustaqbalka Gaza ka leeyihiin istaraatiijiyad mideysan. Soo jeedinta Trump ee Gaza ayaa waxaa diiday dowladaha Carabta iyo ururka Jaamacadda Carabta, waxaana sidoo kale ka soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah dowladaha xulufada dhaw la ah Mareykanka. Source
-
Ugu yaraan sagaal qof, oo siddeed ka mid ah ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa Axaddii sheegay in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurkii ay la socdeen ay liqeen biyo jooggoodu sareeyay. Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontada ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar. Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England, iyo New York. Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa inay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan, iyo kuwo kale. Source
-
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galay wada-hadallo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Wada-hadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ka socda ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha. Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah. Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka. Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa kaalinta firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Amniga Qaranka XFS Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Tuniisiya uga qeyb-galay shirka 42-aad ee Golaha wasiirrada arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dalalka Jaamacadda Carabta. Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagixisada, ka hortagga maan-dooriyaha iyo dembiyada abaabulan. Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Masar, S/Gaas Maxamuud Towfiiq, Ciraaq, S/Guud Cabdull-amir Kaamil Al-shimri, Al-jeeriya, Mudane Ibrahim Muraad, Cummaan, Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Madaxa interpol S/Gaas Axmed Naasir Al-risi iyo Xoghayaha guud ee golaha wasiirrada arrimaha gudaha Carabta, Dr. Maxamed Bin Cali Koomaan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda Amniga Soomaaliya. Wasiir Fartaag ayaa masuuliyiinta uu la kulmay uga warbixiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, isagoo sidoo kale ka codsaday dalalka Carabta in Soomaaliya lugu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada. Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa Tuniisiya ku wehliyay Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga Qaranka Ismaaciil Macalin Cabdulle. Source: goobjoog.com
-
FARIIN KU SOCOTA BULSHADA GOBOLKA MAROODI-JEEX. Marka hore waxa aan halkan salaan diiran hawada u marinayaa guud ahaan bulshadayda qiimaha badan ee reer Somaliland, gaar ahaana bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-Jeex. Saaxibayaal, anigoo ah Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi. Sida aad ka warqabtaan, waxa aan dhawaan iclaamiyey in aan u taagnahay Musharaxnimada Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland, ee doorashada la filaayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka 2026ka, Hadii Allaha awooda lihi ogolaado. Haddaba, waxa aan mar labaad halkan ku bayaaminayaa in aan u taagnahay oo aan u sharaxnahay Doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland, haddii Alle idmo. Haddaba, waxa aan bulshadayda cod-dheer ugu sheegayaa; in aan ahay nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah, isla markaasina aan u socon inuu xilka maal iyo magac midna ka tabcado, balse u socdo sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban-lahaa, ee nidaamka Siyaasadeed ee dalkana wax looga bedeli lahaa, isla-markaana bulshada loo tusi lahaa awooda ay leeyihiin dhalinyarada dalka ee ay ku dul maamulayaan odayaal da’ ah iyo kuwo aan aqoon ku filan u lahayn hoggaaminta dalka iyo xilka iyo xasaanada bulshadu u dooratay. Gabagabadii waxa aan Xukuumada cusub iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka usoo jeedinayaa inay si wada-jira uga shaqeeyaan sidii ay doorashooyinka isku lamaan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, ay sida ugu haboon ugu qaban lahaayeen waqtigii u qoondaysnaa, islamarkaasina inta ka hadhsan waqtiga doorashadana ay uga shaqayn lahaayeen sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan caqabadaha ku dayran qabashada doorashada. Allaa Mahad leh Musharax Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa dowladda Turkiga ka dalbaday inay xiriir toos ah la yeelato Somaliland, si uu u dhexmaro iskaashi adag oo dhinacyo badan leh. Cabdiraxmaan Cirro ayaa dalabkan hordhigay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Cirro iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, kuwaas oo la xiriira xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. Danjiraha Turkiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtooyada, isaga oo qiray biseylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen hoggaanka. Arrintaas ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badanna ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo guusha ay gaareen. Intii uu socday kulanka, waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday arrimaha waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, iyo ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada. Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland ayaa danjiraha Turkiga ku wargeliyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in dawladda Turkigu la yeelato xidhiidh toos ah oo wanaagsan oo dhinacyo badan leh. Lama oga in Turkigu uu aqbali doono dalabka Somaliland, maadaama uu xiriir qoto dheer la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, una fidiyo taageero ballaaran oo dhinacyo muhiim ah leh.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNJo18FGBneykJ78iXqCsFRASqEWX4xfbFqmQEOV1qil0dSklD-4Pi3RgokQ6TAsbaMoxhuwtSSZN5-MxLlDsIv.mp4 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚, 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay. Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa: 𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka. 𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada. 𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada, 𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha. 𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Xasan Sheekh oo soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota. Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay ahmiyadda ay leedahay maal-gelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed. Xasan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda. “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas kusii daray “Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.” Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka. Isbitaalka Hodan ee madaxweynaha Xasan uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed. -
Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xidhan yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay. Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado. Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland. Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaadhinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah. Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan. Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda. Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa. Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti. Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara. Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka. Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger. Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah. Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024. Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho. Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka. Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger. Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah. Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024. Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho. Aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyo suurta-gal ah Ruushku waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaadhayo heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi rasmi ah, iyada oo beddelkeedana la kordhinayo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee ay dhawaan isku afgarteen. Arrintan waxay Ruushka siinaysaa fursad uu uga dhigto Somaliland saldhig ciidan, taasoo qeyb ka noqon karta istiraatiijiyaddiisa badeed ee Gacanka Cadmeed-Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan waa mala-awaal xog ogaal ah, maadaama aysan jirin warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in arrimahaasi si rasmi ah looga wada hadlay intii uu wafdigu ku sugnaa Somaliland. Balse lama dhayalsan karo macquulnimada in Ruushku raadinayo xiriir istiraatiijiyadeed oo Somaliland la yeesho, marka la eego duruufaha istiraatiijiyadeed ee ay booqashadu ku dhacday. Qorshaha Ruushka ee saldhig badeed oo ka hirgala Gacanka Cadmeed-Badda Cas wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay sida Sudan u fuliso heshiiskii dib u dhacay. Haddii Sudan ka baaqato, waxa xiga ayaa noqonaya go’aanka Maraykanka ee ah inuu Jabuuti sii joogo ama ciidamadiisa u raro Somaliland. Sida muuqata, Ruushku wuxuu la jaanqaadayaa xaaladaha gobolka halkii uu isku dayi lahaa inuu si toos ah u saameeyo, taasoo u muuqata mid xeel dheer marka la eego xaddidaadda saameynta uu ku leeyahay gobolka. Qaran News
-
Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sheegtay in ay joojisay ka ganacsiga Xaabada kaddib markii ay qiimaysay xaalufka ba’an ee uu degaanka ku sugan yahay. Go’aan ka soo baxay wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu joojiyay ka ganacsiga Xaabada ee degaannada Puntland waxaana lagu yiri go’aankaasi “Xaabadu waxay dhibaato weyn u geysatay deegaanka, waxaana baaba’ay dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen, taas oo sababtay in daadad fara badan si sahal ah u soo rogmadaan, waxyeelo ballaaranna u geystaan deegaanka.” “Wasaaraddu waxay ogaatay in dhirta qoyan lagu shubo Kiimiko qalajinaysa geedka maalmo kooban, ka dibna loo gurto xaabo ahaan. Xeeladan cusub oo ay adeegsanayaan dad aan deegaanka dan kalahyn. Sida ku cad qodobka 19-aad, farqadiisa 4-aad, ee Xeerka Illaalinta iyo Maareynta Deegaanka waxa uu sheegayaa in qofka u adeegsada walxo ama kiimikooyin keeni kara in dhirtu qallasho si uu uga sameeyo xaabo, alwaax, tiir ama udbo, uu galayo dembi” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda. Wasaaradda degaanka ayaa sheegtay in ay aragtay in haddii ay sii socoto gurista xaabadu, Puntland isu bedeli doonto saxare, maadaama dhirtii kasii dhamaanayso deegaanka. Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay digniin culus u dirtay cid kasta oo ku hawlan gurista xaabada, meel kasta oo ay kaga sugan yihiin Puntland. Wasaaradda degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa sidoo kale ka codsatay dhammaan hay’adaha kor ku xusan in ay si buuxda u fuliyaan xeerka lagu mamnuucay ka ganacsiga xaabada, si looga badbaadiyo degaanka Puntland loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo degaanka PUNTLAND POST The post Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland oo joojisay ka ganacsiga Xaabada appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON — U.S. airstrikes killed 16 militants affiliated with the Islamic State terrorist group in northern Somalia, officials there said Monday. A spokesperson for security operations in the Puntland region, Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed, disclosed the death toll in an interview VOA’s Somali Service. “The strike carried out by our international security partners killed at least 16 militants including two senior members identified as the group’s bomb-makers, and a bomb factory was destroyed,” Ahmed said. He said local officials are working to verify the names and nationalities of the bomb-makers. Ahmed said that the United Arab Emirates played a role Sunday’s attack. “The United States government and the United Arab Emirates, both our partners supporting us in the fight against terrorists, were involved [in] the strikes on Sunday night,” he added. Ahmed said the strikes targeted Godka Kunle and Xankookin, two villages in the Cal Miskaad mountain range in Puntland’s Bari region.Ahmed said during the airstrikes, the militants launched drone attacks on the bases of the Puntland security forces in the area. “Trying to hit back the bases of our security forces, the militants used seven drones. Puntland forces shot down five of them and two others, apparently with explosives, went off,” Ahmed claimed. Somali and U.S. authorities have been working to root out Islamic State groups that established hideouts in mountainous parts of Puntland, a semi-autonomous region in northern Somalia. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement Monday that it conducted an airstrike against ISIS-Somalia in the country’s northeast Sunday, killing two terrorists, according to an initial assessment. AFRICOM said no civilians were harmed in the operation and said it would continue to evaluate the results and provide updates as necessary.Speaking in Mogadishu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud commended the U.S. airstrikes. “The latest U.S. precision strikes against terrorist elements in Puntland reaffirms the strong partnership between Somalia and the United States in the fight against terrorism,” Mohamud said in a statement posted by the Somali National News Agency (SONNA). Sunday’s airstrike is the second the U.S. military carried out in Somalia this month. A similar operation on Feb. 1, which targeted senior ISIS-Somalia leadership in a network of cave complexes in Puntland’s Golis Mountains, killed approximately 14 ISIS operatives, including Ahmed Maeleninine, who the U.S. identified as a key recruiter and financier responsible for coordinating jihadi movements into the U.S. and Europe. Puntland authorities recently launched a military offensive against extremist groups in the region following months of preparations. Puntland claims to have since killed more than 200 Islamic State fighters, dozens of them foreign fighters, and captured villages and bases in the mountainous area controlled by IS. Source: VOA The post Somali officials: US airstrike against Islamic State kills 16 militants appeared first on Puntland Post.
-
Dagaalka buuraha ka socda ee Puntland ay ku qaadday Daacish wax weyn buu ka tarayaa ammaanka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Boosaaso: Madaxweyne Deni iyo wafdiga waday taakuleynta Galmudug Bishii November ee sanadkii tegay ayaa dowladda Puntland waxay si cad u soo ban-dhigtay cudud ciidan oo loogu talo galay inay ka saaraan ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 waxaa Soomaaliya uga dhawaaqay Cabdulqaadir Muumin isla markaasna noqday hoggaamiyaha iyo amiirka wakiilka uga ah ururka ISIS Soomaaliya. Cabdulqaadir Muumin ayaa isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab, markii ay hanjabaad uga timid ururka Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban uu buuraha Calmiskaad ka dhisay xarumo iyo sal-dhigyo ciidan kuwaasoo oo ku soo aruuriyay ciidamo iyo xubno sar-sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish, waxaana shaki la’aan ah in xarumaha Calmiskaad ee ururka Daacish ay dhiseen, maal geliyeen, qalabeeyeen hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Muddada 10ka sano ah ee kooxdaas ay daganeyd buuraha gobolka Bari waxay run ahaantii culeys iyo dhibaato joogta ah ku hayeen shacabka deegaannadaas ku dhaqan xag nolol iyo horumarba. Maamulka Puntland oo xogo badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulantahay ayaa run ahaantii ku dadaalayay inay wax yeeladu yaraato, nolosha dad-weynahana ay sideedii caadiga ahayd u socoto wuxuuna muddadaas ay joogeen la galay dagaalo faro badan iyadoo waliba ay culeysyo kale uga imaanayeen dagaallada siyaasadeed ee maamullada dhexdooda ah iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan, hadda ay qaadeen ciidammada Puntland waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa in la qaado laakiin sababo badan baa hor taagnaa kuwaasoo wali qaarkood ay taaganyihiin ayaa haddana waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddeyn u ah in kooxdaas ay soo dhameys tirtay diyaar garowgeedii colaadeed ay qorsheyneysay inay ku wax yeeleyso qaybo ka mid Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo iyada deegaan ahaan aan wax badan ka fogeyn buuraha Argagixisada sal-dhigga ka dhigatay, waxaana joogta noqday wax yeellada ay kooxdaas ku hayso dadka shacabka ah gaar ahaan dadka ku nool deegaannada buuraha dhexdooda ah, waxaana maalin kasta deegaannada ay joogaan laga soo sheegi jiray, xoolo ay dhaceen, dad la waayay ama la wax yeeleeyay, waxay sidaas oo kale cago jugleyn iyo si xoog ah lacago uga qaadayeen ganacsatada gobolka Bari gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Boosaaso… Gacanta Sare waxaa Alle idankii iska leh shacabka Soomaaliyeed, Geerida teeda Foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed duulaan dhinacyo badan ah lagu soo qaaday, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duulaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan ay diyaariyeen sir-doono dalal shisheeye ah oo siyaasad iska soo hor jeeda, middaasna waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka ah, waxaa laga garan karaa sida dowladaha shisheeyaha qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxaad arkeysaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana uusan midna uga xumeyn midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay midka kale ama dalka cadowgiisa ah, taasoo uu macnaheedu yahay inay dalkiiba kala qaybsadeen oo aysan jirin wax uga lumaya xiriirka dalka cadowgiisa ah uu la leeyahay Soomaaliya… Weydiimaha jawaabtooda aan cidina kuu sheegi kareyn waxaa ka mid ah, 11kii bishaan aan ku jirno duulaan ay soo qaadday kooxda Daacish waxay Mootooyin (Motorcycle) lagu sheegay tiradooda 40, marna 60 lagu sheegay, oo wada cusub oo qaraxyo lagu soo qaaday! Isla maalinkaas sida la shaagay argagixisada waxaa laga dilay 87 nin, sida la sheegay 81 ka mid ah waxay ahaayeen rag aan Soomaali ahayn!…dagaalkii ugu horreeyay oo ay ku dhimatay 57 argagixisa ah intaba waxaa lagu sheegay inay ahaayeen niman aan u dhalan Soomaaliya, ilaa iyo hadda wararka soo baxay waxay tilmaamayaan dadka ugu badan ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaad inay shisheeye yihiin!…Bal adigu ka feker, qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, teknoolojiga, gaadiidka, waxay baneeyeen jidad oo dhul dhan bay dhirtii iyo buurihii iyo dhagaxaantii taalay ka baneeyeen oo wado ka bixiyeen…Sidee bay waxaas oo agab ah ku heleen? Waxaas ma qarsoomi karaan ee yaa gaarsiiyay?…dadkaan xagee bay soo mareen? Ilaa iyo hadda wax la ogyahay meesha uu soo maray iyo sida uu kooxdaas ugu biiray waxaa la hayaa hal nin oo Yaman ah oo la yiri barfuuno ayuu wareejin jiray… Galmudug oo garab istaagtay Puntland! Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalinteeda ka qaadato, shaki iigama jiro garab istaaga Galmudug inta uu dagaalkaas ka tarayo waxaa ka weyn inta uu ka tarayo midnimmada dadka Soomaaliyeed, waxaa ka weyn inta uu niyad jab ku ridayo cadow badan oo rumeysnaa inay Soomaaliya kala tagtay sidii Dibi-Gaduud, Dibi-Madow iyo Dibi-Cadde, waxaa ka weyn sida ay u nooleyneyso niyad samidii iyo dadnimadii inay doorsoontay cadowgu isugu sheekeynayay!…Dadka Soomaaliyeed waa u mideysanyihiin difaac dalkooda, ciddii hiil tarteyna waa yaqaanaan, cadowgoodana waa yaqaanaan!… waxaana la gudboon shacabka Soomaaliyeed in dagaalka kasta iyo khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay ay ka gudbaan, ayna gaaraan oo ay fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin naf qur ah, dagaal kasta oo gobol Soomaaliyeed lagu soo qaadana ay waajib tahay inuu ka qayb qaato qof kasta oo Soomaali ah. Dagaalkaan ay Puntland gashay waa inuu ku soo dhammaadaa wax looga samri karo dhallinyarada dadkooda iyo dalkooda difaaciisa u dhintay, waa inuu ku soo dhammaadaa inay quustaan shisheeyaha xudduudaha dalka ka soo talaabaya, waa inuu ku soo dhammaada in cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu si guracan u soo damaaciyo dhul Soomaaliyeed, waa inuu ku soo dhammaadaa inaysan Soomaaliya ahayn sida ay is fahamsiiyeen, cadow kasta oo dalka Soomaaliya soo galana lagu aaso ee uusan ka noqon isagoo libin ku faanaya…waxaana shaki la’aan ah in dagaalka ay maanta ku jirto Puntland uu farriin u yahay cadow kasta oo shisheeye ah oo Soomaaliya gudaheeda falal argagixiso ka wado, isla markaasna uu wax ka tarayo sugitaanka ammaanka guud ee dalka Soomaaliya iyo dowladnimmadeeda. Waa la dhimanayaa, haddii ay dagaal tahay iyo haddii ay nabad tahayba, dadka Soomaaliyeed ee dagaalyahanimmada u dhashay, ee aan aqoon cabsida, waxay aad u fahamsanyihiin cadowga maan-gaabka inuu maanta damaciisa aad u sareeyo, inuu ku fekerayo Soomaaliya maanta ayeey kuu dagantahay… Oo waliba waa laynoo soo bareeray oo waxayba gaartay in nin inta golayaasha soo fariisto uu yiraahdo dhul Soomaaliyeed baan qaadanayaa… Gacanta Sare waxaa Alle idankii iska leh shacabka Soomaaliyeed, Geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa iyadana talo wanaagsan ah in dadyowga xudduudaha ka soo tallaabay ama ka yimid dalalka deriska dib loogu celiyo dalalkooda, maaddaama ay jiraan cadeeymo loo hayo in kuwo badan ay ku biireen Argagixisada Daacish. Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Dagaalka lagula jiro Daacish ka qayb qaadashadiisa Soomaali oo dhan buu waajib ku yahay! appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdiga ka socday Galmudug, kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey ciidanka dagaalka kula jira kooxda Daacish. Wafdiga Galmudug ayaa taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen guddiga taakuleynta iyo daryeelka hawlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweyne Deni ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay ciidanka Puntland iyo hawlgalka ka socda gobolka bari, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay , kuwaas oo siddeed ka mid ahi ay ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ka dib markii ay saameeyeen qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa sheegay in boqollaal qof laga soo samatabixiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu intaas ku daray in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurkii ay la socdeen ay liqeen biyo jooggoodu aad u sareeyay. dabeylo xoog leh ayaa korontada ka jaray ilaa 39,000 oo guri, wuxuu guddoomiyaha gobolka Kentucky ka digay in dabeyluhu ay ka sii socon doonaan meelaha qaar. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Hosbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda. “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka. Hosbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay safarkii uu dhawaan madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ku tegay dalkeeda iyo xiisadda Madoobe kala dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya. Kenya ayaa iska fogeysay inay dhinaca saartay Axmed Madoobe oo haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in safarkii Axmed Madoobe ee caasimadda Kenya uu la xiriiray wada-hadallo dhex-dhexaadin ah oo Kenya ay ka dhex waday maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay Aadan Barre oo ka tirsan xukuumadda Ruto. Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Kenya oo bixiyay wareysi ayaa caddeeyay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan dowlada dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Nairobi ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dowladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir-madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhawaan ka dhacay magaalada Caruushe ee dalka Tanzania. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli bishii lasoo dhaafay ee Janaayo uu Axmed Madoobe ku tegay Kenya safar hadal-hayn xooggan abuuray, taas oo markaas loo arkayay in Kenya ay dhinaca saartay Madoobe, oo dowladda dhexe u jartay waaran soo qabasho, kuna soo rogtay maamulkiisa xanibaad dhanka duulimaadyada ah. Kenya oo dhaqaale badan ka hesha Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid iska ilaalineysa wax kasta oo mad-madow gelin kara xiriirkeeda dowladda dhexe, kaasi oo ay u aragto mid muhiim ah.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabiley wefdiga ka socday Galmudug, kuwaasi oo taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah ee Argagixisada Daacish ka sifeynaya Puntland. Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in wefdiga Galmudug taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen shalay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay Ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan. Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qaabiley wefdi ka socday Galmudug oo garab istaag u muujiyay ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida ay shaacisay Puntland-Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu caddeeyay doorka Imaaraadka ee howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Daacish, isaga oo dhanka hawada ka taageeraya ciidamada Puntland ee dagaalka adag ku jira. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka xalay ka gaystay aagga Buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay sheegtay Puntland. “Duqeyntii labaad waxa hada lala beegtay, Darar-madoobe, In ka badan 12 Argagixiso ah oo xubno sarsare kujiraan ayaa lagu dilay, Gaari xamuul ahna waa laga gubay. Waxa iska kaashanaya duqeynta Puntland iyo saaxiibada UAE” ayaa lau yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siiyaa dhaqaalaha, tababarka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin. Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish. Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay xalay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Puntland lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda ISIS, iyadoo aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray in duqeyntan ay fuliyeen iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeyntan ayaa qeyb ka ah howlgallada isdaba-joogga ah ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha sar-sare ee kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad. Bishan horraanteedii, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday 1-dii Febraayo lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa sarkaal sare oo u dhashay dalka Cumaan, kana tirsanaa kooxda ISIS. Maeleninine ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa askaraynta iyo maalgelinta howlgalada dibadda ee kooxda, oo ay ku jiraan weeraro laga fuliyo dalalka Mareykanka iyo Yurub. Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deegaanka Shebaab ee buuraha Calmiskaad lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Duqeyntan ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaari saadka u siday kooxda. Howlgalladan wadajirka ah ee ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu beegsanayaa xarumaha iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda ISIS, si loo wiiqo awooddooda iyo khatarta ay ku hayaan gobolka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – The United States carried out an airstrike in northeastern Somalia on Sunday, killing two ISIS militants, U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement Monday. Source: Hiiraan Online