-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma. Duqeynta oo bilaabatay fiidkii hore ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada laga dareemay duqeynta oo ahayd mid xoogan oo bartilmaameed ah. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo holac iyo uuro is qabsatay hawada sare, kadib weerarka cirka ah oo ay diyaaraduhu la beegsadeen argagixsada ku sugan Daarunimca oo maalmo kahor la wareegay deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalamayaal badan iyo horjoogayaal ku sugnaa halkaasi, balse ma cadda tirada rasmiga ah. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid cakiran iyada oo la dareemayo saameynta duqeyntaas. Waxaa sidoo kale duqeymo kuwaan lamid ah ay xalay ka dhaceen aagga degmada Ceelbaraf oo ay dib u gurasho uga soo baxeen ciidamadii shalay gudaha u galay degmadaasi, waxaana halkaasi lasoo wariyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Shabaab. Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf, halkaas oo ay ku dhinteen maleeshiyaad tiro badan. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan guluf dagaal ka wadda deegaannada HirShabelle, iyada oo kaashaneyso dadka deegaanka, si looga hortego abaabulka kooxda Shabaab. Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. The post Xogta duqeymo culus oo xalay ka dhacay Daarunicma appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka. Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda. Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda. “Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, kaasoo ka digaya in aan loo safro dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada, dambiyada, iyo xasillooni darrada. Safaaraddu waxay sheegtay in digniintaasi weli sii jirto. Toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymihiisa militari ee Soomaaliya si uu u beegsado kooxaha argagixisada. Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in duqeymihii dhacay 1-dii Febraayo – oo ahaa howlgalkii militari ee ugu horreeyay ee xukunkiisa labaad – ay dileen dagaalyahanno badan oo ISIS ah, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo rayid ah. Tan iyo markaas, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyey duqeymo kale oo dhowr ah isaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, si loo beegsado dagaalyahannada ISIS iyo Al-Shabaab, iyadoo la weeraray deegaannada Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar iyo Boulo-Burte. Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Crisis Group ayaa lagu qiyaasay in dagaalyahanada ISIS ee Soomaaliya ay gaaraan boqolaal, badankoodna ay ku sugan yihiin buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ee Puntland. The post Safaaradda Mareykanka oo ka digtay weeraro dhowaan ka dhici kara Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, waxaana weli socda wadahadallo, kadib heshiis ay la galeen Somaliland sannad ka hor kaas oo ruxay Geeska Afrika. Wareeg kale oo wadahadallo ah ayaa la filayaa, mas’uul dhanka Soomaalida ah ayaa dhawaan sidaasi u sheegay warbaahinta. Saraakiisha Itoobiya ayaan ka hadlin arrintan. Masar oo doonaysa inay xoojiso awooddeeda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor timid qorshahan. Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Itoobiya? Toddobaadkii hore madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badri Abdellati oo ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sida laga soo xigtay warbaahinta Masar ee Ahram Online, mas’uulka Masaarida ah ayaa sidoo kale fariin uu ka siday madaxweyne Abdel-Fattah al-Sisi u gudbiyay madaxweyne Isaias Afwerki. Intii ay socdeen qalalaasaha u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah. Itoobiya ayaa tan iyo heshiiskii Turkiga waxa ay sii xoojisay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay heshiiska gaareen u socdaalay Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Inkasta oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen, haddana waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arrimo kala duwan. Waxaa la isku afgartay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale ku sii sugnaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale heshiis labo geesood ah, inkasta oo aan la shaacin tirada. Inkasta oo Itoobiya ay xallineysay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu sii wiiqmayo. Taa beddelkeeda, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in labada dal ay isku dhici karaan duruufaha jira awgood. Mid ka mid ah qodobada laga yaabo inay sababaan colaaddu waxa ka mid ah arrinta badda. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhowr jeer hore u sheegay in Itoobiya “aysan doonayn inay waddan la dagaallanto haddii aan iyada la taaban”. Field Marshal Birhanu Juula oo ah taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda 129-aad ee Adwa. “Waqti yar ayaa naga xiga in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas. Waxa aan rajeyneynaa in danta qarankeena lagu gaaro si nabad ah,” ayuu yiri. Soomaaliya maxay ka tiri? Heshiis ay Itoobiya sanad ka hor la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland ayaa khilaaf xooggan ka abuuray Geeska Afrika. Tan iyo markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya heshiis gaareen, arrinta badda ayaan aad loo maqlin. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in aysan ka hari doonin raadinta badda. “Itoobiya kama aysan tegin raadinta iyo dalabka marin badeed,” ayuu yiri Nabiyat Getachew. “Dadaalka lagu doonayo in lagu helo saldhig badeed la isku halleyn karo oo waara waxay ku salaysan yihiin hab diblomaasiyadeed iyo hab nabadeed iyo sidoo kale wax-kala beddelasho,” ayaa laga soo weriyay dhawaan. “Waxa aan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mashaariic istiraatiijiyadeed oo dadka Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah uga faa’iideysanayaan,” ayuu yiri. Inkastoo saraakiisha Itoobiya aysan si cad u sheegin, haddana arrinta ku saabsan badda ayaa ah mid ay madaxda Soomaalida kala hadli karaan. Qodobada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen wadahadalladii ay Turkigu garwadeenka ka ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah: “Labada dal waxay aqoonsan yihiin faa’iidooyinka kala duwan ee ay leedahay helitaanka Itoobiya ee deked lagu kalsoonaan karo taas oo waafaqsan in la ixtiraamo midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.” Itoobiya oo ah dal ay dad badan ku nool yihiin oo aan lahayn dekad ayaa haddana waxa ay isticmaashaa in ka badan 90% dekedaha Djibouti. In Jabuuti oo kaliya xoogga la saaro ma aha wax lagu qanci karo. Taas beddelkeeda, wuxuu sheegay in arrinta marinka badda ay tahay “arrin nolol iyo geeri ah.” Masar ayaa ka mid ah dalalka aan ku faraxsanayn qorshaha Itoobiya. Waxay sharaxday in kaliya qadiyadda amniga ee Badda Cas ay ka hadli karaan dalalka xuduudda la leh biyaha Badda Cas. Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Itoobiya siiso adeeg dekadeed ee xeebaha Badweynta Hindiya, Bloomberg ayaa sidaasi sheegay, isagoo soo xiganaya sarkaal. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa wadahadallada, isla markaana heshiis loo gaari lahaa bisha Oktoobar. “Heshiisku wuxuu qeexayaa dekadda la bixinayo, goobta ay kaga taal Badweynta Hindiya iyo dhammaan kharashyada,” ayuu yiri sarkaalku. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho ku yimid Muqdisho toddobaadkii hore oo uu wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya. Maxay taasi Itoobiya uga dhigan tahay? Markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland, arrinta ugu weyn ee ay ku heshiiyeen ayaa ahayd in la dhiso deked ku teedsan Badda Cas iyo sidoo kale saldhig ciidamada badda. Inkasta oo nuxurka heshiisku aan si rasmi ah loo soo bandhigin, haddana Itoobiya ayaa heli lahayd bad dhan 20 km. Taas beddelkeeda waxaa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland. Waxa ay ahayd in lagu fuliyo bil gudaheed balse wali lama hirgelin. Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo heshiiska la saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa doorashadii cusbeyd kaga guuleystay musharraxii mucaaradka. Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis uu garwadeen ka yahay Turkiga, lama oga halka uu ku dambeyn doono heshiiskaasi dhinaca badda. Dalalka Geeska Afrika, wadamada awoodda leh ee adduunka ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Djibouti, Soomaaliya iyo Kenya. Itoobiya waxa ay tababaraysay ciidan badeed oo la kala diray sanado badan ka hor si ay u daboolaan baahideeda gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna horay uma soo bandhigin inay rabaan inay Itoobiya siiyaan saldhig badeed marka laga reebo dekedaha. Markii heshiiska lala gaaray Eritrea, saldhigga Casab ayaa ujeedooyinkaasi in uu buuxiyo loogu talagalay, hase ahaatee, laguma guulaysan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in tani ay tahay sababta ugu weyn ee saraakiisha Itoobiya ay u tageen Soomaaliya. Isha: BBC Somali The post Maxay Soomaaliya sameyn doontaa kadib hadalkii kasoo baxay dowladda Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynihii uu xilka kala wareegay Joe Biden uu ahaa hoggaamiyihii ugu xumaa ee soo maray taariikhda dalkaas. Trump wuxuu Biden ku eedeeyay inuu oggolaaday inay Mareykanka soo galaan kumannaan muhaajiriin ah oo dambiilayaali ay ku jiraan, kuwaas oo ka soo gudbay xadka Koonfureed ee dalkaas. Maamulka Trump ayaa wada howlgallo lagu tarxiilay soo galootiga sharci-darrada ku jooga Maraykanka, wuxuuna dalalka soohdinta la leh ku caddaalinayaa inay ka hortagaan in muhaajiriintu ay ka soo gudbaan. Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aaddan khataro la xiriira weeraro iyo qaraxyo laga fulin karo goobo kala duwan oo ku yaal Muqdisho. Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa lagu sheegay in la helay xog sheegaysa in bartilmaameedyo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale la damacsan yahay in lagu beegsado weeraro. Digniinta ayaa sidoo kale xustay in la adkeeyay amniga safaaradda, iyadoo shaqaalaha loo soo jeediyay inay xaddidaan dhaqdhaqaaqooda si ay uga fogaadaan khataraha suurtagalka ah. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, iyadoo shacabka uga digtay inay feejignaadaan oo ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira. Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin. Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan. Waxaa kale oo khudbaddiisa uu uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha aan nahay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Iran ayaa “u yeeray” safiiradooda maalmo kadib markii hadallo uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo la xiriiray siyaasadda gobolka ee Tehran ay dhalisay hadal-hayn badan iyo caro ka timid Iran. Wareysi uu 26-kii Febraayo siiyay Al-Jazeera Arabic, Fidan wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran, oo ku tiirsan kooxaha hubeysan ee gobolka, ay keentay in Tehran ay wax badan lumiso halkii ay faa’iido ka heli lahayd. Markii la weydiiyay haddii Iran ay taageeri karto kooxaha Kurdiyiinta Suuriya, oo Turkiga u arko urur argagixiso ah, Fidan wuxuu si cad u sheegay: “Haddii aad isku daydo in aad xasillooni darro ka abuurto dal kale adiga oo taageeraya koox ka hawlgasha halkaas, dal kale ayaa isna taageeri kara koox gudaha dalkaaga ka hawlgasha si ay dhibaato kugu abuurto.” “Adduunyada maanta, waxba lama qarin karo. Awoodaha aad leedahay, kuwa kalena way hayaan. Sidaas darteed, haddii aadan rabin in dhagxaan lagu soo tuuro daaqaddaada, adiguna yaadan dhagax ku tuurin daaqadaha kuwa kale.” Iran oo si kulul uga jawaabtay Hadalka Fidan ayaa si weyn looga falceliyay gudaha Turkiga, waxaana dad badan u fasirteen inuu u jeeday in Ankara ay sidoo kale taageeri karto kooxo gaar ah oo ka dhex jira Iran, gaar ahaan bulshada weyn ee Azerbaijan-ta Iran, oo xiriir luqadeed iyo dhaqan la leh Turkiga. Iran ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadallada Fidan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa barta X (horey u ahaan jirtay Twitter) ku qoray in Iran aysan raadineynin ballaarinta awooddeeda gobol ahaan muddo 50 sano ah. “Waxaan noqonnay dalkii ugu horreeyay ee diiday afgambigii laga soo horjeeday dowladda Turkiga,” ayuu yiri Baghaei. “Waxaan sidoo kale ka mid ahayn dalalkii ugu horreeyay ee soo dhaweynayay dhigaagta PKK [Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan] una arkayay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ammaanka dalka deriska nala ah, Turkiga.” Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysatay markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ay “u yeertay” Safiirka Turkiga ee Tehran, Hicabi Kirlangic, si ay kula yeeshaan kulan Talaadadii. Mas’uuliyiinta Iran ayaa u sheegay safiirka in “xaaladaha xasaasiga ah ee gobolka ay dalbanayaan in laga fogaado hadallo aan habbooneyn iyo falanqeyn aan sax ahayn oo sababi kara khilaaf iyo xiisad diblomaasiyadeed.” Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa u yeertay sii hayaha xilka Safaaradda Iran ee Ankara, iyada oo xustay in mas’uuliyiinta Iran ay dhawaan si dadweyne ah u dhaliilayeen Turkiga. Waxaa sidoo kale la sheegay in fayl arrintan la xiriira horey loo gudbiyay dowladda Iran. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Oncu Keceli, ayaa carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doorbidayso in arrimaha noocan ah si toos ah loo xalliyo. “Waxaan aaminsanahay in arrimaha siyaasadda dibadda aan loo adeegsan in lagu kasbado taageerada gudaha. Sidaas darteed, waxaan door bidnay in farriimaha muhiimka ah ee loo baahdo in lala wadaago dal kale si toos ah loogu gudbiyo,” ayuu yiri Keceli Talaadadii. Inkasta oo xiisadani sii kordheysay, Turkiga iyo Iran ma aysan isticmaalin ereyga “u yeerid” ee rasmiga ah, waxayna labaduba adeegsadeen “casuumad”, taasoo muujineysa inay doonayaan in ay xajistaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee ku dhisan danaha wadajirka ah. Loollanka xooggan ee gobolka Turkiga iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa loollan siyaasadeed, iyada oo Suuriya ay tahay goobta ugu weyn ee ay isku hayaan. Bishii December, afgambigii xilka looga tuuray Madaxweyne Bashar al-Assad wuxuu si weyn u beddelay awoodda Suuriya, isagoo xoojiyay maqaamka Ankara, halka Tehran ay lumisay saamigeedii. Tan iyo markaas, mas’uuliyiinta Turkiga waxay dadaal ugu jireen sidii xal loogu heli lahaa Ciidanka Dimoqraadiga Suuriya (SDF), oo Turkiga u aqoonsan yahay urur argagixiso, iyo sidoo kale dowladda dowladda Dimishiq. Heshiiska la soo jeediyay wuxuu dhigayaa in la isku daro ciidamada Kurdiyiinta iyo ciidamada qaranka Suuriya, halka hoggaamiyeyaasha PKK laga musaafurin lahaa Iraq. Serhan Afacan, guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista Iran ee fadhigeedu yahay Turkiga (IRAM), ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay aad uga walaacsan tahay in Iran ay taageerto SDF ama PKK. “Way caddahay in Iran ay xiriir la leedahay PKK iyo kooxaha la xiriira,” ayuu yiri Afacan. “Laakiin weli waxaa la isla dhexmarayaa in Tehran ay si toos ah u taageerto PKK ama ay iska indho-tireyso dhaqdhaqaaqyadooda oo ay gobolka ka wadaan.” “Bishii May 2024, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler, wuxuu caddeeyay in Iran aysan si weyn u danaynayn halista ay PKK ku hayso gobolka,” ayuu sii raaciyay. “Wuxuu sheegay in marka Turkiga ay u gudbiyaan Iran xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqa PKK ee xuduudahooda, aysan helin jawaab ku filan.” Dhanka kale, Iran waxay si isdaba joog ah u cambaareysay howlgallada milatari ee Turkiga ee ka socda Iraq iyo Suuriya, iyada oo ku tilmaantay “xadgudub su sovereignty.” Inkasta oo Iran ay si rasmi ah ugu aqoonsantahay PKK urur argagixiso, ma aysan marin heerkaas kooxaha la xiriira sida SDF iyo YPG, taasoo la jaanqaadaysa mowqifka waddamada reer Galbeedka. “Iran si fudud kuma beddeli karto mowqifkeeda,” ayuu yiri Afacan. “Maadaama ay weli la tacaalayso xiriirka xun ee ay la leedahay maamulka cusub ee Dimishiq iyo dareenka Tehran ee ah in Turkiga uu ‘la wareegay’ Suuriya.” Fereshteh Sadeghi, saxafiyad reer Iran ah iyo khabiir arrimaha gobolka, ayaa sheegtay in inkasta oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, Iran ay weli u aragto Turkiga dal muhiim u ah xiriirkeeda goboleed. “Iran maaha in si toos ah loogu eedeeyo in ay SDF u adeegsanayso waxyeelleynta Turkiga,” ayay tiri. “Balse waxay u badan tahay in ay u adeegsanayso sidii ay u xoojin lahayd danaha ay ka leedahay Suuriya.” “Sidoo kale, maadaama Iran ay lumisay marin ay ugu gudubto Lubnaan, waxaa laga yaabaa in ay SDF u aragto albaab kale oo ay u adeegsato sidii ay halkaas saameyn ugu yeelan lahayd.” The post Maxay salka ku haysaa xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Turkey iyo Iran? appeared first on Caasimada Online.
-
Taariikhda dalalka isticmaala daroogada si ay uga adkaadaan ama u xakameeyaan cadowgooda waa mid aad u murugo leh oo adag. Taariikh ahaan, dalal kala duwan ayaa u isticmaalay khamrada iyo daroogooyin kale si ay u burburiyaan bulshooyinka, iyagoo u isticmaalay sidii aalad dagaal, xakameyn iyo xasillooni darro. Isticmaalka daroogada sidii hub ayaa ahaa xeelad ay isticmaalayeen xoogag awood leh si ay u kicdamaan bulshooyinka ama u soo rogaan nidaamyo aan la rabin. Tusaale ahaan, isticmaalka opium ee Ingiriiska intii lagu jiray Dagaalladii Opium ee Shiinaha iyo doorashada khat ee Soomaaliya ayaa si cad muujinaysa sida daroogada loo adeegsan karo sidii hub dagaal.. Intii lagu jiray qarnigii 19aad, Boqortooyada Ingiriiska ayaa si xeeladaysan u isticmaalay opium si ay uga faa’ideystaan Shiinaha intii lagu jiray Dagaallada Opium. Shirkadda Ingiriiska ee East India Company ayaa bilaabay inay opium ka soo qaado Hindiya una dhoofiso Shiinaha, iyadoo Shiinuhu uu isku dayay inuu joojiyo ganacsiga opium. Markii dowladda Shiinaha ay isku dayday inay ka hortagto dhoofinta opium, Boqortooyada Ingiriiska ayaa isticmaalay awood milatari si ay u joojiso Shiinaha, waxayna ku qasbay dowladda Shiinaha inay furto suuqeeda iyo inay siiso dhulkeeda sida Hong Kong. Opium waxay noqotay aalad gacanta Ingiriiska, iyadoo Shiinaha laga dhigay bulsho ku tiirsan opium, taasoo ka dhigtay inay si fudud ugu xakameeyaan. Si la mid ah, Geeska Afrika, Itoobiya iyo Kenya waxay si istaraatiijiyad ah ugu adeegsadeen khat si ay u burburiyaan Soomaaliya. Sannadkii 711-kii, Islaamku wuxuu qabsaday Yurub, waxa ayna ka talinayeen muddo 700 sano ah oo Islaamku ku faafay qaaradda. Si kastaba, sanadkii 1492, awoodaha Yurub, gaar ahaan Isbaanishka iyo Boortaqiiska, waxay noqdeen awoodda caalamiga ah ee ugu weyn. Isbaanishka iyo Boortaqiiska waxay qeybsadeen adduunka, iyadoo Boortaqiisku qabsaday dhulalka laga bilaabo Brazil ilaa Bariga aduunka, halka Isbaanishkuna uu haystay dhulka kale. Dhinaca kale, Soomaaliya waxay ku jirtay gacanta Cusmaaniyiinta. Si kastaba, xaaladdu waxay si weyn isugu beddeshay qarniyadii 19-aad. Sanadkii 1884, Shirkii Berlin ee lagu qaybsaday Afrika ayaa keentay gumeysiga Soomaaliya. Waqooyiga Soomaaliya waxaa qabsaday Ingiriiska, Koonfurta waxaa qabsaday Talyaaniga, iyo Waqooyiga Galbeed waxaa qabsaday Faransiiska. Sanadihii 1950-meeyadii, Soomaaliya waxay heshay fursad ay kaga dooran karto awoodda gumeysiga ee ay rabto inay ku sugnaato 10-ka sano ee soo socota, iyadoo la ballanqaaday in ay helayso madaxbannaani sanadkii 1960. Soomaaliya, iyadoo ka baqeysay Ingiriiska sababtoo ah waxa uu leeyahay awood cad, waxay dooratay inay la xiriirto Talyaaniga. Tani waxay ka caraysiisay Ingiriiska, waxaana uu ku jawaabay addeegsi ahaan in uu u dhiibo Itoobiya iyo Kenya dhul ballaaran iyo dad badan, isaga oo ka dhigay Itoobiya iyo Kenya inay noqdaan cadawga ugu weyn ee Soomaaliya. Khat, oo ah geed kicin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Geeska Afrika, ayaa noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida, laakiin inta badan Itoobiya iyo Kenya ayaa u isticmaalay si ay u xakameeyaan una burburiyaan Soomaaliya. Itoobiya iyo Kenya, iyadoo ka faa’iideysanaya khat-ka oo ay ka iibinayaan xuduudaha Soomaaliya, waxay keeneen inuu khat-ku noqdo aalad ay u isticmaalaan si ay u farageliyaan nolosha bulshada Soomaaliyeed. Isticmaalka khat-ka ee ballaadhan wuxuu sababay inuu noqdo qalab lagu jeclaysto oo bulshada Soomaaliyeed ay ku mashquulaan, isla markaana ay ka haraan arrimaha muhiimka ah ee qaran iyo midnimo. Marka loo eego dhulka Soomaalida, Itoobiya waxay si sharci-darro ah u haystaan gobolka Ogaden, oo hadda ku jira Itoobiya, taasoo ka dhigtay gobolka mid lagu maamulo sidii qeyb ka mid ah dalka Itoobiya ee gumeysiga ah. Sidoo kale, Kenya waxay qabsatay dhulka Koonfur Bari Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, iyadoo isticmaalka khat-ka uu noqday qalab lagu burburinayo Soomaaliya si aysan u awoodin inay xorriyaddooda ka qaataan Itoobiya iyo Kenya. Khat-ka waxaa loo isticmaalay sidii hub oo lagu jebiyo dadka Soomaaliyeed, taasoo ka dhigaysa inay ka fogaanayaan halganka xornimo iyo isdifaac. Dhibaatooyinka khat-ka ee ka jira Soomaaliya waxay u adeegayaan sidii weerar joogto ah oo lagu sababeeyo in dadka Soomaaliyeed ay ku mashquulaan arrimo aan muhiim ahayn. Waxaa muhiim ah in dhammaan Soomaalida ay fahmaan taariikhda iyo isticmaalka khat-ka ee arrimaha siyaasadeed iyo bulsho ee wadamada deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya. Haddii aan la fahmin saamaynta khat-ka, waxaa suurtogal ah in Soomaalidu ay ku lumaan awooddooda inay ka hortagaan iyo inay iska caabiyaan gumeysiga iyo faragelinta shisheeyaha ee ka imaanaya dalalka deriska. Si looga hortago faragelinta shisheeyaha ee khat-ku, waxaa jira laba xalka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo xaaladda: Dhibaato kasta oo taagan, waxaa jira xal suurtagal ah. Dalal badan oo horay ula dagaallamay maandooriyaha waxay heleen xeelado wax ku ool ah. Tusaale ahaan, Portugal waxay noqotay dalkii ugu horreeyey ee ka baxay dhibaatooyinka la xiriira daroogada, iyagoo isticmaalay xeelad aan ahayn ciqaab iyo mamnuucid, balse ku dhisan wacyigelin iyo xakameyn dhaqaale. Soomaaliya waxay u baahan tahay xal la mid ah, si ay uga hortagto saameynta halista ah ee khat-ku ku leeyahay bulshadeeda. Canshuur Adag oo Lagu Soo Rogo Khaadka Soomaaliya waa inaysan si fudud u mamnuucin khat-ka, maadaama taasi sababi karto suuq madow oo xakameyntiisu adkaato. Halkii laga mamnuuci lahaa, waa in si xad-dhaaf ah loogu canshuuro, si: Qiimaha khat-ku uu sare ugu kaco, taasoo yareyn doonta isticmaalka. Lacagta canshuurta laga helo loo isticmaalo horumarinta bulshada. Dhaqaalaha Khaadka Loo Wareejiyo Barnaamijyada Daryeelka Bulshada Portugal waxay muujisay in maandooriyaha lagula dagaalami karo iyadoo aan la caddibin dadka isticmaala, balse la siinayo fursado kale. Soomaaliya waxay sameyn kartaa: In canshuurta laga qaado khat-ka loo isticmaalo barnaamijyo caafimaad, waxbarasho, iyo shaqo-abuur. In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo si ay uga fogaadaan qabatinka khat-ka. In la sameeyo xarumo wacyigelin iyo daaweyn loogu talagalay dadka ka doobaya qabatinka khat-ka. Wacyigelin & Isbedel Dhaqameed Dhaqan ahaan, khat-ku wuxuu noqday qayb ka mid ah nolasha dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan ragga. Sidaas darteed: Waa in la sameeyo olole ballaaran oo wacyigelin ah oo muujinaya dhibaatada khat-ka. Waa in bulshada laga dhaadhiciyo in khat-ku yahay caqabad horumarka ka hor istaagaysa. Waa in culimada, waxgaradka, iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanku ka qeyb qaataan barnaamijyada wacyigelinta. Gunaanad Soomaaliya waxay fursad u haysataa inay si caqli iyo xeeladeysan ula dagaasho khat-ka iyada oo aan shacabka la ciqaabin, balse dhaqaale ahaan looga dhigo wax aan la awoodi karin. Haddii canshuurta khat-ka sare loo qaado, laguna maalgeliyo horumarinta bulshada, Soomaaliya waxay ka bixi doontaa dhibaatada maandooriyaha si la mid ah sida Portugal. Waxaa la joogaa waqtigii Soomaaliya ay dib ula wareegi lahayd maskaxdeeda, dhaqaalahaheeda, iyo mustaqbalkeeda. Xalka dhabta ahi wuxuu ku jiraa xakameyn, canshuur adag, iyo wacyigelin bulsho. The post Dagaalka khaadka: Itoobiya iyo Kenya oo u adeegsaday sida hub siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex eedaysane oo loo haysto falal la xiriira mooral-gelin iyo taageero ay u muujiyeem kooxaha Argagixisada ah. Saddexda eedaysane oo magacyadoodu yihiin macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), Caamir Cabdi Muuse Cabdi iyo Fahad Maxamed Abshir ayuu Booliska Puntland ku soo eedeeyay mooral-gelin iyo taageero-siin ay u muujiyeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab. “Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Ciidanka Booliska Puntland. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan saddexdani eedaysane waxayna bulshada uga digeen faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh. “Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayuu sii raaciyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland oo bulshada uga digayay marin-habaabinta kiiska saddexdaasi eedaysane. Sida Ciidanka Boolisku sheegay Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto”Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.” PUNTLAND POST The post Ciidanka Booliska Puntland oo warbixin ka soo saaray saddex nin oo ku eedaysan taageero-siin argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, waxaana weli socda wadahadallo, kadib heshiis ay la galeen Somaliland sannad ka hor kaas oo ruxay geeska Afrika. Wareeg kale oo wahadallo ayaa la filayaa, mas’uul dhanka Soomaalida ah ayaa dhawaan sidaasi u sheegay warbaahinta. Saraakiisha Itoobiya ayaan ka hadlin arrintan. Masar oo doonaysa inay xoojiso awooddeeda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor timid qorshahan. Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Itoobiya? Todobaadki hore madaxweynaha Eritrea Isayas Afwerki ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr Badri Abdellati oo ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sida laga soo xigtay warbaahinta Masar ee Ahram Online, mas’uulka Masaarida ah ayaa sidoo kale fariin uu ka siday madaxweyne Abdal-Fattah al-Sisi u gudbiyay madaxweyne Isaias Afwerki. Intii ay socdeen qalalaasaha u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya waxay samaysteen isbahaysi wadajir ah. Itoobiya ayaa tan iyo heshiiskii Turkiga waxa ay sii xoojisay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay heshiiska gaareen u socdaalay Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Inkasta oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa haddana waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arimo kala duwan. Waxaa la isku afgartay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale ku sii sugnaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale heshiis labo geesood ah, in kastoo aan la shaacin tirada. In kastoo Itoobiya ay xallineysay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu sii wiiqmayo. Taa bedelkeeda, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in labada dal ay isku dhici karaan duruufaha jira aawgood. Mid ka mid ah qodobada laga yaabo in ay sababeen colaada waxa ka mid ah arrinta badda. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in Itoobiya ‘aysan doonayn in ay waddanna la dagaallanto haddii aan iyada la taaban. Field Marshal Birhanu Juula oo ah taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda 129 aad ee Adwa. “Waqti yar ayaa naga xiga in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas. Waxa aan rajeyneynaa in danta qarankeena lagu gaaro si nabad ah,” ayuu yiri. Soomaaliya maxay ka tiri? Heshiis ay Itoobiya sanad ka hor la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland ayaa khilaaf xooggan ka abuuray Geeska Afrika. Tan iyo markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya heshiis gaareen, arrinta badda ayaan aad loo maqlin. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in aysan ka hari doonin raadinta badda. “Itoobiya kama aysan tegin raadinta iyo dalabka marin badeed,” ayuu yiri Nabiyat Getachew. “Dadaalka lagu doonayo in lagu helo saldhig badeed la isku halayn karo oo waara waxay ku salaysan yihiin hab diblomaasiyadeed iyo hab nabadeed iyo sidoo kale wax- kala beddelasho,” ayaa laga soo weriyay dhawaan. “Waxa aan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mashaariic istiraatijiyadeed oo dadka Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah uga faa’iideysanayaan,” ayuu yiri. Inkastoo saraakiisha Itoobiya aysan si cad u sheegin, haddana arrinta ku saabsan badda ayaa ah mid ay madaxda Soomaalida kala hadli karaan. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoddobada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen wadahadalladii ay Turkigu garwadeenka ka ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah. “Labada dal waxay aqoonsan yihiin faa’iidooyinka kala duwan ee ay leedahay helitaanka Itoobiya ee deked lagu kalsoonaan karo taas oo waafaqsan in la ixtiraamo midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.” Itoobiya oo ah dal ay dad badan ku nool yihiin oo aan lahayn dekad ayaa haddana waxa ay isticmaasha in ka badan 90% dekedaha Djibouti. In Jabuuti oo kaliya xoogga la saaro ma aha wax lagu qanci karo. Taas beddelkeeda, wuxuu sheegay in arrinta heerka badda ay tahay ‘arrin nolol iyo geeri ah. Masar ayaa ka mid ah dalalka aan ku faraxsanayn qorshaha Itoobiya. Waxay sharaxday in kaliya qadiyadda amniga ee Badda Cas ay kaliya ka hadli karaan kuwa xudduuda la leh biyaha Badda Cas. Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Itoobiya siiso adeeg dekedeed ee xeebaha badweynta Hindiya, Bloomberg ayaa sdiaasi sheegay, isagoo soo xiganayey sarkaal. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa wada-hadallada, isla markaana heshiis loo gaari lahaa bisha Oktoobar. “Heshiisku wuxuu qeexayaa dekadda la bixinayo, goobta ay kaga taal Badweynta Hindiya iyo dhammaan kharashyada,” ayuu yiri sarkaalku. Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho ku yimid Muqdisho todobaadkii hore oo uu wadahadalo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya . Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya. Maxay taasi Itoobiya uga dhigan tahay? Markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland, arrinta ugu weyn ee ay ku heshiiyeen ayaa ahayd in la dhiso deked ku teedsan badda cas iyo sidoo kale saldhig ciidamada badda. Inkasta oo nuxurka heshiisku aan si rasmi ah loo soo bandhigin, haddana Itoobiya ayaa heli lahayd bad dhan 20km. Taas beddelkeeda waxaa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland. Waxa ay ahayd in lagu fuliyo bil gudaheed balse wali lama hirgelin. Madaxweynahii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo heshiiska la saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa doorashadii cusbeyd kaga guuleystay musharaxii mucaaradka. Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis uu garwadeen ka yahay Turkiga, lama oga halka uu ku dambeyn doono heshiiskaasi dhinaca badda. Dalalka Geeska Afrika, wadamada awoodda leh ee aduunka ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Djibouti, Soomaaliya iyo Kenya. Itoobiya waxa ay tababaraysay ciidan badeed oo la kala diray sanado badan ka hor si ay u daboolaan baahideeda gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna horay uma soo bandhigin inay rabaan inay Itoobiya siiyaan saldhig badda ah marka laga reebo dekedaha. Markii heshiiska lala gaaray Eritrea, saldhigga Casab ayaa ujeedooyinkaasi in uu buuxiyo loogu talagalay, hase ahaatee, laguma guulaysan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in tani ay tahay sababta ugu weyn ee saraakiisha Itoobiya ay u tageen Soomaaliya. Waxa kale oo jira kuwa sheegaya in tani ay tahay sabab kale oo Itoobiya ay u diiday inay Jabuuti siiso dekedda Tajura. In jawaab loo helo su’aashan waa mid adag. Haddaba ma la dhihi karaa Itoobiya waxay aqbashay yaboohii Soomaaliya? Way adag tahay in hadda la fahmo arintaas. Laakin u dhawaanshaha, badda iyo sifooyinka wanaagsan ee lagu gaarayo biyaha iyo kuwa kaleba, Itoobiya waxay hore u dalbanaysay Badda Cas. Sida heshiiskoodu dhigayo, Itoobiya ma heli kartaa marinka badda cas ah iyadoon ku xad-gudbin madax-bannaanida Soomaaliya? Taas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya haddii masuuliyiinta maamulada Soomaalidu ay la shaqeeyaan maamulka ka jira Muqdisho. Welina ma jirto wax muujinaya arrintan. Bbcsomali Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia – A new African Union (AU) peace support operation officially commenced in Somalia on January 1, 2025. This mission, however, the third consecutive deployment in the country, faces a familiar challenge: uncertain funding, echoing the financial struggles of its predecessors. The new operation, the African Union Stabilization and Support Mission in Somalia (AUSSOM), succeeded the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Its mandate focuses on assisting in Somali state-building and countering Al-Shabaab and other terrorist groups. A novel funding mechanism has been established to address the persistent financial hurdles that plagued previous missions. This mechanism allows the United Nations (UN) to levy member states for 75% of the mission’s annual costs, with the AU covering the remaining 25%. This arrangement was formalized through the UN Security Council Resolution (UNSC) 2719. The Security Council’s decision in December 2024 to establish AUSSOM (Resolution 2767) acknowledged the potential use of this co-funding mechanism. However, a six-month gap was stipulated between the mission’s commencement and the implementation of that mechanism. The United States government has argued that the appropriate time for the direct application of Resolution 2719 in Somalia has not yet arrived. A Security Council meeting is anticipated in May to determine AUSSOM’s funding, hoping the new financial arrangement will be approved. Political, operational, and coordination challenges While funding remains AUSSOM’s primary concern, other challenges persist, particularly concerning political, operational, and peacekeeping coordination. AUSSOM operates amid regional political tensions. Ethiopia, a crucial contributor to ATMIS, has entered a dispute with Somalia following Addis Ababa’s memorandum of understanding with Somaliland, which claims independence from Somalia. Turkish mediation has eased the tension, enabling Ethiopia to participate in the new AUSSOM mission. The mission launched with all troop—and police-contributing countries from ATMIS except Burundi, which withdrew due to disagreements over troop allocation. Egypt’s potential participation is also being considered, but a formal agreement on AUSSOM’s force structure is pending. Funding continues to be the key obstacle Previous missions, such as AMISOM and ATMIS, relied heavily on international donor funding. The European Union (EU) provided troop stipends, while the UN, through the UN Support Office in Somalia (UNSOS), assisted with logistics and military equipment for Somalia and peacekeeping operations. However, this funding model proved inconsistent, unreliable, and insufficient for the extensive mission in Somalia. Somalia has struggled with state-building, including ratifying a new constitution and establishing functional security institutions. These financial and security challenges impacted the effectiveness of previous missions, leading to troop salary delays and a lack of control in areas cleared of Al-Shabaab. AUSSOM now faces similar challenges. Despite the passage of Resolution 2719 in December 2023, financial obstacles impede the disbursement of allocated funds. Accessing Resolution 2719 funding is contingent on fulfilling prerequisites outlined in the UN and AU Roadmap for its implementation. To resolve this, the Security Council is expected to vote on AUSSOM’s funding in May, following a review of two key reports prepared by the UN Secretary-General. AUSSOM funding and the US role Shifts in US policy, particularly during a potential second term of President Donald Trump, could jeopardize mission funding. His administration has signaled a retreat from previous commitments to international peacekeeping support, which could affect funding for the Somalia mission. The Chairman of the US Senate Foreign Relations Committee stated on February 11 that “Resolution 2719 should not be the funding mechanism for AUSSOM, as this would require the US to provide permanent funding,” raising questions about the US role in UN peacekeeping support. If the US reduces its funding role, it could significantly diminish AU and UN support for Somalia. Therefore, the UN-AU Joint Committee must expedite the implementation of the Roadmap’s prerequisites to activate Resolution 2719. The African Union must prepare contingency plans should Resolution 2719 funding be delayed or halted, exploring options to scale down the mission. Additionally, the AU should intensify dialogue with the Security Council, particularly the US, to ensure continued mission funding. Now a Security Council member, Somalia can leverage this position to strengthen efforts to secure AUSSOM funding. The funding uncertainty for AUSSOM highlights a critical challenge in financing African peace and security operations. Africa must develop an effective strategy to reduce reliance on external funding and strengthen the AU’s role in continental security. This report, published by DefenseWeb, was jointly authored by Tamrat Zeyede (Intern Researcher), Dawit Yohannes (Project Manager and Senior Researcher, ISS Addis Ababa), Meressa Kahsu (Senior Researcher and Outreach Coordinator), Tsion Belay Alene (Researcher, ISS Addis Ababa), and Emmaculate A Liaga (Researcher, ISS Addis Ababa). The post Somalia: Funding for AU plan faces major hurdles appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — The U.S. Embassy in Somalia issued a security alert on Tuesday evening, warning of “potential imminent attacks” targeting multiple locations, including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. The advisory follows a surge in Al-Shabaab attacks across central Somalia, where militants have launched coordinated assaults, seized key towns, and advanced closer to the capital. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada dalka Sacuudiga kuwaasoo qaarkood lagu xukumay dil. Qaar ka mid ah maxaabiistan ayaa lagu eedeeyay ka ganacsiga mukhaadaraadka halka kuwo kalena loo heysto danbiyo kale. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/76241816-49f9-4958-ee39-08dd4a81f35f_32k.mp3 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay guddi uu u xil-saaray abaabulka dagaalka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Xubnaha guddiga ayaa u badan xildhibaanno ka tirsan BFS. Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa ka soo jeeda deegaanada HirShabeelle iyo Galmudug, waxayna gaarayaan shan xubnood, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shaqada uu guddigaasi toos u qaban doono waa abaabulka ciidamada deegaanka ee Macawiisley. Xubnaha guddiga uu magacaabay Xasan Sheekh ee loo xil-saaray abaabulka beelaha dega Sh/Dhexe si ay isaga dhiciyaan Khawaarijta waa shan, waxayna kala yihiin: 1 – Senator Afcadey 2 – Xildhibaan Cismaan Xaadoole 3 – Xildhibaan Maxamed Cajiib 4 – Xildhibaan Maxamuud Abuukar 5 – Iyo sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macalin Mukhtaar Guddigaan ayaa madaxweynaha wakiil uga noqonaya abaabulka dagaalka, taakulada ciidanka, iyo qorshe kasta oo looga hortegayo weerarrada is-dabajoogga ah ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab oo dooneysa inay isku fidiso gobolka Shabeellaha Dhexe. Saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga ayaa horay ugu sugnaa gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo kala ah: Taliyaha Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, Korneyl Xasan Shuute Intaas waxaa dheer kulamo is-dabajoog ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay dhinacyada ay ka go’do talada deegaanada ay Shabaab soo galeen ee HirShabeelle. Wuxuu madaxweynuhu ka dalbaday dhinacyadii uu la kulmay inay abaabulaan howlgalka oo garab siiyaan ciidamada qaranka. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ciidamada qaranka ku amray in saacado gudahood ay HirShabeelle uga nadiifiyaan Khawaarijta. Iyadoo amarka madaxweynaha laga jawaabayo, ayaa maanta weerar culus lagu qaaday Ceelbaraf, waxaana ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa. Mar kale, waxaa la sheegay in caawa ay Ceelbaraf ku soo laabteen Al-Shabaab, kadib markii galabta maqribkii ay dib uga gurteen ciidamadii xoreeyey oo weerarro teel teel ah kala kulmay Shabaab ugu dhuuntay guryaha magaalada. Dhanka Daarunicma, waxaa caawa ka socota duqeyn xoog leh. Magaalada ayaa gubaneysa, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, si la mid ah Ceelbaraf, oo guryihii iyo goobihii ganacsiga duqeymo lagu burburiyey kadib markii gabaad ka dhigteen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada. The post Xog: Xasan oo guddi culus u magacaabay qorshe ay DF ka bilaabeyso Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
MADAXWEYNEYAASHU DADKA AY XILKA U MAGACAABAAN INTOODA BADAN MA YAQAANAAN OO LAMAY SOO SHAQAYN WAA LOO KEENAA. Adduunka horuu maray dawladahan adkaaday qofka xilka qabanayaa waa qof isasoo saaray oo dhisan lana yaqaano halka innaga kii denbiilaha ahaa ee tuugga ahaa ee cadawga ahaa uu innagu soo noqnoqonayo dadka noocaas ah waxa innoo keenayaa waa odayaasheennii iyo dadkii aqoonta la bidayay oo dabada ka Wada tuuggii in xil loo dhiibo mushkilddaasnna waxa lagaga bixi karaa marka danaysiga laga ogaado ee dalka loo soo jeesto. Madaxweyneyaasha waxa haysata dhibaato aanaynaan dhammayn karayn waxa ugu yar wasiir uu xil u dhiibay oo awooddii ku takrifalaya inaanuu danta ummadda awgeed muddo dheer aanuu waxba ka qabanin ama aanuu eryin Waayo kuwii keenay ayaa daba socda sidaas awgeed ilaa ummaddu ay nacdo oo laga qayliyo lama eryi karo, waddankeennu weli awood umuu yelan anshaxmarinta daallinka qarsoon ee xilka haya insha allaah waxaynu gaadhidoonnaa masuuliyiinta qaldamay inay is casilaan oo ay diinta iyo dhaqanka raacaan madaxweyneyaasha dhibaatada haystaa ma yara waxa hor yaal boqol god oo dhaadheer oo uu is leeyahay haddaad kaas buuxisid kaasaad ku dhici iyo haddaad kaa dhaaftid waad ku turuturroon sidaas awgeed daalinka qarsoon ee xilka haya waxa lagaga adkaan karaa iyadoo ummaddu danteeda u midawda. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Ceelbaraf (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo cir iyo dhul ah, laguna jebiyey Al-Shabaab, ayaa ka socda deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle. Galabta ilaa caawa, duqeymo aan kala joogsi lahayn ayaa ka socda Ceelbaraf iyo Daarunicma. Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo dhowr jiho ka soo galay ayaa maanta weeraray Ceelbaraf, waxaana halkaas lagu laayey Shabaab badan. Ciidamada dadka deegaanka ayaa dib loo soo abaabulay, Macawiisleyda reer Hiiraan oo maalin ka hor uu rasaas u qeybiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa maanta ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday Ceelbaraf. Qeyb kamid ah Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidamada ay ku hor carareen oo deegaanka ay isaga baxeen, halka guryaha magaalada Ceelbaraf ay isku dhex-qariyeen Shabaab-kii ugu badnaa ee maalmahaan deegaankaas joogay. Gabal-dhicii galabta ayaa la sheegay in weerar uu ka bilowday gudaha magaalada, maadaama Al-Shabaab ay galeen guryaha, ciidankuna ay u maleeyeen inay jabiyeen oo iska baxeen. Magaalada Ceelbaraf ayaa gubaneysa caawa, kadib markii maanta duqeymo xoog leh ay ku garaaceen diyaaradaha dagaalka. Guryihii shacabka iyo goobihii ganacsiga Ceelbaraf ayuu dab is qabsaday, sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay magaaladaas. Ciidamada ayaa caawa fiidkii hore dib uga gurtay degmada Ceelbaraf, waxaana la sheegay in caawa ay ku jirto gacanta Al-Shabaab. Duqeymaha ayaa si is-dabajoog ah uga dhacaya aaggaas. Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in maanta looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf. Saddex gaari oo ka baxay Biyacadde, una gurmanayey Shabaab-kii lagu weeraray Ceelbaraf, ayaa sida ay Caasimada Online u xaqiijisay, lala helay gantaalo, halkaasna ay ku bas-beeleen. Dhinaca kale, deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, waxaa caawa ka dhacaysa duqeyn aan kala joogsi lahayn oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar, iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma. Deegaankaas waxaa joogta kooxda Al-Shabaab, oo dagaal la’aan la wareegtay maalmo ka hor, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada deegaanka oo aad u tiro yaraa. Qorshaha dowladda waa in maalmo kooban lagu soo afjaro Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. The post Warbixin: Maxaa galabta ka dhacay Ceelbaraf, caawana ka socda Daarunicma? appeared first on Caasimada Online.
-
Congratulations Dear Somalilanders, Also the Government of Israel has recognized the passport our country the Republic of Somaliland. In any case, the number of countries in the world that recognize the passport of the Republic of Somaliland is increasing and now 29 countries of the world can be visited to the passport of the Republic of Somaliland And it’s including the UK , the UAE , South Africa , Uganda , Tanzania , Kenya , Taiwan , Guinea And Ethiopia . Recently, the United Arab Emirates government has accepted for the first time in history that Somaliland citizens who hold the passport of the Republic of Somaliland will be granted a 2-year residency as well as tourist and work visas. Mohamed Abdikadir Qaran News
-
Ukrainian President Volodymyr Zelenskiy said on Tuesday his clash with Donald Trump last week was “regrettable”, that he was ready to work under the U.S. president’s leadership to bring lasting peace, and that it was “time to make things right”. “Our meeting in Washington, at the White House on Friday, did not go the way it was supposed to be. It is regrettable that it happened this way. It is time to make things right. We would like future cooperation and communication to be constructive,” the Ukrainian leader posted on X. Source Reuters Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland oo maanta la kulmay Xisbiga Kulmiye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 04.03.2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Mudane Maxamed Kahin Axmed, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Axmed Cabdi Dheere. Kulanka oo ahaa mid ay soo dalbadeen Hoggaanka Sare ee Kulmiye ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisu waxa ay ku qaabileen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye niyad-samaan, laab-furnaaan iyo hannaanka wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda haatan talada haysa. Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay isla markaana lagu gorfeeyey arrimo door ah oo mudnaan u leh Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ka mid yihiin: 1. Ka wada shaqaynta amniga, xasiloonida iyo difaaca Qaranka, 2. Adkaynta midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland, 3. Qabyo-tirka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dalka, Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha la wadaageen talooyin guud oo la xidhiidha xaaladaha haatan taagan ee xagga amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sida oo kale, Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo weliba tiro-koobka madax taabashada ah ee dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhimadda ay leedahay in laga gudbo khilaafaadka siyaasadeed si loo helo Somaliland u midaysan horumarkeeda meelna uga soo wada jeestada cadawgeeda, isla markaana loo xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyada iyo baahida loo qabo hannaan doorasho oo hufan oo caddaalad ah, iyada oo la xoojinayo sharcinimada hay’adaha dalka ee dimuqraadiga ah. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye mar kale u xaqiijiyey in albaabkiisu uu mar walba u furan yahay iyaga iyo Xisbiyada kale ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝m Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ka dhacay kulanka labaad ee aan caadi ahayn ee Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa looga dooday ajendaha fadhiyada todobaadka labaad ee kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa-guray shuruucda horumarinta ee u leh Golaha, iyadoo xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen Xildhibaanada fasax la’aanta ka maqan fadhiyada Golaha. Intii uu socday kulankan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha laga soo bilaabo kalfadhigii koowaad iyo waxyaabihii u qabsoomay. Kulankan waxaa Guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow. Kulamada Guddiga Joogtada ayaa inta badan lagu ajendeeya fadhiyada Golaha, kuwaas oo dhawaan ka dhacay buuq iyo dooddo adag oo la xiriira xiisadda Jubbaland, taasoo haatan ay si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shalay ayaa Golaha Shacabka soo gaba-gabeeyay dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaanada ka tirsan Golaha, taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarrada Xildhibaanada, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay Dowladda Federaalka ka hor istaagtay safaro ay ku aadi lahaayeen Jubbaland. The post Maxaa kasoo baxay kulanka maanta ka dhacay Villa Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.
-
DHUSAMAREB, Somalia – In a move that’s set tongues wagging across Somalia, Mohamed Abdi Hassan, better known as “Afweyne” (Big Mouth), has clinched a seat in the country’s Federal Parliament. The former piracy suspect, recently freed from a decade-long Belgian prison stint, won the HOP248 seat in Dhusamareb, the heart of Galmudug State. The seat opened after Saadaq Omar Hassan (Saadaq Joon) transitioned from Parliament to a key role as Deputy Director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA). A past that casts a long shadow Afweyne’s election isn’t just a political footnote; given his checkered past, it’s a headline-grabber. Back in 2013, he and an associate, Mohamed Adan Tiiceey, were dramatically arrested at Brussels Airport, fresh off a flight from Nairobi. Belgian prosecutors alleged they were the masterminds behind the 2009 hijacking of the Belgian vessel Pompei. The sting operation, as it were, had all the makings of a Hollywood thriller. Undercover Belgian cops reportedly posed as filmmakers, luring Afweyne and Tiiceey with the promise of a movie deal about Somali piracy. “They were told they were signing a film contract, but instead, they faced charges for the Pompei hijacking,” a Belgian prosecutor stated at the time. Both men vehemently denied the piracy charges. Belgian authorities have stated that they used the guise of a film consultation to secure the arrest of the two men. Upon his return to Mogadishu, Afweyne was greeted like a returning hero. Politicians, business moguls, traditional elders, and cheering crowds flocked to the airport. Telling his story: Life behind bars Afweyne’s homecoming wasn’t just about handshakes and photo ops. He held a series of emotional public gatherings in Mogadishu and Cadaado, where he opened up about his grueling prison experience. “My cell was like a vault, a cramped space with a 900-kilogram door,” he recounted, his voice heavy. “It was like living in a grave. You’re utterly alone, just you and God.” He reserved special thanks for the former Somali ambassador to the European Union, Yoonis Yaasiin Haashi, whom he described as a pillar of support during his incarceration. Afweyne also pledged to contribute to Somalia’s rebuilding efforts. He is a local businessman from Cadaado with a history of involvement in regional development projects. This history of local involvement explains the large welcoming crowds. During his welcoming ceremonies, he was called a “businessman” and a “leader,” starkly contrasting the piracy allegations. From accused pirate to elected official Afweyne’s election to Parliament follows a directive from House Speaker Sheikh Adan Madobe, who urged the electoral commission to fill vacant seats. The election raises complex questions about reconciliation and political realities in Somalia. It highlights the fluid lines between alleged criminal activity and political participation in a nation grappling with instability. Somalia’s coastline became synonymous with piracy in the late 2000s, a symptom of the country’s protracted instability. The Pompei hijacking was just one of many incidents that disrupted global shipping. Like much of Somalia, Galmudug is a patchwork of clan loyalties and political factions. Afweyne’s election underscores the intricate dance between local power dynamics and national politics. The Somalian Parliament is attempting to stabilize the nation by filling open seats. The post From jail to parliament: Afweyne rises in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Taxane telefishin oo ku saabsan nolosha mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee Islaamka, oo lagu tilmaamay inuu yahay taxanihii ugu qaalisanaa ee abid laga sameeyo dunida Carabta, ayaa ka dhex abuuray muran xooggan dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Masar iyo kuwa kale oo Carbeed. Labadii qaybood ee ugu horreeyay ee taxnaha Mucaawiya, oo ah taxane 30-qaybood ah oo la sii daynayo bisha Ramadan, ayaa hawada galay toddobaadkan. Taxanaha, oo ay maalgelisay shirkadda warbaahinta MBC, oo ay leedahay dowladda Sacuudiga, ayaa la sheegay inuu ku kacay lacag u dhexeysa $75 milyan ilaa $100 milyan, waxaana lagu duubay dalka Tunisia. Filimkan waxaa qoray suxufiga reer Masar Khaled Salah, halka uu agaasimay filim-sameeyaha Tarek al-Arian, oo asal ahaan reer Falastiin ah balse haysta dhalashada Mareykanka. Xayiraadda iyo muranka taxanaha Doodda ka dhalatay taxanaha ayaa sababtay in Ciraaq si rasmi ah u mamnuucdo baahinta taxanaha, iyadoo laga cabsi qabo inuu kiciyo xiisado mad-habeed. “Baahinta waxyaabaha taariikhiyan muranka dhaliyay waxay dhalin karaan dood mad-habeed, taasoo halis gelin karta wadajirka bulshada, gaar ahaan xilliga bisha Ramadan,” sida ay sheegeen Guddiga Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee Ciraaq Sabtidii la soo dhaafay. Guddigu wuxuu amar ku bixiyay in MBC Ciraaq aysan baahin karin taxanaha, inkasta oo wali laga daawan karo madalkeeda dijitaalka ah ee Shahid. Muranka taxanaha Mucaawiya wuxuu soo jiray muddo dheer, iyadoo labo sano ka hor, hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq Muqtada al-Sadr uu si cad u dalbaday in la joojiyo mashruucan. Sadr wuxuu Mucaawiya ku tilmaamay “aabihii kala-qaybsanaanta mad-habta Islaamka, qofkii ugu horreeyay ee diiday hoggaamiyaha Muslimiinta xilligii uu noolaa, una tafaxaytay burburinta midnimada Islaamka.” Wuxuu sidoo kale sheegay in baahinta taxanaha ay ka hor imanayso siyaasadihii dhex-dhexaadnimada ee Sacuudiga qaatay, isaga oo ugu baaqay Riyadh in aysan dhaawicin dareenka Muslimiinta. Dhanka kale, telefishinka Al-Sha’aer ee Ciraaq ayaa ku hanjabay in jawaab celin ahaan ay iyaguna sameyn doonaan taxane ku saabsan Abu Lu’lu’a Firuz, oo ahaa ninkii ajnabi ee dilay Cumar bin Khattab, khaliifkii labaad ee Islaamka. Sadr, si uu u yareeyo xiisadda, wuxuu cambaareeyay labadaba taxanaha Mucaawiya iyo taxanaha la qorsheeyay ee Abu Lu’lu’a Firuz, isaga oo yiri: “Labada taxane midna sax ma aha, waana kuwo hurinaya colaad mad-habeed. Mucaawiya ma matalo Sunniga, sida Abu Lu’lu’a uusan u matali karin Shiicada.” Waa kuma Mucaawiya ibn Abi Sufyan? Mucaawiya ibn Abi Sufyan waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muranka badan taariikhda Islaamka, gaar ahaan marka laga eego Shiicada. Wuxuu ku dhashay xilligii Nabi Muhammad NNKH, balse markii hore wuu ka soo horjeestay fariintiisa. Waalidkiis, Abu Sufyan iyo Hind bint Utba, waxay ahaayeen mucaaradkii ugu weynaa ee Islaamka. Sanadkii 630, markii Muslimiintu qabsadeen Maka, Mucaawiya iyo qoyskiisa waxay ku biireen Islaamka. Wuxuu noqday mid ka mid ah qorayaashii Qur’aanka ee Nabiga, wuxuuna kaalin ka qaatay fidinta Islaamka ee Shaam (Syria) kadib dhimashadii Nabiga. Khaliifkii saddexaad, Cuthmaan bin Caffaan, oo ay isku qabiil ahaayeen, wuxuu u magacaabay inuu noqdo waliiga Dimishiq. Kadib markii Cuthmaan la dilay, Mucaawiya wuxuu si adag uga hor yimid Cali bin Abi Daalib, oo loo doortay khaliifka afaraad ee Muslimiinta. Khilaafkooda wuxuu sababay Fitnadii Koowaad, taasoo gaartay heer dagaal culus oo ka dhacay Siffiin sanadkii 657. Kadib dilkii Cali sanadkii 661, Mucaawiya wuxuu la wareegay Masar, wuxuuna isu magacaabay khaliif, isagoo xarun ka dhigtay Dimishiq. Wiilkii Cali, Xasan bin Cali, oo si kooban loogu doortay khaliif kadib dhimashadii aabihiis, waxaa la sheegay in Mucaawiya uu ku qasbay inuu xilka ka dego. Sannado kadib, Xasan wuxuu u geeriyooday sun la siiyay, waxaana la rumeysan yahay in Mucaawiya uu amray dilkiisa si uu meesha uga saaro wax kasta oo halis ku ah xukunkiisa. Intii uu xukunka hayay, Muslimiintu waxay gaareen guulo militari oo ballaaran, iyagoo qabsaday dhulal ka tirsan Afrika, Anatolia, Bartamaha Aasiya iyo Iran. Si ka duwan khulafadii hore, Mucaawiya wuxuu sameeyay tallaabo muran dhalisay – wuxuuna wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiya u magacaabay dhaxal-sugaha xukunka, taasoo keentay in khilaafadu isu beddesho boqortooyo. Dhaxalka Mucaawiya wuxuu sababay khilaafkii labaad ee Islaamka (Fitnadii Labaad), taasoo ugu dambeyn horseedday dilkii Xuseen bin Cali ee Karbala, dhacdo aad muhiim ugu ah taariikhda Shiicada. Dad badan waxay u arkaan Mucaawiya inuu ahaa hoggaamiye caqli badan oo xoojiyay dawladnimada Islaamka, halka kuwa kale ay u arkaan inuu ahaa nin awood-doon ah oo u dhaqmay sidii boqor, halkii uu ka ahaan lahaa khaliif. Khilaafka muuqaalka shaqsiyaadka Islaamka Muranka kale ee taxanaha wuxuu la xiriiraa sida ay u matalayaan qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa taariikhda Islaamka. Professor Reda Abdel Wajid, oo ka tirsan jaamacadda Al-Azhar ee Masar, wuxuu sheegay in jaamacaddu aysan lahayn awood sharci ah oo ay ku mamnuuci karto filimka, balse ay diidan yihiin in la matalo asxaabta Nabiga NNKH. Hay’adda Dar al-Ifta ee Masar waxay sheegtay in matalaadda shaqsiyaadka taariikhiga ah ay bannaan tahay, haddii si karaamo leh loo soo bandhigo, balse 10-kii qof ee Nabigu Jannada ugu bishaareeyay lama matali karo. Muranka taariikhiga ah ee Mucaawiya ayaa weli taagan, taxanahanina wuxuu sii huriyay dooddii hore, taasoo muujineysa in xusuustiisa weli ay tahay mid xiisad abuureysa. The post Taxane ku saabsan Mucaawiya Ibnu Abi Sufyan oo xiisad ka dhex abuuray dalalka Carabta appeared first on Caasimada Online.
