-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gadiid dagaal oo fara badan kala wareegay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo uu soo bandhigay maamulka. Jubbaland ayaa shaacisay in gaadiidkan oo ah midkii ugu badnaa ee Imaaraadka uu halmar kasoo dejiyo dalka ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada maamulkaasi Deeqda Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa agab ciidan, sida ay shaacisay madaxtooyada dowlad-goboleedka Jubbaland. “Dowlada Jubaland ayaa dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. Gaadiidkan dagaal ee Imaaraadka uu geeyay maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in dowladda Imaaraadka ay gaadiidkan oo ah kii ugu badnaa ee uu halmar keeno dalka ay iyadu adeegsan doonto, halkaasi oo dhawaan ka dhisaneyso saldhiga milateri. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Imaaraadka uu la wareegayo garoonka diyaaradaha, dekedda Kismaayo iyo dhulbaaxad weyn leh oo maamulka Jubbaland ah. Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa dhismaha ciidanka, ayada oo saameyntoodii ee gudaha Soomaaliya ay dib usoo laabatay tan iyo wixii ka dambeeyay isbadelkii 15-kii May ka dhacay dalka. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kal hore gaaray heshiis si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militariga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya. Heshiiska Imaaraadka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amniga. Soomaaliya ayaa marka ay hesho tababar sax ah oo dhanka ciidamada iyo saanad muhiimka u ah ayaa waxay yeelan doonta awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amniga ee gudaha iyo dibadda, sida ay qabaan madaxda dalka. The post Sawirro: Imaaraadka oo gadiid dagaal oo aad u badan ka dejiyay Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
African Union urges nearly $90 million for its Somali force
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
UNITED NATIONS (AP) — The African Union appealed for nearly $90 million Wednesday for its peacekeeping force in Somalia, which is providing support to its military forces battling al-Shabab extremists. Source: Hiiraan Online -
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta. Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu. Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa rejo wanaag ka muujisay dadaaladda ay dowladda Soomaaliya ku rabto in looga qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inay qaadeyso tallaabooyin muhiim ah “si loo daboolo halbeegyada cuna-qabateynta.” “Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka la mahadiyo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Wax ka-bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo,” ayuu yiri safiirka Mareykanka, Larry Andre. Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxa uu xusay in maaraynta hubka ay xilligaan Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Amaanka ee QM ee qaadista nidaamka cuna-qabataynta saaran dalkeenna. “Shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo ciidamada Amniga Soomaaliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo rasaas duugowday, oo aan la isticmaali karin iyo kuwa xasiloon.” Andre ayaa sheegay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay in uu sii wado taageerada Soomaaliya iyo in la xaqiijiyo in ciidamadeeda ay helaan hubka ay u baahan yihiin, si uu uguuleysto dagaalka ay dowladda ku cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab. “Iskaashigayadu waxa uu tababaray in ka badan 225 shaqaale ah iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa’iidaysto (oo aysan u gelin gacmo qaldan) si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan. Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka. The post Mareykanka oo war farxad leh kasoo saaray xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa baaris ku haya shirkado lagu tuhmayo in ay sameeyaan documents been abuur ah si ay uga qeyb galaan Tartanka adeegga Xajka, oo sanad waliba ay qabato wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta, magacyada shirkadahaan ayaa waxaa hore u gudbiyay Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta sheegtay inay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF u magacowday madaxa dowladda ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray kadib heshiiskii soo afjaray laba sano oo dagaal qaraar ah. “Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu u magacaabay Getachew Reda madaxweynaha maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray,” waxaa sidaas bayaan lasoo dhigay twitter-ka ku yiri xafiiska Abiy. Magacaabista ayaa timid maalin un kadib markii baarlamanka Ethiopia uu kooxda TPLF ka saaray liiska rasmiga ah ee ururada argagixisada, taasi oo ah tallaabo lagu xoojinayo heshiiska nabadeed ee dowladda iyo mucaaradka ay gaareen November 2022. TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay. Getachew, oo la-taliye u ah hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa sidoo kale mar ahaa wasiirka isgaarsiinta dowladda federaalka, xilligii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn, oo xukunka hayey 2012 illaa 2018. Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka. Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan. Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka. Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea. © AFP, VOA The post Gobolka Tigray oo maanta yeeshay madaxweyne cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay baaris ku bilowday qaar ka mid ah shirkaha ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta tartankii loogu jiray adeegga Xajka. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan dhowr shirkadood oo ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan rtankii loogu jiray Xajka. “Xafiiska xeer-ilaliya guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Sido kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla-markaana lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale fartay hay’adaha shaqada ku leh arrintan inay si deg-deg ah xafiiska ugu soo gudbiyaan warbixinada la xiriira baaritaankaasi. “Xafiisku waxa uu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay si deg-deg ah usoo gudbiyaan dhammaan warbixinada khuseeya baaristaanka,” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale diginiin u diray dhamman shirkada iyo shaqsiyaadka isku haya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan. “Wuxuu xafiisku halkan digniin culus ugu dirayaa dhammaan shirkadaha iyo dadka isku dayaya been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan ,” ayaa markale lagu yiri Ugu dambeyn xafiiska ilaaliyaha Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in warbixinada la xiriira dambiyada ay usoo gudbiyaan xafiiska. The post DF oo baaris ku billowday shirkado sameeyay arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan Bajaajleyda, arrimaha amniga iyo dagaalka Shabaab. Ugu horreyn Golaha ayaa warbixin gaar ah ka dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta. Guddigan oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban illaa 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan Bajaajleydu. Golaha ayaa ballan-qaaday in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax looga qabto dilalka joogta ah ee ay la kulmaaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta. Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Sidoo kale Golaha Wasiirad ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay fuliso Al-Shabaab. Xalay ayaa ugu dambeysay kooxda Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan ku garaacay xaafado ka tirsan caasimada, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jabiyay dagaallada ka socda gobollada dalka. The post Golaha wasiirada DF oo loo gudbiyay arrin xasarad badan ka abuurtay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
President Hassan Sheikh Mohamud: “There are thousands of fishing trawlers engaged in illegal fishing in Somali seas. We have no capacity to deal with them.” Mogadishu (PP Editorial) — President Hassan Sheikh Mohamud has had to candidly talk about how illegal fishing is depleting Somali seas. “There are thousands of fishing trawlers engaged in illegal fishing in Somali seas. We have no capacity to deal with them” President Mohamud said. Last year, the Somalia Federal Government of Somalia issued a decree barring sub-national entities from issuing fishing licences The decree stated that only the Federal Government of Somalia had the powers to enter fishing agreements with foreign companies. The realisation on the part of President Mohamud that Somalia is a country without coastal guards contradicts what he said a week ago to the effect that “Somalia will exploit its natural resources”. The Federal Government of Somalia has legitimacy in the form of international recognition that the incumbent leaders could use to damage the national interest by signing underhand, resource-related agreements. Aware of the institutional impotence and absence of institutional memory some key donors are keen to turn Somalia into a client state whose leaders get bullied or deceived into signing agreements that sell Somalia short. Proceeds from fishing licences that different authorities issue to foreign trawlers remain unaccounted for. The federal Government of Somalia granted fishing licences to Chinese companies but no government has so far shared details about how fishing licence fees were used. For some unscrupulous politicians the legitimacy of the Federal Government is a licence to print money. In 2022 the petroleum minister signed an illegal resource-sharing agreement with Coastline Exploration despite a presidential decree barring the signing of the agreement during the transitional period in place. The government of President Mohamud claimed it had harmonised the resource-sharing agreement, a decision that benefited the beneficiary company but sold Somalia short. This type of the agreement is what the International Partners of Somalia view as a viable state-building initiative. Somalia will not benefit from debt forgiveness if its national interest is subsumed under the agenda of donor countries using the legitimacy of the Federal Government of Somalia as a means to advance their national interests at the expense of Somali citizens. Two weeks ago, in Kismaayo, President Mohamud defended what he argued to be “the representative nature of the federal institutions.” Only the Federal Members States and other stakeholders can rein in the myopic leadership of the Federal Government of Somalia if the former rises to the challenge. © Puntland Post, 2023 The post Somalia Is Unable to Deal with Widespread Illegal Fishing in Its Seas appeared first on Puntland Post.
-
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Guddiga oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ay soo bandhigeen tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleyda. Dhanka kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada la dagaalanka Al-shabaab, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay taagan tahay degmada Afmadow ee gobolkaasi, kadib markii uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo sababay dhimasho fara badan. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maamulka Jubbaland, Mudane Maxamed Cismaan Jeemis oo la hadlay warbaahinta ayaa ka deyriyay xaaladda degmada Afmadow, gaar ahaan dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka. Jeemis ayaa xaqiijiyay in cudurka ay u dhinteen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn, isla-markaana ay sii kordhinayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gureen Ceelashii biyaha macaanaa ee ku yaallay degmada, taasina ay uga sii dareyso xaaladda ka jirta galkaasi. “Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha macaan ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah taas oo sii kordhineysa in cudurka uu kordho dadka uu soo rosanayo” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cismaan Jeemis. Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka, ganacsatada iyo shacabka, isaga oo ka codsaday inay u gurmadaan dadkaasi. Dhanka kae Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale booqday Afmadow, waxayna gaarsiiyeen deeq daawo ah iyo raashin. Xaaladda Afmadow ayaa haatan mid adag, waxaana sidoo kale magaalada dareemayaa xaalado bani’aadanimo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Afmadow ayaa waxaa sidoo kale dhibaato ku haya kooxda Al-Shabaab oo ku sugan hareeraha degmadaas oo dhowr jeer oo hore ay weeraro culus kusoo qaadeen. The post Ku dhowaad 20 qof oo ku geeriyooday AFMADOW appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya's media regulator has threatened to withdraw broadcast licenses of local media houses if they don't "exercise caution" while covering opposition protests. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin. Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka. “Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay in 60 milyan oo dollar oo Midowga Yurub uu ka dhimay dhaqaalihii uu ku bixin jiray sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray ‘dano tartamaya.” Adeoye ayaa ka qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS. Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalkan ay gacan ka geysan doonaan taageerada dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub. VOPA + AFP. The post Malaayiin dollar oo loo raadinayo ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose waxaa fara ba’an ku haya xanuunka Shuban biyoodka, waxaa ilaa iyo hadda jira dad ugu geeriyooday xanuun, iyadoo la guda galay xilli Roobaadka Gu’ga. Sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka waxaa xanuun Shuban Biyoodka ee ka dilaalacay degmada ugu geeriyooday ilaa iyo 17 ruux, kuwaasoo caruur iyo dad da’ ah inta isugu jira sida la sheegay. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo Shuban Biyoodka ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa. “Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha maca ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Shuban Biyoodka ka dilaacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli gobolka qeybo kamid ah ay ka da’ayaan Roobka Gu’ga, dadka ku nool gobolka ayaa wali waxaa ka muuqata saameynta abaarta ku dhufatay gobolka, waxaana sidoo kale guray Ceelashii biyaha laga cabijiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toronto (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacay bariga magaalada Toronto ee dalka Canada. Weerarkan ayaa waxaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay laba qof oo marxuumka la socotay, walow aysan boolisku shaacin halka ay asal ahaan kasoo jeedaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah labada la dhaawacay uu Soomaali yahay, kaas oo loola cararay isbitaaka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Madar Xasan oo 21 sano jir ahaa, waxaana la toogtay isaga oo ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taalla Toronto. Booliska ayaa haatan wada baaris ku aadan dhacdadaasi, waxaana falkan loo soo xiray Axmed Maxamed iyo Samiir, kadib markii ay soo bexeen tuhuno muujinaya inay ku lug lahaayeen weerarkan. Saraakiisha booliska ma shaacin sawirrada labada eedeysane ee lasoo xiray iyo sidoo kale wadamada ay u dhasheen. Sidoo kale waxa ay baarayaashu codsadeen in lasoo xiriiraan dadkii ka agdhowaa goobta uu falka ka dhacay, si ay ula wadaagaan xogaha ay hayaan, una fududaato in gacanta lagu soo dhigo danbiilayaasha. Waa dilkii labaad oo maalmo gudahood loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Canada, waxayna aheyd todobaadkii hore markii magaalada Edmonton lagu aasay Usaama Ibraahim oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Si kastaba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada, gaar ahaan dhalinyarada ayaa la daala dhacaya dhibaatooyin, ayada oo uu sii kordhay beegsiga iyo dilalka lagu haayo. The post Wiil Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Canada appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Sucuudiga Faisal bin Farhan Al Saud iyo Iran Hossein Amir-Abdollahian oo khadka telefoonka ku wada xidhiidhay si ay isugu hambalyeeyaan curashada bisha barakaysan ee Ramaanta ayaa isla qaatay inay si degdeg ah kulan fool-ka-fool ah u yeeshaan si loo sii amba-qaado meelmarinta heshiiskii ay dawladda Shiinuhu ka odayeysay ee dib loogu soo celiyey xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey labadan wadan ee xafiiltanka weyni ka dhexeeyo. Source
-
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ayaa soo saartay digniino ku aadan curashada Roobka Gu’a oo qeybo ka mid ah gobollada dalka ka da’aya, hey’adda ayaa sheegtay in todobaadka soo aadan laga yaabo in Roobab ay ka di’ikaraan gobollada Bokool, Galgaduud iyo Jubbada hoose. Hey’adda ayaa dhanka kale xustay in deegaannada hoostaga gobollada Sanaag, Bay, Jubbada hoose iyo Gedo ay heli karaan Roobab, waxaana digniinahaan ay kusoo aadayaan iyadoo todobaadkaan Roobab ka da’ay Baardheere ay ku geeriyoodeen 10 ruux, halka sidoo kale dad lagu waayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa markale maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo diray baaq culsu. Karaash ayaa marka hore farriin u diray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan amniga inta lagu jiro Ramadaan. “Hay’adaha amniga waxaan kula dardaarmayaa inay adkeeyaan bishatan nabad-gelyada oo dadaal dheeraad ah muujiyaan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntand ay aad uga xuntahay shacabka la barakciyay magaaladaasi ee haatan ku soomayo, xaalado adag oo dhanka nolosha ah. “Laascaanood dhibaatada ka socota aad iyo aad ayaan uga xunahay dadka reer Laascaanood ee aan ku soomeyn guryahoodii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale waxa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahana reer Puntland, isaga oo ka dalbaday inay gurmad u fidiyaan dadka reer Laascaanood. “Waxaan kula dardaarmayaa dadka reer Puntland, inay afuriyaan dadka kasoo barakacay Laascaanood oo ay ka warqabaan,” ayuu markale yiri Axme Karaash. Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ka hadashay arrinta magaalada Laascaanood, waxayna eedeym xoogan kala kulantay maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana dagaalka uu galay bishii labaad oo xiriir ah, ayada oo labada dhinac ay ka biyo diideen hirgelinta xabad joojinta. The post PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
