Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Kenyan court has dismissed an appeal by two men who are serving long sentences for their role in the 2015 Garissa University College attack, which left 148 people dead. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ay sheegeen inay sababtay talo xumo ay sameeyeen labada dhinac ee isku haya halkaasi. Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay colaadda sii daba-dheeraneysa ee Laascaanood inay masuuliyadeeda leeyihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood. Faysal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muddo ka badan bil uu qaato xal u helida dagaalka Laascaanood, isaga oo usoo jeediyay labada dhinac ay dhaqan-geliyaan xabad joojin bilaa shuruud ah, si la iskugu yimaado miiska wada-hadalka. “Waxaan garaadada leeyahay Alle ka cabsada, umada masaakiinta ah ee guryahoodii ka qaxday maanta anoo ogaa barwaaqada ay ku noolaayeen, lagu qasbay in ay qaxooti noqdaan oo wax uuna Alle badine aad badeen madaxweynaha Somaliland taladiisii xumayd iyo idinka oo ka dhicin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. “Waxaa loo baahan yahay in xabad joojinta la ilaaliyo oo la wada-hadlo, ciidankana la geeyo meeshii la isku afgarto, waxaan soo jeedinayaa in ciidamada kale ee gurmad ahaan u yimid ay ka baxaan gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu meel adag iska taagay qorshaha looga soo horjeedo gooni-goosadka Somaliland iyo midnimada Soomaaliyeed ee lagu karkarinayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Somaliland la kala jar-jari maayo oo waxay ahaanaysa mid, mana dhaceyso in maamulo kale laga dhex sameeyo Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu kusoo noqdo Somaliland, isaga oo ka dalbaday xukuumadda inay la timaado qorshe ka duwan xabad oo xal kama dambeys ah looga gaadho xiisadda dagaal ee in ka badan bil ka taagan Laascaanood. The post Mucaaradka Somaliland oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa xalay waxa uu Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa sida aan xog ku helnay waxa uu yimid kadib markii ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen xarunta ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kooxda la weeraray ee Shabaabka ay wadeen qorshe ay weerar kusoo qaadaan Muqdisho, balse ay ka war-heleen booliska, kadibna ay weerar ku qaadeen. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka. Xog horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shabaabka laga dilay laba maleeshiyo, mid kalena laga dhaawacay, halka ciidamada Haramcad laga dhaawacay hal askari. War kasoo baxay Taliska markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagula wareegay xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Daynile, sidoo kalena dagaalkii ay la galeen ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen. “Ciidamada Haramcad waxay weerar lixaad leh ku qaadeen Saldhiga ay ururka Al-Shabaab ay dhawaan ka samaysteen Berta Ali Mahdi ee duleedka Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir , Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo kuwa nabadiidka ah, Weerarka oo billawday xilligii salaada Cishaha kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee Beerta Ali Mahadi,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska ee Haramcad Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.” Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka. Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ay weerareen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Dayniile, balse ay dib uga soo laabteen. The post Dagaal culus oo Haramcad iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmo ka tirsan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Waa askari katirsan Booliiska kaas oo qoriga ku taagaya nin ganacsade ah kadib markii uu u diiday inuu ka iibiyo sigaar iyadoo ramadaan tahay. Askariga ayaa ku amray ganacsadaha inuu ka iibiyo sigaar isaguna wuxuu ugu jawaabay Maya waa Ramadaan ee meel kale ka iibso. Kadib muuqaalka waxaa laga dhex arkayaa ninkan askariga ah oo qori ku eryanaya ganacsadaha. Qaran News
  5. Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah. Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere. Daadadka ayaa yimid xilli biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan. Dhowr qof ayaa horay ugu dhitay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere. PUNTLAND POST The post Daadad khasaare dhaliyay oo ku rogmaday degmada Baardheere appeared first on Puntland Post.
  6. PM Abiy wuxuu u magacaabay Getachew Reda madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee is maamulka Tirgay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu Getachew Reda u magacaabay madaxa maamulka kumeel gaarka ah ee dowlad deegaanka Tigray. Xafiiska ayaa sheegay in magacaabista magacaabista ay salka ku hayso go’aan uu soo saaray golaha shacabka ee maamulka kumeel gaadhka ah ee dawlad deegaanka Tigreega, kaas oo waafaqsan qodobka 62 (9) ee dastuurka iyo xeer Lr.359/1995, qodobkiisa. 14/2/B. Sidoo kale, qodobka 10(1) ee heshiiskii Joogtada ah ee joojinta colaada ee ay ku kala saxiixdeen magaalada Pretoria dowlada Federaalka iyo kooxda TPLF laguna soo afjaray khilaafkii November 02-dii ee sanadkii hore ayaa ku baaqay in la sameeyo maamul goboleed ku meel gaar ah oo loo dhan yahay. Sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha, golaha wasiiradu waxay kulmeen Sabtidii 18-kii Maarso waxayna soo saareen xeer lagu dhisayo “Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Tigray oo loo dhan yahay”, isagoo intaa ku daray in go’aanka RW Abiy uu salka ku hayo qodobka 3(2) ee uu magacaabay. Getachew inuu hogaamiyo maamulka ku meel gaadhka ah ee gobolka Tigray. Madaxa maamulka KMG ah ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta iyo isku xirka hay’adaha fulinta ee gobolka isagoo soo dhisay maamul loo dhan yahay oo xaqiijiya matalaadda xoogagga siyaasadeed ee kala duwan ee ka howlgala gobolka, ayuu yiri xafiisku. Shirkan ay yeesheen golaha wasiirada ayaa dhacay maalin kadib markii golaha dhexe ee ururka TPLF ay u doorteen Getachew oo ah xubin ka tirsan gudiga fulinta ee xisbigaasi inuu hogaamiyo maamulka kumeel gaadhka ah ee soo socda. Getachew ayaa helay 18 cod oo ka mid ah 41-ka xubnood ee golaha dhexe. Ku dhawaaqista RW Abiy ee maanta ayaa daba socotay go’aankii shalay kasoo baxay golaha shacabka Itoobiya ee ahaa in kooxda TPLF laga saaray liiska argagixisada . Go’aankan ayaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah, waxaana diiday 61, shan mudanena way ka aamuseen. AS Qaran News
  7. Golaha Isimmada SSC-Khaatumo qayb kamid ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa soo gaadhey magaalada Garoowe, iyaga oo halkan ka xaynaya Isimmo dhaqan oo ka socda beelaha Mogadishu Clan iyo Digil & Mirifle ee koonfurta Soomaaliya kuwaa oo tegeya magaalada Laascaanood, si ay u soo arkaan saameynta dagaalka isla markaasna wada-hadallo nabadeed uga dhex bilaabaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Isimmada dhaqanka Koonfureed oo taageero ka heleya DFS ayaa la filayaa in ay tagaan magaalada Hargeysa, si ay sidoo kale ula kulmaan madaxda Somaliland. Qaran News
  8. Gurigii Maxamed Jabuutaawi anigaa Degan, Sharci ayaan u haystaa, Cid iga saari Kartana ma jirto” Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh Siyaasi Ganacsade ah rs Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin guud ka bixisay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si bulshada Soomaaliyeed awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in qabsoomida doorashadaasi ay hortaagan tahay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu gacanta ku haysa qeybo kamid ah dalka. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay tahay caqabada u weyn doorashada qof iyo cod ah hortaagan, isaga oo xusay in kooxda si gaar ah u ugaarsato dadka doorashooyinka qeybta ka ah, ayna weli haystaan deegaanada qaar. “Kooxda Argagixisada ayaa hortaagan doorashada qof iyo cod ah, oo ka haysta deegaanada dad badan oo xaq u leh inay codeeyaan, kuwii codeyn lahaana hanjabaado iyo waa idin dileyn usoo gudbineysa, oo mararka qaarkood dilay dadkii ergada ahaa ee doorashada dadban kasoo qeyb-galay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in aysan macquul noqoneyn in deegaanada ay dowladda hadda maamusho kaliya doorashada laga qabto, islamarkaana uu dhigay hanaanka qof iyo codka ah in dalka oo dhan laga wada qabto doorashada oo aan laga tagin dadka ku nool degaannada ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab. “Intaas Malyan oo Al-Shabaab ku hoos nool waa laga tagay oo inta magaalooyinka joogta ayaa codeynaysa oo intiina cabsi ayay ku codeynayaan taasi suurtagal ma ahan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi. Waxa uu intaas sii raaciyay “Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aragtidiisa iyo dowladda waxay tahay in dalkaan sanadkaan iyo sanadaha soo socda wax Al-Shabaab la yiraahdo la iska ilaawo. Taas macnaheedu waxa weeyi laba sano markay dowladdan jirto waa laga taqalusay Shabaab.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ka dhabeynta qorshaha doorashada qof iyo cod oo ah hanaan doorashada dalka dib loogu celinayo gacmaha bulshada, si awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan. The post DF oo sheegtay ‘cidda hor-taagan’ in dalka ay ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’ appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomow. Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Roobow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan. “Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.” Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Roobow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda. Dooda u weyn ee Sheekh Soomow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay. Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan. Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka. The post Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Roobow appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - A heavy fight erupted on the outskirts of Mogadishu between Somali police unit Haramcad and Al-Shabaab militants on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku jirta isku diyaarintii u dambeysay ee wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay wajigii koowaad ee dagaalka lagu qaaday kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Haddaba, maxaa la filayaa inay dhacaan wajiga labaad ee dagaalkan? 1. Ciidan cusub: Illaa shan iyo toban kun oo askari ayay dowladda federaalka u diyaarineysa in lagu biiriyo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Ciidankan cusub ayaa la barayaa aas-aaska hanaanka ciidannimada iyo dagaalka furimaha. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka aqbashay madaxweynaha SOomaaliya inay ka kaalmeyso tababarada degdega ah ee ciidankan. Racii koowaad ee ciidankan waxaa lagu soo tababaray Uganda, waxaana durba la bilaabay in lagu soo celiyo dalka si ay uga qeyb noqdaan dagaalka. Ciidan yaridu halkaas ayay ku dhamaaneysa waana mid kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee la filayo wajiga koowaad ee dagaalka. 2. Dalalka safka hore: Shirkii dhawaan Muqdisho ka dhacay ee madaxda dalalka deriska la’ah Soomaaliya waxaa lagu go’aamiyay in Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay toos uga qeyb-qaatan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, maadaama kooxda ay tahay mid halis ku ah gobolka oo dhan. Waxaa la filayaa in dhawaan ciidanka dalalkaas ah in uu dalka soo galo, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay wajiga labaad ee dagaalka uga qeyb-qaatan. Tirada ciidankan iyo heerka daacadnimadooda ayaa dadka qaar su’aal ka qabaan. Dowladda Itoobiy ayaa si teel-teel ah u billowday ciidan soo dirista. 3. Dib u nooleynta kacdoonka beelaha: Mid kamid ah waxyaabaha sababay in Al-Shabaab lagu jabiyo wajigii hore ee dagaalka waxaa loo arka in qabaa’iilada ay naceen dhaqanka kooxda kadibna ay go’aansadeen inay iska saaran. Bilihii lasoo dhaafay waxaa muuqday xooga gadood iyo gaabis ah oo dhanka qabiilada ah. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaa la sheegaya inay hadda ku mashquulsan yihiin sidii dib loogu abaabuli lahaa dareenka qabiilada ee Al-Shabaab diidka ah. 4. Duqeymaha cirka: Duqeymaha cirka waxay kamid yihiin sababaha Al-Shabaab ku qasbay inay dhul badan ka baxaan, dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa qaadanayay kaalintaas. Hadda waxaa jira warar sheegaya inay dowladda federaalka ah raadineyso in dowlad kale ka qeyb qaadato duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, taas oo haddii ay suurtowdo sahli doonta in kooxda si fiican loo wiiqo. 5. Xasillinta: Dowladda federaalka ah ayaa si toos ah u bilaabin barnaamijka xasillinta ee deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab. Dhowr dowladdood oo caalami ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan kaalmada ay dib ugu qaabeynayso qeybaha nolosha ee bulshada degan goobihii laga saaray kooxda Al-Shabaab. Barnaamijkan ayaa wajigiisa hore la qiyaasa inay ku bixi karto dhowr boqol oo milyan oo doolar. 6. Dhowr furimood: Al-Shabaab weli qeybo aan badneyn ayay ka joogaan Galmudug, Galbeedka Hiiraan ayay sidoo kale weli ku xooggan yihiin, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed wax shaqo ah oo rasmi ah lagama qaban wajigii koowaad ee dagaalka. Lixdaan arrimood ayaa la kowsan doona sida la rajeynaayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Qorshaha wajiga labaad uu ku billaabanayo Sida aan kasoo xiganay xubno ku dhaw-dhaw Villa Somalia, wajiga labaad ee dagaalku wuxuu halmar ka wada bilaaban doona dhowr maamul-goboleed, waana mid kamid ah qorshooyinka hadda dejintooda lagu mashquulsan yahay. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa dhawaan sheegay inuu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee howl-galadaasi uga billaaban lahaayeen dalka. Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqdo kii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa kooxda, oo ayadu weli gacanta ku haysa deegaano muhiim ah. “Howl-gallo xoog leh oo baaxad leh ayaa la rabaa in la qaado, waxaa u rajeynayaa in ciidamada guul Ilaahay siiyo. Sidoo kale waxaa rajeynayaa in Ramadaankan uu noqdo Ramadaankii Khawaarij iyo Soomaaliya u kala dhamaan laheyd,” ayuu yiri. Muxuu kusoo idlaanaya wajiga 1-aad? Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka gaareen guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. “Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saxiibada caalamka ayaa waxay halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen in kabadan 70-gobood,” sida lagu shaaciyay bandhigga Waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Deegaanada lagu xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka socda ayaa waxay isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah. Waxaa la isku furay waddooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan, Buulabarde iyo Maxaas, ayada oo dowladda sheegtay in laga hortagay dhaq-dhaqaaqa kooxda iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley. Wajiga koowaad ee dagaalka socda oo hadda gaba-gabo ah ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa 3,00 oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale, kuwaasi oo ku jiraan horjoogayaal muddo la raadinayay, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Lix arrimood oo la filayo inay dhacaan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Kismayo (HOL) - Jubbaland's President Ahmed Madobe chaired a regional cabinet meeting on Friday to discuss security and road management in the Jubbaland region, located in southern Somalia near the border with Kenya. The council of ministers discussed the ongoing military offensive by the Somali and Jubbaland forces against Al-Shabaab fighters. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - The Cabinet Council was briefed on Thursday during its weekly meeting in Mogadishu by an advisory committee on preventing problems faced by auto-rickshaw operators. The committee said it presented a research study that made 18 recommendations for solving the issues faced by auto-rickshaw taxi drivers in Mogadishu. However, the media was not given any elaboration on the 18 points. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba. Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm. “7-da casho ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA. Hay’adda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in degmooyin kamid ah gobolada Sanaag, Bay, Jubbada Hoose, Gedo iyo Hiiraan ay heli doonaan roobab aan badneyn oo qiyaastii cabirkoodu yahay inta u dhaxeysa 5 illaa 10mm, sida ay muujineyso saadaashu. “Haddii roobka la filayo toddobaadkan ay u da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay geysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameya naf iyo maalba,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday SODMA. Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan. “Bulshooyinka miyiga degan waxaa talo lagu siinayaa inay ka taxadaraan biyaha ugu horeeya ee uu roobku dhigo, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara cuduro, sidaas darteed waa in la ilaaliyaa nadaafada iyo faya-dhawrka.” Qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Dadka ku nool gobolada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose waxaa loo soo jeedinayaa in meel okor fiican leh ay geeyaan xoolaha jilicsan, si ay uga badbaadan saameynta ka dhalan karta biyaha roobabka xoogan ee la saadaalinayo.” The post DF oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan 9 gobol appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba. Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm. “7-da casho ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA. Hay’adda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in degmooyin kamid ah gobolada Sanaag, Bay, Jubbada Hoose, Gedo iyo Hiiraan ay heli doonaan roobab aan badneyn oo qiyaastii cabirkoodu yahay inta u dhaxeysa 5 illaa 10mm, sida ay muujineyso saadaashu. “Haddii roobka la filayo toddobaadkan ay u da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay geysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameya naf iyo maalba,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday SODMA. Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan. “Bulshooyinka miyiga degan waxaa talo lagu siinayaa inay ka taxadaraan biyaha ugu horeeya ee uu roobku dhigo, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara cuduro, sidaas darteed waa in la ilaaliyaa nadaafada iyo faya-dhawrka.” Qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Dadka ku nool gobolada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose waxaa loo soo jeedinayaa in meel okor fiican leh ay geeyaan xoolaha jilicsan, si ay uga badbaadan saameynta ka dhalan karta biyaha roobabka xoogan ee la saadaalinayo.” The post DF oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan 9 gobol appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeisa (HOL) -Former Chairman of the Somaliland People's Party (SPP), Suleiman Isse Ahmed Haglotosiye, has called for the removal of the Somaliland army from Gooja-Adde. In an interview with SSTV, Haglotosiye stated that Somaliland troops would be forcibly removed if President Bihi did not remove the Somaliland forces peacefully. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - The Somali Attorney General's Office is investigating allegations of fraudulent activity by individuals and companies vying to offer Hajj services to the Somali public. The investigation centers on accusations of falsifying documents to participate in the bidding process. Source: Hiiraan Online
  19. LEWISTON, Maine — Substance use disorder carries a stigma in practically all communities. But for many new Mainers, especially those who are Muslims, that can be more difficult because Islam prohibits substance use consumption of any kind. A new nonprofit though is helping break down barriers to getting help. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI, Kenya, Mar 23 — Kenya is set to expedite implementation of high-impact projects and programmes in the frontier counties as part of the strategic responses to security challenges in the region. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - The European Union (EU) in Somalia has partnered with the Somali Academy of Science, Culture and Arts to launch a new poetry competition to identify and amplify Somali voices on hopes for peace and prosperity. The Silsiladda Nabadda poetry competition, now in its third edition, will focus on traditional poetry about peace and will be supported by the EU. Source: Hiiraan Online
  22. Caawa Afurka ka hor waxa Cusbitaalka International hortiisa ka dhacay shil aad u xun, gaadhi qaadle ah oo xawaare aad u sarreeya ku socda ayaa ilmo yar jiidhay, ilmaha yar walaw aanu dhakhtarku xaqiijin haddana uma muuqan mid noolaa, markii la qaadayay . Layaabku waxa uu ahaa in wadaha gaadhiga qaadku uu bilaabay in uu qaadkii ka wareejiyo gaadhiga isga oo aan ilmihii yaraa qaadin, waliba dhakhtarku 5 tallaabo wax ka yar ayaa uu u jiray, waa damiir xumo halkii ugu sarreeyay. Waxa se farxad ahayd in dhalinyaradii halkaa joogtay arrinkaa ka dhiidhiday, oo u diidday in gaadhiga qaadkii laga wareejiyo iyada oo dhaawacii (maydkii) ilmaha yar isla goobta wali yaallo. Qaadku waxa uu ku hayaa halis aad u badan badqabkeennii, dhaqaalaheennii iyo dawladnimadeenniiba! Qaran News