Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nearly 14 people have perished with thousands displaced and property destroyed due to flash floods caused by heavy rains in southern Somalia, the United Nations humanitarian agency said. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - The Danab Unit, a special forces brigade of the Somali National Army (SNA), issued a statement on Friday in response to recent media reports about their involvement in clan-related conflicts in Somalia. The unit commander, Ahmed Abdullahi Nur 'Beeryare,' emphasized that the unit's primary objective is to fight against terrorist organizations in the country and that it will not engage in clan conflicts or clan-related affairs. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - The Danab Unit, a special forces brigade of the Somali National Army (SNA), issued a statement on Friday in response to recent media reports about their involvement in clan-related conflicts in Somalia. The unit commander, Ahmed Abdullahi Nur 'Beeryare,' emphasized that the unit's primary objective is to fight against terrorist organizations in the country and that it will not engage in clan conflicts or clan-related affairs. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Danab ee Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan warar dhowaanahan qabsaday baraha bulshada oo ku aaddan sakaal horey uga tirsanaa Danab oo lagu dilay magaalada Laascaanood. Maxamed Suleymaan, oo soo noqday taliyaha ururka afaraad ee Danab, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku dhintay dagaal duleedka Laascaanood ku dhex-maray ciidamada deegaanka iyo kuwa maamulka Somaliland. Taliyaha Danab, Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa sheegay in Maxamed uusan wax xil ah ka heyn Guutada Danab, markii uu ku dhintay dagaalka Laascaanood, islamarkaana Danab uu 2011 uga tegay sababo shaqsi. “Waxaan xaqiijin karnaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn Guutada Danab ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii nasiib darro uu ku dhintay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu yiri. Beeryare ayaa sheegay in hadafka koowaad ee Danab uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagixisada ee gudaha Soomaaliya. “Waxaan rabnaa in aan carrabka ku adkeyno in Danab ay si buuxda uga go’an tahay ujeeddadaas oo aysan geli doonin wax dagaal beeleed ama arrimo la xiriira qabiil,” ayuu yiri taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare. “Waxaan rajeyneynaa in bayaankan uu meesha ka saari doono isfaham waaga jira, islamarkaana uu cadeynayo doorka Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Hadalka Beeryare ayaa xoojinaya mid horey uga soo baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka ee qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa. Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood. Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka. The post Taliyaha Danab oo jawaab kasoo saaray arrin la xiriirta DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  5. Masaajidkii Xawaadle Sh. Aadan Siiro Durba Wuu Tebay W/Q: Cali Cabdi Coomay = 17 Juulay 2022 ayaa Sheekh Aadan lagu aasay xabaalihii uu aasaaskooda lahaa Alle ha u naxariisto ee Baqiic. Waxa dhimashada Sheekha ka soo wareegay muddo sagaal bilood ah. Kaalintii uu bulshada kaga jiray waa markiiba la tebay oo aanay jirin cid buuxin kartaa, marka la eego dhinaca samafalka. Sannad kasta waxa dib-u-habeyn lagu sameeyaa Masaajidadda marka ay soo dhawaato bisha barakaysan ee Rabadaan. = Waxa laga beddelaa rinjiga iyo gogosha. Sannadkii hore Sheekh wuu noolaa oo masaajidka iyada oo aanay bishu soo gelin ayuu ka beddelay rinjigii iyo gogoshoo lagu tukan jiray, inta badan ama isaga ayaa bixin jiray ama cid kale ayaa Sheekh ku odhan jirtay annaga ayaa doorkan bixinayna. Doorkan waxa la helay rinjigii oo keliya oo dadkii ku tukanayey ayaa laga ururiyey. waxa se meesha ka baxay gogoshii ama roogagii masaajidka laga beddeli jiray, waxaana dhacday inay ballanqaadeen laba nin oo ganacsato ah oo ay isku deegaan yihiin Sheekha, hasayeeshee ay ka baxeen ballantii. Oo masaajidkii aanu helin gogoshii laga beddeli jiray. Qaran News
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalin ka hor magaalada Kismaayo ka dejisay gadiid dagaal, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdibilaha, gaadiidkaas ayaa muuqaalkiisa loo soo bandhigay warbaahinta. Tirada gaadiidkaas waxaa la sheegay inay kor u dhaafayso boqol gaari, waxaana soo baxaya xogo la xariira qorshaha ay dowladda Imaaraadka Carabta ka damacsan tahay in intaas oo gaadiid ah ay ka dejiso Jubbaland. Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Imaaraadka Carabta waxay qorsheynayaan in saldhig ciidan ay ka furtaan Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland. Gaadiidkaan waxay lagu furayaa saldhigga sida ay sheegeyso xogtaan, waxaana saldhigaas lagu tababari doonaa qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya oo ka amar qaada doona Imaaraadka. Markii gaadiidkaas laga soo dejiyey Kismaayo TV-ga maamulka Jubbaland wuxuu baahiyey sawirrada Cabdibilayaasha, iyagoo sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay Imaaraadku ugu deeqeen gaadiidkaas. Hadii Kismaayo laga furo saldhigga militeri ee Imaaraadku qorsheynayo waxay tababari doonaan ciidan Soomaaliyeed oo daacad u ah, taas oo laga cabsi qabo inay Soomaaliya uga fushadaan danahooda gaarka ah ama mararka qaar ay cadaadis saaraan madaxda dowladda Soomaaliya, markii ay dantooda ka waayaan. Dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaxiib dhow ka dhigatay Imaaraadka oo dowladdii Farmaajo ay aad isaga fogeysay, waxayna hadda dowladaasi saameyn deg deg ah ku yeelatay tababarrada ciidamada Soomaaliya. Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan ku biiraya xoogga dalka tababar ugu soo xiray Uganda ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda Imaaraadka Carabta oo sida uu sheegay bixineysa tasiilaadka tababarka ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda. Imaaraadka Carabta waxaa lagu xusuustaa in sanadkii 2017-kii ay dalka ka cayrisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo, xiligaas waxay xero lagu tababarro ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen gudaha Muqdisho, gaar ahaan xerada Jeneraal Gordan ee degmada Hodan. Waxyaabihii uu madaxweyne Farmaajo uu diiday sii socoshada qorshihii Imaaraadka ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in ciidankii Soomaaliyeed ay tababareen uu ayaga daacad u noqday, isla markaana ay ku dhiiradeen ama qorsheynayeen inay dano u gaar ah awooda ciidankaas ku fushadaan. The post Xog: Qorshaha cusub ee IMAARAADKA oo gaadiid dagaal ka dejiyey Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  7. Tripoli (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka, ayaa Jimcihii u sheegtay dalalka xubnaha ka ah, inay heshay inta badan, macdantii Uranium-ta dabiiciga ahayd ee dhowaan laga waayey dalka Liibiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reutes. Macdantan oo xaddigeedu gaadhayey illaa 2.5 Ton, ayay hore u sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ee IAEA inay ka wayday goobtaas, iyada oo ka digtay inay ka dhalan karto khatar la xidhiidha amniga hubka nukliyeerka iyo mid kale oo la xidhiidha dhinaca shucaaca ka dhalan kara. Inkasta oo xaddiga macdantan Uranium-ta dabiiciga ahi aanu gaadhayn inta looga baahan yahay in laga sameeyo bam nukliyeer ah, iyo inay u baahan tahayba in dib loo farsameeyo, lana tayeeyo si loo isticmaali karo, haddana hay’adda IAEA ayaa ka walaacsan in halisaha ka dhalan karayey haddii la waayo. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada ee Dalka Liibiya ee ka taliya dhinaca bari ee dalkaasi, waxay sii daayeen bayaan ay ku sheegayaan inay heleen foostooyin lagu kaydiyey macdanta Uranium-ta ee dabiiciga ah, iyaga oo ka helay bakhaar u dhow isla goobta. Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii waxay kormeer ku samaysay goobta ay yaaliin foostooyinkaasi, iyaga oo sheegay inay weli maqan yihiin tiro aad u yar oo ka mid ah macdantaas Uraniumta dabiiciga ah. VOA + Reuters The post Macdantii Uranium-ta ee laga waayey Liibiya oo la helay appeared first on Caasimada Online.
  8. ST. JOHNSBURY, Vermont (AP) — The immigration deal announced Friday by U.S. President Joe Biden and Canadian Prime Minister Justin Trudeau aims to shut down a process that has enabled tens of thousands of immigrants from across the world to move between the two countries along a back road between New York state and Quebec. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) -The Somali Police Force arrested a police officer on Friday after a citizen complained of assault. According to reports, the officer assaulted a street vendor and threatened to shoot him with his rifle after the vendor refused to sell cigarettes during fasting hours. Although the details of the incident are scarce, the shopkeeper was not seriously injured and did not make any public comments. Source: Hiiraan Online
  10. Mo Farah will race the Port-Gentil 10km in Gabon two weeks before what is expected to be the Briton's final London Marathon appearance. Source: Hiiraan Online
  11. Hargeisa (HOL) - Faysal Ali Warabe, chairman of the UCID party in Somaliland, stated on Friday that a ceasefire and dialogue are required to end the conflict in Las Anod. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Internal Affairs and Reconciliation, Ahmed Moalim Fiqi, conceded that Al-Shabaab is a major obstacle to holding direct elections in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - Flash floods resulting from heavy rains have claimed the lives of at least 14 individuals, displaced thousands, and caused property damage in the Baardheere District of the Gedo region, according to reports from the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). OCHA has additionally reported that several areas of Somalia have experienced light to moderate rain over the past week, signalling the onset of the Gu rainy season from April to June. The Gu season is the main wet season in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. This week on Hold Your Fire!, Richard speaks with Omar Mahmood, Crisis Group’s Somalia expert, about the Somali army’s latest offensive, together with clan militias, against Al-Shabaab’s Islamist insurgency and challenges as the battle moves from central Somalia to Al-Shabaab’s southern strongholds. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan (Dhabancad), guddoomiyihii ku meel gaar ahaa ee doorashada geliyey dalka sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, isla markaana ah Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha shacabka ayaa la sheegayu inuu yahay xildhibaanka ugu waqti ilaalinta badnaa kulamada golaha. Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay in markii ay jiraan kulamada golaha uu ugu soo hormaro xildhibaanada, sidoo kale wuxuu sheegay in halkii sano ee baarlamaanka uu ku jiray uusan ka maqnaan hal kulan oo goluhu yeeshay. Odagaan ayaa 65 ka soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya, sanadkaan ayuu markii ugu horeysay ku soo biiray baarlamaanka 11-aad, waxaana loo doortay guddoomiye ku meel gaar ah oo dalka geliya doorashadii guddoonka baarlamaanka, maadaama uu noqday shakhsiga ugu da’da weyn. Kulamada golaha shacabka ayaa dhaca todobaadkii 3-maalmood inta uu furan yahay kalfadhi kasta, labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad inuu yahay qofka ugu da’da weyn golaha kama hor istaagin inuu noqdo qofka ugu soo hormara xaadirinta kulan kasta. Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya lagama helo sifadaan iyo in balanta la ilaaliyo, waxaana maalmaha qaar dhacday in kulamo uu ahaa qofka ugu horeeya ee hoolka soo galay ay kooram la’aan u baaqdeen. “Waa qasab wixii lagu balamay in lagu dhaqmo, waxaa xildhibaanada la faraa 9:00 am inay yimaadaan, marka waxaan ku tala galaa in ciidanka ila socda aan meel ay ku sii nastaan aan geeyo, waqtigana aan ilaaliyo, wixii lagu balamo inaad fuliso waa nidaamka aduunka ka socda, laakiin markii aan rabaan imaanayaa hadaa dhahdo, waxaas nidaam maaha,” ayuu yiri Dhabancad uu u waramay Universal TV. Xildhibaan Dhabancad ayaa sanadkaan ka hor wuxuu ahaa diblomaasi in ka badan 60 sano ka howlgelayey wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si weyn uu ugu soo raaxeystay u shaqeynta dowladda Soomaaliya. “Shaqada dowladda waxaan si rasmi ah ugu soo biiray 02-03-1958-kii, intii uusan Talyaanigu ka bixin dalkeenna, waxbarasho ayuu Talyaanigu ii diray, waxaan dalka ku soo laabtay maalmihii xorriyadu dhalaneysay, 1-dii Luuliyo markii uu dalku xoroobay, 2-dii Luuliyo waxaan ka mid ahaa shaqaalihii lagu aas-aasay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, 62-kii sano ee lasoo dhaafay waxaan ka shaqeynayey arrimaha dibadda dalkeena,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad. The post Xogta Xildhibaanka ugu soo hormara kulamada BF oo maalina aan ka maqnaan appeared first on Caasimada Online.
  16. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A fierce battle erupted between the Somali police unit Haramcad and Al-Shabab militants on the outskirts of Mogadishu on Thursday night, causing an unknown number of casualties on both sides. The fighting began when Somali police launched a multi-directional ambush attack on Al-Shabab’s positions at Ali Mahdi field, near Mogadishu’s Dayniile district. A statement from the Haramad Police Command reported, “Following the Isha prayer, Mujahideen police forces launched an assault on enemy positions in the Ali Mahdi field from multiple directions. After an intense confrontation, the police forces successfully overpowered the Al-Shabab militias.” While the police claimed victory over the Al-Shabab militants in the area, they did not announce any official casualties. This is not the first time the Haramad Police forces have attacked Al-Shabab facilities in the Ali Mahdi field in the Deynile district. In collaboration with the National Intelligence and Security Agency (NISA), the police have launched several attacks in recent months. However, they have been unable to liberate the area entirely. Increased vigilance during Ramadan At the weekly Council of Ministers meeting on Thursday, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre, there was a call for increased vigilance against problems planned by Al-Shabab during the holy month of Ramadan. In related news, Jubaland’s President Ahmed Madobe chaired a regional cabinet meeting on Friday, discussing security and road management in the Jubaland region, located in southern Somalia near the border with Kenya. The council of ministers addressed the ongoing military offensive by Somali and Jubaland forces against Al-Shabab fighters. Additionally, the cabinet approved the initial reading of legislation aimed at creating the Jubaland Road Authority, an entity tasked with constructing, maintaining, and managing roads and bridges within the region. This law will soon be presented to the Jubaland Parliament for approval. Support for armed forces against Al-Shabab Considering the precarious security conditions in the Lower Jubba region, the cabinet called on Jubaland residents to back the armed forces in their battle against Al-Shabab. In early March, Al-Shabab militants seized a military base in Janay Abdale, 60 km west of the port city of Kismayu, a location they had previously lost to the army in January. As part of the continuing offensive that initially started in central Somalia and shifted south, Jubaland forces recaptured Janay Abdale from Al-Shabab in January. Authorities have revealed that in the last two days, Somali and Jubaland government forces carried out coordinated operations across different parts of the Lower Jubba region, leading to the deaths of 28 Al-Shabab combatants. Even with heightened pressure from the military and allied clan-based militias, which initiated a significant offensive last year, Al-Shabab has consistently shown its capacity to strike back with major assaults, presenting a persistent challenge to the region’s stability. The post Somalia: Police and militants clash near Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas ayaa xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen. Isku soo dhaweyntaan uu Imaaraadku hoggaaminayo ayaa hadda maraysa heer gabagabo ah, sida ay ilo wareedyo xil kas ah Caasimada Online u xaqiijiyeen. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan u safri doona dalka Itoobiya, si loola kulansiiyo Abiy Axmed, heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Imaaraadka, waxaana lasoo afjarayaa madmadowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe. Khilaafka Abiy iyo Madoobe wuxuu soo bilowday markii ay siyaasadda dalka isku qabteen Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in Itoobiya ay qorsheysay in xiligaas Axmed Madoobe lasoo qabto, balse uu iska difaacay. Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana la qorsheeyey in Madaxweynaha Jubbaland uu maalmaha soo socda tago Addis Ababa, si loola kulansiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sida ay tibaaxeyso xogtaan. Qeybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidan xoog leh oo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyey inay ciidanka dowladda federaalka la xoreeyaan gobolka Jubbada Dhexe oo ah halka gobol oo si buuxda ay Al-Shabaab uga maamulaan Soomaaliya. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Axmed Madoobe ma ogola in ciidanka Itoobiya ay gobolkaas ka bilaabaan howlgal aysan gar-wadeen ka aheyn Jubbaland. Qorshaha xoreynta Jubbada Dhexe waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya, balse Axmed Madoobe ma ogola in howlgal aysan Jubbaland hoggaamineyn lagu xoreeyo gobolkaas oo looga hormaro caasimada rasmi ah ee maamulkaas oo ah Bu’ale. Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militeri iyo mid amni. The post Imaaraadka oo heshiisiinaya Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  18. Madax-dhaqaameed ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Garoowe kulan kula qaataan qaar ka mid ah Garaadada SSC iyagoo kala hadli doono in nabad laga gaadho dagaalka Laascaanood. Ergadan ayaa sidoo kale la filayaa in ay yimaadaan magaalada Hargeysa si ay dhinaca Somaliland-na ugala hadlaan colaadda gobolka Sool iyo sidii loo joojin lahaa. Madaxda dhaqan ee ergada nabadda u soo baxay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan Beelaha Mogadishu Clan, Digil iyo Milifle. Ethiopia ayaa hore isugu dayday in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Sool balse ma hirgelin, welina waxa socda baaqyada nabadda ee lagu baaqayo in la joojiyo colaadda Sool oo galaafatay nafo badan, sidoo kalena ay ku barakaceen dad badan oo carruur iyo hooyooyin u badan. Garaadada la filayo in ay berri la kulmaan Ergada nabadda ee Muqdisho ka timid ayaa galabta gaadhay Garoowe. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa hoggaaminaya. Source
  19. Baardheere (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka curtay oo ka da’ay roobka Gu’ga, meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo xoog leh. Gobollada Gedo, Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo werinayaa khasaaraha ugu badan, ugu yaraan 3-qof ayaa saacadihii u dambeeyey ku geeriyootay magaalada Baardheere. Dadkaan waxaa dilay daadad ku soo rogmaday magaalada iyo fatahaad uu sameeyey wabiga Jubba, horay ku dhawaad 10 qof oo kale ayuu roobkaan ugu dilay Baardheere. Caasimada Online waxay heshay magacyada 3-dii qof ee ugu dambeysay dadka uu roobku ku dilay Baardheere oo isku qoys ah, waxayna kala yihiin, Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wiil yar oo ay dhashay Ikraan. Gobolka Mudug roobku wuxuu ku dilay Geel badan, kadib markii ay Biriq ku dhacday, waxaana lasoo bandhigay muuqaal muujinaya geelaha oo wada baqtiyey. Dhuusamareeb waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo roobkaan uu geystay inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin inta uu la egyahay, hadana magaalada waxaa harqiyey daadad ku soo rogmaday. Waxaa la sheegay inuu soo fatahay biyo xireen dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada, taasi oo sababtay in guud ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ay biyo harqiyaan. Waxaa socda dadaallo ay shacabka iyo maamulladu wadaan oo biyaha looga saarayo magaalooyinka Baardheere iyo Dhuusamareeb, khasaaraha ugu badan wuxuu gaaray Baardheere oo guryo badan iyo buundadii magaalada ay burbureen, dad ka badan 13 qofna ay ku dhinteen. Magaalada Xudur oo ka mid aheyd magaalooyin ay dadka ku nooli wajahayeen abaarta ugu daran ayaa saacadihii lasoo dhaafay roobsatay, sidoo kale deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa laga soo werinayaa inay ka hoortay nimcada rabbi. The post Dad badan oo ku dhintay roobka Gu’ga oo ka curtay qaar ka mid ah gobollada dalka appeared first on Caasimada Online.
  20. Booliiska la dagaalanka argagixisada ee dalka Britain ayaa sheegay in ay shan nin u xidheen tuhuno argagixiso. Nimanka ayaa booliisku ka qabteen magaalooyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford. Magaalooyinkan ayaa ka mid ah deeggaanada ay jaaliyadaha Muslimiinta ahi ku badan yihiin inkasta oo aan la shaacin jinsiyadaha iyo meelaha ay raggani kasoo jeedaan Raggan oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 67 sano jir ayaa la soo qabtay iyaga oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen dambiyo la xidhiidha argagixiso iyada oo lagu oogay qodobka 15 ee sharciga argagixisada ee la ansixiyey sannadkii 2000 iyo si ay u bixiyaan lacag/hanti loo isticmaalo falalka argagixisada. Booliiska ayaa sheegay inaysan jirin khatar degdeg ah oo ku wajahan ammaanka shacabka. Dhamaan raggan ayaa la geeyey Gobolka Galbeedka Midlands oo baadhitaan wareysi ah laga qaadey markii danbena lagu sii daayey damiin sidda Booliiska gobolkaasi xaqiijiyey. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa ciidanka ka ruqseeyey ama ka saaray askari saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyey isagoo xabad ku riday nin shacab ah, waxaana la sheegay in muwiidinkii uu ka soo dacwooday askariga. Xalay fiidkii ayaa la soo qabtay askarigaas, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska, waxaana la hor geynayaa maxkamad, iyadoo deg deg looga ruqseeyey ciidanka. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, waxaana la horgayn doonaa sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu go’aamiyey in askarigaas laga ruqseeyo kamid ahaan-shihiisa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.” Booliska Soomaaliya oo bulshada farriin u diray ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Ciidanka Boliisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, hadii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Boliiska 991.” Agagaarka isgoyska Soobe ayuu askarigaan ku xabadeeyey muwaadinka, waxaana baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal muujinaya isagoo toos qoriga ugu haya ninka shacabka ah oo la sheegay inuu meherad ama goob ganacsi ku lahaa halkaas. Sidoo kale booliska Soomaaliya wuxuu qoraalkaan ku shaaciyey in la dilay rag xalay soo qorsheeyey weerar ka dhan ah Masjid ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan Taleex, kadib markii ay ciidanku ka war-heleen xogta ragga Shabaabka ahaa ee qorsheeynayey weerarka. “Xalay abaare 08:10 ayeey dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta waxay dhagar u soo maleegeen shacab aan waxba ka galabsan oo ku cibaadeysanayay Misaajid ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Taleex. Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay in aysan dhagartaasi gaarin shacabka, waxaana halkaas lagu dilay mid ka mid ah Khawarijtii weerarka soo qorsheysay oo meydkiisa iyo hubkiiba gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya. The post Taliyaha booliska oo go’aan culus ka gaaray askari muuqaalkiisa la baahiyey isagoo… appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab. Ragga la dilay ayaa ku hubaysnaa laba qori, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha. Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saaraayeen ragga Shabaab-ka ahaa ee maanta lagu dhex dilay suuqa Bakaaraha iyo Darawalkii Mootada u waday. Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka ragga la toogtay, oo ku hubeysanaa qoryo AK47 ah, ma cadda in la dilay darawalkii mootada ku waday ragaan yo nolosha lagu qabtay. Kooxdaan waxaa la sheegay inay qalqal gelinayeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sida la sheegay ka cagajiiday inay canshuur siiyaan kooxda Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha kooxda, hadda Al-Shabaab waxay wajahayaan dhaqaalo darro weyn, kadib markii ay cunaqabateyn adag saartay dowladda Soomaaliya. Kooxda ayaa laga xiray dhamaan akoonadii lacagta loogu diri jiray, waxayna ganacsatadu fursad u aragtay in Al-Shabaab aysan la heyn akoon lacag loogu diro, halka kooxdu ay dooneyso in lacagta siyaabo kale loo siiyo. In kastoo xogta canshuurta weli la siiyo kooxda ay aad u yartahay in la helo, hadana Caasimada Online waxay ogaatay in ganacsatada qaar ay ku doodeen, in lacag kaash ah aysan bixineyn, halka Al-Shabaab-na ay ku adkaatay inay helaan akoon ay ku aamini karaan dhaqaalaha soo gala. Xeeladaan cusub ee askarta hubeysan ay ugu soo direen suuqa Bakaaraha ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay kaga danleeyihiin cabsi gelinta ganacsatada ka cagajiideysa inay bixiyaan dhaqaalaha ay bil kasta soo dalbato kooxda Al-Shabaab. Hoos ka eeg sawirka mootadii ay wateen ragga la dilay oo lasoo bandhigay, waxaana ka cudur daaraneynaa in meydka raggaas aanaa soo dhigi karin halkaan. The post Ciidanka DF oo toogtay rag Shabaab ah oo qorshe yaab leh ka waday Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.