-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga. Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad. Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeenta Ciidanka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dolwada dooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Taba barada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo la kulmay saraakiil ka socotay Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
China has carried out a second day of naval drills around Taiwan, as tensions continue to mount after President Tsai Ing-wen's visit to the US last week. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan meydka alle ha u naxariistee wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Dhoobo oo uu liqay Balli ku yaala dhinaca Koonfureed ee Magaalada Hargeysa . Ciidamada ayaa sheegay in marxuumka dhoobada hoose ee balligu ku dhagtey baadhitaan dheer ka dibna ay heleen meydkiisa, iyada oo goob joog ay ka ahaayeen ciidamada boolisku. Ugu dambayn ciidanka Dab-damiska ayaa bulshada u soo jeediyey in ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta. Qaran News
-
In the aftermath of a mass shooting at Jigjiga’s airport, Ethiopian authorities grabbed the unnamed federal police officer suspected of murdering a lawmaker and wounding five others, including Fowsia Musse, the executive director of a Lewiston-based nonprofit, Maine Community Integration. Source: Hiiraan Online
-
Jointly with Qatar Charity (QC) and the Qatar Fund for Development (QFFD), Save the Dream has marked the completion of field activities in Garowe, State of Puntland, Somalia, wrapping up the implementation of a series of capacity-building activities within the “Saving Children's Dreams in Somalia through Sport” project and immediately reaching more than 10,000 youth and their families in the city. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto soo saaray ayaa xalay magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi. Xilkan culus ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib so jeedin ka timid Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka ee maamulka Hirshabelle. “Waxaa Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal loo magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle. Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha, wuuna saxiixay” ayaa lagi yiri digreetada soo baxday. Gacal ayaa sidoo kale horay ula soo shaqeeyay Galmudug, wuxuuna ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaaas, isaga oo xilkaas uun iska soo casilay laba maalin kahor. Sidoo kale wuxuu horay u soo noqday Xeer Ilaaliyaha guud ee Hirshabelle ayada oo haatan markale loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare. Dad badan ayaa is weydiinaya sababta iyo sida ay ku suuragshay in ninkan uu isku dabo maro Galmudug iyo HirShabelle, waxaana Caasimada Online ay ogaagay inuu dhashay labada maamul oo haddane daris sii ah. Dhanka kale madaxweynaha HirShabelle oo wareegto kale soo saaray ayaa xalay kala diray garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe oo bilihii lasoo dhaafay loo jeedinayay dhaliilo xoogan. “Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe. Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.” ayaa lagu yiri wareegtada kala dirida golahaas. Go’aanka lagu kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sidoo kale soo jeediyay Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Garsoorka ee dowlad goboleedka Hirshabelle. The post Cali Guudlaawe oo xil culus u magacaabay mas’uul iska soo casilay GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntalnd ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka Shabaabka la xukumay, kuwaas oo kala ah: 1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho. 2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho. 10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho. 11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. Halka Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
Colaadda Laascaanood ka bilaabantay bishii Febraayo 6-deedii ee sannadkan 2023 ilaa haddana socotaa, xal in loo helo daayoo, xataa waan-waan baan muuqan. Alloow noo naga soo qabooji. Haddaba sida uu sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, md Biixi keliya ayaa awoodeeda leh inuu soo af-jaro colaaddaas. Sidoo kalena isaga ayey ku xidhan yahay inuu sii wadista colaadda iyo dhiigga muslimiinta ee macno darrada u daadanya. Marley-ba isaga ayaa arrin ka go’aa. Dagaalka Laascaanood, 3 istraatejiyood ayaa u furan md. Biixi inuu qaado, si loo soo af-jaro sida ugu dhakhsaha badan, ta ugu wacanina waa istraatijiyada fursad wacan u leh keenidda joojinta dhiigga dadka, naf-baxa oo is-taaga iyo nabadda oo soo dhowaata. Waana kuwan istraatejiyad kasta iyo maxsuulka mid walba laga fili karaa goonideeda. Istraatejiyad 1: inuu md Biixi ku adkaysto joogidda ciidamadiisa ee Laascaanood, waa sida uu hadda ku socdo e’. Maxsuulku istraatejiydan laga fili karaa waa dagaalka oo iska socda, riiq dheeraada, maal iyo naf badanina ku baxaan. Sidaasina waa nabadda oo laalanta, dhiig iyo dhaqaale bax joogta ah oo maalin kasta ku socda maamulka Somaliland (SL). Ugu dambayna waa maamulka SL oo hoosta ka duma (implosion) iyo mashruucii gooni-isu-taagga SL oo halkaas ku dhinta. Istraatejiyad 2: inuu Biixi ciidamadiisa geeyo meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Oog. Maxsuulka lag filia karo istraatejiyadan waa dagaalka oo nafis lagu kala qaato, laakiin waxay keeni dhexdhexaadinta labada dhinac oo adkaata, SSC-Khaatumo oo bilawdo dagaal jabhadeed iyo dirir beelaha dhexmarta. Sidaa darteed, istraatejiyaddani nabad keeni mayso, waa isku-dhac joogta ah, waanay adkaan doontaa in maamulka SL dib uga hirgalo gobolka Sool. Istraatejiyad 3: inuu md Biixi ciidankiisa keeno oog (tuulo Isaaq): Haddii uu doorto istraatejiyadan, waxay keeni xabadda iyo dhimashada oo is-taaga , dhiigga iyo dhaqaale baxa dadka iyo maamulka SL oo joogsada, dhexdhexaadinta iyo nabadaynta oo fursad wacan hela. Khatar yar uun baa jiri karta oo ah in hoggaanka SSC-Khaatumo uu diidmo xooggan kala hor-yimaado dhexdhexaadinta iyo nabadaynta. Waqtiga ayaa se daawayn oo waa laga kula bogsan, insha Allahu. Laakiin dhanka md Biixi waa ku weji-gabax, wax weyn se ma aha; dulqaad iyo samir ayaa lagaga gudbi karaa. Qofna yuu ku naaloon in shacabka Sool clan isu soo dhiibaan maamulka SL. SNM ba isuma soo dhiibin Siyaad Barre. Haddaba, waxa falanqeyntaa kore laga soo dheegan karaa in istraatejiyada 3aad tahay ta keliya ee u furan md. Biixi, si loo badbaadiyo Somaliland, dhiig muslina loo baajiyo, nabadayntuna fursad wacan u hesho. Hadal waa run kama rays. Ugu dambayn, qofkii haya istraatejiyad kale, iyadoon gabbood laga dhigan heesta qaranka, qaranka iyo gooni-isu-taagga, oo nafta dadka lagu badbaadinayo, dhiig-baxa dhaqaale-na lagu hakinayo, nabadayntana lagu siinayo fursad wacan, ha soo bandhigo. Al-Miidaan waasic. Wa Billaahi towfiiq Maxamuud Cabdillaahi Axmed Email: maxamuudaxmed@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Fursadda nabadeed ee dagaalka Laascaanood waa Biixi oo ciidankiisa Oog keena appeared first on Caasimada Online.
-
Israel oo jawaab ka bixisay weerarkii buuraha Golan Heights
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jerusalem (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa weerartay bartilmaameedyo badan oo militari oo ku yaalla dalka Suuriya, ka dib markii gantaallo lagu soo tuuray dhulka ay maamusho habeenimadii xalay, militariga Israa’iil ayaa sidaasi sheegay. Israa’iil ayaa waxay sheegtay in madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu garaacay xero ay leeyihiin ciidamada Suuriya, iyo gantaallada riddada dheer, kaddib lix gantaal lagu soo tuuray buuraha Golan Heights. Saraakiisha ayaa sheegay in saddex gantaal ay ku dhaceen dhulka Israa’iil. Laba ayaa waxey ku dhaceen dhul furan, halka midka saddexaadna la qabtay. Qoraal ay soo dhigtay barta Facebook-ga, ayay wasaaradda gaashaandhigga Suuriya ku xaqiijisay weerarada. Saraakiisha difaaca Israa’iil, ayaa sheegay inay fal celin dhanka cirka ah ay kala hor tageen gantaalada lagu soo weeraray, ayna ku guuleysteen inay qabtaan qaar ka mid ah gantaalada. Waxa ay intaa ku dareen inaysan jirin wax khasaare ah nafeed oo ka dhashay duqeyntaasi, iyadoo ay jiraan khasaare ay soo gaarsiisay duqeynta qalabyada qaarkood. Dhanka kale, warbaahinta dowladda Suuriya, ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow caasimadda magaalada Dimishiq. Kal hore, ayaa waxaa Buuraha Golan laga maqlay dhawaqadayuuradaha dagaalka, kadib markii gantaalo laga soo tuuray dhulka Suuriya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in guutada Al-Qudus – oo ah garab hubeysan oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Jihaad Islaami ee Falastiin ee ay taageerto Iran – ay sheegteen inay ka danbeeyeen weerarada. War qoraal ah oo ay soo saareen gelinkii hore ee Axaddii, ciidamada difaaca Israa’iil, ayaa waxay ku sheegeen “inay u arkaan in dawladda Suuriya ay mas’uul ka tahay dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhacaya gudaha dalkeeda, mana oggolaan doonto isku day kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida Israa’iil”. Israa’iil ayaa waxay qabsatay buuraleyda Golan Heights, oo ah 1,200-sq-km (460-sq-mile), oo ay horay u maamuli jirtay dowladda Suuriya, intii lagu jiray dagaalkii lixda maalmood socday sanadkii 1967-kii, waxayna la wareegtay sanadkii 1981-kii, tallaabadaas oo aysan aqoonsan inta badan beesha caalamka. Weeraradan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda gobolka. Jimcihii, Israa’iil ayaa waxay duqaysay dhowr bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta dalka Lubnaan, oo ay leeyihiin kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen 34 gantaal oo Khamiistii lagu soo riday waqooyiga Israa’iil. Dhinaca kale, boqolaal Falastiiniyiin ah, ayaa isku gadaamay gudaha masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la haysto, taasoo sare u sii qaadaysa cabsida laga qabo inay mar kale isku dhacaan booliiska Israa’iil. Todobaadki hore ayaa waxaa jiray muuqaalo rabshado wata, kadib markii booliiska Israel ay weerareen masjidka, iyagoo sheegay in “kuwo wax kiciya” ay isku xireen naftooda, iyo dadkii ku cibaadeysanayay gudaha masjidka. Dowladda Urdun – oo maamusha xarunta diinta – ayaa ka digtay masiibo ka dhalan karta haddii booliisku ay galaan masjidka. BBC The post Israel oo jawaab ka bixisay weerarkii buuraha Golan Heights appeared first on Caasimada Online. -
Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood. Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilmaantay dhoolatuska mid “digniin adag” u ah maamulka jasiiraddaas. Dhoolatuska ayaa bilowday saacado kadib markii Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ka soo noqotay booqasho ay ku tagtay Maraykanka. Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 42 diyaaradaha dagaalka iyo 8 markab oo uu Shiinaha leeyahay ay ka gudbeen soohdinta jasiiraddaas. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhoolatuska milateri ay “qeyb ka yihiin roondo ay ciidamada ku sameyn doonaan guud ahaan biyaha ku xeeran Taiwan, si loo qaabeeyo go’doomin buuxda”. Waxa ay sheegtay in dhoolatuska ay qeyb ka yihiin madaafiicda goobta ee ridada dheer, maraakiibta wax burburisa, doomaha xambaara gantaalada, diyaaradaha dagaalka, kuwa jara isgaarsiinta iyo kuwa shidaalka siiya diyaaradaha kale. Taiwan ayaa isu aragta dal maxad bannaan o oleh dastuur iyo hoggaan u gaar ah. Hase yeeshee xukuumadda Beijing ayaa u aragta gobol gooni-u-goosad ah oo maalin uun lagu soo celin doono Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo isticmaalo awood milateri. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in “dib u soo celinta” Taiwan ay tahay arrin muhiim ah oo ay “qasab tahay in laga dhabeeyo”. Dhoolatuskan ayaa kuwii hore uga duwan in milateriga Shiinaha uu isu diyaarinayo “hareereyn” Tawian, taasoo jawaab u ah kulan Arbacadii Maraykanka ku dhexmaray Madaxweyne Tsai iyo afhayeenka Golaha Wakiillada, Kevin McCarthy. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Tsai ayaa maanta sheegtay in dowladeeda ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhexaysa Maraykanka iyo waddamada kale ee Dimuqraadiga ah, xilli Taiwan ay wajahayso “is ballaarin joogta ah oo uu wado Shiina”. Waxa ay hadalkan sheegtay kadib markii ay caasimadda Taipei kulan kula yeelatay wefdi ka socda Congress-ka Maraykanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalkaas u qaabilsan arrimaha dibedda, Michael McCaul. McCaul ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay ka shaqeynayso sidii ay hub u siin lahayd Taiwan “si loo xoojiyo nabadda”. Dhoolatuska milateri ee Shiinaha uu ka billaabay hareeraha Taiwan oo loogu magacdaray “seefta afka badan” ayaa socon doonaa ilaa Isniinta, sida uu sheegay taliska qeybta bari ee ciidamada dalkaas. Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatuska Shiinaha ay uga falcelin doonta “qaab degan, oo caqliyeysan” si waafaqsan mabda’eeda ah “in aan la hurin colaad ama khilaaf ku aaddan difaaceeda qaran iyo amni”. Bishii August ee sanadkii tegay, Beijing ayaa samaysay dhoolatus milateri oo ay todobaad ka waday soohdinta Taiwan, kadib markii ay caasimadda Taipei booqatay Nancy Pelosi oo markaa ahayd afhayeenka Golaha Wakiillada ee Maraykanka. Dhoolatuskaas oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Shiinaha sameeyo muddo sanado ah, ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta noocyadooda kala duwan, waxaana ay ciidamadu rideen gantaallada ballistic-ga. Xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa hooseeyay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ay siyaasiyiinta Washington ee labada xisbi ay u baratamayaan taagerida Taiwan, arrintaas oo ka caraysiisay xukuumadda Beijing. Qaran News
-
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, maanta xafiiskiisa ku qaabiley Lizzia Walker Wakiilka dawladda Boqortooyada Britain u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ka qabsoomay xafiiskiisa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa labada dhinac ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriisku ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dhinac, sidii la iskaga kaashanlahaa amniga iyo xasiloonida dalka. Kulanka wasiirka iyo wakiillka waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa masuuliyiintaasi waxa kulankoodaasi ku soo dhammaaday jawi is afgarad. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa hore sidan oo kale ugu qaabiley qaar ka mida wakiillada Somaliland u jooga waddamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta dhaw ay leeyihiin. Maxamed Kaahin Axmed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu wakiillada waddamadaasi u sheegay in aanay qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland marnaba aanay gorgortan galayn. Dawan Qaran News
-
Will President Joe Biden review his one-Somalia policy? Mogadishu (PP Comment) — In December 2022 the United States was preparing for military exercise in Berbera Port with a contingent of Somaliland administration forces. The Federal Government of Somalia turned a blind eye to what amounted to a violation of the national sovereignty by a superpower using one-Somalia policy as a justification pursue its strategic interests in a politically volatile country still grappling with the impact of state collapse thirty two years ago. President Hassan Sheikh Mohamud gave the US government the green light to misapply its one-Somalia policy for security partnership with the secessionist administration of Somaliland. The Executive Order that the White House issued yesterday stated that “Somalia continues to pose an unusual and extraordinary threat to the national security and foreign policy of the United States.” “The acts of violence committed against Somali citizens” continues. Secessionist forces of Somaliland administration shelled Laascaanood and caused massive displacement. The US State Department called on Somaliland President Muse Bihi Abdi to withdraw his troops on the outskirts of Laascaanood. Bihi ignored all calls for de-escalation partly because the security partnership with Somaliland that Biden administration formulated has been abandoned following the Laascaanood uprising and the subsequent civil war in Northern Somalia. President Bihi feels let down after the US shelved a security partnership with Somaliland administration. Somaliland administration interpreted the security partnership as a vindication of its unilateral secession. The US government did not only undermine the sovereignty of Somalia represented by the Federal Government of Somalia but it also took sides in a territorial dispute between Somaliland and Puntland. The rules-based world order has dual meaning — one for powerful countries, and another for less powerful countries over whose sovereignty the United States runs roughshod. President Said Abdullahi Deni of Puntland State of Somalia was not briefed about the security partnership USA was planning to forge with Somaliland administration. If the assessment of the current security situation in Somalia referred to in the Executive Order predates the shelved security partnership, then one wonders why Washington adopted a policy that contradicts the rationale to deal with the “threat to the national security and foreign policy of the United States”. The unintended consequences of one-Somalia policy that the United States invokes when dealing sub-national entities masks a contradiction at the heart of its contribution to the state-building initiatives in Somalia. It is overdue for rectification. © Puntland Post, 2023 The post A Civil War in Northern Somalia Grabs American Policymakers’ Attention appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si adag ugu gacan seyray hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo sheegay inuu taallo ka dhisayo buurta caanka ah ee Kaaramardha. Abiy Axmed ayaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu soo bandhigay buug uu ka qoray dagaalkii 1977-kii ay Itoobiya la gashay Soomaaliya wuxuu ka shaaciyey go’aanka lagu dhisayo “Geesiyadii Itoobiya ee dagaalkii Kaaramardha lagu dilay” sida uu hadalkiisa u dhigay. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa ka qeyb galay xafladii uu Abiy ku soo bandhigay buugaas oo loogu magacdaray “Jiilka isku tegay.” Dhaqaalaha ka soo uruura buugaas ayuu Abiy sheegay in deegaan kasta uu qeybtiisa heli doono, balse deegaanka Soomaalida qeybta ku soo aadda taallo loogu dhisi doono ‘ciidankii ay Soomaaliya uga leysay buurta caanka ah ee Kaaramardha. Hadaba bulshada deegaanka Soomaalida ayaa si weyn uga falcelisay hadalkii ka soo yeeray Abiy Axmed, waxaana arrintaas hadda ka hadlay Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey tacadiyadii deegaanka ka dhacay. “Taallo dad Soomaaliyeed bahdileysa ma dhiseyno, mana hindisin, mana ogolaaneyno in dad kale oo aan Soomaali aheyn dhulka Soomaaliyeed taallo looga dhiso,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaali Galbeed. Mustafe Cagjar wuxuu sheegay in hadii taallo la dhisayo ay noqon doonto mid loo dhisayo geesiyaashii u dhashay Soomaalida ee naftooda u waayey difaaca dadka iyo dalkooda, balse aan loo dhisi doonin kuwii sameeyey tacadiyadii horay u dhacay. “Hadii taalooyin la dhisayo waxaa loo dhisi doonaa wixii tacadiyo dhulkaan ka dhacay kuwii loo geystay ee sababay in xafladaan xusuusta ah aan maanta dhigano, sida halgamayaashii ONLF, SNF iyo kuwii kale ee dalkaan u soo halgamay ayaa loo dhisayaa hadii taallo laga dhisayo deegaankaan,” ayuu yiri Cagjar. Dhinaca kale lacagtii uu sheegay Abiy in taallada Kaaramardha lagu dhisayo wuxuu Cagjar sheegay in lagu dhisi doono goobaha lagu xanaaneeyo carruurta ee deegaanka Soomalaida. Hoos ka dhageyso The post Dhageyso: Cagjar oo ku gacan-seyray go’aankii Abiy ee dhismaha taallada Kaaramardha appeared first on Caasimada Online.
-
Aniga waxaan aad u taageersanahay gooni isu taagga Somaliland. Walaalaheen reer Somaliland 1960kii ayey shuruud la’aan inoogu yimaadeen iyagoo raba Soomaali mid ah oo dunida magac ku leh. Xornimadeenna raggii saxeexay 3 ka mid ah wexey ahaayeen reer Woqooyi. Dagaalkii 1977dii sidii ay u taageeraan ciidamadii Soomaalida waa ognahay. Halgankii keligii taliskii Siyaad Barre xukunka lagaga tuuray hormuud ayaa ay ka ahaayeen. Xasuuq aan cidna loo geysan baa walaaleheen ku dhacay. Soomaaliya markii 1991dii dawladda laga aasaasay lagama qayb gelin reer Somaliland taas oo siyaadisay caradii ay ka qaadeen sadbursiga iyo gabbood fallada. In maanta Somaliland reer lagu sheego ama la aflagaadeeyo waa qalad. Somaliland horumarka ka jiraa Soomaaliya ka ma jiro. Waa dad isku tashtay in la xaqiro oo maanta dagaal qabyaaladaysan lagu qaadaa waa qalad. Dagaalkaa waa ognahay cidda dabada ka rijxayso. Ninka Somaliland rabo in aw kala gooyo ee reer ahaan uga goosanaya maxay tahay midnimada Soomaaliyeed ee uu ka sheekeynayaa? Ma nin maamulkii uu ka tirsanaa ka fiigay aa midnimo wax ka tari karo? Walaalayaal caqliga in aw shaqeeyaa loo baahanyahay. Ninka maanta aan maamulkiisa cashuur laga qaadin oo deyn cafinta hor istaagsan oo rabo in uu cashuurta Muqdisho cuno yuu san Soomaalinimo iyo midnimo idin ku harowsan. Walaaleheen Somaliland dulmi badan baa laga galay ee yaan dulmi kale loola tegin. Soomaalinimo waxa eey tahay waa la yaqaan cidina cid ma siiso cidna ka ma saari karto. Mahad Salaad Political Analyst True Somali Man @MeygaagH Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab, dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Baareey oo dhaca koonfurta magaalada Beledweyne. Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay galabta weerareen deegaankaas oo fariisin ay ku lahaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal waqti kooban socda. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa ku warramaya inay cagta mariyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee deegaankaas ku sugnaa, isla markaana ay dileen dhowr dagaalame, inkastoo aysan soo bandhigin tiro rasmi ah. Sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay Dooman ay Al-Shabaab uga soo tallaabi jireen dhinaca galbeed ee wabiga Shabeelle oo ay ku badan yihiin. Deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee ku teedsan wabiga Shabeelle waxaa weli ka socda howlgal culus oo guddoomiye Cali Jeyte uu hoggaaminayo, waxayna labadii maalmood ee lasoo dhaafay Al-Shabaab ka saareen in ka badan 20 deegaan. Howlgalkaan waxaa qeyb ka ah ciidan xoog leh oo Taliyaha qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Tawane Axmed Maxamed iyo Taliyaha guutada 5-aad ee qeybtaas Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ay hoggaaminayaan. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa maalin ka hor sheegay in markii ay isku furan deegaanada dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ay u sii gudbi doonaan dhinaca galbeed ee gobolka oo deegaano badan ay Al-Shabaab ka joogaan. Qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo xoog leh, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dhulka la isku yiraahdo gobolada dhexe, sida uu yahay qorshaha dowladda. The post Faahfaahin: Dagaal galabta ka dhacay Hiiraan iyo degaano laga saaray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda beelaha Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga ninkii ay ka soo farcantay beelweynta Abgaal oo ku aasan deegaan lagu magacaabo Abdaal oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa. Wafdigaan oo isugu jira xubno ka soo baxay Muqdisho iyo xubno ka soo jeeda Somaliland, isla markaana isku baheystay magaca Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga Sheekh Abgaal Cismaan. Suldaan Hooley oo hoggaaminaya wafdiga Irirsamaale ee Muqdisho ka baxay iyo Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa halkaas kula hadlay warbaahinta. Suldaanka ayaa sheegay in beelaha Mogadishu Clan ay Somaliland ka codsanayaan in dhulkaan loo waqfo Sheekh Abgaal Cismaan oo ku aasan. “Tani waxay cadeyn u tahay in Irirsamaale wda dhashay, odayaashii kale ee Hiraab sida Maxamuud Hiraab (Duduble) waxay ku aasan yihiin Boorame, awoowgeen Abgaal Cismaan inaan qabrigiisa soo booqano maanta waxay nooga dhigan tahay wax weyn,” ayuu yiri Suldaan Hooley. Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa bulshada deegaankaas uga mahad celiyey sida ay u daryeeleen qabriga, “deegaankaan waxaa horay u saldhigtay awoowgeen Abgaal Cismaan, hadda waxaan ka dhisi doonaan goobo lagu barto diinta Islaamka,” ayuu yiri Cabdullahi Cumar. Zakariye Nuur oo ka mid ah dhalinyarada ku jirta wafdigaan, isla markaana ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa sheegay in imaamka guud ee beelaha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo muftiga weyn Sheekh Cismaan Xidig ay gabar ka mid ah wafdigaan oo Caasha Cagoole la yiraahdo u soo wakiisheen inay qabriga ka ag-dhisto masjid iyo goobo lagu barto diinta Islaamka. Hoos ka daawo The post Daawo: Maxaa ka jira in SOMALILAND laga helay qabriga ABGAAL Cismaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo oo loo heystay ka tirsanaanta Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka Khawaarijta la xukumay, kuwaas oo kala ah: 1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho. 2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho. 10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho. 11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. Halka Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dilal ka geystay deegaanada Puntland. Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka 14-kaan nin ee dilka lagu xukumay, kuwaas oo kala ah: 1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho. 2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho. 10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho. 11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. Halka Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah. The post Puntland oo tooganeysa 14 nin oo Shabaab ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
US deploys guided-missile submarine amid tensions with Iran
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
DUBAI, United Arab Emirates (AP) — The U.S. Navy has deployed a guided-missile submarine capable of carrying up to 154 Tomahawk missiles to the Middle East, a spokesman said Saturday, in what appeared to be a show of force toward Iran following recent tensions. Source: Hiiraan Online
