Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Axaddii in Midawga Yurub aanu xiisaynayn inuu dab ku sii shido xiisadda Taiwan, ayna tahay inay qaataan Istaraatejiyad cusub oo ka madaxbanaan Washington iyo Beijing labadaba. Macron ayaa ka soo laabtay safar saddex maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Shiinaha, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Shiinaha ayaa Sabtidii ka bilaabay Taiwan, dhoolatus milateri, isaga oo ka cadhaysan safarkii ay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ku tagtay dalka Maraykanka, isla markaana ay kula kulantay afhayeenka aqalka wakiillada Kevin McCarthy. Shiinaha ayaa Taiwan u arka inay tahay dhul isaga ka mid ah, isaga oo aan weligiis ka tanaasulin in doorashooyinka uu dib ugu soo celinayo inay ku jirto inuu awood u isticmaalo. Hase ahaatee Taiwan ayaa arrintaas si weyn uga soo horjeeda. Macron ayaa isagu sheegay in Yurub aanay soo dedejin colaadda halkaas ka jirta, balse ay wakhti ku bixiso sidii ay u diyaarin lahayd mawqifkeeda oo ka madax banaan aragtiyaha Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan Taiwan. Warkan ayaa lagu daabacay wargeyska Faransiiska ee Les Echos iyo Politico. Macron ayaa saxaafaddu ka soo xigatay inuu sheegay in Yurub ay u baahan tahay inay lacago badan geliso hannaankeeda difaaca, horumariso hubkeeda Nukliyeerka iyo weliba tamarta la cusboonaysiiyo, sidoo kalena hoos loo dhigo ku tiirsanaanta dollarka Maraykanka, si loo yareeyo isku hallayntooda Maraykanka. Macron waxaa safarkiisa Shiinaha ku wehelinayey illaa 50 shirkadood oo ganacsi oo ay ku jiraan shirkadda diyaaradaha samaysa ee Airbus iyo shirkadda soo saarta tamarta Nukliyeerka ee EDF, kuwaas oo heshiisyo soo saxeexay intii safarka lagu gudajiray. VOA + Reuters The post Faransiiska oo dalalka reer Yurub usoo jeediyay dalab ka dhan ah Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, ku qaabilay Madaxtootayada, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka daneynaya in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay dalkeeda ka qabsoomaan, maadaama ay horeyba dalkeeda uga dhaceen kulamo hore. Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Maayir ku-xigeenkii degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa ku biiray xooggaga SSC, isaga oo ka goostay Somaliland oo isku hayaan xooggagaasi gacan ku haynta magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka. Cabdinaasir Cabdiqadir ayaa waxa la sheegay inuu la goostay baabuur cusub oo qabaala oo ay dhawaan siisay xukuumadda Somaliland, oo ku metelayay gobolka Sool, oo ay isku hayaan xooggaga SSC. Ninkan ayaa dhowr jeer kasoo muuqday warbaahinta dowladda Somaliland, isaga oo sheegi jiray inuu aad uga soo horjeedo SSC, uuna taageersan yahay xukuumadda iyo militariga Somaliland ee la dagaalamaya xooggaga SSC. Cabdinaasir ayaa xilligaasi kasoo muuqday jiida hore ee ciidamada Somaliland kaga sugan yihiin gobolka Sool, isaga oo xidhnaa labiska ciidanka, hase yeeshe waxa uu hadda ku biiray xooggaga ay is-hayaan Somaliland. Somaliland ayaa waxaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood ka goostay masuuliyiin dhowr ah oo iskugu jiro madax ururo, siyaasiyiin, masuuliyiin xukuumadeed iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo u galay dhinaca kale ee SSC. Saraakiisha ka goosatay Somaliland ee ku biiray SSC ayaa waxaa ugu dambeeyay Taliyihii guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn. Maxamed Deeq Muxumed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in is-casilaadiisa ay timid kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada uu ka tirsanaa ee Somaliland ay u geysteen bulshada gobollada uu kasoo jeedo. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu difaacayo shacabkiisa, taasi oo ka dhigan in Taliyihii hore ee guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland iyo kuwa kale ee ku biiray ay hadda kadib ka barbar dagaalami doono xooggaga SSC oo Somaliland isku hayaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Isimida SSC iyo xooggaga taabacsan ayaa dhowr jeer ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay dhibaatooyin horleh ka geysteen deegaanada SSC, hase yeeshe waxaa eedahaasi iska fogeysay xukuumadda Somaliland, oo iyadu ku andacoota in markasta ciidamadeeda weerar lagu yahay. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda in ka badan laba bil, illaa haddana majirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah, ayada oo ay burbureen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la rabay in miiska wada-hadalka la iskugu keeno xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC, waxayna weli labada ciidan isku horfadhiyaan duleedka magaalada. The post Mas’uul Somaliland ka tirsan oo la goostay gaari dhawaan la siiyay, kuna biiray SSC appeared first on Caasimada Online.
  4. Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta madaxtooyada dalkaas ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed. Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo bilaabo wadahadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti. Ergeyga ayaa Madaxweynaha Jabuuti la wadaagay warbixin ku saabsan howsha culus ee hortaalla, wuxuuna madaxweyne Ismaaciil taageeray qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso ka mira-dhalinta wadahadaladaas. Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa intii uu socday kulankaas wuxuu Cabdikariin Guuleed u muujiyay sida ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u doonayaan in nabad iyo xasilooni ay ku wada noolaato umadda Soomaaliyeed. Kulanka uu Cabdikariin Guuleed madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qeyb ka ah kulamo badan oo Ergeygu uu qorsheynayo inuu la yeesho madaxda dalalka Geeska Afrika. Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada. The post Sawirro: Guuleed oo arrimaha Somaliland kala shiray Geelle appeared first on Caasimada Online.
  5. Rasaas goos goos ah ayaa gelinkii danbe ee xalay laga maqlay xaafado ka tirsan caasimadda Garoowe. Wararka ayaa tilmaamaya in rasaastaas ay dhexmartay ciidanka Booliska iyo kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha khamriga. Inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta labada dhinac rideen. Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin kamid ah kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga. Maandooriyaha khamriga oo muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe ayaa mararka qaarkood sababa dhacdooyin amni-darro. PUNTLAND POST The post Rasaas khasaare sababtay oo dhex martay Booliska Garoowe iyo kooxo hubaysan appeared first on Puntland Post.
  6. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, ka dib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay dhig-giisa Serbia Mudane Bratislav Gasić. Safarkan shaqo ayuu Wasiir Doodishe muddo 3-maalin ku joogi doonaa Serbia ,isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sidoo kale Tababar u soo xiri doona Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo Afar-bil Tababar ku qaatay Dalka Serbia. Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir Saaxiibtinimo oo ku dhisan Danaha labada dal. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray dalka Serbia appeared first on Puntland Post.
  7. Mortar attacks on Villa Somalia allegedly facilitated by Al-shabaab moles in federal agencies. Mogadishu (Comment) — Unknown assailants used mortars to attack Villa Somalia in the evening today two days after President Hassan Sheikh Mohamud publicised security measures to limit vehicles mounted with browning machine guns in the capital city. Security experts in Mogadishu have expressed reservations about the new policy that removes key deterrents in the fight against terrorist attacks — the presence of well armed security forces patrolling the streets of Mogadishu. If terrorists can use mortars to target Villa Somalia the decision to reduce the presence of security forces increases vulnerabilities that Al-Shabaab exploits. The first phase of Ma’awisley campaign created suspicions amongs clans dominant in Mogadishu. The perception that militias of President Hassan Sheikh Mohamud’s clan received more weapons at the expense of other clans is now fuelling opposition to the security policies enunciated by President Mohamud at the Villa Somalia mosque on Friday. On Wednesday President of Hirshabelle State of Somalia Ali Guudlaawe accused Somali Army units of running illegal roadblocks in the state. “I want to make it clear that contingents of the Somali National Army run illegal roadblocks in Hirshabelle. They are wearing the army dress, drive army transport, and get paid” said Mr Guudlaawe. On 7 April the US government issued an executive order to deal with threats from Somalia to “the national security and foreign policy of the United States”. Attempts by the incumbent President to amend presidential and legislature terms of office undermined cohesion around fighting terror. Al-shabaab infiltrates security forces and other government agencies. There is no way to figure out whether a defector is still loyal to the Al-shabaab, which taxes Mogadishu businesses. President Mohamud implied that new defectors would be absorbed into the government agencies. This comment was written by a former NISA officer. © Puntland Post, 2023 The post Mortar Attacks on Villa Somalia Pose Formidable Security Challenges appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) - A mortar attack targeted the home of Somali Minister of Petroleum and MP Abdirizak Omar Mohamed in Mogadishu on Friday night. The minister's residence is located near the Somali presidential palace. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku dhawaaqay go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu. “Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaaladaan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni darrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xiran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan, wuxuuna ku tilmaamay masuulkii diida in gaarigiisa la baaro Shabaab kalkaal. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay go’aanka madaxweynaha? Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed ka dhiibatay go’aanadan cusub ee madaxweynaha dul dhigay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Muqdisho. Nuur Axmed Dahir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka madaxweynaha ayaa waxa uu yiri “Wallaahi Dr Xasan hadalo cad cad oo aan horay loog baran ayuu la yimid runta waa biyo kama dhibcaan, waxaad-ba modaa in uu dareenka shacabka uu ku hadlaayo. Guuleyso mudane madaxweyne quluubta kala jirna.” “Waxaan idinka fadhinaa inaad fulisaan, amaradaan aad soo rogteen amar dawlo-mudeec waa inuu noqdaa. Waxaan rajeynayaa in tallaabadani wax wayn utarto amniga caasimada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas Cumar Ducaysane. Geelle Gabbane oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan ayaa waxa uu yiri “Al-Shabaab baa Dekada Muqdisho canshuur ka qaado oo hub iyo qaraxyada kala soo dago, ayagoo ganacsato iska dhigayo ama si bareer ah oo xoog ah uga soo dagsado. Waaa ceeb inaa sidaan u hadashid, waxa socda wax ka qabo oo Al-Shabaab ka jooji canshuurta ay ka qaado dadka dowlada u shaqeya iyo waxay dekada kala soo dagayaan.” Cabdiraxmaan Boore Cadow ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in go’aanadda uu ku dhawaaqay madaxweynaha aysan noqon afka baarkiisa ee si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, wuxuuna yiri “Waa go’aan cad oo muhiim ah mudane madaxweyne, waana in la helo dhaqan-galkiisi arinkaa aad ayaan usoo dhaweeynayaa, guul iyo gobanimo.” Aslam Cali Aden “Magaalada Wadada maka almukarama le miyaa mise muqidisho dhan.” – “Askariga wadada markuu maraayo xabada kufuranaayo eedadka qaar dhaawac iyo dhimasho ugeysata maanaga qabtaan waxaan rabnaa amni buuxa Allaha inasiiuo.” ayey tiri Raxmo Ibraahim Nuur. “Hala joojiyo markaad ledahay madaxwayne waxa ku jirta in aad ogtahay kuwo sameyay arinkaa waa inaad dul dhigta amar ah in uu marayo ciqaab adag hadalkan jilicsan kadaa,” ayuu yiri Maxamed Zimba oo ku taliyay in si adag loola dhaqmo dadka hareer maraha go’aannada uu ku dhawaaqay madaxweynaha. “Mudane madaxweyne adiguna markaad rabtid inaad meel Muqdisho kamid ah booqatid ha xiran wadooyinka ku teedsan nawaxigaas oo buruuftaada ku mar kaliya,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Maxamed. Ayaan Cumar ayaa iyadna waxay tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waan kugu taageersanahay waana wax wanaagsan go’aankaan aad soo jeedisey ee hirgali. Tan kale waxaan kaa codsaneynaa in ciidamada Soomaliyeed qeybahooda kala duwan aad lacagta u badisid oo mushaarka ugu badan aad siiso si ay daacad ugu noqdaan wadankooda ileyn madaxweyne nin baahan gob ma ahan!.” “War kaliya wax mataree halagu dhaqmo hadalkaaga madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanada uu Jimcihii ku ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. The post Sidee looga fal-celiyey go’aankii uu ku dhowaaqay madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.
  10. Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa maanta gudaha u galay deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay sanado badan maamuleysay. Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Ceeljuqow ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta ay isaga carareen Shabaab-kii ku sugnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Ceeljuqow ayaa waqooyi ka xiga degmada Galcad oo maalmo ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab, waxayna ciidanku sii mareen degaan kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Butbut, kaas oo Al-Shabaab ay baneeyeen inta aysan gaarin ciidamada duulaanka ah. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka galabta gudaha u galay degaanka istaraatiijiga ah ee Ceeljuqow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-gaari oo kooxda Al-Shabaab ay ka carartay. Gaadiidkaan oo looga dabategay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceeljuqow oo kooxdu ay uga carartay ayaa dadka deegaankaas waxay sheegeen inay Al-Shabaab lahaayeen, waxayna saraakiishu sheegeen in sababta ay gaadiidkaan uga carareen ay tahay baqdin ay ka qabaan in la duqeeyo. Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, mudadii 15-sano aheyd. Taliye Odawaa iyo guddoomiyaha Maxaas ayaa ciidankii ayaa ciidanka u gudbiyey fariinta dowladda ee dagaalka la qorsheynayo dhamaan gobollada dhexe looga saaro Al-Shabaab. Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Saney Cabdulle ayaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehliyey kormeerkaan, waxayna u khudbeeyeen boqolaal ciidanka xoogga iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisley. The post Sawirro: Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Hormuud Telecom has been providing telecommunications services to Somalia for over 20 years. The company was founded in 2002 and has since grown to become one of the country’s largest telecommunications providers, offering a wide range of services such as voice, data, and mobile money transfer. Hormuud Telecom has been instrumental in the development of Somalia’s telecommunications industry, which has been critical to the country’s economic growth and social development. The company has made significant investments in modernizing the country’s telecommunications infrastructure, including the deployment of fiber optic networks, which has helped to improve the quality and reliability of telecom services. Hormuud Telecom has been involved in several social and philanthropic initiatives in Somalia, in addition to providing telecommunications services. The company has built hospitals and clinics, established schools, and provided scholarships to students, and contributed to relief efforts during times of crisis. Despite operating in a difficult environment, Hormuud Telecom has remained committed to providing Somalis with high-quality telecommunications services. Its success demonstrates the Somali people’s resilience and determination, as well as the critical role that telecommunications plays in driving economic and social progress in the country. Hormuud Telecom also runs Hormuud University, a private university in Mogadishu, Somalia. The university was founded in 2014 with the goal of providing high-quality education to Somali students, particularly in the fields of engineering and technology. Hormuud University provides undergraduate and graduate programs in engineering, computer science, and business administration. The university places a strong emphasis on hands-on training to provide students with the skills and knowledge they need to succeed in their chosen careers. Hormuud University’s main goal is to produce highly trained engineers who can help drive the development of Somalia’s telecommunications and technology sectors. The university collaborates closely with Hormuud Telecom to ensure that its curriculum is relevant to industry needs and that graduates are well-prepared to enter the workforce. Hormuud University is assisting in the development of a new generation of highly skilled professionals who can contribute to the growth and development of Somalia’s economy through its programs and initiatives. Its role in producing highly trained engineers is critical, as this is an area of critical need for the country’s ongoing development. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com @osmando The post Hormuud: Advancing tech and education in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada. Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa saxaafadda u akhriyey xeerka cusub ee ‘xakameynta hubka caasimadda.’ “Ujeedada laga leeyahay xeerkaan waa in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimadda ay u leedahay inay helaan xasilooni iyo nabad,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay wasiir Xagaa. Qodobka koowaad ee xeerkaan waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdibilaha iyo dharka ciidanka. “Gaadiidka iyo hubka la mamnuucay waxaa magaalada Muqdisho ku dhex adeegsan kara ciidan howlgal idman ku jira,” ayuu dhigayaa qodobka 3-aad ee xeerkaan. Dowladda Soomaaliya waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, isla markaana ay noqonayaan hanti dowladeed. Qodobka 5-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in diiwaan gelinta iyo bixinta qursadda hubka lagu dhex qaadanayo caasimadda ay bixineyso wasaaradda amniga. “Waxaa reeban in cid aan ka tirsaneyn ciidamada amniga ay Muqdisho ku dhex wadato hub aan ruqsad laheyn, ciidamada ilaalada ee ruqsadda heysta waa inay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin, markii ay shaqada ku jiraan,” ayaa lagu yiri qodobka 7-aad. Masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada ayuu xeerkaan farayaa inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga caasimadda Muqdisho. Qodobka 9-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in la diiwaan geliyo dhamaan hubka lagu dhex heysto caasimadda Muqdisho, sida qoryaha fudud ee AK47 iyo bistooladaha. “Cid kasta oo jebisa qodobada xeerkaan waxaan lala tiigsanayaa xeerka ciwaabta ciidamada” ayaa lagu yiri qodobka 14-aad ee xeerkaan oo dhaqan galay 6-dii bishaan, markaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirrada, sida uu wasiir Xagaa ku shaaciyey shirkaan jaraa’id. Hoos ka daawo The post Daawo: Xukuumadda oo soo saartay ‘qaraar’ xasaasi ah oo 15 qodob ka kooban appeared first on Caasimada Online.
  13. Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Djibouti Madaxweyne Ismail Omar Gelle, Ergayga ayaa ugu horeeyn uu gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Mohamud. Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmaray isaga iyo Ergeyga waxaa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doona. Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha uu u muujiay sida dowladda Jabuuti ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed. Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wadahadallada Somaliland, kaas oo dhowaan madaxweynaha uu u magacaabay inuu daadihiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa salaadii maqrib kadib tiro hoobiyeyaal ah ku garaacday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha Madaxtooyada Soomaaliya. Ugu yaraan shan hoobiye oo Al-Shabaab ay soo rideen ayaa intii la af-furayey ku dhacday qeybo ka mid ah degmada Wartanabadda oo Villa Somalila ay ku taallo iyo degmada Boondheere. Inta la xaqiijiyey labo ka mid ah ilaalada wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay inay ku dhinteen hoobiye ku dhacay guriga wasiirka oo ku dhex yaalla Villa Somalia. Wasiir Cabdirisaaq ayaa la sheegay inuu ka badbaaday hoobiyaha ku soo dhacay gurigiisa, waxayna ilo dhanka ammaanka ah Caasimada Online u xaqiijiyeen in waxa lagu garaacay aagga Madaxtooyada ay Hoobiye ahaayeen. Kooxda Al-Shabaab oo war kooban soo saartay ayaa sheegatay in madaxtooyada Soomaaliya ay madaafiic ku garaaceen. balse ma shaacin khasaare ama bartilmaameed gaar ah. Habeeno ka hor sidaan oo kale ayaa qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah dhowr jug looga maqlay, balse markii dambe waxay hey’adaha ammaanku sheegeen in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish lagu qalqal gelinayey bulshada. Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho, gaar ahaan aagga Madaxtooyada ka geysta weerarro ay u adeegsadaan qoriga hoobiyaha, kaas oo inta badan ay ku dhibaateeyaan dad shacab ah, maadaama ay iska ridaan oo wax bartilmaameed ah aysan laheyn. Weerarkaan caawa ka dhacay Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa xilli ay dowladdu ku howlan tahay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo galabta ay xukuumadda ka soo baxeen amarro uu horay u shaaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Amarradaas ayaa lagu xakameynayaa hubka culus ee lagu dhex qaato caasimadda, si loo dhimo fursadda ay Al-Shabaab u heli karaan inay hub culus gudaha caasimadda weerar uga geystaan. The post Khasaare ka dhashay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhex-maray dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubnaha Shabaab-ka ku dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, waxaana la sheegaya inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkan. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda waxaa sii kordhay khasaaraha dagaal-yahaanada iyo horjoogayaasha ka tirsan kooxda, kaasi oo gaaray illaa 20 ruux. Sidoo kale waxaa dagaalkaasi dhex-maray xubnaha kooxda ka dhashay dhaawac gaaraya illaa 40, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaas kusii daraya in horjoogayaasha kooxda ay amartay in dhaawacyada la dhameystiro, si aan waqti dheeraad ah loogu lumin, xilli uu qeybo kamid ah dalka ka billowday wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Go’aanka ay qaateen horjoogayaasha kooxda ee lagu dhameystirayo dagaal-yahaanada ku dhaawacmay dagaalkan dhex-maray isla kooxda Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tirada dhimashada oo hadda la xaqiijiyay inay mareyso illaa 20 ruux. Dhawaan ayay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab. Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray. Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah. The post Faah-faahin laga helayo dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
  16. JERUSALEM (Caasimada Online) – On Sunday, numerous Israeli settlers and ultranationalists, supported by heavily-armed law enforcement, besieged the Al-Aqsa Mosque in occupied East Jerusalem during Passover celebrations. While throngs of Israelis explored the mosque’s courtyards starting at 7:30 am local time, Palestinian entry to the site was restricted. At the same time, Israeli forces targeted Palestinians who sought to reach the mosque overnight for dawn prayers, barring worshippers under 40. Israeli forces evacuated the Old City, the location of the Al-Aqsa Mosque, in anticipation of widespread Israeli incursions. Consequently, a mere 30,000 Palestinians could attend the Ramadan Taraweeh night prayer on Saturday, a significant decline from the 130,000 estimated attendees during previous nights this month. To avoid being expelled from the mosque by Israeli forces, hundreds of worshippers sequestered themselves in the Qibli prayer hall on Saturday night. International condemnation Following last week’s repeated attacks by Israeli forces against worshippers inside the Qibli mosque, global denunciation surged. Jordan, the guardian of Jerusalem’s Islamic and Christian sites, criticized the incursions on Sunday and attributed responsibility for the consequences to Israel. The Jordanian foreign minister issued a statement condemning the incursions and the violation of the historical and legal status quo agreements at Al-Aqsa. Long-standing international agreements, collectively known as the status quo, identify Al-Aqsa Mosque as an Islamic site, prohibiting unsolicited visits, prayers, and rituals by non-Muslims. Despite this, Israeli groups have consistently breached this sensitive accord by coordinating with authorities to facilitate daily raids on the site and conducting prayers and religious ceremonies without Palestinian or Jordanian consent. Concerns of illegal control By designating specific times for Palestinian access to Al-Aqsa Mosque and permitting settlers to visit and pray, Palestinians worry that plans are underway to partition the mosque between Muslims and Jews, akin to the division of the Ibrahimi Mosque in Hebron in the 1990s. Israel’s governance of East Jerusalem, including the Old City, contravenes various tenets of international law, which maintain that occupying powers hold no sovereignty over occupied territories and cannot enact permanent changes. While Israeli police demonstrated restraint towards Palestinians within Al-Aqsa Mosque over the weekend, they maintained a strong presence on-site. This unusual behavior follows last week’s recorded and widely disseminated violent assaults on worshippers, which incited increased aggression. In an apparent response to the Al-Aqsa confrontations, militants launched rockets from Gaza and Lebanon toward Israel on Thursday, injuring at least two Israelis. Shootings in the occupied West Bank also intensified, resulting in the deaths of two Israeli settlers and injuries to two soldiers. In response to growing tensions, the Israeli military and law enforcement announced plans to increase their forces and prolong West Bank closures until Wednesday. Palestinians from the West Bank with permits to work in Israel or visit Al-Aqsa Mosque will be denied entry. Israeli Defense Minister Yoav Gallant directed soldiers to deploy within Israel’s central district to support police efforts. The post Al-Aqsa Mosque: Passover incursions spark unrest appeared first on Caasimada Online.
  17. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen ruux la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kadib markii uu isku dayay inuu Miino ku aaso wadada dhianaceeda. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Garsbaaleey ee duleedka Muqdisho, ciidanka ayaa la kulmay ruuxa la toogtay xilli ay ku jireen howlgal amniga lagu xaqiijiyay. Qoraal kooban oo kasoo baxay Booliiska ayaa lagu yiri” Ciidanka oo howgal ku jira ayaaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinaceeda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, dhagar qabaha ayaa sameeyay iska caabin waana la toogtay”. Ciidamada Booliiska ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaana marar badan sidaan oo kale ciidanku ay toogasho ugu dileen shakhsiyaad la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa billowday inay taageero gudaha ah u raadiso qorshaheeda dagaal ee magaalada Laascaanood, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay magaalada dib ugu soo celin doonto gacanteeda. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta kulan la qaatay tobanka urur siyaasadeed ee usoo baxay tartanka xisbiyda Somaliland. Kulankaan ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta Laascaanood, oo in ka badan laba bil uu ka taagan yahay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu horeyntii warbixin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda Laascaanood. Tobanka Urur Siyaasadeed ayaa oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Kaah, Ogaal, Rejo, Talo-wadaag, Mideeye, Waaberi, Urur Barwaaqo, Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa dhankooda madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay usoo jeediyay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood. Sidoo kale waxay tilmaameen inay difaaca Somaliland ku barbar taagan yihiin dowladda, islamarkaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan xukuumadda. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyey madaxda Ururada Siyaasadda sida ay u barbar istaageen xukuumadooda iyo dadkooda, isaga oo soo dhaweeyay tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood. Kulankan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Somaliland ay sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabacsan. Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka. Si kastaba Waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku haya halkaasi. The post Sawirro: Somaliland oo taageero u raadineysa qorshaheeda dagaal ee Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. President Hassan Sheikh Mohamud betrayed the Somalia sovereignty and allowed the United States to forge security partnership with the secessionist administration of Somaliland. Mogadishu (PP Report) — In March 2022 James Elroy Risch sponsored Somaliland Partnership Act bill. The bill obliges “the Department of State to annually report to Congress on U.S. assistance to Somaliland. The State Department must also report to Congress on the feasibility of establishing a U.S.-Somaliland partnership, including opportunities for collaboration on regional security issues.” The bill refers to Somaliland as “the territory within Somalia that has been a self-declared independent and sovereign state since 1991 that is not internationally recognized.” Not only did the bill mention the unilateral secession of Somaliland but it wrongly conferred a sovereign status on the secessionist administration. Only the Federal Republic of Somalia is a sovereign state, but for geopolitical reasons American lawmakers decided to redefine the Westphalian system to violate the sovereignty of Somalia. The big elephant in the room is the Federal Government of Somalia whose leadership colluded with the secessionist administration to implement a security partnership between the United States and a secessionist entity that forcibly displaced more than 1500 Somali citizens in Laascaanood in 2021, and is now waging a secession war in Northern Somalia to enforce pre-independence colonial borders. President Joe Biden’s administration redefined the Westphalian system to violate the sovereignty of Somalia for geopolitical reasons. An amended bill will “require the Secretary of State to submit annual reports to Congress on the assistance provided to Somaliland and to conduct a feasibility study, in coordination with the Secretary of Defense, on establishing a security partnership with Somaliland, without recognizing Somaliland as an independent state.” Somaliland administration does not only reject the sovereignty of Somalia but it is also in territorial dispute with Puntland, a Federal Member State. Through lobbyists Somaliland President Muse Bihi Abdi bought off American lawmakers to secure a controversial security partnership to boost his secessionist agenda. America indirectly encouraged the Somaliland administration to aggressively pursue its secessionist agenda. “Congress. Members of Congress must not view themselves as having the power to determine the borders of black-African countries or recognize secessionist regimes in Africa. Such actions will destabilize Africa” wrote Dr. Karl Von Batten of Von Batten-Montague-York, L.C. On 7 April 2023 the United States Government issued an executive order on measures to deal with “threat [from Somalia] to the national security and foreign policy of the United States”. Ten months ago, the US policy on Somalia sought to deepen security partnership with a sub-national, secessionist administration. The American government policy has exposed what a constitutional expert views as a treason committed by the incumbent administration of President Hassan Sheikh Mohamud whose government had given the US government the green light to establish security partnership with a secessionist administration. “President Hassan Sheikh Mohamud failed to discharge his constitutional duties to speak out against the violation of the sovereignty of Somalia by the United States of America Government through Somaliland Security Partnership. Former Somalia Presidents and Prime Ministers should not be coming across as indifferent to the betrayal of sovereignty” said a constitutional lawyer in Mogadishu. © Puntland Post, 2023 The post How Somaliland bought off American lawmakers appeared first on Puntland Post.
  20. A Saudi ‘technical delegation’ has met Iran’s chief of protocol at the foreign ministry in Tehran, media reports. Source: Hiiraan Online
  21. For Fowsia Musse, her return to the Ethiopian city of Jigjiga after nearly three decades wasn't the homecoming she expected. Source: Hiiraan Online
  22. International students living in the Turkish capital of Ankara observe and experience Ramadan away from the comforts and traditions of home as they recall memories from their motherlands with family and close friends. Source: Hiiraan Online