Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga hirgeliyay biyo-xireen weyn oo la filayo inuu yareeyo fatahaadda uu webiga Shabeelle u geysto magaalada. Biyo-xireenkan la dhisay oo loogu magac-daray Kiliga Waraaboole ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Norway. Xilligan oo roobab waaweyni ka da’een gudaha Ethiopia, ayaa dadweynuhu eegayaan, waxa uu biyo xireenkani ka taro fatahaadaha maadaama ay magaaldu xilli waliba sidaan oo kale marka la gaaro ay biyo badan ay ku fatahaan xaafadaha kale duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne. Wabiga Shabeelle ayaa magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay qeybo ka mid ah ka fatahay, walow cabsi ah laga dareemayo magaalooyinka Balcad, Baladweyne iyo Afgooye ee Hiiraan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe uu ka geysto Fatahaado saameyn ku heesha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaas. Wabiyada Jubba iyo Shabeele ayaa xilligaan waxaa ay bilaabeen fatahaado ay ka sameynayaan magaalooyinka qaar, iyadoo la xasuusto in dhowaan magaalada Baardheere Fatahaad ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaartay dadka iyo duunyada, iyo sidoo kale burbur hantiyadeed oo ka dhalatay. Biyo-xireenkaan laga hirgeyay magaalada Baladweyne ayaa waxaa la filayaa inuu yareeyo xadiga biyaha Wabiga banaanka uga baxa ee uu ku fataho magaalada, waxaana uu yahay biyo xiyeen awooda inuu celiyo xadiga biyo badan sida ay sheegeen khubarada dhistay Biyo-xireenka laga hirgeliyay Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. UN Secretary-General Antonio Guterres arrived in Mogadishu on Tuesday at the start of a brief visit to Somalia, a country scarred by protracted armed conflict and climate disasters. Source: Hiiraan Online
  3. Shan qof ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku xaqiijiyeen. Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay ka dhacday bangi ku yaalla magaalada. Shir jaraa’id oo ay qabteen daqiiqado ka hor, waxay sheegeen in lix qof ay ku dhaawacmeen oo loo qaaday isbitaallada deegaanka sarkaal booliis ah ayaa ka mid ah dadka dhaawaca ah, toogashada ayaa waxaa geystay nin hubeysay oo weerar ku qaaday goob ganacsi. Ninkii toogashada geystay ayaa isaguna dhintay. Ma cadda waxa keenay dhimashadiisa, lama shaacin in isna la toogtay iyo in kale , laakiin Booliiska ayaa xaqiijiyay in la helay meydkiisa oo kaliya. dadweynaha ayaa laga codsaday inay ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay. Muuqaal laga soo duubay deegaanka ayaa u muuqda in uu muujinayo ciidamo aad u hubeysan oo isku gadaamay goobta ganacsi oo ku taala agagaarka Meesha uu weerarku ka dhacay. Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca weerarrada nuucaan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Beledweyne (HOL) - Residents of Beledweyne town are feeling relieved after the construction of a large dam to prevent the Shabelle River from flooding. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Izumi Nakamitsu, the UN High Representative for Disarmament Affairs, recently addressed the Security Council about the inherent risks of arms transfers and the importance of countering weapons diversion for global peace and security. Many delegates at the meeting, which took place during Russia's month-long presidency, referenced the ongoing conflict in Ukraine. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi. Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha. Ujeedada ka dambeysa in waddooyinka Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in maanta ay caasimasa soo gaari doonaan wafdi heer caalami ah. Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka waddooyinka ayaa saaka kusoo baraarugay marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda. Wafdiga kusoo foolka leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaamin doono xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio Guterrs, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Guterrs marka uu soo yimaado magaalada Muqdisho uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka oo ku aadan booqashada wafdigan caalamiga ah ee maanta ku soo wajahan caasimada dalka ee Muqdisho. Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo xoghayaha guud ee QM, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017. The post Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray hal arrin darteed appeared first on Caasimada Online.
  7. Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo ggor dhow soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee maagalada caasimadda Muqdisho, waxaana kusoo dhoweeyay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Soomaliya iyo madax kale. Wafdigaan ka socda Qaramada Midoobe ayaa waxaa safarkooda uu ku wahjahann yihiin u kuurgalidda xaaladaha ka jira Soomaaliya ee dhanka Bani’aadannimada, waxaana lagu wadaa inuu Xoghayaha uu kulan la qaato inta uu ku sugan yahay caasimadda dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Antonio Guterres imaatinkiisa Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo dalka wali laga dareemayo raadkii ay reebtay Abaartii ku dhufatay, walow Roobabka da’aya oo xilliga Gu’ga ah ay magaalooyin dhowr ah ay ka geysteen Fatahaado saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhowr jeer in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar caalami ah si looga hor-tago abaaraha soo laablaabta, kuwaas oo intooda badan ay sabab u tahay isbedelka Cimilada caalamka uu ku hayo wadamada ku yaalla Qaaradaha Asia iyo Afrika. Safarka Antonio Guterres ayaa dhanka kale waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalka intiisa badan ay howlgallo ay ka wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, waxaana dowladdu ay sheegtay in loo baahan yahay gargaar la gaarsiiyo goobaha ay ciidku la wareegaan. Qaramada ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale ay ka muujisay walaac xooggan dagaalka u dhaxeeya xoogagga SSC iyo Milatariga Somaliland, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood bishii labaad, waxaana lasheegay in dad ka badan 20’000 ruux ay ka baxeen magaalada iyo guryahoodii. Antonio Guterres safarka uu kusoo garay Muqdisho ayaa ah safarkii ugu horeeyay tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxmuud, waxaana inta uu joogo kulamo uu la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dalka iyaga oo ka wada hadlidoona arrimaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Antonio Guterres iyo wefdiga uu hoggaaminayo waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya Abshir Cumar Huruuse iyo madax kale. Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe, Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka. Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo saaka soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis dagaal ah maalinimadii Isniinta, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac. Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay sii daysay 106 askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, halka agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ruushkuna sii daayey 100 maxbuus oo ay hayeen. Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale. Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista. PUNTLAND POST The post Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday in ka badan 200 oo maxbuus appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - Elite Somali commando forces Danab (Lightning) and Gorgor (Eagle) have successfully recaptured Ali Afrah, a village near the recently liberated district of Gal'ad in the Galgadud region. Source: Hiiraan Online
  11. Huge protests have taken place in Ethiopia's Amhara region for the fifth consecutive day against government moves to dissolve a paramilitary force. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister Hamza Abdi Barre met with Chinese Ambassador to Somalia Fei Shengchao on Monday to discuss strengthening bilateral relations in politics, cooperation, security, economic development, and humanitarian issues. Somalia and China have a long-standing diplomatic relationship, with Somalia being the first East African country to establish diplomatic relations with China. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL - Somalia's Minister of Internal Security, Mohamed Ahmed Sheikh Ali (Dodishe), met with Serbian experts from the Department of Weapons and Prevention of Organized Crime in Belgrade on Monday. Representatives from Yugoimport SDPR, a Serbian state-owned company specializing in the design, development, production, and export of defence and military equipment, were also present at the meeting. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL - Somalia's Minister of Internal Security, Mohamed Ahmed Sheikh Ali (Dodishe), met with Serbian experts from the Department of Weapons and Prevention of Organized Crime in Belgrade on Monday. Representatives from Yugoimport SDPR, a Serbian state-owned company specializing in the design, development, production, and export of defence and military equipment, were also present at the meeting. Source: Hiiraan Online
  15. Hormuud Telecom has been providing telecommunications services to Somalia for over 20 years. The company was founded in 2002 and has since grown to become one of the country's largest telecommunications providers, Source: Hiiraan Online
  16. Jabuuti (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shalay kulan muhiim ah Aqalka Dowlada Djibouti kula qaatay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle. Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wada-tashi ku aadan ka gun-gaarista wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. “Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankeenu waxa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doono. Madaxweynaha oo aan la wadaagay howsha culus ee na hortaala ayaa inoo muujiay sida dowladda Jabouti ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed,” ayuu Guuleed ku yiri qoraal uu kasoo saaray kulankan. Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergeyga arrimaha Somaliland? Hoos ka aqriso, aragtiyo kala duwan oo Caasimada Online ay idinka soo aruurisay kulanka uu ergeyga arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed uu kula qaatay dalka Jabuuti madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Xasan Xaaji Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadii ugu horeysay Guuleed iyo kulanka uu la qaatay Geelle ayaa waxa uu yiri “Mudane qorshe degsanaa miyaa howshana hadii lagu magacaabayba fakatax ayaa hore ka tiriye?!. Wax kheyr leh Insha Allah. Hargeysa in aad tagtana waa rajeyneynaa.” “Mudane si fiican ayaad hawsha wadahadalka u bilowday mudane madaxwyene Geele waa Oday Soomaliyeed oo mar walba jecel horumarka walaalnimda Soomaalida Geeska. Somaliland iyo Somalia waxa la soo gaadhay wakhtigay ku wada noolaan lahayeen walaalnimo iyo derisinimo tixgelin leh,” ayuu yiri Saciid Cusmaan. Cabdiraxmaan Barkhadle oo isagu dhaliilay waxa uu kulankan kusoo kordhin karo shaqada Guuleed ayaa waxa uu yiri “Shaqadaadu halkaa maaha Cabdikariinow, Hargeysa iyo Laascaano inaad ka degtay ahayd.” “Taageero waxaad uraadinaysaan Muuse Biixi Cabdi si aad uga khafiifisaan jabka ka soo gaadhay dagaalka,” ayuu yiri Axmed Cabdi Cumar. “Cabdkariin Xuseen Guuleed waxaan kugula talin lahaa arrimaha Falastiin Iyo Israel inaad America u aadid oo Biden kala soo hadashid,” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Aadan oo isagu kamid ah dadka ka fal-celiyay ee sida weyn u dhaliilsan kulanka Guuleed iyo Geelle. Cabdicasiis Kaarshe ayaa isaguna waxa uu yiri “Waan garanay Jabuuti balse maxa ka galay waddamada Geeska Afrika wada-hadalada masiirka umadda Soomaaliyeed.” “Gudoomiye hawl culus ayaad haysaa Insh Allah waxaan rajeynayaa in la kala tago ama la midooobo,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka aragtidooda ka dhiibtay kulanka ergeyga arrimaha Somaliland uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale Cabdiraxmaan Xasan Seed oo ka fal-celiyay siduu u arko kulankaan ayaa isagna waxa uu yiri “Mudane si fiican ayaad uwada shaqadii lagu doortay, xilkaas Alle ha kugu asturo doorkan waxaan ka sugayna wada-hadalkaas inu noqdo mid midha-dhala oo Somaliland guul uga soo hoyda.” Si kastaba, Kulanka Guuleed iyo Geelle ayaa imanaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti. The post Sidee ayaa looga fal-celiyey tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergey Guuleed? appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gobolka Galgaduud ayaa looga dhawaaqay xaalad feejignaan ah oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidanka xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe ay gudaha u galeen deegaanada bari ee gobolkaas oo sanado badan ay Al-Shabaab xukumayeen. Maamulka gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka faray inay heegan galaan, maadaama Al-Shabaab ay ku soo firxa karaan, markii ay iska difaaci waayaan duulaanka kaga soo wajahan ciidanka xoogga dalka. Gudomiye ku xigeenka Gobolka Galgaduud Xasan Gaboobe ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wajiga labaad ee howlgallada lagu sifaynayo Al-Shabaab uu si xowli ah uga socdo Gobolka Galgaduud, dhawaana la rajaynayo in demada Ceelbuur laga xoreeyo kooxda. Qoraalka ka soo baxay maamulka gobolka Galgaduud ayaa afar qodob lagu faray maamullada degmooyinka gobolkaas iyo guud ahaan bulshada, si looga hor tago khatarta Al-Shabaab. Afarta qodob ayaa kala ah: 1 – Waxaa maamullada degmooyinka iyo deegaanada gobolka la farayaa in si dhow ay ula socdaan firxadka Al-Shabaab, si bulshada aysan ugu dhex milmin. 2 – In gaadiidka soo gelaya degmooyinka gobolka la hubiyo, si gaar ah laamaha amniga iyo saldhigyada booliska, si loo ilaaliyo badqabka bulshada. 3 – In milkilayaasha guryaha iyo hoteellada ay ku soo wargeliyaan laamaha amniga cid kasta oo ku soo kororta, si aysan gabaad ugu noqon Al-Shabaab. 4 – Dhammaan maamullada degmooyinka waa inay u diyaar garoobaan taakuleynta iyo halganka lagu soo afjarayo Al-Shabaab, wacyi-gelinna ay u sameeyaan bulshada. Hoos ka akhriso warqadda The post Xaalad deg deg oo la xariirta dagaalka Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  18. The 12th Regular Somali RS Cabinet Meeting discussed & agreed on next year (2016 Eth. Calendar) budget priorities. The Cabinet was also briefed on the envisaged harmonization of national & regional security structures & endorsed the regional police reform implementation plan. pic.twitter.com/Un109cmsSz — Mustafe M. Omer (@Mustafe_M_Omer) April 10, 2023 Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa kusoo noq-noqday hoobiyayaal laga soo tuuro qeybo magaalada kamid ah, kuwaasi oo lagu tuuro xarumo dowladeed iyo goobo dad shacab ah degan yihiin. Xalay ayaa ugu dambeysay tiro hoobiyayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen guriga mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halkaas oo khasaare ka dhalatay. Falalka noocaan ah ayaa dhowr jeer dhacay saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dowladda ma sheegin halka laga soo tuuray, mana jiraan dad loo qabtay duqeymahan. Dadka badi waxay isweydiinayaan maxaa sahlaaya in gudaha caasimadda hoobiyayaal laga soo tuuro, maxaase xal u noqon kara dhibaatada. Maxaa sahlaya dhibaatadaan? Dadka badi waxay uga jawaabayaan hubka faraha badan ee magaalada Muqdisho ku firidhsan ee ku jira gacmaha aan aaminka aheyn ee ka baxsan dowladda. Ciidanka dowaldda waxay ku mashquulsan yihiin Al-Shabaab hub kala imaanaya banaanka magaalada, laakiin waxaa jira kooxo hubka ka ganacsada oo magacyo badan leh oo Muqdisho jooga, kuwaasi oo ay sahlan tahay in Shabaab-ka hubka ugu geeyaan halka ay rabaan inay ku isticmaalan ama ka tuuraan. Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay ka ganacsiga hubka iyo dhibaatada uu ku hayo magaalada Muqdisho. Qoddobka ah maxaa u xal ah? Dowladda waxay maalmahan waday xakameynta hubka caasimadda, shalay waxaa la faafiyay xeerka xakameynta hubka. Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan qalabka ciidanka. Mid kamid ah xalka dhibaatadan waa in la dhaqan-geliyo go’aanka dowladda ay ku joojisay ka ganacsiga hubka. Waxaa jira dad dood ka keenay qoddobka joojinta ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan agabka ciidamada, laakiin haddii aan mawduucaas dowladda lagu taageerin waxay dadka badi qabaan in dhibaatadan sii socon doonto. Mida kale ee xalka qeybta ka ah waa isla-xisaabtan amni, hoobiyeyaasha waxaa laga soo tuura qaar kamida ah degmooyinka gobolka Banaadir, mararka qaar maalin cad ayaa la tuura. Degmo kasta waxaa jooga taliye Boolis iyo mid Nabad-sugid, haddana lama fahmo lamana ogaado degmada laga soo tuuray hoobiyaha, taasi waa wax caqliga ka fog. Dowladda waxay ku qasban tahay inay dib u qiimeyso madaxda ciidamada ee degmooyinka, gaar ahaan kuwa daafaha magaalada ku yaalla, oo loo badinayo in hoobiyayaasha laga soo tuuro. Haddii aan dib u hubin iyo isla-xisaabtan lagu sameyn dhalinyarada madaxda looga dhigay laamaha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, maalin walba dad qiimo leh ayaa ku dhimanaaya falkaan. The post Maxaa sahlaya in Muqdisho mar walba hoobiyayaal lagu garaaco, maxaase xal u ah? appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Dalka Guinea-Bissau Omar Sissoko Ambalo oo Booqasho Cibaado ku yimi Masjidka Nabawiga Maddina Al munawara Qaran News
  21. President Hassan Sheikh Mohamud feels let down by US foreign policy after the White House published an Executive Order on threats to Americans interests posed by Somalia. Mogadishu (Comment) — The Executive Order signed by President Joe Biden dashed any hopes for lifting the arms embargo on Somalia in the foreseeable future. It is also a repudiation of the counterterrorism approach to fighting Al-Shabaab by arming clan militias (Ma’awisley) whose commanders viewed the campaigns as an opportunity to amass as many weapons as possible. Since clan militias do not have enough firepower to face Al-shabaab, distributing government arms to militia members was the decision made by the Federal Government of Somalia. A large number of weapons fell into the hands clan militias based in the rural areas. This trend precipitated intra-clan imbalance: some sub-clans are perceived to have acquired vehicles, assault rifles, mortars and anti-aircraft guns (known as 36 caliber). President Biden woke up to the risk of security partnership with a secessionist entity in Somalia. The Executive Order angered Villa Somalia whose narrative that a consensus on the Somali security architecture had been achieved by the Federal Government of Somalia and several Federal Member States has now come apart. As long as the Federal Government of Somalia relies on ATMIS an incumbent leadership relegates the political legwork to create an inclusive army and security forces to the bottom of priorities’ list by citing resource constraints— that the International Community invests in peacekeeping forces instead of national forces. The Somali Army is still predominantly dominated by soldiers from one clan. The illegal checkpoints that Somali Army units operate in Middle Shabelle and in other regions near Mogadishu indicate that the security reforms of 2019 only addressed fiscal aspects but failed to address the identity-based imbalance in the make-up of Somali Army divisions based in Banadir, Hiiraan, Lower Shabelle and Middle Shabelle. Al-shabaab exploits the dysfunctional state of the Somali Army seen by most Somali citizens as rebranded militias of former warlords. Somalia is a long way from having the arms embargo lifted anytime soon. In December 2022 USA was envisaging security partnership with the secessionist administration of Somaliland. In April 2023 America slapped an Executive Order on Somalia, a country whose government is unable to nip threats to U.S. interests in the bud. © Puntland Post, 2023 The post The US Executive Order to Keep Arms Embargo on Somalia in Place appeared first on Puntland Post.
  22. Galcad (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka lagu xoreynayo degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee kooxda Al-Shabaab ay ka joogto gobollada dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Cali Afrax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay isaga carartay markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda ay ku soo wajahan yihiin. Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) oo ah Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor ayaa Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in 43 KM ay hadda u jiraan degmada Ceelbuur. Waa halka degmo ee gobollada dhexe ay ka joogaan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay Taliyuhu in maalmaha soo socda ay gaari doonaan Ceelbuur. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa xaqiijiyey kooxda Al-Shabaab ay shalay seddax gaari uga carartay degaanka ceel-juqow kadib markii ay gudaha u galeen ciidamada dowladda. Sababta ay uga carareen gaadiidkaas wuxuu ku sheegay Shidaal la’aan ku dhacday kooxda, maadaama ay go’doon adag gelisay dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay taliyuhu. Sarkaalkaan hoggaaminaya ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya wuxuu sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu khilaaf adag ka jiro, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen. Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay ku dadaalayaan in qof shacabka aysan dhibaato gaarin. “Shacabkaan 15 sano ayey gumeysi ugu jireen ragaas, waa ka daba qaxeen, laakiin meel kasta waan uga dabategeynaa waana ka soo badbaadineynaa cadowga ka xeystay,” ayuu yiri Taliye Maxamed Shaarib. “Go’doon ayey ku jiraan Al-Shabaab 70 KM oo isku weer ah ayay ka joogaan Galmudug, maalmaha soo socdana godadkooda ayaan ugu dada doonaa, dhamaan gobollada dhexe waa isku furan yihiin, jiho kastana waan ka joognaa goobaha ay ku dambeeyaan kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii sarkaalkaas ka tirsan Gor Gor wuxuu yiri, “Roobkii nagu bilowday shalay ayaa nagu da’aya, dadkii ka qaxay deegaanadaan duurka ayey ku dhibaateysan yihiin, wax ay cunaan iyo wax ay roobka ka galaan ma heystaan, waxaan ka gaareynaa waana badbaadineynaa noloshooda,” ayuu yiri. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: GorGor oo shaacisay inta ay u jiraan Ceelbuur iyo halka ay joogaan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  23. The United States must remove obstacles to Somaliland Recognition April 3,2023 From: Somaliland American Guild To: The Honorable Speaker Kevin McCarthy; To: The Honorable Senator James E. Risch, Idaho. Sirs, Somaliland American Guild implores the United States to end the cautious approach it has taken and directly recognize the Republic of Somaliland. South Africa’s Department of Foreign Affairs, In a legal opinion, asserted in 2003 that “Somaliland does indeed qualify for Statehood and that it is incumbent for the international community to recognize it”. The African Union fact-finding mission to Somaliland in 2005, also stated, Somaliland’s case is a unique one, which should be judged “from an objective historical viewpoint” and the notion of “opening a Pandora’s Box” simply does not apply to Somaliland. Moreover, in 2006, International Crisis Group report stressed that Somaliland be given an AU observer “interim status analogous to the observer status it has granted 31 non-African states or the status of the Palestinian Authority at the UN”. Somaliland meets all criteria required for statehood and has legal validity to reclaim her independence under international law. Somaliland had recognized borders in June 1960. These facts are not in question, therefore why is the longest and most powerful Democracy ignoring the achievements of this developing democracy in a region that needs stability? We urge the United States to avail itself and finesse the African Union to expedite the process. The objectives of the AU, as stated in Article 3(b), is to “Defend the sovereignty, territorial integrity and independence” of African nations. Somaliland won independence before any of the original ethnic Somali territories of Eastern Ethiopia, Northeast Kenya, ex-French Somaliland Djibouti and ex-Italian Trusteeship Somalia. In 1960, Somaliland was recognized by 35 Nations (including 5 Permanent Members) as an independent country which demonstrates her independence pre and post colonization. Given this fact, Somaliland cannot be treated as if it were an integral part of Italian Somalia. The Act of Union in 1960 – which was intended to balance the union – was never officially completed due to Somaliland’s dash for a greater Somali Republic. History shows it was a tragic mistake. The Act of Union was itself subverted from the beginning as it was (a) changed more than few times without Somaliland Assembly participation primarily due to Italian tampering, (b) the Somalia Assembly annulled the Union of Somaliland and Somalia Law and passed their own version of the Act of Union in 1961 and (c) when the former dictator Mohamed Siad Barre seized power in a coup d’etat in 1969 and willingly eliminated the Act altogether. The international community is left with little choice but to right the previous wrongs and accept these intrinsic circumstances and support Somaliland. Additionally if one isn’t convinced of these irrefutable facts, Somaliland has the Remedial Right, again under international law, to exit or regain her independence when genocide was committed against her people. The mass murder of over 50,000 Somalilanders, the exodus of a million people to desolate camps and the aerial bombardment of its cities gave the people the right to vote overwhelmingly to rescind the failed union. The AU nor the international community dispute these facts so why ignore the people of Somaliland and essentially scapegoat them for a failed Union? Furthermore, Yugoslavia, for instance, split into six Independent nations which were immediately welcomed to the United Nations. Czechoslovakia, recognized in 1945, split in 1992 into Czech Republic and Slovak Republic respectively. Egypt and Syria each an independent nation, established a union in 1958 but split just after 3 years. Norway left Sweden (1905), Ireland left the United Kingdom (1921) and Eritrea left Ethiopia (1993). Lastly, Gambia and Senegal formed a union for just 6 months before it came to an end. Why, therefore should Somaliland be held to a different standard? The AU acknowledged that it never addressed the grievances of Somaliland before. What better time than now? Since 1991, Somaliland has satisfied all criteria the international community considered legitimate. Schools and hospitals have been rebuilt and the country has a working Constitution. 5 Presidents have been elected with international observers monitoring the elections. Democratically elected Parliament was seated last year and is one of many. The Judiciary and Press function freely. Although more needs to be done. It has not allowed terrorists to operate in Somaliland. If Somaliland could accomplished all this without much assistance from other nations and organizations, imagine if it had support. The international community must engage the Horn of Africa and emerging democracies so the continent could heal from a century of chaos and despair. It is to the mutual benefit of the Horn, democratic nations, as well as Africa, to finally recognize Somaliland. The Republic of Somaliland’s aim is to advance its nation, contribute to the prosperity of the continent and promote democracy and help uplift the people of Africa through equal and fair representation for all. Sincerely, Mohammed A. Ali Baranbaro Somaliland American Guild branbaro@yahoo.com Qaran News
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Deegaanada oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah. Axmed Madoobe oo halkaasi khudbad uga jeediyay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo. Sidoo kale wuxuu u sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan laga xoreeyo, islamarkaana ay tahay in la gaarsiiyo horumarka dowladnimada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas waxa uu kusii daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa-Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen ciidamada qalabka sida. “Waxaa dib u howl-galinay markii la xoreeyay ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan (ciidamada) dadka deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Axmed Madoobe ayaa dadka reer Jubbaland u ballan-qaaday inay wadayaan howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab, illaa inta la xoreeynayo deegaanada maamulka Jubbaland, oo qeybo kamid ah gacanta ku hayso kooxda. “Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waa markii u horeysay ee Axmed Madoobe uu tago shantan deegaan tan iyo markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo muddo ka talineysay, waxayna kusoo aadeysa xilli uu dardar ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda, ayna bilaabanayaan wejiga labaad ee howl-galada oo ay qeyb ka yihiin dalalka deriska. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madobe oo maanta isku maray 5 degaan oo laga xoreeyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.