Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda degdegga ah ee qaran ee ku saabsan Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darrada ka jirta Soomaaliya. “Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu u jeediyay aqalka Congress-ka. Falalkii joogtada ah ee burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee uu saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran sanadku markuu ahaa 12-kii April, 2010. Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xiriira dhoofinta dhuxusha, taasoo dhaqaale ballaaran ka soo geli jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliyeed iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ahayd go’aano dhowr ah oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu xafiiska la wareegay ballan qaaday in la dagaalanka Argagixisada uu udub dhexaad u noqon doono dadaallada lagu xasilinayo Afrika. Xigasho: HOL The post Biden oo kordhiyey xaaladda deg-degga ah ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Hadii uu qoraalku si fiican kuugu muuqan waayo fadlan guji oo akhriso Qaran News
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ka socda gobolkaas oo inta badan looga guuleystay Al-Shabaab. Odowaa ayaa maanta gaaray deegaanka Ceel Cali Axmed oo 15 sanno kadib laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, isaga oo booqday xeryaha ay dagan yihiin ciidanka. Taliyaha ayaa sidoo kale khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed & kuwa deegaanka, isaga oo kula dardaarmay in laba jibaaraan dadaalkooda, ayna ka hortagaan Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ciidanka ku amaanay sidii Al-Shabaab iga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga adkaanyo Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah deegaanadaasi. Booqashada Odowaa ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidanka ee ku yaal gobolka Sh/Dhexe. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi. Si kastaba, Hiiraan iyo Sh/Djexe ayaa xudun u noqdeen kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka. The post Taliye ODOWAA oo tegay furinta hore ee dagaalka SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
  4. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guatters ayaa todobaadkan gudihiis kusoo wajahan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Midoobey. Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe, Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka. Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya. Mr.Gutters ayaa socdaalkiisa qeyb ka ah safarada sanadlaha ah ee uu sanad walba bisha Ramadaan ku tago dal kamid ah dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah, isagoo sanadan doortay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku wajahan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Wakiiladda, ahna ku-simaha Gudoomiyaha Mudane Siciid Mire Faarax Giire. Kulankaas oo u soo qabanqaabiyey Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Mudane. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa Gudoomiye-xigeenka Mudane Giire ku wehelinayey xildhibaan Cabdikariim. Kulanka Madaxweynaha Jsabuuti iyo wefdiga Somaliland ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee ku dhisan walaalnimada labada shacab. Dhinaca kale wefdiga gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland md. Giire oo booqasho ku tegay xarunta baarlamaanka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay gudoomiye-xigeenka Wakiilada Jabuuti, oo lagaga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa isku soo dhowaansho shaqada labada baarlamaan. Waxa kale oo wefdigu ay oo booqasho ku tegeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti u uu ku qaabilay Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahin ka siiyey shaqada wasaarada. Qaran News
  6. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf. Guddoomiyaha ayaa danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoona dhambaal saalaan u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo bishii la soo dhaafay lagu doortay Jabuuti, waxaana uu kula dardaarmay danjiraha cusub inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo wada shaqeynta walaaltinimo ee labada dal. Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf oo Guddoomiyaha uga mahadceliyay ayaa xusay in si wanagsan loogu soo dhaweeyay dalka, waxaana uu sheegay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare madaxweynihii hore ee dowlad goboleeedka Hirshabeelle. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa, kadib markii dhowaan uu madaxweynaha u magacaabay Ergayga Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Shabaab. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha maamulka degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud, Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali, saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda iyo hogaanka Macawiisleyda. Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaana Kiligubadle, Xarar iyo Boocaaale, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ku burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada goobaha ay cagta mariyeen iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla deegaanada ay qabsadeen. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi. Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka. The post Sawirro: Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda. PUNTLAND POST The post Xamse iyo Waare oo kulan gaar ah ka yeeshay Arrimaha Xasilinta dalka appeared first on Puntland Post.
  10. Beledweyne (HOL) - Government forces, with support from local clan militias, conducted planned operations in several locations in the western Bulaburte district of the Hiiraan region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  11. Bogaga hore ee warbaahinta caalamka oo dhan waxa qabsatay bisad inta ay ku soo booday Iimaam salaad tujinaaya mislaid ku yaala dalka Algeria oo ay dhakada uga baxday kadibna dhunkatay ay hadana si aayar ah uga dhaadhacday kuna laabatay xagii ay ka timid daawo xagani sida ay arintu u dhacday. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirka ay haatan dowladda federaalka la yeelatay Cuba oo horay u horseeday guul-darradii dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya, islamarkaana Cuba taageertay Xabashida. Wasiir Huruuse oo fasiraad ka bixiyay xiriirka cusub ee labada dal ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku jabneen in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Cuba. “Cuba haddii ay shalay cadowgeenna ahayd , maanta inaan saaxiib noqono waxba kuma jabna” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aanay jirin sabab diideysa in Soomaaliya ay haatan dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd Cuba oo horay go’ay, kadib markii ay la safatay Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan in aysan cidna cadow ka dhiganin, isla-markaana la raacayo hal ku dhigga madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah. Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor. Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka. The post HURUUSE oo fasiraad yaab leh ka bixiyay xiriirka cusub ee dalka cadowga ah ee Cuba appeared first on Caasimada Online.
  13. Saudi Arabia and Iran’s foreign ministers have met in Beijing for the first formal gathering since China brokered a deal to restore relations between the top regional powers last month. Source: Hiiraan Online
  14. Finnish Foreign Affairs Minister Pekka Haavisto was in Mogadishu on Friday to discuss Somalia's support of the international community in light of Russia's war in Ukraine. Source: Hiiraan Online
  15. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay dalka Finland, kaas oo la xiriir dhanka deegaanka, kadib markii Muqdisho uu safar kusoo gaaray wafdi ka socday dalka Finland uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Mudane Pekka Haavisto iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskaan ayaa waxaa uu Soomaaliya ka taageeraya sidii loo kobcin lahaa mashruuca Soomaaliya cagaaraan, kaas oo uu daahfuray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya isaga oo sheegay in lagula dagaalayo isbedelka Cimilada iyo Xaalufka ku dhacay Dhirta, taas oo keentay musiibooyin dabiici ah oo Abaaruhu ku jiraan. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al-Makhsoumi ayaa Heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay Dowladda Finland ayaa sheegay in heshiiska dowladda Finland lala galay uu yahay mid wax badan ka taraya ka jawaabista arrimaha deegaanka iyo isbedelka. “Sida tan Waxay ii tahay farxad inaan heshiis is-afgarad ah wada galno dalka Finland si aan uga jawaabno arrimaha deegaanka yo Isbeddelka Cimilada ee ka jira dalkeenna. Heshiiskaan wuxu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida aan diyaar ugu nahay iskaashi caalami ah si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada” ayey tiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya” Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa looga dhawaaqay mashruuca Soomaaliya Cagaaran, taas oo looga gol leeyahay in lagu beero wax kabadan 100,000 oo Geed sida uu sheegay madaxweynaha caasimadda ayaa loo qorsheeyay 10,000, si wax looga qabto isbedelka cimilada iyo dhirta la xaalufiyay, taas oo dhalisay Roob yari iyo Abaaro. Heshiiskaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ka jiraan saameynta isbedelka cimilada, taas oo marar badan laga dareemo gudaha dalka, waxaana xilligaan siweyn gobollada dalka uga da’aya Roobka Go’ga, xilli dadka Soomaaliyeed ay saameyn ba’an kala kulmeen fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka mara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda IOM ayaa waxa ay dalkoodii Itoobiya dib ugu celisay lix qoys oo ka kooban 35 qof kuwaasi oo hore tahriib Ugu soo galay Dalka Somaliland isla markaasina hada dalbaday in wadan koodii lagu celiyokuwaasi oo madaarka cigaal ee caasimada hargaysa laga saaray diyaarad ku celin doonta dalkoogii hooyo ee Itoobiya. Waxaana dib celinta qoysaskan Itoobiyaan ah ka hadlay agaasimaha waaxda soo noqdayaasha ee haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Rooble Ibraahim Axmed Haybe. Wajaale news Qaran News
  17. Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud visited the Hiil-Weyne camp where National Army soldiers recently returned from training in Uganda are stationed. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya dhowaan u magacaabay xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan sidii adeeg bulsho loo gaarsiin lahaa deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday xukuumaddiisa ay la shaqeyn doonto ergeyga, isla-markaana ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadka loo igmaday. Sidoo kale Xamza ayaa kula dardaarmay ergeyga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo Al-Shabaab, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalkeena. Dhankiisa, Maxamed Cabdii Waare ayaa mahadceliyay sida ay usoo dhaweysay xukuumadda, wuxuuna sheegay inuu la yeelan doono wada shaqeyn wanaagsan. Maalmo ka hore ayey aheyd markii la magacaabayay Waare oo horay usoo noqday madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Ujeedka magacaabistiisa ayaa waxaa lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab. “Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda. The post Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Waare? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shalay la wareegay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa kasii ruqaansaday degmadaasi, si ay u gaaraan deegaanada kale ee hoos yimaada oo ay haatan ku yihiin xoogaga Al-Shabaab. Ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq dhaqaaqo culus ka bilaabeen deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud. ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay isku fidiyeen hareeraha deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in halkaasi laga saaro Al-Shabaab, lagana hortago weeraro ay soo qaadaan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Galcad oo ah magaallo muhiim ah ayaa waxaa shalay subax la wareegay ciidamada Danab iyo GorGor, kadib markii ay ku qaadeen weerar dhowr jiho ah. Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda Galcad ay tahay mid degan. Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka. Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure. The post Ciidamada DF oo ka ruqaansaday GALCAD iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  20. Magacyada ……….. Qabiilkooda 1. Xaadsan Dhoorre Xasan……Majeerteen 2. Faadumo Islaan Aadan……..Majeerteen 3. Bullo Cali Shire…………East Sanaag Clan 4. Shacni Cali Ibraahin…..East Sanaag Clan 5. Wardiyo Dayid………….Gareen 6. Maryan Sh. Cusmaan……..Gareen 7. Udgoon Maxamed Diini………Mareexaan 8. Barni Xerse……Mareexaan 9. Dhiimo Ciise Faarax…….Sool clan 10. Baar Xuseen Xandulle..Sool clan 11. Barni Maxamed Sugulle…Sool clan 11. Faadumo Ciise Aadan……..Dhulbahane 12. Bullo Nuur Xiddig…….Sool clan 13. Kaaha Abyan Maxamuud….Sool clan 14. Xaadsan Xasan Cali………Sool clan 15. Udgoon Jaamac Barre…..Sool clan 16. Mulaaxo Malow……..Ogaadeen 17. Bood Malow……….Ogaadeen 18. Cadar Ciid Jihaad……….Ogaadeen 19. Asli Xaaji Cusmaan……Ogaadeen 20. Jawaahir Sh. Cusmaan……Ogaadeen 21. Naado Indhasersar Buraale..Ogaadeen 22. Maryan Rooble………..Ogaadeen 23. Cambaro Qamaan Bulxan…..Ogaadeen 24. Haweeya Xasan Ribaax………Ogaadeen 25. Caasha Yusuf Xayle………..Ogaadeen 26. Ordo Cumar Ugaas………Ogaadeen 27. Faadumo Ugaas Xaashi………Ogaadeen 28. Salaado Cumar Ugaas………Ogaadeen 29. Cadar Cabdi Guhaad…….Ogaadeen 30. Salaado Rooble Guuleed……..Ogaadeen 31. Cambaro Magan Khalaf……….Ogaadeen 32. Saado Nuur Cageeye……Ogaadeen 33. Risaala Adan Baar…………Ogaadeen 34. Caasha Gooni Ducaale…Ogaadeen. Written: Cali Cabdi Coomay Reference: Tiirka Colaadda (2005) … Cabdiqadir Aroma (AUN) Qaran News
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay Uganda. Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee amniga lidka ku ah iyo kuwa lagu wexyeelaynayo muwaadiniinta Soomaalieed. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay qeyb ka qaataan amniga. Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federalka waxaana uu ugu kuurgalayay xaaladda ciidamada ku jira Hiilweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasiirka wasaardda waxbarashada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Hey’adaha waxbarashada iyo Madax ka tirsan Dowladda Hindiya, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Waxbarashada. Wasiirka oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur ayaa kulan gaar ah laqaatay Dr. Pradeep Rajpurohit Xoghayaha Guud ee Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika), ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dowladda Hindiya. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadida xiriirka labada dal iyo iskaashi labada dal. Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqataay Hey’adda u qaabilsan Deeqaha waxbarashada ee caalamka dowladda Hindiya {Indain Council for Cultural Relations } Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ka faa’iideysta Deeqaha kala duwan ee waxbarashada dalkan Hindiya. Wasiirka waxbarashada ayaa kala Hadlay sidii loogu kordhin lahaa qoondada Soomaaliya iyo in labada dowladood ay iska kaashadaan hubinta deeqahaas waxbarasho iyo in sidii loogu talagalay looga faa’iideysto. Sidoo kale Wasiirka ayaa Kulan laqaatay Machadka Tegnolojiyadda dalkaas {Indian institute of techbology Delhi} Wasiir ayaa kala hadlay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahayeen xirfadaha kala duwan oo uu dalkeena aad ugu baahan yahay sidoo kale tignoolajiyadda iyo seyniska casriga ah in ay bartaan ardayda Soomaaliyeed ayna helaan tababaro ku filan xiliga waxbarashada. Dalka Hindiya waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee ay dadka Soomaaliyeed u doontaan adeegyada kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga, waxaana kala dhaxeeya xiriir qoto dheer oo dhinacyadaas la xiriira, waxaana sanad waliba waxbarash iyo caafimaad u aada muwaadiniin Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ayaa u muuqda mid ku soo dhiiranaaya in uu ka qayb qaato doirashada madaxweynaha oo mudo dhaaftay. Warar aan ka helnay ilo mihiim ah ayaa sheegaaya in kulan qarsoodi ah oo aan la baahin uu madaxweynaha Somaliland uu la qaatay xisbigiisa Kulmiy, wararku waxa ay intaasi ku darayaan in doodo dhaadheer kadib la isla qaatay in dalku u baahanyahay in ay qabsoonto doorashada madaxweynahu sidaasina la isku af gartay in xisbigu u diyaar garoobo doorashada oo wakhtigii ay gudiga doorashooyinka qaranku u asteryeen ay ka hadhsantay mudo yar oo dhowr bilood ah. Ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xafa xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ku saabsan doorashada in ay galayaan iyo in kake Qaran News
  24. Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay qorshe ay meesha uga saarayso dhammaan ciidamada gaarka ah ee ay leeyihiin dowlad deegaannada dalkaas, kuwaas oo lagu dari doono ciidanka qaranka ama booliska heer federaal iyo heer gobol. Xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiiska Facebook ku sheegay in askarta ka tirsan ciidamada gaarka ah ay “ku biiri karaan qeybaha kala duwan ee ciidamada heer federaal”. Xukuumadda Addis Ababa ayaa beenisay in tallaabada lagu beegsanayo ciidamada gaarka ah ee Amxaarada oo saacado ka hor inta aan warka la shaacin uu dagaal dhexmaray ciidamada qaranka. Deegaannada Amxaarada ayaa u muuqday mid ka fogaanaya xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed tan iyo markii la saxiixay heshiiskii lagu soo afjaray colaadda Tigray bishii November 2022. Deegaannada Amxaarada iyo Tigray ayaa si weyn ugu dagaallamay qeybo kamid ah Waqooyiga Itoobiya intii uu socday dagaalka ay ku dhinteen kumannaanka qof. Xisbiga mucaaradka ah ee Dhaq-dhaqaaqa Amxaarada (Nama) ayaa ku eedeeyay xukuumadda Addis Ababa in qorshaha dib u habeynta ciidamada ay shaacisay iyadoo aan “loo diyaargaroobin”. Heshiiska Pretoria ay ku gaareen xooggaga Tigray iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa dhigaya in hub ka dhigis lagu sameeyo dagaalyahannada TPLF, qodobkaas oo ay dowladda sheegtay in si buuxda loo dhaqangeliyay. Maxay uga dhigan tahay Deegaanka Soomaalida? Ciidamada gaarka ah ee Liyuu Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa qabta hawlo kala duwan oo ay kamid tahay ilaalinta xuduudaha. Bishii July 2022, guutooyin ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Deegaanka Soomaalida, waxaana markii dambe jabiyay Liyuu Booliska deegaankaas oo dib ugu soo celiyay gudaha Soomaaliya. Shabaab XIGASHADA SAWIRKA,AFP Xirsi Cabdiqaadir Maxamed (Xirsi Neero) oo xildhibaan mar ka ahaa baarlamaanka Deegaanka Soomaalida, kana faallooda arrimaha Itoobiya, ayaa qaba in dhibaatooyin ay xukuumada Addis Ababa kala kulantay ciidamada gaarka ah awgood ay keentay in xilligan meesha laga saaro. “Ciidamada gaarka ah ee Tigray ayaa la dagaallamay dowladda federaalka, waxaana ay xukuumadda Abiy garawsatay dhibaatada uga iman karta xooggaga u gaarka ah Deegaannada. Xisbiga talada haya waa mid doonaya in uu Itoobiya ku xukumo awood urursan, waana sababta uu meesha uga saarayo ciidan kasta oo caqabad ku ah ciidamada qaranka ee ka amar qaata Addis Ababa,” ayuu yiri Xirsi Neero. Waxa uu ku doodaya in xukuumadaha deegaannada oo ay kamid tahay tan Soomaalida aanay soo dhaweyn doonin go’aanka Addis Ababa. “Deegaannadu ma doonayaan in la baabi‘iyo ciidamada gaarka u ah. Tusaale ahaan, Deegaanka Soomaalida maadaama uu luuqad ahaan ka duwan yahay dalka intiisa kale, ciidamada federaalka na horay loogu eedeeyay in ay tacadiyo ka geysteen dhulkan, waxaa adkaanaysa in shacabka ay soo dhaweeyaan ciidan aanay luuqad ahaan is fahmi karin,” ayuu tilmaamay Xirsi Neero. Xildhibaanka hore ayaa sheegay in halkii laga baabi’in lahaa ciidamada Liyu booliska Deegaaanka Soomaalida ay wanaagsan tahay in tiradooda la dhimo, isla markaana lagu hayo xeryo gaar ah si loo adeegsado marka loo baahdo. Xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay la wareegi doonaan amniga dalka marka uu bilowday hannaanka hub ka dhigista ciidamada gaarka u ah deegaannada. Dadka ka faallooda arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in dowlad deegaannada ay u arki karaan tallaabada ay qaaday xukuumadda Abiy mid lagu wiiqayo is maamulkooda, taasina ay horseedi karto xasarad horleh. Qaran News