Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwna ayaa ka soo baxaya dil maanta wade mooto Bajaajle loogu geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsan ciidanka Taraafikada, kaas oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kahor dilka ay murmeen marxuumka iyo askariga, taas oo keentay in uu rasaas u adeegsado wadaha mootada oo isla goobta ku geeriyooday. Sidoo kale waxaa falkan ka dhashay banaanbax ay dhigeen dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeeday dilka loo geystay marxuumka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacado kadib goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala eryay dibad-baxayaasha. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee ku aadan dhacdadaasi. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay dilal loo geysanayo wadeyaasha kaxeeya Bajaajta oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo shaqo abuur ka dhigtay mootadaasi. Si kastaba, cabashada dhalinyaradan ayaa gaartay dowladda federaalka waxaana xal u helida dhibaatooyinkan shirar ka yeeshay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo sidoo kale soo saaray go’aano lagu xakameynayo mootooyinka Bajaajta ee la keeno dalka. The post Askari ka tirsan ciidanka DF oo dilay darawal mooto Bajaaj appeared first on Caasimada Online.
  2. Golaha Wasiirada Somaliland oo War cusub ka soo saaray Dagaalka Laascaanood Fadhigii 109aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenku Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa lagaga hadlay qodobbo kala duwan. Ugu horreyn, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka laga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa goluhu war-bixin ku saabsan Dhaqaalaha Dalka laga dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire. Intaa ka dib, goluhu waxa uu dood iyo falan qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo salka ku haya arrinta Laascaanood, kuwaas oo kala ah: 1. Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka. 2. Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika. 3. Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha Dalka. 4. Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan. Ugu danbayn, golaha waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan, isla markaana shirarka danbe looga doodo labadan xeer ee kala ah;- 1. Qabyo-qoraalka xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka. 2. Kaabista iyo wax-ka beddelka xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023. Qaran News
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, xilli ay marayeen duleedka Beledweyne. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in guddoomiye Cali Cali Jayte iyo ciidamo la socday lagula beegsaday deegaanka Beerxaani ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari ciidan oo kamid ahaa kolonyada galbineysay guddoomiyaha oo xalay ku hoyday deegaanka Baardheere ee gobolkaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Sidoo kale ciidamada la socday Cali Jayte ayaa howlgal kooban ka sameeyay halka lagu qarxiyay, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyuhu ku dhawaaqay howlgal culus oo ka bilaabanaya koonfurta Hiiraan, si looga saaro Al-Shabaab. Kooxda ayaa inta badan ku xoogan deegaanadaasi, waxayna kasoo talaabadaan wabiga, ayaga oo kadib weeraro culus ka fuliya waddooyinka isku xira degmooyinka gobolkaasi. Dhanka kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda. Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howlgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray magaalada Beledweyne, isagoo ballan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Si kastaba, guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan ka mid ah guddoomiye Cali Jeyte. The post Guddoomiye Cali Jayte oo qarax lagula eegtay duleedka Beledweyne + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  4. Cabdikariin xuseen guuleed oo beeniyay inuu xidhiidh la sameeyay Koox ku maxaafsata Magaca Irir samaale oo somaliland jooga. Abdikarim Hussein Guled Beenin Ergayga gaarka ah ee Arimaha Somaliland waxuu si rasmi ah u beeninayaa in uusan jirin marnaba wax xiriir iyo wadal ah oo dhexmaray isaga iyo ninka la yiraahdo Hooley. Haddaba Ergaygu waxuu caddeynayaa in warka ninkaasu sheegay yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad laheyn. Mahadsanidiin Qaran News
  5. BEIJING, China (Caasimada Online) – In a historic diplomatic breakthrough, the foreign ministers of Iran and Saudi Arabia met in Beijing on Thursday, pledging to work together towards regional “security and stability.” The meeting followed a surprise China-brokered agreement announced in March, which aimed to restore relations between the two Middle Eastern rivals after a seven-year rift. Iranian Foreign Minister Hossein Amir-Abdollahian and his Saudi counterpart, Prince Faisal bin Farhan, released a joint statement after their discussions. They emphasized the importance of implementing the Beijing Agreement to build mutual trust, expand cooperation, and create regional security, stability, and prosperity. The agreement, brokered in March, marked the first step towards restoring relations between Tehran and Riyadh, which were severed in 2016 after Iranian protesters attacked Saudi diplomatic missions. A new era of cooperation The Iranian foreign ministry said that the two sides had “negotiated and exchanged opinions with the emphasis on the official resumption of bilateral relations and the executive steps towards the reopening of the embassies and consulates of the two countries.” Under last month’s agreement, both countries will reopen their embassies and missions within two months and implement security and economic cooperation deals signed over 20 years ago. The rapprochement between predominantly Sunni Muslim Saudi Arabia and Shiite-majority Iran, which has long been at odds with Western governments over its nuclear activities, could significantly alter relations across the region. Both nations have supported rival factions in several conflict zones, including Yemen, Syria, Lebanon, and Iraq. Their reconciliation could pave the way for potential peace talks and conflict resolution in these areas. China’s diplomatic success China’s active mediation in bringing the two Middle Eastern rivals together marks a significant challenge to the United States’ long standing role as the primary outside power broker in the region. Joel Rubin, former US Deputy Assistant Secretary of State for Legislative Affairs, told AFP that Beijing’s role could boost confidence in the agreement’s longevity. He noted, “Because China is a strong backer of Iran, Saudi should have more confidence in Iran’s ability to comply with the agreement.” Ali Vaez, Director of the International Crisis Group’s Iran Project, said Thursday’s meeting “suggests that the process hasn’t gone off track since the Beijing announcement last month.” However, he added that whether this development is a tactical détente or a step toward a more strategic rapprochement remains to be seen. Restoring diplomatic ties Iran and Saudi Arabia held several rounds of talks in Baghdad and Oman before their historic meeting in Beijing. Their agreement has set a precedent for other Gulf countries to restore diplomatic relations with Tehran. Last year, Iran received an Emirati ambassador after a six-year absence, and Iran recently named its own ambassador to the United Arab Emirates. Kuwait also sent its first ambassador to Tehran since 2016. Iran has expressed openness to rapprochement with Bahrain, a close Saudi ally. With diplomatic channels reopening and the potential for a new era of cooperation between Iran and Saudi Arabia, the future of the Middle East may be marked by increased security, stability, and prosperity. The post Iran-Saudi Arabia: Turning the tide of regional rivalry appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo sidoo kale siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka. Taliyaha Asluubta ayaa waxaa markale dib loogu magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kadib oo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Generaal. Mahad Cabdiraxmaan ayaa haatan ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale taliye Mahad ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay. Taliyaha cusub ayaa la faray inuu si degdeg ah xilka ula wareego, isla-markaana uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday. General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka. Tallaabadan ayaa ka dhigan in Taliye Mahad oo loo yaqaano Shub uu waayey xubnimadiisii Baarlamaanka, isaga oo dib loo soo buuxin doono kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha. Dhanka kale Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed. Ugu dmabeyn, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar). The post Taliye SHUB oo dib loogu magacaabay xilkiisii hore appeared first on Caasimada Online.
  7. Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Muqdisho, Abril 06 2023—Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay. Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed. Golaha ayaa ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa hadda deggan kadib dagaal saaka aroortii dhacay. Ciidamadaisku hor fahiya magaaladaasi ee kuwa qaranka Somalilnd iyo dhanka maleeshiyaadka nabad-diidka ah ayaa saaka subaxnimadii is fara saaray iyadoo markii dambe ay xaaladdu qabowday. Dhawaqa hubka nuucyadiisa kala duwan ee la’isku adeegsaday ayaa laga maqlayay qaybaha kala duwan ee magaalada. Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudadasi kooban mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo huwanta dagaalka ka wada Laascaanood Source
  9. Maxaa Kaaga Baxay? Weli ma is weydiisay sirta ku jirta dàda ay ku xijaabteen Nabigeenii suubanaa iyo asxaabtiisii wacnayd ee uga dambaysay maamulka Muslimiinta? Rasuulkeenii, Abii Bakar, Cumar Binu Khadaab iyo Sayid Cali dhammaantood waxay ku xijaabteen markay dàdoodii gaadhay 63-jir. Maxay tahay sirta ku jirtaa halkaas? Haddii uu qofku gaadho 63-jir, wixii intaas ka dambeeya miyaanu is dhimayn caafimaadkii iyo xooggiisii, xusuustiisii, fahankii, firfircoonidii iyo fariidnimadiisii. Intaas marka la waayo, soo qofkii halyayga ahaan jiray kuma sii siqayo uun asaasaq iyo sida loo badan yahay iyo dadka kale aanu taagaw caaro dheerayn. Laakiin Cusmaan Binu Cafaan wuxuu la wareegay maamulkii Muslimiinta isaga oo ay dàdiisu gaadhay 70-jir. Xilka waxa uu sii hayay 12 sanadood. Dawladdiina way ku dul duntay, markuu maamulkii ku taxay xidid iyo xigaalkiisii. Ka dibna markuu gaadhay 82-jir ayaa lagu qamaamay oo lagu dhagaroobay. Haddaba halkaas maxaa kaaga baxay? Bal kaalay xaggeena iyo Somaliland. Ina Rayaale markuu xukunka qabtay 2002-dii, waxay dàdiisu ahayd 50-jir. Markuu ka degay xukunkana 2010-kii waxa uu ahaa 58-jir. Tuur markuu xkunka qabtay 1992-kii waxay dàdiisu ahayd 61-jir. Markuu ka degayna da’diisu waxay ahayd 63-jir. Egal markuu xukunka qabtay 1993-kii, dàdiisu waxay gaadhay 65-jir. Markuu ka xijaabtayna waxay dàdiisu gaadhay 74-jir. Muuse markuu xukunka qabtay 2017-kii, waxay dàdiisu ahayd 69-jir. Immikana waa 75-jir. Silaanyo markuu xukunka qabtay 2010-kii waxa uu ahaa 72-jir. Waxaanu ka degay markay dàdiisu gaadhay 79-jir. Maxaa kaaga baxay ?????????? Waxaa Qoray Max’ed Cabdi Daa’uud Mohamed Daud Qaran News
  10. Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden ,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay. Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen (Soomaaliya & Qatar). PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta appeared first on Puntland Post.
  11. Bob Lee oo ahaa aasaasihii barnaamijka lacagaha la isku weydaarsado ee Cash App, oo haatanna ka mid ahaa masuuliyiinta sarsare ee shirkadda MobileCoin ayaa si xun loogu toorayeeyey magaalada San Francisco, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo weliba shirka CryptoCurrency. Saraakiisha ayaa Salaasadii waxay ka jawaabayey telefoon loosoo diray oo ku saabsanaa in qof uu geystay weerar loo adeegsaday mindi, kaas oo ka dhacay wadada Main Street, markii ay goobtaas tageenna, waxay ka heleen nin 43 jir ah oo qaba dhaawacyo culus oo loo adeegsaday mindi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ciidanka booliska ee San Francisco. Qofka dhaawacu soo gaadhay oo ahaa Bob Lee ayaa markii dambe ku geeriyooday cusbitaalka. Boolisku illaa haatan ma aqoonsan dhibbanaha, hase ahaatee shirkadda MobileCoin ayaa xaqiijisay dhimashada Bob Lee, iyada oo ka jawaabaysa fariin ay u diray wakaaladda wararka ee Associated Press maalinimadii Arbacada. “Saaxiibkeen Bob Lee wuxuu dhintay shalay” sidaa waxaa sheegay Madaxa Fulinta ee shirkadda MobileCoin Josh Goldbard. Bob Lee ayaa dood ku lahaa barnaamijka Andriod ee Google, iyo weliba aasaasidda barnaamijka lacag dirista ee Cash App, isaga oo ugu dambayn la shaqaynayey shirkadda MobileCoin. Source
  12. Mogadishu (HOL) - A report by Planet, co-authored by Steve Levay and Ryder Kimball, exposes the severity of the drought in the Horn of Africa using Soil Water Content (SWC) measurements. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna quqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii jugta qaraxyo xoogan laga maqlay caasimadda, kuwaas oo ay booliska ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo dheemish ah. Jugta ayaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Wadajir, Hodan. Waaberi Xamarweyne iyo Warta Nabadda. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab markii ay ku fashilmeen weeraradii tooska ahaa ay bilaabeen qarxinta baco dheemish ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka laga lahaa qaraxyadan ay tahay in lagu qalqal-geliyo shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdsho. “Hadda inta aan fadhinay halkan dhowr meel ayay wax ka dhac dhaceen marka bacyaal inta ay wax kasoo buuxiyaan ayay dadka ku argagixinayaan,” ayuu yiri gudduumiyuhu. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si meel looga soo wada jeesto, loogana hortago weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimada. “Waa inaan xoogeynaa isugu geyno sidii aan magaaladaani kuwa kusoo dhex dhuuntay ee mushkilada ku dhex wado aan isaga qaban laheyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay dhibaatada ay ciyaal weerada ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in lasoo abaabulay. “Ciyaal weerada inta aysan nagu ag korin oo sidii Shabaab dhowr iyo 10 sanno kadib aanu ku baraarugin inaan hadda iska qabano, maxaa yeelay waa abaabulan yihiin gadaal ayaana laga taagan yahay, marka waa inaan ka daba tegnaa,” ayuu markale yiru Yuusuf Madaale. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah. The post Daawo: Madaale oo sheegay qorshe cusub oo Al-Shabaab ay ka billaabeen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Weerar khasaare weyn dhaliyey oo lagu qaaday Xarun ganacsi oo ku taalla Puntland Ugu yaraan hal ruux oo ilaalo ka ahaa xarunta ayaa ku geeriyooday weerar bam-gacmeed loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta shirkadda ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso. Weerarka ayaa dhaliyay dab xooggan oo ka kacay xarunta shirkadda kaas oo sababay khasaare kala duwan oo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Kooxdii weerarka fuliyay oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta ka baxsaday waxaana halkaas gaadhay ciidamo ka tirsan Booliska. Qaran News
  15. Taariikh Nololeedkii Siyaasi Ismail Buubaa Alle ha u naxariistee pro Ismail Hurre Buubaa waxa uu raad qoto dheeer ku lahaa Siyaasadda, Tacliinta iyo Taariikhda Soomaalida, waayaddii danbe na waxa uu ahaa marjac loo noqo , waayo arag nolaleed , xeeldheere lafa-gura hadba duruufaha taaggan. Waxa aan filayaa badi dhalinyaradu in aanay xog ka hayn taariikh nololleedkii marxuumka sidaa awgeed aan halkan ku soo koobayaanaa halgankii dheeraa ee Wax barasho iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay intii uu noolaa 1943kii: Waxa uu ku dhashay deeggaanka Maygaagta oo ah duleedka bari ee magaaladda Hargeysa. Dhalashaddiisii waxa uu kula magac baxay Ismaaciil-habarwaa oo looga jeedo hooyaddii oo ku umul-aroortay dhalashadiisa. 1943 – 1947kii: Waxa uu ku dhex barbaaray ardaaga geelloodda oo ahaa miyiga iyo duleeddada Awaare. 1947 – 1948kii: Waxa uu malcaamad Qur’aanka ka dhigtay magaaladda Boorama. 1948 – 1951kii: Waxa uu dhigtay dugsigii hoose ee u horreeyey ee magaaladda Boorama yeelato, waxaanu ka mid ahaa ardaydii u horreysay ee la qoray. 1951 – 1955kii: Waxa uu dhigtay dugsigii dhexe ee Camuud, waxaanu ka mid ahaa ardaydii fasalkii 4aad ee lagu bilaabay. 1955 – 1957kii: Waxa uu qaatay 2 sanno oo dugsi sare ah, halkaas oo uu ku qaatay degmada Sheekh. 1957 – 1958kii: Waxa uu macallin ka noqday dugsigii hoose e Awbarre, isaga oo aad u da’ yar. 1959kii: Waxa uu galay imtaxaankii GGga, halkaas oo uu ku dhamaystay dugsigiisii sare. 1959 – 1961kii: Waxa uu dib ugu noqday macallinimaddii, waxaanu ka noqday dugsiyaddii Hargeysa sida; Lafa-dhacay(Janan Daa’uud), Axmed Guray iyo qaar kale. 1961 – 1965kii: Waxa uu waxbarasho ugu baxay dalka Maraykanka, waxaanu shahaaddada 1aad(Bachelor) ka qaatay jaamacadda New Mexico ee dalka Maraykanka, waxaanu bartay luqadda Ingiriisida iyo Taariikhda. 1964kii: Waxa uu jaamacadda ka helay abaal marin kaddib markii uu kaalinta 1aad ka galay tartan gabayadda afka ingiriisida ah, sida oo kale na waxa uu kaalinta 2aad galay tartan curinta sheekooyinka ah. 1965 – 1967kii: Waxa uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaanu macallin af-ingiriisiga dhiga ka noqday Lafoole(NTEC). 1967 – 1969kii: Waxa uu dib ugu laabtay Maraykanka halkaas oo uu shahaadada 2aad(Masters) ka qaatay jaamacada Syracuse ee New York, waxaanu ku qaatay Creative Writing ka. 1968kii: Waxa uu helay abaal marin isaga oo kaalinta 1aad ku guulaystay qoraalka sheekooyinka ee qorayaasha da’da yar ee Maraykanka. 1969 – 1970kii: Waxa uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaanu Hormuud iyo Macallin ka noqday kulliyaddii waxbarashada ee Lafoole gaar ahaan waaxdii Luqadda ingiriisida. 1970 – 1971kii: Inqilaabkii Siyaad Barre kaddib, waxa uu ka mid ahaa dadkii diiday in ay la shaqeeyaan xukuumaddiisa, waxaanu iskaga baxay dalka, isaga oo dib ugu laabtay dalka Maraykanka. Jaamacadda Brandies University ee dalka Maraykanka ayuu dib uga bilaabay Ph.D.diisii 1aad, isaga oo ku diyaariyey “History of Ideas”. 1970 – 1971kii: Waxa uu Agaasime(Director) ka noqday Brandies University qaybta “Transitional Year Programka”. 1971 – 1973kii: Waxa uu bare jaamacaddeed oo af-ingiriisiga dhiga ka noqday University of New Hampshire ee dalka maraykanka. 1972 – 973kii: Waxa uu Ph.Ddiisii 2aad ka diyaariyey jaamacadda Boston University ee dalka Maraykanka, isaga oo ku diyaariyey Philosophy Interests. 1974 – 1975kii: Waxa uu tagay dalka Masar, waxaanu Jaamacadda Carabta(Arab League) gaar ahaan waaxda Arrimaha Siyaasadda uu u noqday lafa-gure siyaasaddeed oo sare(Senior Political Analyst). 1975kii: Waxa uu iska casilay jagadaas kaddib markii uu cadaadis kala kulmay Siyaad Barre oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay in xilkaas laga qaado. 1975 – 1977kii: Waxa uu bare jaamacaddeed ka noqday King Abdulaziz University, isaga oo ka dhigi jiray afka Ingiriisiga. 1977 – 1984kii: Waxa uu Agaasime-maamul(Managing Director) ka noqday MAFCO for Trade and Contracts oo ahayd shirkad Sucuudiga ka hawlgasha. 1981 – 1991kii: Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii u horreeyey ee SNM iyo xubin firfircoon oo Golaha Dhexe ah. 1984 – 1989kii: Waxa uu Agaasime-maamul(Managing Director) iyo La-taliye Dhaqaale(Economic Advisor) ka noqday QUADRICO oo ahayd shirkad ka hawlgasha Sucuudiga. 1991 – 1992kii: Waxa uu noqday wasiirkii Maaliyada ee u horreeyey ee Somaliland kaddib dib u goosashaddii xilligii xukuumaddii madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali(Tuur). Waxaana lagu xasuustaa in uu lahaa hindisaha iyo daabacaadda Shilinka Somaliland. 2000 – 2004tii: Waxa uu noqday xubin ka mid ah Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligii xukuumaddii TFGda ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. 2000 – 2002dii: Waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya xilligii xukuumaddii TFGda ee xukuumaddii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. 2004 – 2008dii: Waxa uu noqday xubin ka mid ah Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligii xukuumaddii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. 2004 – 2005kii: Waxa uu noqday Wasiirkii Wasaaraddii Iskaashiga Gobolka ee Soomaaliya, xilligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. 2006 – 2007dii: Waxa uu noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya xilligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. 2007 – 2008dii: Waxa uu noqday Wasiirkii Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumaddii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. 2008dii: Intii ka danbaysay waxa uu ahaa ruug caddaa Siyaasaddeed oo Geeska Afrika, gaar ahaan deggelka Soomaalida wax laga weydiiyo. Waxaanu ahaa aqoonyahan, taariikhyahan iyo siyaasi il-dheer. Alle ha u naxariistee marka laga reebo afka Soomaaliga oo uu u dhashay waxa uu si fiican ugu hadli jiray afafka Ingiriisiga iyo Carabiga. Maanta oo ah Arbaca (05.04.2023) ayuu ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaan Alle u weydiinayaa Janna firdawsa in uu ku casuumo. Aamiin. Khadar Abshir Yuusuf. Qaran News
  16. Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaanno hore leh oo ka mid ah gobolka Galgaduud ka saaray Al- Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid gaar ah si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo Gorgor Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in Al- Shabaab ka xoreeyeen deegaanno ay dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud. Waxa ay sheegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii socon doonaan howlgalada ay ku doonayaan in Al- Shabaab ay kaga saaraan deegaannada guud ahaan dalka. Ciidanka xoogga dalka ayaa Al- Shabaab ka saartay illaa 70 deegaano iyo degmooyink, kuwaasi oo dhaca gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose. Howlgalkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, ka dhanka ah Al- Shabaab. Wajiga labaad ee howlgalka ka bilaabanaya gobolada dalka waxaa ka qayb qaadanaya , ciidanka wadamada safka hore waxaana magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlayay amniga iyo ka qayb qaadashada howlgalada socda sid wadajir ah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) - The UN's Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula, has issued an urgent call for continued support and increased financial aid to address the nation's ongoing crisis, fueled by climate change and long-standing conflict. Somalia is currently experiencing one of the most severe humanitarian crises globally. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - At least nine Somali migrants detained in Libya were repatriated to Somalia's capital, Mogadishu, on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad ah ka geysteen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabay Cabdi Cubeyd oo aha Imaam Masjid, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Marxuumka ayaa waxaa dilay koox burcad ah oo sidoo kale ka dhacay taleefan, wuxuuna Cabdi imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd. Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana gaaray goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wad hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgalka xigay ee la sameeyay. Laba todobaad kahor ayay aheyd markii dil kan lamid ah degmadaas loogu geystay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid, kaas oo ay isna dileen kooxo burcad ah. Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan falalka ammaam darri, waxaana dhibaatada ugu badan ka geysta kooxo burcad iyo ciyaal-weero. Si kastaba, dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay. The post Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - United Nations Secretary-General António Guterres is scheduled to visit Somalia next week as part of his annual tradition of visiting a Muslim-majority country during the holy month of Ramadan. In a recent interview with UN News's Arabic service, Guterres urged unity and peace, underlining the critical need for stability in conflict-ridden regions like Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Beledweyne (HOL) – The governor of the Hiiraan region, Ali Jeyte Osman, has announced the launch of a new anti-al Shabab offensive in areas south of Beledweyne, the capital of the Hiraan region, which began on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - During a ceremony in Mogadishu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud accepted the diplomatic credentials of Christopher Thornley, Canada's newly appointed non-resident ambassador. Source: Hiiraan Online
  23. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket. Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska. Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku neef qabatoobay dabka qabsaday xarunta oo baabi’iyay hantidii taallay dhismaha la weeraray. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dhanka kale duqa Boosaaso oo ka hadlay weerarkan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadam dhacdadaasi. Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso. The post Sawirro: Weerar qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay BOOSAASO appeared first on Caasimada Online.