Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Every Friday night in a plaza next to the Cedar Cultural Center, Abdirahman Mukhtar hands out pizza, Somali tea — and help — to anyone who asks. Source: Hiiraan Online
  2. Ugu horayn, cashuurtu waa shay ay diinta islaamku xaaraantimaysay. Waa fal xitaa cida gurta alle ka fogeeyey naxariistiisa. Diinteenu maxay banaysay beddelka cashuurta? diinteena suuban waxay ay qof kasta oo haysta hanti ay ka baxayso sakadu, uu ku waajib yeelay bixinta sakada waxaaney ka mid tahay shanta tiir ee diinta islaamka. Sakada waxa dib loogu soo celinayaa dadka masaakiinta ah sidoo kale waxa loo isticmaalaa arimaha bulshada iyo horimarintooda. May soo marin haba yaraate mar ummada muslimiinta cashuur laga qaadey xiligii khilaafada, laakiin dadka aan muslimka ahayn ayaa cashuur laga qaadi jiray. Haddaba hadii la waayo kharash ku filan hawlaha dawlada sida: amaanka, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dhamaan baahiyaha asaasiga ah waxa lala xiidhidhayaa hantiilayaasha iyo ganacsatada dalka iyadoo laga dhaadhicinayo bixinta xoolo lagu hormariyo baahiyaas, oo iyagana ajar ugu jiro ay tahayna arin daruuro ah. Hadii ay diidaan ganacsatadu loona baahan yahay si loo daboolo baahiyahaas, ayaa ay dawladu ku waajibin kartaa cashuur lana waafajinayo kharashka loo baahan yahay, iyadoon marna la ogolayn in qofka xoolihiisa khasab lagaga qaado, haddana waxa la kala dooranayaa laba dhibaato iyadoo ta fudud la qaadanayo. In xoolaha qofka la qaato iyado lagu ilaalinayo amniga waddanka lagana hortago qalalaasaha, waxaana la rabaa in aan cadaalada laga tagin, oo laga soo qaado dadka isla dadkiina lagu celiyo ee aanay meel kale u leexan, waxa kale oo muhiim ah in aan cid qudha laga qaadin, sidoo kale dadka ganacsatada ah ee awooda u leh in ay bixiyaan laga qaado ee aan faqiirka aan awoodin bixintq cashuurta waxba la weydiin. Dawlada somaliland waxay qaadaa cashuur iyadoo u cuskanaysa in ay ku horumarinayso baahiyaha asaasiga ah. Iyado faqiirkii iyo taajirkii isku si looga qaado cashuurta oo aan loo kala eegin heerka ay taagan yihiin, ayaa haddana lacagtaas in ka badan 90% waxay ku baxdaa kharashaad, ee kuma baxdo horumarinta baahiyaha asaasiga ah taas oo aad uga soo horjeeda diinta islaamka. Iyadoo inta badan lacagtii danyarta somaaliland laga soo ururiyey kolba safar loogu baxayo oo nin koodh iyo tay xidhani kolba dal ugu anbabaxo, waa nasiib darro aad u wayn. Dawlada somaliland cashuurtaaas malaayiinka dollarka ah ee shacabka ka qaado badankeedu waxay ku baxdaan mushaharaad iyo kharashaad kale oo faa,ido badan u lahayn dadka cashuurta laga soo qaadey, taas bedelkeeda halkii mashaariic horumarineed lagu fulin lahaa cashuurta ay dadku soo bixiyeen ee wax muuqda loogu qaban lahaa. Dadka reer somaliland iyaga oo cashuurtaas bixiya ayey hadana waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyadii kale oo dhan iyagu iska bixiyaan oo aanay dawladaas cashuurta ka gurataa waxba ugu filnayn. dawlada hoose ee hada jirta ayaa loogu qaatay oo intii ay hada joogeen wax badan ku qabtay cashuurta ay ummada ka qaadaan sida wadooyin, biriishyo iyo dagmooyinkii oo dib u dhis lagu sameeyey taas oo muujinaysa hadii si saxa loo isticmaalo lacagta cashuurta ah in ay meel saxa ku baxayso. Hadaba dawlada waxa la gudboon in ay xooga saarto mashaariicda horumarineed si wax la taaban karo ay berri uga tagto taas ayaana shacabka waxtar ugu filan. Hadii kale miyaa dawladnimo ma jirtee koox isku timi oo umada dhiig marta ayaa jirta, taasina waa dulmi cad oo islaamnimada ka fog waana ”NINKII ROONI REERKA HA U HADHO” WABILAAHI TAWFIIQ Ahmed Harir Adam Hargeisa, Somaliland Qaran News
  3. Addis Ababa – The Cabinet of the Somali Regional state has passed a unanimous vote to implement the federal government’s plan for “the reorganization of the special forces of the region”, regional and state. Edina media reported. Source: Hiiraan Online
  4. Row upon row of khat trees cover this farm in Meru, Kenya. The plant is the economic mainstay of this area, as well as the counties of Isiolo and Tharaka Nithi. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay howl-galada cusub ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka wadaan magaalada Muqdisho. Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyntii bogaadiyay howl-galadaas oo uu sheegay inay yihiin kuwa wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galada Booliska ay ka wadaan caasimada iyo guud ahaa gobolka ay baajiyeen fal-dambiyeedyo qatar ku ahaa amaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri WAsiir Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda. Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe howl-galo lagu xaqiijinayo amniga ka waday magaalada Muqdisho, iyaga oo ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga caasimadda, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada. Intii ay socdeen howl-galada qeybta ka ah qorshaha xasilinta amniga caasimadda ayaa waxay ciidamada ka hortageen kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada iyo qaraxyo la rabay in lagu aaso hareeraha waddooyinka. Booliska ayaa shalay howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, kadib markii uu sameeyay iska caabin, sida ay uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed. Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska. Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin. Sidoo kale habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay. The post Wasiir FIQI oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka ka wadaan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay farriin toos ah u direy ergeyga cusub ee wada-hadalada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, xilli la filayo inay dib u billowdaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ergeyga cusub looga baahan yahay in wada-hadalada labada dhinac ay marka hore ku bilowdaan “soo celinta heshiisyadii labada dhinac hore u wada-galeen”. Guddoomiye Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa. “Soomaaliya iyo Somaliland haday wada-hadlayaan mid uun baanu ka wada-hadlaynaa, taasina waxa weeyi in aan ka wada-hadalno sidii aanu wax u qaybsan lahayn, weliba laba dal oo walaalo ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe. “Waxaa loo baahan yahay in wada-hadaladu ku bilaabmaan waji wanaagsan oo walaalnimo ka muuqato, iyada oo lasoo celinayo heshiisyadii labada dhinac ay hore u galeen, nabadana laga wada shaqeeyo.” Guddoomiye Faysal ayaa ku dooday in qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka ay tahay mid lama taabtaan ah, taasi oo marka la fiiriyo sii fogeyn karta in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo wada-hadalada la filayo ee labada dhinac. “Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shab u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo si adag uga horyimid in midnimada ay rabto dowladda federaalka Soomaaliya miiska wada-hadalada la soo saaro. Dowladd federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo inay qirto “in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madax-bannaanaa oo midoobay 1960-kii, islamarkaana ay dib u kala baxeen,” sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan kasoo yeeray mucaaradka Somaliland oo la rumeysan inay kala socoto xukuumadda ayaa waxaa uu imanayaa xilli ay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jiray, iyada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergey cusub oo u gaar ah wada-hadalada Somaliland. Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn. The post Mucaaradka Somaliland oo farriin u direy Guuleed iyo ‘nooca wada-hadallada…’ appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaano dhawaan la laga wareegay Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Al-shabaab ay muddo dheer ka talinayeen. Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlay cutubyo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanadan ay heleen nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali joogaan Al-shabaab in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada. Wuxuu intaas ku daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Clciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka deegaanka ka hor inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowlada. Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si buu yiri neecowda dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo hadal u jeediyay ciidamo la diriray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo dhawaan kusoo qaatay tababar dalka dibadiisa ayaa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley. Wararka aan helayno ayaa intaasi kusii daraya in ciidankan cusub loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii. Ciidamadan cusub ayaa hoostagaya talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan, waxayna tababar dhowr billood ah kusoo qaateen dalka Uganda. Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad afar kun ayaa waxaa mushaaraadkooda bixisay dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kaalin muhiim ka qaadatay tababarkoodii ay kusoo qaateen dalka Uganda. Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu qaatay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Milateri ah, waana sababta keentay in ciidankan oo markii hore loo waday furimaha dagaalka laga howl-galiyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, oo ayadu dhibane u ah falalka amni daro ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab. Dabayaaqadda bishii hore ayay aheyd markii ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ay tababbar u soo xireen cutubyo kamid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya. Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, isaga oo halkaasi ka sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka. “Tayeynta ciidanka qaranka waxay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. The post Ciidan cusub oo la wareegay amniga qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho – Xog appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa salaadii Maqrib kadib Muqdisho ku geeriyooday Weriye Miikaahiil Cabdirashiid Barre oo ka tirsanaa weriyaasha warbaahinta qaranka. Miikaahiil ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday. Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo marxuumku uu muddo dheer kasoo shaqeynayey ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Weriye Miikaahiil Barre. “Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wariye Makaahiil Rashiid Barre oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaraddu. Miikaahiil oo ahaa Weriye ruugcadaa ah ayaa warbaahinta qaranka uga soo warami jiray wadanka Jabuuti oo muddo uu deganaa, balse waayihii dambe wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo hadda uu ku geeriyooday. Maskaxda ayaa la sheegay in xanuunku uu ka haayey Weriye Miikaahiil, wuxuuna dhawaan noqday bareelis oo oo qaar ka mid ah xubnihiisa jirka ayaa dhaq-dhaqaaqa joojiyey. Dhakhaatiirtii la tacaaleysay xaaladiisa ayaa dhawaan dalbaday in dalka dibadiisa loo qaado, maadaama xaaladda weriyaha ay aheyd mid culus, balse wuxuu caawa geeriyooday intii lagu jiray qaban-qaabadii loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah. Dowladda iyo dhamaan bahda warbaahinta ayaa u kacay Miikaahiil oo waxaa gabagabo maraayey qorshe loogu qaadayo caafimaad dibadda ah, balse Allaah ayaa oofsaday caawa, iyadoo aan dal kale loo qaadin. The post Weriye warbaahinta qaranka ka tirsanaa oo caawa ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Kismayo (HOL) - Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam inspected several recently liberated areas from Al Shaba in the Lower Juba region on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee muhiim ah. Xamza iyo Shengchao ayaa kulankooda waxay diirada ku saareen kor u qaadista iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimada. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, ayna sii xoojinayaan xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya. Sidoo kale waxa uu danjire Shengchao u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inay ka go’an tahay dowladdiisa sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin. Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya. The post Sawirro: Iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Shiinaha noqonaya shan dhinac appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowlaha sida dhow u taageera Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salaam ayaa maanta 800 Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degmada Abdicasiis Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah. Mashruucaan oo ah Wajiga seddexaad Gurmadka Degdega ah waxaa qeyb ahaan fulinaysa hay’adda tadaamun kaas oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen Gargaarka la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan. Hay’adda SODMA ayaa maalmihii ugu dambeeyay raashiin qeybin ka waday degaanno iyo degmooyin ka dhaca koontur iyo bartamaha dalka, kuwaas oo dhowaan laga saaray Ururka Al Shabaab. Rashiin qeybtin ayaa goobaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo ka dhashay roobab ka da’ay labadasi Gobol. Hay’adda waxay sidoo kale raashiin qeyb ka sameysay degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga xorreeyay Uruka Al Shabaab. Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle oo dhawaan booqasho ku gaaray Gobollada Bakool iyo Gedo ayaa ballan qaaday in aysan indha ka laabsan doonin qoysaska uu saameeyay daadadkii halkaasi ku dhuftay. Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa laga dareemayaa mashquul aad badan, maadaama Hay’addu ay wado gurmashada Shacabka ku dhaqan degaannada laga xorreeyay Al Shabaab iyo sidoo kale shacabkii ku waxyeeloobay colaada weli ka aloosan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Kormeerkan ayaa sidoo kale waxa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ku wehlinayay guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane. Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in muddo 15 sano ah ay dhibaato ku hayeen Khawaarijtu. Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubnihii la socday ayaa intaas kadib usii gudbay furimaha dagaalka, iyaga oo gaaray deegaanka Goobo. Deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Taliska Guud ee ciidanka Macawiisleyda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo door muhiim ah ka qaatay xoreynta deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab. Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa imanaya xilli uu wejiga labaad e dagaalka uu ka billowday gobolka Hiiraan, islamarkaana ay maalmaha soo socda howl-galo culus ka bilaaban doonaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadda la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan. Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda. Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte. Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah. The post Sawirro: Odowaa oo tegay furimaha dagaalka iyo howl-gal culus oo ka billaabanaya… appeared first on Caasimada Online.
  15. Kacdoon weyn ayaa ka socda ismaamulka Amxaarada Itoobiya, ka dib markii dhawaan ay dowladda Abiy Axmed shaacisey in ay kala dirayso ciidamada gaarka ah ee deegaannada Itoobiya – tallaabada oo ka cadhaysiisey ismaamullada oo dhan oo uu ku jiro kan Soomaalida. Ka sokow mudaharaadyo ka socda magaalooyinka Amxaarada, Ciidamada maamulkaasi ayaa sameeyey kacdoon; iyaga oo madaafiic kala duwan laga maqlay magaalooyinka Gonder iyo Koobo. Qaran News
  16. SAN JOSE (Caasimada Online) – Costa Rican authorities have recently arrested and deported Lutrnan Warsame Farah, the eldest son of a high-ranking senior leader of Al-Shabab, a Somali terrorist group. Al-Shabab is a Somali terrorist group that seeks to overthrow the Somali government and establish an Islamic state in the region. The group has carried out numerous terrorist attacks in Somalia and Kenya, including kidnappings, assassinations, and bombings. Deception and arrest The Costa Rican National Intelligence and Security Directorate (DIS) revealed that Farah entered the country on January 4, 2023, using a Swedish passport under the false name Luqman Abdl Aziz. He remained in Costa Rica for a month, staying in hotels using false identities, before leaving through an irregular border crossing to Nicaragua. “The Federal Bureau of Investigation (FBI) had warned in February 2023 about the possible presence of an Al-Shabab member in Costa Rica, and the FBI’s Terrorist Screening Center lists Farah,” said DIS Director Hans Sequeira. After Farah’s arrest, DIS agents deported him to Guatemala. However, he was sent back to Costa Rica due to international regulations. Sequeira explained that these regulations require Farah to be returned to the country where he entered legally so that he will be sent to Somalia. The post Senior Al-Shabab leader’s son arrested in Costa Rica appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin. PUNTLAND POST The post Iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoogaysanaya appeared first on Puntland Post.
  18. Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, sida laga soo xigtay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka. Dokumentiyada la dusiyey — oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka. Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub. Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo laga dusiyay dokumentiyo Sir ah appeared first on Puntland Post.
  19. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, waxaa sidaas Axaddii sheegay Pentagon-ka. Dokumentiyada la dusiyey — oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda — ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka. Inkasta oo Waaxda Difaaca ay weli baareyso sax ahaanshaha dokumentiyada oo wareegaya baraha bulshada, haddana “waxay u muuqdaan inay ku jiraan xogo aad sir iyo xasaasi u ah,” waxaa sidsaas tiri Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon-ka Sabrina Singh oo bayaan soo saartay. “Waxaa la billaabay dadaal hay’adda gudaheeda ah, oo diiradda saaraya qiimeynta saameynta ay dokumentiyada ku yeelan karaan amniga qaranka Mareykanka, xulufadeena iyo saaxiibadeena,” ayey tiri Singh. Waaxda Cadaaladda ayaa Sabtidii sheegtay inay arrintan xiriir kala sameysay Waaxda Difaacca, islamarkaana la furay baaritaan. Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub. Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay Wasington Post in qaar ka mid ah dokumentiyada ay u muqudaan kuwa wax laga beddelay, balse badankood ay waafaqsan yihiin warbixinada qiimeynta dunida ee CIA-da ee lala wadaagay Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan. Waxay sidoo kale kuwa aad u qiimo badan u noqon karaan Moscow, oo ay tusin karaan sida qotada dheer ee sirdoonka Mareykanka ay u dhex-galeen madaxda militariga Ruushka. Dokumentiyada qaar ayaa sidoo kale waxaa ku jira akhbaar ku saabsaan doodaha ka dhexjira dowladaha xulufada la ah Mareykanka. AFP The post Dokumentiyo sir ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo la dusiyay appeared first on Caasimada Online.
  20. US spy chief expressed frustration with Saudi Arabia's independent foreign policy streak during a meeting with Crown Prince Mohammed Bin Salman Source: Hiiraan Online
  21. Xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa khilaaf dhanka siyaasadda ah ee u dhaxeeyay dowladda federalka ah iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladdu waxaa ay sheegtayka go’an tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka jira wax walbana loogu dhameyn lahaa wadahadal lagu soo afjayo isfahamwaa siyaasadeed ee jira labada dhinac. Wasiirka Arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedka Puntland Puntland door muhiim ah ay kaga jirto dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xusay in la xalinayo tabashooyinka jira ee u dhaxeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedka. “Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay doorka Puntland ee dowladda iyo dib u dhiska Soomaaliya. Dowlad goboleedka Puntland ayaa khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe waxaa uu ku qotomaa arrimo dhowr ah, kuwaas oo Puntland aysan heshiiska Watashiga qaran aysan qeyb uga noqon, sida ( Qaab federaaleynta dal, mideynta canshuuraha, iyo arrimaha la xiriira amniga qaranka dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka dalka). “In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi. Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowaan shirka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaa aaan ka qeyb galin madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillahi Deni, waxaana shirkaas lagu gaaray heshiisyo dhowr ah oo dhinacyadu ay heshiis ka gaaraan, iyadoo guddi loo saaray xalinta Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Costa Rica (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Costa Rica aya qabtay, kadibna masaafuriyay wiil uu dhalay Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare sare ee Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya. Wiilka la qabtay ayaa ku safrayay magaca Lutrnan Warsame Farax, waxaana la sheegay inuu yahay curadka Fu’aad Shongole. Sidoo kale ninka la xiray ayaa watay aqoonsi iyo baasaboorka dalka Sweden, kaas oo uu leeyahay qof kale, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Costa Rica. Ninkan oo ku jiray liiska dadka ay raadinayso FBI-da ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isaga oo isticmaalaya baasaboor uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdiaziz. Lutrnan Warsame Faarax ayaa loo musaafuriyay dalka Guatemala ee Latin Amerika, isla-markaanaoo xad laleh Mexico. Balse wararka ayaa sheegaya in lagu soo celiyay Costa Rica. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in eedeysanaha uu muddo bil ku sugnaa Costa Rica, isla-markaana uu kusii jeeday dalka Mareykanka oo ku geli rabay tahriib ahaan. FBI-da Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee sannadkan uu sheegtay in xubin ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha waddanka Costa Rica, waxaana kadib billowday howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada, laguna soo qabtay eedeysanahan. Hay’adda Sirdoonka Costa Rica oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay in wiilkan ay ku celin doonaan dalka uu markii hore sida sharciga ah ku joogay, haddii la waayana Soomaaliya. Si kastaba, Fu’aad Shongole oo kamid ah golaha shuurada ee Al-Shabaab, isla-markaana ‘dhalay wiilkan’ ayaa loo haystaa inuu fududeeyay weerar 2011 ka dhacay dalka Sweden. The post Wiil ‘uu dhalay Fu’aad Shongole’ oo lagu qabtay dalka Costa Rica appeared first on Caasimada Online.