-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
RIYADH, Saudi Arabia (Caasimada Online) – The United States has been caught off guard by Saudi Arabia’s recent decisions to restore diplomatic ties with Iran and Syria, reflecting the kingdom’s increasingly independent foreign policy stance. CIA director Bill Burns traveled to Saudi Arabia this week to discuss intelligence cooperation and express Washington’s frustration at being left out of regional developments, as the Wall Street Journal reported. Diplomatic surprises Riyadh’s moves have left the US on the sidelines, raising concerns about its diminishing influence in the Middle East. Last month, Saudi Arabia agreed to re-establish ties with Iran, a deal brokered by China, Washington’s arch-rival. This announcement was initially met with skepticism by US officials. A former senior US official questioned the validity of the reports, while an acting US official downplayed the breakthrough, stating that the US would wait to assess its impact. Despite doubts, Riyadh and Tehran appear committed to moving their relationship forward. The WSJ reports that Iranian President Ebrahim Raisi has accepted a Saudi invitation to visit the kingdom, though a date has yet to be set. Top diplomats from both countries recently met in Beijing, agreeing to restore flights, facilitate visas, and reopen their embassies and consulates. Challenging the US narrative Burns’ comments contradict the US’s official stance that Saudi Arabia kept them informed of their talks with Iran. White House spokesman John Kirby stated last month, “The Saudis did keep us informed about these talks that they were having, just as we keep them informed on our engagements.” US officials have also emphasized their support for dialogue between Iran and Saudi Arabia long before Beijing’s involvement. Timothy Lenderking, the US special envoy to Yemen, told MEE last year that the US was “encouraging” talks between the two adversaries to address Saudi Arabia’s security concerns in Yemen. Normalizing relations with Syria The US faces a more significant challenge in Saudi Arabia’s efforts to reestablish ties with Syrian President Bashar al-Assad, supported by Russia and Iran. The US opposes normalization and has imposed crippling sanctions on Damascus. Nevertheless, Riyadh is forging ahead, planning to invite Assad to an Arab League summit in May. According to Reuters, Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan is expected to deliver the invitation to Assad in the coming weeks personally. Burns: Diplomatic troubleshooter Burns has earned a reputation as the White House’s “back-channel” emissary for sensitive foreign policy missions. He traveled to Russia last year in a failed attempt to dissuade President Vladimir Putin from invading Ukraine and visited Saudi Arabia to mend ties ahead of President Biden’s July visit. Burns’ recent trip coincides with Saudi Arabia’s surprise decision to implement an oil production cut, which sent crude prices soaring and drew criticism from the Biden administration for aligning with Russia during the Ukraine conflict. Despite US objections, Saudi Arabia dismisses concerns and criticizes Western-backed energy transition goals as unrealistic. Energy Minister Prince Abdulaziz bin Salman offered a pointed critique, asking after the OPEC+ production cut in October, “We keep hearing you ‘are with us or against us.’ Is there any room for ‘we are with the people of Saudi Arabia?'” The post US stunned by Saudi Arabia’s bold diplomatic moves appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa booqday Safaarada Dowlada Sacuudiga ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Taliyaha ayaa waxaaxarunta Safarada ku soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad. Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Sidii Safarada Sacuudiga ay uga qeybqaadan laheyd garab istaagga dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyada oo Taliyuhu uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta diiran. Dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida dhow saaxiibka ula ah Soomaaliya, waxaana ay kawada hadleen labada dhinac xoojinta xiriirka iyo taageerada dowladda Sucuudiga ay siiso Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska caanka ah The East African ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Wasiir Fiqi ayaa qiray inuu jiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed, balse uu socdo dadaal la’isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si loo hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqeyntooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kalsooni weyn ku qabo xalka nabadeed ugu dmabeyn lagu gaari doono wada xaajood iyo hab iskaashi, sida uu hadalka u dhigay. Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay kamid ah dowlad goboleedyada muhiimka ah ee qaybta ka ah dowladda federaalka ayna door ka ciyaarto siyaasadda & kabashada qaranka. “Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu wareysiga ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mudnaanka siineyso wada-hadal, ayna la xiriireyso madaxda Puntland. “In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Dhowaan ayay aheyd markii xalinta khilaafkan loo xil -saaray madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kadib shir ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo ergo ahaan loogu diray madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Puntland ayaa horay u sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka. Si kastaba, go’aankaas ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. The post DF oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil dalka Ingiriiska loogu geystay Wiil Soomaali ah, iyadoo dilkiisa uu baqdin ku abuuray Soomaalida dalkaasi ku nool. Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield oo ku taalla woqooyiga Ingiriiska ayaa bilaabay baadhitaan, kaddib markii wiil Soomaali ah oo labaatan jir ah toogasho lagu diley xaafadda Gleadless oo ku taalla magaaladaasi. Si dhab ah looma oga cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilka wiilkan, iyadoo uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaadhay rasaas lala dhacay. Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, sidoo kale xeel dheerayaal baadhitaanada dilka noocan oo kale ah ku takhasusay ayaa la geeyay goobta. Booliska magaalada Sheffield ayaa dadka magaalada ka dalbaday iney laamaha amaanka la shaqeeyaan oo ay gacan ka geystaan soo qabashada danbiilaha falkaasi ka danbeeyay. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Puntland iyo rag ka ganacsada maandooriyaha oo ku sugnaa qaybo kamid ah Garoowe. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga iyo qof kale oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhex-maray labada dhinac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah ragga hubeysan oo markii horaba ay ka bilaabatay shaqaaqada. Dagaalkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, maadaama lagu kor dagaalamay xaafado ay dagan yihiin shacab, kuwaas oo cabsi ay soo wajahday. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana maanta xaaladdu tahay mid deggan. Ammaanka Garoowe ayaa habeenadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas aan la ogeyn waxa ay ahayd & burcad dhac geysaneysay. Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo dhibaato ku haya bulshada deegaanka. Si kastaba, dagaallada labada dhinac ayaa marka laga tago khasaaraha soo gaaro rayidka, waxaa jira askar iyo saraakiil looga dilay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. The post Wararkii ugu dambeeyay ee DAGAAL xalay ka dhacay Garoowe + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
London (HOL) - A murder investigation is underway following the fatal shooting of a 25-year-old Somali man in the Callow Drive area of Gleadless Valley, Sheffield. The young man, whose name has not been released, was discovered with a severe gunshot wound around 1:30 am on Sunday. Despite medics' efforts, he was pronounced dead at the scene. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Gudah Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Bogaadiyay Howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas muddooyinkii dambe si xowli ah uga socday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaannada la dariska ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeeb bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal dambiyeedyo qatar ku ah ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waan ku Bogaadinayaa shaqada Wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska G. Banaadir islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri Wasiir arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi. Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho. Howlgallo si gaar ah ciidanka ay u fuliyeen ayaa waxaa dhowr degmo oo caasimadda ah lagu beegsaday goobo lagu sameeyo waxyaabaha Maanka doonriya, kooxo burcad ah oo dhac u geysta shacabka iyo sidoo kale kooxda Ciyaal Weerada loo yaqaano gudaha Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas. Ruuxaan ciidanku ay qabteen ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay Cadad teleefoono ilaa 3 mobail ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33. War kooban oo Taliska kasoo baxay ayaa lagu yiri ” Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”. Eedeysanahaan ayaa waxaa gacanta ciidanka ay ku dhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmada, xilligii lagu wargaliyay inuu geystay falka dhaca ah ee goobtaasi. Taliska hadalka kasoo baxay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii dambe caasimadda lagu arkayay kooxo burcad ah oo geysanaya dhac sida laga arkayay Camirooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sheffield (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaalada Sheffield ee waqooyiga Ingiriiska taasoo lagu dilay wiil Soomaali ah. Marxuumka oo 20 sano jir ahaa ayaa Axaddii lagu toogtay xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi, sida ay sheegeen ciidamada Booliska ka howlgala Sheffield. Wararka ayaa sheegaya in markii loo yeeray ciidanka Booliska ay goobta ugu tageen dhaawaca wiilka Soomaaliga ah, balse uu geeriyooday inta loo sii waday isbitaalka. Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa falkaas iyo sababta rasmiga ah ee loo toogtay wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya. Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad ah la geeyay halka ay toogashada ka dhacday, wuxuuna tilmaamay in weli baaris ay wadaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in goobta la geeyay xeel-dheerayaal, si ay dabagal ugu sameeyaan dhacdadaas oo argagax ku reebtay Soomaalida kale. Booliska ayaa sidoo kale xusay inay weli ku howlan yihiin xog uruurin rasmi ah, si macluumaad dheeri ah looga helo dhacdadaasi, ayada oo bulshada deggan magaalada loogu baaqay inay qayb ka qaataan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiileyaasha. Dhacdadan ayaa wal-wal ku reebtay jaaliyadaha u badan Muslimiinta ee ay ku jirta Soomaalida, kuna dhaqan magaalada Sheffield ee ku taalla waqooyiga dalka Ingiriiska Magaaladaan ayaa sidoo kale kamid ah magaalooyinka ay kusoo horreeyeen Soomaalida ku nool waddanka Ingiriiska, waxaana haatan soo wajahday cabsi ka dhalatay weerarkaasi. The post Wiil Soomaali ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday UK appeared first on Caasimada Online.
-
Ethnic and religious minorities in the UK are suffering "strikingly high" levels of abuse, according to a major survey into race equality. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali President's Special Envoy for Somaliland Affairs, Abdikarim Hussein Guled, met with Djiboutian President Ismail Omar Guelleh in Djibouti on Sunday to discuss the upcoming round of talks between the Federal Republic of Somalia and the Somaliland administration. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay ergayga Soomaaliya ee wadahadalada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guulleed. Jabbuuti ayaa dhawr goor oo hore martigelisay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo haddana la filayo in waddankaasi ay dhawaan ka furmaan. Geelle, ayaa aad u danaynaya dardargelinta Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mushaarka laga jarayo golaha wasiirada si dagaalka Laascaanood loogu galo dhaqaale yaraan awgeed. Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in ay mushaarkoodi ugu deeqeen in lagu galo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood. “Waxa weeyaan bajedkii waa la jarayaa, xataa mushaarkii waxa la jaraya wasiirada, oo aanu ku deeqayna in aynu dagaalka kaga qaybgalo” ayuu yidhi Wasiir Iimaan, oo sheegay in dhaqaale yaraani jirto. Waxa kale oo uu intaa ku daray in xata la joojiyay mashaariicdii horumarinta”Mashaariicdii oo dhan waa la joojiyay, lakiin wasaarada beeraha oo kale iyo wasaarada xannaanada xoolaha oo wakhtigeedii taaganyahay waxyar ayaa naloo ogolaaday”. Wasiir Iimaan waxa uu sheegay in ilo dhaqaale oo badan oo Somaliland lahayd ay waxyeelo soo gaadhay, sida dekedda Berbera oo suuq xumo soo wajahday, suuqii Wajaale oo isna xumaaday iyo gubashadii suuqa Waaheen oo dhibaato dhaqaale dhalisay. Kadib saamayntii dhaqaale ee ay sababeen xanuunka Covid19 iyo gubashadii suuqa waheen, markale waxa dhaqaalaha Somaliland hoos u dhigay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, oo sabababay in ay istaagaan ilo dhaqaale oo muhiim ahaa. Source
-
Costa Rican authorities have arrested and deported Lutrnan Warsame Farah, the eldest son of the high-ranking senior leader of Al-Shabaab, a Somali terrorist group. He was detained in Costa Rica, where he had been staying in hotels using false identities and a Swedish passport belonging to someone else. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taalla degmadaas. Ninka la soo qabtay ayaa lagu tuhmayaa inuu ka mid ahaa rag maalmihii lasoo dhaafay aad loogu baahiyey baraha bulshada iyagoo dhac u geysanaya Carwo ganacsi oo ku taalla agagaarka sarta Seybiyaano. Booliska ayaa shaaciyey in ninkaan lasoo qabtay iyo raggii la socday ay dukaankaas ka dhaceen 3 taleefoon oo noocyadoodu ay kala ahaayeen A32, A13 iyo A33 SAMSUNG. “Umadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanaha gacanta booliska ku jira cadaaladda uu wajahi doono, waxaana lagu raadjoogaa raggii kale ee dhaca la geystay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir. Booliska ayaa baahiyey sawirka ninka la soo qabtay oo sita qori AK47 ah iyo sawir laga soo jaray muuqaalkii ay ka duubtay kaamirada qarsoon eek u xireyd dukaanka ay dhacayeen, kaas oo muujinaya in ninkaan uu ahaa dablihii koowaad ee gudaha u galay dukaanka ee dhaca bilaabay. Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dhaca tuugada hubeysan ay u geysanayaan dadka shacabka ah, sida ganacsatada, ardayda iyo qof kasta oo ay u arkaan in uusan la heyn awood uu isaga difaaco. Inta badan dhacaan waxaa geysta ciidamo ka tirsan dowladda, dhowr mar ayaana sidaan oo kale loo soo qabtay askar ay kaamiraduhu duubeen iyagoo dukaamo ganacsi dhacaya. Maalmahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka ayaa isku howlaya inay sugaan amniga caasimadda Muqdisho, balse waxaa muuqata in ciidan ka tiran dowladda ay dhac ka geysanayaan gudaha caasimadda, taas oo fadeexad weyn ku ah ciidanka. The post Sawirro: Booliska Xamar oo qabtay nin muuqaal lagu duubay isagoo waxa dhacaya appeared first on Caasimada Online.
