Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somalia Minister for Interior, Federal Affairs and Reconciliation Ahmed Maalim spoke to Aggrey Mutambo on the challenges the government is facing in rebuilding the country. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed. Ninkan ayaa waxa uu talisku sheegay inuu miinada ku aasayay hareeraha laamiga deegaanka Garasbaaley, halkaasi oo ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka ay ka sameeynayeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga. Booliska ayaa sheegay in ninkaan uu sameeyay iska caabin, taasi oo keentay in la toogto, uuna halkaasi ku dhinto, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed. Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska. Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin. Habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. “Cid wax ku noqotay qaraxaasi majirto, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa. Ciidanka Booliska waxa ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay. The post Booliska Muqdisho oo toogtay Al-Shabaab ku guda jiray… appeared first on Caasimada Online.
  3. Maayar-ku-xigeenka Degmada Xudun oo Gaadhiga Halkan ka muuqda kala baxsaday Somaliland Maayar ku Xigeenkii Degmada Xudun ee gobolka Sool Cabdinaasir Cabdiqaadir, ayaa ku biiray xoogaga SSC isaga oo ka goostay Somaliland. Maayar ku xigeenka ayaa sida la sheegay waxa uu la goostay baabuur qabaala oo ay xukuumada Somaliland dhawaan siisay, muuqaal uu iska soo duubay isaga oo ay baabuurka la saaranyihiin rag kale oo hubaysan, ayuu ku sheegay in xoogaga SSC ay qabteen. “Nimankii reer Cabdalle ahaa cir iyo dhul meel ay iiga yimaadeen garan maaye, aniga oo Guumays iyo Yagoori dhexdooda maraya ayay ila haadeen, meel ay iiga yimaadeen ma garanayo” ayuu yidhi Cabdiqaadir isaga oo qoslaya. Cabdiqaadir oo dhawaanahan goobo kala duwan warbaahinta Somaliland ugu waramay, ayaa sheegi jiray in uu aad uga soo horjeedo SSC, isla markaana uu taageersanyahay xukuumada Somaliland iyo ciidamada millateriga. Waxa uu kasoo muuqday jiida hore ee ciidamada Somaliland kaga sugan yihiin gobolka Sool, isaga oo xidhan labiska ciidanka, waxa uuna sheegay in uu qayb ka yahay dagaalka lagaga soo horjeedo xoogaga ka dagaalamaya magaalada Laascaanood. Hadaba, Cabdiqaadir ayaa shalay qayb ka ahaa madax raashin kaalmo ah oo ay bixisay xukuumada Somaliland u qaybinaysay qaybo kamid ah shacabkii kasoo barakacay magaalada Laascaanood oo ku sugan deegaanka Guumays. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota dowladda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin. Taliye Sulub ayaa saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ku qaabilay xafiiskiisa, iyaga oo ka wada-hadlay sidii loo dardar-gelinta tababarada iyo tayeyna ciidanka Booliska Soomaaliya. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa tababarada uu Turkiga siiyo ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad. Saraakiishaan ka socday Turkiga ayaa Taliye Sulub u sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta tababarida iyo tayeynta ciidanka, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhank ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad-celiyay saraashiisahan iyo dolwadadooda sida ay dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin, gaar ahaan tayeynta iyo tababarada ciidamada Soomaaliya. Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxiibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciidamada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh. Sidoo kale waxa uu Turkiga door muuqda kulahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, isaga oo si dhaw ula shaqeynayay taliska ciidanka, si loo wiiqo awoodda kooxda, wuxuuna fuliyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka duqeymo dhowr ah oo lagu beegsaday dagaal-yahaanada kooxda. The post SAWIRRO: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Erdogan ay usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan ujeedadiisu ahayd xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta laascaanood la yeeshay tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland. Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin dheer ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda laascaanood. Dhinaca Tobanka Urur Siyaasadeed oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Urur siyaasadeedka Kaah, Urur siyaasadeedka Ogaal, Urur siyaasadeedka Rejo, Urur siyaasadeedka Talo-wadaag, Urur siyaasadeedka Mideeye, Urur siyaasadeedka Waaberi, Urur siyaasadeedka Barwaaqo, Urur siyaasadeedka Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa madaxweynaha Qaranka Somaliland, uga mahadceliyey, sida degdega ah ee uu uga aqbalay codsigoodii ahaa inay la kulmaan, iyagoo u soo jeediyeen xukuumadda uu madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood. Waxa kale oo ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda. Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadceliyey madaxda Ururada Siyaasadda dareenkooda muwaadinimo ee ay u muujiyeen dalkooda iyo dadkooda, isla markaana waxa uu soo dhaweeyey Madaxweynuhu tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood. Qaran News
  6. Las Anod (HOL) - The deputy commissioner of Hudun district, Abdinasir Abdikhadir, announced his defection to the SCC-Khatuma forces on Saturday, becoming the second official from Somaliland to a defect in the previous week. Source: Hiiraan Online
  7. Las Anod (HOL) - The SSC-Khatuma council has on Saturday announced the cessation of trade between SSC and Somaliland following a meeting in Las Anod, the disputed town of the Sool region. Source: Hiiraan Online
  8. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay joojiyeen wixii dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhaxeyn jiray deegaanada Somaliland iyo kuwa SSC. SSC ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanada SSC-Khaatumo aysan imaan karin hay’addo ka howl-gala gudaha Somaliland, islamarkaana aysan wax shaqo ah ka qaban karin, haddii ay dhacdana tallaabo adag ka qaadi doonaan. “Marka aan aragnay duulaanka iyo dagaalka cadownimada ah ee kusoo qaaday dadkayaga iyo deegaankayaga, iyaga oo tixgelineyn Islaamnimo, Soomaalinimo iyo derisnimo midnaba. Laga billaabo 15-ka bisha April 2023 maamulka SSC waxa uu joojiyay dhamaan ganacsigii ka dhaxeeyay SSC iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Isimida SSC. “Sidaas darteed marka laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa reeban in wax ganacsi ah nooga yimaado Somaliland, sidoo kalena mid ka socda ka gudbo deegaanada SSC-Khatuumo.” Isimida ayaa faray in laamaha amaanka ee SSC ay fuliyaan amarka kasoo baxay ee lagu joojiyay ganacsigii ka dhaxeeyay Somaliland iyo SSC, iyo awaamiirta kale ee kasoo baxday guddiga garaadada 33-ka ah. “Wax hay’add ah oo ka howl-gasha dhinaca somaliland ma iman karto deegaanada SSC kamana howl-gali karto, waa la joojiyay, haddana waa ku celinayna. CIidamada amaanka waxaa la farayaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo kusoo xad-gudubta awaamiirtaas la bixiyay.” Bayaanka kasoo baxaya Isimida SSC ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in hay’addaha laga mamnuucay ay yihiin kuwa ka howl-gala gudaha Somaliland, sidaas darteed ay deegaanadooda u furan yihiin hay’addaha kale ee ka howl-gala Soomaaliya inteeda kale. “Hay’addaha fadhigooda yihiin deegaamada Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ma iman karaan deegaanada SSC illaa amar dambe. Laakiin dalka Soomaaliya intiisa kale hay’ad alaale ka imaaneysa min Kismaayo oo ugu shisheeysa ilaa Bosaaso, waa ka howl-gali karaan deegaanada SSC.” Go’aanadan cusub ee kasoo baxay Isimida SSC ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee kala dhaxeysa Somaliland, islamarkaana ay Somaliland ku dhawaaqday in dib gacanteeda ugu soo celinayso magaalada Laascaanood. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa socda in ka badan laba bil, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka. The post SSC oo soo saartay go’aano culus oo ka dhan ah S/LAND appeared first on Caasimada Online.
  9. Nin kufsi iyo dil loo haystay oo ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Koonfur Afrika, kaddib markii uu been abuur ka sameeyay geeridiisa ayaa lagu xiray dalka Tanzania. Thabo Bester ayaa muddo sanad ah ka maqnaa xabsiga ka dib markii loo maleyay inuu dhintay oo isku gubay gudaha xabsigii u uku jiray. Baadi-goob ayaa la bilaabay bishii hore ka dib markii baaritaan cusub oo la sameeyay lagu ogaaday in meydka laga helay gudaha xabsiga uusan ahayn Thabo Bester. Bester ayaa Jimcihii la qabtay isaga iyo saaxiibtiis iyo tuhmane saddexaad, waxaana loo gudbin doonaa Koonfur Afrika. Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in saddexdaasi qof ay damacsanaayeen inay u baxsadaan dalka deriska la ah ee Kenya. Bester waxaa loo yaqaanaa “kufsadaha Facebook” isagoo u isticmaalaya barta bulshada si uu u soo jiito dumarka uu kufsanaya. Waxaa sannadkii 2012-kii lagu xukumay dambiyo la xiriira kufsi iyo dil uu u geysty saaxiibtiis Nomfundo Tyhulu. Sanad ka hor, waxaa lagu helay dambi ah inuu kufsi iyo dhac u geystay labo dumar ah oo kale. Bishii Maajo, ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay qolkiisa ka dib markii uu “isku gubay” Xarunta Asluubta ee Mangaung ee magaalada Bloemfontein. Hase yeeshee, warbaahinta maxalliga ah ayaa bilowday inay shaki ka abuurto dhimashada Bester dabayaaqadii sannadkii hore. Bishii Maarso, booliisku waxay fureen baaritaan cusub oo la xiriira dilaaga ka dib markii baaritaanno dheeraad ah lagu ogaaday in qofka dhintay uusan ahayn Bester – iyadoo qofka dhintay ee aan la aqoonsanna uu u dhintay dhaawac ba’an oo madaxa ka soo gaaray. Shaqaale ka tirsan shirkadda amniga qaabilsan ee G4S ee laga leeyahay dalka Britain, oo maamulayay xabsiga uu ku jiray, ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka siiyeen inuu baxsado. Waxa ay sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalahaasi shaqada looga eryay falkaas dartiis. Horaantii todobaadkan, wakiilada shirkadda ayaa ku guuldareystay inay ka qeybgalaan kulan baarlamaanka ka dhacay oo looga hadlayay baxsashadii Bester. BBC waxay la xiriirtay shirkadda G4S si ay jawaab uga hesho balse wax jawaab ah kama aanan helin. Waxaa jiray warar sheegayay in sannadkii la soo dhaafay la arkay Bester, oo ka dukaamaysanayay xaafad hodan ah oo ku taal Johannesburg, uuna ku noolaa guri oo ku yaalla magaalada. Baxsashada Bester ayaa caro ka dhalisay Koonfur Afrika, taasoo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan xadgudubyada galmada ee adduunka Qaran News
  10. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa saldhigga iyo ragga weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale adeegsadeen madaafiic si weyn looga dareemay degmada Diinsoor iyo hareeraheeda. Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dhawaqa rasaasta iyo hubka culus si weyn looga maqlayay gudaha magaalada, maadaama ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab. Xaaladdda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha weerarka soo qaaday. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka, ayada oo uga jaawabeyso dagaallada haatan ku socda ee ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo guullo laga gaaray. Caasimada Qaran News
  11. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – In an effort to restore stability in Somalia’s capital, President Hassan Sheikh Mohamud announced a ban on carrying weapons in the streets of Mogadishu. In addition to prohibiting military gear imports, the new regulations also seek to combat the widespread presence of firearms in the city. During a Friday prayer sermon at his presidential compound, President Mohamud declared that carrying guns in Mogadishu’s streets would no longer be allowed. “One cannot justify having machine guns mounted on vehicles and rocket-propelled grenades in the streets for protection from a hiding al-Shabab militant armed with a pistol,” he stated. The president warned that those who failed to comply would face the consequences, as the government would “fight against those who fail to abide by the measures.” Import restrictions on military gear Mohamud also banned the import of all kinds of military equipment, from uniforms to boots. “No businessman can bring any military gear into the country, let alone weapons. The traders cannot even import Abdi Bile vehicles in the country,” he said. The Abdi Bile, named after a Somali American runner, is a popular Toyota pickup model often used to mount self-propelled anti-aircraft guns in Somalia. General Mohamed Farah Aliyow, a veteran Somali military general and Toronto-based security analyst, sees this move as a significant step toward restoring stability in Mogadishu. The city has lacked a reliable security plan since the collapse of the Siad Barre military regime in 1991. Business owners, government officials, and lawmakers have employed heavily armed security teams to protect their lives and properties in recent years. This has resulted in a city overrun with firearms despite decreased open sales. Offensive against Al-Shabab The announcement of the weapons ban came hours after government media declared the second phase of the government’s war with al-Shabab militants in the Hiran region of Central Somalia. Last week, officials reported the conclusion of an eight-month-long military operation against the militants. On Friday, the Somali National Army, supported by local clan militias, seized control of several villages in the Hiran region. Hiran regional governor Ali Jeyte Osman stated, “The liberated areas have been hideouts of al-Shabab militants, but not strong bases; we will pursue them to their strongholds in the West of Beledweyne town.” The Somali government claimed that between August 2022 and January 2023, 3,000 al-Shabab militants were killed and 3,700 injured, with 70 towns and villages liberated. However, the militant group argued that the first phase of military operations had failed. Independent sources have not been able to confirm the claims of either side, particularly regarding the number of casualties. In a March interview with VOA’s Somali Service, Hussein Sheikh Ali, the national security adviser for the Somali president, disclosed that Djibouti, Ethiopia, and Kenya would send new troops to support Somali forces against al-Shabab in the second phase of military operations. The timeline for their arrival remains uncertain. The post Mogadishu’s streets: Disarming a city overrun with guns appeared first on Caasimada Online.
  12. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa saldhigga iyo ragga weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale adeegsadeen madaafiic si weyn looga dareemay degmada Diinsoor iyo hareeraheeda. Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dhawaqa rasaasta iyo hubka culus si weyn looga maqlayay gudaha magaalada, maadaama ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab. Xaaladdda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha weerarka soo qaaday. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka, ayada oo uga jaawabeyso dagaallada haatan ku socda ee ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo guullo laga gaaray. The post Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Diinsoor appeared first on Caasimada Online.
  13. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) faces challenges in achieving crucial benchmarks for stabilization in the Horn of Africa nation, raising concerns about the mission’s progress. Issues like inadequate funding and unmet targets for security sector reform threaten the success of ATMIS. Benchmarks at risk amid funding shortfalls This week, the African Union Peace and Security Council (AUPSC) reported that while ATMIS has improved offensives against extremist groups and enhanced overall security in Somalia, some critical steps in the stabilization process may fall behind schedule. The 15-member AU organ highlighted funding shortfalls as a critical concern, posing risks to the development of Somalia’s security forces. “The Council expresses deep concern over the inadequate, unsustainable, and unpredictable financing for ATMIS, including the significant funding shortfalls, which continue to persist,” stated the AUPSC in a communique from its meeting in Addis Ababa. The Council is again urging the UN Security Council to hold a special session on multi-year funding for ATMIS, a request initially made last year. International community urged to support Somalia The European Union (EU), a traditional funder of the mission, has called for increased international support in funding, security forces training, and assistance for Somalia’s internal power-sharing reforms. With only 20 months left before ATMIS exits the country, Somalia’s transition hinges on this support. By the end of 2024, the AU force must complete a full transition, relinquishing territory under its control and handing over all security duties to the Somali Security Forces. However, according to EU Special Representative for the Horn of Africa, Dr. Annette Weber, the ambitious timelines for significant Somali security sector reform are not being met. “Now, almost exactly a year into the ATMIS mandate, very few of these benchmarks have been achieved,” Dr. Weber said, urging implementation and long-term planning. The AU has emphasized that ATMIS’s successful offensives must be accompanied by strategies and actions to extend governance and state authority in newly liberated areas. This includes launching emergency aid programs and refurbishing infrastructure destroyed by Al-Shabab. ATMIS is responsible for helping achieve the Somali Transition Plan (STP) and the Somali National Stabilization Strategy. To accomplish these goals, it must bolster security, facilitate access to aid in liberated areas and support Somali government institutions, particularly the security forces. However, these tasks require significant funding. Delays in rebuilding Somali security forces In November 2022, the AU Peace and Security Council postponed the scheduled drawdown of 2,000 personnel by six months. This decision signaled gaps in rebuilding the Somali security forces to assume responsibility for policing and defending the country gradually. Ambassador Mohamed El-Amine Souef, Special Representative of the African Union Commission for Somalia Chairperson, praised ATMIS for securing territories and reducing Al-Shabab activities. “Our ability to degrade Al-Shabab has now seen our forces increase their ability to secure Somalia’s main supply routes and to protect main population centers and vital installations and facilities,” he explained. Despite these gains, ATMIS faces an uphill battle to ensure Somalia’s long-term peace and security due to funding shortfalls and unmet benchmarks in the transition process. The post Funding woes threaten Somalia’s peace mission appeared first on Caasimada Online.
  14. Hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa soo food saartay cabsi hor leh oo laga qabo in ay dib ugu dhacaan halbeegyada ay beesha caalamku dib u cusboonaysiisay joogitaankooda Soomaaliya, xilli la filaayo in 2024, December askariga ugu dambeeyo dalka isaga baxo sida dowladdu sheegtay. Todobaadkan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu kaalin weyn ka qaatay weerarrada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, haddana ay jiraan tillaabooyin laga yaabo inay dib uga dhacaan qorshaha ATMIS, kuwaas oo dhowaan laga soo bedelay howlgalka Afrika ee AMISOM. Xubnaha gudiga amniga ee ka kooban 15-ka xubnood ee AU-da, oo wax ka qabta dhibaatooyinka nabadda iyo amniga ee qaaradda, ayaa sheegay in dhaqaale yari ay u badan tahay in ay cunaan qorshaha Howlgalka ATMIS, oo ah arrin khatar ku ah ciidamada amniga Soomaaliya, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka jira amniga dalka xilligaan. Shirkii Midowga Afrika ee sanadkaan magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay qatarka jirta, walow ay guddiga amniga Midowga Afrika sheegeen inay weydiisanayaan mar kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan gaar ah oo ku saabsan maalgelinta loogu talagalay ATMIS, kaas oo aan weli la fududayn. Midowga Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in qorshaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya uu soo idlaado sanadka 2024 dabayaaqadiisa, waxaana xilligaan walaaca uu kusoo aadayaa xilli dowladda ay ku jirto dagaalka Al-shabaab oo ka socda gobollada dalka intooda badan, waxaana Al-shabaab muddadaas laga saaray deegaanno dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan haweeney ugu geysteen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Cali Mahad Alle, taas oo kamid aheyd dadka deegaanka ee deggan Dayniile. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogteen Shukri, xilli ay ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda, ayada oo kadib ay baxsadeen ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee degmada Dayniile, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay, balse weli kama hadlin dhacdadaas iyo howlgallada xigay. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee loo beegsaday, loona dilay marxuumad Shukri Cali Mahad Alle oo si weyn looga yaqaanay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Haweeneydan ayaa sidoo kale kamid ahayd howlwadeennada Tallaalka ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha. Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah. Si kastaba, dhibaatooyinkan amni darro ayaa dhacaya, xilli ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. The post Shukri Cali Mahad Alle oo xalay lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Milateriga Shiinaha oo doonaya inuu hareereeyo Taiwan Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood. Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilmaantay dhoolatuska mid “digniin adag” u ah maamulka jasiiraddaas. Dhoolatuska ayaa bilowday saacado kadib markii Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ka soo noqotay booqasho ay ku tagtay Maraykanka. Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 42 diyaaradaha dagaalka iyo 8 markab oo uu Shiinaha leeyahay ay ka gudbeen soohdinta jasiiraddaas. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhoolatuska milateri ay “qeyb ka yihiin roondo ay ciidamada ku sameyn doonaan guud ahaan biyaha ku xeeran Taiwan, si loo qaabeeyo go’doomin buuxda”. Waxa ay sheegtay in dhoolatuska ay qeyb ka yihiin madaafiicda goobta ee ridada dheer, maraakiibta wax burburisa, doomaha xambaara gantaalada, diyaaradaha dagaalka, kuwa jara isgaarsiinta iyo kuwa shidaalka siiya diyaaradaha kale. Taiwan ayaa isu aragta dal maxad bannaan o oleh dastuur iyo hoggaan u gaar ah. Hase yeeshee xukuumadda Beijing ayaa u aragta gobol gooni-u-goosad ah oo maalin uun lagu soo celin doono Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo isticmaalo awood milateri. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in “dib u soo celinta” Taiwan ay tahay arrin muhiim ah oo ay “qasab tahay in laga dhabeeyo”. Dhoolatuskan ayaa kuwii hore uga duwan in milateriga Shiinaha uu isu diyaarinayo “hareereyn” Tawian, taasoo jawaab u ah kulan Arbacadii Maraykanka ku dhexmaray Madaxweyne Tsai iyo afhayeenka Golaha Wakiillada, Kevin McCarthy. Tsai ayaa maanta sheegtay in dowladeeda ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhexaysa Maraykanka iyo waddamada kale ee Dimuqraadiga ah, xilli Taiwan ay wajahayso “is ballaarin joogta ah oo uu wado Shiina”. Waxa ay hadalkan sheegtay kadib markii ay caasimadda Taipei kulan kula yeelatay wefdi ka socda Congress-ka Maraykanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalkaas u qaabilsan arrimaha dibedda, Michael McCaul. McCaul ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay ka shaqeynayso sidii ay hub u siin lahayd Taiwan “si loo xoojiyo nabadda”. Dhoolatuska milateri ee Shiinaha uu ka billaabay hareeraha Taiwan oo loogu magacdaray “seefta afka badan” ayaa socon doonaa ilaa Isniinta, sida uu sheegay taliska qeybta bari ee ciidamada dalkaas. Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatuska Shiinaha ay uga falcelin doonta “qaab degan, oo caqliyeysan” si waafaqsan mabda’eeda ah “in aan la hurin colaad ama khilaaf ku aaddan difaaceeda qaran iyo amni”. Bishii August ee sanadkii tegay, Beijing ayaa samaysay dhoolatus milateri oo ay todobaad ka waday soohdinta Taiwan, kadib markii ay caasimadda Taipei booqatay Nancy Pelosi oo markaa ahayd afhayeenka Golaha Wakiillada ee Maraykanka. Dhoolatuskaas oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Shiinaha sameeyo muddo sanado ah, ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta noocyadooda kala duwan, waxaana ay ciidamadu rideen gantaallada ballistic-ga. Xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa hooseeyay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ay siyaasiyiinta Washington ee labada xisbi ay u baratamayaan taagerida Taiwan, arrintaas oo ka caraysiisay xukuumadda Beijing. Qaran News
  17. Iiraan oo meel walba kaamarad dhigtay+Sababta Iiraan iyo xijaabka haweenka Dowladda Iiraan ayaa billowday inay kaamiro dhigto meelaha ay bulshadu isugu timaaddo si loo ogaado haweenka aan xijaabneyn, sida u uku dhawaaqay booliiska. Haweenka lagu arko inaysan xiran xijaabka ayaa loo diri doonaa “farriimo digniin ah”, ayuu yiri booliiska. Tan ayaa gacan ka geysan doonta inay ka hortagto “diidmada ka dhanka ah sharciga xijaabka”, ayuu booliiska sheegay. Dibadbaxyo ayaa sanadkii hore hareeyay Iiraan kaddib markii ay gacanta booliiska ku dhimatay Mahsa Amini, oo ahayd gabar yar oo qowmiyadda Kurdiyiinta ka soo jeedday taasoo lagu eedeeyay inay meel uga dhacday sharciga xijaabka. Tan iyo geeridii Mahsa haween badan ayaa iska dhigayay xijaabka, gaar ahaanna kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn, inkastoo ay wajahayeen khatarta ah in la xiro. Qaran News
  18. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray go’aamadan : 1:Wax Hay’ad ah oo ka howl gasha Somaliland inaaney imaan karin deegaanada SSC-Khaatumo , wax shaqo ah noocey doonto ha ahaato ma qaban karaan . 2:In ay joojiyeen dhamaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka dhaxeeyey ganacsatada deegaanada Somaliland iyo SSC- Khaatumo , wax gancsi ah ha yaraato ha badnaato inaanay soo gelin karin deegaanadan shirkadaha ganacsi iyo gaadiidkooda , illaa kuwa imaanaya Koongurta Somalia aaney u gudbin karin magaalaooyinka Burco Ber Bera Hargeisa iwm 3 :Mudada ugu danbaysa ee ay haystaan gaadiidka ganacsigoodu wax uga hadheen deegaanada Somaliland waxaa ay haystaan illaa 15 ka bishan socoto , mudadaa wixii ka danbeeya go’aamadan sidooda ayey u fulayaan oo lama fasaxo wax ganacsi ah oo halkaa ka imaanaya , xattaa isu socodka dadka , reer miyiga ayaa xidhan . Qaran News
  19. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa mamnuucay in gebi ahaanba wax xiriir ah lala yeesho dhinaca maamulka Somaliland. Dhammaan hay’adaha ka hawlgala Somaliland ayaa laga joojiyay in ay yimaadan degaannada SSC-Khatumo islamarkaana wax shaqo ah ka qabtaan. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan wixii dhaq dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhexayn jiray degaannada Somaliland iyo SSC. Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale mudda lix cisho ah oo ku eg 15 bishan April u qabtay wixii ganacsi ah ee labada dhinac ku kala maqan si loo kala gurto. Degaannada SSC-Khaatumo ayaa dhinaca kale laga joojiyay in uu dhex maro gaadiidka ganacsi ee isaga goosha Somaliland iyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo oo mamnuucay in gebi ahaanba wax xiriir ah lala yeesho Somaliland appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa ka warbixiyay booqasho uu Jimcihii kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda sare ee dalka. Pekka Haavisto oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in madaxda dowladda uu kala hadlay arrimo ku aadan dagaalka Ukraine, taasi oo aan la fileyn in wax laga weydiisyo Soomaaliya, maadaama aysan wax saameyn ah ku laheyn. Wasiirka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday in dowladdiisa ay kaalin ka qaadato xal u raadinta colaadda daba dheeraatay ee ka socota dalka Ukraine, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee waddanka Finland. “Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayaa lagu yiri bayaanka Pekka Haavisto. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qoraalka kasoo baxay Finland ee ay ku shaacisay in Soomaaliya ay kala hadashay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine. Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dowladood. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse oo faahfaahiyay wadahadalkaas ayaa dhankiisa boggaadiyay kaalinta Finland ee nabad dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya. “Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxa kale oo uu sii raaciyay “Finland horay ayay dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay, In Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhaxeeya”. Si kastaba, Finland ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxayna taageero siisaa dowlada federaalka. The post Finland oo Soomaaliya kala hadashay arrin aan laga fileyn appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Gunmen armed with pistols killed a female polio vaccination worker in Mogadishu's Dayniile district on Friday night. Source: Hiiraan Online
  22. Warar kale duwan ayaa waxaa laga helayaa dil ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii kooxo hubeysay ay si bareer ah u toogteen Haweeney. Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi, habeenkii xalay , waxaana qofka Dumarka ah ee la dilay magaceeda agu sheegay Shukri Cal Mahad Alle. Kooxda fulisay dilka haweeneydaan ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana dilka kadib halkaasi gaaray ciidamo ka trsan Booliiska degmada Deyniile oo goobta. Majiro wax war ah oo kasoo maamulka degmada ee ku aadan dilka ka dhacay degmada, iyadoo haweenayda ay ka tirsaneyd kooxda Tallaalka caruurta sida aan helaybo. Magaalada caasimadda ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan oo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo lagu beegsado shaqsiyaad dowladda ah iyo dad shacab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Ceel-cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Jeneraal Odawa Yusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaa, kaas oo dowladdu ku dhawaaqday in wajigiisa labaad laga beilaabayo deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug inta ay kaga sugan yihiin dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo dadka degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanno ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud, Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isaga baxaan deegaannada qaarkood. Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeysay Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolkaas, ciidanka ayaa markale dib u qabsaday Galcad oo ka tirsan Galgaduud iyo deegaanka Beerxaano oo Hiiraan ah. Saacadihii ugu dambeysay dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa laga dareemayay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur, gaar ahaa Dirri iyo Waxbo, kuwaas oo lasoo sheegayo in ciidanka ay u ruqaansadeen, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan Galgaduud. Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaahowlgallada ay bilaabeen waxaa ay kusoo aadi iyadoo wajigii kood ee howlgallada Al-shabaab looga saaray magaalooyin dhowr ah sida Xarardheere, Galcad, Ceeldheer oo Galgaduud ah Aadan Yabaal iyo Masaaajidka Cali Guduud iyo deegaanno kale oo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. The newly inaugurated Confucius Institute in the Red Sea nation of Djibouti is providing a great platform for Chinese language learners as people-to-people ties between Djibouti and China continue to deepen. Source: Hiiraan Online
  25. The Ethiopian government said on Thursday it intends to integrate all regional special forces either into the national army, or the federal or regional police, a move likely to be perceived as an attempt to diminish the autonomy of individual regions. Source: Hiiraan Online