-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The charity Doctors Without Borders (MSF) rescued on Tuesday 440 irregular migrants from a fishing boat drifting in the international waters near Malta. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in qorsheynayso bisha koowaad ee sanadka 2025-ka ay la wareegto amniga guud ee dalka. La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dowladda ay isku diyaarineyso inay xaqiijiso amniga guud ee dalka, iyada oo dagaalka socda kusoo afjareysa kooxda Al-Shabaab. “Soomaaliya waxay isku diyaarineysa dhowr hadaf oo ah howlo waqti dheer soo jiray oo ah in Soomaaliya ay aragto waqti dheer kadib iyada oo Al-Shabaab ka jirin, sidoo kale ciidamada taageerada na-siinayay oo wax badan nala soo qabtay ee ATMIS sidii aan u macasalaameyn laheyn ayay Soomaaliya isku diyaarineysa,” ayuu yiri. “Marka gulufkan iyo abaabulkan waxa uu asal u yahay sidii labadaas hadaf loo gaari lahaa; sidii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa, ATMIS-na loo macasalaameyn lahaa. Shaqo badan ayaa ka horeysa in la gaaro hadafyadaasna.” Xuseen Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda isku diyaarineyso la-wareegida masuuliyada amniga dalka, “Inaga oo isku filan oo taageerada caalamka nasiinayo aad u yar tahay in aan dalka la wareegi karno iyada oo dhibaatooyin la kulmeynin.” Waxaa maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaasi oo diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howl-galka. Masuuliyiinyta Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa isla gorfeeyay sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen. Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho. Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda. Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka. The post Villa Somalia oo shaacisay qorshaha 2025 ee amniga appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Liyuu Booliiska Kililada Itoobiya oo la kala dirayo. Dowladda Itoobiya ayaa shaacisey in ay kala-dirayso ciidamada Booliiska gaarka ah ee deegaanka Soomaalida; iyada oo ku kala daraysa ciidamada federaalka Itoobiya ee Millateriga iyo Booliiska, sida ay werisey wakaaladda FANA. Tani ayaa loo aanaynaynayaa cashar ay Itoobiya ka baratay dagaalkii gobolka Tigrey oo ciidanka deegaankaasi ay si weyn u wajeheen ciidanka dowladda dhexe. Weli majiro war ka soo baxay dhinaca DDS. Qaran News
-
Beinjing (Caasimada Online) – Diblomaasiyiinta ugu sarreeya Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii ku kulmay Beijing, ayaga oo ballan-qaaday inay ka wada shaqeeyaan in “amni iyo xasillooni lagu soo dabbaalo gobolka qalalaasaha badan ee Bariga Dhexe, kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China. Bayaan wadajir ah oo lasii daayey kadib wadahadallo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian iyo dhiggiisa Sacuudi Carabiya Amir Faisal bin Farhan, ayey labada dhinac wacad ku mareen inay sii wadaan inay ka wada shaqeeyaan horumarinta xiriirka. “Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in dabagal lagu sameeyo dhaqan-gelinta heshiiskii Beijing iyo dardar-gelintiisa, si loo ballaariyo kalsoonida labada dhinac iyo dhinacyada iskaashiga, islamarkaana gacan laga gaysto abuurista amni, xasillooni iyo barwaaqo lagu soo dabbaalo gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Tehran iyo Riyadh ayaa ku dhowaaqay heshiiska ay dhex-dhexaadisay Beijing bishii March, si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda oo go’ay toddoba sano kahor markii dibad-baxayaal ay weerareen safaaradda Sacuudiga ee Tehran. Booqashada labada wasiir ee Beijing ayaa timid, ayada oo sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay ku sugnaayeen caasimadda Shiinaha, si ay madaxweyne Xi Jinping ugala hadlaan inuu soo afjaro dagaalka Ukraine. Isu soo dhowaanshaha lama filaanka ah ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa dib u qaabeyn kara xaalada Bariga Dhexe oo sanado badan ay la degeen rabshado. Labada dhinac “waxay ka wadahadleen oo ay is-weydaarsadeen fikrado iyadoo xoogga la saarayo dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka labada dal iyo tallaabooyinka fulinta ee ku aaddan dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay bayaan. Taleefishinka Sacuudiga ee Al-Akhbariya ayaa baahiyey muuqaallada labada wasiir oo is gacan qaadaya ayaga oo hortaagan calamada labada dal, islamarkaana dhoola caddeynaya. Sida ku qoran heshiiska la gaaray bishii tegtay, labada dal ayaa lagu wadaa inay safaaradaha iyo qunsuliyadaha dib ugu furaan muddo laba bil gudahood ah, islamarkaana dhaqan-geliyaan heshiisyo iskaashi amni iyo dhaqaale oo la saxiixay 20 sano kahor. Wadahadallada wasiirada arrimaha dibedda ayaa waxaa xigi doona in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu booqdo magaalada Riyadh. Raisi ayaa aqbalay casuumad uga timid boqorka Sacuudiga Salmaan, waxaa sidaas Isniintii xaqiijiyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iran Mohammad Mokhber. VOA + AFP The post Iran iyo Sacuudi Carabiya oo wacad ku maray inay Bariga Dhexe ka dhigaan… appeared first on Caasimada Online.
-
Milateriga Israa’iil ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyo marinka Qaza ka dib weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday deegaanno kamid ah dalkaasi. Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay duqeysay koobfurta Lubnaan,sida ay ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay maanta, iyadoo sheegtay inay beegsanayso goobo ay ku sugnaayeen Xamaas. Saacado ka hor, waxa ay duullaan ku qaadday Gaza, oo ah deegaan ay leeyihiin Falastiin oo go’doonsan,isla markaana ay maamulaan Xamaas. Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaaraha ka dhashay weerarada xagga cirka ah. Xiisadaha soo kordhay ayaa daba socda kadib markii ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus , iyagoo weerarro ku qaaday dad Falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay gudashada cibaadada Alle ee bisha Ramadaan. PUNTLAND POST The post Israa’iil ayaa weerarro cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyo marinka Qaza appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia provided 58.01% of Kenya’s January import of electricity. The drought in Kenya forced the country to import a record 68.48 kilowatt-hours of power due to reduced local hydro-power generation. Ethiopia was able to gain USD 39.73 million from the export. Kenya started importing power from Ethiopia in November last year after the two countries entered a 3 year power purchase agreement for 25 years. The price of 1KW is agreed to be USD 6.5 cents per hour. During the first phase of the agreement, Ethiopia will export 65MW of electricity during off-peak hours and 200MW of electricity during peak hours. The second phase of the agreement will see the sale of 150MW of electricity during off-peak hours and 400MW during peak hours while in the third phase of the agreement, 400MW of electricity will be exported to Kenya at all hours. Ethiopia has already signed memorandum of understandings with Somaliland, Tanzania, and South Sudan to supply electricity. Source: Fana BC and 2Merkato Archives Qaran News
-
As Somalia gears up for the second phase of its war with al-Shabab militants, there is a tussle between the independent media and the government over how much access journalists should have to the front lines, liberated areas and combat operations. Source: Hiiraan Online
-
African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE Bank-funded water and sanitation project improving livelihood in Somaliland The project had a capacity-building component comprising establishing and training 27 community water management and 23 community sanitation and hygiene promotion committees Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, April 6, 2023/ — On March 22 as the global community marked World Water Day, residents of a small town in Somaliland also had reason to celebrate. With a population of about 24,500, Arabsiyo is about 35 km west of the capital, Hargeisa. The town previously had 75% of its inhabitants relying on unsafe water delivered by donkey carts and truck operators who often drew from unprotected and poorly maintained water sources like shallow hand-dug wells around seasonal riverbeds. Only about 20% of the population had access to potable water from a borehole through a household connection managed by Arabsiyo Water Agency (AWA), the public water utility. The remaining 5% got their water from water kiosks at high costs. According to AWA, the water volume was insufficient to meet the minimum WHO-recommended per capita urban consumption of 35 liters per capita per day. It fell short by almost 67% of this recommendation. During that period, Khadra Mohamed, 62, spent about a third of her daily income to purchase potable water. “I bought water four times a week from a donkey-drawn cart private operator who travelled about six km round trip for each supply. Still, this was not enough for my sanitation and hygiene needs,” says the mother of seven, a resident of Arabsiyo. She recalls that her daughter walked the same distance each time to call out and direct a donkey cart operator to their house to supply water, and therefore missed school regularly. This inability to meet the growing water needs of communities in Arabsiyo was widespread, especially in Somaliland’s informal settlements. But the story has changed since 2022, thanks to the Water Infrastructure Development Programme for Resilience in Somaliland (WIDPR), funded by the African Development Bank and implemented by the Ministry of Water Resources Development in collaboration with CARE International. The program, implemented over six years (2016-2022) in several rural and peri-urban communities across Somaliland, established resilient and sustainable water and sanitation infrastructure in Somaliland. It entailed the construction of an 83,000-cubic meter Haffir dam in Faraweyne, close to the border with Ethiopia; construction of 5 earth dams, rehabilitation and building of five strategic boreholes and 11 shallow wells. Another 18 shallow wells were constructed to serve as village mini-water-supply facilities. They are solar-powered and serve rural and peri-urban communities. Some 23 public sanitation amenities were also built in schools, health facilities and markets. The project had a capacity-building component comprising establishing and training 27 community water management and 23 community sanitation and hygiene promotion committees. These community-level management structures will ensure systematic and sustainable water supply and sanitation access for the beneficiaries. In addition, the program made available a borehole drilling and maintenance rig to increase water production in Arabsiyo Town. This helped AWA to improve water supply through house connections and enabled the construction of more water kiosks. Khadra’s family is among several households that benefitted from the new water supply system. Her daughter, who previously had to abandon school to enable her to walk 6 km to draw water for the household, now attends classes regularly. Khadra says: “Providing me access to piped water means a lot. My daughter is now fully back in school, and the amount of money I spend on water has significantly reduced. I can now save money for small trading to support my family.” For example, before the project, families like Khadra’s paid $7.5 per m3 to private water vendors; now, they pay as little as $1.5 per m3 through a water connection. It’s not only the inhabitants of Arabsiyo town that have benefitted from the WIDRP. The program also extended water to internally displaced persons’ camp in the north-western port city of Berbera and other new settlements, serving hundreds of displaced persons with clean water. Implemented as the Augmenting Berbera Urban Water Supply Scheme (ABUWSS), the program increased the number of house connections from 1,200 to 6,750, serving an additional 38,800 people in the township and another 8,500 displaced persons having access to affordable potable water. Fardusa Osman, 30, who fled conflict in Ceel Afweyn in the north-eastern Sanaag Region, to the Berbera camp with her three children and husband, now boasts of affordable clean water supply. “Initially, we got limited quantities of water from a well-wisher, and we would spend about $2 to $3 per 200-liter barrel supplied by water tankers, which was more than ten times the approved water tariff of $1 per 1,000 liters,” she says. Fardusa adds: “As a result of the high cost of water, what we could afford was not enough to meet basic hygiene and sanitation needs. I am happy and thankful to the African Development Bank and the Government for making water available in the camp. I now get enough water from the water kiosk for drinking, cooking and cleaning, and it does not cost me much.” Completion of the ABUWSS initiative saw water production capacity increase by 2,400 m3 daily following the development of four new high-yielding boreholes. This was in addition to upgrading the existing transmission and distribution network with 10.5 km of pipeline and constructing seven water kiosks, which improved supply to the targeted areas, including the camp. Berbera City Mayor, H.E. Abdishakur Cidin, lauded the Program and the partnership with the Bank, saying: “An urban water system that provides reliable water to the urban poor is essential for maintaining public health.” The Program contributed to the Ministry of Water Resource Development’s vision of becoming a water-secured nation where every citizen has easy access to clean, adequate, affordable water, sanitation and hygiene. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale ka hadashay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu umagacaabay Ergeyga arrimaha Somaliland. Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay in Xasan Sheekh uu xilligaan magacaabo Ergeyga Somaliland, ayada oo dagaal in ka badan laba bilood uu ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ka koobna lix qoddob ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada Xasan Sheekh uu qaaday ay u muuqato “Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.” Puntland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in magacaabista Ergeyga Somaliland ay muujiinayso wel-wel iyo shaki in aan dowladda federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo. “Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland. Puntland ayaa waxay ugu baaqday xukuumadda dowladda federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC. Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka Puntland oo dhameystiran WAR-SAXAAFADEED Magacaabis la yaab leh In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan. Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh. Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa. Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray “Ergayga wada-hadalada Somaliland”. Haddaba, sidee loo akhrin karaa, maxayse ka dhigan tahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed? 1) Waxaa loo akhrin karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa. 2) Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool. 3) Waxay muujiinaysaa wel-wel iyo shaki in aan Dowladda Federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland. Waxay kaloo dhinac marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC. 4) Hadalada dhiilada leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali gelinna laga bixiyo. 5) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan ka gaaraan iyagoo xor ah. 6) Waxaan ugu baaqaynaa dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga ee Gobolka Sool. Dhammaad The post Puntland oo war xasaasi ah kasoo saartay magacaabista Guuleed, eedeyn culusna u jeedisay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud iyo deegaanno hoos taga oo qiyaastii baaxad ahaan gaaraya ku dhowaad 30-KM. Ciidamada ayaa si gaar ah hawlgal amni xaqiijin ah uga sameeyay dhamaan qaybaha ay ka koobantahay magaalada Galcad iyo xaafadaheeda, degmada ayaa markale soo gashay gacanta dowladda, Dhammaan deegaannnada hoos taga Galcad oo ciidanka Xoogga Dalka ay howlgallada ay sameeyeen ayaa Al-shabaab ay isaga baxeen , sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadka shacabka ah kula kulmay deegaannada howlgalada laga sameeyay iyadoo saraakiisha ay dad-weynaha ka xog-waraysteen xaakadahooda xilligaan bisha Ramadaan. Howlgalkaan ayaa qayb ka ah howlgalo maalmahaan ka socday qaybo badan oo ka mid ah gobalka Galgaduud kaas oo Al-shabaab looga saaray dhul baaxad ahaan gaaraya ku dhowaad 100-KM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Buuhoodle (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ku biirayo xooggaga SSC oo ay si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland. Maxamed Deeq Muxumed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in is-casilaadiisa ay timid kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada uu ka tirsanaa ee Somaliland ay u geysteen bulshada gobollada uu kasoo jeedo. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu difaacayo shacabkiisa, taasi oo ka dhigan in Taliyihii hore ee guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland uu ka barbar dagaalami doono xooggaga SSC oo Somaliland isku hayaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. “Aniga oo aha Gaashaanle Dhexe Maxamed Deeq Muxumed Cabdi, ahna taliyaha guutada 95-aad ee ciidanka qaranka ee Carowayn, waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii ciidanka qaranka aan u hayay, aanan la fikir ahay bulshada reer SSC,” ayuu yiri taliyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha Buuhoodle. Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa igu kalifay in aan is-casilo waa tacadiyada ciidanka ay u geysteen bulshadeyda, waana difaacaya shacabkeyga.” Go’aanka uu qaatay taliye Maxamed Deeq ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankiisa, iyaga oo sheegay in taliyaha uu dadkiisa u damqaday. Isimida SSC iyo xooggaga taabacsan ayaa dhowr jeer ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay dhibaatooyin horleh ka geysteen deegaanada SSC, hase yeeshe waxaa eedahaasi iska fogeysay xukuumadda Somaliland, oo iyadu ku andacoota in markasta ciidamadeeda weerar lagu yahay. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, illaa haddana majirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah, ayada oo ay burbureen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la rabay in miiska wada-hadalka la iskugu keeno xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC, waxayna weli labada ciidan isku horfadhiyaan duleedka magaalada. The post Taliye ka goostay militariga Somaliland oo ku biiray SSC iyo arrimo uu shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dowlad-deegaanka Soomaalida, gaar ahaan gobolka Siti ee dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in markale uu dagaal ka billowday deegaano ka tirsan galbeedka gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfar. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay Canfartu ay weerar kusoo qaadeen deegaano ka tirsan galbeedka gobolka Siti, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan dagaalkan dib uga dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka maanta uu xoogiisa ka dhacay goob lagu magacaabo Dabamara oo dhacda galbeedka gobolka Siti, waxana weli adag sida xog faah-faahsan looga heli karo dagaalkan dib u qarxay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay. Soomaalida ayaa durtaba guulo ka sheegatay dagaalkan, sida laga soo xiganayo dad ka agdhaw goobaha dagaalku ka socda, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijin kara sida ay maanta wax u dhaceen. Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda dowlad-deegaanka Soomaalida iyo dhinaca dowlad-deegaanka Canfarta ee Itoobiya oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay gobolka Siti. Dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah. Si kastaba, waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan horey la iskugu dayay in xal looga gaaro colaadda Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii wax natiijo ah laga gaari waayay. The post Dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale ka billowday galbeedka SITI appeared first on Caasimada Online.
-
In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan. Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh. Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa. Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray “Ergayga wada hadalada Somaliland”. Haddaba, sidee loo akhrin karaa, maxayse ka dhigantahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed? 1) Waxaa loo akhrin karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa. 2) Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool. 3) Waxay muujiinaysaa wewel iyo shaki in aan Dowladda Federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland. Waxay kaloo dhinac marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC. 4) Hadalada dhiilada leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali gelinna laga bixiyo. 5) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan ka gaaraan iyagoo xor ah. 6) Waxaan ugu baaqaynaa dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga ee Gobolka Sool. The post War-saxaafadeed: Puntland oo ka hortimid ergayga Xasan Sheekh u magacaabay Arrimaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket. Ilo wareeedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaasi oo dhaliyay khasaare xoogleh, ayada oo goor dambe ay halkaasi gaareen gaadiidka dab-damiska. Khasaaraha ka dhashay weerarka Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay dukaanka, iyada oo dhismahan uu ahaa meheradda ugu weyn ee laga dukaameysto ee ku yaalla Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka. Sidoo kale khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay weerarkan ayaa gaaraya hal milyan iyo bar doollar, sida ay muujinayo khasaarha hordhaca ah ee illaa hadda la diiwaan-geliyay. Cidda ka dambeysa weerarkan iyo ujeedka Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, sida uu warbaahinta u sheegay Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabddalla Xasan, inkasta oo uusan bixin faah-faahin dheeri ah. Sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha amniga gobolka Bari oo ka hadlay weerarkan ayaa farta ku fiiqay kooxda Daacish, oo iyadu saldhigyo ku leh gobolka Bari. Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday xarunta ganacsi ayaa sidoo kale waxaa loo badinaya inuu la xiriiro lacagaha baada ah ee kooxdaasi ay ka qaado ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku martigeliyay madal afurin nabadeed ah iyo gogol daahfur u aheyd dib-u-heshiisiinta beelaha Sacad iyo Wagardhac. Kulanka ay wasaaradda arrimaha gudaha qabatay ayaa ku yimid codsi uga imaaday labada beel, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi. “Kulankan waxaa isla leh, oo uu ahaa codsi odayaal labada beelood ee Wagardhac iyo Sacad, waxa looga hadlayo iyaga ayaan u deyneynaa, inanga gogosha ayaan laheyn,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi. Labada beelood ee loo dhigay gogosha dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa la sheegay inay ka dhex jirtay colaad daba-dheeraatay oo 40 jirsatay, wuxuuna kulanka Muqdisho ka qabsoomay hordhac u noqonaya kulamo nabadeed oo kale oo u dhaxeeya labadaan beelood. “Ujeedka kulanka waa in ay jirto colaad muddo dheer oo 40 sano jirsatay oo dhexdooda taalay, oo aan weli dammin, xilli beelaha kale ay wax badan dhameeyeen, kulankan waa mid horudhac ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay in colaadda u xooggan ay ak jirto magaaladii uu ku dhashay ee Galinsoor, “Colaadda waxa ay ka jirtaa Galinsoor oo ah goobtii aan ku dhashay, in aan qeyb weyn ka cayaaro waajib ayey igu tahay, waa wax laga heshiin karo, waayo wixii Soomaali dhexmaray ayaa dhexmaray.” Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in xilligaan colaadda loo baahneyn, iyaga oo kula dardaarmay odayaasha dhaqanka ee labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan nabadda. Hoos ka daawo The post Daawo: Beelo ay 40 sano colaad ka dhaxeyso oo dib u heshiisiin loogu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad uu maamulka Axmed Madoobe u diray degmada Baardheere loo diiday inay tagto halkaasi, oo ay ka taagan tahay xaalad bini’aadannimo oo adag. Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaarada ayaa siday gargaar uu maamulka Axmed Madoobe ugu tala-galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawan ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan guddi u magacaabay xaaladda ka taagan Baardheere, sidii ay u gaarsiin lahaayeen gargaar deg deg ah oo lagu samatabixiyo dadkii ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay halkaasi,. Maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa si weyn uga carooday tallaabada lagu hor istaagay diyaarada gargaarka siday ee ay u dirayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga uu maamulka degmada ku sameeyay diyaaradda ay maanta u diri lahaayeen Baardheere, taasi oo uu sheegay in lagu caawinayay dadka aad ugu baahna gargaarka loo siday. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka degmada ay markii hore ka wada socdeen dirista diyaaradda gargaarka siday, balse markii ay ka duuli rabtay garoonka Kismaayo lagu wargeliyay inaysan tegin karin Baardheere. “Xalay iyo Habeen hore waxaa wada hadleynay guddoomiyaha degmada Baardheere, waxay noo sheegeen inay nasoo dhaweynayaan oo alaabtaas oo dhaweynayaan, maadaama aysan jirin qof siyaasi ah oo alaabtaas la socda. Saaka waxaa soo baxay war ah inaysan ogoleyn in gargaarkaas la geeyo, guddoomiyihii waxaa la siiyay amar ay bixiyeen nimanka madaxdiisa ah,” ayuu yiri “Waxaa rabaa in shacabka reer Baardheere toos ula hadlo, dhibaato idinku dhacday waan ognahay oo waan ka damqaneyna, asbuucyadaan dhan waxaa ka shaqeynaynay in aan idin soo gurmano, diyaaradii tooska halkan uga soo direynay waxaa diiday qolada meesha joogto guddoomiyaha ha ugu horeeyo iyo qolada gobolka ka shaqeysa.” Wasiirka ayaa sheegay in uu ka xun yahay in la siyaasadeeyo gargaarka, isaga oo faray dadka reer Baardheere inay iska dhiciyaan masuuliyiinta diidan in gargaar ay u baahan yihiin la gaarsiiyo, “Waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Baardheere arrintaan waa inay ka feejignaadan oo iska dhiciyaan nimankaas meesha jooga.” “Waxaa la yaab leh in dad dhibaateysan oo fatahaad iyo abaaro hore uga horeeyeen in la yiraahdo xitaa alaab idin socota, iskaba daa dad siyaasi ah ee alaab socoto la idinma keenayo. Shacabka reer Gedo dhamaan waa inay arrinta ka dhiidhiyaan oo u istaagan.” Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo, islamarkaana dhowr jeer oo ah deegaanadaas loo diiday inay tagaan masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland iyo xildhibaano xiriir dhow la leh madaxweyne Axmed Madoobe. The post Diyaarad uu maamulka Axmed Madoobe u diray GEDO oo loo diiday inay tagto appeared first on Caasimada Online.
-
Kadib dagaal socday 60 cisho oo Taliska Muuse Biixi ku guul-darreystay in uu dib u qabsado Laascaanood, ayuu mar kale maanta ku celiyay hanjabaad dagaal. Bayaan ka soo baxay shirkii maanta ee golaha wasiirada Somaliland ayaa lagu sheegay in magaalada Laascaanood laga sifaynayo ciidamada ka dagaallamaya, taas oo ka dhigan iclaaminta duullaan horleh. ” Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo xuduudaha dalka” ayaa lagu yiri bayaankaas. Golaha wasiirada Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Puntland in ay qayb ka tahay dagaalka Laascaanood, si ay u samayso xuduud qabyaaladeed, inkastoo Puntland horay u caddaysay in aysan gebi ahaanba lug ku lahayn dagaalkaas. Ugu danbayntii, ciidamada Somaliland oo bilo ka hor gacanta ku hayay guud ahaan gobolka Sool ayaa hadda ku urursan labada ceel ee Gooja-cadde iyo Dhuxun oo masaafo ahaan ka yar 7km. PUNTLAND POST The post Taliska Muuse Biixi oo iclaamiyay duullaan horleh oo ku jihaysan Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay Hargeysa ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdio, ayada oo ugu horreyn warbixin looga dhageystay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo golaha la wadaagay xog ku saabsan amniga iyo dagaalka Laascaanood. Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa warbixin ku saabsan Dhaqaalaha ka dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire oo madasha ka hadlay. Intaas kadib golaha ayaa diiradda saaray xiisadda magaalada Laascaanood, waxayna soo saareen 4 qodob oo uga sii daraya dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi. Golaha ayaa marka hore boggaadiyay guullo ay sheegeen in ciidanka Somaliland ay kasoo hooyeen dagaalka iyo sida ay u difaacayaan deegaankooda. Go’aanada ay Somaliland soo saartay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan ay waddo Puntland, isla-markaana ay ku doonayso inay ku samayso xuduud qabyaaladeed. Halkan hoose ka aqriso go’aanada soo baxay:- 1-Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidamada Somaliland sida ee heeganka iyo difaaca har iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud. 2-Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika. 3-Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha. 4-Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran. The post Somaliland oo soo saartay go’aano uga sii daraya dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
