Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ST. PAUL, Minn. -- A Minnesota dad is taking matters into his own hands after he couldn't find a children's book to read to his daughter that represented his childhood growing up in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Thousands of African Union peacekeepers have been killed and hundreds more injured in Somalia since the forces began their work in that country in early 2007, the head of their mission told VOA Somali. The peacekeepers were deployed to help protect the government and installations from al-Qaida-affiliated al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  3. UN says about half of Somalia’s population will need humanitarian assistance this year, with 8.3 million affected by the drought. Source: Hiiraan Online
  4. The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) said Tuesday that it has begun relocation of newly arrived Somali refugees in Ethiopia who fled recurring clashes between security forces and clan leaders in Las Anod in northern Somalia, with 1,036 of the most vulnerable people transferred from border areas to a new settlement over the past three days. Source: Hiiraan Online
  5. Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka oo ku sii siqaya deegaano hor leh ayaa gacanta ku dhigay tiro maleyshiyaad ah, kuwaas oo isku dayey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baaritaan. 12 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo dadka deegaanku ay ciidanka u far-muuqeen ama ku war-geliyeen inay ka tirsanaayeen kooxda. Bulshada deegaanka Cali Afrax ayaa ciidanka ku soo dhaweeyay deegaanka oo Shabaab-kii joogay ay isaga carareen, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. Al-Shabaab waxay maalin ka hor deegaanada hoos taga Galcad uga carareen gaadiidkoodii, kadib markii ay soo wajahday shidaal la’aan baahsan, maadaama ay go’doomisay dowladda Soomaaliya. Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor, Maxamed Abuukar Xasan (Shaarib) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in hadda ay 43 KM u jiraan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab ka joogaan. Sarkaalkaan ka tirsan ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya ayaa sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu ka jiro khilaaf adag, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen. Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay u suurta-gashay inay dib deegaanadooda uga soo celiyaan qoysaska qaar. Iyadoo dhulkaan ay colaadi ka jirto oo ciidanka qaranka ay si joogto ah u baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxaa la soo weriyaa inuu ka da’ayo roob lixaad leh oo aad u saameeyey dadka shacabka ah ee ka qaxaya deegaanadooda. Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in shacabka ay ku kalifeyso inay ka qaxaan deegaanooda, markii ay gudaha u soo galaan ciidamada dowladda, si ay gabaad uga dhigtaan oo aan loo duqeyn markii ay duurka u baxaan. The post Sawirro: Ciidanka DF ee ka dagaalamaya Galgaduud oo gacanta ku dhigay 12 nin oo… appeared first on Caasimada Online.
  6. “Nina waxaba ugamay baahnay tolkii la dhashay iyo intii caafimaadka qabtay ayaa aasatay, Prof Ismail Buba, General Jama Yare, Mujahid Xasan Gure, Marwo Khadra Dahir ilaahay dhamaantood ha u naxariisto”. Xildhibaan siciid cudhay. Qaran News
  7. Muqdisho ( Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo saaray warqad hambalyo ah oo ku socota ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya sanad guuradooda 63-aad. Sanadka kasta 12-ka bisha April waxay ciidanka xoogga dalka u dabaal degaan sanad guuradooda ka soo wareegatay markii la aas-aasay sanadkii 1960-kii. “Geesiyaasha qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, waxaan ku boorinayaa inay sida geesinimada leh oo ay uga guul gaareen howlgalladii ay fuliyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Jeneraal Odowaa. Sidoo kale Taliye Odowaa ayaa codsi u diray shacabka Soomaaliyeed, si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag uu kula jiro ciidanka xoogga dalka. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ciidanka qaranka ku garab siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta baneysatay dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda,” ayuu ku sii daray qoraalka Jeneraal Odowaa. Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka wuxuu guul u rajeeyey ciidanka qaranka ee furimaha ka dagaalamaya, si ay u tirtiraan kooxda Al-Shabaab. Sanad guuradaan ayaa ciidanka xoogga dalka uga duwan kuwii hore, wuxuuna sanadkaan u dhalanayaa ciidanka, iyadoo ay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab oo gobollada dalka ay ku wajahayaan dagaalo adag. Munaasabadda dabaal-degga sanad guurada ciidanka xoogga dalka ayaa xoogeeda lagu qaban jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo halkaas lagu soo bandhigi jiray dhoolatus militeri oo Madaxweynaha dalka uu ka qeyb geli jiray. Balse sanadkaan waxaa loo badinayaa in taasi aysan u suurta galeyn ciidanka, waxaana furimaha dagaalka ku maqan dhamaan saraakiishii ugu sareysay ciidanka xoogga dalka oo ay ugu horeeyaan Taliyaha guud Jeneraal oo Sh/Dhexe jira iyo Taliyaha ciidanka dhulka oo Galgaduud jira. The post Jeneraal Odawaa oo shacabka u diray farriin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  8. Gudoomiye Daa’uud Maxamed Faarax ayaa gabi ahaan ba diiday xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Wasiir Toorno. Gudoomiye Daauud waxa uu ii sheegay in xafiiska imtixaanaadku uu ka madax banaan yahay wasaarada waxbarashada sidaa awgeedna aanuu aqbalaynin talaabada uu qaaday wasiir Toorno. Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale ii xaqiijiyay in cida kaliya ee uu ka war sugayaa uu yahay Madaxwayne Biixi. Qaran News
  9. Republic of Somaliland Republic of Somaliland Ministry of Finance Development Ministry of Finance Development Department of Public Relations and Information PRESS RELEASE Hargeisa, 11/04/2023- As the Ministry of Finance, we are clarifying to the public that there is no financial concern at this time. Although there are economic situations that we have in the region, the world in general and our own ones like the Sool war, they are not as exaggerating. And we assure the community that there are no financial burdens. According to the financial performance report of last year 2022 which we have just published on the website of the Ministry {slmof.org} the total revenue of the previous year {2022} is higher than that of 2021. 4% which is equivalent to 86 billion sl.sh. In terms of spending, based on the report, the government has cut 95% of the discretionary spending. When we report the Central Government revenue for the last quarter of January-March, 2023 the total actual revenue is above the revenue target by 2%, according to the quarterly report. that we have published on our website. In addition, all the activities related to spending and revenue collection have been going smoothly until now, and there has been no interruption at all, as government employees and the military receive their salaries regularly. It is also worth noting that we assure the community that there is no decline in the activities of the International Market in Berbera as shown in the report of the statistics of goods that have landed or left in the last two months. Finally, any information provided by non-relatives -End- Department of Public Relations and Information Qaran News
  10. Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kadin xiriir uu la sameeyay Talaadadii. Labada mas’uul ayaa waxaa ka wadahadleen Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen. Baaqan ayaa yimid kadib markii dhawaan Beijing ay heshiis kusoo celisay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo ah quwadda gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyada oo heshiiskaas uu ahaa mid aan laga qeybgelin Mareykanka. Wasiirrada arrimaha dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Beijing kadib markii ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay kadib sanado badan oo cadaawad ah oo sii hurisay colaadaha ka taagan bariga dhexe. “Mr Sullivan iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahadleen isbeddello ballaaran oo ku wajahan hoos u dhaca gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo kale,” ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ku sheegay. Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo ah quwadaha ugu awoodda badan Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada, waxay sheegeen inay billaabayaan qabanqaabada dib loogu furayo safaaradaha iyo qunsuliyadaha muddada labada bilood ah ee ku qeexan heshiiskooda Shiinaha. VOA + Reuters. The post Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay colaadda Yemen appeared first on Caasimada Online.
  11. Jamhuuriyadda Somaliland Republic of Somaliland Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ministry of Finance Development Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta WAR-SAXAAFADEED Hargeysa, 11/04/2023- Waxa aanu ka Wasaarad Maaliyad ahaan bulshada u cadaynaynaa inaanu jirin habayaraatee xiligan walaac maaliyaddeed oo nala soo darsay. Inkasta oo ay jiraan duruufo dhaqaale oo aynu la qabno gobolka, guud ahaan dunida iyo kuwo inaga inoo gaar ah sida dagaalka G. Sool, hadana uma jiraan sida loo buunbuuninayo. Waxaananu bulshada u cadaynaynaa inaanay jirin wax culaysyo maaliyadeed ahi. Sida ka muuqata war-bixinta wax-qabadka maaliyaddeed ee sanadkii hore ee 2022 taasi oo aanu dhawaan uun ku daabacnay mareegta Wasaaradda ee {slmof.org} wadarta guud ee dakhligii kal-hore {2022} waxa uu ka sareeyaa kii 2021-ka qadar dhan 4% oo u dhigmaysa 86 billyan sl.sh. Dhinaca kharashaadka marka aynu eegno inaga oo ka duulayna is la war-bixintaas waxa ay Dawladdu dabartay 95% kharashkii ku-talo-galka ahaa. Marka aanu ka war-bixino dakhliga Dawladda-dhexe ee sadex-biloodkan u danbeeyey ee January-March, 2023 wadarta guud ee dakhliga dhabta ahi waxa ay ka saraysaa bartilmaameedkii dakhli 2% {boqolkiiba laba}, sida ku cad war-bixinta sadex-biloodlaha ee aanu ku baahinay mareegtayada. Waxa intaa dheer, in dhamaan hawlaha la xidhiidha kharash-bixinta iyo ururinta dakhligu ay ilaa hada si habsamiya u socdaan, mana jirto haba yaraatee wax hakad ku yimid, iyada oo ay si joogta oo aan habsan lahayn u helaan shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mushaharaadkooda. Waxa iyaduna xusid mudan oo aanu bulshada u bayaaminaynaa inaanu jirin hoos u dhac ku yimid hawlada Marsada Caalamiga ah ee Berbera sida ku cad war-bixinta tirokoobka badeecaddaha ka soo degay ama ka dhoofay labadii bilood ee u danbeeyey. Ugu danbeyntii, xog kasta oo ay bixiso cidii aan ehelkeeda ahayni -Dhammaad- Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Qaran News
  12. Qoraalkan Waxaa qoray Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar: Waxa inoo diiday inaynu aragtina ku soonno aragtina ku afurno ee maalin walba taalloo aan soo socon dusha inoo saaray maaha bulshadeena oo gaarad hooseeysa ee waa damiimiin iyo danleey ka il heshay shacab horay loo argagixiyay oo masiibaa soo socota lagu didsado; maalin walbana masiibo horleh u hindisa. 1. Shalay markii xisbi Qaran lagu midoobayay waxay ku taliyeen waan baa’baynaa ee yaan la yeelin. Maanta waan ognahay sida wax ahaan jireen iyo farqiga u dhaxeeya markii xisbi Somali ku sheeg ah oo macag u yaal ah uu jiray iyo marka miiskii taladda dalka qowmiyadihii kale lala fadhiistay dhanka ismaamulka, xuquuqul-Insaanka, iyo saamiga siyaasadda dalka. 2. Shalay markii dagaalka Waqooyigu biloowday waxay ku taliyeen aynu falaagada garab istaagno oo dhankeena ka dumino nidaamka dalka ka jira sidii iyadoo inaga inagu xidhan tahay dumintu. Maanta waynu ognahay meeshay arintaasi ku dhamaatay iyo cawaaqib kii ka dhalan karay haddaynu jibbadii Somali Resistance Force dhinac ka raacno. Halaag kale ayaynu hubsiimo kaga badbaadnay. 3. Maantana waxay ku talinayaan dib-u-habeeynta Ciidamada Booliska ee dalka aan diidno oo micnaheedu yahay duurka aan galno ama qalalaase aan abuurno. Taasna iyagoo indhahoodu shan yahay ayaa laga gudbi, dadkuna arki doonaan wax la baa’biyay iyo wax kala tagay, iyo amni deegaan oo cid kale gacan u galay inuuna jirin. Iyana bari ayay shalay noqon doontaa ooynu dib u milicsan doonaa ee “Ninkii cadho la soo sooyaamayoow, samirka maad dhowrtid”? Source
  13. Cibadooyinka ay sameeyaan Muslimiinta bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa kamid ah salaadda tahajudka oo la tukado habeenkii, waxay kamid tahay salaadaha gaarka ah ee la tukado, taasoo inta badan bilaabata tobanka dambe ee bisha soonka. BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah culimada caanka ka ah ee Nigeria kuwaasoo faahfaahin ka bixiyay arrimo la xiriira salaadda tahajudka. Goormaa ayuu bilowdaa tahajudka? Sheekh Halliru Maraya oo ka mid ah culimada caanka ah ee ku nool gobolka Kaduna ee Nigeria ayaa sheegay in salaadda Tahajudka aan la tukan bisha Ramadaan oo keliya balse la tukado xilliyada kale ama Ramadaan kadib. “Salaadda Tahajudka macneheedu waxaa weeyee , waa salaad uu qofka tukado marka uu soo tooso, waana mid aad u fadli badan tobanka dambe ee bisha soonka, sababtoo ah waxaa tobanka dambe ku jiraa habeenka Laylatul-Qaadri oo u dhiganta kun bilood ajarkooda “ayuu yiri Sheekh Halliru. Waxa uu sheegay in xitaa marka la gaaro bisha Ramadaan la billaabi karo salaadda Tahajudka. “Qofku haddii Ilaahey la kulansiiyo habeenka Laylatul-Qadrigu, waxa la qorayaa in ka badan ajarka 83 sano,” ayuu yiri Sheekha. Meeqa rakca ayaa la tukadaa? Sheekh Halliru Maraya wuxuu sheegay in tirada ugu yar ee rakacadda la tukan karo salaadda tahajudka ay tahay laba rakaco iyo wixii ka badan. “Salaadda tahajudka waxaa ugu yar laba rakacadood, qofka wuxuu tukan karaa, afar, lix iyo xitaa boqol rakaco, waxayna ku xiran tahay awoodda qofka” sida uu sheegay Sheekha. Tahajudka iyo taraawiixda ma la is raacin karaa? Sheekha wuxuu sidoo kale sheegay in salaadaha taraawiixda iyo tahajudka ay kala duwan yihiin. “Qofka haddii uu tukado Taraawiixda oo uu nasto, ka dibna uu seexdo, isla markaana uu soo tooso si uu u tukado laba rakcadood ,taasi waxa loola jeedo Tahajudka.” ayuu yirii Sheekh Halliru. Wuxuu Muslimiinta ku booriyay inay tukadaan salaadda tahajudka. Xilliggii Nebiga iyo tahajudka Dr. Jamilu Yuusuf Zarewa, oo bare sare ka ah kuliyadda arrimaha shareecada Islaamka ee jaamacadda Ahmadu Bello University ayaa sheegaya in salaadda tahajudka uu tukaday nebiga N.N.K.K.H habeenka koowaad iyo labaad Ramadaanka. “Balse habeenkii saddexaad nebiga ma uusan tukan, markii wax laga weydiyyay arrintaas, wuxuu ku jawaabay, in uusan dooneyn in dadkiisa waajib looga dhigo”. Wixii xilliggaa ka dambeeyay salaada tahajudka dadka guryaha ayay ku tukanayeen. . Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soo dhaweynta. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ah ay ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya oo haatan heer wanaagsan maraya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii caawa ku soo bandhigay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo maanta booqasho laba maalin ah ku yimid Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna kulankoodii kadib qabteen shir jaraa’id. Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka argagixisada, arrimaha bini’aadannimada iyo la tacaalidda saameynta isbaddelka cimillada. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo dowlad-dhiska, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka. Intaas kadib, Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu maanta u safray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, wuxuuna booqday xeryo barakac oo ku yaalla daafaha magaaladaas, si xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah uu ugu kuur-galo. Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarkiisa Baydhaba u raacay António Guterres, wuxuuna wafdigaas galabta ku soo laabtay Muqdisho oo caawa uu ku hoyanayo Xoghayaha Qaramada Midoobey. Dhammaan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa u xiran joogitaanka António Guterres, wax gaadiid ah laguma dhex wada karo magaalada, halka meelaha qaar la diidayo dadka lugeynaya, waxaana lagu wadaa in berri uu Muqdisho ka dhoofo Xoghaye António Guterres. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa isugu yeeray diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay Soomaaliya. Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya in ka badan 16-sano kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, waxaana howlgalkaan ka soo gaaray khasaare lixaad leh oo aan horay ugu dhicin ciidan dal kale loogu diray nabad ilaalin. Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine khasaaraha gaaray ciidanka ATMIS ku shaaciyey waraysi uu siiyey barnaamijka Galka Baarista eek a baxa Idaacadda VOA. Ergeyga ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa 4,000 oo askari oo AMISOM ama ATMIS looga dilay ama looga dhaawacay gudaha Soomaaliya, 16-kii sano ee nabad ilaalinta ay iu joogeen. Madaxa Midowga Afrika ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askari lagu dilay Soomaaliya, halka inta kale ay la noolyihiin dhaawacyo ka soo gaaray weerarrada Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ciidanka uu khasaaraha ugu badan soo gaalay waayihii ay ku cusbaayeen Soomaaliya ee howlgalku uu bilowga ahaa, iyadoo kiisaska qaar aan si saxan loo diiwaan gelin oo suurta gal ay tahay inay jiraan askar la dilay oo aan diiwaanka lagu darin. Sidoo kale madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee soo gaaray ciidanka ATMIS ay saraakiishu ku qiyaasayaan 5,000 oo askari, markii la isku biiriyo qiyaasta iyo tira koobka saxan ee la hayo. Waxaa fashilmay qorshe uu howlgalku doonayey in wadan kasta uu soo gudbiyo tirade saxda ah ee askarta looga dilo Soomaaliya, maadaama wadamada qaar aysan dooneyn inay sheegaan tiro rasmi ah. 80-kii sano ee lasoo dhaafay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa ee soo gaaray ciidan nabad ilaalin loogu diro dal ka tirsan dunida. “Soomaaliya waa u qalantaa in loo dhinto oo qaan kuma ahan ciidankaan, waxay Soomaaliya xornimo qaadatay 60-kii, kadibna waxay ka qeyb qaateen xornimo gaarsiinta wadamo badan oo Afrikaan ah, sidoo kale waxay Soomaaliya wadamada Afrika ka taageertay tababarrada ciidanka iyo waxbarashada, marka waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u qalanto garab istaag intaan ka badan,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ka qeyb galay barnaamijkaan, isagoo isna ka hadaya ciidamada dhintay iyo weliba hawlgallada milatari ee soo socda. La-taliye Xuseen wuxuu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ay Soomaaliya u heyso abaal weyn, isla markaana ay Soomaaliya abaalkaas ku gudi karto in natiijo rasmi ah laga gaaro howlgalkaan. Ciidanka ATMIS wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarro toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Leego, Ceel-cadde, Ceel-baraf iyo saldhigyo kale oo khasaare baaxad leh loogu geystay ciidankaan Soomaaliya uga howlgala magaca Midowga Afrika. Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/04/01000000-0aff-0242-7445-08db3a931c8d_16k.mp3The post Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya oo noqday kii ugu dhimashada badnaa caalamka appeared first on Caasimada Online.
  16. Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres, saaka booqasho ku tegay Muqdisho iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay. António, ayaa la kulmi doono madaxda Soomaaliya sida madaxweyne Xasan Sheekh, waana markii labaad ee uu Muqdisho yimaado. Garoonka Muqdisho iyo waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdosho ayaa loo xidhay wafdiga Xoghayaha Qaramada midoobay. Source
  17. PRESS RELEASE First Ever African Critical Minerals Summit Launching in Johannesburg The official launch event of the inaugural African Critical Minerals Summit will take place in Johannesburg on 14 April, featuring a networking breakfast Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, April 11, 2023/ — The first-ever African Critical Minerals Summit will launch in Johannesburg on Friday 14 April. Taking place in the form of a networking breakfast, the official launch event will be hosted by South Africa’s Department of Mineral Resources and Energy – who will speak alongside international mining companies. The networking breakfast takes place the day after the South Africa Investment Conference. Uniting financiers, operators and service providers from across the global mineral value chain, the launch event offers stakeholders the chance to network with relevant industry heads, engage with government representatives and policymakers while gaining insight into the inaugural African Critical Minerals Summit – taking place in November this year. With South Africa representing a leading producer of critical minerals – the country is the biggest producer of platinum globally, offers the highest grade of Rare Earth Elements at its Steenkampskraal mine and is responsible for 60% of the world’s manganese supply, 75% of platinum and 40% of palladium ­– the launch aims to consolidate the country’s position as a top supplier of critical minerals essential for the global energy transition while showcasing investment prospects, driving deals signings and kickstarting a series of mineral-related developments both nationally and regionally. As the shift to renewable energy technologies calls for the heightened production and supply of critical minerals, investing in South Africa will not only speed up this transition, better equipping countries to deal with climate change and energy security challenges, but grow the African mineral market and broader economy. The launch networking event is free to attend but requires an RSVP. Interested parties should email register@energycapitalpower.com and the organizers will confirm in reply. Space is limited. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  18. Hey’adda Maareynta Musiiboouinka waaxdeeda saadaasha Roobaabka ayaa soo saartay digniino ku aadan Roobab laga cabsi qabo in todobaadka soo aadan ay ka di’i karaan Soomaaliya, waxaana saadaashu ay sheegaysaa in ay gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ay ka da’i doonaan Roobaab, kamid ah xilliga Gu’ga oo la guda galay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres oo booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu hordhigay dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xasan ayaa waxa uu ka dalbaday Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres inay kordhiyaan maal-gelinta xasaasiga ah ee QM ka sameynayso deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si uu hore ugu sii socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda. “Waxaa haatan wada-shaqeyn la leenahay bah-wadaagta kale oo naga garab siinaya barnaamijyada xasilinta, si deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ugu soo celino nidaamka dowliga ah, waxaan ka rajeynayna QM inay kordhiso maal-gelinta xasaasiga ah ee ka sameynayso deegaanada aan xoreynay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Guterres la-wadaagay horumarka ay sameynayso Soomaaliya, gaar ahaan guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. “Mudane, Soomaaliya xilligaan waxay sameynaysa horumar, hore ayaa u socona marka laga hadlayo jihada amniga. Dowladda Soomaaliya waxay dalkeeda ka xoreynaysa gabood falada argagixisada caalamiga oo muddo ka badan 10 sano dhib ku hayay shacabka Soomaaliyeed.” Xasan Sheekh ayaa intaas kadib waxa uu ka dhawaajiyay in lasoo gaaray xilligii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran in ka badan 31 sano, ayna Qaramada Midoobay kala shaqeynayaan sidii uu dalkeena u gaari lahaa yoolkaasi muhiimka ah. “QM waxaa kala shaqeynayna sidii dalkeena looga qaadi lahaa xayiraada hubka, waxaan qabaa inay tahay xilligii saxda ahaa ee Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka, waxaan QM kaga mahad-celineyna taageerada aad arrintaan naga siineysaan. Gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka oo garowsaday in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii laga qafiifin lahaa cuna-qabateyntan, taasi oo na-caawisay.” Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa waxa uu bogaadiyay booqashada uu dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. The post Xasan Sheekh oo dalab muhiim u ah dagaalka Shabaab hordhigay António Guterres appeared first on Caasimada Online.
  20. Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salaam ayaa maanta 800 Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degmada Abdicasiis Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah. Mashruucaan oo ah Wajiga seddexaad Gurmadka Degdega ah waxaa qeyb ahaan fulinaysa hay’adda tadaamun kaas oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen Gargaarka la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan. Hay’adda SODMA ayaa maalmihii ugu dambeeyay raashiin qeybin ka waday degaanno iyo degmooyin ka dhaca koontur iyo bartamaha dalka, kuwaas oo dhowaan laga saaray Ururka Al Shabaab. Rashiin qeybtin ayaa goobaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo ka dhashay roobab ka da’ay labadasi Gobol. Hay’adda waxay sidoo kale raashiin qeyb ka sameysay degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga xorreeyay Uruka Al Shabaab. Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle oo dhawaan booqasho ku gaaray Gobollada Bakool iyo Gedo ayaa ballan qaaday in aysan indha ka laabsan doonin qoysaska uu saameeyay daadadkii halkaasi ku dhuftay. Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa laga dareemayaa mashquul aad badan, maadaama Hay’addu ay wado gurmashada Shacabka ku dhaqan degaannada laga xorreeyay Al Shabaab iyo sidoo kale shacabkii ku waxyeeloobay colaada weli ka aloosan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com