-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Madaxweyne Joe Biden wuu ka noqday iskaashi amni oo Somaliland Maraykanku la yeelan lahaa oo Muuse Biixi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay maleegeen lidna ku ah qarannimada Soomaaliya. Muqdisho (Wararka PP) — Dagaalka Laascaanood wuxuu billowday 6/2/2023. Wuxuu socdaa laba bilood. Ka sokow saamaynta dhaqaale uu abuuray dagaalku kaddib markii isu socodkii Sool iyo gobollada kale ee waqooyiga uu istaagay, dagaalku wuxuu kale oo saameeyay siyaasaddii arrimmaha dibedda ee dalka Maraykanka. Bishii Diseembar ee 2022kii dowladda Maraykanku waxay ku dhaqaaqday hirgelinta hindise sharci noqday oo loo yiqiin Iskaashiga Amni ee Somaliland (Somaliland Security Partnership) kaas oo uu Maraykanku ku doonayay inuu iskaashi amni kula yeesho maamulka goosashada doonaya oo aan aqoonsanayn qarannimada Soomaalida. Dowladda Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa hindisahaas ku taageertay Maraykanka. Madaxwene Xasan wuxuu u hiilliyay Somaliland isagoo ka soo horjeestay xaqa metelaadda heer federaal ee Puntland oo qaar ka mid ah dhulka dastuur ah uga tirsan Puntland ku jira gacanta Somaliland. Dagaalka ka dhacay Laascaanood ayaa gebi ahaanba ku qasbay Maraykanka inuu ka noqdo Somaliland Security Partnership. Tallaabadan waxaa ku xigay baaqii Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Maraykankau ugu baaqday Somaliland inay ciidammadeeda kala baxdo duleedka Laascaanood. Dagaalka Laascaanood wuxuu bannaanka soo dhigay sida dowladda federaalku u jebisay dastuurka dalka kaddib markii ay oggolaatay in dal kale uu iskaashi amni la yeesho qeyb ka mid ah Soomaaliya oo diiddan qarannimada Soomaaliya. Saamaynta kale oo uu dagaalku yeeshay waa in Somaliland ay gebi ahaanba lumisay fursaddii ay hore u haysatay oo ahayd in maadaamaa ay Laascaanood maamulaysay inay ku hadli kartay magaca waqooyiga marka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay socdaan. Tan kale, maamulka Somaliland wuxuu iibin kari waayay sheekada in ay argagixiso ku sugan tahay Laascaaanood. Duqeyntii ciidanka Somaliland u geysteen Laascaanood ayaa siyaasad ahaan go’doomisay Muuse Biixi oo dhowaan sheegay in kala goynta Soomaaliya uu xalku yahay, qirtayna in dagaalku ku saabsan yahay xuduudihii maxmiyaddii Soomaalida ee Biritishka. Dagaalka Laascaanood wuu ka saameyn-weyn yahay dhanka siyaasadda dagaalkii qabqablayaashii Muqdisho taliskoodii lagu soo afjaray 2006. Bishan Abriil 7deedii dowladda Maraykanku waxay soo saartay Amar Fulin Ah ( Executive Order) oo Soomaaliya ku tilmaamay dal halis ku ah siyaasadda arrimmaha dibedda iyo danaha Maraykanka. Isburinta siyaasadda Maraykanku waxay dhaawac u geysatay maamulka Madaxweyne Joe Biden oo ugu dambayntii maamulkiisu laalay iskaashi amni uu xisbiga Jamhuurigu soo jeediyay in maamulka Somaliland lala yeesho, go’aankaas oo xitaa ceeb u keenay Madaxweyne Xasan Sheekh oo jebiyay dhaarta uu ku dhaartay inuu dhowrayo qarannimada Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay adeegsatay laba siyaasadood oo iska hor imanaya: waxay taageertay Baaqii Laascaanood uguna baaqday maamulka Somaliland inuu dhowro mabda’a in maamul ku dhisan yahay oggolaansho (consent), kaddibna waxay magacawday ergey qaabbilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. “Kaalinta dowladda federaalka iyo kooxda Damuljadiid waa isku dir. Muqdisho ma sii ahaan karto meel talo Soomaaliyeed lagu hayo” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan. © Puntland Post, 2023 The post Saamaynta Dagaalka Laascaanood ku Yeeshay Siyaasadda Arrimmaha Dibedda Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi. Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha. Sababta ay maalintii labaad oo xiriir ah u xiran yihiin waddooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay si loo adkeeyo amniga Wafdiga uu hoggaaminayo Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Talaadadii booqasho ku yimid caasimadda dalka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba ay xiran yihiin goobaha waxbarashada sida; Jaamacadaha iyo Iskuuladda, iyada oo shacabka Magaalada Muqdisho ay maalayaan cagahooda, waxaana jiro waddooyin dhif ah oo ay ka shaqeeynayso Mooto Bajaajta. Saraakiisha amniga ee dowladda federaalka oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in muddo kooban ay sii xirnaanayaan waddooyinka sababo la xiriira wafdiga Xoghayaha guud ee QM ee caasimadda ku sugan, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta la furo. Si kastaba, Waddooyinka Muqdisho iyo guud ahaan isku-socodka caasimadda ayaa inta badan hakad u gala ama loo xiraa wafuuda imaneysa caasimadda dalka, taasi oo shacabka cabasho xooggan ka muujiyeen, maadaama mararka qaar si kedis ah ugu soo waabariistan waddooyinka oo xiran. The post Xog: Xilliga dib loo furayo waddooyinka Muqdisho oo xiran maalintii labaad appeared first on Caasimada Online.
-
Khilaaf ayaa ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ururkaas. Laba xubnood oo kamid ah as’aasayaasha urur siyaasadeedka Mideeye ayaa warqad ay u qoreen guddiga KMG doorashooyinka Puntland waxay ku caddeeyeen khilaafka jira. Xubnahan ayaa ka codsaday guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland in uu go’aan ka gaaro sharciyadda iyo jiritaanka ururka Mideeye maadaama khilaaf hareeyay ururka. Warqadda ayaa lagu sheegay in khilaafkan ka yimid kadib markii guddoonka ururka iyo golaha dhexe oo mudda xileedkoodu dhammaaday ay soo gudbiyeen liisas aan heshiis lagu ahayn. PUNTLAND POST The post Khilaaf ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Ku Qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Dalil kadir Bushra oo uu wehelinayo u qaybsamaha difaaca (Military attache) Taliyaha Ciidaanka Qaranka Somaliland iyo Safiika Ethiopia ee somaliland ayaa waxa ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashan lahaa Xoojinta Amniga, Labada Wadan Kulan u jeedkiisu ahaa is barasho safiirka cusub. Source
-
Dawladda Jarmalka ayaa 48 saacadood u qabtay in ay dalkeeda kaga baxdo Maryama Cali Muuse oo ahayd safiirka waddanka Jaad u fadhiday dalka Jarmalka. Baarliin ayaa sheegtay in tan lagaga jawaabayo tallaabadii ay dawladda Jaad toddobaadkii hore ku eriday danjirohoodii Gordon Kricke, kaas oo lagu edeeyey in uu u dhaqmay si ka baxsan Diblumaasiyadda iyo shaqadii loo igmaday. Tallaabadan ayaa cirka kusii shareeri doonta khilaafka Diblumaasiyadeed ee labada dal. Source
-
President Hassan Sheikh accompanied by Hirshabelle President Ali Gudlaawe visited liberated Aadan Yabaal district. Mogadishu (PP News Desk) — The counterterrorism war against Al-shabaab galvanised civilian fighters known as Ma’awisley. According to a report published by Hiraal Institute, local clans have borne the brunt of losses. “According to clan sources, the Hawadle alone have lost about 700 fighters; the Abgal have lost 100 fighters, and other clans in Galmudug have suffered a combined 100-200 casualties. While AS seems to have lost a similar number of fighters to the clans, it has a national make-up and is more likely to be resilient and absorb its losses” the report stated. The report spotlights lack of government capability to hold territories liberated from Al-shabaab. It is unclear why a single Somali clan already singularly targeted by Al-shabaab for non-compliance has been left to face a well-resourced terrorist outfit. The Hiraal Institute report indicates that the decision to mobilise clans against Al-shabab had not been thought through. A senior politician from Hiiraan told” Puntland Post reporter that “we require an independent inquiry into why Hawadle losses significantly outnumber those of other clans during the first phase of the campaign against Al-shabaab”. The strategy to draft clan militias into the counterterrorism campaign against Al-shabaab continues to create resentment amongst clans. Some clan militias are believed to have benefited from preferential treatment from the federal government and received more weapons, and ammunitions that fell into the hands of Al-shabaab. “Al-shabaab has already activated its arms dealers to buy weapons from clan militias” said former member of the dreaded Al-shabaab’s amniyat wing. © Puntland Post, 2023 The post Somali Clans Bear the Brunt of “Losses” in the War against Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay sameeyeen ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu soo qabtay 2 doon. Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse. “In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeyahay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse. Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyahay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda. Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya. Horranta bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa xilligaasi ku wargelisay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraakiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.” The post Xog ku saabsan doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayadoo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada” Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan munaasabaddan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay kusoo aadday waqti aad muhiim u ah, wuxuuna sheegay in sanadkan lagu xusayo dagaal, dib u xoreynta dalka soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooduba mar kale ugu hambalyeeyay xuska 12-ka April, wuxuuna xusay in taariikhda ay maanta samaynayaan Ciidanka ee la dagaallanka khawaarijta ay tahay mid qormayso lana xusi doono. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya oo xilligaan wajahaysa xaalada Bani’aadannimo oo sal u yihiin abaarta ku dhufatay, ayaa waxaa safar kusoo gaaray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres, shir’ jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ayuu ku yeeshay in safarka yahay garab istaag iyo sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda ka jirto Soomaaliya arrimaha Banii’adannimo. Xoghayaha ayaa imaatinkiisa Muqdisho waxyar kadib waxaa uu u kicitimay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu booqasho ku tagay xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay abaaraha iyo deegaannada Al-shabaab ay howlgalladu ka socdaan, waxaana safarkiisa magaalada ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran SODMA. “Tani waa booqasho barbar istaag ah, bil walba oo ramadaan ah, waxaan booqasho ku tagaan dal muslim ah, manta waan ku faraxsanahay in aan sida caadada aheyd aan Soomaaliya imaado oo aan idinla soomo si barbar istaag ah, waxaan u mahadcelinyaa qof walba oo kaalin ka qaatay in aan idin la qaato waqtigaan qaaliga ah, waxaan rajeynayaa in aan soo xaadiro afurka uu inagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiekh, aniga iyo martida kale ee qaaliga ah” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay magalaada Muqdisho shir jaraa’id ay wada qateen. Xoghayaha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in kulan uu la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda ay ka wadahadleen dagaalka ay dowladda ay kula jito Al-shabaab, xiriirka adaga ee ka dhaxeeya dowaladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaalia, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in xukuumadda ay dajisay qorshe lagu sugayo amniga guud, si loo gaaro isku filaanshao amniga ah. “Aniga iyo madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay, dagaalka ay dowladda kula jirto argagixisa iyo nabad ku Soo dabaalida Soomaaliya. Waxaan hoosta ka xariiq xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya maamulada dalka iyo dowladda dhexe. Dowladda dhexe iyo maamulada dalka way ku xisaabtami karaan taageeradeena dib u dhiska dalka, waxaan si gooni ah u bogaadinayaa heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo maamulada ee la xariiray awood qeybsiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadlayay. Xoghayaha ayaa sidoo kale ku sheegay shirkiisa in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, taas oo la xiriirta xaaladaha Banii’adnnimo ee ka dhashay abaaraha dabada dheeraaday ee dalka ku dhuftay, taas oo ay ku baxeen malaayiin xoola ah oo ay dhaqanayeen dadka reer guuraaga ah, iyada oo ku kaliftay in ay usoo guuraan magaalooyinka si ay uga helaan nolo ay ku dabaraan nolosha, iyaga oo noqday barakacayaal gargaar sugaya. “Waxaan rabaa in aan carabka ku xoojiyo baahida looqabo taageero caalami ah oo xooggan sababta oo ah xaaladda bini’aadinimo ee uu dalka wajahayo, taageerada loo baahanyahay dib u dhiska dalka, horumarinta amniga, xasilinta iyo horumarinta dalka. Soomaaliya waxay roob la’aan aheyd shan sano ah oo is xiga, waxaan rajeynayaa roobkaan hada yimid in uu soo kabi doono xaaladii adkeyd ee ay dhalisay abaarta” ayuu yiri Antonio. Ugu dambeyn Xoghayaha ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo gabagabeeyay in xilligaan Soomaaliya ay wajahayso cuno yari baahsan, taas oo saameyn ku yeelatay 5 Million oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ay saameyn ku yeelatay abaarta baahsan, iyadoo xilligaan roobabka da’aya ay geysanayaan Fatahaado, taas oo sii adkeynaysa xaaladda Banii’annimo ka jirta dalka, Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in gargaar loo baahan yahay. ” Ku dhawaad 5 milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya cuno yari, xaaladana waxaa sii murjiyay sara u kaca qiimaha cunta, hadaba waxaan ugu baaqayaa dheeqbiyaasha, iyo hoggaamiyaasha caalamka in ay sare u qaadaan taageeradooda, si looga jawaabo qorshaha ka jawaabida arriamaha bini’aadanimada Soomaaliya kaas oo hada heysta kaliya 15 boqolkiiba miisaaniyadii loo baahnaa, dadka Soomaaliyeed waa u qalmaan barbar istaag caalami ah” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhankooda ciidamada SSC ay ku jawaabeen madaafiic, taas oo keentay in dhinacyadu ay is weydaarsadeen hub cul culus. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood. Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta. Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. The post Madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Antonio Guterres ayaa Soomaaliya yimid markiisii labaad, wuxuuna booqashadiisii ugu horreeyay dalka ku yimid, 2017-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya wajaheysay xaalado adag. Xoghayaha ayaa isla shalay booqday xeyaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Baydhaba, si usoo qiimeeyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi, sidoo kale waxaa xalay munaasabad maamuus ah loogu sameeyay gudaha xarunta Villa Soomaaliya. Haddaba, maxay ka dhigan tahay booqashada Guterres ee Soomaaliya? Aqoonyahan Axmed Cabdi Haadi oo bare jaamacadeed ka ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in booqashada Antonio Guterres ay tahay mid muhiim ah, isla-markaana ay indhaha caalamka kusoo jeedineyso Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in booqashadiisa ay salka ku heyso xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha baahsan ee haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. “Soomaaliya wuxuu u doortay daruufaha abaareed ee dalka ka jira inuu indhihiisa ku arko iyo inuu fiiriyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha QM ee ka howlgala dalka” ayuu wareysigan ku yiri Axmed Cabdi Haadi. Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday booqashada Xoghayaha Guud ee QM uu ku tegay magaalada Baydhaba, gaar ahaan xeryaha barakayaasha, wuxuuna tilmaamay in sawirkaas uu adduunka kaga imaan karo qaaraan ay hesho dowladda federaalka. “Dhinaca bani’aadanimada kaamiskii uu tegay Baydhaba annaga in dalkeena kaamis la tago oo carruur rafaadsan ka arko caadi bey nala tahay, laakiin adduunka caadi nalama aha marka sawirkaaas uu meesha kusoo galay qaaraan badan oo addduunka kaga imaan karo ayaa jiro Soomaaliya, iyadana sidaas darteed ayuu u sameynayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jiro xaalado isbiirsaday, waxaana gudaha ku barakacay ku dhowaad 3 milyan, halka ay gargaar u baahan yihiin kala bar shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay baaqdeen shan xilli roobaan oo xiriir ah, sid ay sheegeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ee dalka. The post Maxay ka dhigan tahay booqashada Guterres ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo siwadajir ah Shir jaraa’id la qabtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshaha xasilinta amniga deegaannaddii iyo degmooyinkii soo galay gacanta dowladda, kuwaas oo bulshada ku dhaqan ay u baahan yihiin in ay helaan nolosha aasaasiga ah oo amniga uu ugu horeeyo caafimaadka iyo sidoo kale waxbarashada oo jiil badan ay dib uga dhaceen sida uu xusay. “Hadda waxaa la shaqeynaa qeybaha kale ee beesha caalamka barnaamijka xasilinta goobaha laga xoreeyay Al-shabaab, waxaan rajeyneynaa in qaraxamada midoobay ay gacan kageysato maalgelinta arrintaan, meelahaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaan waxaa muddo loo diiday in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda xilli uu ka hadlaayay qorshaha dowladda ee deegaannadaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku dul istaagay sida ay kaga go’an tahay Soomaaliya gaaritaanka yoolka ugu dambeeyo ee looga qaadayo cunaqabateynta hubka, taas oo Soomaaliya saaran wax ka badan 32 sano, waxaana uu sheegay golaha ammaanka ay la dhacsan yihiin sida ay wax u wadaan isaga oo mar kale dalab diray. ” Arrinta kalee muhiim ka ah ee aan ologa kala nahay Qaramada midoobay waa cunaqabateynta hubka, Waan ku farasaxnahay xiriirkeena UN-ka, iyo saraakiisha UN-ka ah ee taageeray arrintaan, iyo xubnaha kale ee golaha amaanka ee taageeray in Soomaaliya laga qafiifiyo cunqabatay hubka, taas oo wax weyn u tartay Soomaaliya. Waxaana rajeyneyaa in mustaqbalka dhaw nala ka qaado dhammaan cunaqabateynta hubka” ayuu yiri Markale. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagaboobo safarka uu ku joogo Soomaaliya, iyadoo habeennimadii xalay madaxtooyada qaranka afur wadareen loogu sameeyay xilli ay wehlinayeen danjiyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, halkaas oo lagu maamuusay Xoghaya guud ee QM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haatan ku sugan magaalada Nairbi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee HirShabelle, kaas oo ku aadan mideynta canshuuraha maamulkaasi. Yuusuf Dabageed ayaa taageero u muujiyay guddoomiye Cali Jayte oo ka biyo diiday in canshuurta Hiiraan si toos ah loogu shubo qasnadda wasaaradda maaliyadda HirShabelle. Madaxweyne ku xigeenka oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf horleh, isla-markaana dib u dhigi kara howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu ku taliyay in lagu socdo hannaankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaafka haatan soo shaac baxay. Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale ku kala qaybsamay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo garabna taageeray go’aanka wasaaradda maaliyadda HirShabelle, halka uu si cad uu diiday Mudane Cali Jayte Cismaan. Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. “Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo isna shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baledweyne, isaga oo ay hareera fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, ayaa sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka Hirshabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen in canshuurta Hiiraan lagu shubo qasnadda wasaaradda maaliyada maamulka Hirshabelle. Si kastaba, xisaddan cusub ee ka taagan HirShabelle ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan maamulkaasi uu wajahayo daruufo isbiirsaday, sida dhaqaale yari, fatahaad iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaan oo weli ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Dabageed oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan khilaafka HIRSHABELLE appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Boobiiliiska gaar ahaa Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa magaalada Muqdisho ka howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida Caasimada iyo deegaannada ku xeeran, Howlgalada ayaa lagu baarayay dadka iyo Mootooyinka laga shakiyo ee isticmaalaya qeybaha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir. Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashanaayay ciidanka Ciidanka Boliska iyo Polizia Militare iyo ciidanka hey’adda Nabad sugidda Qaranka, ciidankaan ayaa si joogta ah kaga howlgalaya degmooyinka qaar, si loo xaqiijiyo amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, howlgalkaan ugu dambeeyay ayaa lagu baarayay dadka iyo Mootooyinka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan amar ku bixiyay in ammaanka caasimadda ay sugiddeeda ay qeyb ka noqdaan ciidamada dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo Milatari sida Booliiska u shaqeeya, waxaana lagu amray in ay koryiyaan howlgallada iyadoo lagu magacaabo Polizia Militare. Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday howgallo lagu sugayo amniga caasimadda, waxaana howlgalladaan siyaabo kale duwan uga dhacayeen degmooyinka kale duwan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku beegsanayeen Ciyaal Weerada iyo waxyaabaha maanka dadka dooriya. Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulamo dhowr ah ku qabtay dhowr degmo iyo deegaannada ku xeeran gobolka, iyaga oo bulshada kala hadlayay sidii amniga caasimadda la isaga kaashan lahaa oo shacabku wada shaqeyn dhab ah ay ula yelan lahaayeen laamaha amniga si looga horto falalka amni darrida. Howlgalkaan ciidanku ay qaadeen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli lagu guda jiro 10 bari ee ugu dambeyso bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana magaalada caasimadda ah ka jira mashquul badan oo bulshadu ay ugu diyaar garoobayaan Ciidul Fidriga oo nagu soo fool leh, waxaana saaraakiishu sheegeen in ay siiwadi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soodhaweynta. Madaxweynaha Xasan ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana uuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada iyo arrimaha kale. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa safar qaatay laba maalin waxaa uu ku joogaa Soomaaliya, isaga oo maalinimadii shalay booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, hakaas uu kusoo arkay sida ay ka tahay xaaladda Bani’aadannimo oo ay wajahayaan dadka kasoo hayaamaya abaaraha iyo dagaallada socda. “Soomaaliya waxaa haatan ka jirta abaarihii shantii sanno ee isxigxigay ee ugu darnaa taariikhda inta la ogyahay, waxaana rajeynayaa in roobka iman doonaa uu sii socon doono oo uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada xaaladda aadka u adag ee ay abaartu dalka ka abuurtay” ayuu yiri xilli uu shir ja’raaid uu ku qabtay Muqdisho. António Guterres, ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta ka ambabaxo dalka, waxaana uu balan qaaday in xaaladda uu ku arkay Soomaaliya uu caalamka u gudbin doono, waxaana dowladda Soomaaliya uu ku amaanay sida ay wax uga qabatay maareynta abaartii ku dhufatay qeybo badan oo dalka ah, taas oo weli ay muuqo dadadkii ay reebtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In many ways, according to these drivers, trucking mimics the nomadic lifestyle that much of the Somali population used to live. Instead of herding livestock, Somali truckers are now responsible for hauling retail goods, raw materials, meat and produce from one place to the next. Source: Hiiraan Online
-
Dhawaqa hubka culus ayaa saaka oo Arbaco ah laga maqlaya furimaha dagaalka magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland iyo ciidamada degaanka ee SSC-Khaatumo ayaa sida la sheegayo is weydaarsanaya madaafiic. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda saaka laga maqlayo jiidda Laascaanood islamarkaana labada dhinac midna weli kama hadlin. Labada dhinac ayaa sidoo kale samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan sidii hore waxaana saacad kasta la filan karaa dagaal toos ah. PUNTLAND POST The post Madaafiic culus oo saaka ka dhacaysa furimaha dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON (AP) — White House national security adviser Jake Sullivan spoke by phone with Saudi Arabian Crown Prince Mohammed bin Salman on Tuesday amid signs that the Saudis and Iran-allied Houthis in Yemen are making “remarkable progress” toward finding a permanent end to their nine-year conflict, according to the Biden administration. Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo ay ku beegan tahay 12-ka April 2023 waxaa meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldegayaa sanad guuradii 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanad walbo maanta oo kale loo dabaaldego. Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka iyo meello kale oo ka mid ah dalka lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan lagu weynaynayo, sanadkaan ayaa ciidanku waxaa ay u dabaaldegayaan 12-ka April, iyadoo ciidanku ay guulo ka gaareen dagaallada ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Ciidanka Xoogga: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. 1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale. Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka. Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka. Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh, inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida. Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska. Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah. Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”, “Joogso”, “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah. Pan-Somalism(Somaliweyn): July 1, 1960: Waxaa Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan. Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud. Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD. Dagaallada: 1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane. 1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban. Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam. Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo. Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor: Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa. 1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib. Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa: Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle, Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii. Wasiirradii Gashaandhigga: 1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Aden Isaq Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed. 1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan Tirada iyo Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada iyo tayada ciidanka. Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa. 1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka. 2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu dib la isugu yeero ciidanka xoogga dalka isagoo taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay ciidanka xoogga dalka waxaa uu u jiraa magac ahaan laakin in uu noqdo ciidan awood leh waxaa ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad. Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka malaha shakhsiyaddii hore, lama yaqaano tirada rasmiga ee ciidanka, waxaa kala badan inta mishaariga ah iyo inta rasmiga u shaqeysa, wax badan ayaa isku qasan oo ay ka mid tahay”waa kuma cadawga Soomaaliya?,disibiliinka ciidanka waa arin kale oo ka hadal u baahan, waxaase hubaal ah in ay jirto meel wax laga bilaabi karo haddii la helo hogaan diyaar u ah. Waxyaabaha awoodda ciidanka hoos u dhigaya waxaa ka mid ah mishaar xumo, maamul goboleedka oo jiidanaya taliyeyaashii khibradda lahaa, cunaqateynta hubka ee dalka saaran iyo hadaf la’aanta hogaanka dalka ee ku aadan qarameynta ciidanka iyo damaanad-qaadka mishaar, tababar iyo qalabeyn joogta ah. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) - Governor of the Hiiraan region in Somalia, Ali Jeyte Osman, has voiced staunch opposition to the HirShabelle administration's proposal to centralize tax collection from the Hiiraan region to the Hirshabelle Ministry of Finance's treasury in Jowhar, Middle Shabelle. This development occurs against a backdrop of persistent political tensions between the two regions, both constituents of the federal state of Hirshabelle. Source: Hiiraan Online
-
Since the 1991 collapse of Somalia’s central government, many Somalis had fled the country, while thousands of others have been internally displaced. Many get help from aid organizations, and some make a living by utilizing skills for survival. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Rabi Mohamed, a Somali refugee who has been living in St. Cloud, Minnesota since 2015, filed a lawsuit against the United States government on April 11, 2023, with the assistance of the International Refugee Assistance Project (IRAP) and Prokosch Law LLC. The lawsuit claims that U.S. Citizenship and Immigration Services (USCIS unnecessary requests for evidence to prove the family's relationship have prevented the Mohameds from reuniting. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Sharci-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyay in aysan jirin siyaasad qaran oo dowladda federaalka ay ka dajisay hanaanka loo wajahayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. La-taliye Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay sii fogeynayso wada-hadal mira-dhala ah oo madaxda iskaga kala dambeeyaan sii amba-qaadkiisa, maadaama ay markasta ku xirnaaneyso madaxda markaasi joogta aragtidooda iyo sida ay rabaan inay u wajahaan wada-hadalladaasi. “Inta aan ogahay majirto siyaasad rasmi ah oo inta ay qaadatay dowladda federaalka ah oo Golaha Wasiirada ay keentay oo la leeyahay arrinta Somaliland sidaas ayaa ku wajahayna, oo madaxweyne loo geeyay, oo ah siyaasadda Soomaaliya ee ku wajahan qadiyadda Somaliland majiro,” ayuu yiri La-taliyaha dhanka Sharciga ee madaxweynaha Soomaaliya. La-taliyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in dowladda federaalka ay siyaasad rasmi ah ka yeelato wada-hadallada Somaliland, taasi oo saldhig u noqota wada-hadallada, islamarkaaana meesha ka saarta in hakad uu ku yimaado wada-hadalladaasi marka uu hoggaanka baxo ee hoggaan cusub uu yimaado jagada u sareysa dalka. “Majirto siyaasad rasmi ah oo wada-hadallada Somaliland oo dowladba dowlad kale ka dhaxleyso oo isma badasha ah majirto, marwalba waa madaxda markaas joogto waxay u arkayaan in laga wada-hadlo ay ka wada-hadlaan. Markaa waxaa fiicnaan laheyd in marka hore aas-aas loo sameeyo.” Hadalka La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, lana rajeynayo inay dib u furmaan wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo Axadii Aqalka Dowlada Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle. Guuleed ayaa xilligaan waxa uu qorsheynayaa in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. The post DF oo shaacisay war lama filaan ah oo la xiriira wada-hadallada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
