Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa asbuucii hore dib uga magacowday Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ninkaan oo ay badi dadku u yaqaanan Taliye Shub ayaa xilkaan markii labaad fursad u helay. Dowladdii Farmaajo ayaa iyaduna kal hore booskaan Taliye Shub u magacowday. Jeneraal Mahad ayaa Asluubta madax ka ahaa xilli ay xabadeeyeen gaadiid galbinaayey Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas mucaarid ahaa. Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka waxaa weli hogaaminaya Odowaa Yuusuf Raage oo uu Farmaajo magacaabay. Odowaa ayaa hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka xilli militariga isku-dayeen inay madaxdii hore ee dalka ku dilaan hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho, xilligaasi oo la iska caabiyay. Taliye xigeenadii Booliska, Militariga iyo Socdaalka ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh illaa hadda ku haysta xubnihii ay magacowday dowladdii Farmaajo. In taliye Shub dib loo soo magacaabay, Odowaa aan la bedelin iyo in Xasan Sheekh weli isticmaalayo inta badan hoggaanadii ciidanka ee ay dowladda Farmaajo magacowday ayaa fikrado kala duwan laga bixiyay. Saddex daliil ayaa ugu muhiimsan, kuwaasi oo kala ah; 1. Caddeynta in uusan aargoosi jirin: Iyada oo la xasuusto in si aan fiicneyn ay hoggaanka ciidanka ula dhaqmeen madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaridka ahaa, haddana waxa uu ololahiisa ku ballan-qaaday in uusan aarsan doonin haddii uu xukunka kusoo laabto. Tallaabadda uu Taliye Shub ku magacaabay, Odowaa-na uu weli ugu joogo hoggaanka ciidanka xoogga dalka waxay si buuxda uga markhaati kacday ballantiisi aheyd in uusan aarsan doonin. Dadka arrimahan isha ku haya waxay leeyihiin tani waxay caddeyn buuxda u tahay in Xasan Sheekh uu ka leexday dhabaha aargoosiga. 2. Kalsooni: Marka arrintaan laga hadlayo Xasan Sheekh wuxuu u muuqda ayay leeyihiin dadweynaha nin isku kalsoon oo aaminsan in taliyeyaasha aysan leexin karin siyaasadiisa amniga, ayna fulinayaan waxa uu isagu rabaan. Haddii uu arko inay daacadnimadooda dhaawacan tahay awoodda inuu deg deg iskaga bedelo. 3. In ciidanka la fahamsiiyo in aanay shaqsi u shaqeynin: Haddii madaxda ciidanka ay la bixi lahaayeen dowladdii Farmaajo waxay farriintu noqon laheyd niman shaqaale u ahaa nidaamkii hore, taas oo dhaxalkeedu noqon lahaa in dowlad walba oo timaada ay la timaado taliyeyaal ciidan, kuwaas oo markii awooda ka dagaan hore u raaca. Fallanqeeyayaasha waxay leeyihiin cashir ayaa ugu jira guud ahaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo ah dalka ayaa u shaqeysaan ee isaga daacad u ahaada oo dulmi ha u sameynin shaqsi maanta jooga berrina ka tagaya shaqada ka tagaya. Saddexdaas fasiraad ayaa laga bixiyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u magacaabayo saraakiishii Farmaajo la shaqeysay ama inuu qaar sidoodii ugu dhaafay xilalkii ay hayeen. The post Xasan oo qaatay dhaqan siyaasadeed ku cusub dalka iyo ‘waxa uu ka dhigan yahay’ appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) - Hormuud Telecom, Somalia's leading telecommunication provider, has pledged a $20,000 donation to the Somali U-17 football team as they gear up for their maiden AFCON U-17 Tournament in Algeria later this month. The announcement follows the team's triumphant victory in the CECAFA U-17 Championship in October 2022, defeating South Sudan 3-1. Source: Hiiraan Online
  3. Nin Hadla, Nin Aamusa Dilley, Waxey Baadheen. Ciro Shalley iyo Maanta. Waxey soo Waayeen. Ciro Aflagaado iyo Cey-qaawan Cidd kula duldhacey. Siwalba wey u baadheen Ciro Ceytamaya oo cadheysan way soo waayeen. Markaasey yidhaahdeen. Waa Quraradd Maddow aan la akhriyi karin. (Politics is a timing). Cabdirahman Waxu garanaya wadaanta ceelka halku ka darayo. Waxu ogyahey waxyaabo badan oo aan taageerayaasha Xisbigu ogeyn oo ah. In si caadifadeysan loo kiciyo. Waxu aad u xakameyey, Isku dhacyo badan oo dalkeena ka dhici lahaa oo xukumaddu soo abaabushey. Waxu badbaadiyey dhiig ku daadan lahaa. Burco, Ceergaabo, Hargeisa. Waxu si mutuxan u xakameyey shacab badan oo gadoodsan oo ka xanaaqsana in Mudaharaddii dadku ku dhinteen doonayeyna in la sii waddo. Dadkuna qoryahooda soo qaataan oo isdafaacaan. Waxu ilaa hadda ku wadaa hadafkiisa Siyasadeed iyo hogaamintiisa tolmoon, Caqli iyo diplomasiyadadd ku dhisan waayo aragnimo xeel dheer, oo ku dheehan tahey lexjeclo iyo wadda jirka Shacabka Somaliland Waxu ogyahey iney khasab tahey in dalkan doorasho ka dhaceyso. laguna badbaadin karo jiritaanka Somaliland. Balse Madaxweyne Muuse rabo inuu la rafto, Maalinba mus iyo ood isku qaado. Isagoo rabay in kacdoonka shacabku ku helayo cimridherersi uu kursiga ku sii joogo. Hadaba muwaadin, Waxii ka danbeeya bisha May-2023 Sinaba xukumaddani ulama sii rafan karto iney baajiso Doorashadda Madaxtoyadda nin jecel iyo nin neceba. Sanadkan dalkeena doorasho wey ka dhaceysa. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  4. Mogadishu (HOL) - UN Secretary-General António Guterres completed his two-day visit to Somalia on Wednesday by reaffirming the United Nations' commitment to supporting the country on its path to establishing lasting peace and stability. During his stay, Guterres met with key figures, including Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud, government officials, and representatives from civil society organizations. Source: Hiiraan Online
  5. Galcad (Caasimada Online) – Korneyl Saney Cabdulle Gaab oo hoggaaminaya guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud. Ciidanka uu hoggaaminayo Saney Cabdulle ayaa caawa ku sugan duleedka degaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab. Saney Cabdulle ayaa balan-qaaday in maalmo kooban gudahood ay ku xoreynayaan gobolka Galgaduud deegaanada ay ka joogaan Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku jiraan laba cibaado. “Roob ayaa nagu socda, askariguna roobka iyo qabowga dhacaya waa u diyaarsan yahay, waxaan ku jirnaa bishii Ramadaan, dagaalna waxaan kula jirnaa oo shaqo fiican ka heynaa Khawaarijta, marka waa laba cibaado, Ilaah ayaa na faray inaan la dirirno Khawaarijta, sidoo kale bishaan Ramadaana waa bil cibaado,” ayuu yiri Saney Cabdulle. Korneylka ayaa sheegay in si buuxda ay ugu diyaar-garoobeen dagaalka Al-Shabaab oo hadda ay ku wajahan yihiin deegaano ay weli gobolka Galgaduud kaga ku sugan tahay kooxdu. “Dhul badan ayaan soo xoreynay 10 bilood ayaan dagaalkaan ku soo jirnay, umad ay Khawaarijtu qaribtay ayaan kurbadii ka feydnay, inta halgankeena ka dhimana waan adkeysaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saney Cabdulle. Wuxuu sheegay in shacabka gobolka Galgaduud ku nool ay gumeysi adag ugu jiraan Al-Shabaab, balse uu ku rajo weyn yahay inay ciidanka la shaqey doonaan, markii laga dul qaado kooxda Al-Shabaab. “Bulshada Soomaaliyeed qof kasta wixii uu awoodo ha kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab, qof kasta oo ku baxa gacanta Al-Shabaab waa ahlu jano, culimadu waa noo sheegtay horayna waan u aaminsanaa,” ayuu yiri Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Korneyl Saney Cabdulle “Waxaan ku jirnaa labo cibaado” appeared first on Caasimada Online.
  6. MOGADISHU, April 12 (Xinhua) -- Somalia is hosting 35,381 refugees and asylum-seekers, 69 percent of them women and children, the United Nations refugee agency, UNHCR, said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Havana, Apr 12 (Prensa Latina) President Miguel Diaz-Canel informed on Wednesday that Cuba continues its efforts for the safe return of two doctors who were kidnapped in Kenya four years ago. Source: Hiiraan Online
  8. The Crown has stayed the manslaughter charge against a Saskatoon woman accused in the death of Hodan Hashi at a Saskatoon nightclub in November. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa maanta furinta kula Soomay ciidanka xoogga dalka, Senatorka oo goob fagaare ah ugu khudbeeyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan cibaadada Alle, inta ay gudanayaan waajibaadka qaran ee duurkaan ay u joogaan. Senator Afcadey ayaa ciidanka ku baraarujiyey inay niyeystaan in dagaalka ay ku jiraan uu yahay jihaad xaq ah oo shacabka Soomaaliyeed ay uga dul qaadayaan cadow Khawaarij ah oo gumaadayey in ka badan 15 sano. Dhanka kale dadka tuulada Ceel-Cali Axmed ayaa 4 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee furinta ku jira, si ay ugala qeyb qaataan farxadda sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka xoogga dalka. Ciidanka xoogga dalka oo maanta 63-sano jirsaday ayaan dhigan wax xaflad ama dabaal-deg ah, maadaama ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Ciidanka maanta uu furimaha ku booqday Senator Afcadey ayaa hadda kaabiga ku haya deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay. Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga cararay dhamaan deegaanadii ay gaareen ciidanka xoogga dalka, taas oo ciidamada u sahashay inay si nabad ah kula wareegaan deegaano sanado badan ay maamuleysay kooxdu. Deegaanada qaar sida Ceeljuqow waxay Al-Shabaab uga carareen gaadiidkoodii kadib markii ay u waayeen shidaal ay ku kaxeystaan, maadaama ay go’doon adag saartay dowladda Soomaaliya. Ciidanka xoogga dalka ayaa qorsheynaya inay maalmaha soo socda gaaraan deegaano badan oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in wax iska caabin ah aysan kala kulmeyn kooxda. The post Sawirro: Senator Afcadey oo gaaray furimaha dagaalka, farriina gaarsiiyey ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa shaaciyay in xilligaan aysan suurta-gal aheyn inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la qorsheynayo in dhawaan lasii amba-qaado wada-hadaladaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, kaasi oo u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, kuna tilmaamtay nin wax badan kala socday wada-hadalladii iyo is-fahamkii ay hore u gaareen labada dhinac ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in wada-hadallada labada dhinac aysan u furmi karin laba arrin oo kala ah; dagaalka ay ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka kusoo food leh Somaliland. “Wada-hadal Somaliland iyo Soomaaliya waqtigan u furmi kara majiro oo anagu doorasho ayaa galeyna, idinkuna howl-gal ayaa ku jirtaan, waddanka aad ka saarey argagixisada,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu yiri “Somaliland iyo Soomaaliya marka ay is horfadhistaan waxay ka wada-hadli doonaa mid uun, sida aan wax u wada-qabsan laheyn. Soomaaliya-na ha qirto anagu dhibaato tirsan mayno ee waa kala baxeen Soomaaliya iyo Somaliland.” Guddoomiye Waraabe ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa. “Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shan u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo gaashaanka ku dhuftay midnimada ay raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn. The post Somaliland oo sheegtay in xilligaan wada-hadal u furmi karin DF laba arrin darteed appeared first on Caasimada Online.
  11. Shacabka ku nool magaalada Dabre-birhaan ee deegaanka Amxaarada ayaa sheegay iney gudaha magaalada ku dagaallameen ciidamada dowladda dhexe iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo magaaladaasi ku sugan. Ciidamada Federaalka waxaa dagaal kala hor yimid ciidamada isugu jira booliska gaarka ah ee deegaanka Amxaarada iyo maleeshiyada Faano. Shaqsiyaadka warbaahinta u warramay oo arrima amni awgeed magacooda u qariyey waxay sheegeen dagaal xooggan inuu labada dhinac magaalada ku dhex maray ugu yaraan laba qofna ay dagaalkaasi ku dhinteen. Maleeshiyaadka ciidamada qalabka sida ee dowladda dhexe la dagaallamay ayaa ka soo horjeeda qorshaha dowladda dowladda dhexe ay shaacisay oo lagu kala dirayo booliska gaarka iyo maleeshiyaadka Fano uu deegaanka Amxaarada leeyahay. Iska horimaadka magaalada Debre-birhan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihi u dambeeyey mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeda qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada deegaannada ku kala direyso. Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgelayo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ku tagey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud warbixin la xiriirta dhammeystirka Dastuurka KMG ah, horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, hagaajinta iyo horumarinta sharciyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso, si loogu gudbiyo golaha wasiirrada iyo dardar-gelinta shaqada ka socota wasaaradda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo in la-qabyo-tiro dastuurka KMG ah dhammaadka sannadkan. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Sidoo kale, kormeeray Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud oo dhowaan ay howlgelisay Wasaaradda Caafimaadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay ahmiyadda ay u leedahay dalka xaruntani oo ka jawaabi doonta baahiyaha deg-degga ah ee dhanka caafimaadka ee la soo gudboonaada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay. “Maanta waxaa u taaganahay fulinta xukunkii maxkamadda ayna Faadumo wakiilka uga aheyd dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame, warqadda fulinta ah ee soo saartay maxkamadda waxay soo saartay lix maalmood kahor, maantana wuu fulaya,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in hadda kadib ay si qasab ah u fulin doonaan fulimaha kasoo baxay maxkamadda, taasi oo aysan marnaba gor-gortan ka geli karin maamulka, isaga oo ugu baaqay in dadka loo xukumay ee guryaha lala fadhiyo ay la imaadan maxkamadda si loogu fuliyo. “Faadumo Cali Nuur oo wakiil ka ah dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame waxay sheegtay in 33 sano gurigaan uusan gacanteeda ku jirin oo dad kale ku tasarufayeen, waxayna sheegtay in 13 sano ay maxkamaddaha joogtay, laakiin Ilaahay maanta waa noo suurta-galiyay in Faadumo dhulkeeda la wareegto dhulkii wakiilka u aheyd ee dhaxaltooyada.” Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa daba-yaaqaddii bishii hore soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, iyada oo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee haysta xukunada maxkamadda in si qasab ah loo meel-marinayo fulintooda. “Dadka Soomaaliyeed ee cabashadooda taallo media-ha, waxba idin fulin maayo media oo idin xukumi maayo ee maxkamadaha imaada, horena waa u ballan-qaadnay haddana waa ballan-qaadeyna in qof xaq leh inuu maxkamaddaha hortooda ka ooyi doonin oo xaqooda siin doono meel kasta oo ay nala gasho,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.” Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DF oo wareejisay dhaxaltooyo 33 sano si sharci daro ah loogu haystay Xamar appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kula kulmay maanta xarunta Safaaradda ee Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Wada-hadalkan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladad federaalka dagaalka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada. Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegay in taageeradiisa dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada. Tan iyo markii ay bilowdeen howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. The post SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo wada-hadallo cusub ku yeeshay Xalane + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hambalyo u diray ciidanka xppgga dalka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan sanad-guuradii 63-aad ee aasaaskooda, waxaana uu sheegay in munaasanaddaan ay kusoo aaday xilli ay ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan howgallo ka dhanka Al-shabaab. “Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan ayadoo sanadguuradii la xusay xili halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”ayuu yiri madaxweynaha oo hadlay. Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka iyo meello kale oo ka mid ah dalka lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan lagu weynaynayo, sanadkaan ayaa ciidanku waxaa ay u dabaaldegayaan 12-ka April, iyadoo ciidanku ay guulo ka gaareen dagaallada ay kula jiraan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhidibada loo taagay 12-ka April sanadkii 1960-kii, waxaana taliyihii ugu horeeyay uu ahaa General Daa’uud Cabdillaahi Xirsi 63 sano kadib waxa taliye u ah General Odawaa Yuusuf Raage, ciidanka xoogga qeybihiisa kale duwan ayaa dowladdu waxaa ay ku wadaa dib u dhis lagu tayeynayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre met with outgoing United States Ambassador to Somalia Larry Andre in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. XARAMKA: Waxa carruurta loo xidhayaa qalab yar oo saacad oo kale kaasi oo lagu helayo haddii ay ku dhex lumaan malaayiinta dadka ah – Tijnoolajiyadda oo wax kasta sahlaysa! Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay sanad-guurada 63-aad ee ka soo wareegatay maalintii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka. Villa Somalia oo faafisay muuqaalka hambalyada madaxweynaha ayaa waxa uu codsi la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxd Al-Shabaab u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ogaadan, kana warhayaan Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray Qaranka. “Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan sanad-guuradii la xusay ayada oo halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal-dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada, sidaas daraadeed waxaa leeyahay hambalyo.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa leeyahay aan garab istaagno Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka. 70 meelood oo dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin oo Degmo leh oo Beer, Tuulo, Ceel, Waddo iyo Deegaan leh oo dullinimo loogu noolaan jiray, maanta xornimo loogu nool yahay ayey lug ku mareen, markaas ayey joogaan cirifka meeshii ay gaba-gabeen lahaayeen. Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay u diyaar garoowan dhameystirka howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoreynayo guud ahaan dalka. “Dadka Soomaaliyeed ha diyaar garoowaan inta dhiman xoogga aan isugu geyno, yaan la caajisin oo dib loo dhicin aan la’is dhigan, Cadawga weli wuu nool yahay, dhulkeyn dhul ka mid ah weli wuu heystaa, waan taagannahay, waan soconnaa, xurnimo iyo sharaf ayaan doorannay, waana gaareynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sanad waliba maanta oo kale 12-ka April 2023-ka ayaa la xusaa sanad-guurada kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo dhidibada loo taagay 12-ka April 1960-kii. Xilligaasi ayaa waxaa ciidanka lagu aas-aasay ciidan ka kooban siddeed horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, kuwaasi oo tiradiisu ahayd laba kun oo Askari, oo laga kala qoray lix gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee gumeystihii Talyaaniga. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha The post Daawo: XASAN Sheekh oo codsi cusub u diray qof kasta oo Soomaali ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. The 3rd Division Military Court Martial based in Moroto District in the Northern region has sentenced 32 Kenyan nationals to 20 years in Moroto Government Prison over illegal possession of firearms and ammunition. Source: Hiiraan Online
  20. Kenya will spend $140 million to roll out an expanded insurance scheme for livestock farmers to cushion them against the vagaries of frequent droughts, officials said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia's disaster management agency has issued a warning of possible flooding in the Shabelle and Jubba rivers as their water levels have increased. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin horleh oo ku aadan fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo kordhay heerkooda biyaha, sida ay sheegtay hay’addu. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, gaar ahaan xarunta Qaran ee ka digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in halista fatahaadahan ay waji karaan magaalada Beledweyne oo Hiiraan ah iyo Baardheere iyo Doolow oo gobolka Gedo. “System-yada aan kala socono heer biyaha wabiga degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabeelle, ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 (Meter) taas oo sare u qaaday suurta-galnimada ay ku fatihi karaan xilli kasta, taasina waxay ka dhigan tahay in qatarta fatahaadu ay hadda tahay mid aad sare u sareysa.” Hay’adda ayaa waxay digniin aad u sareysa u dirtay bulshada ku dhaqan hareeraha wabiyada iyo togaga iyo biyo mareenka, taas oo ah inay qaadaan tallaabooyinka muhiim u ah bad-baadada naftooda iyo hantidoodaba. “Inta lagu guda-jiro 96 saacadood ee soo socota ayaa waxaa suurta-gal ah in qeybo kamid ah degmada Beledweyne ka dhacaan fatahaaddo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku nool degaannada hoos yimaaa degmada Beledweyne,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliyeed. Hay’adda ayaa waxay sheegtay in ujeedka ay warbixintaan ula wadaageyso bulshada Soomaaliyeed ay tahay in la xoojiyo diyaar garoowga bulshada lana yareeyo saameynta ay fatahaadda ku yeelan karto bulshada ku nool meelaha ay halista fatahaadu ka jirto. Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ayaa waxa kale oo loogu baaqay hay’addaha gargaarka ee ka howl-gala deegaanadaasi inay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo cusboonaatay, ayna kaalmo u muujiyaan bulshada ku dhaqan magaalooyinka uu wabiga Shabeelle maro. “Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxay si dhaw ula socotaa is-badalka iyo wixii kasoo cusboonaada xaaladahaan, waxayna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu-badesho xaaladda.” The post DF oo digniin hor leh kasoo saartay halis kusoo food leh magaalooyin dhowr ah appeared first on Caasimada Online.