-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iyadoo lagu jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan ayaa xaddiga isticmaalka khamrigu heerkii ugu sarreeyay ka gaaray magaalada Garoowe. Xogo kala duwan ayaa xaqiijinaya in todobaadkan uu khamrigii ugu badnaa uu soo galay Garoowe islamarkaana saamayn maskaxeed ku yeeshay dhalinyarada da’yarta ah. Kororka Isticmaalka khamriga ayaa sidoo kale saamayn taban ku keenay amniga caasimadda Garoowe sida ay wararku sheegayaan. Kooxaha abaabulan ee lala xiriirinayo maandooriyaha khamriga ayaa habeenkii falal amni-darro ka sameeyay xaafadaha Garoowe. Booliska oo dhankooda habeenkii hawlgallo ka sameeya Garoowe weli ma soo bandhigin wax natiijo ah oo laga gaaray arrintaas. PUNTLAND POST The post Magaalada Garoowe oo dhibbane u noqotay maandooriyaha Khamriga appeared first on Puntland Post.
-
Haweeneey u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay oo u dhinta nooc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunkan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka. Haweeneyda u dhimatay cudurkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO. Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan. PUNTLAND POST The post Cudur naadir ah oo laga qaado shimbiraha oo laga helay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaiya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay kulamada shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo ka socda magaalada Washignton ee dalka Maraykanka. Ergeyga ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen sidii ay codkooda ugu midayn lahaayeen, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aanada masiiriga ah ee hay’adaha maaliyadeed ee adduunka, ugana faa’iidaysan lahaayeen fursadaha cusub ee isbedelka dunida. Shirka waxaa guddoominayey ku xigeenka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Amina J Mohamed, doodo wax ku ool ah, dhaliilo togan iyo tabashooyin garawshiyo leh ayaa miiska la isgu keenay, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli isbedelka cimilada uu saameyn ku yeeshay Afrika. Qaaradda Afrika iyo dalka ku yalla geeska Afrika ayaa waxaa ka jirta saameynta abaartii ku dhufatay gobolka iyo inta badan dalalka dhaca qaaradda Afrika, waxaana maalin ka hor dalka soo gaaray Xoghayaha guud ee QM isaga oo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar dheeri ah. Ergayga Arrimaha Gurmadka Abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ayaa muddooyinkii dambne caalamka ka baadi goobayay sidii taageero iyo indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaladda kajirta Soomaaliya ee dhanka Banii’adannimada oo ka dhalatay Abaarta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beijing ( Caasimada Online) – Haweeney u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay aadanihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8. Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka. Haweeneyda u dhimatay xanuunkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO. Kiisaska ayaa dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska labada ah. Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Guangdong ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada haweeneyda. Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan. Feyraska H3N8 ayaa ah mid ku badan shimbiraha, ma ahan cudur bixiyo calaamado muujinaya xanuunka. Sidoo kale waxa ay shimbiruhu qaadsiin karaan xayawaanka kale. VOA The post Cudur dhif iyo naadir ah oo laga helay dalka Shiinaha appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - President Mustafa Omar Cagjar of Ethiopia's Somali regional government recently convened a meeting with officers of the Liyu Police Force to discuss plans for reforming the force. Established to combat rebel forces in the Somali region, the Liyu Police Force will not be disbanded or eliminated, as Cagjar clarified during the meeting. Salaries, ranks, and security for the force will remain constant. Source: Hiiraan Online
-
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Kullankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa diirada lagu saaray sida loo xoojin karo wadahadallada Somaliland, iyo doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qaadan karaan ka miro-dhallinta dedaalada xooggan ee ku wajahan wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilan. Qaar ka mid ah Masuulliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ee ka qeyb galay kullanka ayaa soo jeediyay tallooyin aad muhiim u ah, waxaana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynya Xafiiska Ergeyga, ayna ku biirinayaa waxkasta oo xoojinana Ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland. Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay tallooyinka wanaagsan oo ay la wadaageeyn Ka qeyb galayaasha, waxaana uu tilmaamay in kaallinta Bulshada Rayidka ee wadahadallada Somaliland ay tahay mid aad muhiim u ah, ayna qorsheynayaan in ay qaataan door hoggaamineed oo horseedaya isdhexgalka Shacabka walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo howlgal ka sameeyay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan fal ‘Kusfi ah’ oo ka dhacay gudaha degmadaasi. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in laamaha amniga ay soo qabteen laba nin oo ku eedeysan kufsi loo gaystay gabar Soomaaliyeed. Labada eedeysane ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur, sida lagu sheegay warka Booliska “Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayaan ku eedeysan in ay kufsi ugeesteen gabar Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabaa1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir, 2 Cali Axmed Nuur 33 jir” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa uu taliska Booliska gobolka Banaadir intaasi ku daray in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Waxaan la horgeyndoonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska ee qaybta gobolka Banaadir. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray Booliska “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud. Muwaadin waxaa lagaa codsanayaa in hadii aad aragto xaalad amni dara ah in aad la wadaagto xafiiska Gurmar ee 991”. Dhanka kale ciidamada Booliska oo kaashanay Boolis Militare ayaa howlgal ka sameeyay isla degmada Heliwaa ku qabtay in mooto ku waday maandooriye, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi. “12/04/2023 Abaara 10:20 Am, Ciidanka Boliiska Qeyta Bari iyo Ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah kawada Dagmada Hiliwaa, ayaa soo qabtay, Mowliid Xasan Maxamud, iyo mooto uu kuwaday maandooriye kala duwan” ayaa lagu yiri qoraalka. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. The post Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag ‘Kufsi’ ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President's Special Envoy on Somaliland Affairs, Abdikarim Hussein Guled, held a phone conversation on Wednesday with the departing US Ambassador to Somalia, Larry Andre, addressing the importance and urgency of initiating dialogue with Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, kooxda Daacish ayaa xirtay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay. Shirkad lagu magacaabo Al-Macruuf ayaa la sheegay in xarumaheedii magaalada Boosaaso albaabada loo laabay kadib markii ay iska bixi waayeen lacag dhan 500,000 oo dollar oo kooxda Daacish ay sheegatay. Xarun ay laheed shirkadaas ayaa dhawaan la qarxiyey oo dab qabsaday, waxaana halkaas ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, taas oo banaanka keentay cabsi soo wajahday ganacsatada magaalada oo caga-jugleyn kala kulmaya Daacish. Cabsidaan ayaa wada saameysay ganacsatada Boosaaso, sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay, waxayna Daacish bilowday dardar gelinta dhaqaaale uruursiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah ganacsatada. Sida ay tilmaameyso xogtaan masuuliyiinta Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa ka gaabsaday cabsidaan soo korortay ee sababtay in albaabada loo laabo ganacsiyada qaar, maadaama ay kooxdu taallaabo qaaday. Dhawaan Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ayaa ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen. Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland. Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto. Ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan. The post Xog: Daacish oo xirtay goobo ganacsi oo ku yaalla Boosaaso – Maxay dalbatay kooxdu? appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis (HOL) - The Minneapolis City Council is slated to vote on Thursday to lift restrictions on mosques' ability to broadcast the Muslim call to prayer, or adhan, from their rooftops five times a day. Currently, mosques can only play the calls between 7 a.m. and 10 p.m., limiting them to three or four broadcasts daily instead of the customary five. This amendment would position Minneapolis as the first major U.S. city to explicitly allow the complete set of broadcasts year-round, according to the Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations (CAIR-MN). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Mudane Xamza ayaa waxa uu tilmaamay in ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed. “Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ay barbar socoto qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya, sida uu sheegay. Mudane Xamza ayaa xusay in xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen. Sanadkan ayaa Soomaaliya uga dhigna sanadkii neecoowda dowladnimo, ayada oo tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay ciidamadu xoreeyeen deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, kuwaasi oo qaarkood u ahaa marino muhiim u ah afkaartooda guracan. The post Xamza oo sheegay arrin uu sanadkan uga duwan yahay Somalia kuwii hore ee soo maray appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, (CAJ News) – MORE than 1,6 million pastoralists and their dependents across East Africa are poised to benefit from a $140 million project to build the resilience of pastoral communities. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka Shiinaha ee Somalia Fei Shengchao ayaa ‘wax lagu qoslo’ ku tilmaamay in xuduud lagu sheego meel aan jirin isaga oo ka falcelinaya war ay Xukumada Somaliland Baahisay “Dadka caqliga lihi guryahooda dhexdooda xuduud kama samaystaan” All reactions: 1.9KIbrahim Farah Muhumed, Mohamud Yusuf Faratool and 1.9K others Qaran News
-
Halkani guji ama riix si aad u daawatid xafladaasi la isku arkay Qaran News
-
Guterres being welcomed in Mogadishu upon arrival. Mogadishu (PP Editorial) — Yesterday (11/4/2023) António Guterres, the Secretary-General of the United Nations, paid a visit to Somalia as a part of his Ramadan solidarity visits. In Baidoa he met families whose livelihoods were drastically affected by conflicts and droughts due to five consecutive years of low rainfall. Thirty years ago today Baidoa was recovering from a devastating man-made famine. The US-led humanitarian intervention of 1992-1995 saved millions of Somalis from the jaws of famine. The visit of the the Secretary-General of the United Nations to Baidoa highlighted the impact of climate change on food security in Somalia. This is a both a development and political challenge. No side of the equation can be solved without properly accounting for its properties. Without politics based on restorative justice and the rule of law, the defining development challenge of the twenty-first century — climate change — cannot be met. Equally, without a global commitment to helping societies cope with impact of climate change, internal displacement and civil wars will be hard to prevent. Somalia contributes 0.03% to greenhouse gas emissions. But as I just witnessed, Somalis are among the greatest victims of the chaos caused by the climate crisis. From Somalia today, my appeal to the world is clear: #ActNow to prevent catastrophe. pic.twitter.com/M93VNA3rXH — António Guterres (@antonioguterres) April 12, 2023 MISSED OPPORTUNITY: With #UNSEC.GENERAL Antonio Guterres, President HSM has deliberetely ignored LAASCAANO crisis and asked #ARMS EMBARGO to be lifted! Where are we heading to? pic.twitter.com/EWKkUzENlt — Juxa Farah (@FarahJuxa) April 11, 2023 Guterres had an opportunity to call for an end to the civil war in Northern Somalia where the secessionist administration of Somaliland is waging a war under the pretext that it “is preserving colonial borders”. Laascaanood, a city of 350000 people is now forlorn and deserted due to shelling by Somaliland forces. The longest, post-1992 civil war is raging in Northern Somalia. Guterres meeting an internally displaced family in Baidoa yesterday. Looking at the Somali political problems holistically is what one expected to hear when Guterres was briefing the media on his visit to Somalia. The only message that this diplomatic oversight sends is that political impunity pays off in Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud on his part once again fell short of citizens’ expectations. Political insularity got the better of him. António Guterres will not be remembered for missing the opportunity to call for peace respect for the sovereignty of Somalia in the Northerm in line with UN Security Council resolutions. He will be remembered for his generous spirit and his solidarity with Somali people who are grateful to the International Community for commuting resources to help Somalis cope with the long term impact of state collapse despite the immaturity of the national political class. © Puntland Post, 2023 The post Guterres missed an opportunity while visiting Somalia appeared first on Puntland Post.
-
La’taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Sharci-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyay in aysan jirin siyaasad qaran oo dowladda federaalka ay ka dajisay hanaanka loo wajahayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. La-taliye Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay sii fogeynayso wada-hadal mira-dhala ah oo madaxda iskaga kala dambeeyaan sii amba-qaadkiisa, maadaama ay markasta ku xirnaaneyso madaxda markaasi joogta aragtidooda iyo sida ay rabaan inay u wajahaan wada-hadalladaasi. “Inta aan ogahay majirto siyaasad rasmi ah oo inta ay qaadatay dowladda federaalka ah oo Golaha Wasiirada ay keentay oo la leeyahay arrinta Somaliland sidaas ayaa ku wajahayna, oo madaxweyne loo geeyay, oo ah siyaasadda Soomaaliya ee ku wajahan qadiyadda Somaliland majiro,” ayuu yiri La-taliyaha dhanka Sharciga ee madaxweynaha Soomaaliya. La-taliyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in dowladda federaalka ay siyaasad rasmi ah ka yeelato wada-hadallada Somaliland, taasi oo saldhig u noqota wada-hadallada, islamarkaaana meesha ka saarta in hakad uu ku yimaado wada-hadalladaasi marka uu hoggaanka baxo ee hoggaan cusub uu yimaado jagada u sareysa dalka. “Majirto siyaasad rasmi ah oo wada-hadallada Somaliland oo dowladba dowlad kale ka dhaxleyso oo isma badasha ah majirto, marwalba waa madaxda markaas joogto waxay u arkayaan in laga wada-hadlo ay ka wada-hadlaan. Markaa waxaa fiicnaan laheyd in marka hore aas-aas loo sameeyo.” Hadalka La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, lana rajeynayo inay dib u furmaan wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo Axadii Aqalka Dowlada Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle. Guuleed ayaa xilligaan waxa uu qorsheynayaa in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Kaabatv Qaran News
-
Somaliland ayaa dalka Shiinaha ku eedaysay in uu weerar ku yahay Taiwan. War ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku baahisay barteeda Twitter ka ayaa lagu sheegay in Shiinuhu u wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyada Somaliland. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay Somaliland garab taagan tahay Taiwan oo ah dal Dimuqraadiya. Warkan ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Shiinuhu hawl gal wado meel aan ka fogayn Biyaha gacanka Taiwan isla markaana laga baqe qabo in uu weerar ku qaado. Source
