-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa meel adag iska taagtay waan-waan ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka tegay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kadib markii ay socdaal ku tageen magaaladda ay colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood. Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa sheegay in marnaba ay Somaliland aqbali doonin waan-waan ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, xilli ay sii daba-dheeraatay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool. “Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri “Waxba dhex-dhexaadineyna ay leeyihiin weligeen reer Somaliland iyo Laascaanood lama dhex-dhexaadin oo dhaqan ayaa leenahay oo geed ayaa wada fariisan jirnay, intaas ayaa wada nooleyn. Maanta faraha shisheeye ayaa ku jire ha ka baxeen faraha shisheeye.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ugu baaqay hoggaanka SSC inay iska saaran dad uu sheegay inay meesha u dhalan oo dhaqan xumo ku haya, “Dadkii soo celiya aad guryahoodii ka saarteen, iska saara dadkaan meesha u dhalan ee dadka bililaysanaya.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Faysal oo baaq nabadeed u diray garaadada ku sugan magaalada Laascaanodo “Nabadda qaata oo nabad lama diido, wixii inaga xumaaday waan hagaajisaneyna.” Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiyaha si weyn u dhaliilay hanaanka ay xukuumadda Somaliland ku wajaheyso colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in uu la yimaado qorshe cad oo xal kusoo dabaala xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan. “Doorashadii wey ku sugeysa madaxweyne, Laascaanood wey ku sugeysa oo waa qabyo, dalka dhaqaalihiisi waadiga arkaya waa qabyo oo dalka wuxuu u baahan yahay inuu socdo oo shaqeeyo. Guri ayaa iska fadhinaya oo kolba reer ayaa u yeedhanayaa, sidaas dal laguma wado ee dal waxaa lagu wadaa siyaasad, istiraatijyada iyo wada-tashi. The post Somaliland oo caddeysay mowqifkeeda madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada magaalada Muqdisho ayaa Baydhabo, waxaa garoonka diyaaradaha, iyadoo siiweyn loogu soo dhoweeyay. Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa qeyb ka ahaa. Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta u kuurgelidda Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana uu booqday xeryha ay ku nool yihiin dadka barakacaayaasha ah ee Baydhabo. Xoghayaha ayaa sidoo kale waxaa booqashadiisa qeyb kala ah wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi, waxaana uu booqday kumaan qoys, kuwaas oo kasoo qaxay abaarta iyo dagaalka Al-shabaab oo degan magaalada Baydhabo. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada magaalada Muqdisho, ayaa shir’jaraaid ay wadajir u qabteen isaga iyyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay Gargaar dheeraad ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay odayaal daacad u ahaa oo markii hore usoo aruurin jirey lacagaha ay ku sheegaan Zakawaadka ah ee ka qaadan deegaanada ay gacanta ku hayaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Xariga ay kooxda Al-Shabaab kula kacday odayaashan ayaa sii kordhay 48 saac ee u dambeysay, waxaana la sheegay in odayaashan ay kasoo kala jeedaan gobollada Hiiraan iyo Koonfur Galbeed. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay magacyada laba kamid ah odayaasha la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee kooxdu xiratay, kuwaasi oo lagu kala sheegay Maadey, Sidowjiis iyo odayaal kale oo dhaqan ahaan ay u sameysatay kooxda Al-Shabaab. Odayaashan ayaa eedeynta u weyn ee kooxda u xiratay ayaa ah inay ka gaabiyeen sida ay daacada ugu ahaayeen, si gaar ahna lacagihii ay uga soo aruurin jireen dadka ku qabiilka ah, maadaama ay xilligaan kooxdu aad ugu baahatay dhaqaale xoog leh, xilli uu socdo dagaal ka dhanka ah. Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu soo xiray odayaashan uu bixiyay horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, Abuu Cabdalla oo magaciisa hore uu ahaa Xiiray, kana soo jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Odayaasha uu xir-xiray Abuu Cabdalla ayaa la sheegay inay qaarkood isku hayb yihiin, uguna hanjabay inuu dili doono. Ninkan ayaa waxa uu xariga odayaashan u xil-saaray horjoogaha Maaliyadda kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka oo lagu magacaabo Cabdiqafaar. Cabdiqafaar ayaa isagu toos u hoostaga oo u adeegaya horjoogaha guud ee Maaliyadda kooxda, Cabdikariin Horseed oo isagna deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Odayaashan ayaa la sheegay in laga raba inay lacagaha uga soo aruuriyaan beelaha ay kasoo jeedan sida ay hore u sameyn jireen, ama ifka laga qarin doono, sida ay ugu hanjabeen horjoogayaasha kooxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah, oo qeyb ka yahay midka dhaqaale ayaa wajaheysay culeys dhaqaale oo baahsan, iyada oo mar lasoo wariyay in si weyn uu hoos ugu dhacay mushahaarkii ay siin jirtay dagaal-yahaanadeeda. The post Al-Shabaab oo odayaal ‘garab u ahaa’ ku xir-xirtay degmada JILIB + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU — The U.N Secretary-General Antonio Guterres has appealed for “massive international support” for Somalia during his visit to the East African country that is facing the worst drought in decades. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa wada-xajood la yeeshay wakiilo ka socday dowladda Ruushka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa furitaanka shirka kadib, si gaar ah kulamo ula qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, kuwaasi oo ku qotomay horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya. Dr. Cilmi ayaa waxa uu wada-xaajood la yeeshay wakiilada ka socday Ruushka oo kamid ah dowladaha deynta ku leh Soomaaliya, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay usocday wada-hadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa G1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada-hadleen arrimaha dib-u-habeynya maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa waxa kale oo kulan doceed la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Afrika ee Hay’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxayna wada-hadalkooda diiradda ku saareen sidii IFC ay u maal-galin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed. Isku soo wada duubo, shirka sanadlaha laha ah ee guddiga sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, oo horumar ballaaran laga sameeyay, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale. The post DF Soomaaliya oo wada-xaajood cusub la yeelatay wakiilo ka socda Ruushka appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Mudane Axmed Macalim Fiqi, oo u wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane maxamuud Macalim Cabdulle iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladd Goboledka KGS. Wafdigaan waxaa garoonka Baydhabo ku soodha weeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirada Gargaarka, Dekadaha, Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo. Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiir Fiqi iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u kuur galay xaalada bin’aadanimo ee ka jirta xirooyinka dadka barakacyaasha ah ay ku nool yihiin, iyaga oo mid mid u dul istaagay shacabka tabaalaysan ee halkaas ku nool. Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay hoggaamineyso dowladda Federaalka, kaas oo ka sococda gobollada dalka, waxaana dowladdu ay sheegtay in dadka lu nool deegaannada laga saray kooxda ay u baahan yihiin Gargaar Bani’aadannimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Wasaaradda Difaaca ee Somaliland ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay wasiirka wasaaradda Cabdiqani Caateeye iyo Safiirka Ethiopia ee Somaliland Amb. Dalil Kadir Bushra. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa safiirka ku wehliyay uqaybsamaha difaaca (Military attache), halka dhanka Somaliland at qeyb ka ahaayeen saraakiisha ciidanka qaarkood, waxaana looga wada-hadlay iskaashiga labada dhinac Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Dhaqanka ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Somaliland. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale labada dhinac uga wada-hadleen colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii xaalkeeda loogu soo dabaali lahaa jawi nabdoon, sid ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo ka agdhaw kulankaan. Ethiopia ayaa kal hore isku xilqaamtay waan-waan iyo dhexdhexaadin xal loogu raadinayo dagaalka Laascaanood, kuwaasi oo markii dambe fashilmay kadib markii labada dhinac ee halkaasi isku haya ay shuruudo adag ku xireen in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado. Dowladda federaalka Ethiopia ayaa lasoo warinaya inay markale dooneyso inay dib usoo celiso dadaallada wax looga qabanayo dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Masuuliyiinta Ethiopia ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda Somaliland, ayada oo dhawaan Safiirka Ethiopia ee Somaliland uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. Si kastaba, Marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed, illaa hadda majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada. The post Xogta kulan dhex-maray saraakiil ka socotay Ethiopia iyo madaxda Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
SAWIR TAARIKHDA GALLEY. MAXUU KU MUTEYSTEY MADAXWEYNE RAYAALE IN SHARACYADDA ADDISABA LAGU SAWIRO. Sawirkan Waa Taariikh. Waxu ku Yaala Caasimadda Addiss ababa. Markii Meles dhintey ayaa dowladda Ethiopia. Waxey xuseen madaxdii Caalamka ugu sameynta badneyd uu la kulmey. Taaso laga heley buuga xasuus qorkiisa ee u qorey Meles Zenaawi Waxa gayiga Geeska Africa laga xusey. Madaxweyne Dahir Rayaale. Macaal DJabuti. Kenya, Sudan, Somalia, Uganda lama xusin madaxdooda. Sababtoo lagama helin xasuus qorkiisa. Buwaag badan uqorey Meles wuu ku sheegey saameynta Madaxwegne Dahir Rayaale kaahin. Beesha Caalamku aad ayay u ixtraamta Madaxweyne Daahir Rayaale. Waxna kalena maahe waa dowladd wanaaga iyo kalsoonidda doorashooyinku dalka ka qabtey. Sidaas daradeed. Waxu ku suntan yahey. Abaha Dimuqradiyadda Geeska Africa. Madaxweyne Rayaale markuu xilka wareejiyey ayaa Meles ku casuumey Addiss ababa. Waxu ku yidhi. Hadeer kursigii miyaad wareejisey. Markaasu Madaxweyne Rayaale ku yidhi Haa. Intuu qosley Meles, buu yidhi. Jidbaad nagu furtey. Waadse dhiiran tahey. Anigase wey igu adag tahey Inaad xilka siyar oo fudud uga tago. Madaxweyne Dahir Rayaale, Waxu ugu jawaabey. Geeska Africa dowladdnimadda ka jirta waxey ku badbaadi karta qori isu dhiib. Si bulshadeenu u barato in aan xukunka nina la dhalan. Da’yarta dalalkeena barno, dowladdnimadda iyo hanaanka dimuqradiyadda iyo doorashooyinka Sidaas daradeed maanta dalkeenu waxu ku badbaadaya doorasho taasa horseedi doonta isbedel siyaasadeed iyo nabad galyo shacabkeenu kuwadda nolaan karo. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koofur Galbeed. Wafdiga Xoghaya Guud waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo. Guterres ayaa Kormeer ku maray qaar kamid xeryaha ay daganyihiin dadka Barakacayaasha ee ay saameysay Abaarta daran ee ku dhifatay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed. Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirtaa Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al Shabaab. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay go’aanno uu dhawaan shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dowladda ku xakamayneyso hubka lagu dhex wato caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Cali Cosoble ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka madaxweynaha oo uu sheegay in uu yimid waqti aan munaasib aheyn, isaga oo ka digay inay ka dhalan karto halis aan lagu baraarugsaneyn oo la xiriirta go’aanka dowladda ay ku xakameynayso hubka lagu dhex wato magaalada Muqdisho. Cosoble ayaa waxa uu sheegay in hubka culus ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda uu qeyb ka yahay sugidda amnigooda, ayna caasimadda mari karin haddii ay kaxeystaan ilaalo sidata hub fudud, sida uu hadalka u dhigay madaxweynihii hore ee HirShabelle. “Madaxweynow sababta ay dowladda u raadineyso in laga qaado cunaqabateynta hubka waa iney la timaado hubka ay argagixisada wadato hub ka waaweyn. Siyaasiga iyo mas’uulka dowladda markuu kaxeysto laba wiil oo bastoolado sita iska daa shabab ee naagta caanaha suuqa ku gadda ayaan ka hor leexaneyn,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lagama maarman tahay in caasimadda ay masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ku dhex wataan caasimadda hub ka culus midka ay argagixisadu ku haysato magaalada, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab ee dowladda ay dagaalka kula jirto. “Marka uu qofka mas’uulka ah ku dhex wato magaalada dhashiike iyo dabajeex wuxuu sitaa hub ka waaweyn hubka ay argagixisada ku dhex wadan karto magaalada. Hadduusan hubkaa waaweyn wadan waa la soo hunguriyeynayaa naftiisana khatar ayey galeysaa.” Marka laga imaado hadalka Cosoble, waxay xukuumadda Soomaaliya ay Axadii soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada. Qodobka koowaad ee xeerkaan ay xukuumaddu soo saartay waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdi-bilaha iyo dharka ciidanka. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, islamarkaana ay noqonayaan hanti dowladeed. Si kastaba, qaraarka kasoo baxay xukuumadda ayaa si isku mid u saameynaya masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada, oo la faray inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga caasimadda Muqdisho. The post Cosoble oo shaaciyay ‘halis aan laga fiirsan’ oo ka dhalan karta go’aankii madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Wallaahay waa riyo dhab ah oo aan arkay. Waxa aan ku riyooday aniga oo ku soo baxay dad meel ku urursan oo isugu jira shacab iyo askar , waxa la ii sheegay in uu baxsaday Muuse Biixi, xilkii madaxweynenimona uu iska casilay,isaga oo ka baqaya dad uu godob ka galay intii uu xilka hayay , waxa ka mid ahaa dadka wax ka tirsanayay nin lacag badan ku lahaa oo la i tusay waraaqo caddaynaya lahaanshahaa. Dadka urursan waxa ay tubnaayeen meel u eeg magaalo duleedkeed, halkaas oo ay ka bidhaaminayeen sooqabashada Muuse oo lagaga daba tagay lagana soo qabtay meel miyi ah oo lahayd dhir dhererkeedu meel dhexaad yahay,kuwo gaagaaban iyo buur sokodeed. Riyadan waxa aan ku riyooday ka hor inta aanan suxuurta u soo kicin 19/Ramadaan/1444 – 10/April/2023. Sawirkii riyadu illaa hadda si wacan buu iigu muuqdaa . Coldoon Qaran News
-
Ahmed madoobe ayaa maanta xilka ka qaaday Senatoro Fadaraal ka Somalia ka tirsan Senator Fartaag iyo Senator Iftin Baasto ayuu baarlaankiisa u gudbiyay kadibna maanta ku dhawaaqeen in ay xilka ka qaadeen arrinka la yaab ka leh ayaa ah Xildhibaano fadaraal ah oo markii ugu horeysay xilka laga qaadayo Somalia gudaheeda. Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah laqaatay Xoghayaha guud ee qaramada midoobey António Guterres, kaasoo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somalia, sida lagu sheegay war Madaxtooyadu baahisay. Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu dul istaagay culeysyada & xaaladaha adag ee ay la tacaalayso xukuumadiisu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, colaadaha sokeeye iyo Saboolnimada ka jirta Somalia M/weyne XSM waxa kale oo yidhi “”Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”. Xogahaye Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa deegaano horleh ka xoreeyay kooxda, ayada oo dhacday in qaarkood ay ciidamada dib u faarujiyaan. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay tegay deegaano dhowr ah oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayaa si kale u dhigay arrintaan, isaga oo shaaciyay in ciidamada ay tahay inaysan kusii nagaadin deegaanka ay qabsadaan ee hore uga sii socdaan, si aysan argagixisada ugu soo rogaal celin ee difaaca ka xirtaan dhanka hore. “Ma u baahna xeradan ama Janaay-Cabdalle in aan sii joogno qorshaha diyaar uma nihin oo kuma tala-galin maalintii u horeysay in aan halkaan difaaca ka galno, waxay aheyd in wadadaas waxyar soo wadno oo jidkaan hore u furno oo Xagar qabano oo wadadaas furno Shabaab wax ka dambeeya ma jiro, waa hubaal taasi,” ayuu yiri. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qaba in deegaanada la qabsaday aysan ciidamada difaac ka gelin ee hore uga sii socdaan, sida dhowr jeer dhacday waxay kooxda Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ah ku qaaday deegaano laga xoreeyay, taasi oo dhalisay khasaare badan. “Ha go’doomin wax la yidhaahdo ayaa jirta, oo ha go’doomin waxay sababeysa qofka in uusan ku eekan oo dhabarkiisa laga xidhin, taas macnaheeda waxa weeyi fadhigu askariga difaac ka culus oo uu gali karo majirto, qofka inuu socdo oo weerar qaado oo roondo sameeyo waa wax uu gali karo, laakiin in aad god ku jirtaa waa wax culus.” Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay ciidamada muujiyaan feejignaan dheeri ah, “Aan ku tala-galno idinka ayaa la idinku ogyahay oo ciidan meesha jiifa ayaa tihiin oo shaqo ayaa la idinka sugaya, shaqada la idinka sugayo sidey tahay u qaata.” Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu sii soconayo, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan deegaanada ay kooxda kaga sugan tahay maamulka Jubbaland. “Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. The post Ciidamada dowladda oo hal arrin darteed usii joogi karin deegaanada la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with United Nations Secretary-General António Guterres on Tuesday at the Presidential Palace in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo saaka booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. Waxaa kale oo uu dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye. Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka. Dhankiisa Xogahayaha Guus QM ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa. António Guterres ayaa xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka. Waa booqashadiisii labaad ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna horay u yimid sanadkii 2017-kii, isagay oo markaas booqday xeryo ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha. The post Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guterres? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub oo salka ku heysa arrimaha maaliyadda ay ka dhex qaraxday guddoomiyaha gobolkaasi, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka HirShabelle. Cali Jayte oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka horymid qorshe ay HirShabelle ku dooneyso in lagu mideeyo canshuurta, wuxuuna diiday in canshuurta gobolka Hiiraan ka timaada ay ku dhacdo qasnada wasaaradda maaliyadda Hirshabelle ee degan magaalada Jowhar. Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. “Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Sabab aan ugu qaado wax ka hooseeyo waxii aan shabaab ka diiday ineey Gobalka Hiiraan ku Haayeen, ama aan ugu qancin karo dadka aan Masuulka ka ahay, taas micnaheedo oo ah in Hantida shacabka reer hiiraan ku baxdo meel aan hubanti laheyn danahoodane lagu kabi karin” ayuu raaciyay. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana ay tahay in la ixtiraamo sarreynta sharciga. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Hiiraan ay xilligaan u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, maadaama ay dagaal kula jiraan xoogaga Al-Shabaab, wuxuunq ku baaqat in aan looga sii darin xaaladda taagan. “Shacabka reer Hiiraan waxeey u baahan yahiin kab’mo ee uma baahno kufin waxaan la tacaali haayna soo kabasho amni iyo mid dhaqaale kumana darsan karno wax hoos u dhigayo midnimada umadda ayadoo la fiirinayo daruufaha lagu jiro kuwii jiray iyo kuwo abuurmi karo,” ayuu markale yiri Cali Jayte. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa inoo furan hal jid oo ah la dagaalanka khawaariijta ma jirto wax ka hooseeyo oo aan ku qanci karno maanta iyo beriba. Shacabka reer hiiraan waxaan u cadeeynayaa ka masuuliyad ahaan waligeey kuma shaqeeyn umana hogaansamin dan gaar ah anigoo awoodo inaan danta guud guulo ka curiyo mana aqbalaayo mana aqbali doono wax ka hooseeyo sharci iyo Dowladnimo”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay galinkii dambe shir jaraa’id oo uu Beledweyne ku qabtay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo ay hareerahiisa fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka ku sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka HirShabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen incanshuurta lagu shubo qasnada wasaaradda maaliyadada ee maamulkaasi. The post Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday guddoomiye Jeyte iyo HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka furmay shirka sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Waxaa shirkaan ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Furitaanka shirka kadib, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi M. Nuur ayaa si gaar ah kulamo muhiim u ah oo ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la qaatay Madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa waxa uu kulan muhiim ah la waatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika ee Hey’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxa ay si gaar ah wada hadlkooda diiradda ugu saareen sidii IFC ay u maalgalin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu wasiirku wada xaajood la yeeshay wakiilo ka socda Dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya. Shirka Sanadlaha laha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye. “Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka. Xogahaye António Guterres ayaa Dhankiisa, muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho, Abriil 11, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye. “Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka. Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka. DHAMMAAD The post Madaxweynaha Soomaliya oo Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.
