-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ibado Mahmud lives in a typical house in an Arizona development, and from the front, any visitor might be mistaken for thinking it is just that: typical. But Mahmud’s ordinary home hides an abundant homestead garden stretching from the house all the way to the brick wall marking the edge of the property. It is one of the many homestead gardens that make up Drinking Gourd Farms. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, April 13 (Xinhua) -- Waving a placard with the words "Walaal Shaqo Isii," translating into "my brother give me a job," Iglan Abdullahi Mohamed, aged 22, recently burst into the streets of Mogadishu, the capital of Somalia, opening the lid on growing frustration among unemployed youth in the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bedeshay inta badan ciidamadii Booliska ahaa ka howl-gali jiray baraha ciidan ee wadada Wadnaha, sida ay ogaatay Caasimada Online. Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay bedelay ku dhawaad 200 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugna dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, kana soo bilaabanayay isgoyska Mirinaayo ee degmada Kaaraan illaa isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir. Ciidanka Booliska ee la bedelay ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ka howl-galayay baraha ciidan ee yaalla wadada Wadnaha kasoo gudba ee soo aadda dhanka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halkaasi ka sameysay baraha ciidan, marka loo eego dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha, waxaana waqti kamid ah Muqdisho ka abuurmay goobo kala wareeg ah, maadama gaadiidka kuwa raaxada ee aan laheyn aqoonsiyada dowladda loo ogoleyn inay kasoo gudbaan wadada Wadnaha. Ciidanka cusub iyo saraakiil hoggaamineysa oo dhawaan tababar kasoo baxay ayaa waxa uu taliska ciidanka Booliska ee gobolka uu geeyay barahaasi ciidan, iyaga oo la wareegaya amaanka goobaha laga soo badalay ciidankii afartii sano ee lasoo dhafay ku sugna halkaasi. Dhawaan unbay aheyd markii ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay hore u baahisay Caasimada Online. Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley. Ciidankan cusub ayaa waxaa loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii, waxayna hoostagaan talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan. Si kastaba, dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay hadda si gaar ah isha ugu haysa xaqiijinta ammaanka Muqdisho, waxaana hadda amaanka gobolka Banaadir si wada-jir uga shaqeynaya ciidan ka tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo ciidan cusub oo dhawaan lagu soo biiriyay oo ciidanka xoogga dalka. The post Xog: DF oo bedeshay ciidan Muqdisho ka howl-galayay afartii sano ee udambeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis cusub oo dhaqaale kula saxiixatay Jarmalka, kaasi oo ay ku baxeyso lacag gaareysa 19 Milyan oo doollar. Heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano, kaasi oo maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda oo taageerta ganacsiga iyo Bangiyada iyo Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW). Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah agaasimyaasha guud ee Wasaaradda, Madaxda sare ee hay’adda Gargaara, Madaxda Bangiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya. Heshiiskan cusub ayaa waxaa muhiim u yahay dib usoo kabashada illaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya, iyada oo maal-gelintaan ay si gaar ah xoogga u saari doonto ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada. Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara ee Wasaaradda, Suleymaan Cabdi Ducaale oo ka hadlay munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa kaga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taageerada ay la garab taagan yahiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo iskaashiga Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa waxay ballan-qaaday inay taageero buuxda siin doonto hay’adda heshiiska dhaqaale la saxiixatay Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW). “Waa ku kalsoonahay Gargaara taageerada ay siiso ganacsiyada gaarka,” ayey tiri Allena Kern oo ka hadashay shaqada ay hayso hay’addaan oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Si kastaba, Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada. The post Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale oo malaayiin dollar ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe howlgallo ka waday gobollada dalka ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleed Galmudug. Ciidanka ayaa howlgalkooda maanta waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud, haas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27aad ee ciidanka xoogga Kornayl Saneey Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo Khawaarijtu ku laheed tuulooyinkaan. Ciidamada ayaa sido kale la wareegay maanta deegaanka Cali Yabaa oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo dhowr sanaa ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Howlgalladaan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay dowladdu sheegtay in laga fulinaayo deegaanno ka tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cali-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay kala wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano. Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay in maanta ay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas. Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay. Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin. Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah. Hamiga ciidanka xoogga dalka ee ku sii siqaya dhulka ay Shabaab ka joogaan gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud waa in maalmaa soo socda gudaha loo galo Ceelbuur oo halka degmo ee kooxdu ay ka joogto bartamaha Soomaaliya. Colaada ka jirta deegaanaada, qaxa ay Shabaab-ku ku qasbayaan shacabka, si ay gabaad uga dhigtaan, isgaarsiin la’aanta ka jirta dhulkaan fog iyo cunaqabateynta ay dowladdu saartay kooxda, waxaa shacabka u dheer roobka Guga oo maalmahaan si joogto ah uga da’aya dhulka lagu dagaalamayo. Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan. Hadda waxaa siman oo saf-balaaran ah ku soca doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, isla markaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka. The post Ciidanka DF oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey 3 deegaan oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Mareykan ah oo tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdigan ayaa waxaa horkacayay safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle , kaas oo wadahadal toos ah la yeeshay Axmed Madoobe. Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada . Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in kulan looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee socdo isla-markaana uu qayb ka yahay Mareykanka. Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray howlgallada dib loogu xoraynaayo deegaanada Jubaland oo haatan la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka. Sidoo kale waxaa Kulanka lagu soo qaaday xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanadaasi. Dhanka kale, waxaa wafdiga ka socda safaaradda Mareykanka iyo Jubbaland ay ka wada-hadleen arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah, loona caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahaayeen. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Soomaaliya. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta wafdi Mareykan ah kula shiray Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka. Wasiirka ayaa sheegay in Jeneral Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan milatariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaalada Laascaanood. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu horay dambiyo dagaal uga gaystay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii dowladdii kacaanka iyo ururkii SNM. Caateeye ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Moorgan uu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi. “Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye. Maalmihii u dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay wararka ku saabsan Jeneralkan oo lagu arkay bartamaha magaalada Laascaanood, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan, maadaama gudaha magaaladaas bishii 3-aad ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo dadka deegaanka. Marka laga tago arrinta Moorgan waxaa Laascaanood horay u tegay taliyeyaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya iyo taliyihii hore ee guutada afaraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya oo isna uu dagaalka ku dhintay, walow Danab ay iska fogeysay sarkaalkaas. Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood eedeymo culus u jeedineysay hoggaanka Puntland iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya. The post Somaliland oo shaacisay arrin ku saabsan MORGAN iyo dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabatayn kusoo rogtay ugu yaraan afar shirkad oo fadhiggoodu yahay Turkey, kuwaas oo ay sheegtay inay jebiyeen xayiraadaha Mareykanka ee saaran Ruushka, islamarkaana ka caawiyeen dagaalka Ukraine. Waa tallaabadii ugu cusleyd ee Mareykanka uu qaado ee ka dhanka ah Turkey, tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine. Shirkadaha xayiraadaha la saaray ayaa waxaa ku jira mid ka shaqeysa elektoroonik iyo kuwa ganacsiga taknoolajiyadda, waxaana lagu eedeeyey inay gacan ka gaysteen gudbinta badeecado la xanibay. Afarta shirkad ayaa ka mid ahaa 120 shirkadood oo Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay xayiraado kusoo rogtay. Washington iyo xulufadeeda ayaa xayiraado culus kusoo rogay Ruushka kadib duulaankii Ukraine, hase yeeshee xarumo ganacsi oo ay ka mid yihiin Turkey, Hong Kong iyo Imaaraadka Carabta ayaa u furnaa. Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in xayiraadaha lagu beegsaday shirkado iyo shaqsiyaad ka tirsan qeybaha ganacsiga badda oo “xiriir la leh Ruushka ama ay leeyihiin Ruushka.” “Waxaa loola jeedaa digniin ku aadan dhaqan-gelinta xakameynta dhoofinta,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey weli kama jawaabin xayiraadaha Mareykanka, kuwaasi oo yimid kahor bil doorashada taariikihiga ah ee Turkey ka dhaceysa bisha May. Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayday inay xiriir wanaagsan la lahaato Moscow iyo Kyiv labadaba intii uu socday dagaalka. Waxay mabda’ ahaan kasoo horjeesatay xayiraadaha Reer Galbeedka, hase yeeshee waxay sheegtay inaan lagu jebin doonin Turkey, islamarkaana agabka militariga Ruushka aan dalkeeda la marin karin. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay xayiraadda saartay shirkadda Azu International ee Turkiga, oo jibka computer-ka ee dibedda laga keeno u dhoofisa Ruushka. Waxay sidoo kale xayiraad saartay Dexias oo ah shirkad ganacsi oo sheegtay inay wakiil dhex-dhexaadiye ka tahay shirkadaha Ruushka ee xayiraadda la saaray. VOA + REUTERS The post MAREYKANKA oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah TURKEY + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
MA LAGA YAABAA IN ETHIOPIA UU MAR KALE DAGAAL GUDAHA AHI KA DHACO ? ! Dalka Ethiopia ayaa dhowaan la soo afjaray colaadii dawlada dhexe ee Ethiopia iyo Tigray oo dalkaasi gaadhsiisay halis weyn oo amni oo qarka u saartay in burbur dhaco , kaasi oo werwer ku hayey dalalka mandaqada Geeska Africa oo dhan . Haddaba waxa hadda la filayaa in maamulka dawlada dhexe ee Ethiopia ay ku soo noqdaan Tigray oo isaga yaacay xilalkii dawlada dhexe xiligii ay dagaalamayeen , waxaana la filayaa in uu dawlad cusub dhawaan soo dhisi doono Abiy Ahmed. Talaabooyinka diblomaasiyadeed , siyaasadeed iyo amni ee uu qaadayey mudooyinkii ugu dambeeyay maamulka Abiy Ahmed ayaa ah qaar isha aad loogu hayo maadaama dirqi lagaga soo reeyey dagaalkii dawlada dhexe ee Ethiopia iyo qoomiyada Tigray oo dalkaasi gaadhsiiyey halis weyn sidoo kale dadka iyo deeganadii Tigray ku baaba’een. Dalka Ethiopia waxa u dheeraa dagaalka dawlada federalka ah iyo qoomiyada Tigray dagaalo ka dhexeeya maamulada Ethiopia ( qoomiyadaha ) dhexdooda oo soo noqnoqda kuwaasi oo saameyn ku yeeshay midnimadii ,is jacayl kii iyo wadajirkii dadka Ethiopia, waxaana ka mid ah ; 1- Tigray iyo Amhara oo dagaalo dhexmarayeen mudo dheer. 2- Soomaalida iyo Canfarta oo iyagana ay dagaalo dhex marayeen . 3- Oromada iyo Soomaalida oo intii Abiy Ahmed yimid iyagana la dhameeyey dagaalo soo noqnoqon jirey oo dhex yaalay. 4- Tigray iyo Anfar oo xiligii dagaalku socday ay dhex mareen dagaalo aad u qadhaadh. Haddaba arinta soo baxday ee ah in dhamaan dawlad deegaanada qoomiyadaha Ethiopia in ciidamadooda gaarka ah laga maarmay oo ciidamada federaalka Ethiopia ay la wareegayaan shaqadii ay hayn jireen ayaa maamulada qaar u arkayaan in ay halis ku tahay amnigooda iyo ka dadkooga. Qoomiyada amxaarada Ethiopia oo mudooyinkii dambe aad moodo in ay sii kala fogaanayaan maamulka Abiy Ahmed ayaa ka mid ah kuwa diidan in ay ciidamada deegaankooga laga wareejiyo amniga , waxaana ay ka cabsi qabaan in dagaal Ahli ahi dhex maro Tigray. Dhanka kale xisbiga talada haya ee Pp ayuu loolan ka jiraa gudihiisa maadaama Ahmara ay kaalinta labaad doonaysay oo hada ay Soomaalida Ethiopia kaalintaasi ku fadhido , dhinaca kale waxa werwer wayni ka jiraa in Tigray ay la soo noqdaan meeqaamkoogii dawlada dhexe kaasi oo aan raaligalin doonin qoomiyado badan. Markaa waxa aad moodaa in maamulka Abiy oo dirqi kaga bad-baaday culeyskii iyo dagaaladii Tigray iyo beesha caalamku in uu feejigan yahay waana sababta oo looga maarmayo ciidamada deegaanada ee looga dhigayo in ay noqdaan ciidamo police si uu u yaraado isku dhacyada qoomiyadaha dalkaasi . Waftigii ugu dambeeyay ee Ethiopia u dirtay dawladaha gobolka qaar ka mid ah sida Soomaaliya iyo Djibouti ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore oo waxa aad moodaa in uu kaalintii Axmed Shide oo ahaa gacanta midig ee Abiy Ahmed in uu soo galay Aadan Faarax oo gudoomiye kuxigeen ka ah xisbiga pp . Waftigani oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dawlaha arimaha dibada Ethiopia iyo saraakiil sarsare oo kale ayaan la sheegin ujeedada rasmiga ah ee ay kala hadleen Xasan Sheekh iyo Ismail O.Ghuelle , dhanka kale waxa isweydiin leh sababta ay Hargeisa u iman waayeen xili Somaliland dagaal ku socdo laga cabsi qabo in uu xuduudaha ka talaabo maadaama Ethiopia iyo Somaliland leeyihiin xad dhuleed 800 km in ka badan ah . Isku soo wada xoori Ethiopia waxa ay ka feejigan tahay in markale gudaheega dagaal ka dhasho , waxaana aad loo filayaa in isbadel lagu sameeyo dawlada federalka ah si ay ugu wada qancaan qoomiyadaha Ethiopia . Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa ma aha kuwo matalaaya shabakadani ee waa mid ka mid ah fikradaha akhristayaasha Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – For the first time, an African Union (AU) official has publicly disclosed the casualty figures of peacekeepers operating in Somalia. Thousands have been killed and hundreds more injured since their deployment in 2007 to protect the government from al-Qaida-affiliated al-Shabab militants. Mohamed El-Amine Souef, the Special Representative of the African Union Commission for Somalia Chairperson, revealed the harrowing figures in an interview with VOA Somali’s “Investigative Dossier.” Souef confirmed an estimated 3,500 fatalities, with troops from Burundi and Uganda suffering the most casualties. “The mission has documented around 4,000 casualties. According to the force officers who served in the mission, the casualties, including those disabled, can be as high as over 5,000,” Souef said. A history of secrecy and struggles “The troops were not well-prepared, and the administration was not even in Mogadishu. Many cases were not properly documented,” Souef admitted. Paul D. Williams, a professor of international affairs at George Washington University and an expert on peacekeeping operations, criticized the AU’s lack of transparency. “The African Union has never been transparent about fatality figures from its missions in Somalia,” he said. “It has instead deferred to the wishes of the troop-contributing countries, which did not want to announce all their dead peacekeepers publicly. This policy decision did a severe disservice to the peacekeepers who paid the ultimate sacrifice and their next of kin.” Initially known as the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the operation’s first deployment in Mogadishu took place in March 2007 with troops from Uganda. In April 2022, the mission transitioned to the African Union Transition Mission (ATMIS), with plans to withdraw from Somalia by December 2024 after Somali forces assume security responsibilities. ATMIS currently has approximately 19,000 peacekeepers operating in Somalia. The sacrifices of AU Peacekeepers Souef, the former foreign minister of Comoros, said he will prioritize the families of soldiers killed in Somalia for compensation, as some have not yet been recognized “because of a lack of funds.” The Somali government also paid tribute to the sacrifices of AU peacekeepers. Hussein Sheikh-Ali, the national security adviser to the president of Somalia, stated, “The Somali people are in their debt,” and expressed gratitude for their assistance in liberating and protecting territories. Continued efforts to combat Al-Shabab AU forces, alongside Somali troops, successfully expelled al-Shabab militants from Mogadishu in July 2011 and subsequently from all major towns in the country. However, the militants have continued their efforts to unseat the internationally supported government of Somalia, launching complex raids on front-line operating bases and killing hundreds of AU forces. Somali government forces, supported by local fighters, have been conducting military operations since August 2022 and pledged to defeat al-Shabab this year. ATMIS troops from Burundi and Djibouti provided support for the first phase of these operations. Souef described the initiative as “good” and reported that ATMIS supported Somali forces with information, casualty and medical evacuations, and air support using helicopters from Uganda. The second phase of military operations is expected to commence after the holy month of Ramadan, with non-ATMIS troops from Ethiopia, Kenya, and Djibouti participating. The post African Union peacekeeper casualties in Somalia revealed appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Somaliland Amb Delil Kedir Bushra, kaasi oo booqashadiisii koowaad ku yimid Maxkamadda Sare. Ujeedada booqashadan ayaa daarnayd is-barasho maadaama safiirku ku cusub yahay safaaradda iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dawladood ay wadaagaan, gaar ahaan wada shaqaynta baaxada leh ee ka dhaxaysa Garsoorka labada dal, waxaanay Guddoomiyaha iyo safiirku hoosta ka xarriiqeen sida ay muhiimka u tahay joogteynta iskaashigaasi soo jireenka ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, Mudane Xamza Cabdi Bare. Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaaraha oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac. Inta badan shirka golaha wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray dagaalka Al-Shabaab iyo wada shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed dalka. Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay qorshaha xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab iyo kuwa haatan la xoreyn doono. Golaha ayaa sidoo kale.diiradda saaray adeegyada guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii gaaray deegaanadaasi. Ra’iisul Wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa.sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa farriin guud u diray ciidamada qalabka sida oo shalay uun u dabaal-degay xuska 63 guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Xoogga dalka, wuxuuna ku booriyay inay halganka sii wadaan. Dhanka kale, kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-Shabaab. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray. The post Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay laba qodob appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Hodan ayaa ka hadlay amniga guud ee caasimada. Guddoomiye Madaale ayaa soo saaray amar culus oo la xiriiro sugidda amniga Muqdisho, kaas oo saameynaya mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hubka ku dhex qaata gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen hubka culus, isaga oo sheegay in ciddii lagu arko laga qaadi doono tallaabo adag. Sidoo kale waxa uu si gaar ah u faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka inay u hoggaansamaaan amarkaan, isla-arkaana ay digtoonaadaan waxyaabahaasi. ”Hub culus magaaladan laguma dhex qaadan karo amar waa qaadasho guddoomiyeyaasha degmooyinka haka digtoonaadaano” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale. Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howlgallada ka wada xaafadaha Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab, loona soo qabto burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis Militaar ah oo dhowaan lagu soo tababaray waddanka Uganda. Si kastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii amar guud oo kan ka sarreeya uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada faray inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan gaari kasta oo xoog ku mara baraha koontarool, sidoo kalena ay xakameeyaan hubka waa weyn. The post Madaale oo soo saaray amar saameynaya mas’uuliyiin badan oo ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha Ururka 9-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada uu xukumo ee ku sugan jiidda hore dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe. Taliye Hurdaaye ayaa khudbadiisa kusoo hadal sheeko cajiib ah oo ku saabsan nin uu sheegay inuu is qarixin rabay, balse ugu dambeyn gacanta lagu dhigay. Waxa uu tilmaamay in marka la qabtay la weydiiyay inuu dukado salaaddda, balse uu sheegay in uusan dukan, isla-markaana uu jecel yahay. “Nin is qarxinaayo oo baabuur meel ku qarxinayay oo u qarxi diiday meelaa ku dhigtay Salaadda ma dukataa ayaa la yiri waa jecel yahay ayuu dhahay. Salaadda ma dukadee muxuu kuugu dili rabaa” ayuu yiri taliyaha ururka 9-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor. Sidoo kale taliyaha ayaa kula dardamay ciidamada cabsida Alle iyo inay dukadaan salaaddda lagu waajib yeelay. “Salaadda Rabi tuko si aad u noqto qof ahlu Janno ah. Qalbi cugan la imaada oo Diinta ku qaadataan waxaa la yiri cilmi haddii lagu sheego caqligaaga u kaasho,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu ciidanka uga digay isticmaalka waxyaaba maanka dooriya, isaga oo kula dardaamay inay iska daayaan balwadda, maadaama ay yihiin dhalinyaro. “Waxaa idin sheegaa baahashaas hala’iska dhaafo dadka caba oo ciidanka mid ah ha iska daayeen haddii ay cabaan,” ayuu markale yiri taliyuhu. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka ayaa inta badan la siiyaa wacyi-gelin guud, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo tan waajibka ku ah. The post Daawo: Nin is-qarxin rabay ayaa la weydiiyay salaadda ma dukataa? + Jawaabta appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay dowladdiisa ay ka go’an tahay ka midho dhalinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalkan ayuu safiirku ku sheegay kulan khadka taleefonka ah oo uu la yeeshay ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Aarrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled. Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay ahmiyadda iyo xoojinta Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii mustaqbalka dhow guul looga gaadhi lahaa wada hadalka. Danjiraha Maraykanka ayaa muujiyay taageero iyo garab istaag ergayga, asagoona tilmaamay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay ka midha-dhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay soo dhoweysay magacaabidda ergayga cusub, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inuu yahay nin hoggaamin kara wada hadalada oo xog ogaal ah. Source
-
Hay’adaha Amniga ayaa aqoonsaday ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso sida ku cad warbixin uu daabacay Booliska Puntland. ” Hay’adaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan” ayaa lagu yiri Warbixinta. Halkaan ka akhriso Warbixinta oo dhan Bosaaso: 13 Apr 2023:Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire oo ka qayb galay shirka amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan looga hadlay howlgadii amni ugu danbeeyay ee lagasameeyay Gobolka Bari. Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Bari,Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka,Duqa degmada boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabadsugida,wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo saraakiil kale. Shirka ayaa laga soosaaray qodobadan hoos ku xusan. 1. Guddiga Amniga marka hore wuxuu ka tacsiyeynayaa, xanuunka la qaybsaneynaa qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee ku shahiiday falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada Boosaso taariikhdu markey ahayd 5 th April, 2023, sidoo kale waxaan xanuunka la qaybsaneynaa guud ahaan ganacsatada gaar ahaan maamulka, mulkiilayaasha iyo shaqaalaha Shirkadda ganacsiga Al-macruuf oo argagixisadu ay xoolahoodii gubtay falkaas oo ahaa fal ku cusub deegaanada Puntland laguna banaystay dhiiga iyo maalka Muwaadiniin Soomaaliyeed. 2. Guddiga Amniga Dawladda Puntland wuxuu dardargalin iyo xoojin amino ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso. 3. Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan. 4. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda. 5. Gudsiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada. 6. Guddiga Amnigu wuxuu ogaysiinayaa Shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha danabaysan (electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay muwaadiniinta u furayaa lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen argagixisada. 7. Hay’adaha Amniga Puntland waxay diyaar u yihiin iney si dhow u la shaqeeyaan shacabka, kana qaataan wixii xog amni ah ay soo gudbiyaan, shacabka waxaa laga codsanayaa iney kor u qaadaan heerka feejignaanta, xiriirka iyo wadashaqaynta ay la leeyihiin Hay’addaha amniga Puntland. The post Puntland oo aqoonsatay ciddii ka danbaysay weerarkii Al-Macruuf Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Alle haw naxariistee hooyo 7 caruura haysayay xaamilana ahayd laguna magacaabo Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa abaaro 2:00 habeenimo ku geeriyootay Musqul la duntay,Ciidanka Dab-demiska Hargeysa markii Qaylo dhaantaa la soo gaadhsiiyay si degdega ayuu ciidanku u gaadhay goobtaas, waxaana maydka uu ka soo saaray Musqusha.Gabadha ayaa Quustay musqusha oo buuxday, sidoo kale waxaa iyaduna ku duntay sabbadii. Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib Meydka ku wareejiyay ciidanka Dambi baadhista ee CID da. Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay. Source
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA, Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex. Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafin iyo isku laab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
