Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisulwasaaraha dalka Hindia Narendra Modi ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo sabab u aheyd shilkii Train ee ka dhacay gobolka Desha ee dalkaasi, shilkaas waxaa uu ahaa midkii ugu khasaaraha badanaa, isaga oo intaas ku daray in la ciqaabayo cidii ku lug yeelata. Ugu yaraan 288 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 800 oo kalena way ku dhaawacmeen shil Jimcihii ka dhacay gobolka Odisha, kadib markii laba tareen oo rakaab ah iyo tareen alaab sida oo ay isku dhaceen, taas oo dhalisay khasaare xooggan oo soo gaaray tiro dad ah oo Rakaab ah. Ra’iisulwasaaraha oo wareysi TV-ga dalkaasi ayaa ballan qaaday “in tallaabo adag” laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo shilkii tareen ee ay ku dhinteen 288 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 900 oo ka dhacay bariga Hindiya, waxaana uu noqday shilkii ugu khasaaraha badanaa. Modi ayaa booqday goobta shilku ka dhacay ee gobolka Odisha Sabtidii, Juun 3, wuxuuna aaday isbitaal si uu ula kulmo dhaawacyada. Warbixin horudhac ah ayaa sheegtay in cilad ku timid mid kamid ah Trainnada ay sabab u aheyd shilka oo ay isku dhaceen sedex Train oo isku wado ahaa. Markii ay soo idlaatay baadigoobka dadka badbaaday, waxaa soo baxay dhambaalo tacsi ah oo ka imaanayay madaxda caalamka oo uu ku jiro madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxay u muuqataa inay tahay masiibadii ugu xumayd ee tareenada Hindiya tan iyo 1995, markii laba tareen ay isku dhaceen meel u dhow New Delhi, oo ay ku dhinteen 350. Shilkaan Train ee ka dhacay Hindiya ayaa lagu tilmaamaa midkii ugu khasaaraha badanaa tan iyo sanadkii 1995-kii wallow uu ka dhimasho yaraa hadana waxaa aad u badnaa dhaawaca ka dhashay shilkii dhacay maalintii Jimcaha, waxaana dhaawac uu soo gaaray in ka badan 900 oo ruux, halka ay geeriyoodeen 300 ruux, taas oo ka dhigeysa kii labaad ee ugu dhimayasga badanaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Abdirahman Odowaa:” Either we as MPs need not be affected directly by the motion we are going to discuss to be able to look at it objectively or we should leave discussions to the bicameral committee tasked with discussing proposed amendments to the Draft Constitution.” Mogadishu (PP News) — Abdirahman Mohamed Hussein (Odowaa), a Somali MP, and one-time ally of President Hassan Sheikh Mohamud, yesterday expressed dismay over efforts to submit a bicameral motion on making amendments to the Draft Constitution to expedite controversial resolutions passed by the National Consultative Council. “The motion submitted to the Lower House has a major flaw. We are involved in it in the sense that it is about term extension for the legislature. It is a conflict of interest. Either we as MPs need not be affected directly by the motion we are going to discuss to be able to look at it objectively or we should leave discussions to the bicameral committee tasked with discussing proposed amendments to the Draft Constitution” said Abdirahman. The legislative hurdle to which the MP has drawn attention has proved a formidable setback for President Mohamud who celebrated his first anniversary in office since his election as President on 15 May 2022. Mohamed Hassan Haad:”President Mohamud will have cut his four year term short if he presses on with the proposed unconstitutional term extension.” Last week, members of the National Consultative Council proposed sweeping changes to the system of government ranging from the elimination of the Office of the Prime Minister to introduce a presidential system modelled on the pre-1991 military regime’s first fifteen years of reign to term extension for the executive and legislative branches. Meanwhile, Mohamed Hassan Haad, a traditional leader. urged MPs not to vote on any motion on term extension for the President or the bicameral legislature. “President Mohamud will have cut his four year term short if he presses on with the proposed unconstitutional term extension” said Haad. © Puntland Post, 2023 The post A Somali Federal MP Sees Conflict of Interest in “Term Extension” Motion appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed Sabtidii ka dhacay duleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed. Dagaalkan oo lagu hoobtay ayaa dhex-maray maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug oo ah kuwa daris ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaaa agagaarka Afbarwaaqo. Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo labada dhinac ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhanka maamulkabPuntland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaal culus oo foolka fool ah uu ka qarxay goobta, isla-markaana si weyn looga dareemay halkaasi “Run ahaantii marka la fiiriyo waxay labada maleeshiyo kasoo lala jeedaan Puntland iyo Galmudug, kuwa duulaanka soo qaaday waa reer Puntland” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka Mudug. Gobolkan ayaa waxaa kusoo noq noqday, dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku wada sugan Mudug oo ay ka wada arrimayaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug. The post Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  5. Recep Tayyip Erdoğan ayaa loo caleemo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Turkiga oo dhowaan uu ku guuleystay doorashadii wareega labaad ee ka dhacday dalkaas, iyadoo ay ka soo qeyb galeen munaasabadda madax kale duwan oo lagu casuumay, kuwaas oo isugu tagay Qasriga Baarlamaanka ee magaalada Ankara. Madaxweynahaayaa sidoo kale loo dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalkaasi, kadib markii uu ku guuleystay 28-kii bisha May doorasho taariikhi ah oo ku celiska ahayd, si uu ugu kordhiyo shan sano oo dheeri ah muddada xilkiisa waxaana Erdoğan noqonayaa mid taariikh ka sameeyay dalkaas, isaga oo xafiiska joogay muddo 20 sano ah. “Anigu, ka madaxweyne ahaan, waxaan ku dhaaranayaa sharaftayda iyo karaamadayda hortiisa qaranka weyn ee Turkiga iyo taariikhda si aan u ilaaliyo jiritaanka iyo madax-bannaanida dawladda, waxaan qaabili doonnaa dhammaan 85 milyan oo qof [dalka] iyada oo aan loo eegin aragtidooda siyaasadeed” ayuu yiri isaga hadlayay. Caleemo-saarka Sabtidii ka dib ayaa munaasabad waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee caasimadda dalka aad u heersareysa oo ay ka soo qeyb galeen tobanaan ka mid ah madaxda caalamka. Hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Turkiga ayaa wajahaya caqabado diblumaasiyadeed oo aad u badan iyo dhinayada reer Galbeedka. Hoggamiyaha isbadal doonka ah ee Turkiga ayaa 28-kii May ku guuleystey wareegii labaad ee doorashada, xilli ay isbaheysiga mucaaradka ah guuldarro la hoydeen,waxaa ka jirto dhibaato dhaqaale iyo dhaleecayn ka dhalatay Dhulgariirkii sida ba’an u saameeyay bishii February 2023, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo ruux. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa markiilabaad oo xiriir ah waxaa loo caleemo saaray madaxweynaha dalkaas, waxaana muddo 20 sano ah uu joogay xafiiska ugu sareeya dalkaasi uu wax badan ka qabtay dhinacyada dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalkaasi, isaga oo hirgeliyay mashaariic lagu hormarined. Source: goobjoog.com
  6. Muuqaal saacadihii u danbeeyay ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya koox tacaddi ka baxsan banii’aadanimada ku samaynaya qoys Soomaaliyeed oo sida la xaqiijinayo ku nool magaalada Boosaaso. Kooxda ayaa xilli habeen ah gurigooda ugu daatay qoyskan danyarta ah oo hurday islamarkaana wiil yar oo u muuqda mid aan qaan-gaarin cag madaxa ka saaraya waxaana ay qoyska ugu hanjabayaan in ay nolosha ku gubi doonaan. Muuqaalka ayaa laga arkaya kooxda oo si adag u handadaya hooyada iyo aabbaha qoyska uguna hanjabaya in ay dhammaantood gubi doonaan haddii aysan cayda joojin gabar ay dhaleen oo qurbaha ku sugan. Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadan waxaase noo xaqiijiyay in ay jirto dad kala duwan oo lagu kalsoon yahay warkooda oo qaarkood ku sugan yihiin Boosaaso. PUNTLAND POST The post Qoys ku nool Boosaaso oo lagu sameeyay tacaddi ka baxsan banii’aadanimada appeared first on Puntland Post.
  7. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Turkiga ayaa ka qayb-qalay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas, Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas. Sidoo kale waxa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan. Waxaa kale oo uu u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah. Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay Erdogan ayaa la yeeshay wada-hadal gaar ah, kadib guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi. Labada madaxweyne ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal. Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga. Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay. Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka. ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: Turkish President Recep Tayyip Erdogan gives a speech during his inauguration ceremony at the Presidential Complex in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Murat Kula – Anadolu Agency ) Cumhurbaşkanı Recep Tayyip Erdoğan’ın, Cumhurbaşkanlığı Külliyesi’nde düzenlenen “Göreve Başlama Töreni”nine iştirak eden katılımcıları Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu karşıladı. ( Emin Sansar – Anadolu Ajansı ) ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: A general view of guests as they attend a dinner at Cankaya Mansion after the inauguration ceremony of the Turkish President Recep Tayyip Erdogan in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Mustafa Kamacı – Anadolu Agency )The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay caleema saarka Erdogan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale ka hadlay weerarkii xooganaa ee todobaad ka hor lagu qaaday saldhig ay ciidankiisa ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari. Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaaciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay weerarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida Weerarkii Buulo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa ka mid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarka ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo-Mareer. Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab. “Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni. Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”. The post Museveni oo shaaciyay tirada askarta looga dilay weerarkii Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.
  9. Dhusamareb (HOL) - The Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Anita Kiki Gbeho, along with Galmudug's President Ahmed Abdi Karie QoorQoor, took part in the groundbreaking ceremony for the new UN office in the administrative capital of Galmudug state. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud attended the inauguration ceremony of Turkey's newly re-elected President, Recep Tayyip Erdogan, on Saturday, where he congratulated President Erdogan, his party, and his political alliance for their historic victory in Turkey's national elections. Source: Hiiraan Online
  11. Wembley, London CNN — Perfection can come in many forms and be interpreted in different ways. Manchester City has produced more polished performances under Pep Guardiola this season. There have been matches where the team has scored more and created more – yet City’s ability to dominate its opponent, to do enough to win when it matters is as perfect as it gets on a soccer pitch. It is why this team continues to chase history this season. Source: Hiiraan Online
  12. KAMPALA, June 4 (Reuters) - Uganda's President Yoweri Museveni said on Saturday that 54 Ugandan peacekeepers were killed in an attack last week by militant group al Shabaab on a military base in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has been sworn in as head of state after winning an historic run-off election to extend his two-decade rule for another five years. Source: Hiiraan Online
  14. Ankara (Caasimada Online) – Hantida madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo xaaskiisa Aamina Erdoğan ay soo bandhigeen doorashada ku celiska ah ka hor ayaa sidaan ahayd. Lamaanaha waxay leeyihiin dhul dhan 2 kun oo mitir oo laba jibbaaran oo 1988 ka gateen tuulada Dumankaya ee Güneysu, Rize, iyo guri ku yaal degmada Kısıklı ee Üsküdar. Istanbul waxay ku leeyihiin laba saami oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 7 milyan iyo 695 kun oo Lira kaas oo ay gateen 2019. Ku dhawaaqista hantida ayaa sidoo kale lagu sheegay in Erdogan iyo xaaskiisa ay heystaan 1 milyan 884 kun iyo 878 Lira, balse Mustafa Erdogan lagu leeyahay 5 milyan 390 kun oo Lira. Maxaad ka taqaanaa Erdogan, madaxeweynaha mar waddooyinka ku iibin jiray rooti? Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul. Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981. Aabbihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada. Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro. Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda. Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto. Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco. Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul. Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida. Isha: BBC The post Liiska hantida madaxweyne Erdogan oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa gadaal ka riixeysa dadaalo dib loogu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya, taas oo aad mooddo in Dowladda Federaalka ay la dhacsan tahay. Ruushka ayaa sheegay inuu doonayo in uu Soomaaliya ka taageeo la dagaalanka kooxaha argagixisada, si dib loogu soo celiyo xasilloonidii iyo amnigii dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo weliba dhanka saadka ee ciidamada. Wasiirka oo socdaal ku maraya Afrikada Bari ayaa sheegay in ay Muqdisho ka taageeri doonaan, sidii ay dalka uga ciribtiri laheyd kooxaha argagixisada. Wasiir Lavrov ayaa toddobaadkii hore Caasimadda Moscow ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xiriirka labada dal iyo sidii dib loogu hagaajin lahaa. Lavrov ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, isla-markaana ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo xiriirkoodii ku aaddanaa iskaashiga labada dhinac. Illaa iyo hadda Dowladda Federaalka kama aanay hadlin soo jeedinta Ruushka, ee ah in uu diyaar u yahay in Soomaaliya ku garab-siiyo, sidii ay u soo afjari laheyd kooxaha hubeysan ee ka biyo diidan jiritaanka Dowladnimada Soomaaliyeed. Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dowladdiisa ayaa wadday dadaalo ay taageero ugu raadineyso dagaalkan ay kula jirto kooxaha dagaalka kala soo horjeeda. Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha Xukuumadda iyo kan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxaa yaala dokumentiyo muujinaya in Villa Somalia ay daneynayso in dib loo soo celiyo xiriirkii Ruushka, inkastoo dowladda aysan weli si rasmi ah u caddeyn falcelinteeda ku aaddan soo jeedinta Ruushka, waxayse su’aal ka taagan tahay, sida Villa Somalia isugu wadi karto Ruushka iyo Mareykanka, oo siyaasad ahaan ku sii kala fogaaday colaadda Ukraine. Mid ka mid ah Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in Ruushka uu daba-yaaqadii bishii May u soo jeediyay Soomaaliya in uu ka taageero qalabka ciidamada iyo dagaalka ay qorsheysay in ay xididada ugu siibto kooxaha Islaamiyiinta. Sidoo kale waxa uu sheegay wafdiga Wasiir Huruuse ee Moscow kula kulmay Wasiir Lavrov ay ka codsadeen in Ruushku uu codkiisu siiyo, marka xigta ee Golaha Ammaanka uu codka u qaadayo soo jeedinta Soomaaliya, ee ah in cunaqabateynta hubka ee saaran laga qaado. Dalal ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha ayaa bishii November ka aamusay codbixintii Golaha Ammaanka ee la xiriirtay, haddii xayiraadda hubka laga qaadayo Soomaaliya iyo haddii kaleba, markaas oo Dowladda Federaalka ay dalbaneysay inay galaangal u yeelato in ay dibadda ka soo iibsan karto hub casri ah, si loogu dardargeliyo dagaalka ay damacsan tahay inay kaga adkaato kooxaha argagixisada. Mareykanka, Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa xilligaasi taageeray in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomasliya, iyagoona muujiyay inaanan la gaarin xilligii xayiraddaasi laga qaadi lahaa. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyntaasi ku soo rogay Soomaaliya sanadkii 1992-kii, xilligaas oo dalku uu ka socday dagaal sokeeye, inkastoo xayiraadda hubka la dabciyay sanadkii 2013, si Ciidamada Qaranka looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, oo loo arkay khatarta ugu weyn ee ka jirta Qaaradda Afrika. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay daba-yaaqada bisha July ku kulmaan Magaalada St. Petersburg, oo lagu wado in uu ka furmo shirka Ruushka iyo Afrika. Shirka ayaana socon doono inta u dhaxeyso 26–29 bishaasi. Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, walow ay labada dal kala fogaadeen, intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka weynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasna waxay keentay in Soomaaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka. The post Xog: Qorshaha billowga ah ee dib u soo celinta xiriirkii Soomaaliya iyo Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  16. Sareeyo guuto Saleebaan bare geesood oo wata gaadid iyo ciidan ayaa kasoo goostay Somaliland. Sarkaalkan kasoo jeeda SSC ayaa ahaa ku xigeenka Nuux taani, balse atintan ayaa kusoo beegsamaysa iydoo bilihii udanbeeyey ay Somaliland kasoo goosanayeen saraakiil ciidan iyo gaadid kuwaasi oo kamid noqonaya ciidanka SSC. Sarkaalkan ayaa sidoo kale ahaa kan ugu darajada sareeya saraakiisha kasoo jeeda SSC ee Somalialnd ka tirsanaa. Qaran News
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu ansaxiyay degmooyin cusub oo ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee maamulkaas. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka HirShabeelle ayaa maanta golaha hor keentay hindise sharciyeedka degmooyin loogu aqoonsanayo deegaanno dhowr ah. Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay deegaanadaasi soo buuxiyeen shuruudihii degmo-nimo. Deegaanada ay wasaaradda arrimaha gudaha HirShabeelle u diyaarineyso inay degmooyin noqdaan waxaa ka mid ah Moqokori. Masaajid Cali-Gaduud, Raaga-Ceelle, Buurweyn, Buq-aqable iyo Xawaadley. Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirrada HirShabeelle ayaa cod aqlabiyad ah maanta ku ansixiyay degmooyinkaas. Waa degmooyinkii ugu badnaa ee HirShabeelle ay aqoonsaneyso hal mar, waxaana hadda loo gudbinayaa baarlamaanka maamulkaas, si ay u ansixiyaan. Dowlad goboleedyada dalka ayaa awood dastuuri ah u leh inay qiimeeyaan oo degmo u aqoonsadaan deegaanada soo koraya ee dalka. Inta badan dowlad goboleedyada dalka ayaa horay degmooyin u aqoonsaday deegaano la aas-aasay intii Soomaaliya ay ku jirtay burburka. Waa markii ugu horeysay oo HirShabeelle ay miiska soo saarto ansixinta degmooyin cusub oo ku biiraya degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle. The post Lix DEGMO oo cusub oo kusoo biiray HirShabeelle appeared first on Caasimada Online.
  18. Liiska 10-Dal ee ugu horeeya ee Dadka Ajaanibka ah ee ku nool Dalka Sacuudi Carabiya ka soo jeedaan+Tirada Dal walba Country-wise expat population in Saudi Arabia . ➪Bangladeshi : 2.1 million. ➪Indian : 1.9 million. ➪Pakistanis : 1.8 million. ➪Yemeni : 1.8 million. ➪Egyptian : 1.5 million. ➪Sudani : 819K. ➪Philippines : 726K. ➪Syrians : 449K. ➪Nepalese : 298K. ➪Jordanian : 204K. Qaran News
  19. Iska hor imaadyo hubaysan ayaa Sabtidii laba beelood ku dhexmaray bariga Gobolka Mudug. Labada beelood ayaa ku dagaallamay dhulka ku magac dheer Golol gaar ahaanna miyiga u dhexeeya Towfiiq iyo Af-Barwaaqo. Ugu yaraan 7 ruux oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay halka ay jiraan dhaawacyo kala duwan. Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay ayaa saaka deggan inkastoo aysan ilaa iyo hadda muuqan cid kala dhex gashay dhinacyada dagaallamay. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay bariga Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. Gaarisa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kadib bayaan rasmi ah oo ka soo baxay maanta. Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in 1-da bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa. Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ka dhacay Gaarisa ayaa sheegay in la furi doono isku socodka shucuubta Soomaaliya iyo Kenya. “Xadka ayaa la furayaa, seddax jeer ayaan la kulmay madaxweynaha Kenya waxaan kala hadlay in la furo isku socodka shacabka labada dal, nabad geliyada Kenya waxaa la sugi karaa markii xuduuda la furo, sidoo kale wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iga balan qaaday in la furi doono xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya. Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo maamullada gobollada waqooyiga dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hortegayo weerarrada argagixiso ee Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaas. “Dowladdu waxay ku bixineysaa la dagaalanka Al-Shabaab 20 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah, si ciidamadu ay u helaan adeegyada ka saamixi kara inay si buuxda u sugaan amniga muwaadiniinta Kenyaanka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo dhamaadeen waayihii ay Al-Shabaab dili jireen muwaadiniinta Kenyaanka ah oo ciidamada qaranka Kenya ay beegsa jireen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya. Saraakiisha ugu sareysa dhinaca amniga ee dalka Kenya waa Soomaaliya ka soo jeeda gobollada NFD ee Soomaalida Kenya, waxayna hadda masuuliyiinta Soomaalida ah ka shaqeynayaan in dib loo furo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxay siyaasiyiinta metesha Soomaalida Kenya ka shaqeynayaan in dib loo furo xaruntii bixinta baasaboorka dalka Kenya ee magaalada Gaarisa iyo xuduuda labada dal oo u go’an cabsida laga qabo weerarrada Al-Shabaab. The post Kenya oo shaacisay lacag badan oo ay ku bixineyso la dagaalanka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Erdogan oo loo dhigey munaasibaddii ugu meeqaamka saraysey ee Madaxweyne Turki ahi xilka kula wareego. iyada oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday 81 waddan oo caalamka ah [ Somali ay ku jirto]. “Qarnigii Turkiga ayaa bilowday, waxaana la furay albaabada kobaca dalkeena” – Ayuu yidhi Erdogan oo sheegay in uusan ilaawi doonin taageerada baaxada leh ee doorashadii uu ku soo baxay dadweynaha ay u muujiyeen 28-dii bishan May. “Waxaan qaabili doonnaa dhammaan 85 milyan oo qof (dalka), iyadoon loo eegayn aragtidooda siyaasadeed, asalkooda, ama kooxahooda,” ayuu Erdogan ballan qaaday. Wuxuu sheegay in 85 milyan oo muwaadiniin ah ay u baahan yihiin in la isku daro,maadaama waddanku u baahan yahay midnimo iyo wadajir hadda in ka badan sidii hore. “Sida aan wadnay 21-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan rajaynaynaa in aanu mid mid u fulin doono balan qaadyadeena,” ayuu yidhi, isaga oo ka hadlayay doorashadii November 2002, ee xisbigiisa AK ku qabsaday xafiiska. “Waxaan sii wadi doonaa horumarinta dalkeena iyadoo la adeegsanayo maalgashiga, shaqo abuurka, wax soo saarka iyo dhoofinta, waxaa naga go’an inaan dhaqan gelino mabda’a Ghazi Mustafa Kemal (Ataturk) ee ah ‘Nabadda guriga, Nabadda adduunka.” Erdogan ayaa sidoo kale wacad ku maray in uu si daacadnimo leh uga shaqayn doono shanta sano ee soo socota si loo maamuuso Turkiga. “Waxaan balan qaadaynaa in aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn sharafta iyo karaamada Jamhuuriyadda Turkiga, korna loogu qaadi lahaa sumcadeeda, iyo in aan magaceeda ku weyneyno caalamka muddo shan sano ah” ayuu sii raaciyay. Inta uu ku jiray hadal jeedinta, waxaa dhiciisa taagnaa hoggaamiyaasha diimaha iyo xubno ka mid ah qoyskiisa. Wuxuu sheegay inuu magacaabi doona Golaha wasiirrada, iyadoo uu goobta ka sheegay shirka u horreeya ee Golaha wasiirrada inuu guddoomin doono maalinta Talaadada. Geesta kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan Qaran News
  22. 𝗛𝗮𝗸𝗮𝗻 𝗙𝗶𝗱𝗮𝗻 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗮𝗵𝗮 𝘂𝘂 𝘄𝗮𝘅 𝗸𝘂 𝗮𝗿𝗸𝗼 𝗘𝗿𝗱𝗼𝗴𝗮𝗻 Wixii caawa ka dambeeya, waxay dunidda maqli doontaa codka Hakan Fidan, oo Madaxweyne Erdogan uu caawa u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda. Si la mid ah sawirradiisa ayaa la heli doonaa, ma jirin sawirro badan oo laga arki jiray. shaqsiyaad arrimaha dibadda ku shaqo leh ayaa sidoo kale u helayaa fursad ay kula hadlaan. Waxaa dhow surtagalnimada baraha bulshada inuu ku soo biiro! Xilli waqti horaba dadweynaha Turkiga ay soo dhaweeyeen magacaabiistiisa, waxay u arkaan ninka beddelaya Erdogan. Hakan Fidan, waqti dhow wuxuu ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee magacyadiisa mar walba lagu arki jiray xarumaha sirdoonka reer galbeedka, meelaha qaar ee galbeedka, xata wuxuu ahaa qof uga khatar badan Erdogan oo uu yahay gacantiisa middig, ficillo iyo aragtiyo uu leeyahay ayaa sidoo kale la aaminsanyahay inay fursad u siisay Erdogan inuu muddo dheer xafiiska joogo. Horumarrada sirdoonka iyo ciidan ee Turkiga , waa qasab inad ku soo dartid, maaddama fikradihiisa ay u yihiin waddo ay ku socdaan iyo iftiinka mugdiga ka gudbiya. Waa 55 jir ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Ankara. Markii u horreysay ee garabkiisa uu suray astaan qaran iyo calanka Turkiga waxay ahayd 1986, markaa oo uu ciidammada qaranka Turkiga ku biiray. Fidan waxa uu hagayay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga laga soo billaabo 25 ,May 2010 illaa 7 February 2015 markaas oo uu iska casilay xilkiisa si uu ugu sharraxo xubin Baarlamaan, isaga oo ujeedadiisu ahayd in uu matalo AK Party. 9kii Maarso 2015, 30 maalmood ka dib, wuu ka tanaasulay musharraxnimadiisa. Saacado gudahood ayaa dib loogu magacaabay xilkiisa, illaa caawa oo uu noqonayo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Mr Fidan waxaa uu bartay culuumta siyaasadda isaga oo ka qallin-jabiyay Jaamacadda Maryland University College. Qaran News
  23. Dadka hubaysan ee isticmaalaya maandooriyaha khamriga ayaa sida la soo werinayo xilliyada habeenkii ah khatar amni ku haya shacabka magaalada Garoowe. Xaafadaha kala duwan ee Garoowe ayaa laga soo sheegaya kooxo hubaysan oo habeenkii khamriga ku cabba laamiyada islamarkaana ridaya rasaas aan loo meel deyin. Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in marar qaarkood kooxahan iyo laamaha amniga ay isku dhacyo hubaysan oo khasaare sababa ku dhex maraan xaafadaha Garoowe. Mas’uuliyiinta dowladda iyo waxgaradka magaalada midna weli kama hadlin dhacdooyinkan halista ah ee ku soo noq-noqanaya caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Kooxaha hubaysan ee isticmaala maandooriyaha Khamriga oo khatar amni ku haya Garoowe appeared first on Puntland Post.